Sign in to follow this  
Liibaan

VIDEOs:Huge Pro-Khaatumo Rallies/Celebrations Held Across Khaatumo State, Somalia Around the World

Recommended Posts

Liibaan   

sacab.gif

 

hambal.jpg

 

 

KHAATUMO STATE OF SOMALIA GUUL IYO GOBANIMO.‏

 

Allah Mahad leh-guul iyo gobanimo-Munaasabad qiimo weyn leh

farxadeeda leh guusheeda leh maqaamkeeda sare leh in Maamulka

Khaatumo State Of Somalia loo aqoonsaday maamul ka mid ah habka

ama hanaanka dowladda fadaraalka Somaaliyeed kadib markii wuu

buuxiyeey shuruudihii looga baahnaa,arrintu aqoonsi ma aha ee

waa cadeynta ama iclaaminta in Maamulkaas cusub buuxiyeey ka mid

noqonshadda habka faderaalka Somaaliyeed.

sacabDharaartaan Waxyeeladii

Guushaas ahamaiyada weyn leh ayaa turjumad cad u ah in Maamulka Khaatumo

State Of Somalia ka mid yahay tiirarka adag ee dowlada Somaaliyeed kuna

taagan yahay midnimo dhab ah iyo qaranimada dalka hooyo diyaarna u yahay

gudashada masuuliyada ka saaran jiritaanka iyo difaacida ciida hooyo oo

eey horeba ugu hudheen kumayaal halyeey oo reer khaatumo ah,ansaxiintan

ayaa keeneeysa in maamulka Khaatumo State xaq iyo xuquuqba ku leeyahay

habka faderaalka(saami)sidoo kale iclaankaas ayaa xoojin u ah jiritaanka

Maamulkaas,guushaas ayaa ku timmi dadaal,karti iyo masuuliyad eey muujiyeen

Hogaanka Maamulka iyo Golaha Isimadda Khaatumo oo isku duuban kana duulaaya

kalsoonidda iyo rabitaanka bulshadooda wana midhaha midnimada iyo wada jirka.

 

Alla maanta ayaantaa

Anigoo ah Ustaad-Xassan Carab kana mid ah Jaaliyada Khaatumo state of somalia

ee carigan UK waxaan halkan hanbalyo weyn oo faraxadeeda leh uga soo gudbinaayaa

Golaha Madaxtooyada Khaatumo State,Wasiirada,Golaha Dhaqanka,G9,Culimaa-udiinka,

Waxgaradka,Ururada Haweenka,Dhalinyarada,Bahda Sugaanta,Ciidanka iyo guud ahaanba

Bulsho-weynta Reer Khaatumo Gudaha iyo Debedaba-Allah Mahad leh guul taariikhi ah

loona baahan yahay in si dhab loo dhaqan geliyo dhanka horumarka iyo adeegayadda

bulshadda looga faa’iideeyo iyo maamulka guushaasu u noqoto taageero iyo talaabo

horu-socodkooda leh oo dardar gelisa dadaalkooda iyo gudasahda masuuliyada weyn

oo eey dadkooda iyo dhulkooda u qaadeen(Amaanadda).

 

-GUUL IYO GOBANIMO-

-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

peace.jpg

 

 

TFG Government & Khaatumo State of Somalia: COOPERATION AND PEACE ARE THE BEST BET

 

On March 5, 2012, the Transitional Federal Government of Somalia has recognized Khaatumo State of Somalia as a full-fledged state and part and parcel of the of the federal government since it has fulfilled all the required conditions laid for federal states. This was a pleasing news for the people of Khaatumo state and their friends who stood beside them in their protracted struggle for statehood.

The people of Khaatumo State of Somalia are totally committed to Somali unity and territorial integrity of Somalia. The people of Khaatumo state of Somalia are dedicated to this patriotic cause and shall never deviate from this course. This honorable stand has earned them praise and acclaim on the part of true compatriots and fellow Somali countrymen.

 

The regime in Hargeisa is advised to re-connect with reality and withdraw its armed militia from all the territory that belongs to Khaatumo state as early as possible. That is the right thing to do. It is unwise to drag the two peoples to destructive internecine fighting. It must be understood that the people of Khaatumo state cannot be subjugated at gun point. The giant Darwiish is now awake, aware and alert.

