Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay la dagaalanka burcad-badeedda iyo shirka ka dhacaya Nairobi

 

Talaado, Abriil 05, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Maxamed (Faramaajo) ayaa sheegay in burcadbadeedda looga adkaan karo iyadoo la xasiliyo Soomaaliya, wuxuuna xusay inaan loo adkaan karin kumannaan markabkiibta dagaalka ah oo la dhoobo badaha Soomaaliya.

 

Mudane Farmaajo, ayaa hadalkan sheegay shir jaraa'id oo shalay gallinkii dambe uu ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho, wuxuuna xusay in ciidamada badda ku sugan aysan waxba ka qaban karin burcadbadeedda, xitaa haddii tiradooda intaas laga badiyo.

 

"Burcad-badeeddu waxay ku xooggan tahay barriga waxaana loo baahan yahay in la xoojiyo hay'adaha dowladda si loola dagaalamo, caalamkana waa inuu garab nagu siiyo sidii aan burcadda ula dagaalami lahayn," ayuu yiri mudane Farmaajo.

 

"Calaamku wuxuu u gurmayda Afgaanistaan, balse Soomaaliya sidaas oo kale uguma gurman, Soomaaliya iyo Afgaanistaanna waa isku cudur oo waxaa ka jira dowlado itaal daran," ayuu yiri Farmaajo oo sharraxayay sida caalamku uga gaabiyay in la xasiliyo Soomaaliya kaddib 20-sano oo ay ka jireen colaado iyo fowdo.

 

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si kooban uga hadlay shirka bishan lagu qabanayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna sheegay inaan qaban-qaabadiiisa lagala tashan xukuumadda KMG ah.

 

Mudane Famaajo ayaa sheegay inuusan reebbanayn wadatashi, balse aysan u arag shirka Nairobi inuu yahay mid aysan maslaxad ugu jirto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ay go'aan ku gaareen inaysan ka qaybgelin.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somalis demonstrate against UN-sponsored meeting on Somalia

 

Huge demonstrations against an upcoming consultative meeting on Somalia sponsored by the United Nations on Tuesday took place in northern, central and southern parts of the war-decimated nation.

 

 

In Buhoodle, a town in northern Somalia, hundreds of people took the streets to show support for the Somali government’s rejection of the meeting, which will held in neighboring Kenya this month.

 

The demonstrators raised photos of Somali Prime Minister Mohammed Abdullahi Mohammed, chanting slogans calling for all Somalia factions not to be present at what they called blatant cheating against Somalia.

 

Fardowsa Sheikh Ahmed, a resident in Buhoodle, told All Headline News the people expressed how they don’t want the U.N.-sponsored meeting.

 

Ahmed also said that the demonstrators were holding placards written with: “It is embarrassing mistake for Somali individuals who want to attend the meeting” and “The aim of the meeting is to divide Somalis, destroy the TFG.”

 

She added that they marched through several neighborhoods in the town. Security was tightened by the police forces of the breakaway republic of Somaliland which in charge of the region of Sool.

 

Speaking at a rally, Garaad Ibrahim Da’ud, a prominent Somali elder in the Sool region, said Somalia will never accept the outcome of that meeting sponsored by the UN.

 

Similar peaceful rallies also took place in the town of Galka’yo in the Mudug region of central Somalia and the El-barde district in the Bakool region in the south of the country.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Bannaanbaxyo Shirka Kenya ka dhacayo looga soo horjeedo oo ka dhacay gobollada

Published on April 5, 2011 by admin

 

Bannaanbaxyo ay soo qabanqaabiyeen qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka dhacay Gobollada Bakool, Mudug iyo Togdheer ayadoo ay ka qayb galeen Culumaa’udiin, Waxgarad, Aqoonyahanno, Haween iyo Dhalinyaro kuwaas oo ku dhawaaqayey halkudhigyo ay uga soo horjeedaan shirka la filayo in 12-ka bishaan lagu qabto magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

 

Guddoomiyaha Degmada Yeed ee Gobolka Bakool Cabdi Faaqid ayaa Radio Muqdisho u sheegay in isu soo baxyada ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan shirka lagu qaban doono dalka Kenya, waxaana uu ku tilmaamay in uu yahay mid la doonayo in lagu burburiyo Qaranimada Soomaaliya.

