Sign in to follow this  
Sophist

Caashaq

Recommended Posts

Tuujiye   

Adeer sophist iyo abti baashe.Noo sheega sheeko jaceel oo indhoole eh...

 

waraa checkmate ani waxaan maqlay..

Labo jaceel ku dhacyey,bakeeri la dhor dhoorayo camal ee isku dhoor dhooraan..

 

Labo indhood isjecel hadee is fiirshaan, daaf aa ka dhaco..

 

 

wareer badanaa..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

^^^^^Hahahahaha :D:D

Garab how many times buu Daaf kuugu dhacay adigoo fiirinaya qof aad ka hesho. Cajaa'ib badanaa.

 

 

Go figure:..............

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Caashaqu waa Cadaaboo wuu ku

Cidhabtiraayoo kuma Ciseeyee

Cirra buu kaa soo saaraa wuu kaa

Careysiiyaa Cunno kaa Careyriyaa

Caana la'aan buu ku Caraabiyaa

Canaan buu kugu Ciqaabaa

Cidla buu kugu Cararsiiyaa

Cidna kaagama gabbadee Culeys buu kugu

Curiyaa mana Cirab go'o.

 

I don't know it just come out of the Blue, so enjoy it :D

 

Go figure:..........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caashaqu waa lama huraan

Waa lagu cidloobaa

cidna looma sheegtoo

way kugu ciyaaraan

cidda aad jeclaatana

cid baa loo dirsadaa

ama waa la caashaqaa

markaasaa lala caweeyaa

casho lala wadaagaa

ciyaar lala bilaabaa

cisi lagu xurmeeyaa

 

Yeah ,,,,, seeing Wiilo's gabay ,,, anigana intaasaa igu soo duushay ,,, may be i'm wrong

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Saddex cabow ayaa jiray,

Dadka soo caddibi jiray

Oa ciriiri gelin jiray

Lab waa la cirib tiray

Cilmi li' wax laga baray

Cirka waatan loo kacay

La carraabi gaajo!

Cayr xoolo laga dhacay;

Ha yeeshee colka u daran

Weli caymo loo waa!

Culimada adduunkee

Caafimaadka baartaay

Cudurrada la dabargoyn

Caashaqa ha lagu daro;

 

Cimrigiisu dheeraa,

Ciidankiisu badanaa

Calankisu adagaa

Waxaa i la cajaa'iba!

Carraduu ku nool yahay

Cidden kaga dacwoonnaa!

Wuu innaga cadgoostoo,

Ka cabaadday duniduyee!

Sidee loo curyaamnshaa

 

Oo loo cadaadshaa!

Culimada cakuye adduunkee

Caafimaadka baadhaay

Cudurrada la dabargoyn

Caashaqa ha lagu daro;

 

Cayn ka mid ah gumeysiga,

Hadba ruux cunaha qabay

Oo ciirsina u diid!

Cidla keligii ula bayr

Haddii loo calaalcalo

Ma yaanno cabashoo

Taa waxaa caddayn kara

Intuu curad i naga dilay!

Cakuye waxaa ka sii daran

Caraduu inoo qabo!

Culimada adduunkee!

Caafimaadka baartay

Cudurrada la dabar goyn

Caashaqa ha lagu daro.

 

 

Go figure:..........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fandhaal   

Asc wr wb;

 

Maanso dagan ma dayn aqaanee!

 

Sophist sxb yaa yidhi abwaanadu kama qabyaan Cudurka Qalbiga ku dhaga, gaar ahaan gabayada Ciiddeed. Bal gabaygan ila eega Afdurudur uu rag kula hadlayay.

 

1. Anoo aabbahay dhaqay horwayn, kadin ah oo aada

 

2. Waxaan dumarka uga dhawrsadaa, dhawr tiraad bixine

 

3. Nimanyahaw nin dhawr neef lahoo, dhawrsan kari waayey

 

4. Oo gabadh rag dhalay dhooldhooliyoo, dhabanno xoodaanshay

 

5. Oo yidhi waxaan dhaar ku mari, Dhudi inaan guursan

 

 

 

6. Maxay dhami maxay dhigan maxaa, dhiisha lagu qaabin

 

7. Dhar maxay ka xidhan naagi waa, tii la dhaalaco e

 

8. Xidid waa dhagmaayee maxaa, qoladii loo dhiibi

 

9. Maxay dhaansan gaadiidku, waa ka ugu dheef roone

 

10. Dheeldheel danbeetiyo maxaa, dhamamax loo laabi

 

11. Dhibic maxay ku soo siin xirsiga, lagu dhawaaqaayo

 

 

 

12. Sida nimanka dheellidu hoddiyo, dhaantadiyo beertu

 

13. Dhal la’aanta lama fiiriyiyo, dhaalka yaa karine

 

14. Dib baa xaajo loo dhagaxguraa, tay u dhaadhiciye

 

15. Dhiiqey miskaha kuugu ridi, dheregta qaarkeede

 

16. Ragow hays dhabaan dhabin, adoon xeradu kuu dhoobmin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

war maba ogayn inuu Cali Caashaqana Gubayee!

 

 

Originally posted by Sophist:

Cabdiyow ninkii caashaq wado, looma caal helo

Dad ninkii ka caawa-caawiyuu, kala colloobaaye

--

 

Ala maxaan tan usoo taagnaa
:D

"Caashaq is the triumph of imagination over intelligence."

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this