Since its inception and inauguration on January 12, 2012, Khaatumo state of Somalia took large strides and made significant progress. There has been a big shift in the awareness of the people. The people of the region are now united and holding together firmly, and their morale is high. But the situation still delicate since many parts of Khaatumo’s territory, including the capital city of Las Anod, remains under occupation by northern Somali tribesmen militia.

Khaatumo state of Somalia is run by a pick out or a select team with firm resolve and broad vision. The team’s mission is to re-shape and re-build Khaatumo state from scratch. Khaatumo’s people and their ruling body are also ready and willing to play a big role in the redemption of Somalia. Khaatumo state is like a shining pole-star for Somalia..

Khaatumo state is ready to maintain a close bond and cooperation with its neighbors to the west and east. Khaatumo state is willing to patch up and mend relations with the neighbors on the basis of good neighborly relations, mutual respect and mutual assistance. But first and foremost, the neighbors must recognize the right of Khaatumo people to self-rule so that they could manage their own local affairs. The neighbors had better understand that cooperation is better than confrontation, and that peace is the best bet. The two regimes in Hargeisa and Growe must stop their deliberate and persistent sabotage and machinations against the nascent Khaatumo State of Somalia. You cannot succeed to undermine, wreck or ruin or try to bring Khaatumo state to a halt no matter how hard you try. This is because the people of Khaatumo state are vigilant and watchful.

 

 

 

Mohamed Ali

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Awdal-State.jpg

 

 

Shacabka Iyo Xakuumada Awdal State oo Diraya Hambalyo Iyo Bogaadin Ku Socota Shacabka Iyo Xukuumada Khaatumo State of Somalia

 

 

Guul Iyo Gobonimo, Hambalyo: Khaatumo State of Somalia oo si Rasmi ah ka mid noqotay Maamul Goboleedyada la Aqoonsan Yahay ee Hoos Yimaadda TFG ee Soomaaliya

 

Marka hore hambalyo Shacabka iyo xukuumadda Khaatumo State of Somalia oo maanta soo hooyey guul taariikhi ah, guushaas oo iyaga iyo ummadda Soomaaliyeedba qiimo weyn ugu fadhida. Hambalyo ummadda Soomaaliyeed ee qaranimada, midnimada, iyo wax wada lahaanshaha oggol. Hambalyo madaxda Dawladda Federaalka ku Meel Gaadhka ah ee Soomaaliyeed iyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo gutay waajib dastuuri iyo masuuliyad qarameed taasoo iyana ay xusi doonto taariikhdu.

 

Go’aanka madaxda dawladda Soomaaliyeed ee TFG ku aqoonsatay Maamul Goboleedka iyo dawladda Khaatumo State of Soomaaliya waa mid ay marka koowaad ugu hiiliyeen qaranimada ummadda Soomaaliyeed, marka xigtana ay ku qireen shacabka iyo deegaanka Khaatumo inay dhisteen maamul goboleed buuxiyey shuruudihii laga doonayey maamul goboleed ka mid noqonaya TFG-da, isla markaana lagu taageerayo dadaalka shacabka iyo xukuumadda Khaatumo ee qaranimo iyo midnimo jacayl.

 

Guusha Maamul Goboleedka Khaatumo State of Soomaaliya waxay kaloo guul u tahay Maamul Goboleedka mataanka ah ee Awdal State of Soomaaliya oo wada-shaqayn wanaagsan oo buuxda iyo iskaashi xoog lihi ay inaga dhexayso, iyadoo ay ka faa’iidaysan doonaan waaya-aragnimada Khaatumo State of Soomaalia oo dhakhso u dhammaystiri doonaan tallaabooyinka yare e ka dhiman.

