Sign in to follow this  
Sophist

Caashaq

Recommended Posts

Wiilo   

Glad to hear from u gal,,,,

 

caashaq....waxaad ka heli karta quf ama shey...laakiin markaad quf caashaqdid usually waa jaceeylka bilaawgiisa

Ajaajah adaaba dhameeyay Caashaq wuxuu ahaaba :D

 

Haye J'baro adigana bal soo daa wixii aad u taqaanno Caashaq,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weli dictionery ga ayaan baarayaa laakiin initially ,, caashaq waxa la dhahaa wax ka bilowda aragtida ,, sii mara maqalka ,,, ku yara nasta is barashada ,, ka dibna u dhaqaaqa dhinaca xididdada jirka ,, dareen qabow u dira qalbiga ka dibna ku nasta niyadda :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

J'baro walaakiis wow that was very good discribtion of Caashaq,,,,I dont think intaa ka badan in la qeexi lahaa,,,,,,,,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Ok waan idin gartay labadiina anigana waan idinka aqristay dhammaan sida aad u qeexdeen idin koo waliba mahadsan,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Simply the Best

qeexdeen? waaw af soomaali weyn...yaaku soo baray

 

Macaanto armaa adiga kaa badiyaa Af-Soomaaliga :confused: :D Waan isku dayaa inaan aqaan Af-Soomaaliga waana isticmaalaa erayo waaweyn,,,,,,,

 

 

Go figure:................

Share this post


Link to post
Share on other sites

dont know much about reading af somali!

i but do know caahaq! its international!

if it hits, u is in mess! period!

 

and then the period controls u 4 the rest of your life!! lol... where do u go from there!!

gimme the 411! :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Anigu jacaylka iyo aayihiisa waxaan ka bartey suugaanta Somaliyeed. Weliba heesta la yidhaahdo Jacayl Dhiig Malagu Qorey oo uu qorey Maxamed Ibrahim Hadrawi ayaan erayadeeda aad ugu qashuucay.

 

Sidey sheekadu ii soo gadhey, waxaan maqley inuu Hadrawi heestan u qorey fanaanada Magool markii uu caashaqey nin Sudani ah. Waxa la sheegay inuu ninkani Magool warqad jacayl ah uu dhiigiisa ugu soo qorey.

 

Heesta oo dhan waxaad ka akhrisan kartaa halkan.

 

Waxa aad ii cajabisey midhahan hoose oo uu Abwaanku ku gabagabeeyey hadalkiisa.

 

Haddaan laysu dhamanayn

Nafta laysu dhiibayn

Ama dhaxal tis qaadiyo

Dhismo aqal la taagiyo

Ubad iyo dhaqaaliyo

Dhaqan reer la kala sugin

Dhunkashiyo u jeedadu

Tahay dhaayo guudkood

Waabay la dhabaqsado

Dhereg iyo markaas qudha

Ama sida dhurwaayada

Hilbo gabadh dheg roonoo

Higlo loogu dhuuntoo

Dhakhso loogu kala baxo

 

Ninba waxa dhabbacashada

Dabinkiisa ugu dhaca

Dhidar iyo xabaashii

Sharaf lagu dhabcaaliyo

Dhawrsooni laga tegey

Dhalanteedka beenta ah

Bulshadaa u dhaawacan

 

 

Inta hore waxaan ka heli tusaaleka hadlaya jacaylkadhabta ah. Dabadeedna ka beenta ah ama ka bulshada u xun oo ku salaysan been iyo niyad xumo ayuu Abwaanku inoo sharaxay.

 

Gabayguna midhahan ayaa lagu xidhe...

 

Hab jacayl u dhaqan galo

Ma holladay ka ugu dheer

Maamuusna ugu dhow

Mise weli wax baa dhiman?

Bal suaashan yaa jawaab u haya?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thanks Ameenah ,,, runtii waxa aan aad uga helay sida aad u soo bandhigtay ,,, qoraa baad ku fiicnaan lahayd ,,,

 

Anigu waxa aan dhegeystay abwaanka laftiisa oo ka sheekaynaya sababtii uu gabayga u tiriyay. Waxayna ahayd sidan:

 

Magool ayaa waxa ay booqatay Sudan si ay heeso uga soo qaaddo, ka dib nin Suudaani ah oo isaguna fanaan ahaa baa ka helay oo jeclaaday, laakiin waxba umuu sheegin iyada. Markii ay soo noqotay ayaa waxa uu u soo diray warqad iyada oo Muqdisho joogta. Warqadu waxa ay ku qornayd khad casaan ah isla markaana waxa ay ahayd af carabi. Magool may aqoonin luqada carabiga markaas by ula timid Abwaan Hadraawi si uu ugu akhriyo. Waraadii wuu u akhriyay waxaanuu aad ula yaabay markii uu waraaqda soo gebogabeeyay ninkii soo qoray oo uu yiri: " Hadii aad moodayso khadkan cas ee ku qoran waraaqdu inuu yahay qalin cas, waxa aan kuu sheegayaa in inta aan cirbad soo qaatay oo aan dhiigayga ku soo qaaday aan waraaqdan kuugu soo qoray" ,,,,,,, Runtii waxa ay ku noqotay wax fajaciso ah arrintani abwaanka ,, markaas buu gabaygan allifay ama tiriyay kaas oo markii dambe hees laga dhigay laakiin anigu aan ku door bido marka uu gabayga yahay oo uu dareen dhab ah ku gelinaayo.

 

Ilaa hadda gabay jacayl laga tiriyo mid ka macaan oo ka xikmad badan maan arag runtii.

 

Ameenah ,, thanks again Dear ,, waad i xasuusisay waa inaan raadsadaa hadda cajaladii gabaygu ku duubnaa ,,,, :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this