Sign in to follow this  
Liibaan

VIDEOs:Huge Pro-Khaatumo Rallies/Celebrations Held Across Khaatumo State, Somalia Around the World

Recommended Posts

Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

Banaanbax Lagu Taageerayo Khaatumo State Oo Ka Dhacay Boocame-(Video)-

 

Boocae,(lasanod Online)- Banaanbax lagu taageerayo go'aankii Dawladda Somalia ku aqoonsatay maamulka khaatumo ayaa ka dhacay magaalada Boocame.

 

Banaanbaxan oo ay soo agaasimeen qaybaha kala duwan ee ururada bulshada iyo kooxda awooda badan ee "Guuto Koowaad", waxayna halkaas kusoo ban dhigeen ciyaaro dhanka hidada iyo dhaqanka.

 

Banaanbaxan waxa ka hadlay odayaasha iyo dhalinyarada Boocame, waxaana uu ahaa kii ugu balaadhnaa ee ee dhawaanahan ka dhaca deegaanada Khaatumo State, iyadoo shacabka deegaanadaas ay muujiyeen shucuurtooda sida ay ugu faraxsan yihiin go'aankii geesinimada lahaa ee madaxwaynaha Somaliya uu ku aqoonsaday maamulka khaatumo state of Somalia. Hoos ka daawo..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

otta10.jpg

 

 

Wasiirka Arimaha Bulshada Khaatumo State Oo Lagusoo Dhoweeyey Ottawa-(Sawiro)

Lasanod Online. Wednesday, March 07, 2012-

 

Maxamud Diiriye

 

 

 

Ottawa,(lasanod Online)- Jaaliyadda Khaatumo State of Somalia ee Ottawa, Canada ayaa Casho sharaf u sameeysey Wasiirka Arrimaha Bulshada..

 

ee Khaatumo State of Somalia Md Maxamud Diiriye Cabdi.

 

Halkan Ka Daawo Sawirada

 

Casha Sharaftan ayaa waxaa kaloo kasoo qayb galay kana hadlay Jamac Abshir Xassan oo ka mid ah xubnaha gudiyda G10. Waxaa sido kale ka Hadley Md Axmed Maxamud Goolle oo ah xildhibaan Dawlada KMG ee Somalia.

 

Wasiir Maxamud Diiriye oo hadal kooban ka jeediyey xaflda ayaa ka waramey socdaalkii taariikhiga ahaa ee group kii G15. Wasiirku wuxuu ka sheekeeyey dhulkii badnaa ee ay socdaal ku martey guddidii G15.

 

Wasiirka ayaa hadalkiisii ku daray in u mabd’u ahaa ka shaqeynta midnimada iyo wada tashiga reer Khaatumo. Wasiirku wuxuu xasuusiyey Jaaliyadda Khaatumo ee Ottawa in dad badani dhalashadii Khaatumo u hureen dantoodii iyo maalkoodiiba.

 

Md Maxamud Diiriye ayaa u hambalyey ugana mahad caliyey caawimidadda iyo isxilqaanka wanaagsan ee Ottawa ka gaystey shirkii Taleex, wuxuuna ku waaniyey in ay xoojiyaan dadaalkoodii iyo taageerada maamulka Dawlad Goboleedka Khaatumo .

 

Jamac Abshir oo ah xubin ka ah guddida G10 kana qaybgalay shirkii Taleex wuxuu jaaliyadda uga warramey meesha wax u marayaan Dawlad Goboleedka Khaatumo State.

 

Xaaji Abdi ali abdi (bradho) oo saguna shirkii taleex goobjoog ka ahaa, wuxuu ku baraarujiyey in ay jaaliyadda Ottawa TOOSTO, “Toosa, Toosa ayuu Xajigu ku dhawaaqey”, wuxuna ku daray in la isku duubnaado oo xoogga la saaro taakulaynta mamulka Khaatumo ee dhaladka ah.

 

Ahmed Ismail (Shabeel) oo isaguna hadal kooban soo jeediyey ayaa ka Hadley guulaha jaaliyadda Ottawa iyo taabbo galinta hawlaha iyo himilooyinka Dawlad Goboleedka Khaatumo.

 

 

 

 

 

 

 

Source: Xargaga

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Protesters.jpg

 

Maleeshiyada Somaliland Oo Rasaas Ku Furay Shacabka Laascaanood-

Lasanod Online. Wednesday, March 07, 2012

 

 

 

 

Laascaanood,(lasanod Online)- Waxaa galabta ruxay magaalada Laascaanood shacab tiro badan oo isugu soo baxay banaanbaxyo lagu taageerayo..

