Sign in to follow this  
Tuujiye

FOORJO..loool.

Recommended Posts

Wiilo   

Waad mahadsan tahay waana kaa filaayay sidaas waana ogaay inaad tahay nin aqayaar ah oo wax fahmaya, again thanks. And ogow inaad ka mid tahay Qaraabada :D

 

 

Go figure:.............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

weli waxaan la yaabanahay garaangar aa fuusto laga sameeyaa

Ee dhab eeba kaa tahay miyaaba. In aad nagu qufeysid aa ku mooday, hadii qof saan camal garaangar u goysay tahay, ee marka B T J X aa laguugu dhigaa.

 

Laba nooc garaangar aa jiri jiray, mid fuusto laga sameeyo iyo midka laga sameeyo gaarigee ciyaalka ku socod baran jireen {the old kind of baby walkers}.

 

Tan fuustada ah, fuustada dhan ma laga sameeyo oo labada af ee wareega eh mise ha ahaato mida ugu koreyso mise mida ugu hooseyso, midkood aa laga goyn jiray.

 

Barrel.gif

Saa u aragtid fuustada, kan wareega ugu koreeyo camal aa laga sameen jiray

 

Garaangarta laga sameen jiray gaariga ee ciyaal socodka ku baran jireen aa la xiiseen jiray ama laga jeclaa kan fuustada qaraabnimo u ekaa, waana ka casriyeysanaa.

 

Waxaa laga sameen jiray gaariga hoostiis meesha wareega eh oo lugaha ku yaalaan aa waxaa ku jirtay bir wareegsan, birtaas aa laga bixin jiray.

 

bw800pink.gif

Kuwa noocaan eh camal oo waagii hore ahaa, kuwa hada cusub badankood sadex geesood sidii sanbuus camal waaye, kuwaas ma laga sameen karo oo wareeg ma'aha

 

Garaangarta gacan ma lagu wadi jirin, lugaha baabuurta aa gacan lagu wadi jiray, laakiin garaangarta fiilo la qaloociye oo loogu tala galay aa lagu wadi jiray.

 

circle.gif

Ugu danbeyn saas camal ee u wareegsanayd

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Miskiin Macruuf Aqiyaar Allaah kuma Qaado sxb, Alla ku jecliyaa bal u sheeg waan ku daalay sida aan ugu sheegayay uguna sharaxayay sxb thanks, maxaan ku siiyaa QAXWO Qaraar iyo MOOS bukooni always is ready guriga. J_Cambo dear waad u jeedaa aan filayaa GARAANGARAY waa ku kaas haddaba si fiican u fiiri soona xusuuso. Alla maxay faraha iga gooysan :D

 

 

MMA again THANKS la'aantaa waa abaar sxb.....

 

 

Nabad & Caano:..........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaan filayaa inay hadda si fiican u fahamtay ,,,, annaga markaan ku xiiqnay waan iskaga aamusnay laakiin raggeedii baa helay ,,,,, Thanks ,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

DALAQ!!

 

waraa maskiin..sxb walaahi funny aa tahay..loooooool...gabarta saaska daa nooh..adoo kale maa u qabtaa oo jalaato soo gadan jiray lee..iyada jalaato canbe ee xafadeeda xamar ku sameysan jirtay..maxaa yeelay finijeer ee xamar ku qabtay nooh..adoo kale maa u qabtaa inta finijeer isku barteen..lol..

 

maanta dhan garangar maa la sharxaa leeeeee...waraa garan gar hadaa hada joogtaan, goormaa kushineeto iyo beyruut gaareysaan..

 

abaa MMA, dadkaan beyruuda sida loo sameen jiray u sharax...lol..

 

ps. waraada waan idiin xiisay yaaqee..kuligiin waa salamantihiin..asxaabteyda SOL waa idinka waa og tihiin nooh..Ciid wanaagsan...

 

wareer badanaa!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

goormaa kushineeto iyo beyruut gaareysaan..

