Sign in to follow this  
Liibaan

Faarax Macalin Oo dhagartiisii Qirtay Been Qaawan oo uu ka sheegay SSC

Recommended Posts

Liibaan   

Faarax Macalin Oo dhagartiisii Qirtay & Been Qaawan oo uu ka sheegay SSC.

 

Written by Jidbaale

 

Tuesday, 02 March 2010 14:46

 

Nairobi(Jidbaale):-Faarax Macalin Dawaare oo ah Gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka dalka Kenya ayaa wuxu qiray in uu doonayo in maamulka Hargaysa u ugu Ololeeyo Gooni goosadka ay la daala dhacayeen mudada 20ka sano ah.

 

 

 

 

Faarax Macalin Daawaare oo ah Gudomiye ku xigeen barlamaanka Kenya ayaa waxaa uu BBC da Laanteeda afka Soomaaliga ah siiyey waraysi ku saabsan Dacwo ka dhan ah oo uu amray wasiirka Arimaha debeda ee Kenya Moses Watungala.

 

 

 

 

Faarax macalin wuxuu si cad u sheegay in uu Barlamaanka Kenya hordhigi doono warbixin ku saabsan waxa uu ugu yeedhay xaalada Somaliland, taasoo uu ula jeedo in uu ka helo barlamaanka Kenya taageero oo ku fushado marshuuca uu ka soo qaatay Hargaysa.

 

 

 

 

Faarax macalin oo la sheegay in uu soo qaatay lacag $250,000 ah ayaa waxaa kaloo loo balan qaaday lacag intaas ka sii badan haduu ku gulaysto qorshahiisa.

 

 

 

 

 

 

 

Been cad

 

 

 

 

 

 

Wuxuu sidoo kale hadal been iyo gaf ku ah ka sheegay shacabka SSC oo uu sheegay in ay kaga horyimaadeen Burco agteeda taasoo ah hadal meel ka dhac ku ah shacab ka la hasyto ee reer Laascaanood iyo sidoo kale bulsho weynta SSC. Mar wax laga waydiiyey in uu diidan yahay in *********** ka soo horjeedo maamulka Gooni goosadkla ah ayuu si jees jees ah islamarkaana yasi taan ah ku yidhi Meel kastaba mucaaradku waa ka jira iyo hadal Dulucdiisu ahayd in aysan saameyn lahayn dadka ka soo horjeeda Maamulka haysta Laascaanood oo la ogyahay in *********** dhaqan iyo shacab Caruur iyo Ciroole ka mideysan yihiin Midnimada Soomaaliya iyo iska dhicinta Maleeshiyada haysata Laascaanood.

 

 

 

 

 

Maxaad ka taqaana Faarax Dawaare?

 

 

 

 

 

Faarax Macalin Dawaare waa nin ku caanbaxay Dilaalnimada iyo danaysiga. Wuxuu can ku yahay in uu isticmaalo wajiyo badan oo dhawr nooc ah, wejiyada uu Isticmaalo wuxuu ku saleeya marba qolada uu la joogo. Waxaa la xasuustaa in uu 2006kii amrkii Maxkamaduhu qabsadeen Koonfurta Soomaaliya uu halkaas tegey isla markaana uu sitay Weji ah Soomaalinimo iyo in uu caalamka iyo Maxkamadaha isku xidhayo. Wuxuuna halkaas ka helay lacag aad u fara badan oo uu ka qaatay wadadii uu ku yidhi waa la idin Aqoonsanayaa.

 

 

 

 

Lacag taas la mid ah na wuxuu ka diirtay Maraykanka iyo reer galbeedka oo uu u siday Magacyo dad ay doonayeen oo uu ka soo xuuraamay Mudisho. Taasi waxay dhaxal siisay in uu lacag badan ku bixiyo Dorashadiisii Xildhibaanimo iyo Gudoomiye ku xigeenimo taasoo uu ku gulaystey.

 

 

 

 

Wajiyada kale ee uu isticmaalo waxaa ka mid ah, Daarroodiya, Kablalaxiya iyo ********iya. Dhamaana arimahaas wuu ku qidhaabtaa mana jirto cid uu wax ugu qabto in uu ku dilaalaysto mooyaane.

 

 

 

 

Sidoo kale wuxuu Faarax Macalin caan ku yahay in uu iibsado sheekooyinka Siyaasadeed ee dhexmara asaga iyo qolyaha markaas uu isku Maansuukhinayo ee uu ka doonayo Sandareerada.

 

 

 

Safarkiisii Hargaysa

 

 

 

 

 

Safarkii uu tegey Magalaada Hargaysa wuxuu ahaa mid aan sharci ahayn, isla markaana aysan la ogeyn Dawladda Kenya sida hadaba soo baxday. Wuxuu safarkaasi ka danbeeyey ka dib markii uu helay mashruuc ah in xoolo dhaqatada ******** ay u yeedheen sidaasna uu kaga fasax qaatay dawladda Kenya.

