Sign in to follow this  
Liibaan

VIDEOs:Huge Pro-Khaatumo Rallies/Celebrations Held Across Khaatumo State, Somalia Around the World

Recommended Posts

Liibaan   

Magaalada Buuhoodle, Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia

 

 

Picture-012.jpg

 

Picture-020.jpg

 

Picture-023.jpg

 

 

Picture-040.jpg

 

 

Picture-035.jpg

 

 

Picture-052.jpg

 

 

 

Picture-045.jpg

 

 

Picture-055.jpg

 

 

Picture-086.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

Daawo Video: DaabaalDaga Iyo Farxada, Banaanbaxyo Waa Weyn oo Lagu Taageerayo Aqoonsiga Dowlada Federaalka Somaalia Iyo Madaxweyne Sheikh Shariif Siiyay Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia

 

Buuhoodle, Khaatumo State of Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Jaaliyadda Khaatumo Ee Nairobi Oo U Dabaal-degtay Aqoonsiga Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia -(Sawiro)-

Lasanod Online. Monday, March 05, 2012

 

 

 

 

Nairobi,(lasanod Online)- Waxaa maanta ka dhacay magaalooyin badan oo ku yaal caalamka, damaashaadyo iyo dabaaldeg lagusoo dhoweeynayo..

 

Go'aankii Dawladda dhexe ee federaalku maanta ku aqoonsatay inay wada shaqeeyaan maamulka Khaatumo State.

 

Goobaha ay dabaaldegyadu ka dhaceena waxaa kamid ahayd mgaalada Nairobi oo ku noolyihiin jaaliyad ballaadhan oo kasoo jeeda degaanka Khaatumo State.. Hoos ka daawo qaar kamid ah sawiradii debaaldega..

 

lasanod online waxanu dhowaan idiinka soo tebin doonaa dabaaldegan oo maqal iyo muqaal ah hadii Allah idmo-

 

 

 

Halkan Ka Daawo Sawirada

 

 

 

Diini Abdullahi Mahamed

Lasanod Online,Nairobi Kenya

Diini_xiddig@hotmail.com

 

Copyright © 2012 Lasanod.com

 

 

 

 

banbax9.jpg

 

banbax8.jpg

 

 

banbax7.jpg

 

 

banbax6.jpg

 

 

banbax5.jpg

 

 

 

banbax4.jpg

 

 

 

banbax3.jpg

 

 

banbax2.jpg

 

 

 

banbax1.jpg

 

 

 

banbax.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Banaanbax Weyn Lagu Taageerayo Aqoonsigii Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia Oo Ka Dhacay Magaalada Xudun-(Video+Sawiro)-

Lasanod Online. Tuesday, March 06, 2012

 

 

 

 

Xudun,(lasanod Online)- Waxaa maanta ka dhacay magaalada Xudun, bananabax balaadhan oo lagu taageerayo aqoonsiga ay siisay dawlada Somalia..

 

maamulka khaatumo state of Somalia.

 

Daawo Video

 

Bananabaxan ayaa waxa kasoo qaybgalay dhamaan dad waynaha ku nool deegaanda hoos yimaada magaalada xudun, waxa hal kaa lagu soo ban dhiagay ciyaaro dhaqameed iyo heeso wadaniya oo ay qaadayaan dadwayanaha Xudun.

 

Deeganada ay ka dhaceen bananabaxyada ay kamid ahaayeen ee lagu taageerayay maamulka khaatumo Awrboogays, Sarmaanyo, Lafa wayne, Hohol.dhamaan waxa deegaanadan laga xusay aqoonsiga ay aqoonsatay dowlada soomaaliaya maamulka khaatumo state of somalia.

 

Banaanbaxyadan lagu qabtay deegaanada Khaatumo ayaa maanta ka duwanaa banaanbaxyadii hore ee laqaban jiray, iyagoo maanta shacabka Khaatumo gaadhay guul iyo wax ka maqnaa mudo 21 sano ah.

