Sign in to follow this  
Ex-Xisbiga

ITS OFFICIAL! Riyaale is running in 2008

Recommended Posts

Xargaga   

M/weyne Riyaale Distoorku Uuma Ogola Doorasha Dembe

Ali Gulaid (Ali Marshal) — Hargeisa, Somaliland — 15 February, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Sida aay soo qortay HAATUF cadadkeedii 1339 ee soo baxay bisha February 14, 2007 wareysi uu Riyaale siiyay Codka Mareykanga ee Afsoomaaliga (Voice of America) mar la weydeeyay ina uu doorashada madaxweynaha [2oo8] isu soo taagi doono waxa uu ku jawaabay sidan, “ Xaaq baan u leeyahay ina aan mar labaad isa sharaxo sida distoorkayagu qoraayo, wax ii diidayana ma jiraan”. Sua’aashu hadaba waxa aay tahey wax u diidayaa ma jiraa? Hadalka oo gaaban jawaabtu waa HAA oo distoorku ma ogola ina uu mar kale isa soo sharaxo.

 

 

Distoorka qodobkisa 88 qeybtiisa (2) waxa aay dhigeysaa sidan, (Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan). Qodobkaa 88 (2) nuxurkiisu waxa weeye Qofna laba jeer wax ka badan madaxweyne ma nuqon karo. U fiirso ma odhan looma DOORAN karo laba jeer wax ka badan ee waxa uu yidhi laba jeer wax ka badan Madaxweyne ma NOQON karo. Qodobkaasi ahmeyad ma siinin ina la doortay iyo inuu dhaxlay ee waxa uu ahmeyd siiyay ina uu madaxweyne noqday uun. Haddii aaynu sii jilcino sida uu ku noqday wax ka soo qaad ma leh ee ina uu noqday ayaa muhiim ah.

 

 

Haddaba sua’aashu waxa aay tahey, mudaddii uu dhameystiray Riyaale markii uu Marxuum Cigaal geeryooday ma loo tiriyaa HAL JEER (one term) mise waa maya. Culumada qareenado (Qareen ma ihi ee la soco) waxa aay isku waafaqsan yiheen ina uu mudadii uu dhaxlay loo tirinaayo HAL JEER (one term).

 

 

Sababtuna waa sidan: Marka laga duulo ina aanu qofna laba jeer wax ka badan Madaxweyne noqon karin sida ku qayaxan 88 (2) ee la dhugto ina aanu distoorku qayixin (silent) ina wax shan (5) sanno ka yar loo aqoonsan karo HAL JEER iyo in kale, waxa aay culumado isku waafaqsan yiheen mar haddi uu kursiga ku fadhiyay isaga oo Madaxweyne TAAM ah oo aanu aheyn ku MEEL GAADH ina loo tirinaayo hal jeer oo buuxa amba shan (5) sanno ha gaadho amba ha ka yaraato e.

 

 

Sida aanu muran ka taageyna Riyaale waxa uu aha Madaxweyne TAAM ah muddadii uu Marxuum Cigaal ka dhaxlay ee ma aheyn ku meel gaadh (care taker). Sida awgeed waxa loo tirinayaa HAL JEER. Waxa iyana laf dhabar u ah doodan distoorku marnaba amba meelnaba ina aany ku qeyxneyn ina LABADA JEER aay tahey laba jeer oo min shan (5) sanno oo BUUXA ah. Haddan halka ku celiyo distoorku waxa uu odhanaya LABA JEER oo QUDHA ee ma odhanaayo laba jeer oo min shan sanno ah (BUUXA). Mida kale distoorku kama hadlin muddada dhaxal-tooyada ina loo tirin karo hal jeer iyo in kale laakiin waxa laga dheegan kara qodobka 88 (2).

