Sign in to follow this  
Paragon

Miraha Heesaha So'maaliyeed - Kusoo biiri

Recommended Posts

Indhoos   

Haye, halkaanaba cayaarti iyo baadhigi ka socdaan anine ma la ii sheegin, see camaleeti.

 

tun hee wiilo, Shaq-shaq, wareejiyo hurguf.

 

 

til leta

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

waraa ani maxaa ii maleysay inaan Heesaha Soomaalida meel iigu keydsanyihiin... :D

 

 

Saado Cali Warsame.

 

 

Darmaan

 

 

Waxan ahay darmaan

dayr shakaala iyo

Dudo laga xareeyiyo

Dabar celinin baanoo

Daan daadnsi baratee

Hadii aanad aheeyn diric

Duulaan ku galey faras

Ama doonyo wadi jirey

Diyaarada kicin jirey

hagygu daganine

dib u joogso

ama deexso dararta caana

waa duulisteeniye dayaxa

aynu aadnee

 

 

Anba dawri aar

Intuu dib jirey

Dayr dhexdiiso

Dooyo geel ku laayaan

dilaa ahey sidiisoo

Waan daymo kululee

Maxaan qaalmo dayr dhala

Danbarsadey kaliishii

Ama aan darka u horey

Durduuroon u shubi jirey

Dibjirkeenu waa

ha i diidin hana daahin

Kaaley daadaha

dibada soobaro

Waa Duulisteniye

Dayaxa aynu dhaafnee

 

Cirkoo da ay Dabaax

Daajiyoo kaligii geeljire

Dadkuna wuu la maalaa

Dantuna ceel la kaayaa

Ninbaa dul usoo ridey

Durba inaad xariif tahey

Deeqsi iyo nin raga tahey

Doqonimo ka dheertahey

Daah igama saarnee

Miyay durugtey sheekadu

Ha igu daahin durba soojar

Waa duulisteeniiye dayaxa

Aynu aadnee

 

Waxan ahay dabayl iyo

Dugsi kii la doonoo

Dayaxa iyo cadceedaan

Ku taga dalxiisoo

Kama daalo socodkee

Maxaan duuni shaaximan

Ku dulmarey badweeyn

Ama qaar da' daada

u dabaal dagi jirey

Dibjerkeenu waa

Haa i diidin hana daahin

Kaaley daadah dibada soo baro

Waa duulisteeniye dayaxa

Aynu dhaafnee.

 

Enjoy ayismalura........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

SINGER: CABDI NUUR ALAALE

 

 

(1)

JACAYL LAMA MOOSI KARO

SIDII MAYAYGUU DA'AA

MIROODBUU KUGU DILAA

 

MIDIYO DAABLUU SITAA

HALBAWLAHA KAA MARSHAA

MICIDA WAA LOO DHINTAA

MASIIBADU WAY JIRTAA

 

MIDHAHA GEED SARE KU YAAL

MARBAAD U MILLICDAA

DADKANA WAAD UGA MIDEE

 

WAXAAN KA MASAALYAA

NIN MAQAN OO MEEL FOG JIRA

ASEEM MEHER KAAGA TAGIN

MURAADKAA LAGU XIDHAA

MACAAN LOO SAYDHIYAA

MIYAA MALAB LOO TUFAA

 

(2)

mARWEEY WAA MAATA DUMAR

HADAAN RAG U MAAMULAYN

MURAADKOODA KA LUMA

 

MEEWEELAA LAGU HODAA

MUDADU KAGA BAAQATAA

MURTINA WAXAAN UGA SOCDAA

HADAY ARIMIGHII MURGEEN

 

ASEED MURUGAYSAN TAHAY

ANIGU MAYAY GAABN QABTEE

INAAD IGA MAARANTAA

 

MIYAY MUUQATAA

NIN MAQAN OO MEEL FOG JIRA

ASEEN MEHER KAAGA TAGIN

MURAADKAA LAGU XIDHAA

 

MACAAN LOO SAYDHIYAA

MIYAA MALAB LOO TUFAA.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

SINGER: CABDI NUUR ALLALE

 

JACAYL HA WAARAAN LAHAA

IS WEHESHADABAAN LAHAA

WANAAJI INANTAAN LAHAA

 

AROOSKA WACBAAN LAHAA

WANKII KU QALBAAN LAHAA

 

WIGLADA KA TUMAAN LAHAAYE

HALKAAN KU WADEEY

KA WAAB TAYEEY

 

WAKHTIGII WUU IGA WAREEGAYE

WARKII WUU IGA DHAMAYSTAYO

 

XAGEEDUU UGU WAA BARIISTEE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

SINGER: CABDI NUUR ALAALE,

 