 

 

 

Halkan Ka Daawo Sawiro

 

Copyright © 2012 Lasanod.com

 

 

 

 

 

DSC08461.jpg

 

 

DSC08460.jpg

 

 

DSC08456.jpg

 

 

DSC08455.jpg

 

 

 

DSC08455.jpg

 

 

 

DSC08449.jpg

 

 

 

DSC08447.jpg

 

 

 

DSC08446.jpg

 

 

 

DSC08440.jpg

 

 

DSC08432.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

1.jpg

 

Gudiga Dhalinyarada Khaatumo Ee Kenya Oo La Kulmay Dr.Cali Khaliif-(Sawiro)-

Lasanod Online. Tuesday, March 06, 2012

 

 

 

 

Nairobi,(lasanod Online)- Ururka dhalinyarada khaatumo state ee dalka kenya ayaa kulan balaadhan la qaatay..

 

Dr.Cali Khaliif Galaydh oo booqasho kujooga magaalada Nairobi ee caasimada dalka kenya.

 

Gudoomiyaha Ururka dhalinyara ee dalka kenya ayaa wuxuu uga xog waramay Dr.Cali Khaliif qorshayaasha horumarinta ee ay higsanayaan dhalinyarada reer khaatumo ee dalka Kenya, iyadoo ay masuuliyiintani aad usoo dhaweeyeen isku duubnida dhalinyarada maamulka Khaatumo ee dalka Kenya.

 

Dr.Cali Khaliif ayaa dhankiisa dhiiri gelin balaadhan usoo jeediyay dhalinyarada reer khaatumo ee dalka Kenya, isagoo sheegay in maanta dhalinyarada reer khaatumo aayahooda laga talinayo, loona baahanyahay inay isku duubnaadaan oo ay ku dadaalaan hirgalinta maamulka iyo nidaamka dawladooda.

 

Dhanka kale intii uu kulankaasi socday ayaa waxaa si wada jira ay ugu hambalyeeyeen madaxweynaha DFKM mudane Shiikh shariif Shiikh Axmed, go'ankii aqoonsiga maamulka Khaatumo.

 

 

 

Halkan Ka Daawo Sawiro

 

 

Diini Cabdilaahi Maxamed

 

 

 

14.jpg

 

12.jpg

 

 

11.jpg

 

 

18.jpg

 

 

13.jpg

 

 

16.jpg

 

 

18.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

DSC08084.jpg

 

 

 

Madaxweyne Axmed Karaash Oo Soo Kormeeray Mashruuca Garoonka Diyaaradaha Sayid Mahamed Hassan International Airport, Taleex, Khaatumo State of Somalia -(Video+Sawiro

 

 

Taleex,(lasanod Online)- Waxaa caasimada ku meel gaadhka ah ee khaatumo State of Somaliya ee Taleex, ka dhacday xaflad lagu daah furayay..

 

dhismaha Garoonka diyaaradaha Taleex ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan. xafladan oo isugu jirtay allabari iyo kormeer shaqada garoonku meesha ay marayso.

 

Halkan Ka Daawo Video

 

Waxaa halkaas ka hadlay maamulka khaatumo oo sheegay faaiiddo uu leeyahay garoonkan deegaanada Khaatumo iyo garoonka caalamiga ah ee caasimada Gcayn ee Buuhoodle oo dhamaantood aan si degdega aan waxa uga qaba doono dhismayaashooda.

 

Waxaa halaas ka hadlay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ku dheeraaday ahmiyada uu leeyahay garoon laga dhiso deegaaka Taleex oo ah mid laga wad faaiidaysan doono maamul iyo shacabba.

 

Waxa xafladaas soo afmeeray madax wayanaha Maamulka Khaatumo State Axmed karaash oo sheegay inan hada wixii laga bilaabo maanta deegaanadan ay yeelanayaan garoomo ay leeyihiin maamul ahaan, "waxa aan mahad ba laadhan u soo jeedinayaa aniga oo og doorka dad wayanaha khaatumo inaan laga daalin waxa kaqabashada horumarinata degaanada khaatumo" Ayuu yiri madaxweynahu,

 

Dhismaha garookan ayaa kusoo beegamaya markii dhawaan si rasmiaya ay dowalada ku meelgaadhka ahi ay aqoonsi buuxa siisay maamulka Khaatumo State of somalia, oo kamid noqonaya maamulada soomaalida ee jiray sida Putland,Somaliland iyo Galmudug.