 

Maryan Cabdi Aadan oo ka mid ah dadka ku nool degmada Yeed ayaa sheegtay in ay taageersan yihiin go’aankii Xukuumadda Soomaaliya ay ku gaartay in aan laga qayb gelin shirka Nairobi, iyadoo shirkaasi ay ku tilmaamtay mid waxba kama jiraaan ah oo burbur u horseedi kara jiritaanka Umadda Soomaaliyeed.

 

“Haddaan nahay Haweenka Soomaaliyeed waxaan marwalba garab taagan nahay Xukuumadda KMG Soomaaliya, mana dooneyno in shir lagu majoxaabinayo danaha ummadda Soomaaliyeed dalka dibadiisa lagu qabto” ayey hadalkeeda sii raacisay.

 

Sidoo kale Garaad Ibraahim Baaruud Guutaale oo ka mid ah nabadoona Gobolka Togdheer oo isna radio muqdisho la soo xiriiray ayaa tilmaamay in bannaan bax ballaaran oo ay ku taageerayaan soo jeedintii Xukuumadda KMG Soomaaliya ee ku saabsanaa in muddo sanad ah loogu kordhiyo hay’adaha dastuuriga ee dowladda ay ka dhigeen deegaanka Buuhoodle.

 

Garaad Ibraahim ayaa hoosta ka xariiqay in bannaan baxyadooda ay sidoo kale uga soo horjeedeen shirka Xafiiska Q/midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya uu qaban qaabinayo ee la filayo in Kenya lagu qabto.

 

Sidoo kale bannaan bax kan la mid ah ayaa waxa uu ka dhacay Waqooyiga magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug halkaasi oo ay ka arrimiyaan maamulada Puntland, iyadoo bannaan baxaasi uu ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen waxgaradka halkaasi ku dhaqan, kaa oo lagu taageerayey dadaallada Xukuumaddu ay ugu jirto wax ka qabashada xagga amniga, islamarkaana uu ahaa mid looga soo horjeeday shirka Nairobi oo uu soo abaabulay Augustine Mahiga ergeyga gaarka ah ee Q/midoobay u qaabislan Arrimaha Soomaaliya.

 

Bannaan baxyadaani ayaa ku soo aadaya xilli shacabka Soomaaliyeed ay qorsheynayaan in maalinta Khamiista ee nagu soo aadan ay Gobolada dalka ka dhigaan bannaan bax ballaaran oo looga soo horjeedo shirka lagu wado in dalka Kenya lagu qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dab ka kacay dukaan ku yaalla Suuqa Afar-Irdood

 

Published on April 6, 2011 by admin

 

Dab ayaa caawa fiidkii ka kacay suuqa Afar-Irdood oo ku yaalla degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

 

Weriyeyaal ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo booqday goobta uu dabku ka kacay ayaa soo sheegay in dhismuhu ka kooban yahay laba dabaq, iyadoo dabaqa hoose uu yahay mid ganacsi oo lagu iibiyo, halkan kan korena uu yahay deegaan.

Wax khasaare oo soo gaaray dadkii halkaas deggenaa ma jirto. Hase yeeshee waxaa halkaas ku baaba’ay dhammaan hantidii ku jirtay dukaanka.

Isla markii uu dabku kacay waxaa goobta gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), isagoo ay la socdeen ciidamada Ammaanka ee deegaanka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Booliiska Qeybta Bartamaha ee Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Cali Gaab.

Maamulka Gobolka ayaa sameeyay dadaal ballaaran oo lagu daminayay dabka, iyadoo ciidamaduna sugayeen ammaanka si loo ilaaliyo hantida shacabka.

 

Gaashaanle Sare Cali Gaab oo u warramay Warbaahinta Qaranka ayaa yiri: “Dabka gacan ayaan ku damineynaa, gacana ammaanka ayaan ku sugeynaa”, iyadoo la arkayay ciidanka oo biyo ka soo dhaaminaya guryaha ku yaalla xaafadda.

