Sign in to follow this  
Gabbal

Al Shabab seizes Guricel, names Marka administration, and attacks ONLF base in Jubba.

Recommended Posts

Gabbal   

Al Shabaab oo sheegay in ay weerareen fariisimo ONLF ay ku leedahay Dhoobleey iyo Salaadiinta deegaankaasi oo Beeniyay arintaasi

 

Shabelle: DHOOBLEEY

Ururka Al Shabaab ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Jabhada ONLF ku leedahay Deegaanka Dhoobleey iyo Salaadiinta deegaankaasi oo sheegay in weerar lagu soo qaaday xoolo dhaqato dadka deegaanka ah.

 

Dagaalkaan oo ahaa mid aad u culus ayaa waxaa uu saakay waabarigii ka qarxay deegaanka lagu magacaabo Cali Bulooy oo qiyaastii 50-km kaga beegan degmada Dhooblay ee gobalka J/hoose.

 

 

 

Dagaalka ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in uu u dhexeeyo ciidamo iskaashanaya oo ka kala tirsan Ururada hubaysan ee Al Shabaab iyo Mucaskarka Raaskanbooni oo isku dhinac ah iyo ciidamo ka tirsan jabhadda hubaysan ee ONLF ee ka dagaalanta gudaha dalka Ethiopia kuwaasi oo xeryo military ku lahaa deegaanka uu dagaalku ka dhacay.

 

 

Warar ku dhaw dhaw dhanka Ururka Al Shabaab ayaa u sheegay idaacada Shabelle in ay xoogaga islaamiyiintu saakay weerar qorshaysan ku qaadeen goobtaasi ay daganaayeen ciidamada ONLF-ta isla markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo ay ka qayb galeen gaadiidka dagaalka ee tiknikada ah la iskuna adeegsanayay hub culus oo ay ka mid yihiin qoryaha garbaha laga rido ee baasuukaha.

 

 

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka danbeeyay ka dib markii xoogaga islaamiga ah ay Jabhadda ONLF-ta usoo jeediyeen in ay isaga guuraan gobalka J/hoose iyagoo ku eedaynaya in ay qorshaynayaan weerar ay ku qaadaan magaalada Kismaayo balse ay taasi ka dhaga adeegeyn ciidanka halkaasi ka jooga ONLF-ta taasi oo keentay dagaalka saakay halkaasi ka qarxay.

 

Waxaa guul daro ku dhamaaday isku day la doonayay in lagu joojiyo xiisadda dagaalka sababtay oo maalmihii danbe ay wadeen odayaasha dhaqanka ee gobalka J/hoose iyadoo wararka naga soo gaaraya degmada Afmadow ay sheegayaan in maanta halkaasi uu ka dhacay dibadbax ay dadka deegaanku kaga soo horjeedaan dagaalkaasi

 

Warar ay heshay idaacada Shabelle ayaa sheegaya in haatan xaaladu ay tahay mid dagan,waxaana xariir ay Ururka Al Shabaab la soo sameeyeen idaacada Shabelle ay u sheegeen in dagaalku uu haatan istaagay,kuwaasi oo sheegay in dagaalkaasi uu ugu geeriyooday mid ak mid ah ciidamadooda iyo dhaawac soo gaaray labo kale.

 

Suldaan Cabdi Cali Sonkor oo ka mid ah salaadiinta deegaanka Dhoobleey ayaa idaacada shabelle u sheegay in ururka Al shabaab ay weerar ku soo qaadeen dadka deegaanka isla markana aysan waxba ka jirin wararka ay sheegayaan ururka Al shabaab ee ah in ay weerareen Jabhada ONLF.

 

Sidoo kale suldaanka ayaa waxaa uu intaa ku daray in dagaalka uu yahay mid lagu soo duulay qabiil halkasi dega isla markana dagaalka uu yahay mid qabiil.

 

Waxaa ay sheegteen saraakiisha Ururka Al Shabaab in ay la wareegeen gacan ku haynta goobta uu dagaalku ka dhacay,iyagoo intaa ku daray in ay ku arkeen mayadadka illaa 7-ruux oo ay ku sheegeen in ay ka mid ahaayeen Dagaalayahandii Jabhadda ONLF ee dagaalku uu halkaasi ku dhex maray,mana jiro wax war ah oo dhanka ONLF ka soo baxay kaasi oo ku aadan sheegashada Al Shabaab iyo dagaalkaba.