 

 

 

Halkan Ka Daawo Sawiro

 

Copyright © 2012 Lasanod.com

 

 

DSC08083.jpg

 

DSC08082.jpg

 

 

DSC08079.jpg

 

DSC08077.jpg

 

 

DSC08062.jpg

 

 

DSC08061.jpg

 

 

DSC08087.jpg

 

 

DSC08104.jpg

 

 

DSC08094.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Madaxweyne Axmed Karaash Oo Soo Kormeeray Mashruuca Garoonka Diyaaradaha Sayid Mahamed Hassan International Airport, Taleex, Khaatumo State of Somalia -(Video+Sawiro

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

cumarjama1.jpg

 

 

Waraysi: Afhayeenka Khaatumo State Cumar Jaamac Saleebaan- (Maqal)-

 

http://www.lasanod.com/pics/File/201203051212150.omarjama2.mp3?codid=92

 

 

Lasanod Online. Monday, March 05, 2012

 

 

 

 

Taleex,(lasanod Online)- Warbaahinta lasanod Online ayaa warayasi khaasa la yeelatay Afhayeenka maamul goboleedka Khaatumo State of Somalia.

 

Waraysigan ayuu afhayeenku ku xaqiijiyey kagana warbixiyey siduu u dhacay aqoonsigii dawladda federaalka saaka ee maamul goboleedka Khaatumo.

 

Mudane Cumar Jaamac ayaa sheegay in banaanbaxyo damaashaad ahi ka socdaan dhamaan gobollada maamulka Khaatumo. Hoos ka dhegayo waraysigii oo dhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Ruqiyo-Maxamud-Guray-1.jpg

 

 

Afhayeenka Haweenka Puntland Ruqiyo Maxamuud Guray oo Taageertayna Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia

 

 

 

Afhayeenka Jaaliyda Haweebka Puntland Maamo Ruqiyo Maxamud Gurey oo Shir Jaraa,id ku Qabatay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenaya ayaa Sheegtay in Ay Habeenka Puntland ee Magaalada Nairobi ku nool ay Taageersanyihiin Maamul Gobaleedka Khaatumo State oo Dhawaan Looga Dhawaaqay Deegaanka Taariikhiga ah ee Taleex.

 

Ruqiyo Maxamud Guray oo la Hadlaysay Warbaahinta ayaa Sheegtay in ay Maamulka Somaliland Khalad ku Taaganyihiin aysana Xaq ahayn in ay Weerar Deegaano Dadkii lahaa u tashteen Waasida ay Hadalka u Dhigtaye.

 

Haweenka Reer Puntland ee ku Dhaqan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa Shirar Badan oo ay Qabteen waxa ay ku Dhawaaqeen inay Taageerayaan Walaalahooda Maakhir State.

 

Sidoo kale waxay Sheegeen in Ay Baaq u Dirayaan Odayaasha, Aqoonyahanada, iyo Waxii Wax garad ah ee ku Nool Somalinad inay Ceshtaan Wiilasha Gardarada ku Dagaalamaya ee Weerarka ku Qaaday Gobalada Sool Sanaag iyo Cayn.

 

Ruqiyo Maxamuud Guray oo Ka Hadashay Warfidiyeenada ayaa Sheegtay in ay ka Haween ahaan Ay Hiil iyo Hooba La Garab Taaganyihiin Walaalahooda Khaatumo State.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Wargalin Jaaliyada Khaatumo State Ee Ku Dhaqan Wadanka Kenya :Xaflad wayn Oo Loogu Talagalay wafuuda khaatumo state sida Prof Cali Khaliif Iyo madaxdii kale Ee khaatumo Oo Muqdisho ka Imanayaan Hoolka shirarka Sir Ali Muslim Clup.

 

Waxaa dhamaan jaaliyada khaatumo eek u dhaqan wadanka Kenya lagu war galinayaa maalinimada khamiista ah in ay magaalada Nairobi imanayaan waftidii khaatumo state of Somalia ee dhawaanba ku sugnaa caasimada soomaaliya ee muqdisho.

