Sign in to follow this  
Liibaan

VIDEOs:Huge Pro-Khaatumo Rallies/Celebrations Held Across Khaatumo State, Somalia Around the World

Recommended Posts

Liibaan   

Las Anod Grand Mosque, Khatumo State of Somalia

 

 

Daawo+Sawiro:Xaflada Balaadhan oo Lagu Xidhayay Dhisme Dhawaanahan Laguwaday Majid Jaamaca Laascaanood, Maamul Goboleedka Khaatumo State of Soomaaliya

 

Xaflada balaadhan oo lagu xidhayay dhisme dhawaanahan laguwaday majidjaamaca Laascaanood dhismahan oo ay gacanata ku hayeen culumada magalada Laascaanood iyo ganacasato isu xilsaartay sidii laao hagaajinlahaa masaajidka.

 

 

 

Dhismahan ayaa waxa uu yahay mid aad uqurax badan oo ay kamuuqato farshaxan aad usareeya oo shirkada Daldhis ay u dhistay waxa uu masaajidakani uu jiraa mudo aad u dheer 1930 baana Rukumada lootaagay waxa halkaas ka aqriyay taariikhda masjidka shiikh cali macalin ee sheegay inuu majidkani soo maray maraaxil kaladuwan maanta lagarabo jiilasha nabadlaya in ay sii wadaan dhismaha masjidka.

 

 

 

waxa isna halkaas kahadalay sheekh axmed maxamed Saleebaan oo sheegay inaan loo dhisin salaad oo kaliaya laakiin loo dhisay sidii loogu baran lahaa Diinata Islaamak waayo waxa uu yahay dadka muslimiinta ah madarisad waxa ayna waxa kabaranayaan masaajidkan una soo doonanayaan barshada diinta islaamka oo muhiim ah in ruux kastaa uu barto diinta islaamka ayaa kamid haa hadaladii shiikha.

 

 

 

waxa isna halakas kahadlay i cali dheere oo kamid ahaa masuuliyiin tii gacanta ku haysay dhismaha majidka oo faah faain dheeri ah halkaasi ka soo jeediyay kuna dheeraadya qiimaha iyo sida ay ukala bexeen sheegayna in masaajidka ayhada u hayaan lacag dhan 500$ Doolar waxa uuna sheegay in masaajid loobaahan yahay la joogteeyo caawimaadiisa.

 

 

 

waxa uu masaajidkani uu magaalada Laascaanood ku soo kordhiyay qiimo aad uwayn waxa uuna kaalin wayn kaqaadana yaa siidii kor looguqaadilahaa barshada diinta islaamka iyo aqoonta dadka dhamaan shacabka ku nool magalada Laascaanood ayaa waxa si farxadi ku dheehan tahay u soo dhaweeyeen dhamaystirka majidjaamaca Laascaanood oo ay illaah ogamahad celiyeen dadkii muxsiniinta ahaa ee kaqayb qaatay dhismaha masjidjaamaca laascaanood waxa ayna sheegeen in tusaale fiican u tahay dadka deegaandan daga sidii ay islukaashan lahaayeen horumar kood iyo wax kaqabashada deegaanadan

CabdiKariim Olol

 

Laascaanood/Khaatumo State

 

 

DSCN0600-550x412.jpg

DSCN0601-550x412.jpg

Las Anod Grand Mosque, Khatumo State of Somalia

DSC067232.jpg

DSC067221.jpg

Las Anod Grand Mosque, Khatumo State of Somalia

DSC067301.jpg

DSC067272.jpg

 

Las Anod Grand Mosque, Khatumo State of Somalia

DSC067261.jpg

DSC067273.jpg

DSC067242.jpg

Las Anod Grand Mosque, Khatumo State of Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

4797618833_c79b38ee6a.jpg

4797628793_71cb78f772.jpg

 

 

DSCF5584.jpg

 

Daawo sawirada gaadhigii lagala soo goostay Meleeshiyaadka Jabhada SNM

 

Akhirstayaal Sidii Aaan hore idin kubalan Qaadnay Ayaa waxaan halkan idin kusoo gudbinaynaa Sawiradii Gawaadhidii Lagala Goostay Maamulka soomaliland Gaar ahaan Ciidamada Daba Qoodhi Mahad Canbaashe Muuqaalkan Oo Ah markii Ay soogaadheen Magaalada Boocame sida Loogu dhaweeyay

 

 

113.jpg

312.jpg

42.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Suldaan-Maxamed.jpg

 

