Sign in to follow this  
Paragon

Miraha Heesaha So'maaliyeed - Kusoo biiri

Recommended Posts

Paragon   

-"Ma ogtahay siraadeey,

Soomaaliyoo idil,

uma sidatid quruxduye...

habla kula sin baa jira

oonan saa u eeginee,

waa su'aale kaligaa

maxaan kaaga sahansaday?"

 

.... male jacaylkuye,

waan sidaaye ila qabo

soo dhowoow ila qabo,

oo haygu siidayn...

 

sabaabtuna waxay tahay,

sambabadiyo beerkiyo

wadnahaygaad sudhantee....

 

wah waah ! gediid that song rocks....thnkx

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

""""Qormada Raadiyaha Codka Mucaashaqiinta waxan Todo-baad walba idinkugu soo bandhignaa Heesaha ka tarjumaya Jacaylka ee sida aadka ah loo xiiseeyo & ulajeeddadii loo alifay.

 

Todobaadkan waxaan akhristayaal idiin heynaa hees uu alifay Abwaan Maxamed Kaariye isla markaana uu ku luuqeeyo Fannaanka HANUUNIYE

 

Heestani waxa ay miraheedu ka hadlaysaa isla markaana ay khuseysaa Jacayl dhex maray Abwaanka alifay ee Kaariye & Gabadha Fanka ku gaamurtay ee Shankaroon oo jacaylkii dhex maray uu ahaa mid shaac baxay, walow uusan sidii loogu talo galay u hirgelin ayay haddana heestani tilmaamaysaa luggooyo iyo in Shankaroon oo inta badan dad kale arrimaha Jacaylkeeda kala arrinsata, kuwaasoo dibindaabyo mooyee wax horumar gaarsiin ah aan u horseedin, iyadoo Jacaylka uu u hayay Abwaankana uu ahaa mid mudnaan gaar ah lahaa, balse ay iyadu ka sii jeeday, taasoo aad ka dhadhansan doontaan miraha heesta oo sidan u qormeysa:-

 

=Haddaad shalay saakay moodo, Saadambana berrito u malayso, ku sire gacalkaada moodo.

 

=Sideedaba garashadaadu, inay soof daran habowday, war miyuu kugu seegan yahay?.

 

=Jacaylkii aan kula sugaayay, Salaaddii Ina xaggaa, Sagaal rakcadood tukaday, sideedoo kale miyaa?.

 

=Malaha samir baa ka roon suddan…!!!.

 

=Labada isa suran sal iyo baar, sagsaag midi yahay sidaadaa, kan kale saafi yahay sideydaa.

 

=Su’aasha dhex taal sidoodaba, dambigaa bal mid saar sidoodaba.

 

=Jacaylkii aan kula sugaayay, Salaaddii Ina xaggaa, Sagaal rakcadood tukaday, sideedoo kale miyaa?.

 

=Malaha samir baa ka roon suddan…!!!..

 

W/Diyaariyey:C/raxmaan Cumar Madoobe(Dalmar)""""

 

Source: Aayaha Nolosha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

My childhood favourite. Luckily, I met Saalax Qaasim in person and requested of me to sing the song for us. He did....and it was such a moment!

 

One Song of Saalax Qaasim is: Ma Ogiye Waa Maxay jacayl!

 

But another is a song oo uu Saalax Qaasim laxanka saaray kuna luuqaynayso none other than Qadro Daahir, waa

Afka lagama sheegto, adigoon jacayl arag

 

PS: Some audio links may not work due to a specific being site off-line.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Having read the eight pages of this thread J seems to be the man with the lyrics ;)

I wonder if you can help me with the lyrics of the this song : INAAN WELI KU JECELAHAAY by the one and only Ahmed Gacayte. If nobody has the full lyrics, never mind just enjoy the song. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Iffah   

I just wanted to add another one of my fav songs to this collection smile.gif

 

ONKOD

 

Here are the lyrics... enjoy!

 

onkod roobku madaayo

ana taaha madaayo

ana taa ma ilaawo

jeceyl ood rogan maayo

oon hilaac bi'inmaayo

xeera weerar madaayo

heleey aamusi maayo

ergo geesi madiido

 

ilaah tiisu ma oosho

calaf leyskama oodo

ubax dheyr maqarsoomo

reyska leyskuma waayo

 

ifkaa leysu turaayee

iilka leysma gargaaro

aboor leyskama daadshee

nabsi heyga amaahan

axdigii nadhexyiiliyo

ha iloobin aqoontee

 

asaageey usha toosan

iyo ooda hagaagsan

hayinkii afagaadee

hilinkii afar deeqaay

inantii la,ilwaadsan

eey asluubi udheereyd

sida aan u,adkeysan

kuu eeganayaayee

 

hadanaan mid iraahdo

waa aqoonta haweenee

ruuxa iiga danbeeyo

halka ay kacaweyso

 

uurkutaalada maada

aramidiisa jaceylka

anigu soow dhaxlimaayo

nabsi heyga amaahan

axdigii nadhexyiiliyo

ha iloobin aqoontee

 

sida oodda cilaaca

hilinkeeda cadceeda

amantaada libaaxa

mala waanad ogeyne

haya nuurkiyo maanka

waadnahayga agtiisa

sida aayad kutaalaan

uumiyaha utusaayee

 

hadii aanan ibliisku

igakaa anbineynin

inaad iituri weydo

eegimaayo koleyee

 

arin kuuma hanbeynine

aaraartii haku deeqdo

sina heyga adkeysan

nabsi heyga amaahan

axdigii nadhexyiiliyo

ha iloobin aqoontee

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Here's a lil something from the pen of Hadraawi.The poem is called Sirta Nolosha.I selected only parts of the poem.The poem is addressed to Sahra an orphan and the daughter of one of his closest friends from what I heard.