 

 

Bal haddaba aan eegno waxa uu distoorku ka odhannaayo haddii uu Madaxweynuhu geeriyoodo. Waxa uu u kala qaaday laba. Waa ta hore e sida ku qayaxaan qodobka 89 (1) waxa uu odhanayaa haddi uu geeriyoodo saddexda sanno ee hore gudahooda Madaxweyne ku xigeenka ayaa u sii qabanaaya jagada Madaxeynaha si ku meel gaadh ah (temporary President). Doorashada Madaxweynahan waxa lagu qabanayaa muddo lix (6) bilood ah. Culumada qareenado waxa ay isku wafaqsan yiheen mar haddi uu ku meel gaadh yahey ina aan loo tirinayn hal jeer (one term)

 

 

Waa ta labaada e qodobka 89 (2) waxa uu odhanayaa haddi uu geeriyoodo labada sanno ee dambe gudahooda, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa la wareegaaya jagada Madaxweynaha inta ka hadhay muddada oo isla markana magacaabaaya Madaxweyne kuxigeen isaga oo ka dooranaaya Wakiilada. Culumada qareenado waxa aay isla waafaqsan yiheen mar haddi uu isagu dooranaayo Madaxweyne ku-xigeenkiina ina aanu aheyn ku meel gaadh ee uu yahey Madaxweyne TAAM ah. Sidaasina waa sidii Riyaale ku soo baxay. Mar haddi aanu aheyna meel ku gaadh waxa la isku waafaqsan yahey ina loo tirinaayo HAL JEER (one term). Waxa halkaa ku cad ina mudaddi uu ka dhaxlay marxuum Cigal loo tirinaayo HAL JEER. Sida laga warqabana HAL JEER ayaa si toos ah loo doortay. LABADII JEER ee distoorku u ogalaa halkaasi ayaay kaga dhan yiheen. Sida awgeed distoorku ma ogola ina uu Riyaale mar kale Madaxweyna nimada iso soo taago

 

 

Haddaba haddi uu mar kale Riyaale isa soo sharaxo oo la doorto (Ilaahay inaguma keene e) waxa uu Madaxweynanimada qabanayaa SADDEX (3) JEER. Taasina waxa aay ka hor imaneysaa qodobka 88 (2) ee odhanaaya, Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan. Haddi aan sii lafa gurno nuxurku waa imisa jeer (number of terms) ayoo qofku Madaxweynanimada qaban karaa ee ma ah inta sanno ( number of years) ee uu hayay. Isku soo wada ururi: Haddii uu hami ku jiro Riyaale ina uu mar Saddexaada noqdo Madaxweyna waxa u been sheegaaya Distoorka.

 

 

Waxa iyanna muhiim ah marka arrimaha qawaaniinta laga hadlaayo bal ina la darso sidaa qawaaniinta wadanada kalana ka yeelan marka Madaxweyne geeriyodo. Haddaba haddi aaynu soo qaadanu distoorka Mareykanga waxa uu odhanayaa sida ku qayaxaan bedelkaka (The 22nd Amendment) sidan hoos ku qoran:

 

 

“Qofna looma dooran karo xafiiska Madaxweynanimada laba jeer wax ka badan; amba qofka mar soo noqday Madaxweyne laba sanno in ka badan isaga oo dhameystiraaya muddo qof kale oo aan isaga aheyn loo doortay waxa iskii Madaxweyne loogu dooran karaa MAR QUDHA” Distoorka Mareykanka sida ku cad mudadda uu dhaxlo waxa loo tirinaayo HAL JEER oo TAAM ah inkasta oo ay ka yartahey shan (5) sanno. Habku dhaqankan distooriga ihi Mareykanka uun u gaar ma aha ee waxa la qaba wadana fara badan.

 

 

GEBOGEBO

 

 

Waxa laga yaaba ina dadka qaar kood yidhaahdaan DAW ma ah ina muddo shan (5) sanno ka yar loo xisaabiyo mudda buuxda, hase yeesee mar ka aad dhinaca kale ka eegto dadka qaar kood ayaa odhanaaya DAW ma ah ina uu qofna qabto laba jeer wax ka badan (labbadii jeer ee la doortay iyo tii uu daxlay) amba toban(10) sanno wax ka badan. Calaa kuli xaal ma aha maxaa DAW ah ee waa sida waafaqsan distoorka. Doodani waxa ay ku saleeysan tahey ina muddada uu qof noqonaayo Madaxweyne aanay ka badan toban (10) sanno bal se aay ka yaraan karto. Kaba soo qaad haddi Riyaale mar kale la doorto waxa uu hayn doona Madaxweyna nimada ina ka badan laba iyo toban (12) sanno.

 

 

Arrintani waxa ay qiimu u leedahey wadanada Fulinta iyo Garsoorku kala Madaxbanaan yahey laakin sida ka jirta Somaliland Fulinta iyo Garsoorku waa isla hal. Garsoorkuna waxa uu u shaqeeyaa Fulinta oo u yeedhisa hadaba sida aay iyaga ugu badineyso. Markaasi waxa la iskugu daaliyo ma taalo meesha.