Audio:Suldaanka Beesha Somaliland "Talada Beesha Khatumo State Waan Taageersanahay Waana Ku Hambalyeyn"

 

Suldaanka beesha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey Allssc kaga hadlay arimo badan waxana uu Suldaanku waxa uu fal xool xun ku tilmaamay Xadhiga Boqor Buurmadaw isla markaasna uu sheegay in Siilaanyo uu wado la dagaalan madax dhaqameedka beesha Somaliland ah

 

 

Suldaanku waxa uu soo dhaweeyey Go’aanka Beesha SSC/Khaatumo State ay ku dhisatay maamulka Khaatumo oo uu ugu hambalyey Sidoo kale waxa uu Suldaanku ka hadlay in Ciidamadda snm/Somaliland ee jooga Gobaladda SSC aysan jirin sabab ah u joogaan ayna tahay in laga saaro balse Horjooge Siilaanyo uu diidan yahay Nabadana Caqabad ku yahay isla markaasna aysan Madax dhaqameedyadu awood u lahayn[

 

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu ku tilmaamay niman iska hadlay Madax dhaqameedyo dhawaan Baaq nabadeed Hargaysa ka soo saaray waxana uu sheegay in aysan talo ka go’in oo aysan jirin wax ay ka wataan Horjooge Siilaanyo.

 

 

 

Halkan Ka Dhageyso:

 

http://allssc.com/2012/03/17/suldaan-maxamed-suldaan-cabdiqadir-qaybtii-kowaad/

 

 

http://allssc.com/2012/03/17/suldaan-maxamed-suldaan-cabdiqadir-qaybtii-2aad/

Share this post


Link to post
Share on other sites
xiimaaya   

Taleexi;806011 wrote:
Xiimaaya: Bal horta soo dhowow ... aflagaado sheekow ku bilow meelna kuma gaadhsiinayso.

 

its the truth... Invade the god damn Laascaanod and who ever stands in your way make them history .. How hard is that?lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

MADAXWAYNE-IYO-AFHAYEN.jpg

 

Daawo Sawiradii Sida Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Khaatumo State Mudane Axmed Karaash Loogu Soo Dhoweeye Magaalada Tukaraq

 

 

Wafti Balaadhan uu Hogaaminayo Madaxwayne Axmed Cilmi Cusmaan Karaash ayna kamid yihiin Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Khaatumo mudane Cumar Jaamac Saleebaan ayaa Si diiran Shalay Loogu Soo dhaweeyey Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

 

Socdaalka Madaxwaynaha ayaa ahaa u kuur Gelid Xaalada Deeganadda Khaatumo State Of somalia,Gaar ahaan Xaalada Deegano Hoostaga Gobolka Sool,waxa uuna madaxwaynuhu u kuur Galay Xaaladda Ciidan ee Deegaanka Tukaraq isagoo Kulamo Gooni gooni ahna la qaatay Bulshada qaybeheeda kala duwan,

 

Hadaba waxaanu idiin soo Gudbinaynaa Sawiradii Soo dhawaynta madaxwaynaha ee Tukaraq.

 

DSC08349.jpg

DSC08346.jpg

DSC08314.jpg

DSC08312.jpg

DSC08332.jpg

 

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Sareeye Guuto Ahmed Saleban Dafle

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Hees Cusub: Dhulka Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia

 

Dhoodi iyo Nugaal Godan - Codkii Fanaanada Saido Shiino

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Odayaal, Dumar& Caruur Reer Khaatumo Ah oo Lagu XidhXidhay Magaalada Laas Caanood

 

 

 

 

4797612929_d4d9e32a54_b.jpg

Untitled3.jpg

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Odayashan Lagu Xidhay Laas Caanood oo Kamid ahaa Odayaasha Sida Aadka Ah Uga Soo Horjeeday Joogitanka Maleeshiyada Somaliland ee Gobolada SSC/Khaatumo State.

 

Daawo Video Kulan Ay Qabteen Odayaashu, Ka Hor Intii Aan La XidhXidhin

 

Odayaasha Laascaanood lagu Xidhay ayaa qaarkood yihiin kuwo si aad ah uga soo horjeeday Joogitaanka Ciidamadda Maamulka Somaliland,waxa ayna Sanadkii Hore kulan ku yeesheen Gudaha laascaanood,kulankaas oo ujeedkiisu ahaa in Odayaasha Dhaqanka ee Goboladda SSC aanay Raali ka ahayn Joogitaanka Ciidmada Somaliland ee Gudaha Goboladda SSC.