Dabka_oo_la_daminayo1.jpg

Guddoomiye_Tarsan_iyo_Gaashaanle_Gaab1.j

dabkoo_la_daminayo.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Guddoomiyaha Gobolka Banadir, Mudane Maxamuud Nuur (Tarsan) ayaa u sheegay Raadiyo Mudisho inay ku guuleysteen daminta dabkii caawa fiidkii ka kacay Suuqa Afar-Irdood ee degmada Xamar Weyne.

 

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in daminta dabka ay gacan ka geysteen laba dab-damis oo ay leedahay Dekedda Muqdisho, kuwaasoo goor dambe soo gaaray goobta uu dabku ka kacay.

 

Nasiib wanaag, wax khasaare nafeed kama dhicin goobtaas, iyadoo dadkii halkaas deggenaa ay isaga carareen dhismaha.

 

Guddoomiyaha ayaa caawa la arkayay isagoo dharka tuutaha xiran oo kala hagaya dadaalka dabka lagu damiyo, waxayna taasi muujineysaa sida Mudane Tarsan uu uga damqanayo dhibaatada soo gaareysa shacabka uu madaxda u yahay, iyadoo la dareemi karo in madaxda qaarkood ku adkaaneyso inay xilli habeen ah oo laga yaabo inay guryahooda ku nasanayeen u soo kacaan howl sidan oo kale muhiim u ah.

 

Sawirrada goobta uu dabku ka kacay.

dab_la_damiyay.jpg

Tarsan_oo_goobta_jooga.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeyb galay Siminaar HIV-ga ku saabsan

 

Published on April 6, 2011 by Editor

 

Dr.-Aadan.jpg

 

Aqoon is weedaarsi uu ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Mudane Aadan Xaaji Ibraahim Daa’uud oo looga doodayey halista cudurka HIV aids-ka uu u keeni karo bulshada Soomaaliyeed iyo sida ugu habboon ee looga hortagi karro ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

 

Dr Aadan Xaaji ibraahim oo saxaafadda halkaasi kula hadlayey ayaa sheegay in Wasaaraddu ay gacan ka siin doonto dhammaan hay’adaha ku howlan ka hortagga cudurka Aids-ka ayna la shaqeyn doonaan si ay u yaraato dhibaatada cudurkaasi u keeni karo bulshada.

 

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jiraan bukaano qaba cudurka lana doonayo in aan la faquuqin dadka la nool cudurka Aids-ka

 

Talaabadaasi ayaa u muuqato mid wax weyn ka badali doonto ka wacyi gelinta bulshada in ay ka digtoonaadaan halista cudurka iyo sidii Wasaaradda Caafimaadku ay gacan uga geysan lahayd ku baraarujinta bulshada in aan la takoorin dadka la jiifa cudurka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Howlgalo lagu bur burinayay dhismooyin ay ku sheegeen sharci daro waxa ay ka sameeyeen Suuqa degmada X/weyne ee gobolka Banaadir Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya .

 

Iyadoo howlahaani lagu bur burinayo goobaha ganacsi ee kuyaala gudaha Suuqa degmada X/weyne ee gobolka Banaadir ayaa waxa ka qeyb qaadanayay ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi bur burinayay goobo ay ku tilmaameen in ay yihiin sharci daro oo kuyaalay gudaha Suuqaasi.

 

Warsame Max’uud Xasan Joodax oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir oo warfidiyeenada kula hadlayay goobta ay bur burintu ka socotay ayaa waxa uu sheegay in howlgalkaani lagu xaqiijinayo amniga islamarkaana lagu bur burinayo goobo uu ku tilmaamay in ay sharci daro yihiin.

 

Sidoo kale Warsame Joodax ayaa intaasi ku daray in howlgalkii maanta ay ku bur buriyeen ilaa 150 sandaqadood oo uu sheegay inay sharci daro uga dhisnaayeen Suuqa degmada X/weyne, waxaana uu tilmaamay in ay sii wadi doonaan howlgalka lagu bur burinayo goobaha sharci darada ah ee kuyaala gudaha degmada X/weyne.

