Sign in to follow this  
Kamaavi

Music Thread [ Wat ar u listening 2]

Recommended Posts

Aaliyyah   

waad iga raali noqonasa siba shiekha Genius...lol..

 

laakin maanta hees macaaan oo xasan adan samatar qaaday ayaan dhageestay, bal ila eega :P

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

 

 

Calankii sarreeyee

Rabbigay na siiyee

Lixdankii la saaroow

Samahaaga calanyahow

Waataan sannado badan

Sidko dhalay ku maalloo

Dadka ugu sarraynee.

Inkastoo sarsuuriyo

Salaw iyo colaadiyo

Muddo saxal ku soo maray

Ma samrine sadkaygoow

Rabbi waxaan ka sugayaa

Sidaad beri ahaydiyo

Sumcaddaadii waa hore

Ku soo noqoto sebenkaad

Dayax guudkii saarnayd

Oo Soomaali toostaa

Gacmaha isa saaraan

Oo sidigta maandeeq

Sama lagu wadaagaa

Saatir aan ku mahadshoo

Adoon siigo kugu ool

Kaa eegto samadee

Kaa eegto samadee

Calanyahow surroow

Weligaaba saarnoow

Rabbi saxarka kaa qaad

Aammiin aammiin

Rabbi saxalka kaa qaad!

 

 

 

Summaddaan lahaynoow

Allow aan la sidanoo

Cadow layga kaa siin

Sagal iyo daruuroow

Sahan noo maqnaayoon

Ku sugaynay Khayriyo

Saadaal barwaaqoow

In kastoo sabaannadan

Siigaal sidoodii

Salaw yaacney badankeen

Ma samrine sedkaygoow

Rabbi waxaan ka sugayaa

Shacabkii salkucu galay

Inay soo noqdaanoo

Ay sabaad barwaaqaa

Soorta ay wadaagaan

Wixii soof la kala dhacay

Laysu saamaxaayoo

Sebigiyo agoomaha

Same loo daryeelaa

Saatir aan ku mahadshoo

Adoon siigo kugu ool

Kaa eegto samadee

Kaa eegto samadee

Calanyahow surnoow

Weligaaba saarnoow

Rabbi saxarka kaa qaad

Aamiin aamiin

Rabbi saxarka kaa qaad

Aamiin aamiin

Rabbi saxarka kaa qaad

 

Original video:

Share this post


Link to post
Share on other sites

@aaliyyah, walashiis, arinku sheikhnimo ma ehee, waa diinta islamka. inaad deeysay ayeey ila eheed?. lakiin insha allah, you will.

 

ninkaadow, maogtahay, in xitaa dadka qamriga kucabaayo baarka lagula hadli karo, even inside the pub?

 

p.s. since this thread will live long after our death, it might haunt anyone of us who posted a music video as long dad kale eey dhageesanaayaan. allah hanoo sahlo inaan fahano xumaanta music-ta. allahuma amiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Allah Xasan Aadan timihii Afroda ahaa way ka bideen:mad: Aaliyyah walaaley adigaa boqoradii timah ahaayee bal Odeyga labo ama saddex xabo oo ukun ah madaxa u saar timihii ha u soo noqdaan e ......

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^lol eggs meel timihi ka bideen uma maleenayo in ay wax ka tarayaan. Adeer samatar akhiro ba timaha logu so celin doona LOL

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Anna waxaan is lahaa lixdan sano markaad gaadhid ee timuhu kaa buubaan. No worries Aaliyyah remedy will do the trick. I'm Soooooooo disappointed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

loool you are nuts!..anyways by 60 years old I don't think u care too much if you have hair or not, masjidka in aad iska gasho oo kuufi iska xidhato la qatay ma istidhi lol. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this