 

 

Odayaal Dhaqameed Reer Khaatumo Ah oo Lagu XidhXidhay Magaalada Laas Caanood

 

 

Laascaanood (RBC Radio) Ciidamada bilayska ee magaalada Laascaanood ayaa saaka jeelka u taxaabay illaa toddoba oday dhaqameed oo ka mid ah odayaasha Gobolka Sool.

 

Wararka ayaa sheegaya in saaka waaberigii ciidamada Somaliland ee ku sugan Laascaanood ay guryahooda ka qabteen odayaasha xilli aysan fileyn kadibna loo taxaabay saldhiga magaalada Laascaanood.

 

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in arinta loo xidhxidhay odaal dhaqameed kani tahay in ay wax ka abaabuleen goosashadii gadiidka iyo hubka ka goostay maamulka Somaliland kuwaasoo maalintii shalay gaarey degmada Boocame, iyadoona si gaara loogu eeday nayo inuu ka dambeeyey xadhiga odayaashani taliyihii hogaaminbayey ciidamadii goostay oo la yiraahdo Mahad Cambaashe oo isagu deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka sool.

 

Magacyada Odaayasha La Xidhay:-

 

1. Axmed Maxamuud Sanbalooshe (Sanyare)

 

2. Maxamed Axmed Aw Cali (Garba Dheere)

 

3. Guray Faarax Jaamac (Xiir)

 

4. Dalab Shire Aw Cilmi

 

5. Maxamed Kaariye

 

6. Cabdirisaaq Yuusuf Dheere

 

7. Sheikh Cabdicasiis Indhacase

 

Dad ku sugan Laascaanood ayaa Raxanreeb u sheegay in ay socdaan dadaalo lagu doonayo in odaayashan la xidhay lagu siidaayo walow saraakiisha Somaliland aysan taasi xaqiijin.

 

Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in odayaasha loo qaadi doonpoxabsig Mandheera eeu dhow Hargeysa halkaasoo lagu xiri doono.

 

 

 

 

 

 

 

C/raxmaan Wadani

RBC Radio, Gobolka Sool

 

 

 

sanayre.jpg

 

Odayaal Lagu Xidhay Magaalada Laas Caanood

 

lasanod Online. Saturday, March 17, 2012

 

 

 

 

Laascaanood,(lasanod Online)- Odayaal tiradoodu gaadhayso todoba oday ayaa saaka loo taxaabay xabsiga magaalada Laascaanood.

 

Xadhiga odayaashan ayaa la sheegay inuu ka danbeeyey Horgale Mahad Canbaashe oo weli la muraala dilaacsan gaadiidkii Tiknikada ahayd ee shalay ka goosatay Maleeshiyadiisa.

 

Odayaashan waxaa lagu eedeeyey inay iyagu ka shaqeeyeen goosashada ciidamadaas shalay u galay maamulka Khaatumo, arrintan oo dhabar jab weyn ku noqotay maleeshiyada maamulka Somaliland iyo Horgaladooda.

 

Waxaa hadda socda dadaal loogu jiro sidii odayaashan xabsiga looga soo dayn lahaa.

 

Odayaasha saaka uu xidhay Mahad Canbaashe waxay magacayadoodu yihiin sidan:

 

1. Axmed Maxamuud Sanbalooshi (Sanyare)

 

2. Maxamed Axmed Awcali (Garbadheere)

 

3. Guray Faarax Jaamac Xiir

 

4.. Maxamed Kaariye

 

5. Dalab Shire Aw cilmi

 

6. Cabdirisaaq Yuusuf Dheere

 

7. Shiikh Cabdicasiis Indhocase

 

 

 

Kala socda Lasanod Online wixii war ee kasoo kordha xadhiga odayaasha..

 

Copyright © 2012 Lasanod.

 

 

 

Maleeshiyada Jabhada Somaliland oo Maanta Xabsiyada Ku Daabulay Odayaasha Magaalada Laascaanod!

 

Odayaal tiradoodu gaadhayso todoba oday ayaa saaka loo taxaabay xabsiga magaalada Laascaanood.

 

Xadhiga odayaashan ayaa la sheegay inuu ka danbeeyey Horgale Mahad Canbaashe oo weli la muraala dilaacsan gaadiidkii Tiknikada ahayd ee shalay ka goosatay Maleeshiyadiisa.