(1)

 

DADKA HAYSKA WAYNAYN

INAAD KALI WAX GARAD TAHAY

HA ISKA DHIGIN WALAALEEY

 

RUUX WAADIFAD HAYN JIRAY

MARBAA LAGAA WAREESHAA

KII SHALAY WACNAABAA

MAANTANA WARWARAYEE

 

WACDARAHA ADUUNKAN

WAXAA LAGA WARAYSTAAA

RUUXII WAX GARADEE

 

ADIGOON WAAYO ARAG NOQON

CIRKA HAYSKU WAABINE

NAFTAN WAALANAYSAA

WALOW KAAMA MAASHEE

HADII AD MAANTA WACAN TAHAY

MAKU WAARI DOONTAA

 

(2)

 

SIDA WABI QUL QULAAYIYO

WAADIGAA XAREEDEE

SHIMBIRUHU KA WAABTAAN

 

WEEDHADII INAN YAHAY

WAA LAGAA WAREERRAYOO

ISLA WAYNIDAADANA

WAXAAD TAHAY LA SHEEGEE

 

 

finish the rest...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

SINGER: UNKNOWN...

 

IFKABA TIIRAANYA IYO

TABAALAA LOO DHISOO

 

MARBAY TOOGADU LUNTAA

WAKHTIGU KUGU TAAGSADAA

MARBAAD TACABKAA HESHAA

AYAAMUHU KUU TUDHAAN

 

WAXAAN TAA UGA SOCDAA

TOLAAYDAN I HAYSTIYO

CIDLADA AAN TAAGANE

 

TUSMEEYO ILAAHAYOW

QOF TAAG DARAN TIIRIYOOW

TUFAAXII AAN TIRSADAY

HALKAY TAGTAY WAAD OGTEE

MARUUN MAYSOO TUSTAA

 

(2)

 

ANOON WALI TAABA GALIN

GUGAYGUNA TOOMAN YAHAY

 

HALKII TAALADA AAN DHIGAY

TILMAANTII HOOYADAY

JACAYKU HA TAMARIYOO

TIGAADI HA SOO BAXDEE

 

TALAABSO MARKII AN IDHI

SAWKAA CADAW II TASHADAY

TUMAATIDA ILA HELEE

 

TUSMEEYA ILAAHAYOW

NIN TAAG DARAN TIIRIYOO

TUFAAXII ANN TIRSADAY

HALAKAY TAGTAY WAAD OGTEE

MARUUN MAY SOO TUSTAA

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Lafoole

 

 

Bukaan Socod

 

Nimanyahoow dad lama beero

mana baxo sidii geed

 

ma ogtahihiin barbaarteenu

beec iyo xaraashaa maha

 

naf hadaad bilaash moodeen

dhul batrool ku jira maaha

 

macdan buur dusheed taala

qiimiga in badan dheere

 

kaligeey hadii aan bo ay

hadii aan baroor diiqo

 

baaqa yaa ila garan doona

waxa aan ahay bukaan socod e.

 

Nimanyahoow bulshada eega

qubuurahana soo booqda

 

inta wiil laxaad beeley

bukaan socodka tiro gooba

 

waloon beeni soconeeynin

beelina wax tari mayso

 

xukun baadil lagu raadshey

dhibta looga bixi maayo

 

kaligeey hadaan bo ay

hadii aan baroor diiqo

 

baaqa yaa ila garan doona

waxa aan ahay bukaan socod e

 

Nimanyahoow Alle ayaa boqora

cilmi iyo awood badan leh

bismilaahibaa dawo ah

Bogo daya kitaabka

 

badrad anaa xoog leh

iyo baawir lagu faano

Bukaase iyo Namruud iyo

Illeeyn hawl ku bogn waaye

 

Kaligeey hadaan Bo ay

hadii aan baroor diiqo

baaqa yaa ila garan doona

waxa aan ahay bukaan socod

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Could anyone please provide me the lyrics of this song. It is one of Abdi Tahliil's song.

 

I will give you a hint or rough memory of its lyrics.

 

bikradii xalaashaaay.....Bandar Ceerigaabooo Barkha yaa ku geeya.

 

some like that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ay yay yay....jeylaani iyo wiilo aa noo soo baxay....dooq baad leedihiin...heesaha aad noo soo xusheen baan la dhacay

 

laakiin walaalayaal.....waxaan rabay quf nolosheyda muhiim ku eh inaan u sameeyo heeso xul ah oo jaceyl ah....marka ina-adeerayaal ma igu caawini kartiin oo ma ii sheegi kartiin heeso oo quf kastaba markuu dhageysto qalbada ka taabaneyso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this