 

Si kastaba ha ahaatee howlgaladaan bur burinta ee maanta ay sameeyeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xili horay maamulak gobolka Banaadir uu ugu baaqay ganacsatada Suuqa Bakaaraha in ay halkaasi ka soo guuraan islamarkaana ay yimaadaan gudaha Suuqa X/weyne ee gobolka Banaadir.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Maamulka Gobolka Banaadir oo ku baaqay in Ganacsatada ay u samayn doonaan dib u dejin

 

Maamulka G/Banaadir ee Dowladda KMG ah ayaa soo afjaray sixmad iyo ciriiri fara badan oo soo wajahay suuqa Degmada Xamar Weyne, kaddib markii ay ku soo jabeen ganacsatada suuqyada Bakaaraha, Suuq Bacaad iyo Degmada Kaaraan, kuwaasi oo iyagu dhismooyin sharci darro ah ka sameystay dhammaanba waddooyinka iyo goobaha aan munaasibka ahayn ee ku yaala degmadaasi.

 

Xoghayaha maamulka Gobolka Banaadir C/Kaafi Hilowle Cusmaan ayaa ka warbixiyay dadaalka maamulka gobolka uu u galay sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa ganacsatada ka soo barakacday saddexda suuq oo ay maamulaan xarakada Al-Shabaab, isagoo sheegay inay u diyaariyeen dhul ku yaalla barxadda Ceelgaab halkaasna ay ku ganacsadaan.

 

Waxa uu sheegay Xoghayaha maamulka G/Banaadir in qof kasta oo ka mid ah ganacsatada ay u diyaariyeen dhul baaxadiisu dhan tahay 2-Mitir, isagoo sheegay in qofka ganacsadaha maamulka gobolka uu siinayo Kaar ay ku ganacsato, hase yeeshee in kaarkaasi aanu la mid ahayn Sabaraloog milki u siinaya halka ay ku ganacsaneyso.

 

"Ma aha Sabaraloog milki u siinaya qofka heysta Kaarka uu ku ganacsanayo, Dowlad KMG ahna ma bixin karto dhul dan guud ah waxaa bixin kara oo kaliya Dowlad rasmi ah" ayuu yiri C/Kaafi Hilowle Cusmaan oo sheegay in muddo 5-maalin ah gudaheed ah ganacsadihii ku dhisan waaya maamulka Gobolka Banaadir uu ka kansali doono Kaarka.

 

Isagoo ka hadlayay Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir in ganacsatadii ka soo barakacday suuqyada Bakaaraha, Suuq Bacaad iyo Kaaraan ay ku soo jabaan degmooyinka Dowladdu maamusho ay dhibaatooyin kala kulmeen xarakada Al-Shabaab oo uu sheegay inay xireen dhammaanba waddooyinka gala suuqyadaasi.

 

"Ganacsatada suuqyada Bakaaraha, Suuq Bacaad iyo Kaaraan dib u dejin ayaan u sameynay, inta nimanka dalka kharibaya aan Muqdisho ka saareyno, waxaana dejineynaa barxadda Ceelgaab" ayuu yiri C/Kaafi Hilowle Cusmaan oo sheegay dhinaca kale inay muhiim tahay qofka ganacsadaha marka laga jebiyo goobtii uu ku ganacsanayay dib u dejin loo sameeyo.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Banaanbax lagu taageerayay go’aankii Dowladda Soomaaliya ee Shirka Kenya oo Muqdisho ka dhacay

 

muqdisho2.jpg

 

Khamiis, April 07, 2011(HOL): Banaanbax aad u ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal dadweyne ah ayna soo abaabuleen qeybaha bulshada rayidka ah ee gobolka Banaadir, gaar ahaana Majmaca Culimada, haweenka Qaranka, Golaha isutaga Dhalinayrada, Xoogaga Wadaniyiinta, iyo Golaha Abwaanada aragtida fog ayaa maanta ka dhacay Dugsigii tababarka Booliska ee Iskoola Bolisiyo.

 

Banaanbaxayaasha oo watay boorar ay ku qornaayeen ..Dooni meyno shirka Nairobi..Hagardaamada Mahiga waa horumarka Al shabaab…go’aank ka gaarista aayaha Soomaaliyeed waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed oo ay mataleyso Dowladda FKMG ah.

