Sign in to follow this  
xiinfaniin

Allow kuu naxariiso

Recommended Posts

He was truly a man of religion, a young leader who helped establish the largest Islamic Center in Minneapolis, a father of six, a man whose profession was to lead Allah’s guest to Meccah in the last 10 years, he was good to his neighbors, dutiful and helpful to his parents, and above all he was a close confidant and good friend of mine.

 

Abdiweli Mohamed Yusuf went to sleep at his mother’s apartment on Wednesday, the 28th of April 2010 to never wake up again. He died young, and the people who knew him loved him.

 

Ilaahow kuu naxariiso…aamiin.

 

 

DSC08053.JPG

 

hundreds particapated Abdiweli's jinaazah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

samir iyo iimaan. sheeqana ilaah janadi fardowsa haka warabiyo, kitaabkisa midig haka siiyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.

 

I'll never forget that moment. As I stepped out of my door, I missed three call and got urgent text message; call me asap. That phone call left me speechless walaahi. Cabdiwali was a true brother and a friend. Inta kheyra uu community-ga u qabtay Ilaahey miisaankiisa ha u labolaabo. Qaatimo wanaagsan ayuu ku geeriyooday. As Sh. Cabdirahman said at the qabri, he was standing with us on that same xabaalo just few weeks ago, taking part the janaaza of the three brothers murdered in Seward halaal grocery.

 

The community come out in great numbers yesterday. I was there early but ended up praying on the street. Meel la kala istaago ayaa la waayey. Waligey ma arag rag ilmeeyey shalay ka hor. Sh. Cabdirahman couldn't finish the dua. Allow u naxariiso oo jana firdowsa gee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

aduunku waa labo galin. Ilaahay ha u naxariisto. sabar iyo imaana ehelkiisa haka siiyo. Anagana xaqa hana waafajiyo.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abdiwali was a dear friend and brother. I have never met qof ka edeb badan oo ka naxariis badan. Ilaahay janadii ha geeyo. I was there yesterday as well xiinow. ala maxaa dad iskugu yimid.

 

Ilaahay janatul fardowsa ha geeyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

He was truly a man of religion, a young leader who helped establish the largest Islamic Center in Minneapolis, a father of six, a man whose profession was to lead Allah’s guest to Meccah in the last 10 years, he was good to his neighbors, dutiful and helpful to his parents
[/url]

Mashallah a great example, May he rest in peace and his family find comfort and patience during this time of trial. Amin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

CABDIWELI….TIIR ADAG OO DACWAD MINNEAPOLISA KA TEGEY!

By Somalimirror on 1 May, 2010 2:30 PM in Maqaallo

 

W/q. Muxammad Idris Axmed

 

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

Wuxuu Qaatay Ilaahay Isagaa leh. Wuxuu bixiyana Isagaa Leh, Wax walbaana Qadar ayey leeyihiin. Ilaahay Walaalkeen Cabdiweli Maxamed Yusuf Ha u Naxariisto, Janaatul Firdoos haka waraabiyo, eheladiisiina samir allaha ka siiyo.

 

Warka Naxdinta lihi wuxuu igu soo duulay anigoo safara oo Nairobi Maraya, Kelmadanna waxaan qorayaa Markaan hadda soo gaarey Copenhagen, anoo hadda la ii sheegay in si wanaagsan loo aasay, Khalqi Ilaahayna isugu yimi, waana sidii Ahlu Sunnaha Janaazadooda lagu yiqiin, heer uu yiraahdo nin meesha joogey: Waxaa mar igu soo dhacday inaan jeclaysto inaan ahaado ninka Janaazadan lagu wado.

 

Cabdiweli Maxamed Yusuf wuxuu ahaa intaan ka aqaaney nin aad u qiima badan, dacwadana ilaa yaraantiisi kusoo jirey, ama ku ababay, markii lasoo qaxay ee Maraykan la yimina Cabdiweli Minneapolis ayuu usha dhigay, wuxuuna ka mid ahaa dadkii dacwada gobolkaas dhidibada u aasay. Maalintii iigu horreysey ee Minneapolis aan dacwa u imi, 1997, iyadoon Soomaalidu weli markas lahayn aan ka ahayn, Daarul Faaruuq, oo la wadaagey, Cabdi weli gurigiisa ayaan ku soo degey. Kadibna Cabdiweli wuxuu kaalin weyn ka qaatay sidii Maraakis dacwadu leedahay looga heli lahaa magaalooyinka mataanaha Minn/St.Paul. Wuuxuna qayb weyn ka ahaa muddo dheer maamulka Markaz Abubaker, iyo halgankii loo soo galay, iyo Masjid Shaafici. Wuxuu ahaa nin dacwada har iyo habeen u diyaar ah.