 

Haddaba waxaynu wax yar ka taaban doonnaa arrimaha isbeddelkani keenayo ama soo kordhinayo:

 

- Shacabka iyo xukuumadda Khaatumo oo guranaya natiijadii midnimada iyo dadaalkooda ay ku gaadheen inay ka mid noqdaan maamul goboleedyada si rasmi ah uga mid ah TFG iyagoo noqonaya maamul goboleedkii saddexaad kuna biiraya Galmudug iyo Puntland

 

- Maamul Goboleedka Khaatumo oo ka hor shirka Istanbul ee June 2012 qaybtiisa ka qaadan doona dhammaystirka hawlaha qabyada ka ah Road-Map-ka loogu gudbayo dawlad Soomaaliyeed oo ka baxda ku meel gaadhnimada

 

- Khaatumo State oo ka qayb gasha shirka Istanbul ee June 2012

 

- Khaatumo State of Soomaaliya oo saamigeeda ka hesha TFG xuquuqda maamul goboleed, deeqaha caalamiga (soo maraya TFG ama toosba) ee horumarinta dhinac kasta, caafimaadka, waxbarasho, samafal, amni iwm.

 

- Dhammaadka sheegashadii beenta iyo khayaaliga ku dhisnayd ee maamullada beelaha hareeraha

 

- Shacabka Khaatumo iyo xukuumaddooda oo sii kun jibbaara waxqabadkooda iyagoo dhadhamiyey midhaha midnimada iyo isku tashiga iyo khasaaraha tafaraaruqa, kala daadsanaanta, iyo talo la’aanta

 

- Midnimadii Soomaaliyeed oo xoogaysatay

 

- Ummaddii Soomaaliyeed oo rajadeedii soo noolaatay

 

- Cadawgii Ummadda Soomaaliyeed iyo Soomaalidiidka ku riyoonaya kala-goynta dalka oo dhabarka iyo adhaxdaba ka jabay

 

- Waxaa la fasiray Qodobka Lixaad ee go’aamadii shirkii London ee February 23, 2012 ee ahaa “inay wada hadlaan Dawladda Soomaaliyeed ee TFG iyo Soomaaalidiidka la baxay Soomaaliland …”

 

Qodobkaas oo ay Soomaalidiidku si khaldan oo badheedh ah u fasiri jireen ayaa iyadoo ay horeba u ogaayeen dadka inta caqliga u saaxiibka ah ama siyaasadda Soomaalida iyo ta caalamkaba la socda, ayaa ka mid noqoshada Khaatumo State of Soomaaliya ee TFG far waaweyn ugu sheegaysaa maamul beeleedka Isaaqu inay iyagoo beesha Isaaqa ahi la hadli doonaan TFG-da, tabashooyinkoodana ay Soomaali kala xaajoon doonaan.

 

Waxaa la wada og-yahay in beesha Isaaqu ay tahay midda gunuunuc, qafal xumo, iyo tabashaba la daba taagan ummadda Soomaaliyeed ee doonaysa inay hore u tallaabsato, mustaqbal wanaagsan la dhiso, lana iska illaawo dudmo, basar xumo, dulmi, iyo qabiil si xun loo adeegsado (sida SNM)

 

- Jabkii iyo guul-darradii kaga soo dhacday Soomaalidiidka shirkii London oo madaxdoodu ka war qabto ayaa khasabtay in danyartii Hargeysa ku ganacsan jirtey la burburiyo si indhaha shacabka loogu sameeyo mushkilad kale oo Siilaanyo lagaga jeediyo indhaha dadka marka uu ku soo laabanayo Hargeysa, taasoo lagu biiriyey beentii iyo borobagaandhihii lagu asqaysiiynayey bulshada ***** ee afduuban laguna majara-habaabinayey iyadoo si aan xishood lahayn loogu sheegayo in shirkii London ay guul ka gaadheen.

 

Bulshadaas ***** ee afduuban waxaa hadda ay madaxdooda oo og in lama huraan caws jiilaal yahay (Somalia) ku wadaan irbado suuxin ah oo tallaabo tallaabo loogu mudayo si looga khafiifiyo naxdinta, muraara-dillaaca, iyo anfariirka iyo sidoo kale in la baajiyo kacdoon ay ku sameeyaan ragga sidaa ba’an u marin habaabiyey.

