Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Madaxweyne Siilaanyo oo Soo Saaray BAAQ NABADEED

Recommended Posts

“Bismillaahi Raxmaani Raxiin, marka hore waxan tacsi u dirayaa cidkasta oo uu khasaare ka soo gaadhay dagaalada ka dhacay Deegaanada Buuhoodle, waxaanan baaq nabadeed u jeedinayaa cid kasta oo faraha kula jirta.

 

1. Isla maalintii aan xilkan qabtay iyo Intii ka danbaysay waa markii Afraad ee aan Baaq nabadeed iyo gogol u fidiyo Cidii tabasho siyaasadeed qabta.

 

2. Waxa aanu dirnay oo goobta tegay ergo balaadhan oo mudo dheer hawshaa ku jirtay, ergadaasoo ka koobnayd Wasiiro, Madax-dhaqameed, Culimo, Madaxda Xisbiyada iyo waxgarad kale.

 

3. Ergedaasi markii ay mudo joogtay ee ay labada dhinacba la kulantay waxay gaadheen go’aamo. Nasiib daro go’aamadaasi may noqonin kuwo ay arrintu ku dhamaato oo waa la diiday

 

4. Halkaa kagamaanu hadhin ee waxan ka bixiyey amaro cadcad oo xiisada lagu soo af-jaro.

 

Jawaabta ay kooxda Nabad diidka ahi ka bixisay dhaq-dhaqaadaa nabad doonimo ee ay Xukuumada Somaliland u fidisay.

 

1. Saddex goor ayey Ciidanka Qaranka ku soo weerareen Fadhiisankooda.

 

2. Wasiirkii Kalluunka ee Putland oo si badheedha u dhiiri geliyey Colaada.

 

3. Madaxweynaha Puntland laftiisa oo qirtay, isla markaana dagaal ku baaqay, Xildhibnada iyo Wasiiradda Puntland ee gurmadka ku jooga jiida ay xasilooni daradu ka jirto.

 

Waxaas oo dhami naga niyad-jebinmayaan dedaalkii nabad doonimo ee aanu horeba u wadnay, sidaa awgeed waxan markale ku celinayaa walaalaayaal caqligu ha shaqeeyo, colaaduna waxba ma tarto, ninka ku deg-degaana kuma faa’iido, dhibaatada soo gaadha shacbiguna, dhinackastaba ha joogaane wayna damqaysaa.

 

Ciidamada Qarankuna hawsha ay hayaan waa tii ay u xilsaarnaayeen.

 

Waxaanay garab taagan yihiin dedaalka nabad-doonimo ee Somaliland doonayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Madaxweyne Siilaanyo oo Soo Saaray BAAQ NABADEED

Ciidamada Qarankuna hawsha ay hayaan waa tii ay u xilsaarnaayeen

 

Waxaanay garab taagan yihiin
dedaalka nabad-doonimo ee Somaliland doonayso
.

Haye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaas oo dhami naga niyad-jebinmayaan dedaalkii nabad doonimo ee aanu horeba u wadnay, sidaa awgeed waxan markale ku celinayaa walaalaayaal caqligu ha shaqeeyo, colaaduna waxba ma tarto, ninka ku deg-degaana kuma faa’iido, dhibaatada soo gaadha shacbiguna, dhinackastaba ha joogaane wayna damqaysaa.

Indeed ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

3. Madaxweynaha Puntland laftiisa oo qirtay, isla markaana dagaal ku baaqay, Xildhibnada iyo Wasiiradda Puntland ee gurmadka ku jooga jiida ay xasilooni daradu ka jirto.

It is well and good that a baaq-nabadeed is being called for now as it never to late to call for peace and negotiations - however - it should also be noted that Faroole with all his faults had been calling for this for while now in as far SL is concerned to no avail.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Nonsense and Stuff... If he meant peace, it's simple move your militia to ur home. Wixii kalee waa Oday isku dhex yaacay hadalkiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this