Sign in to follow this  
Sayyid

Inna lilaahi wa inna illeyhi raajicuun!

Recommended Posts

Sayyid   

It is reported that Garad Abdiqani died in Djibouti this afternoon after living there for the past six month for medical treatment.

 

Waxaan illaahay kaga baryeynaa in uu Garaadka unaxariisto, jannada firdowsana ugu waraabiyo samir iyo imaan ehelkiisa iyo dhamaan reer puntiland ka siiyo. Amiin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

Inaa Lilaahi Wa inaa Ileyhi Raajicuun( Geeri Garaad C/qani)

garaad_cabdi.jpg

Jabuuti-09.February.2006 ILAAH ha u naxariistii waxaa maanta ku geeriyoodey magaalada Jabuuti ee caasimada wadanka Jabuuti, halkaasi oo ku sugnaa

maalmihii ugu dambeeyey.

 

Garaadka ayaa u joogey dalka Jabuuti hawlo caafimaad isagoo u geeriyoodey xanuun maalmihii ugu dambeeyey uu la ildarnaa.

 

EEBE ha u raxmadee Garaad C/qani Garaad Jaamac ayaa ka mid ahaa Issimada waa weyn ee deegaanada Puntland gaar ahaan gobolka Sool, waxaana si weyn Garaadka loogu xusuustaa dadaalada Nabadeed ee uu caanka ku ahaa.

 

Geerida Garaadka ayaa waxaa si weyn uga naxay shacabka Puntland waxaana SBC la soo gaarsiiyey Tacsi loo dirayo eheladii iyo Qoyskii uu ka geeriyoodey Marxuum Garaad C/qani Garaad Jaamac.

 

Wasiirka Dawladaha hoose & Hurumarinta reer miyiga ee Puntland Cali Cabdi Awaare ayaa qoraal tacsi ah oo uu soo gaarsiiyey SBC wuxuu si gaar ah tacsi ugu direy Qoyskii iyo ehelkii uu ka dhintey Garaad C/qani Garaad Max'ed.

 

Max'ed-Deeq Cabdalla

SBC Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

garaad%20_calivs.jpg

 

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun

waxaan halkan tacsi uga direynaa dhamaan ehelkii iyo qaraabaddii uu ka tegey ama ka geeriyoodey Marxuum Garaad Cabdu-Qani Garaad Cali oo lagu xasuustu dadaalladiisii nabada.Waxaan Ilaahey uga bereynaa marxuumkaas dembi dhaaf iyo in uu Jannaddii fardowso laahey ka waraabiyo ehelkiisana samir iyo imaan.

 

Amiin Amiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun

waxaan halkan tacsi uga direynaa dhamaan ehelkii iyo qaraabaddii uu ka tegey ama ka geeriyoodey Marxuum Garaad Cabdu-Qani Garaad Cali oo lagu xasuustu dadaalladiisii nabada.Waxaan Ilaahey uga bereynaa marxuumkaas dembi dhaaf iyo in uu Jannaddii fardowso laahey ka waraabiyo ehelkiisana samir iyo imaan.

 

Amiin Amiin

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Waa Nin Caynkee ah Garaad C/qani Garaad Jaamac.

 

(Gaalkacyo}7.02-2005

 

 

Akhistayaasha Widhwidh Online Waxaan Idiin Soo Gudbinayaa Faalo aan ka Qoray Garaad C/qani Garaad Jaamac Mudo Maanta laga Joogo Halsano iyo Maalin oo ku Beegnayd(7/2/2005) iyadoo uu Maanta oo Taariikhdu tahay (9/2/2006 )uu garaadku Geeryooday...........(C/qaadir Jilbis}

 

 

Faaladani waxaa ay soo Baxday mar aanu ka Hadlaynay Garaadada Beesha oo dhan iyo Dabeecadohooda.