 

Dharku Saadhi qudha maaha

Saylooni garan maaha

Iyo sabarandaa giiran

Mana aha surwaal biid ah

Haddaan saarku kuu diidin

Saddex-qaydu ceeb maaha.

 

 

Gabdhayahow sidee waaye

Ilbaxnimadu saas maaha

Hadba suf karkaro maaha

Sararaha bannee maaha

Qorqor suunniyaa maaha

Dhabanada sibbaaq maaha

Sanka oo la mudo maaha

Sakhrad iyo xashiish maaha

Sawir iyo riyaaq maaha

Filin iyo sarcaad maaha

Saxan reer galbeed maaha

Kabo sookal dheer maaha

Suuriyo durduro maaha

Salsalaw cid kale maaha

Qof silloon ku dayo maaha

Wax sawaaban noqo maaha

Sinta iyo lafaa duudka

Saddex goor jejebi maaha

Dhaqankaaga saydh maaha

Soomaali diid maaha

Sidaad doonto yeel maaha

Dhulka oon ku sidi waayin

Samadoo la koro maaha

 

 

Heedhee Sahraay heedhe

Dhulka iyo wixii saran

Sare iyo wixii laalan

Inta sudan intii seemman

Waxa jira sir iyo caadba

Rabbi qudha sax weedhiisa

Sida uu ku yidhi buuxi

Waxa hadhay salka iyo baarka

Inta sool qarsoon joogta

Inta seel xidhxidhan jiifta

Inta saydha waabayda

Maroodiga siddaa dheer leh

Wiyil iyo sahboodkeeda

Inta laga subxaanaysto

Kolay tahay libaax sayn leh

Marka aad Sahraay meel fog

Uga suul-dhabaaleyso

Deg-deg inay sujuuddaada

Suxullada dhigtaan weeye!

Sidashada awooddaasi

Sahal iyo wax fudud maaha

Qofba waa si garadkiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

This song is from Hanuuniye Daalo aragtideedaay I found its lyrics very deep. It is one of these songs that come from poets who seem to have touched the center of their sorrow. The poet realized, it's been said, that he is going to lose his love to one of the fat cats in Hamar at the time. He was addressing both of his love and the man who was going to marry her...

 

Dambar iyo labeeniyo,

dahab midabki leeyeey,

xuural-ceyntii dunidee,

daawashada u timidee

dalka lagu maneystee.

 

Hadduu diido calafkoo,

aqal labo dayaanoo,

aan xareed ku daaqnee,

inaan dadab wadaagno,

Waqtigana naka la diro.

 

Anna kuuma dudayoo,

Naxariis door weyn iyo,

Ducaan kugu sagootiyey.

 

Ninka damacu raacee,

Dookhu calanka saartee,

Guur aad ka doontee,

Kugu gacan danbeeyana,

Aan dardaaran siiyee.

 

Waa libin dadnimaduye,

Dunida kan ka doortee,

Daji meel barwaaqa,

Diihaalka gaajiyo,

Dibindaabyo yey arag.

 

Daranyadu ma fiicnee,

Yey ka noqon maryuhu duug,

ha u yaalo dahabkuna,

Daris aan habooneyn,

Yey dareemin qeyladii.

 

Dibada iyo gudahaba ,

Meelaha la daawado,

Ee dalxiiska loo tago,

Ha ku doogsatee gee.

 

Dusha nabar ha gaarsiin,

Ha dagaalin waa gobe,

Hadal doqon ma garata ah,

Ha ku dayin ma yeeshee.

 

Waxaa dihatay hooyadii,

Dadnimada ku beertee,

Aabaheedna waa diric,

Ragna doorkii weeyee,

Waa duriyad xalaalee,

Waalidkeedna daadihi.

 

Waxaa jira nin doorroo,

Dantu ceeb u yeeshe,

Waxaa ayaan darro ah

Hadii waayu diidaan.

....

 

 

 

After hearing the song from then Radio Mugadishu, the lady whose behave the song was composed felt in love all over again with the poet. The poor poet won her back...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Adna   

salaam.

can some one please write the lyrics of M. mooge's song which is called dadka ha'iska weynayn. thank you i will really apriciate.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Doqoneey Dabkaa Ba' - Hassan Aadan Samatar

 

 

Illeen doqoni, deyr kama kacdee * 2

daamankey meermeerisaa * 2

 

Docdeey kaa jirtaabeey,

Dhaxani kaa dashaayee,* 2

Ma diirsado walaalkeed,

Intay dunida joogteee;

Doqoney dabkaa ba'.