 

Sidoo kale, banaanbaxan ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada sida, Haweenka, dhalinyarada, Culimada, kooxda Baanbeyda, Barbaarta Gaashaaman iyo hobolada Heegan waxayna halkaasi dadweynuhu ku soo bandhigeen aragtidooda ku aadan go’aanka dowladda Federaalku ay ku diiday shirka Nairobi ee ay qaban qaabineyso Q/midoobay waxayna tilmaameen in dowladdu ku saxneyd inay qaadacdo shirkaasi maadaaba bey yiraahdeen uu xagal daacinayo dedaalada dowladda ee ku aadan nabadsoo celinta.

 

muqdisho6.jpg

 

Xoghayaha guud ee ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Faadumo Aadan Cosoble oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay inay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan yihiin go’aanka dowladdu ku gaartay in aysan ka qeyb galin shrika Nairobi, waxayna ugu baaqday wakiilka gaarka ah ee Q/midoobay Soomaaliya u qaabilsan Mr. Mahiga inuu tixgeliyo rabitaanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

“Mahiga waa inuu baajiyo shirkaasi maadaama ay shacabka Soomaaliyeed oo dhan ka soo horjeedaan, waana diidanahay in shirar dibadda loogu qabto iyadoo ay jirto Dowlad Federaal ah oo mataleysa Shacabka” ayay tiri Marwo Faadumo.

 

Guddoomiyaha golaha isutaga dhalinyarada Soomaaliyeed C/fitaax Cali Xasan oo isna goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay Q/midoobay in ay ku bixiso kharashaadka shirarka Nairobi loogu qabanayo Soomaalida biyo dhaamis iyo mucaawino raashin ah maadaama buu yiri shacabka Soomaaliyeed maanta ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah ee aysan u baahneyn shirar dibaddeed.

 

Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow oo isna banaanbaxayaasha la hadlay ayaa hoosta ka xariiqay ka Culimo ahaan ay waafaqayaan go’aanka Xukuumada ee ku aadan shirka Nairobi ee Q/midoobay wuxuuna ka dalbaday in maanta aysan u baahneyn Soomaalida kala qeybin iyo tafaraaruq balse ay u baahan tahay in la xoojiyo hay’addaha Dowladda si ay u suurta gasho in nabadii iyo kala dambeyntii la soo celiyo.

 

muqdisho4.jpg

 

Sheekh Dhicisow ayaa ugu dambeyntii Baaq u jeediyay golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed isagoo ka codsaday inay taageeraan go’aamadii ugu dambeeyey ee xukuumada, gaar ahaana diidmada shirka Nairobi iyo muddo kordhinta isagoo tilmaamay in haddii baarlamaanka khilaafkiisu sii socdo uu hor seedi karo bur bur ku yimaada dhamaamba hay’addaha dalka.

 

Banaanbaxayadan ayaa waxay daba joogaan banaanbaxyo ballaaran oo si isdaba jooga ah uga dhacayay todobaadyadii ugu dambeeyey qeybo badan oo ka tirsan gobolada dalka, sida Mudug, Galgaduud, Gedo, iyo Bakool kuwaasoo ay shacabku ku muujinayeen dareenkooda ku wajahan marxaladaha dalka.

 

Muqdisho.jpg

 

muqdisho1.jpg

 

muqdisho5.jpg

 

muqdisho12.jpg

 

muqdisho11.jpg

 

muqdisho10.jpg

 

muqdisho7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Ra'iisul wasaarayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo kulan albaabbadu u xiran yihiin ku yeeshay Magaalada Nairobi

 

Khamiis, Abriil 07, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa kulan magaalada Nairobi kula yeeshay dhiggiisa dalkaas Raila Odinga, waxaana kulankaas looga hadlay xiriirka labada dal iyo arrimaha dalka Soomaaliya.

 

Kulanka oo ka dhacay xafiiska ra'iisul wasaaraha dalka Kenya ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro labada dal ka socday, iyadoo saxaafadda ay dibad joog ka ahayd intii uu kulanku socday.