 

 

 

 

Qorshihiisii ahaa xoolaan soo kala gadayaa wuxuu is rogey markii meel kale wax iska tusay toosoo uu ugu sheekeeyey Maamulayaashya maamulka Waqooyiga Soomaaliya in hada xisbiga uu ka tirsan yahay ee ODM oo lee yahay aqbaliyad Barlamaan ayna u meel mari karto dacwadiisa ka dhanka ah Midnimada Soomaaliyeed. Taasoo ay madaxa u ruxeen qolyaha aan waxbadan siyaasada ka aqoon ee maamulka Hargaysa Hogaamiya uuna ugu horeeyo Daahir Riyaale. Wuxuu halkaas kaga soo qaatay lacag dhan labo boqol iyo konton kun oo Dolar. Wuxuuna u balan qaadya in uu Barlamaanka Kenya uga ansixin doono in Urur goboleedk IGAD ay u gudbiyaan dacwada maamulka Riyoonaya ee uu wato ina Riyaale.

 

 

 

 

Wuxuuna sheegay in uu IGAD na ka baas garayn doono isla markaana uu wadi doono Ilaa AU da. Wuxuu sidoo kale tegey Laascaanood mana jirto cid ku soo dhaweysey amrka laga reebo dhawr odey oo Calooshood u shaqastayaal ah isla markaana caan ka ah Laascaanood oo qol loogu xareeyey, halkaasoo ay ugu sheegeen been aan sal iyo raadtoona lahayn.

 

 

 

 

Waxyalaaha uu ka soo qaybtay ee kale isla markaana uu u soo ansixiyey waxaa ka mid ah in Hooyo Soomaaliyeed oo beeshiisa ka dhalatay uu u saxaaxay maamulka in ay u gudbiyaan Cadawga Amxaarada. Taasoo hada garteedii uu weli madaxa kula jiro isla markaana uusan ka Jid bixin.

 

 

 

 

 

Siyaasada Kenya iyo Awooda ODM ee hada?

 

 

 

 

Sir ma qabe Allaa u sahan ah.

 

 

Markii Ololaha Doorashooyinku ka socdey Kenya Novernber 2007kii ayaan Horufadhi.com waxaan ku arkay qoraal ah Raila Odinga oo lacag looga soo diray Hargaysa, waxaana aan warbixintii xasuustay maanta markaan dhagaystay waraysiga ina Dawaare, hadaba aan u soo Noqono Siyaasada Kenya iyo xiligan.

 

 

Kenya waxaa ka talisa Dawladd Wadaag ah isla markaana ku timid joojinta dagaal lagu hoobtay oo mudo labo bilood ah ka soconayey gudaha dalka Kenya .

 

 

Barlamaanka Kenya markii hore waxaa u badnaa xisiba Faarax Macalin ee ODM. Waxaase is bedeley siyaasadii rag badan ayaa halkaas u boodey, waxaa dhacay isdaba gal abdan iyo isku fiirsasho , waxaana dhinaca PNU oo ah garabka Madaxweynaha laga Eryey wasiirkoodii lacagta mudo hada 11bilood laga joogo ka dib markii lagu qabtay fadeexad Hotel uu Qiimo jaban ku iibiyey oo Dawladdu lahayd.

 

 

 

 

 

PNU waxii maalintaas ka danbeysey waxay waden in ay kala fur fruaan xubnaha badan ee Barlamaanka ODM. Maadaba ay noqdeen Cudud adag, Kibaki iyo ragiisii ayagoo in badan la wareegey xubnihii 109ka ahaa ee ODM lahaayeen ayaa dhawaan waxaa dhacay arin aad moodo in SSC xaga Rabbi looga hiiliyey. Ra'iisal wasaare Odinag wuxuu caydhiyey oo shaqadii ka joojiyey labo wasiir, waa William Ruto oo ah wasiirka Beeraha iyo Sim Ongeri oo ah waxbarashada. Arintaas waxay keentay in wasiirka beeraha oo ka soo jeeda Gobolka ugu xildhibaanada badan Kenya ee Riffti Valley ay raacaan kala badh xubnihii barlamaanka Kenya.

 

 

Isla markaana ay la garab noqdaan madaxweyne Kibaki oo ah PNU. Barlamaanka Kenya tiro ahaan hada waa 210 xubnood, isku dar dhinaca PNU hada waxaa ka soo jeeda 154 xildhibaan waana aqbalayda ugu badan ee hada Barlamaanka Kenya. Raila Odinga iyo Faarax macalin maanta cidley taagan yihiin maadaba xisbigooda ay ka baxeen xubnihii ugu badnaa ee ay isku halaynayeen.

 

 

Waxaana hada taagan wakhtigii PNU ka aargoosan lahayd ODM oo bedelkii wasiirkii lacagta ee ay caydhiyeen barlamaanka ODM ay uga aargoosan lahaayeen, waxaana PNU soo celiya waa iyagoo maanta Jaaniskaas Faarax Macalin ka faa'ideystan kana erya shaqada Gudoomiyenimada iyo xubinimada Barlamaankaba.