 

Waxaan og-nahay in kacdoonkaasi bilaabmay isagoo uu is gubay nin dhallinyaro ah kuna gubay meheraddiisii yarayd uu ku lahaa suuqa magaalada Hargeysa. Shirka London wuxuu ka mid yahay guulaha ugu waaweyn ee Khaatumo iyo Awdal States of Somalia ay gaadheen mar haddii beeshii ***** ee tabashada badnayd lagu amray inay Soomaali la hadlaan ayna waddo kale u furnayn, Soomaalina ay is-dishay, beelo tahay, lagna doonayo inay heshiiso

 

- Mar haddii waagii ku beryey, waxaa la dhawrayaa bal in beesha ***** ee soo duushay ay qaadato nabaddii loogu baaqay oo si nabad gelyo ah ugu noqoto deegaankeeda beeleed kana baxdo Khaatumo State of Somalia

 

- Waxaa loo badinayaa in beesha Isaaqu aysan lahayn caqli ay ku miisaaanto kuna qiimayso arrimaha iyo xaaladaha taagan, sidaa-awgeedna ay sii wadi doonto is-miidaamintii iyo dagaalka ay iyadu ku burburayso ee ku wajahan Khaatumo State of Somalia.

 

- Waxaa la gudboon in shacab-weynaha iyo dawladda Khaatumo State of Somalia ay u toogo hayaan iska difaaca weerarada iyo dagaalka gardarro ee joogtada noqday ee beesha ***** inagu hayso degdegna loo xoreeyo meelaha yar ee xuduudaha Khaatumo State of Somalia kaga sugan yihiin ambadka laga soo raray carro *****

 

- In la xoojiyo wada-shaqaynta TFG-da iyo ummadda Soomaaliyeed/beelaha Soomaaliyeed ee xalaasha ah

 

- In la xoojiyo wada-shaqaynta beesha caalamka

 

- In shacabka Khaatumo State of Somalia gudo iyo dibedba xoojiyaan taageerada maamulkooda Khaatumo State of Somalia

 

- In xukuumadda Khaatumo State of Somalia kordhiso dadaalkeeda iyadoon ilaa hadda wax lagu dhalliilayo jirin in la bogaadiyo mooyee. Xukuumadda Khaatumo State of Soomaaliya waxa laga doonayaa in mudnaanta koowaad la siiyo ciidamada amniga oo fure u ah xoraynta iyo horumar kasta oo kale

 

- Waa muddo yar laga soo bilaabo shirkii Horseed ee Nairobi ee October 2009 iyo Khaatumo State of Somalia oo jirtey wax ka yar laba bilood. Dadaalkaas aan muddadiisu badnayn iyo guulaha ilaa hadda la gaadhay oo aad u waaweyn waxay muujinayaan awoodda shacabka *********** marka la mideeyo dhinacna loo wada jeediyo, iyagoo iyaguna wax-is-taraya, deriskooda wax-taraya, ummadda soomaaliyeed iyo caalamkana wax-taraya.

Hambalyo, Guul iyo Gobanimo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Boocame : DabaalDegyo iyo Banaanbax Waa Weyn oo Lagu Taageerayo Aqoonsigii Iyo Hishiiskii Dhexmaray TFG Iyo Maamul Goboleedka Khaatumo State oo kadhacday Maagaalada Boocame (Sawiro)

 

 

Banaan bax lagu taageerayo Khaatumo State oo kadhacay Magaalada boocame , Banaan baxas oo ay kasoo qayb galeen Dhanaam waxgaradka aqoonyahanada, dhalinyarada, haweenka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

 

 

 

 

 

DSC02714.jpg

 

DSC02754.jpg

 

 

DSC02755.jpg

 

 

DSC02759.jpg

 

 

DSC02762.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Guulaha Waa Weyn ee Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia Soo Hooyay Ayaa Turjumad Cad u Ah in Maamulka Khaatumo State Of Somalia uu Hana Qaaday

 

March 6, 2012

 

UK:-(RT)llah Mahad leh-guul iyo gobanimo-Munaasabad qiimo weyn leh

farxadeeda leh guusheeda leh maqaamkeeda sare leh in Maamulka

Khaatumo State Of Somalia loo aqoonsaday maamul ka mid ah habka

ama hanaanka dowladda fadaraalka Somaaliyeed kadib markii wuu

buuxiyeey shuruudihii looga baahnaa,arrintu aqoonsi ma aha ee

waa cadeynta ama iclaaminta in Maamulkaas cusub buuxiyeey ka mid

noqonshadda habka faderaalka Somaaliyeed.