 

Labada ra'iisul wasaare oo si wadajir ah shir jaraa'id ugu qabtay saxaafadda kaddib markii uu kulankooda dhammaaday ayaa sheegay inay kulankooda intiisa badan uga hadleen xiriirka labada dal, iyagoo sheegay inay isla garteen inay adkeeyaan xiriirka labada dal u dhexeeya.

 

"Waxaan ku heshiinnay inaan iska kaashanno dhinacyada dhaqaalaha, la dagaalanka burcadbadeedda iyo argagaxisada," ayuu yiri Odinga oo ka hadlay qodobbadii ay isla gaareen isaga iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

 

Sidoo kale, Mr. Odinga wuxuu sheegay in dalkiisa uu taageerayay dowladda KMG ah tan iyo markii lagu dhisay, isagoo sheegay inay u tababareen ciidammo dagaal kula galay Xarrakatul Shabaab deegaannada dhow soohdinta ay labada dal wadaagaan.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo isna wabaahinta la hadlay ayaa xusay in isaga iyo ra'iisul wasaaraha Kenya ay isla garteen inay iska kaashadaan wax walba oo labada dal ay dani ugu jirto, isagoo xusay in Kenya ay uga mahadcelinayaan taageerada ay la garab taagan tahay DKMG ah.

 

"Dowladda Soomaaliya ma diidana wadatashi iyo wadahadal, balse go'aanka kama dameysta ah iyada ayaa iska leh, mana aqbalayno go'aan qof kale uu wato. Waxaan soo jeedinay in shirkaas lagu qabto Muqdisho," ayuu yiri Farmaajo oo shirka jaraa'id ka hadlayay.

 

Mr. Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay go'aankii DKMG ah ee ahaa inay hay'adaha gargaarka dib ugu laabtaan Muqdisho muddo 90-maalmood ah, isagoo sheegay inuu yahay go'aan ay ku doonayaan in hay'adaha gargaarku ay uga shaqeeyaan gudaha dalka.

 

Dhanka kale, ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isla maanta booqday dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, isagoo hadal uu warbaahinta siiyay ku sheegay inay ku faraxsan yihiin in hantidii Soomaaliya dib loosoo celiyo kaddib markii si sharci-darro ah loo iibsaday.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inay muddo sannad ah Muqdisho uga saarayaan Xarrakatul Shabaabul

 

Khamiis, Abriil 07, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay muddo sannad ah uga saarayaan Muqdisho xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

 

"Hadda waxaan doonaynaa hal sano oo dheeraad ah. Ciidamadeennu horumar aay ka sameeyeen magaalada," ayuu yiri Maxamed C/llaahi Farmaajo oo wareysi gaar ah Muqdisho ku siiyay Arbacadii shalay wakaaladda wararka ee AP.

 

Dowladda Soomaaliya oo ay kaalmeynayan 9,000-askari oo ka socda Midowga Afrika ayaa dagaal kula jirta xoogagga Xarrakatul Shabaab. Iyagoo sheegay inay ka taliyaan kala bar xarunta Soomaaliya, inkastoo weli hubka culus iyo rasaasta laga maqlayo Muqdisho.

 

Xarrakatul Shabaab oo la sheego inay xiriir dhow la leedahay urur-weynaha Al-Qaacida ayaa iyaduna ka talisa in badan gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya oo ay ku jirto Muqdisho.

 

"Waxaan isku dayaynaa inaan dib u qabsanno magaalada Muqdisho," ayuu Farmaajo yiri, isagoo intaas ku daray: "Haddii aan helno hal sano oo dheeraad ah, waxaan awoodi doonnaa inaan Muqdisho xoog uga saarno Al-Shabaab."

 

Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore muddo hal sano ah ku kororsatay xilliga ay shaqeynayso, iyadoo xilligeedu uu ku ekaa bisha Ogoosto ee sannadkan. Iyadoo la ogyahay in Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya la magacaabay bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

 

"Shacabku way fahamsan yihiin in xukuumaddan aysan la mid ahayn kuwii hore," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha. Isagoo xusay in muddadii ay shaqeynayeen ay horumar la taaban karo ka gaareen dhinaca sugidda ammaanka, tayeynta ciidanka iyo weliba baabi'inta musuqmaasuqa.