 

 

 

 

 

Waxaana lagu wargalinayaa dhamaan shacbiga soomaaliyeed soodhawaynta madaxda soo socotaoo isugu jira madaxweyne biindhe garaado iyo siyaasiyiinta khaatumo in ay ku soo wajahan yihiin maalinimada khamiista ee soo socota .

 

 

 

 

 

Sidoo kale waxaa loo qabanayaa xaflad wayn oo ay kula khulmayaan dhamaan umada soomaaliyeed iyo tan khaatumoba oo dhici doonta maalinimada axada ah ee taariikhdu tahay 11 bishan iyo hoolka shirarka ee sir ali muslim clup ee magaalada Nairobi ka soo qayb galkiinu waa muhiim .

 

 

 

 

 

 

 

Isku diyaariya soo dhawaynta madaxda khaatumo iyo xaflada Axada

 

 

 

Abdiwaahab Mohamed abdi

 

Nairobi Kenya

 

 

 

 

Untitled12.png

 

 

______________________________________________________________________________

 

 

 

 

 

Ogeysiis:Jaaliyada Khaatumo Ee UK, Shir Iyo Xaflad Ka dhacaya London Jimcaha- Loogu Dabaaldegayo Khaatumo State of Somaaliya Guulaha Ay Gaadheen.

Lasanod Online. Tuesday, March 06, 2012

 

 

 

 

Ogeysiis:- Waxaa la ogaysiinaya dhamaan Jaaliyada Khaatumo ee Ku nool Wadanka UK, inay kasoo qaybgalaan Shir iyo Xaflad..

 

loogu dabaaldegayo Khaatumo state of Soamaaliya Guulaha ay gaadheen.

Taariikhda:- 09/03/2012

 

 

Maalinta:- Jimce

 

Saacada :- 4pm ilaa 10 pm

 

Hoolka:- Dominion community centre, 112 the green southall ub2 4bq

 

 

Wixii Faahfaahin ah kala Xidhiidh:

 

 

Adan- 07411507098

 

Ahmed Qani- 079 4911 2918.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

DSC075342.jpg

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

Wasiirkuxigaynka Amniga Ee Maamulka Khaatumo State Of Somaliya Oo Soo Gaadhay Nairobi Iyo Dabaaldag xoogan Oo Ka Socda Xaafada Islii Video Iyo Codkii Wasiirka .

 

 

Waxaa soo gaadhay caasimada wadanka Kenya ee Nairobi wasiirku xigaynka amniga jaamac xasan khaliif waxaan so dhaweeyay jaaliyada khaatumo state of Somalia eek u dhaqan wadan ka kenta .

 

 

Wasiirkuxigaynka ayaa soo dhawayn kadib waxaa loo galbiyay hotelka loogu tala galay kadib halkaas ayuu waxaa uu ku bixiyay waraysi ku wajahan xaalada guud ee deegaanada khaatumo state of Somalia isagoona u mahad ceshay dhamaan dadkii soo dhaweeyay wasiirka ayaa waxa kale uu soo dhaweyay sida wacan ee madaxweynaha dawlada Somalia uu u an saxiyay maamulka khaatumo state of Somalia.

 

 

Sidoo kale waxaa xaafada islii ka socda dabaaldagyo waawayn oo loogu dabaal dagayo aqoonsiga maamulka khaatumo state of somaliya dabaal dagan ayaa socday tan iyo markii ay maqlayn dadka ka soo jeeda deegaanadaas iyo kuwa soomaaliyeed ee taageersan waxaa dawlada somaliya ay aqoonsatay maamulkii khaatumo state ayaa waxaad arkaysaa dadka wata calanka umada soomaaliyeed ee ay dhexdu kaga xardhantahay khaatumo state of Somali.

