Sign in to follow this  
Sayyid

Inna lilaahi wa inna illeyhi raajicuun!

Recommended Posts

Garaad Cabdiqani 1935 - 2006 Laas Caanood - 10.February.2006 Allah ha unaxariistee maxaa maanta magaalada Laas Caanood ee xarunta gobolka Sool lagu aasay,

Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo maalintii shalay ku geeriyoodey magaalada Jabbuuti ee Jamhuuriyadda Jabbuuti.

 

Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac ayaa dayuuradii siddey meydkiisa ay soo caga dhigatay maanta abbara 11:00 barqanimo, waxana halkaasi diyaar ugu ahaa isla waddooyinka dhinacyadooda tubnaa dadweyne aad u fara badan oo ay ka muuqato tacsi iyo tiiraanyo.

 

Meheradaha ganacsiga ee magaalada Laas Caanood ayaa maanta albaabada loo laabay si looga qayb galo aaska garaadka.

 

Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, waxaa uu u geeriyoodey xanuun hayey muddo lix bilood ah, waxana uu kamid ahaa isimada ugu magaca weyn dawlad goboleedka Puntland.

 

Aaska garaadka ayaa waxaa ka qayb galay, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Puntland, Axmed Cabdi Xaabsade, wasiirka horumarinta ree miyiga maamulka Somaliland, Mr. Fu’aad, isimo kala duwan oo ka kala yimid Puntland iyo Somaliland, iyo dadweyne aad u fara badan.

 

Aaska Garaadka oo ahaa mid aan loo kala harin ayaa saamayn iyo hadal hayn weyn ku reebay deegaannada Puntland gaar ahaan magaalada Laas Caanood.

 

Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac waxaa uu dhashay sannadkii 1935 waxana xilka garaadnimada loo caleema saaray sannadkii 1986-kii kadib markii uu geeriyoodey walaalkiis Garaad Cali.

 

Rabi naxariistii jano haka waraabiiyee garaad cabdiqani garaad jaamac ayaa ahaa isimadda sharafta iyo xurmadaba ku leh bulshada gobolada sool sanaag cayn waxana sida la sheegay uu silsilada garaadnimada soo jireenka ah ka gelayaa kalinta 17aad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaam,

 

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun. Ilaahay ha u naxariisto Garaadka, Samir iyo iimaana ha ka siiyo ehelkiisa iyo qaraabadiisa iyo ummada Somaliyeed ee u ka baxay

 

Aaamin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Allaahu naxariisto marxuumka. Ilahey dembigiisa ha dhaafo, eheladiisa iyo qaraabadiisa samiir iyo iimaan haa ka siiyo. Aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Taariikhdii Garaad cabdiqani Garaad Jaamac Garaad Cali

 

(Laascaanood}10.02-06

 

 

Illaahay Naxariistii janno haka waraabiyee garaad C/qani garaad jaamac Garaad Cali wuxuu ku dhashay magaalada laascaanood Sanadkii 1935 Halkaas uu ku bartay Qur'aan ka Karimnka Ah kadibna waxuu iskuul Ka galay magaalada laascaanood 1945 wuxuuna kamid noqday dufcadii ugu horaysy ee halkaa iskuul lagabaro waayihii gumaysiga ingiriska kadib Dugsiga dhexe ee sheekh ayuu uwareegay 1949 sanadki 1933 waxaa uu magaalada boorame ku biray machadka tababarka farsamada

 

madhtamihii 1950 Allaha unaxariistee Garaad C/qani garaad jaamac wuxuu aqoon korosi utagay wadanka Ingisriiska halkaas uu shahaadada siyaasada ka qaatay jaamacada caanka ah ee Kaambeej.