 

Dagaalladii ugu dambeeyay ee Muqdisho ku dhexmara ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo dhinac iyo Xarrakatul Shabaab ayaa waxaa lagu qabsaday saldhigyo muhiim u ahaa Al-shabaab inkastoo lagu dilay in ka badan 50-askari oo AMSIOM ka tirsan.

 

Taliyaha ciidamada AMISOM Maj-Gen. Nathan Mugisha ayaa sheegay in ciidammo dheeraad ah loo baahan yahay si Xarrakatul Shabaab looga saaro Muqdisho, isagoo xusay in hal sano oo loogu kordhiyo xukuumadda uu qayb ka qaadan karo soo celinta amaanka guud ee dalka.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Somali PM: We'll push Islamist insurgents out of the capital in a year

 

MOGADISHU, Somalia — Somali government forces and African Union peacekeepers can take back control of the country's ruined capital from Islamist insurgents within a year, the Somali prime minister said Wednesday.

 

"We just need one year. Our forces are advancing in the city," Mohamed Abdullahi Mohamed told The Associated Press.

 

The Somali transitional government, which is backed by about 9,000 African Union troops, now controls about half of the capital city, although attacks are frequent and sporadic gunfire can be heard throughout the day.

 

Islamist insurgent group al-Shabab controls the other half and much of south-central Somalia. The State Department says some leaders of al-Shabab have links to al-Qaida.

 

"We can take back our city," said Mohamed, a Somali-American who previously taught at a community college in New York state. "If we get a year's extension, we can push al-Shabab out of Mogadishu."

 

The transitional government's mandate expires in August, but last week it extended its mandate for another year. The prime minister was appointed in October; the president has been in power for over a year.

 

"People need to understand we are not the same government as the last one," Mohamed said.

 

The U.N. has called for the government to step down in August but Mohamed said that changing the government again would make politicians focus on campaigning, distracting from the fight against the insurgency and jeopardizing hard-won gains.

 

In the past two months, AU troops have pushed the front line north, expanding their number of bases. Somali government troops follow behind.

 

The previous administration was characterized by incompetence, bickering and corruption, but Mohamed said his government has implemented several reforms, including publishing their budgets, increasing revenue collection and providing some basic services like street lights and garbage collection. Infighting remains a problem, and tensions between the president and the powerful speaker of parliament are very strained.

 

The commander of the AU force, which provides the heavy firepower and disciplined troops needed to take on al-Shabab, said further expansion was planned but more troops were needed. Maj. Gen. Nathan Mugisha said the force should receive an extra 3,000 soldiers within the next few months.

 

The U.N.-backed Somali government is heavily dependent on the AU to provide security. Its own troops are a mishmash of poorly disciplined fighters drawn from clan militias and are incapable of taking and holding territory by themselves.

 

Mugisha said that deciding whether the government should change in August was an issue for the Somali people, but noted that the AU and government forces had suffered their heaviest setbacks during times of political unrest.

 

Somalia has not had a functioning government for 20 years. Its streets are littered with rubble from destroyed buildings. Displaced families camp out in the ruins in tiny-dome shaped huts made by stretching cloth over twigs.

 

Source: AP

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Minister of Hajj receives Somali Hajj Mission

 

Jeddah, Jumada Al-Awwal 02, 1432

Thursday, April 07, 2011

 

Minister of Hajj Dr. Fouad bin Abdulsalam Al-Farsy met here today Somali Hajj Mission led by the Minister of Justice and Religious Affairs Abdullahi Abyan Nur.

 

During the meeting, they reviewed issues pertaining to pilgrims of Somalia.

 

Speaking on the occasion, Dr. Al-Farsy underlined the importance of adherence of pilgrims to the program of Hajj Ministry as well as their awareness of Hajj rituals and regulations prior to their arrival in the Holy Places.

 

Meanwhile, the Somali official praised the facilities being extended by the Kingdom to the pilgrims.

 

Source: SPA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this