Sign in to follow this  
Abwaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Xalay Kormeer ugu Kuurgalayey Qaabka Ammaan ee Muqdisho iyo Habeenkii

Recommended Posts

Somalina   

Habeen barkii miyuu meereysi bilaabey Madexweynaha? raggeedii waaye wallee.

---------

 

Inta badan Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir oo xilka laga qaaday

 

Taliyeyaasha xilalka laga qaadey, darajooyinkoodana laga rifey waxay ka kala talinayeen degmooyinka: Huriwaa, Yaaqshid, Wardhiigley, Hawl-Wadaag, Dayniile iyo Hodan.

 

Jowhar warkeeda.

 

----------

 

Ama muuqo ama maqnoow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Mooge;807534 wrote:
he thought he could sneak out when alshabaab is sleeping. fulaysanaa macalinka. lol

loool....Waa billaabatay. Anigu fulay waxaan dhihi lahaa ragga screen-ka gadaashiisa wax ka dhaleecaynaya ee aan sida Madaxweynaha iyo dadka Soomaaliya ka dhex shaqeeya sidaas habeen iyo maalin ugu taagnayn in Dalku soo hagaago.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Samafal;807496 wrote:
Ciidamada amaa iyagaa dhexdooda lagu jiraa intay meel kale wax ka raadinayaan.

 

Dhibka ugu Badan wuxuu ka imaanayaa askartaan dharka kala duwan xiran. Umada magaladaas ka dhib sheeka naayey

rag xirin Isku dhar ciidamada tfg . Shiek sharif he can't walk five minute away from his villa but his trying to prove

appoint.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Arbaco, Maarso 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay saqdii dhexe booqaday isgoysyada magaalada Muqdisho qaarkood, halkaasoo ay ku yaallaan fariisimo ay ku sugan yihiin ciidamada DKMG ah.

 

Booqashadan ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinayay xubno uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/samad Xasan Faarax, iyadoo la sheegay inay ahayd mid loogu kuur-galayay qaabka sugidda ammaanka Muqdisho.

 

Isogysyada uu booqday waxaa ka mid ahaa: isgoyska Howlwadaag, isgoyska Cali Kamiin, isgoyska Fagax, isgoyska Sanca, isgoyska Afarta Jardiino, isgoyska Siinaay iyo Warshadii Baastada.

 

Madaxweynaha aya wuxuu warbixinno ka dhageystay saraakiisha ciidamada ee ku sugnaa isgoysyada uu booqday, kuwaasoo xalay ka dhigay ciidammo fara badan si ay uga hortagaan duqeymo iyo weerarro labadii habeen ee ugu dambeeyay ka dhacayay Muqdisho.

 

Weerarrada ayaa waxaa mas'uuliyadooda sheegatay Xarakada Al-shabaab iyadoo askarta la dhigay isgoysyada uu xalay madaxweynuhu booqday ay ahaayeen kuwo ay go'aan ku gaareen guddiga ammaanka Qaranka oo shalay gallinkii dambe kulan yeeshay.

 

Sharif2.jpg

 

Sheekh Shariif ayaa wuxuu ku boorriyay askartii uu kula kulmay isgoysyada Muqdisho qaarkood inay xoojiyaan sugidda ammaanka, isagoo ku ammaanay kaalinta ay uga jiraan in Muqdisho ay noqoto goob ammaan ah.

 

Ma jiro hadal uu madaxweynuhu saxaafadda siiyay, waxaana ay noqonaysaa booqashada tii ugu horreysay oo madxweynaha Soomaaliya uu habeen madow ku tago qaybo mid ah Muqdisho, tan iyo markii xilka loo doortay.

 

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

-----------------------

 

Ragnimo.com iyo bankoor.net.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Taleexi;807736 wrote:
Madaxweynihii galkuu seefta kala baxay ee Maaddeey u sheega.

Maaddeey, Ciyaar-ciyaar iyo Maad buu ku jiraa oo runta ma arko.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

oba hiloowlow;807753 wrote:
Nina bankoorna xaala dhahaa baakoor dheh see camalka!
:)

Mudul ama Mundul. Baakoor ama Bankoor. lol...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this