Dharaartaan Waxyeeladii

Guushaas ahamaiyada weyn leh ayaa turjumad cad u ah in Maamulka Khaatumo

State Of Somalia ka mid yahay tiirarka adag ee dowlada Somaaliyeed kuna

taagan yahay midnimo dhab ah iyo qaranimada dalka hooyo diyaarna u yahay

gudashada masuuliyada ka saaran jiritaanka iyo difaacida ciida hooyo oo

eey horeba ugu hudheen kumayaal halyeey oo reer khaatumo ah,ansaxiintan

ayaa keeneeysa in maamulka Khaatumo State xaq iyo xuquuqba ku leeyahay

habka faderaalka(saami)sidoo kale iclaankaas ayaa xoojin u ah jiritaanka

Maamulkaas,guushaas ayaa ku timmi dadaal,karti iyo masuuliyad eey muujiyeen

Hogaanka Maamulka iyo Golaha Isimadda Khaatumo oo isku duuban kana duulaaya

kalsoonidda iyo rabitaanka bulshadooda wana midhaha midnimada iyo wada jirka.

 

Alla maanta ayaantaa

 

Anigoo ah Ustaad-Xassan Carab kana mid ah Jaaliyada Khaatumo state of somalia

ee carigan UK waxaan halkan hanbalyo weyn oo faraxadeeda leh uga soo gudbinaayaa

Golaha Madaxtooyada Khaatumo State,Wasiirada,Golaha Dhaqanka,G9,Culimaa-udiinka,

Waxgaradka,Ururada Haweenka,Dhalinyarada,Bahda Sugaanta,Ciidanka iyo guud ahaanba

Bulsho-weynta Reer Khaatumo Gudaha iyo Debedaba-Allah Mahad leh guul taariikhi ah

loona baahan yahay in si dhab loo dhaqan geliyo dhanka horumarka iyo adeegayadda

bulshadda looga faa'iideeyo iyo maamulka guushaasu u noqoto taageero iyo talaabo

horu-socodkooda leh oo dardar gelisa dadaalkooda iyo gudasahda masuuliyada weyn

oo eey dadkooda iyo dhulkooda u qaadeen(Amaanadda).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Daawo Dabaal Degyada Waa Weyn ee Maagaalada Laas Caanood

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Daawo Dabaal Degyada Waa Weyn ee Maagaalada Laas Caanood

 

 

 

 

 

 

 

 

Breakin News: Dabaal Degyo Xoogan oo ka Qarxay Magaalada Laas Caanood Laguna Soo Dhawaynayo Aqoonsiga Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia [Live]

 

 

Waxaa ka soconaya magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool debedbax aad ubalaadhan kaas oo lagu taageerayo Aqoosiga ay dawalada Federaalka KMG Soomaliya ay siisay Maamulka Khaatumo State.

 

Dadwaynaha ku dhaqan magaalada laascaanood aya hada waxay socod dheerkumarayaa wadada laamiga ah ee dhexmarta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaaana dadku lulayaan calanka Jamhuuriyada soomaaliya sidoo kale waxay ku dhawaaqayaan halku dhigyo ay kamidyihiin “” Khaatumo Guuul – Soomaaliya Guul ”

 

Dadawyanaha ayaa shucuurtooda aan lasoo koobi karin waxayna maqraati katahay sida dadka shacabka ah ee kasoo jeeda deeganada khaatumo State ay uga soo horjeedaan kala goynta dalka soomaaliya una jecelyihiin midnimada umada Soomaaliyeed.

 

Dhanka kale jabhda SMN ayaa laga yaabaa inay xasuuq kula kacdo dadka shacabka ah ee sida nabadgelyada ah umuujinaya dareenkooda waxaana xusid mudan in dhawaan ay jabhadaasi dadka shacbka ah ugaysatay xasuuq baahsan.

 

 

Deegaano kale oo katirsan maamulka khaatumo State ayaa lafilayaa in saacadaha soo socda uu kabilowdaan dabaal degyadan lagu taageerayo Maamulka Khaatumo State.