 

 

 

 

 

Hadaba Maxaa arinta SSC ka qaban kartaa?

 

 

 

 

Si hadaba looga Faa'ideysto Dacwadan ku socota Macalin ee ah in wasiirka arimaha debedu amray Baadhintaan lagu sameeyo Socdaalkiisii Waqooyiga Soomaaliya, waxaa la gudboon Aqoonyanada SSC ee uu ugu horeeyo Halyey Cusmaan Xassan X, Cumar{Badawi} in ay xidhiidh la soo sameeyaan wasarada Arimaha debeda ee Kenya isla markaana ay cabashadooda iyo Tafaasiisha Booqashada Ina Dawaarle ku soo bandhigaan. Waxaa sidoo kale arintan wax weyn ka qaban kara ayna tahay in lala xidhiidho wasiirka Arimaha debeda ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo oo ay hubaal tahay haduu waraaq cabasho ama Dacwo ka dhan ah u soo diro dhigiisa Kenya in taas wasiirka ay ka saacidi doonto arintan.

 

 

 

 

 

 

Waayo Soomaaliya waa dal madax banana mana kala go'in in dal deris ah ay fara gelin ku sameeyaan dal kalena waa ka mamnuuc Dastuurka Midawga Afrika , IGAD iyo Qaramada Midoobeyba. Arintaas waa in laga hortagaa ka hor inta uusan Barlamaanka Horkeenin waxa uu ugu yeedhay warbixinta oo run ahaantii ah fara gelin uu Faarax macalin ku samaynayo arimaha Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

Dhamaan Aqoonyahanka SSC iyo kan Soomaaliyeed ee jecel Midnimada Umadda Soomaaliyeedba waa in ay la xidhiidhaan wasaarada Arimaha debeda ee Kenya iyo tan Soomaaliyaba si looga hortago shirqoolka kala goyneed ee Faarax Macalin.

 

 

Hadaba si aad ula soo xidhiidho wasiirka Arimaha debeda Ee Kenya Hon: Moses Watungala. Halkan ku dhufo, ka dibna ka hel Telefoonada iyo Emailada wasaarada iyo wasiirkaba.

 

 

 

 

 

Halkan ka Dhagayso BBC Faarax Macalin

 

 

http://www.mfa.go.ke/mfacms/index.php?option=com_contact&Itemid=3

 

 

Ibraahim Mohamed Hersi.

 

Nairobi Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Sheydaan kasta Somali politics kujira, waana runtiisa (if you listened to his VOA interview)dad badan waa lago xamaashaa and worse things are in plans for Somalia but none of Somalia's enemies publicly ever called or encouraged secession and this is where he made grave mistake.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Che -Guevara:

^Sheydaan kasta Somali politics kujira, ... but none of Somalia's enemies publicly ever called or encouraged secession and this is where he made grave mistake.

Agreed. Nin Caqli badan maaha. One can protest against what one perceives to be injustices done to innocent folks, but to actually endorse one of the most dangerous political ideologies in current Somali politics in his official capacity is the height of imprudence.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Originally posted by Che -Guevara:

^This is his
with VOA. He's asked repeatedly if he supports secession but evades the question.

So he actually did not say he supports the secession then?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isn't the guy a deputy speaker of Kenyan parliament? Whether he endorsed secession or not the guy holds no political weight to change anything on the ground. Nor does he represent Kenyan's foreign policy. Let us not over hype things and make him something he is not.

 

I think what's happening is nothing more than Kenya's dirty politics in play.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Originally posted by General Duke:

He is a clown, was when he was supporting Al Shabaab a year ago and is now.

 

Anyhow another loser disguised as a man.

Faroole is another clown and u cheerlead for him, what does that make u?

 

I didn't see u comment on his pathetic comments of calling an entire community unsomali, where were u then?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Correct.

 

But perhaps what you are forgetting Gheelle is the history of this Farah and the relationship he had with Somalis in the daispora. He presented himself as a man who deeply cares the unity of former republic of Somalia

 

This exposed him for the small man he is, but as you correctly noted his visit changes zilch in the political balance in that region

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

He was repeatly asked about the unity of Somalia and he didn't clearly withstand that unity which interpreted as he supports the secession of Somalia. Will cost his political future..

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Zack, adeer, your views towards anything Puntland is noted, but Dr Faroole uettered the wrong words, which he will have to pay a political price when the time comes, this Farax clown traveled to SOOL on behalf of Riyaale and the SNM clan, againts thw wishes of the Somali loving people of that region, and now wants to break Somalia apart, how is this even his business?

 

Alas, it seems you are in a rush to cover up the horrible mistake of your cousin Farax Clown, when you do not need to. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Xiin,

Did u double check and verify that Mr. Moalim actually supported secession before you jump to a conclusion. I have seen u do so when Faroole made the more conterversial statements.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Maxaa meel cidlo ah laga laaqiyey ,,,

 

 

Adeerayaal Faroole haduu LA wax u qabanayo wataas afka kala haysa.

 

Cabaadka iyo calaacalka la gabada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this