Sign in to follow this  
General Duke

Garowe today is the very heart of the Somaliworld

Recommended Posts

Ciyaaraha Gobolada: Nugaal Vs Hiiraan iyo Jubadda Hoose Vs Galgaduud

 

Arbaco, 22, Dec, 2010 (HOL)- Afarta gobol ee galabta kuwada kulmay garoonka Mire awaare ayaa kala ahaa Jubadda Hoose Vs Galgaduud iyo Nugaal Vs Hiiraan oo ku kala jira Group-yada A iyo D.

 

Ciyaartii ugu horaysay ayaa dhexmartay gobollada Jubadda Hoose iyo Galgaduud ,waxaana ay ahayd mid xiiso badan oo ay ka soo qayb galeen dad wayne aad u fara badan.

 

Gobolka Jubadda Hoose ayaa u awood sheegtay gobolka Galgaduud ,iyadoo kulankii ay wada qaateen uu ahaa mid ciyaaryahannadu ay soo bandhigeen ciyaaro wanaagsan,waxaana ay ku soo dhamaatay Jubadda Hoose 3-1Galaguud.

 

Kulanka kale ee aadKA loo wada sugayay waxaa u dhexmaray gobollada Hiiraan iyo Nugaal oo labaduba u soo gudbay wareega 8-aad ee koobka gobollada Soomaaliya.

 

Waxaaa ciyaartii labada kooxood dhexmartay ay ahayd mid kooxuhu ay muujiyeen ciyaar wanaag ,hase ahaata waxa sedex dhibcood garoonka kala hoyday gobolka Nugaal 4-3 Hiiraan.

 

Taageerayaasha xulka gobolka Hiiraan ayaa aaminsanaa in nasiibka uu ka hiiliyay gobolkooda ,isla markaana hadii waqti dheeri ah lagu dari lahaa ay la imaan lahayeeen goolka bar bar dhaca.

 

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Bosaaso,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

^The taughest games will be played today.

 

 

Mudug vs SOOL

 

And,

 

Banaadir vs Gedo

 

 

Any of the teams can go out or stay in, all are playing their last game and its do or die for them. Mudug with most posts has 4, Banadir 2 and SOOL 2 points with Gedo 1 point.

 

It will be exciting game and galabta ayaa la ogaanayaa the two that will progress.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudug & Sool Oo Isdhaafi Waayey, Banaadir Oo Ku Istaagtey Gedo

 

Garowe (RBC Radio):- Ciyaaro aad u adag ayaa maanta dhexmaray xulalka kubada cagta ee gobolada Sool iyo Mudug, Banaadir iyo Gedo, kuwaasi oo ciyaarahoodu ay ku soo gabagaboobeen guul iyo guuldarro.

 

Ciyaaraha galabta dhexmaray Group-ka B, waxaa qeybtii hore is arkey xulalka kubada cagta ee Sool iyo Mudug, kuwaasi oo ciyaartoodu ay ku soo gaba gabowday bareejo 1-1, kadib markii labada kooxood ay is mari waayeen.

 

Qeybtii labaad ee ciyaaraha ayaa waxaa iyaguna kulmay Banaadir iyo Gedo, waxaana ciyaarta dhexmartey oo ahayd mid xiiso leh labada dhinac ay isku qaadeen weeraro kul kulul, waxaana ciyaartaasi ay ku soo dhamaatay 3-2, halkaasina waxay guusha ku raacdey xulka gobolka Banaadir.

 

Xulalka kubada cagta ee gobolada Banaadir iyo Mudug ayaa noqonaya labada kooxood ee ka soo baxdey Group-ka B, iyadoo boorsooyinkooda ay qaateen xulalka kubada cagta ee gobolada Sool iyo Gedo oo iyaguna ka mid ahaa afarta kooxood ee Group B.

 

 

************************************************** **************

 

Thank God, Mudug was able to marginally scrape through to the second round of the games. Sool had me very worried after they equalized and they outplayed Mudug most of the game.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bakool Vs Jubadda Dhexe

 

Xulka gobolka Bakool ayaa ku barbartay xulka Jubadda Dhexe,waxaana ay kala dhaliyey goolal badan oo ay ku macsalaameynayeen ka qaybgalka Ciyaaraha gobolada Soomaaliya maadama aysan u suuragelin in ay usoo gudbaan wareega 8-aad.

 

Xulka gobolka Bakool ayaa dhaliyey gool kowaad,waxaana daqiiqado kadib soo bareejeyey Jubadda Dhexe oo ciyaaryahanadooda u muuqday kuwa aan niyad u hayn ciyaartaan.

 

Qaybtii dambe Bakool waxay lasoo baxday ciyaar aad loola yaabey,waxaana ay dhaliyeen afar gool oo dheeraad ah taas oo natiijada ciyaarta ka dhigtay 5-1 oo ay guusha ku raacdey Bakool.

 

Shabeelada Dhexe Vs Bari

 

Ciyaartaan ayaa ahayd mid aad loo wada sugaayay maadama awooda labada kooxood ay tahay mid aad u sareysa iyadoo ay ku jiraan kaalmaha u horeeya xulalka loo saadalinaayo in ay koobkaan hantaan.

 

Xulka gobolka Shabeelada Dhexe ayaa qaybtii hore ee ciyaarta lasoo baxdey ciyaar aad u macaan oo ay ku wareereen ciyaaryahanada gobolka Bari,waxaana qaybtii hore ee ciyaarta kusoo dhamaatay 0-0.

 

Qaybtii dambe xulka gobolka Shabeelada Dhexe oo sii wadatay ciyaar wanaagooda oo ku dhisnaa hab isfahan ah ayaa u suurtagashay in ay dhaliyaan hal gool oo qurux badan,waxaana u saxiixay ciyaaryahanka lagu magacaabo Baroon.

 

Xulka gobolka Bari ayaa markii goolka laga dhaliyey bedel ku sameeyey qaar kamid ah ciyaaryahanada,waxaana ay dadaal u galeen sidii ay u dhalin lahaayeen goolka lagu leeyahay.

 

Ciyaarta oo socota isla markaana Bari ay qaadeen dhowr weerar ayaa qaybihi dambe dhaliyeen gool naxdin ku noqotay xulka Shabeelada Dhexe oo doonayay galabta in ay qaataan saddexda dhibcood,waxaana goosha gobolka Bari u dhaliyey weeraryahankooda Cabdirisaaq Axmed Yaasiin.

 

Si kastaba ciyaartaan waxaa ay kusoo dhamaatay 1-1 oo labadaan xul ay wada qaybsadeen midkii hal dhibic, iskudar ahaan waxaa ay leeyihin midkii 7-dhibcood balse waxaa kaalinta kowaad kusoo baxday xulka gobolka Bari.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Wareega 8-kooxood ee koobka gobolada Soomaaliya oo maanta Bilaabmanaaya

Wareega 8-kooxood ee loo yaqaano Quarter Final-ka ee koobka gobolada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmanaaya garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe.

 

Afar kooxood oo kasoo baxay Group A iyo Group B ayaa isku dhici doona,waxaana la rajeynaaya in wareega afar kooxood ee Semi-Final-ka usii gudbaan labo kooxood.

 

Kulamada maanta dhici doona oo ah kuwa adag ayaa kala ah

■Banaadir Vs Hiiraan

■Mudug Vs Nugaal

Wareega Quarter Final-ka ayaa lasoo gaba gabeyn doona maalinta berito ah,waxaana kooxaha isugu soo baxay ay yihin kuwa adag oo aan la saadalin karin cidda u gudbi karta wareega Semi Final-ka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this