Ar gish gish gish gish {waa qosloyaa xaa iga fiirinee}. Ar "beyruud" aan maqlo shimee igu danbeysay walaahi, xataa maskaxdeyda sidii Windows 95 ee process u sameysay xabaar ee qaadatay memory aa iska yaree. Laakiin ma taqaanaa sababta loogu bixiye "beyruud"? Hint hint "Liibaan" meel la dhaho waagaas qarax iyo qub iyo qash ee ahaan jirtay oo Bakhdaadka maanta waaye, marka beyruud saas aa loogu bixiye aan u maleynaa, ar ciyaal xamaraa.

 

Teeda kale dowlada hoosta aa u gilin jirnay ka waran, waxaa qaadi jirnay ciyaalkeena:

 

Aw waraaboow

 

Hee

 

Hargeysa aantee?

 

Haa!!

 

Xamar kidarba!!!

 

Maanta waa ka shaleynay oo Xamarna waa lagu daray.

 

Wiilo, adiga abaayadiis "boojo" iyo "warbac" ma ciyaari jirtay, koleey wax walba "Buuma" aa u gishatee. Ar maxaa wariiri la ii duugay intaa warbac soo jibi is dhahaaye, xaaaax.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Wiilo, adiga abaayadiis "boojo" iyo "warbac" ma ciyaari jirtay, koleey wax walba "Buuma" aa u gishatee. Ar maxaa wariiri la ii duugay intaa warbac soo jibi is dhahaaye, xaaaax.

 

MMA sxboow waxaan isku malayn jiray inaan ahay Reer Xamar sax ah laakiin ma jirto warkaas hadda bal kanne maxaas ahaa iga jilcibo sxboow. Sugba aa ka fikiree "Boojo" iyo "Warbac" naaah warbac aa u eg war aan kasaayo laakiin boojo kaas waxaan umalynaa Ciyaal kaambo Amxaaro aa ku dheel dheeli jiriin, ani ma kasooyi sxb adi lee waaye haddii jilcinaysid iyo haddii kaleeto.

 

Tuujiye sxb soo dhawaaw intee ka baxdi yaaqee hadda waxaan rabay inaan kaa baafiyo BBCda oo dhaho koo xayeesigoo oo madowgoo aa naga dhimi laakiin alxamdullilaah waa soo noqoti khayr waayi soo dhawaaw hee qaxwadaadana horay u soo qaado.

 

Go figure:............

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Hadda ayaan Gartay sxb boojo waxaa ka dhahaa imbiliga (Cocada or Fantada furkeeda) la fidiyo inta wax lagu garaaco oo markaa la tuuro kadibna la cabiro ama la taakeeyo inta ay isku jiraan. (Haddii aan Qaldamay iqabo).

 

Warbacna waxaa la yiraahdaa inta god la qodo aa lagu tuurtuuraa asigana waa la cabiraa sidoo kale(I think, not really sure).

 

Annaga Xaafaddeena waxaan ku dheeli jirnay wax yaabo kala duwan sida baliisha, Imbiliga, Taraqa, Turubka, Aabitayda, Garaangarta , iyo baabuurtii laga samayn jiray Fiilo Feerada. Aniga waxaan jeclaan jiray Shilinka ladheeli jiray maxaa yeelay markasta waa ku wingarayn jiray. Shilinka waxaa loo cayaaraa god aa la qodaa marka la qodo afar tilaabo aa laga fogaanaa markaas aa shilinka godka lagu soo tuuraa marka qofba qofka uu ooga dhaw yahay god ama godka shilinkiisa ugu dhaco aa qaadanaayo shilimada oo dhan, laakiin haddii marka la soo tuuro ay shilimada godka wadagalaan cayaarta waa lagu celinayaa. Haddii kale waa la taakaynaa markaa qofkii shilinkiisa uu godka u dhawaato aa qaadanaayo shilimada oo dhan. Waa sida baliisha loo cayaari jiray oo kale except waa shilimaad.

 

Go figure:...........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Waraa MMA..sxb boojo iyo warbac maxee dadkaan ka kasaa yaan..boojo taako lagu cuno anaa eber ka dhigay..lol. taako dheer aan lahaa nooh. Warbac waxaan u aqaan guluus ani.."shay!! kisi iyo dhaban"...ama waxaan u maleynaa in aa ka wadid "imbili" warbac, aas, ect..lol..abaaaaaaaa.. maxee ka kasaayaan..