 

Go'aankii dawladda dhexe ku aqoonsatay la shaqaynta maamulka Khaatumo.

 

Maleeshiyada Somaliland iyo horgalyaasha u shaqeeya ayaa lagusuoo waramayaa inay rasaas ooda kaga qaadeen shacabkaas sida nabadgelyada leh u mudaharaadayey, taasoo ay ka dhasheen dhawaacyo badan oo yaala cusbitaalada magaalada.

 

Magaaladda Laascaanood ayaa sida la sheegay hadda la saaray Bandoow ka bilaabmaysa afarta galabnimo, kadib markii ay dadweynaha magaaladaasi oo banaanabaxyo isdaba joog ah oo lagu taageerayo maamulka Kaatumo State ay dhigeen sadexdii maalmood ee ugu danbeeyay.

 

Sida uu ku soo waramayo goojooge aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay waxa uu sheegay in ay gudaha magaaladda soo galeen ciidamo ka tirsan maleeshiyada Somaliland, kadib markii ay faraha ka baxday xaalada magaaladaasi, waxaanu sheegay inay dadweynihii mudaharaadayey rasaas la dhaceen.

 

Deegaanada Khaatumo State waxaa ka socday maalmihii ina soo dhaafay damaashaadyo loogu dabaaldegayo go'aankii madaxweynaha Dawladda Federaalka ee maamulka Khaatumo lagu aqoonsaday.

 

Kala Socda lasanod Online Wararka kasoo kordha Banaanbaxan ka socda Gudaha laascaanood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Gudaha Magaalada Laascaanood Oo Ay Wali Kasoconayaan Dabaal Dagyada Lagu Soo Dhoweynayo Guulaha Ay Gaadhay Khaatumo State (Daawo).

 

 

 

Laascaanood(Allssc): Waxaa galab dhicii shalay si toos ah u bilaabmay Dabaal dagyada lagu xusayo Guulaha iyo horumarka ay gaadhay Khaatumo State Of Somalia.

 

Dabaal dagan ayaa ka dambeeyey kadib markii Dowlada Federalka Somalia iyo Maamulka Khaatumo State Of SOmalia ay heshiis wada shaqayn ku kala saxeexdeen magaalada Muqdisho dhowaan. halkaas oo ay ku sugan yihiin qaar kamida Madaxda Maamulka Khaatumo ,Golaha Dhaqanka SSC iyo Madax kale.

 

Iskusoo wada duuboo waxaa god galay rajadii Jamhada SNM ay ka qabeen inay isku balaadhiyaan Deegaanada SSC, waxaa sidoo kale indhaha duubtay Maamulka Faroole oo isagu Xiqdi iyo Xaasidnimo u haya Maamulka Khaato State iyo Bulshada SSC ba.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Sawiro.

 

 

DSC063861.jpg

DSC06398.jpg

DSC06399.jpg

DSC06401.jpg

DSC06411.jpg

DSC06421.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

lasanod2.jpg

 

 

Malayshiyaadka SNM-ta oo Xasuuq weyn u geysta Shacabka Laascaanood iyo Ciidamadda Khaatumo oo ku mashquulsan maxaa ka jira Laaska

 

 

 

Malayshiyaadka SNM-ta ayaa maanta Xasuusqii ugu badnaa ka wada magaaladda Laascaanood noocyadiisa kale duwan ee Hubka ayey shacabka u adeegsanayaan iyada oo Diryanka Madaafiicda kala duwan ay dhamaanba magaaladda wada saamaysay waxana jirta Dhimasho iyo dhaawac fara badan oo soo gaadhay dadka shacabka ah

 

Malayshiyaadkan ayaa soo galay magaaladda Labadii Duhurnimo kuwaas oo rasaasta kaga soo bilaamay Koonayaasha magaaladda oo ay ka soo galeen waxana ay Rasaaska waa weyn la eeganayaan Meheradaha, Dukaamadda iyo wadooyinka ay shacabku marayaan waxana ku jira dadka khasaaruhu soo gaadhay Caruur, Hooyooyin UUr leh iyo dad waayeel ah