 

Horufadhi News Online

 

 

lasanod-300x225.jpg

 

Bulshada Reer Laascaanood Oo U Dabaal Dagay Heshiiska Ay Wada Gaadheen Dowlada Federalka Somalia Iyo Maamulka Khaatumo State

 

Laascaanood(Allssc): Bulshada tirada badan ee ku dhaqan gudaha magaalada Laascaanood ayaa banaanka ku muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin Heshiiska wada shaqayneed ee dhex martay Maamulkooda Khaatumo State iyo Dowlada Federalka ee uu Madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Shiikh Axmed.

 

Dabaaldagan oo si furan uga dhacay gudaha Laascaanood ayaa waxaan far u dhaqaajin Maleeshiyada SNM ee iyagu ku sugan gudaha magaalda Laascaanood. Shacabka Laascaanood oo dhinac iska dhigay Gabashada iyo Baqdinta ayaa si aan gabasho lahayn u xusan una wayneeyay Heshiiska halka ay si buuxda u taageereen Maamulkooda Khaatumo iyo Guulaha isdaba jooga ah ee rabi siiyay.

 

Waxaa ay sidoo kale Bulshada Reer Laascaanood ugu baaqeen Maleeshiyada SNM inay ka baxaan deegaankooda si shuruud la’aan ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

Dabaaldegyo Kaqarxay – Taleex, Buuhoodle, Laascaanood, Kalabaydh, SaaxDheer, Dharkeyn, Xudun, Boocame, Widhwidh, Xalin, Tukaraq, Yagoori, Iyo Deegaano kale oo katirsan Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia

 

 

 



 

Markii maanta si rasmi ah dawlada KMG Soomaaliya ay ugu dhawaaqday inay si buuxda u aqoonsatay maamulka Khaatumo state ayaa waxaa kabilowday dhamaan deeganada Khaatumo State dabaal degyo lagu soo dhawaynayo Aqoonsiga maamulka khaatumo State Of Somalia

Dabaaldegan ayaa hada si toosa uga soconaya Magaalooyinka Laascaanood , Buuhoodle Taleex, xudun, Widh widh , iyo dhamaan degmooyinka kale ee hoosyimaada maamulka Khaatumo state.

Dadwaynaha Deeganada Khaatumo State ayaa si aada usoo dhawaynaya Aqoonsiga dawlada KMG Soomaliya ufidisay Maamulka Khaatumo State waxaana dadka oo shucuurtooda marayso meel sare ay ku dhawaaqayaan halku dhigyo ay ku maamuusayaan Maamulka Khaatumo State.

Dabaaldega ka dhacay magaalada buuhoodle ayaa waxaa kaqayb galay madaxwayne Indha Sheel iyo dhamaan Xubnaha kale ee Maamulka Khaatumo state waxayna dadka shacabka ah kala qayb qaadanayeen dabaaldegaasi iyadoo halkaasina uu madaxwayne Maxamed Yuusuf Jaamc Indhasheel uu ka jeediyey qudbad aad uqiima Badan.

Maamulada hareeraha ayaa waxaa soo wajahaysa Cabsi Xoogan oo ku aadan sida ay uga soo horjeedeen Jiritaan umada degta deegadanada Sool, Sanaag iyo cayn samaysatayna maamulka khaatumo State

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

 

 

 

Libdhi Mayside Laas Caanood, Labo Maaha wadankeenu

 

Liici Mayside Laas Caanood, Lixdankii Joog Libaax wuu Imaan Libta Qaatee

 

Leegadii Baad Ku Lamaaneyd Laas Caanood, Looxa Dirirkiyo Loolankii Hore Waa Laguu Qirey

 

 

Laf Dhabarka Dalka Iyo Qaranka Soomaaliya Ayaa Tahay Laas Caanood

 

 

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

 

 

calankakhaatumostateofsomalia.jpg

 

War Deg Deg Ah Maamulka KHatumo Oo La Aqoonsaday Loona Saxeexay Maamul Goboleed Iyo Dabaal Dagyo Ka Dhacaya Deegaamada Khatumo

 

 

canlanka khaatumo stateWaxaa Goor Dhawayd Hoosta Uu Kasaxeexay Madax Waynaha Dawlada Kumeel Gaadhaka Ee Somaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed Warqadii Aqoon Siga Maamulka Khatumo Kaas Oo Goordhawayd Lagu Dhawaaqay In Uu Yahay Maamul Lamida Maamulada Puntiland Iyo Maamulada Somaliya Kajira