 

Odayaashan waxaa lagu eedeeyey inay iyagu ka shaqeeyeen goosashada ciidamadaas shalay u galay maamulka Khaatumo, arrintan oo dhabar jab weyn ku noqotay maleeshiyada maamulka Somaliland iyo Horgaladooda.

 

Waxaa hadda socda dadaal loogu jiro sidii odayaashan xabsiga looga soo dayn lahaa.

 

Odayaasha saaka uu xidhay Hoosgale Mahad Canbaashe waxay magacayadoodu yihiin sidan:

 

1. Axmed Maxamuud Sanbalooshi (Sanyare)

 

2. Maxamed Axmed Awcali (Garbadheere)

 

3. Guray Faarax Jaamac Xiir

 

4.. Maxamed Kaariye

 

5. Dalab Shire Aw cilmi

 

6. Cabdirisaaq Yuusuf Dheere

 

7. Shiikh Cabdicasiis Indhocase

 

Horufadhi News Desk

 

 

Laas Caanood oo Lagu Xidh Xidhay Dumar Iyo Caruur

 

MidnimoSSC.com

 

Ciidamada Booliska ee Magaalada Laascaanood ayaa Maanta Xabsia Dhigay Qaar kamid ah Dumarka iyo Dhalinta ku dhaqan Laascaanood,kadib markii ay Shalay ku dhawaaqay Urur Loogu Magac Daray Ururka Horumarinta Dhalinyaradda Khaatumo.

 

Inta La Hubo Waxa jeelka la dhigay ku dhawaad 5 Kamid ah Dadki Ururkaas ku midoobay waalidiintood iyo Qaar kamid ah Dawaarlayaasha(HARQAANLE) Laascaanod kuwaasi oo lagu soo eedeyey inay Toleen Calanka Jamhuuriyadda Somalia,Kaasi oo Ay Waten Dhalintii Ku midowday Ururkanl, Daawo Xafladii Shalay.

 

 

Somaliland oo Ku Xidhay Raxan Dhalinyaro Ah Magaalada Laas Caanood

 

Waaheen.com [ Somaliland Website ]

 

Laascaanood (Waaheen) – Ciidamada booliska Magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood ayaa shalay xabsiga u taxaabay raxan dhalinyaro reer Laascaanood ah.Ciidamada booliska Laascaanood ayaa xidhay dhalinyaradan oo doraad halkaasi kaga dhawaaqay urur dhalinyaro oo ay sheegeen inay ku midaysan yihiin dhalinyarada reer Laascaanood ee taabacsan maamul ku sheega Khaatumo ee dhawaan lagaga dhawaaqay degmada Taleex ee gobolkaasi.Dhalinyaradan la xidhay oo tiro ahaan inta ay yihiin aanay sugnayn ayaa maalin ka hor xadhigooda waxay xaflad ku qabsadeen gudaha Laascaanood isla-markaana waxay kaga dhawaaqeen urur magaciisu yahay (Khaatumo Youth Volentry Organization), iyagga oo waliba la sheegay in markii ay ururka ku dhawaaqeen qaar ka mid ahi calanka Soomaliya la dhex mareen gudaha Magaaladdaasi.

 

Waalidiinta dhalinyaradan boolisku xidheen oo la sheegay in qaarkood saldhiga u tageen inay waan-waan ka galaan soo dayntooda ayaa la sheegay in ciidamada boolisku u diideen inay arkaan una sheegeen in dhalinyaradani ku kaceen fal dambiyeed qas ka abuuri kara Magaaladda lana siidaynayn

 

Dhanka kale, ciidamada booliska ayaa la sheegay inay xidh-xidheen qaar ka mid ah dawaarlayaasha Magaaladda Laascaanood, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka shaqeystaan tolida calanka Soomaliya, kaasi oo dhalinyarada la xidhay iyo shakhsiyaadka doonaya inay rabshado halkaasi ka abuuraan ay ka toshaan calankaasi.

 

 

 

 

Suxufiyiinta Ka Hawlgala Magaalada Laascaanood oo Saaka Lagu Bilaabay Qabqabasho

 

Laascaanood(Afbakayle Online)Saaka Hiirtii Waaberi ayaa Maleeshiyaada SNM iyo horgaladoodu Bacsi ku Bilaabeen Suxufiyinta ku sugan Magaalada Lascaanood waxana gurigisa lagu weeraray Maxamuud Saleebaan Iidle oo Ah wariye kahawlgala Tvga Calamiga ah ee Somalisat uga hawlgala Magaalada Laascaanood.