 

xiliga ay Malayshiyaadka SNM-tu xasuuqa ba’an maalinkasta u geysanayaan shacabka Halyeeyadda ah ee Laascaanood waxa Tukuraq fadhiya Baabuur iyo Ciidan ka badan SNM-ta oo daawanaya sida shacabka loo galoyo isla markaasna ku mashquulsan maxaa laascaanood ka jira oo aan wali dareemin gumaadka wiilasha dhigooda ahi wadaan

 

allssc@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

Wado kasta oo Laascaanood ah wax ku go’an Tikniko iyo Boqolaal Shacab ah oo ku xidhan Guulwadayaasha

 

Magaaladda Laascaanood ee Caasumadda Khaatumo ayaa caawo ah bando aan cidi dhexmaray waxaana wado kastaba ku go’an baabuurta dagaalka iyo Malayshiyaad fara badan kuwaas oo cidii ay arkaanba dilaya amase u raafaya saldhiyadda malayshiyadka sidoo kale waxaa jira khasaare fara badan oo soo gaadhay shacabka laascaanood waxa cisbitaaladda magaaladda buux dhaafiyey dhaawacyadda culus ee ay wax yeeleen Hubka culus ee Malayshiyaadkaasi u adeegsadeen shacabka laascaanood

 

Boqolaal shacab ah ayaa Malayshiyaadka SNM-ta ugu xidhan Saldhigyadda kale duwan ee magaaladda waxana dadka badani ku jiraan xeradda Guulwadayaasha Laascaanood iyada oo dadka la raafayna ay ku jiraan labo wiil oo dhaawac culus ah, Horgale Mahad Canbaashe ayaa xasuuqa shacabka ee Maanta kaw ahaa waxana uu Jabhadda SNM-ta ka qaatay lacag fara badan isla markaasna balan qaaday in wixii Khaatumo taageersan uu laynayo amase magaaladda ka saaraayo

 

waxa kale oo waxyeelo weyn soo gaadhay guryaha magaaladda gaar ahaan dabaqyadda magaaladda oo dhamaantood Madaafiicda kale duwan ay waxyeelo weyn u geysatay sidoo kalena xaafadaha qaar ayaa la sheegay in Korontadu ka maqan tahay ka dib markii waayiradaha Korontadu ay xabadu jartay guud ahaan magaaladda laascaanood ayaa caawo u sawir eg magaaladda Muqdisho

 

Ciidamadda fara badan ee Khaatumo ayaa ilaa iyo hadda wax talaabo ah qaadin una gurman shacabka uu cadawgu sida arxandaradda ah u xasuuqayo lama garanayo sababta ay u eeganayaan iyada oo shacabka laascaanoodna uu dhagahooda iyo indhahoodaba eegayaa dhinac bariga wax ka dhaqdhaqaaqaya, Allssc oo damacyada in ay xidhiidh la samayso Saraakiisha Ciidamada ayaa aysan u suurtoobin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Maleeshiyaaka Warlord Siilaanyo Oo Shacabka Laascaanood oo u adeegsanaya Hubka Culus

 

Maleeshiyaadka jabhada SNM ayaa maanta weerar xoogan kusoo qaaday dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Ciidamada jabhadaas ayaa waxay adeegsanayaan Hubka noocyadiisa kala duwan waxay si aan Arxan lahayn uraacinayaan wadada laamiga ah.

 

Shacabka ayaa dhankooda aan ka cabsi qabin waxaana imika isu abaabulayaan sidii ay isaga caabin lahayeen xasuuqa joogtda ah ee lagu hayo shacabaka magalaada laascaanood.

 

ilaa iyo imika macada qasaaraha soo gaadhay dadka shacabka ah walow ay jiraan xaafado badan oo ay ku dhaceen madaafiicda iyo hubka ay ridayaan maleeshiyaadka maamulka SNM.

 

Ciidmad jabhada siilaanyo ayaa caadaystay xasuuqa dadka shacabka ah ee deegaanada khaatumo state.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

http://youtu.be/aZwzGJR6IWw" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

Shacabka Widhwidh oo si aan kala hadh lahayn ugu dabaal dagay Aqoonsiga Khaatumo State ( Sawiro Iyo Maqal Muuqaal)

 

Widhwidh(Allssc): Waxaa kadhacay magaalada widh widh oo katirsan gobolka Cayn dabaal deg aad ubalaadhan oo aan horay uga dhicin halkaasi waxaana dhamaan shacabka ku dhaqan magaalada widh widh ay isugu soo baxeen Fagaarayaasha magaalada widh widh.