 

 

nairobi kenya

 

 

DSC075331.jpg

 

 

DSC075411.jpg

 

 

DSC07551.jpg

 

 

DSC07549.jpg

 

 

DSC07539.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Dhageyso: Shacabka Khaatumo oo Hambalya Diraya Iyo Dabaaldaga Dunida oo Dhan Ka Socda, Shacabka Khaatumo State of Somalia oo Aad u Faraxsan Shacuurtoodana Cirkaasee Marasaa

 

Dowlada Federaalka Soomaaliya Iyo Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia Oo Heshiis Saxiixday

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Hambalyo Aqoonsiga Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia

 

Hambalyadii Aqoonsigii Iyo Heshiiskii Taariikhiga Ahaa Ee Dhexmaray Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia Iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya TFG

 

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

(Daawo Video + Sawiro)Jaaliyada MN Oo Hambalyo U Diraya Shacabka Iyo Maamulka Khaatumo State Kadib Markii Dowlada Federaalka O dhowaan Aqoonsi Maamul Goboleed Iyo Wadashaqayn Buuxda Siisay Khaatumo State Of Somalia (KSOS)

 

 

 

Allssc(MN)Gudida Jaaliyada MN Ee isu xilqaamay taageerda maamul goboleedka Khaatumo State ayaa kulan ay isugu yimaadeen hambalyo ugu diray maamul gobolkeedka Khaatumo State iyo dowlada federaalka Soomaaliaya.

Kadib shacabka kasoo jeeda bulshaweynta Khaatumo State (Sool Sanag iyo Cayn) ay shir balaadhan oo qaybaha bulshada oo dhami ay u dhmaayen ku yeesheen magaalada taariikhiga ah ee Taleex, si wada jira ugu dhisteen maamul metala danaha dadka iyo dadkooda uguna magac dareen Khaatumo State Of Somaliya. Maamulkaas oo si toos ah u hoostaga dowlada Federaalka Soomaaliya, una taagan midnimada iyo qaranimada umada Soomaaliyeed.

 

Hambalyadan ayaa waxay ku aadaysaa kadib markii maamulgobolkeeda Khaatumo State iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya ay heshiis buuxa oo aqoonsi iyo wadashaqan ah ay ku yeesheen magaala madaxda umada Soomaliyeeed ee Muqdisho. Waxaana in dhoeyd halkaa ku sugnaa wefdi balaadhan oo ka kala socda golaha dhaqanka, golaha xukuumada Khaatumo State oo uu horkacayaan Garaadka Guud Ee Khaatumo State Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Madaxweyne Biindhe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Thumbs_21.gif

 

 

Congratulations To All People of Khaatumo State of Somalia

 

March 5 ..... Big Historic Day for All Khaatumo People And Somali Unionists

 

 

Hambalyo Iyo Bogaadin Dhamaan Shacabka Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia

 

Hambalyo: Khaatumo State Of Somalia Oo Si Rasmi ah Ka Mid Noqotay Maamul Goboleedyada la Aqoonsan Yahay Ee Hoos Yimaadda TFG Ee Soomaaliya

 

 

Marka hore hambalyo Shacabka iyo xukuumadda Khaatumo State of Somalia oo maanta soo hooyey guul taariikhi ah, guushaas oo iyaga iyo ummadda Soomaaliyeedba qiimo weyn ugu fadhida. Hambalyo ummadda Soomaaliyeed ee qaranimada, midnimada, iyo wax wada lahaanshaha oggol. Hambalyo madaxda Dawladda Federaalka ku Meel Gaadhka ah ee Soomaaliyeed iyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo gutay waajib dastuuri iyo masuuliyad qarameed taasoo iyana ay xusi doonto taariikhdu.

 

 

 

Go’aanka madaxda dawladda Soomaaliyeed ee TFG ku aqoonsatay Maamul Goboleedka iyo dawladda Khaatumo State of Soomaaliya waa mid ay marka koowaad ugu hiiliyeen qaranimada ummadda Soomaaliyeed, marka xigtana ay ku qireen shacabka iyo deegaanka Khaatumo inay dhisteen maamul goboleed buuxiyey shuruudihii laga doonayey maamul goboleed ka mid noqonaya TFG-da, isla markaana lagu taageerayo dadaalka shacabka iyo xukuumadda Khaatumo ee qaranimo iyo midnimo jacayl.