 

 

In kasta oo aanu Distoorku Riyaale u ogoleeyn ina uu mar kale doorashada isu soo sharaxo, hadaana waxa uu mucaaridku u milikhsanayaa ina uu Riyaale noqdo musharaxa UDUB waayo dadka haatan la hadala hayo ina aay UDUB iska soo sharaxan Riyaale ayaa maanta uugu sumcad leeta. Haddi uu isa soo sharaxana dad badani waxa aay ku khamaarayaan ina uu UDUB saddexda xisbi qaran uugu hooseeyn doono

 

 

Arintu ma taagna ina uu Riyaale ku guuleysan doono doorasha kale iyo in kale ee waxa weeye distoorku ma ogol yahey ina uu isa soo sharaxo mise waa ma ya. Sida kor ku xusana distoorku uuma ogola inna uu isa sharaxo mar kale. Waxa dawgu yahey ina arinta maxkamada Sare la hor geyo laakiin mar hadi Fulinta iyo Garsoorku isku milmeen taasi waaa tacab khasaare.

 

 

Waxa iga tala ah haddi Riyaale hunguri ka hayo ina uu doorashada ka qeyb galo waa ina uu soo jeediyaa ina Distoorka wax laga bedelo sida ku qayaxan qodobka 126

 

 

Waxa aan idinkaga tegaya qodobak 88 (2), ee odhanaya, (Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan). “No person may hold the office of President for more than two terms. Riyaalaw salaama.

 

 

Ali Gulaid, Hargeisa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^Like you would have a vote.

 

what would he do?

 

 

He would kick your butt so back, that you wouldnt' be able to fart once again in your life time. lool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^^By sending Suicide bombers or blowing up himself in a broad day light.. what a great tactic he will bring forth, I await and see

 

Norf my full support is forthcoming but on the condition that a longer goal of a wider unification is agreed upon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Riyaale want to keep his good salary of $500,000, it is classic salary with no tax or quuq ku daba socoto, thanks to ina Ducaale the head of Bank Of Somaliland, he too earns just little bit under what Riyaale gets, $450,000.

 

I will vote for Riyaale anyway,kuwa kale waa wada losers, Siilaanyo kaas kuba ma ahan, Waraabena wa dhurwaa ka daran

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Originally posted by Shucayb:

^Like you would have a vote.

 

LOL...bal maxaa uga 15 ah.

 

Sillanyo will get it. I grantee you that. Faisal is full of it. He’s not a politician. If he wins, Somaliland will be at war in 2 days with Garoowe, if they're still here.

 

Gaboose should stick with practicing medicine and Ina Xaashi should focus on building construction structures.

 

Shucyb aka Red Sea. Stop changing your nick man..my head hurts. LOL

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^ I am not red sea, I am his younger bro, red will be back soon IA, before than he allowed me to use his sign on. the red you knew isn't from naaso Hablood Hargeysa (new Hargeysa), he is from Lanta Hawada. Big difference dee. lool.

 

I would say Silanyo would get it more than likely. Faisal Cali Waraabe is immature, who makes threats against all sides. I hope that he never becomes a 'leader' of anything.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Originally posted by Shucayb:

^ I am not red sea, I am his younger bro,

Are you serious. Okay buddy. Nice to meet you my name is Jaylaani from Xawaadle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

i vote for faysal cali waraabe becous he is a great somaliland nationilist and an extremist if it comese 2 somaliland qadiyaada

And his from the same tribe as from my mum

 

From the royal family of hargeysa

who ruled ardu shimaali al somali

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think its fantastic news that Riyaale is running for a second term.

 

Dahir Riyaale and the United People's Democratic Alliance (UDUB) have done incredible things for Somaliland. He definately has my vote.

 

I'd rather vote for him then a nephew of Siad Barre or a Fascist/Communist.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

I am his bro, red sea is on vacation to Canada. He will return on Sunday Insha Allah.

 

I am have been a reader of his writing for the past year or so. I know ver well of how tihs place operates. So he allowed me to use his account, sinc he and I hold same opinions on political issues.

 

 

Ex-Xisbiga, I think folks like you and Jacalbaro have to be detained, before you make another st8pid decision again like voting for Riyale Again.

 

bye,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this