Sign in to follow this  
Sophist

Caashaq

Recommended Posts

Sophist   

Cali dhuux Aadan ayaa wiil uu adeer u ahaa gabadh jeclaaday Calina kuma raacsanayn go'aankiisa wuxuuna u tiriyey gabaygan si uu uga fiirsado do arrintaas wuxuuna abwaanku yiri.

 

Cabdiyow ninkii caashaq wado, looma caal helo

Dad ninkii ka caawa-caawiyuu, kala colloobaaye

Inaad culustahaan moodayee, kuma canaanteene

Carrabkayga kuma daaliyeen, cod aadan yeelayne

 

Cirro kaama soo bixin timahaan, coofkan igu yaalle

Anoo maduxu caynkaan i yahay, wadana caar yeeshay

Waa laga ciraab qaadan jiray, caynka aan ahaye

Cishriin ninkii jirey ma yara cad iyo dheeraade

 

Haddaan talada caad lagaga rogin, caaqil waa yahaye

Bal cutubi cabbaar gabana baa la cilmi qaataaye!

Anigaba cusayb-doonadkii, waa i cood tiraye

Waa kaa cadaadda u kallahay culus raggeediiye

 

Inamaha Cambaro -Naado iyo Caasha iyo Luula

Cagtoo aadan dhigin adoon Cadar la haasaawin

Ceebaal rag kugu maadsadiyo cadanyo kuu laaban

Cindallaahi coodkaa u bixi ciilna haw qabine.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Cabdiyow ninkii caashaq wado, looma caal helo

Dad ninkii ka caawa-caawiyuu, kala colloobaaye

--

 

Ala maxaan tan usoo taagnaa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Haddaan talada caad lagaga rogin, caaqil waa yahaye

Bal cutubi cabbaar gabana baa la cilmi qaataaye!

Anigaba cusayb-doonadkii, waa i cood tiraye

Waa kaa cadaadda u kallahay culus raggeediiye

 

Inamaha Cambaro -Naado iyo Caasha iyo Luula

Cagtoo aadan dhigin adoon Cadar la haasaawin

Ceebaal rag kugu maadsadiyo cadanyo kuu laaban

Cindallaahi coodkaa u bixi ciilna haw qabine.

Adoon cadar la hasaawin, ahem! Run badanaa...sxb sidaad u miyir maskax badan tahay oo aad u dhowrsan tahay bey Ilaahey amarkii mid qorran-qallanjo-luul addigu kula ah kaaga dhageysaa markaas baad waxaad arkeysaa addigoo inta lagu ceyrshay ama lagu xumeeyey misana inta is ilowsiisid isla ayadii dib ugu laabanaya.

 

Ceebaal rag kugu maadsadiyo.. Waa runtii...war-xumo tashiil dadka lagama waayo! Addigoo arrinni si kaa tahay yey wax baas iyo ceeb kaaga sheegayaan...wa sidan iyo hebel baa siduu doona ka yeekey iyo xagay ka dhacdey iyo war ninyahow maxaa kaa qaldan maad wax isku fashid...wareer iyo tuhun iyo fikir yaa laga qaadaa mararka qaar.

 

Cindallaahi coodkaa u bixi ciilna haw qabine Waa runtii...war ninku ma felasuufbaa! Penny-lovers iyo bar waxaa ku jira gold-diggers wada ah oo shopping iyo hasaawaha sheekada/baashaalka ay issaga darsameen. Hor Illaahey ugu samir bal inta aad kala hubsaneysid illeyn addigu waxu dhab bey kaa yihiin oo qofta karti, horjoogsi wacan, dadnimo, garasho, iyo dabci-wanaag baad ku jeclaatey oo aad ku tuhmeysaa e.

 

Alleylehe dumar iyo caashaq inuu ninkaa yaqaan. Allow maxaan waa beryey soo joogey ninbaa laga sheegay.