 

Guud Ahaanba

 

Waxaana Kadhacay Mudaha Deegaamada Khatumo Damaashaadyo Kor Loogu Qaadayo Aqoonsiga Maamulka Khatumo Stest Of Somaliya

 

Dabaalfagyadaa Iyo Damaashaadyada Kor Loogu Qaadayo Ayaa Laga Dareemayaa Dhamaan Deegaamada Khatumo Stest Of Somaliya

 

Waxaana Tan Iyo Intii Lagu Dhawaaqa Siwayn Looga Dareemayeey Dhamaan Deegamada Khatumo Kur U kac Lagu Waynaynayo Maamulka Cusub Ee Khatumo Stest Of Somaliya

 

Goor Dhaw Waxaa DaawanDoontaan Qaarkamida Dawaashaadyada Lagu Waynaynayo Magaca Khatumo

 

By Najiib Cabdi Wali Cabdi Xiis Najiib Americo

 

Buuhoodle

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Banaan Baxyo Iyo Damaashaadyo Kor Loogu Qaadayo Aqoonsigii , Ansixinta Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia, Iyo Hishiis Taariikhiga ahaa ee Dowlada Somaaliya TFG Iyo Khaatumo State

 

 

Buuhoodle: Dabaal Degyo Iyo Damaashaad Balaadhan oo Lagu Soo Dhawaaynayo Aqoonsiga Maamul Goboleedka Khatumo State Of Somalia oo Ka Soconaya Buuhoodle Iyo Dhmaan Deeganada Khaatumo State

 

Dabaal Dagyada Kor Loogu Qaadayo Waynaynta aamulka Khatumo Ayaa Kasoconaya Guud Ahaan Deegaamada Khatumo Waxaana Maanta Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle Ee Xarunta G/ Cayn Dabaal Dagyo Iyo Damaashaadyo Lagu waynaynayo Ku Dhawaaqista Maamulka Khatumo

 

Taas Oo Ay Ka Qayb Qaadanayeen Dhamaan Bulsha Waynta Deegaamada Khatumo Iyo Qaar Kamida Madaxda Maamulka Khatumo Oo Uu Kamid Yahay Madax Wayne Maxamed Yuusuf Jaamac Indho Sheel Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Ee Maamulka Khatumo Mudane Yaasiin Axmed Sulub Iyo Dhamaan Madaxda Maamulka Khatumo

 

Daawo Sawiro Goor Dhawna Waxaad Daawan Doontaan Vedio Ku Saabsan Dabaal Daga

 

Waashabakada Wararka Allcayn Somaliya

 

By Najiib Cabdi Wali Cabdi Xiis Najiib Americo

 

Buuhoodle

 

Somaliya

 

 

427376_253252728093946_100002276623150_5

 

Madax Weyne KuXigeenka Khaatumo State IndhoSheel oo Khudbad Aaad u Qiimo Badan Ka Jeediyey Banaan Bixii Weynaa ee Magaalada Buuhoodle. March 5, 2012

 

 

 

DSC03119-1024x576.jpg

 

DSC03113-1024x576.jpg

 

 

DSC03079-1024x576.jpg

 

 

DSC03110-1024x576.jpg

 

 

DSC03091-1024x576.jpg

 

DSC03072-1024x576.jpg

 

DSC03089-1024x576.jpg

 

DSC03096-1024x576.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Xaflad Balaadhan oo Lagu Taageerayo Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia oo Kadacday Stockholm, Sweden

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Booqashadii Xallin Oo Ka Tirsan Caasimada Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia Waa Magaalada Taariikhiaga Ah ee Taleex

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

VIDEO: Nala Daawada Deegaanada Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia, Iyo Shir Weynihii Taariikhiga ahaa ee Khaatumo II - Taleex

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Halkan Ka Dhageyso: Hambalyada Shacabka Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

xudun1.jpg

 

DabaalDegyo Iyo Banaan Bax Lagu Taageerayo Hishiiskii Wada Shaqaynta Dowlada Federalka Somalia Iyo Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia Oo Ruxay Magaalada Xudun

 

Laascaanood(Allssc): Waxaa maanta ka dhacay magaalada Xudun, bananabax balaadhan oo lagu taageerayo aqoonsiga ay siisay dawlada Somalia..maamulka khaatumo State of Somalia.