 

 

 

Guusha Maamul Goboleedka Khaatumo State of Soomaaliya waxay kaloo guul u tahay Maamul Goboleedka mataanka ah ee Awdal State of Soomaaliya oo wada-shaqayn wanaagsan oo buuxda iyo iskaashi xoog lihi ay inaga dhexayso, iyadoo ay ka faa’iidaysan doonaan waaya-aragnimada Khaatumo State of Soomaalia oo dhakhso u dhammaystiri doonaan tallaabooyinka yare e ka dhiman.

 

 

 

Haddaba waxaynu wax yar ka taaban doonnaa arrimaha isbeddelkani keenayo ama soo kordhinayo:

 

 

 

- Shacabka iyo xukuumadda Khaatumo oo guranaya natiijadii midnimada iyo dadaalkooda ay ku gaadheen inay ka mid noqdaan maamul goboleedyada si rasmi ah uga mid ah TFG iyagoo noqonaya maamul goboleedkii saddexaad kuna biiraya Galmudug iyo Puntland

 

 

 

- Maamul Goboleedka Khaatumo oo ka hor shirka Istanbul ee June 2012 qaybtiisa ka qaadan doona dhammaystirka hawlaha qabyada ka ah Road-Map-ka loogu gudbayo dawlad Soomaaliyeed oo ka baxda ku meel gaadhnimada

 

 

 

- Khaatumo State oo ka qayb gasha shirka Istanbul ee June 2012

 

 

 

 

 

- Khaatumo State of Soomaaliya oo saamigeeda ka hesha TFG xuquuqda maamul goboleed, deeqaha caalamiga (soo maraya TFG ama toosba) ee horumarinta dhinac kasta, caafimaadka, waxbarasho, samafal, amni iwm.

 

 

 

- Dhammaadka sheegashadii beenta iyo khayaaliga ku dhisnayd ee maamullada beelaha hareeraha

 

 

 

 

 

 

 

- Shacabka Khaatumo iyo xukuumaddooda oo sii kun jibbaara waxqabadkooda iyagoo dhadhamiyey midhaha midnimada iyo isku tashiga iyo khasaaraha tafaraaruqa, kala daadsanaanta, iyo talo la’aanta

 

 

 

 

 

- Midnimadii Soomaaliyeed oo xoogaysatay

 

 

 

- Ummaddii Soomaaliyeed oo rajadeedii soo noolaatay

 

 

 

 

 

- Cadawgii Ummadda Soomaaliyeed iyo Soomaalidiidka ku riyoonaya kala-goynta dalka oo dhabarka iyo adhaxdaba ka jabay

 

 

 

 

 

- Waxaa la fasiray Qodobka Lixaad ee go’aamadii shirkii London ee February 23, 2012 ee ahaa “inay wada hadlaan Dawladda Soomaaliyeed ee TFG iyo Soomaaalidiidka la baxay Soomaaliland …” qodobkaas oo ay Soomaalidiidku si khaldan oo badheedh ah u fasiri jireen ayaa iyadoo ay horeba u ogaayeen dadka inta caqliga u saaxiibka ah ama siyaasadda Soomaalida iyo ta caalamkaba la socda, ayaa ka mid noqoshada Khaatumo State of Soomaaliya ee TFG far waaweyn ugu sheegaysaa maamul beeleedka Isaaqu inay iyagoo beesha Isaaqa ahi la hadli doonaan TFG-da, tabashooyinkoodana ay Soomaali kala xaajoon doonaan. Waxaa la wada og-yahay in beesha Isaaqu ay tahay midda gunuunuc, qafal xumo, iyo tabashaba la daba taagan ummadda Soomaaliyeed ee doonaysa inay hore u tallaabsato, mustaqbal wanaagsan la dhiso, lana iska illaawo dudmo, basar xumo, dulmi, iyo qabiil si xun loo adeegsado (sida SNM)

 

 

 