 

Sidoo kalena Suxufiyiin kale oo iyagu kahawlgala laascaanood ayaa waxa dabagal ku haya Taliye ku xigeenka Booliska ee Maamulka SNM Axmed Cabdi Geele, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa Raacdaysiga ay Booliska SNM u jogta Magalada Laascaanod ku hayaan Suxufiyiinta ku hadhsan Magaalada Laascaanood.

 

Mudoyinkii u danbeeyey ayaa Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Laascaanood waxa Bartilmaameed ay u ahaayeen Maamulka SNM hay,adihiisa Amniga iyadoo ujeedaduna tahay in aan wax war ah laga Baahin Dhacdooyinka Mudaharaadyadu ka mid yihiin ee ka socda Magalaada Lascanood.

 

Dhanka kalena Maamulka Khaatumo ee dhowan lagu yagleelay Magaalada Taariikhiga ah ee Laascanood ayaanwaxba kala socon Xaaladaha Cakiran ee haysta Suxufiyiinta ka hawlgala Deegaanada SSC.

 

Wixii warar ah ee kasoo kordha Raacdaysiga Maleeshiyadka SNM iyo Horgaladoodu ku hayaan Saxaafadda Xorta ah ee Deegaaada Khaatumo oo ku guulaystay inay Shaashadaha ka mauujiyaan Dhacdooyinka Naxdinta leh ee ka soca Magaalada Laascaanood Dib ayaan idinka soo gudbin doonaa.

 

Laascaanood/Afbakayle Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

xasanaliyusuf1.jpg

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Bulshada Maamulka Goboleedka Khaatumo State oo Ka Warbixiyey Hawlaha Wasaaradaas Ka Wado Deegaanka Khaatumo State

 

 

 

 

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha Bulshada Khaatumo Oo Shir Jaraa'id Qabtay-(Video)

Lasanod Online. Sunday, March 18, 2012

 

Xasan Cali Yuusuf

 

 

 

Buhoodle,(lasanod Online)- Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha bulshada maamulka Khaatumo State, Xasan Cali Aw Yuusuf oo maanta shir jaraa'id..

 

ku qabtay gudaha magaalada Buuhoodle kana warbixiyey arimo dhowra oo khuseeya shaqada wasaarada Arrimaha Bulshada, sida waxbarashada, Caafimaadka iyo arimo kale oo badan.. Hoos ka daawo..

 

 

 

Axmed Maxamed Nadiif

 

Lasanod Online, Buhoodle

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Waxaa Maanta Dhalinyarada Dhigtada Dugsiga Sare Muuse Yuusuf ee Magaalada Laas Caanood Dhir Ku Werejiyen Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo State Mudane Axmed karaash. Daawo Video Iyo Sawiro

 

Dhalinyarada nigata muuse yuusuf ayaa manta ku wereejiyay maamulka khaatumo state dhir ay ugu talagaleen beerta xoriyada ee caasimada ku meel gaadhka ah ee taleex dhaliyaradan oo wax ka dhigata dugsiga sare ee muuse yuusuf ayaa ku wereeji madaxwayna axmed cilmi cismaan oo ku sugan magaalada tukaraq madaxwaynaha ayaa u mad celiyay dhaliyaradan dhirta ku wereejisay dhinaca kale madaxwaynaha ayaa habalyo u diray maamulaha digsiga sare ee muuse yuusuf c/laahi aflahar oo mudo dhawayd dhaawac ka soo gaadhay mudaharaado ka dhacay magalda laascaanod ee gobolka sool afhayeenka maamulka khaatumo ayaa dhalinyaradu ku gidoon sisay geedkamid ah dhirtii ay maamulka ku wereejinayeen iyadoo afhayenku u mahad celiyay dhalinyarada ahna ururka svo dhigatana muuse yuusuf dhaliyarada ayaa dhinacooda ka soo jeediyay gabayo maaan iyo gubaabooyin ka soo jeediyeen fadasha ay dhirta ku gidoon siiyeen madaxwaynaha maamulka khaatumo state.

 

 

 

DSC083971.jpg

DSC083911.jpg

DSC083921.jpg

DSC083891.jpg

 

 

DSC08984.jpg

DSC08986.jpg

DSC08988.jpg

DSC08997.jpg

DSC08991.jpg

DSC09003.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Daawo Xafladii Dabaqa 2aad oo Lagu Kordhiyay Dhismaha Masjid Jaamaca Magaalada Laas Caanood, Khaatumo State of Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this