 

Garaad C/qani Garaad Jaamac Garaad Cali Waa Garaadka ama Isimka ugu Faca, ama Soo jireenka horeeyay Isimada *********** oo Dhan, wuxuuna Tirsadaa Ilaa meesha uu ka Galo *********** darajada uu Maanta huwan yahay

 

Garaad c/qani waa aqoonyahan aan dhinca siyaasadana ka madhnayn, waa in dheergarad wax ka Eega dhinacyo badan,waa aftahamo ay u dheertahay Kaftan aqoon iyo Bulsho wadid, Garaad C/qani waa nin inta badan la tashada dadka waxgaradka ah ee beeshiisa ayna had iyo goor ku xeeran yihiin dad uu talada uga danbeeyo isaguna Go,aanka uu leeyay.

 

Garaad C/qani waa nin si wacan looga tixgeliyo derisyada iyo dhamaan dhulka ay Soomaalidu ku dhaqan tahay,wuxuuna had iyo Goor Jecelyahay in uu khilaafaadka beelaha ama Maamulada ku dhameeyo wada hadal.

 

Waxaa ka mida wax yaabaha lagu xusuusto Garaadka Burburkii Dawladii Dhexe ee Soomaaliya 1991, waxaa Beeshiisa soo foodsaartay Colaad kaga imaan lahayd dhinaca beelaha Waqooyi oo runtii markaa ku fekeraayay in ay beesha Garaadka kaga aar goostaan wixii ay ka tabanaayeen Xukuumadii Max,ed siyaad Barre.

 

Garaad C/qani markii ay taasi dhacday wuxuu goostay in uu dhexjibaaxo Jidka dheer ee u dhexeeya Burco iyo Laascaanood, oo ay markaa adkayd in si nabada lagu maro,wuxuuna Beelihii ***** ku qanciyay in Dalka nabad lagu soo dabaalo ayna Maamul samaystaan Gobolada Waqooyi inta Koonfuri ka hagaagayso.

 

Garaad C/qani markii uu taa ku Guulaysay waxaa u muuqatay in aan laga maarmi karin Walaaleheena ***** oo ay markii ay doonto isbedelikarto Siyaasadda Waqooyigu, wuxuuna bilaabay in uu dhiso oo uu hormood ka ahaado Maamul Goboleedka Puntland 1988 isagoo ku guulaystay in uu sameeyo Maamul uu *****gu Hogaaminayo una dhigma midka Waqooyiga.

 

Waxaa Jiray Maanso uu tiriyay Abwaan Jaamac Kediye Cilmi oo odhanaysay(WADAADKU MA WAALANYAHAY XAGEEBUU NAGU WADAA) oo dadka in tiisa badani u fasirteen in uu ula jeedo Garaad C/qani Garaad Jaamac.

 

Isagoo aad moodo in uu Garaadku ka Jawaabayo Maansadaa ayaa waxa uu Shir ku qabtay Geedka qudhaca ah ee ka sokeeya DhAkhtarka Laascaanood, markii uu shirkii Carta ka soo noqday waxaana hadaladii sii ka mid ahaa.

 

Waxaan maanta idiin sheegayaa dadkaygow meesha aan idiin waday, Markii ay dhacday Xukuumaddii Siyaad Barre waxaa dhinaca Waqooyi inaga soo wajahay colaad aynaan runtii markaa u babac dhigi karin, Walaaleheena *****na ay iyaba ku furayd Colaad teena ka xoog badan oo ay la dagaalamayeen ****** , waxaa ii muuqatay in aan heshiis la galo inta soomaali laga helaayo kalana badbaadiyo walaalaha Soomaaliyeed.

 

Markii aan dhisay Maamulka S/land waxaa lama huraan noqotay in la helo Maamul ay leeyiin, dadka isku isirka ah Ee ***** wayne lana helo Cudud milateri oo lagaga haybaysto Alxamdu lilaah taasna waa ku guulaysanay.

