Sign in to follow this  
Abwaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Xalay Kormeer ugu Kuurgalayey Qaabka Ammaan ee Muqdisho iyo Habeenkii

Recommended Posts

Maaddeey   

Waxaan marag ka ahay in Shariif uu C/lahi Yusuf wax badan ka xunyahay, dadka Yusuf ka soo horjeeday, welina dhaleeceeya, isla markaana Shariif amaana -sida Abwaan- waa daroogeysan yihiin!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

Maadeey-

 

Ii waran ? Dadkaan wee kaa bajinayaan ee iska daa, but word on the street is AY is not feeling well at all ee u soo duceey aboowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

icqvr4.jpg

 

Where is Waldo? My monitor miyaa mise kaligey waxba arkin.

 

Teeda kale Xamar maalin walba lagu wareegaayo would make him more like a duqa magaalada than a 'madaxweyne.' Sababta uu u tagi la yahay degmooyinka iyo magaalooyinka kale sida Beledweyne, Baydhabo, Dhoobley, Luuq iyo kuwa kale ku yaalo Galgaduud la yaabanahay. Cabsi iyo waxee ka tahay ma'ogi.

 

And markuu tago xirooyinka barakacyaasha ee Dhadhaab ayuu kasban doonaa my respect. Intaas dal ayuu u duulay, u dalxiisay and he has yet to visit xirooyinkaas nus milyan Soomaaliyeed ku rafaadsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maaddeey;807790 wrote:
Waxaan marag ka ahay in Shariif uu C/lahi Yusuf wax badan ka xunyahay, dadka Yusuf ka soo horjeeday, welina dhaleeceeya, isla markaana Shariif amaana -sida Abwaan- waa daroogeysan yihiin!.

Iskuulka farsamada miyaa ardey ka ahayd? sceglia il tuo destino markii lagu dhahay waxaa tiri, waxaan noqonaa ooyaayee albaabada Bari ii fura. :D

 

Waxba kuuma harin, guurguuro ee gacmaha taag. Baryo badanaa bisinka iyo bardaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;807451 wrote:

Heesta waddaniga ah ee uu ku luuqaynayo AUN Siciid Mire Xaydar ayaanba caadi ahayn.

sxb Saciid mirre xaydar goormuu geeriyooday??? walaahi waa markii iigu horeeysay aan maqlo sxb. ma hubtaa inuu xijaabtay saciid mirre xaydar??

 

 

codka saciid mirre xaydar haddaan maqlo waxaan xasuustaa my childhood years in xamar walaahi. caleeeek.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

Maaddeey;807797 wrote:
^^Rag adeerkaa aa ahaa 'in a bad way', kan waa jirjirroole, laataacaleesh, munaafaq (kullu balaa'in fiih)

La iskuma hayo AY inuu nin rag ahaa, balse u duceey like I said.

 

Shariifka realized AS were on the wrong side of history and he abandoned them, I understand you do not like the man, and for a good reason. But, in fairness to him, Shariifka came a long way from his 2006 days, it aint easy surviving among wolves in that part of the world.

Share this post


Link to post
Share on other sites

why dont we see al shabaab president( ahmed godane) walking around al shabaab held regions talking to hes soldiers??

 

why not? al shabaab always talk about how good is to die and go the better second life in aakhiro yet al shabaab leaders seems to me they love this earthly life so much they afraid to show their faces.

 

i dont understand that. why ahmed godane afriad to show hes reer waqooyi face??? is he afriad that someone is going to kill him??

according al shabaab if you killed your enamy is the best thing can happen to you because your going to jannah.

 

i see here some kind of contradictions of al shabaab side. their leader wears niqaaab and no one knows how he look like. while

sh shariif president of Somalia can walk in mogadishu streets whit hes body guards but Axmed godane wont show us hes face.

 

mr Godane hides hes face because??

 

war qof ii sheegi karto ma jirtaa cabsida axmed godane uu wajigiisa u qarsado suaasha waxay ku socotaa qaasatan al shabaab supporters

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweyne Shariif oo habeenkii labaad kormeeray saldhigyada ciidamada Muqdisho

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay waxa uu habeenkii labaad kormeer la xiriira sida ay Ciidammada Qalabka Sida u sugayaan ammaanka Caasimadda waxa uu ku sameeyey degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si rasmi ah kormeerka u bilaabay abaare 02:20AM waqtiga Muqdisho waxaana uu Madaxweynuhu kormeerkiisa ka bilaabay degmada Wardhiigleey halkaasi oo uu indha indheeyey qaabka ay Ciidammadu ammaanka u sagayaan ayadoo kadibna uu usii gudbay degmada deriska la’ah ee Boondheere.

 

Isgoysyada uu xalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed socodka ku maray islamarkaana uu saraakiisha ka wareystay qaabka ay waqtigan Ciidammadu waajibaadkooda shaqo u gudanayaan iyo caqabadaha soo wajahay ayaa waxa ay kala yihiin isgoysyada:-Boondheere, Siinaay, Afarta Jardiino, Sanca, Fagax,Towfiiq, Cali Kamiin, Baar Ubax, Black Sea,Tarabuunka,KPP, Bakaaraha, Howlwadaag, Aadan Cadde, Falorensa iyo saldhiga degmada Yaaqshiid oo uu Madaxweynuhu saraakiisha iyo gudoomiyaha degmada oo waqtigaasi saldhiga ku sugnaa wax ka weydiiyey howlahooda shaqo.