- Jabkii iyo guul-darradii kaga soo dhacday Soomaalidiidka shirkii London oo madaxdoodu ka war qabto ayaa khasabtay in danyartii Hargeysa ku ganacsan jirtey la burburiyo si indhaha shacabka loogu sameeyo mushkilad kale oo Siilaanyo lagaga jeediyo indhaha dadka marka uu ku soo laabanayo Hargeysa, taasoo lagu biiriyey beentii iyo borobagaandhihii lagu asqaysiiynayey bulshada ***** ee afduuban laguna majara-habaabinayey iyadoo si aan xishood lahayn loogu sheegayo in shirkii London ay guul ka gaadheen. Bulshadaas ***** ee afduuban waxaa hadda ay madaxdooda oo og in lama huraan caws jiilaal yahay (Somalia) ku wadaan irbado suuxin ah oo tallaabo tallaabo loogu mudayo si looga khafiifiyo naxdinta, muraara-dillaaca, iyo anfariirka iyo sidoo kale in la baajiyo kacdoon ay ku sameeyaan ragga sidaa ba’an u marin habaabiyey. Waxaan og-nahay in kacdoonkaasi bilaabmay isagoo uu is gubay nin dhallinyaro ah kuna gubay meheraddiisii yarayd uu ku lahaa suuqa magaalada Hargeysa. Shirka London wuxuu ka mid yahay guulaha ugu waaweyn ee Khaatumo iyo Awdal States of Somalia ay gaadheen mar haddii beeshii ***** ee tabashada badnayd lagu amray inay Soomaali la hadlaan ayna waddo kale u furnayn, Soomaalina ay is-dishay, beelo tahay, lagna doonayo inay heshiiso

 

 

 

 

 

- Mar haddii waagii ku beryey, waxaa la dhawrayaa bal in beesha ***** ee soo duushay ay qaadato nabaddii loogu baaqay oo si nabad gelyo ah ugu noqoto deegaankeeda beeleed kana baxdo Khaatumo State of Somalia

 

 

 

- Waxaa loo badinayaa in beesha Isaaqu aysan lahayn caqli ay ku miisaaanto kuna qiimayso arrimaha iyo xaaladaha taagan, sidaa-awgeedna ay sii wadi doonto is-miidaamintii iyo dagaalka ay iyadu ku burburayso ee ku wajahan Khaatumo State of Somalia

 

 

 

- Waxaa la gudboon in shacab-weynaha iyo dawladda Khaatumo State of Somalia ay u toogo hayaan iska difaaca weerarada iyo dagaalka gardarro ee joogtada noqday ee beesha ***** inagu hayso degdegna loo xoreeyo meelaha yar ee xuduudaha Khaatumo State of Somalia kaga sugan yihiin ambadka laga soo raray carro *****

 

 

 

- In la xoojiyo wada-shaqaynta TFG-da iyo ummadda Soomaaliyeed/beelaha Soomaaliyeed ee xalaasha ah

 

 

 

- In la xoojiyo wada-shaqaynta beesha caalamka

 

 

 

- In shacabka Khaatumo State of Somalia gudo iyo dibedba xoojiyaan taageerada maamulkooda Khaatumo State of Somalia

 

 

 

- In xukuumadda Khaatumo State of Somalia kordhiso dadaalkeeda iyadoon ilaa hadda wax lagu dhalliilayo jirin in la bogaadiyo mooyee. Xukuumadda Khaatumo State of Soomaaliya waxa laga doonayaa in mudnaanta koowaad la siiyo ciidamada amniga oo fure u ah xoraynta iyo horumar kasta oo kale

 

 

 

- Waa muddo yar laga soo bilaabo shirkii Horseed ee Nairobi ee October 2009 iyo Khaatumo State of Somalia oo jirtey wax ka yar laba bilood. Dadaalkaas aan muddadiisu badnayn iyo guulaha ilaa hadda la gaadhay oo aad u waaweyn waxay muujinayaan awoodda shacabka *********** marka la mideeyo dhinacna loo wada jeediyo, iyagoo iyaguna wax-is-taraya, deriskooda wax-taraya, ummadda soomaaliyeed iyo caalamkana wax-taraya

 

 

 

 

 

 

 

Hambalyo, Guul, iyo Gobanimo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this