 

Da'deeda hawl u darban

Bey hurudaa -Hoogeeda

oo u diidin bey daayacdaa!

Dawars-iyo tuugmasheey

Ka doorataaye - ma dadbaa?

Doqoneey, doqoneey:

Dabkaa Ba'!

 

Illeen doqoni, deyr kama kacdee * 2

daamankey meermeerisaa * 2

 

Ruux dagga ma weydee

Dabin kama foggatee * 2

Markay dalaq tiraahdeey,

Markeey dalaq tiraahdeey

Ilmada daadisaaye,

Doqoneey dabkaa ba'

 

Xarigga laba-dibleeynayey;

Soohataa, dabarka lagu

Xirxarayaa loo dirtaa,

Daleedahey sidaa ka

doorataaye, ma dadbaa?!

 

Illeen doqoni, deyr kama kacdee * 2

daamankey meermeerisaa * 2

 

Ma taqaano dowgoo,

Dabool baa ka saarane

Dareen ma laha garan kara

Arrimaha danteed-iyo,

Doqoneey dabkaa ba'

 

TACLIINTA loo dareerey

bey dacal martaa,

daruusta oo la qaadan

sahashataa, JAHILNIMEY

ku daayintaate, ma dadbaa?

Doqoneey, doqoneey

dabkaa ba'!

 

PS: I don't know who has written the song. Suggestions are welcome, thankx.

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

guys I need help with the lyrics and the originality of this song(i.e. whose lyrics is this originally, I have only heard the new version of this song) here goes:-

 

oonba biyaha lo caba, omatana gaajo

indhaheygu waxey uu oyaane, iney kuegaane

afkeyguna amaantada aad utiriyaa

ala ilahe wadnaha iyo bogad iga gatalaye (*2)

 

*the lyrics might be crude and out of order,plus the spellings are still a puzzle to me..but if you recognize this song..plz let me know where I would be able to find it or its origins. APPRECIATED :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^ I can't seem to identify the song you requested. Hopefully others will.

 

Here's: Billaneey, Maryaneey! Hadaad Mooddey Caashaqu - By Bashiir Cali Xussein Enjoy!

 

Mudda badan ayaan wadey

Maweeladda naaftaadoo,

Kuu miraayey hadalkoo

Si aan kuu maqsuudiyo

Meermeerinaayeye

 

Anoo, haa haaa haaa,

Moodaayey xaajadu

Meel wacan iney mareysa

Oo Meher keliya noo haray,

Ayaad muran ka taagtood

Mac-salaama igu tiri

Kaa mana mutteysanin

Axdi aad u meel dayan

Waxaad [ahaato maya dhihi]

 

Bilaneey, Maryaneeey*2

Marna kaama fillaneyn,

Inaad maya illeedayahay

Walow maanta aad tiri

Isma naqaan!

 

Hadaad moodey caashaqu

Maalmaal qudha inuu yahay

Micnihiisa maad baran

Maweeliyo cayaarbaad

Moodeeysaa aduunyadu

 

Si toosa igu ma ahane

Macida igu adkeeysan

Mahaddadiisa igu badan

Mid kalaan la haystaa

Marna imaadan odhaninee!

 

 

Uurkoo, aah haa haa

Mariid ahbaa afka -

malaa ka yeeshoood-

Isku key maceysee

Murug aan i hayniyo

Mushkilad igu abuurtee

 

Misna muran ka taagtoo

Mac salaam iigu tiri

Kaa mana mutteysane

---

 

Filanneyn, Bilaneey

Marna kaa ma filanneyn

Inaad maya illeedahay

Walow maanta aad tiri :

Isma naqaan!

 

Hadaad moodey caashaqu

Maalmaal qudha inuu yahay

Micnihiisa maad baran

Maweeliyo cayaarbaad

Moodeeysaa aduunyadu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Another heart-broken singer!, expressing his sorrow for commitment not kept by his love - pleading for change of heart in his favor.

 

Jaceyl kala awood weyne,

Kii iilka dhigey Qeys,

Leylana ag seexshaa,

Anna igu abuurmee.

 

Oogaduu ku faafoo,

Diidey inan adkeystee,

Ii kaa asqeeyoo,

Igu kaa eryaayoo.

 

Imisaa adoo kale,

Arji iila timidoo,

Oofin maayo aan idhi,

Aawadaa u joojee.

 

Wadnahey ololayee,

I dhigo abaaloo,

Arrinteyda meel mari.

 

**************************

 

Axdi beena lama galo,

Wacad lama ilaabo,

Ruuxii ku aamina,

Lagama indhasaabtee.

 

Afar sanno iyo dheeraad,

Arrimahaan dhiseynee,

Aan is idhi idlaade,

Sow addigan irdheeyey.

 

Imisaa adoo kale,

Arji iila timidoo,

Oofin maayo aan idhi,

Aawadaa u joojee.

 

Wadnahey ololayee,

I dhigo abaaloo,

Arrinteyda meel mari.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this