IMG_5534.jpg

 

DSC01025.jpg

 

Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo saxaafadda ay su’aallo ku weydiisay qeybo ka mid ah isgoysyada uu kormeerayey ayaa waxaa uu tilmaamay in u jeedada ka dambeysa kormeerkii waqtiga habeenkii uu ku sameynayo Caasimadda ay tahay sidii uu u ogaanlahaa qaabka ay ciidammadu u shaqeeyaan iyo baahidooda waxaana uu xusay in labadii habeen ee lasoo dhaafay uu ku qancay sida ay waajibaadkooda u gudanayaan islamarkaana u sugayaan ammaanka shacabka.

 

DSC01059.jpg

 

Ugu dambeyntii waxa uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku guubaabiyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya inay sii wadaan sida hagar la’aanta ah ee ay shacabkooda ugu shaqeynayaan islamarkaana uu rajeynayo shacabkuna iney ka qeybqaataan sidii nabadan soo bidhaantay loo xoojin lahaa.

 

DSC01016.jpg

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay ay u heyd habeenkii labaad ee sidan oo kale uu gudaha magaalada ka sameeyo kormeer uu ugu kuurgalayo qaabka ay Ciidammadu habeenkii u sugaan ammaanka Caasimadda ayaa waxaa uu soo gabagabeeyey abaare 05:20AM ayadoo kormeerkuna uu kusoo gabagaboobay jawi wanaagsan ayadoo arintanna ay qeyb ka tahay dadaalada uu Madaxweyne Sheekh Shariif ugu jiro in amniga guud ee dalka gacan bir ah lagu qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Somalina;807812 wrote:
Iskuulka farsamada miyaa ardey ka ahayd? sceglia il tuo destino markii lagu dhahay waxaa tiri, waxaan noqonaa
ooyaayee albaabada Bari ii fura.
:D

 

Waxba kuuma harin, guurguuro ee gacmaha taag. Baryo badanaa bisinka iyo bardaha.

Yarta, runta in la sheego ma oohin iyo baryaa?, munaafaqaan wax kasta uu shalay u taagnaa wuu daba-maray, wax kasta uu ka soo horjeedayna wuu sameeyaa hadda.

 

La parolla e biancho? ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Maaddeey, Shariifka ka soo har. He is just doing his favourite sports. patrolling, Haahey. This time it is different. Subac Layl eh iyo Xadro dhafar ah uma socdo, ciyaal gafuuro duub-duuban uu eryanaayaa. Or so he would like us to believe!

 

Kenya ka waran? Qaraxii Baska Nairobi nasiib ma u yeelatay in aad wax ka gallaafato? Waardiye, islaan shaqaale eh, arday, shufeer, wax uun?> Camaliyad barakeysan baa ku dhaaftay ay ila tahay :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^^ Masar aan u soo socdaa, you may need inaad cisaabatak 'il mokhàbaràt' aad la xiriirto. Haaheeyo, go ahead, dial the numbers! ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Maaddeey;807790 wrote:
Waxaan marag ka ahay in Shariif uu C/lahi Yusuf wax badan ka xunyahay, dadka Yusuf ka soo horjeeday, welina dhaleeceeya, isla markaana Shariif amaana -sida Abwaan- waa daroogeysan yihiin!.

loool....Maaddeey.....daroogo aan Al-habaab ahayn ma jirto....adiga weli taadii maadan laqin baan filayaa haddii kale waad is qarxin lahayd...Mise taadu waa hypocracy oo intaad Naivasha iyo Nakuru dalxiis u tagtid oo masawirro iska soo qaadid dabadeedna SOL soo dhigtid ayaad carruur masaakiin ah is qarxiya ugu sacabba-tumaysaa....Unlike you and others oo taageeradoodu kala harin had iyo jeer anigu Shariifka wixii wanaagsan waan ku raacsanahay wixii xun sida Itoobiyaanka iyo dadka aan maamulka aqoon ee dowladdiisa ku jira iyo waxqabad la'aanta meelaha qaarkood waan kaga soo horjeeda, oo cajalad igama dhexdaarna.

I know waxaa adiga ku dhibaya meel aad hoobiyo ka soo tuurto ayaad weysey oo Madaxweyne Shariif iyo ciidanka qaranka Soomaaliyeed baa kaa hor istaagey oo har iyo habeenba shaqaynaya intaas baad Shariif ku nacday ee hakugu taagnaato. Bal markii August dowlad midaan ka sii xoog badan la dhiso xaggee aadi haddii Eebbe idmo? Mise waad ka daba mashxaradi markaas?:D Adiga indhocadde baa ku soo qaban ee ogoow isagaa laguu soo diri, cid kale ha sugin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this