 

Waxaana dadkan oo shucuurtooda aa u kacsanayd ay ku dhawaaqayeen Halku dhigyo ay kamidyi Khaatumo Guul sidoo kalana dhamaan dadkii ka hadlay madaashaasi ayaa siwayn ugu mahad celiyey Madaxda Dawlada Soomaaliya.

 

Dhinaca kale waxaa intii munaasibadan socotay waxaa xilkii uu ka hayey Maamul ku sheega Somaliland iska casilay C/risaaq Mursal Jaamac Xoosh (Guray) oo ugu magacaabnaa Isuduwaha Wasaarad kusheega dibudejinta & dib udhiska Gobolka Cayn.

 

waxa uuna masuulkani qayb kanoqonayaa dadka kadhiidhinaya Caqli xumada Jabhada Siilaanyo Jaahwareeriyey taas oo imika u muuqata mid gabalkeedu sii dhacayo.

 

Dabaal degyadan ayaa ka dhacayey dhamaan deeganada Khaatumo State iyo daafaha caalamkaba.

 

 

 

32-1024x768.jpg

31-1024x576.jpg

 

41-1024x768.jpg

 

7-1024x768.jpg

 

 

11-1024x576.jpg

 

16-1024x576.jpg

 

17-1024x576.jpg

 

19-1024x576.jpg

 

25-1024x768.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Xafladii Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia - Stockholm, Sweden

 

Nimco Dareen iyo C/Nuur Jass

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

March 6, 2012: Xafladii Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia - Caasimada Taariikhiga Taleex ee Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Saacado Ka Hor Calanka Somalidiid-land oo Ka dhex Muuqanaye Holac iyo Qiiq iyo Calanka Somalia oo Ka Ba’banaya taawarada Lascanod.(DAAWO SAWIRO)

 

Waxaaa Ilaa xalay Maaalada Laascaanod ka Soconayey Banaan baxyo Balaadhan oo Lagu Soo dhawaynayo Aqoonsiga Khaatumo State ee dowlada Somalia iyo Diidmo Maamulka Somaliland la diidayo,Banaan baxan ayaa Bilaabmay Shalay Gelinkii danbe,waxa una Mar kale dib uga Bilaabmay Saaka Gelinkii hore,waxaa jira In ay Gudaha Magaalada Soo Galeen Ciidamo Somaliland ah kuwaasi oo rasaas arxan daro ah ku ridaya Shacabka.

 

 

Protesters-Dahabshiil5.JPG

 

Protesters-Dahabshiil7.JPG

 

dibad-bax-1024x768.jpg

 

 

Somaliland oo Dad Shacabka Sidii Caadada u ahayd Lascanod ku Laysey Maanta.

 

Ciidmada maamulka Somaliland ayaa hada ka wada Gudaha Magaalada laascaanood Xasuuq Ba’an oo lagula kacayo dadka shcabka ah ee ku dhaqan magaalada laascaanood,Dhaawacyo badan ayaa jira oo Soo gaadhay Dadka Shacabka ah sidoo kale askarta Maamulka Somaliland ayaa dhac ka wada Goobaha Ganacsi ee Degmada Laascaanood kuwaasi oo askarta Somaliland ay Gudaha U galayaan Bakhaarada ganacsi ee Magaalada Halkaasi oo Qaar kamid ah dadka gacnacsatada ah Qaarkood lagu Laayey.

 

 

 

Maamulihii Dugsiga Sare ee Muuse Yuusuf Secondary School Mudane C.laahi Aflahaar ayaa kamid ah Dadka ku dhaawacmay Rasaasta Somaliland ku Gumaadayaan Shacabka laascaanood,sidoo kale Dhaawacyada Dadka ayaa qaarkod xaalkooda caafimaad laa dayrinayaa,iyado lageeyey Isbitaalada Kala duwan ee Laascaanod

 

 

 

Wararka Kala Soco Realtaleex.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

Laascaanood Rasaas xoogan oo Ka Socota Gudaha Magaaladda

 

 

Waaheen (Somalidiid website)

 

Hargeysa (Waaheen) magaaladda Laascaanood ayay wariyayaasha joogaa ku soo waramayaan in Bandoo ka bilaabmaysa afarta Galabnimo lagu soo rogay kadib markii ay dadweynaha magaaladaasi oo banana baxyo isdaba joog ah waday sadexdii maalmood ee ugu

danbeeyay ay ku soo dhex dhuunteen kooxo hubaysan oo ciidanka rasaasaynayaa.