 

Shaqadii ugu horaysayna wuxuu ka qabtay bangiga markii maamulka ingiriisku jiray waxaa uuna maamule kuxigeen ka noqday laanti bangiga ingiriska ee magaalada Berbera isla waayahaa gumaysiga Garaad Cabdiqani garaad jaamac waxaa loo magacaabay gudoomiyaha degmada ceergaabo markalena isla jegadaasi Dc-ga ah ayuu ka hayay degmada berbera ilaahay hawnaxariistee garaad cabdi qani garaad jaamac waxaa uu gobonimada kadib mudo dheer madax ka ahaa xafiiska danaha somalida kaas oo inta badan somalida jamhuuriyada ka baxsan arimihiisa ku hawlanaa aadna garaadku uu uga jibo keenay wuxuu socdaalo kala duduwan ku tagay inta badan qaarada afrika dalalka kuyaala iyo waliba eshiya halkaas oo uu kula kulmay madax badan oo caalamiya oo ay kamid ahaayeen madax weynihi hore ee faran siiska iyo madax weynihi hore ee kenya iyo boqorki hore ee Ethiopia boqor xayla salaase iyo xag hayihii guud ee qaramada midoobay ee xiligaasi garaadku waxaa uushaqada ka fadhiistay 1981 inta badana waxaa uu noloshiisa ku qaatay magaalo madaxdii somalia ee muqdisho

 

Garaad cabdiqani waxaa loo magacaabay garaad nimada 1985 waxaana lagu caleemo saaray dooxada geedo qarsay ee magaalada laascaanood kadib marki uu geeriyooday walaalkiis garaad cali garaad jaamac oo siyaasiyiinti somaliyeed heer wasiir kasoo gaadhay dowladaha rayidka ah oo kuwa ugu caansan kamid ahaa

 

wuxuu ahaa garaad cabdiqani allaha unaxariistee garaadkii 18 tobnaad ee dhexla garaat tooyada beelaha degan mandaqada Sool Sanaag cayn Garaad cabdiqani garaad jaamac wuxuu kamid ahaa hogaankii iyo hanaankii dowladii kacaanka ee dalka ay ku hagay say ama ay ku maamulay say wuxuuna kamid noqday 114ki nin ee saxiixay bayaankii caanka ahaa ee maano feestada la baxay ee 15 1990 ee kasoo baxay muqdisho

 

Dowladii cumar cartan qaalib ee aan hirgalin ee sii liicidii xiligii maxamed siyaad barre 17 janaayo 1991 waxaa loo magacaabay wasiirka arimaha dibada ee somalia Allaha u naxariistee garaad cabdiqani garaad jaamac wuxuu ka qayb galay shirar badan oo somalida lagu nabadeey nayay shirkii ugu horeeyay ee gobolada waqooyi ee xabad joojinta ee ka dhacay tulada OOg 5 bishii febraayo 1990 ayaa kamid ahaa iyo waliba shirki isla febraayo bartameheedi berbera lagu qabtay markii gobolada waqooyiga iyo kuwa koonfurta israacoodii n israacoodii dib looga shiray shirkii lagu yagleelayay somaliland ee 18 may 1991 ee burcana garaadku wuu ka qayb galay wuxuu kale uu garaadku ka qayb galay labadii shir ee wada tashiga iyo ki lagu aasaasay maamul goboleedka puntland ee 1998 wuxuuna shalay 2:30 ku geeriyooday garaadku magaalada jabuuto cisbitaal kuyaal halkaas oo xanuunka sokorowga uu baryahanba hayay wuxuu ifka kaga tagay afar wiil oo sagaal caruura iyaguna sii dhalay laba xaas ayuu guur saday intii uu noolaa oo midi ay ka geeri horay say garaadku wuxuu caan ku ahaa ilaalinta midnimada umada somaliyeed iyo nabad jacaylka waxaana la odhan karaa rug cadaa siyaasiya oo wadaniya oo umada somali yeed ay wayday ilaahay hawnaxariisto garaad cabdiqani garaad jaamac

 

Cismaan Cabdi nuur Xaashi

 

Nayrobi kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this