 

Dagaalka maanta ayaa waxaa uu noqonayaan kii ugu horeeyay ee ka dhaca gobalka J/hoose tan iyo markii bilo ka hor ay ganac kuhaynta magaalada dekadda ah ee kismaayo ay xaqijiyeen xoogaga islaamig ah inkastoo horay ay dagaalo uu dhiig badan ku daatay dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia uu ugu dhexmaray jabhada ONLF iyo Ururka Al Shabaab.

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

 

 

Dhageyso wararka 8:00-Subaxnimo maalin walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Ururka AL shabaab oo Maanta maamul islaami ah uga dhawaaqay magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.

Posted: 12/6/2008 2:42:00 PM

 

Shabelle: MARKA

 

Ururka AL shabaab ayaa Maanta maamul islaami ah uga dhawaaqay magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.

 

 

 

Masuuliyiinta xarakadda Al Shabaab ayaa waxa ay maanta markii ugu horeesay ku dhawaaqeen maamulka cusub ee islaamiga ee uu yeelanayo gobolka sh/hoose tan iyo horaantii bishii la soo dhaafay xiligaasi oo ay la wareegeen inta badan gobolka Sh/hoose.

 

 

 

Waxaa maanta munaasabad balaaran oo ay ka soo qeyb galeen ku dhawaad 100-ruux oo lagu qabtay xarunta maamulka degmada Marka iyana ka soo qeyb galeen wax garad aqoonhano iyo ganacsato ku dhaqan gobolka Sh/hoose.

 

 

 

Afhayeenka Ururla Al Shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo maxkamadaan islamiga ah kaga dhawaaqay magaalada Marka ayaa waxaa uu sheegay in howsha maamulkaani ugu horayn uu diirada saari doono ay tahay dib u heshiisiinta beelaha gobolka iyo isu celinta hantiyada la kala heysto.

 

 

 

Waxaa uu ku dhawaaqay Afhayeenka Ururka Al Shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) illaa 5-ruux oo uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka oo uu u magacaabay Shekkh C/raxmaan Axmed isagoo sheegay in maalmaha inagu soo aadan ay magacaabi doonaan masuuliyiinta kale ee heerka gobolka iyo kuwa degmada ee gobolka Sh/hoose.

 

 

 

Dhamaan waxaa masuuliyinta halkaasi qudbadaha ka jeeday maanta ay diirada ku saareen qudbooyinkooda muhiimada ay nabadu leedahay,waxaana dhamaan dadkii deegaanka ee ka qeyb galay ay sheegeen in ay ku garab gali doonaan maamulka cusub ee islaamiga ee loo magacaabay gobolka Sh/hoose.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

 

 

Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Islamist Militia Seizes Control Of Somali Town

 

Last Updated:

12-06-08 at 11:45AM

 

MOGADISHU, Somalia -- A hard-line Islamist militia seized control Saturday of a central Somali town, raising fears that the al-Qaida linked insurgents may expand their territory before the withdrawal of Ethiopian troops supporting the crumbling government.

 

The militant victory in the trading town of trading town of Gurael, 370 kilometers (230 miles) north of the capital, Mogadishu, adds to the recent gains of the al Shabab militia. Islamic fighters have seized control of most of southern and central Somalia in recent months, with the Al Shabab faction making the greatest gains.

 

Ismail Ali, a nurse at Istarlin Hospital, said eight people had been killed and dozens wounded in the fighting between the extremists and a moderate local militia in Gurael.

 

After several days of clashes, the residents' militia withdrew, leaving the militants controlling the town center. Fighters from a third faction previously allied to al Shabab withdrew without fighting, residents said.

 

"Now it seems that al Shabab is in full control," said Abdulahi Dahir Hidig, a local resident.

 

Somalia's crumbling government has been fighting the Islamists since December 2006, when Ethiopian troops supporting the administration chased an Islamic administration from power. Since then, the Islamists have split into several factions. One faction has signed a peace deal with the government but other fighters have been grabbing territory.

 

The U.S. State Department says the most militant faction, al Shabab - which means "The Youth" - is a terrorist organization that helps protect bombers who killed hundreds of people when they attacked American embassies in Kenya and Tanzania.

 

Ill-disciplined and poorly paid pro-government fighters often run away without a fight, leaving the government's Ethiopian allies to protect the capital and the parliamentary seat of Baidoa.

 

Last month the Ethiopians announced they would withdraw from Somalia by the end of the year, creating a potential power vacuum that could see the Islamists seize power again. Countries have been reluctant to send peacekeepers to the war-ravaged nation beyond a few thousand Burundian and Ugandan soldiers under the auspices of the African Union.