 

Sida uu ku soo waramayo wariye aanu goor dhaweyd la xidhiidhnay waxa uu sheegay in ay gudaha magaaladda soo galeen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga kadib markii ay faraha ka baxday xaalada magaaladaasi, waxaanu sheegay in ay dadweynihii xeroodeen kadib markii rasaas aan loom eel dayin la isweydaarsaday.

 

Ilaa hada ma cada kooxaha mucaaradka ah ee rasaasta ridayaa inay yihiin Maleeshiyada Taleex iyo inkale hase yeeshee waxa uu wariyahaasi sheegay inay yihiin kooxo u damaashaadayay wax uu ku sheegay dhawaaqii Sh Shariif ee ahaa Aqoonsiga kooxda Taleex.

 

Si kasta ha ahaatee waxa la filayaa in xog dhab ah goor dhaw laga heli doono kooxahaasi iyo waxa ay yihiinba

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

MadaxWeynaha Soomaaliya Sheikh Shariif oo Xamar Ka Soo Hubaynaya Maamul Goboleedka Khaatumo State,

 

 

Waxa La Sheegay In Konton Gaadiidka Dagaalka Ah Looga Soo Dajiyay Dekedda Muqdisho Wafuuda Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia

 

 

Waaheen (Somalidiid Website)

 

Dubai(Waaheen)-Odayaal iyo waxgarad ka soo jeedo Somaliland ayaa Madaxweynaha DKMG Soomaaliya ku eedeeyay inaanu doonayn in uu ka shaqeeyo wada hadalo dhexmara Somaliland iyo DKMG.

 

Boqor Cismaan Maxamud (Buur-madow) oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Somaliland oo la hadlay Idaacad la yidhaahdo Radio Shabeele ayaa sheegay in Madaxweynaha dowladda KMG ah ee somaliya uu aqoonsiga uu siiyay Sool, Sanaag iyo Ceyn, aanay raali ka noqoneyn dadka ka soo jeeda Maamulka Somaliland.

 

Buur-madow oo ku hadlay afka Odayaasha iyo Wax-garadka kale ee arintaasi ku wehelisay ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif hareer maray talaabadii lagu wadahadashiin lahaa Somaliland iyo dowladda KMG ah, isagoo dhinaca kalena ku eedeeyay inuu Mas’uul ka yahay kala qeybsanaanta Golaha barlamanka KMG Soomaaliya,uguna baaqay Xukuumadda KMG ah inay soo faragaliso arrimahaasi Shariifku ku kacayo.

 

Boqor Cismaan Max’ud (Buur-madow) waxa kale oo uu sheegay in Wafdi ka socda Odayaasha iyo waxgaradka Somaliland ay dhawaan tegi doonaan Magaalada Muqdisho islamarkaana ay kulamo la yeelan doonaan beelaha Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan, kuwaasoo sida uu sheegay ay bandhigayaan eedeymaha ay ka tirsanayaan dowladda KMG ah.

 

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo markii uu ka soo laabtay shirkii ku soo gaba gaboobay Xarunta Lancauster House ee Magaalada London, Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladdiisu wada hadal la yeelan doonto Somaliland taasi oo uu soo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

 

Dhinaca kalena wararka ka imanaya magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in weftiga Maleeshiyadda Buuhoodle ee ku sugan Muqdisho Sh Shariif ku soo hubaynayo gaadiid dagaal oo cusub kuwaas oo ka soo dagay Dekeeda Muqdisho isla markaana uu wado qorshihii uu ugu soo talaabin lahaa.

 

Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hada wax jawaab ah ka bixinin taageerada Sh Shariif

 

ee Maleeshiyadaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

khaatumo State gedka bardaha ah lagu curiya khatumo state somali

 

xafladii dabaldag aqoonsiga khaatumo state - Taleex

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

BBC Somali ; Dibadbax lagu taageerayo Khaatumo 7 Maarso 2012

 

 

 

 

Dibad-baxyada waxaa lagu taageerayay aqoonsiga dowladda KMG ee maamulka Khaatumo ee dhawaantani looga dhawaaqay gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

 

Dibadbaxyo kale ayaa la sheegay in ay ka dhaceen magaalada Taleex oo ah halka uu ka dhacay shirkii lagu soo dhisay maamul goboleedka Khaatumo.

 

Madaxweynaha xilligan ee Maamulka Khaatumo Axmed Cilmi Cusman ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Sharif Sheekh Axmed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this