 

Bananabaxan ayaa waxa kasoo qaybgalay dhamaan dad waynaha ku nool deegaanda hoos yimaada magaalada xudun, waxa hal kaa lagu soo ban dhiagay ciyaaro dhaqameed iyo heeso wadaniya oo ay qaadayaan dadwayanaha Xudun.

 

Deeganada ay ka dhaceen bananabaxyada ay kamid ahaayeen ee lagu taageerayay maamulka khaatumo Awrboogays, Sarmaanyo, Lafa wayne, Hohol.dhamaan waxa deegaanadan laga xusay aqoonsiga ay aqoonsatay dowlada soomaaliaya maamulka khaatumo state of somalia.

 

Banaanbaxyadan lagu qabtay deegaanada Khaatumo ayaa maanta ka duwanaa banaanbaxyadii hore ee laqaban jiray, iyagoo maanta shacabka Khaatumo gaadhay guul iyo wax ka maqnaa mudo 21 sano ah.

 

 

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Magaalada Xudun: Banaan Bax Weyn oo Lagu Taageerayo Hishiiskii Dowlada Federaalka Soomaaliya Iyo Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Madaxweyne Karaash Oo Ka Qaybgalay Xaflad Lagu Qabtay Berdaha Khaatumo Ee Taleex- (Sawiro)-

Lasanod Online Wednesday, March 07, 2012

 

 

 

 

Taleex,(lasanod Online)- Kulan ka dhacay magaalada Taleex, gaar ahaana geedkii bardaha khaatumo ee lagu qabtay shirkii Khaatumo 2 ee Taleex..

 

kulankan waxaa kasoo qabgalay oo soo qaban qaabiyey madaxda maamulka khaatumo.

 

Waxaana loogu dabaldegayey arimo dhowra oo ay ka midyihiin ku dhawaaqitaankii dowlada soomaaliya ay ku dhawaaqday aqoonsiga maamulka Khaatumo State of somalia.

 

Xafaladan yaa waxaa kahadlay masuuliyeen ka tirsan maamulka khaatumo waxa ay dhamaan tood ku dheeraadeen qiimaha ay leedahay in deegaanadan ay helaan siyaasad ka madaxbanaan maamulada Somaliland iyo Punland oo si toosa u hoos imananya Dawladda Somalia..

 

Waxa isna halkaas kahadlay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo yidhi " waxa aan leenahay hadaanunahay dadka daga deegaanada khaatumo waxa aanu kamid ahayn hada iyo horayba Dowlada soomaaliya oo aanu sibuuxda utaageersanayn maantana waxa aanu helnay balaadhinta Dowlada Fadaraalku ay ku samaynayso maamul samaynta deegaanda kale".

 

Sidoo kale waxa isna halkaas kahadlay mdaxwaynaha maamulka khaatumo Axmed Karaash, "haadnu nahay maamulka khaatumo waxa aanu soo dhawaynaynaa aqoon siaga dowlada soomalaiaya ay nasiisay, waxa u mahad celinaynaa dhamaan Goloyaasha Dowlada soomaaliya iyo Madax waynaha Dowlada fadadaraal ka Msheekh Shariif Sheekh Axmed" Ayuu yiri madaxweynahu..

madaxwaynuhu wuxuu kaloo sheegay inay maamul iyo shacaba sidiiran ay usoo dhaweeyaan aqoonsiga laga helay Dawlada soomaaliya,

 

Guud ahaan waxaa ka soconaya deegaanda khaatumo dabaaldegyo ayshacabku ku muujinayaa sida ay ugufarxeen go'aankan, dadka reer kahaatumo ayaa hambalyo iyo bogaadin loo dirayo maamulka Khaatumo soo gaadhsiinaya shabakada caalamiga ah ee Lasanod Online xafiisyadeeda deegaanada khaatumo ku yaala.

 

 

SAM_1154.jpg

 

SAM_1152.jpg

 

SAM_1094.jpg

 

 

DSC08162.jpg

 

 

DSC08148.jpg

 

 

DSC08140.jpg

 

 

DSC08136.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this