 

Somalia has not had a functioning government since 1991, when warlords used their clan-based militias to overthrow a socialist dictator, and then turned on each other.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalka ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in uu u dhexeeyo ciidamo iskaashanaya oo ka kala tirsan Ururada hubaysan ee Al Shabaab iyo Mucaskarka Raaskanbooni oo isku dhinac ah iyo ciidamo ka tirsan jabhadda hubaysan ee ONLF ee ka dagaalanta gudaha dalka Ethiopia kuwaasi oo xeryo military ku lahaa deegaanka uu dagaalku ka dhacay.

 

Are the shabaab endearing themselves to Ethiopia. I wonder what their supporters would say?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Xiin, that was Shabelle. This is Kismaayo news, a Dhoobley based site, saying the same thing.

 

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan degaalkii ka dhacay duleedka Dhoobleey

 

KN:Warar dheeraad oo lagu kalsoonyahay oo ka soo baxay dagaalkii saaka ka dhacay deegaanka Calibuleey ee degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa tibaaxaya in khasaaraha goobta ka dhacay uu dhanyahay 4 dhimasho ah iyo 4 dhaawac ah. Dhinaca Kaambooniyiinta ayaa waxaa ka dhinta 1, afar kalana way ka dhaawacmeen halka dhinaca jabhadda ONLF ay ka dhimatay 3.

 

Kaambooniyiinta ayaa waxaa hogaaminayay Sheekh Dulyadeyn oo ah taliyaha ciidamada xarakadda Mucaskarka Kaambooni, halka dhicana Jabhadda ONLF ay ka hogaaminayeen Sheekh Deeq iyo Cabdikarim Sheekh Muuse (Laab-dhagax). Sheekh Deeq waa sargaal sare oo caan ka ah gobolka Soomaalidu degto ee Itoobiya gumaysato isla mar ahaantaana u qaabil sanaa Jabhadda ONLF hawlgallada gobolka Nogob, halka Laab-dhagaxna uu jabhadda ONLF u qaabilsanaa gobolka Doollo ama Wardheer.

 

Inkastoo ay ahayd xero ku taala meel duur ah goobta dagaalku ka dhacay ayaa hadana waxaa goobtii u hadhay oo la wareegay xarakada Islaamiga ee Macaskarka Kaambooni, halka garabkii kale ay ku firxadeen duurka, kuna jiraan dib isu uruursi. Wararku waxay intaasi ku darayaan inay jiraan wadahadallo iyo dhexdhexaadin ay isku dayayaan qaar kamid ah cuqaasha deegaanka balse markay KismaayoNews u kuurgashay xaaladda ayaa waxay u muuqataa inay talo faraha ka baxday oo ay adagtahay in la baajiyo dagaal mar kale dhex mara xooggaggii maanta dirirtu dhex martay.

 

Gurmad dheeraad ah oo ku soo waajahan Islaamiyiinta ayaa wuxuu hadda ku sugan yahay deegaanka Xayo, waxaana la saadaalinayaa inay Islaamiyiintu bari subaxnimadii guluf kale ku kiciyaan ciidamadii ONLF oo la sheegay inay dib isu uruursanayaan.

 

Waxaa kasoo wareegtay 7 bilood markii ay sedan oo kale foodda isu dareen degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ciidamo ay ONLF ku uruursanaysay halkaasi iyo Islaamiyiinta Mucaskarka Kaambooni. Oday dhaqameedka degmada Afmadow ayaa xiligaasi baajiyay dagaal asna ku sigtay inuu ka qarxo deegaanka Cag-libaax ee magaalada Qooqaani oo sidoo kale ay Jabhadda ONLF ku uruursanaysay ciidamo, kadib markay aqbaleen inay iskaga huleelaan gobolka oo qabtaan wadankii ay ka dagaalamayeen.

 

Hadaba waxaa loo aanaynayaa in dagaalka maanta dhacay uu ahaa mid ay isu biirsadeen laba arimood oo midka koobaad ahaa ayadoo ciidamadii jabhadda ONLF ee ogolaaday inay gobolka ka baxaan aan sidii yeelin basle cagsigeeda ku sii xoogaystay iyo midka kale oo ah dagaalka dhawaan ka dhacay deegaanka Gabagabo ee gobolka Qorexeey, kaasoo u dhexeeyay labada Jabhadood ee ONLF iyo UWSLF.

 

Ha fogaan ee goor walba nasoo qooraanso si aad nooga hesho wararkii ugu danbeeyay.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayonews.com is not a Dhoobley based media outlet neither does it represent the views/wishes and aspirations of the people in that part of Somalia.

 

It's operated by one individual from his makeshift shack in South Africa, get your facts right next time sxb.

 

The ONLF link has been denied by both the local elders and the spokesman for the ONLF.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this