 

Maanta oo aan ka nimi Shirkii Carta laguna soo Dhisay Xukuumad Soomaaliyeed, waxaad haysataan Darajada ugu Saraysa Golaha Xukuumada , oo uu ula jeeday Ra,isal wasaare Cali Khaliif Galaydh , Hadaba waa taa meesha aan idiin waday ee ku fara adayga.

 

Hadaba waxaa jirtay waraysi uu dhawaan siiyay Garaadku BBc Laanteeda Afsoomaaliga oo uu kaga hadlay in uu wada hadal ku dhamaynayo Colaada ka oogan Labada Maamul ee S/land iyo Puntland, waraysigaas oo ay dadka qaar dhibsadeen Saxaafada qaarkeeda ay Dhaliilo u soo jeediyeen, ayaa waxaan u arkaa in uu Garaadku Abaartiisa maray uuna Gutay waajib uu mudan yahay in uu fuliyo.

 

Hadaba waxaan garaadka kula talinaynaa in uusan marna ka leexan xilka ka saaran u mmadiiisa uuna ugu Taliyo sida ay maslaxadu ku jirto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Garaad Cabdiqani garaad Soomaali ka daxeeyuu ahaa ilaahay ha u naxaristo oo janutal firdowsa haku bishaareyo. Amiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ina lillaahi wainaa ilaihi raajiuun

 

 

Ilaahey naxariis iyo jano ha kawaraabiyo garadka.Ehelkiisiina ilaahay samir haa ka siiyo AAAMIIN garaadku nin culus buu ahaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allaha unaxariistee Garaad Cabdiqani garad jaamac oo maalintii shalay ahayd ku geeriyooday magaalada jibouti ayaa waxaan maanta barqadii soo cagadhigatay diyaaradii siday Marxuumka. Aaska marxuumka ayaa waxaa kasoo qayb galay baqolaalkun oo shacabka reer sool sanaag iyo Cayn ah iyo waliba maamulada Puntland Somaliland iyo Ethiopia

 

Waxaa laamiga dheer ee farasmagaalaha dhexmara labada dhinac buux dhaafiyay kumanaan dad ah oo midba kiisa kale utacsiyadeynayo iyadoo ilaa inka badan boqol gaadhi oo ka kala yimi magaalooyinka hargeisa garowe burco Borame ceergaabo ay galbinaysay Aaska marxuumka Waxaa kamid ahaa madax dii kasoo Qayb gashay aaska marxuum garaad C/qani Allaha unaxariistee:-

 

Dhanka Somaliland:- Wasiirka cadaalada Mud: Axmed Xaaji Cali Casowe Wasiirka Horumarinta reer miyiga Mud: Fu'aad Aadan Cade Xildhibaan Xamse Gaade Weyne Xildhibaan C/qaadir Jaamac xassan Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Sandulle Salaadiin aad ufarabadan oo ayan noo suuro galin in aan islamarkaa aanu ogaano magacyadooda balse idiin soo gudbin doono

 

Waxaa iyana dhanka maamul goboleed ka Puntland kamid ahaa waftigii kasoo qayb galay aaska marxuum garaad C/qani Garaad Jaamac. Wasiirka Arimaha gudaha Mud: Aaxmed Cabdi Xaabsade Wasiir ku xigeen ka dowladaha hoose Mud: Axmed Aadan carab Xildhibaan :Aadan Yare Gudoomiyaha Gobolka sool: ibraahim Jaamac daad

 

Waxaa iyana Goob Joog ka ahaa dhamaan maamulka gobolka sool iyadoo ay Qadar daqiiqado ah ay ka hadh san tahay Aaska Marxuum Garaad Cabdi qani Garaad Jaamac Ayaanu Jecel Nahay In Aanu idiin soo Gudbino warbixinadii iyo sawiradii Aaaska iyo guud Ahaan Dareenka Shacabka Reer Sool Sanaag iyo Cayn Ay ka Qabaan Gareeda ku timi Allaha Unaxariiste garaadka Lasoco Daqiiqado Kadib iyo Aaaska Garaadka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this