 

waraa ciyaal xamar ma tihiin hadaadan wiligaa yeelan qooleey, hadaadan wili tubaako sanbab u marin "dafo"..hadaadan kibili habeen kii soo qaban, hadaadan wiligaa dugsiga quraanka usha "mareerta" usoo gurigin..abaaaaaaaaaa...

 

waraa yaa xaaji qamsiin tacluugay!!nuune you feeling me man..shiiiiiiiiiidh..

 

waraa yaa duqsi iyo wariiri isku diray..ajaaaa..

 

waraa yaa bugle yaqaan sida loo sameeyo..abaaaa..

 

waraa...ma wadaa maskiinka mise waan ka ganbistaa...lol...

 

nuune aaway yaaqee asaa iga daran wuxuu yaqaano...

 

wareer badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

Wiilo sxbtey waan jooga waana kuu faaya-faya qabtaa adi ;)

 

MMA-lol arlee xaa waaye umaadaan, ar sijui daan hadey garaangir kaseeyso..hee somali maba ahane kuwaan..xey tahay.

 

Teeda kale dowlada hoosta aa u gilin jirnay ka waran, waxaa qaadi jirnay ciyaalkeena:

 

Aw waraaboow

 

Hee

 

Hargeysa aantee?

 

Haa!!

 

Xamar kidarba!!!

wir

 

hadana kii (kaa) naqba??

 

Kir

 

Kud

 

(I think tha's how some used to end it, Am I right) ;):D

-I never had the chance to ask what it meant-can one explain plz? if probably something made up by Ciyaal faa cali icon_razz.gif

 

Wiilo-fuuraaka dhalada faantada anakaba waan kuu ciyaari jirne :D we dont flatten them, but pile them up to a pillar sneeking in so that the person with the ball wont hit you with it).

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Tuujiye aa ila kasaayo alaabtan, waligaa daqsiga waaween ee bluuga iyo noocyaha badan intaa soo qabatey asoo nool filin la daawanaayo ama camerad video ah maka sameesay.

 

let me tell u hadaadan sameenin:

 

dhoobo aa soo qaadee afar gees aad ka dhigee meel yar oo duleesho aa u sameenee dhoobada kaddib daqsigii weynaa ee noolaa aad ku ridee, duleelka dhoobada qalashey dhala jabkeed aad saaree si uusan daqsiga ooga soo bixin, in this case daqsiga waa or ordaa ma joogsanaayo, dhaladii colorkeeda iyo waxaa is qabsanaayo daqsiga dhaq dhaqaaqaayey colorkiisa oo reflection movie camal sameenaayo, marka sidii camerada aad u qabsanee waa daawanee lee, alaab khattar waaye, easy to make, very cheap wallaahi, no need for shaneemo shuundheer sometimes, the only problem with this game is how 2 hunt for daqsi, not all daqsi, but kan waaweenka waa easy waa laaceesaa lee gacantaada uu ku jiraa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

waligaa daqsiga waaween ee bluuga iyo noocyaha badan intaa soo qabatey asoo nool filin la daawanaayo ama camerad video ah maka sameesay.

nuune raali iga noqo balse ka fahmin waxaa aad soo qortay, waraa hadalkan jilci sxb waxaaba sheegoosaa waxaa wali maqlin :confused:

 

 

Go figure:................

Share this post


Link to post
Share on other sites

alla waan idiin xiisay kulligiin, labo isbuuc aa waxaa igu dhacay PC la'aan (magaalo kale aan dalxiis u aaday)........walaahi waan idin xiisay 100& XXXX 4 kulligiin. (baro family + MMA)

 

MMA- maxaan dhihi karaa? si fiican aad ii fahan siisay ganaagar. waad ku mahadsantahay sida sharafta badan...laakiin isma dhaheynin essay aad kasoo qoree ganaagar (meaning it was too much 4 me to read).....

 

haye dadow maxaa cusub, yaa kusoo darsamay baro fam, yaa sol laga buriyay.....2 isbuuc update-keeda yaa isiin karo? aaway checkmate?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this