 

Sophist,

Ninkaa gartay ee addiga see xaal yahay? :D Kor-ku-muraayadleey soo ma aadan soo xerro-gelin? Gabaygaan waligeey ma maqlin aadna gabayada waan u ururiyaa hadde waxay ila tahay macnaa ku jira sababta aad midkan noogu soo xushay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

"Kormuraayadleey waxay jirtaa kooska jiidali eh" Hadalkaas awoowgey ayaa kayiri maalin uu cadan kaboodayey.

 

Baashoow, Maansadan waxaan inoogu soo xuley, rag badan ayaa waxay yiraahdaan, abwaanada ciideed waa looga xeel dheer yahay arimaha qalbiga. Marka waxaan bal is iri malaha tusaale kan maad u keentid.

 

Nabad

 

Sophist

 

NB: Ma heysataa Buugii ugu danbeeyey oo uu qorey Idaajaa ee uu ku ururiyey gabayada Abwaankii caanka ahaa: Aadan Carab? Waa inaad raadisaa, anigu mid ayaan kahayaa. Waa buug qiimo leh walee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Originally posted by Sophist:

 

Baashoow, Maansadan waxaan inoogu soo xuley, rag badan ayaa waxay yiraahdaan, abwaanada ciideed waa looga xeel dheer yahay arimaha qalbiga. Marka waxaan bal is iri malaha tusaale kan maad u keentid.

 

Nabab

 

Sophist

 

And a perfect example if I may add.... :D

 

Caashaq wuxuu kudhacaa ninkii naftiisa u ogolaada soo maaha?

:D Hadana :D oo hadana :D Has to be the best one liner of all time ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

^Tollow Gediid maxuu ogyahay?

 

Sophist,

Yaa yiri abwaanada ciideed xubiga waa looga dheereeyaa? Midanse aad tiri waxuu ku dhacaa ninkii naftiisa u ogolaada; annigu waxaan oron lahaa waxuu ku dhacaa qof walba oo ay ku timaado laakiin reer ciideedku waxay yiraahdaan "inna rag waa kii adkeysta" :D

 

FG: Aadan buugiisa ma hayo ee hadba mid noo soo qor hadii aad karto. Addigu ma heysaa kii ahaa "Abtirsiimihii baa i hoday aadan caraboowe, Arrin baa i dhaaftaye hadaan uumiyaha eego, Iddo-la-joog baraar wan weyn ma arki waayeene." Ninkii inta innan la yaalka noqday xididkii ku xumaadeen lakiin gabadha quudhi kari waayey ee Aadan Carab ciilkii kula gal-gashay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

Baashi-

Adoon cadar la hasaawin, ahem! Run badanaa...sxb sidaad u miyir maskax badan tahay oo aad u dhowrsan tahay bey Ilaahey amarkii mid qorran-qallanjo-luul addigu kula ah kaaga dhageysaa markaas baad waxaad arkeysaa addigoo inta lagu ceyrshay ama lagu xumeeyey misana inta is ilowsiisid isla ayadii dib ugu laabanaya.

mawaxbaa kugu soo kordhey mandhow..ma dhiib baa jira in paradise land ;) horta waa ruunta..guurku wuu dhiib badaan yahay..waana in loo duulqaato..allow no sahal muraadkeen-amin.

 

Sophist-boowe unique aad tahay..xagee waxaan oo kale kaso quftaa ;)

 

Jalaqsan-tha' one of my fav-(still is) :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faheema.   

^^^ lool, ma tay odayaasho ku sheekeeyaan baa markay maqaaxida joogaan.. :D itay koob shaaha kabadaan bay shaxdana ku dagaan baa la idhi :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Qofkii meeli bogtaa isageey belbashaa! soo sidaa maaney aheyn maah maadii asalkeedu? Calaa kulixaal, bal nooga faa'iidee maahmaahyadaas.

 

Nabad

 

Sophist

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^maahmaahda asalkeedu waxaa ay aheyd "beer wax jeclaada waa baasto miir" hadaba jalaqsaneey gacaliso tanina nooga faaiidee. :D

 

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this