 

Sifooyinka ugu weyn Cabdiweli Allaha u Naxariistee waxaa ka mid ahayd tawaaduc aanu cidna iska weynayn, iyo dacwada oo naf iyo maal iyo waqtiba loo huro. Cabdiweli wuxuu ahaa nin lagu hagaagi karo maalinta ay ciirsi beelka tahay, nin hawlkarnimo meel dhigtay oo shaqada aad u dhiibto aad uga seexan karto, wuxuu ahaa Allaha u naxariistee, nin ku fiican dulqaad badan oo culays kasta oo lasoo gudboonaada aan u debcin, ama kala badan.

 

Hawlaha Xajka iyo hoggaaminta dadku waa hawl weyn oo qof walbaa aanu ka bixi karin. Diyaarinta guryaha, diyaaradaha, xujeyda hagidooda, safaradooda Makka iyo Madiina, la dhaqanka xafiisyada xajka sucuudiga oo aad u hawl badan, dulqaad badanna u baahan, waxaan 10kii sano ee u dambeeyey arkayey Cabdiweli inuu si hawl karnima leh hawshaas uga soo baxayey, waxaan ogaa soo jeedka iyo maalmaha xiriirsan ee cabdiweli usoo jeedi jirey sidii xujeydu xajkooda u gudan lahaayeen. Waxaan xusuustaa inuu cabdi weli fadhin jirey mararka qaarkood xafiisyada wasaaradda iyo mudawifiinta in ka badan 8 saacadood oo xiriir ah, si uu u fuliyo hawla xujeydu leeyihiin, ama uu soo jeedo 24 saacadood oo xiriir ah. Wuxuu ahaa ninka lagu aadiyo hawsha ugu adag. Wuxuuna u gudan jirey si deggan oo aad mooddo in ilaahay birta u jilciyey.

 

Sifooyinka Cabdiweli lahaa ee aan la heli karin in yar mooyee, waxaa ka mid ahayd qalbi xaadhnaan, aanu qof muslima wax u qaadin. Nebigeenna calayhi salaatu wasalaam waxaa ka sugan in la weydiiyey dadka yaa ugu fiican? Wuxuu ku jawaabay:
(Qofka Qalbiga Makhmuumka ah leh, Carabkiisuna runta sheego. Waxaa lagu yiri, garanay midka carabkiisu runta sheego, ee makhmuumu qalbi waa maxay? Wuxuu yiri: Waa Midka aanu ku jirin: Xadgudub, Necayb, uurkuqaad, iyo Xasad).

 

Cabdiweli waxaad arki jirtey in xaaji cadhaysani u yimaado oo af labadii caayo ama maago ama ku qayliyo, lama arki jirin cabdiweli oo hadalkiisu kor u dhaafayo inta qofku u baahanyahay. Si fudud oo deggan ayuu hadalkiisa u gudan jirey, xad gudubkana ma jeclayn. Wuxuu Cabdiweli dacwada u huri jirey waqtigiisa, gurigiisana waa u furi jirey. Waxaan xusuustaa inaan bishii Nov. 1999, aniga ducaad ilaa 10 ah oo ila socotey aanu nimi magaalada Minneapolis, anagoo u soconna ururinta lacagtii Masjid Assunnah and Dawa Center ee magaalada Atlanta. Cabdiweli – Allaha u naxariistee – xaaskiisi iyo caruurtiisi oo dhan gurigii wuu ka bixiyey, wuxuuna gurigiisa oo dhan u gogley oo u furay kor iyo hoos martidii ducaadda ahayd, halkaas ayaanuna deganayn saddexdii cisho ee aanu joogney magaalada. Cabdi weli wuxuu dacwada u ahaa sida awrka hayinka ah ee reerku ku guuro oo ku hinjiyo wax kasta oo culus.

 

Waxaa Cabdi weli iigu dambaysey Xajkii hadda lasoo dhaafay oo aanu wada xajiney, carafa iyo Muszdalifana isla soo marnay, sidii caadada ahayd sanadihii u dambeeyey, habeenkii uu makka kasoo baxayey isagoo xujeyda hoggaaminaya ayaana iigu dambaysey, inaan taleefan kuwada hadalno maahine. Cabdiweli Allaha u naxariistee wuxuu ahaa nin uurka iyo afkaba nadiif ka ah, sidaas ayaanu u haysaney Ilaahay ayaana xisaabinaya.

 

Waxaan filayaa Dacwada Islaamka ee Maraykan guud ahaan, gaar ahaanna Dacwada Minneapolis, tiir adag ayaa maanta ka jabay, geerida Cabdiweli, Ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu isagana u naxariisto, ubadkiisi iyo reerkiisiina ajar iyo abaal fiican u dhaafiyo, Annagana wax ka khayr badan noogu bedelo, Ilaahayna waxaan ka baryeynaa inaanu ajarkiisana naga qadin, gadaashiisna na fitnayn.

Amin

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

May Allah s.w Have Mercy On His Soul Insha Allah.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

^^I second all dua's and may his loss be easy on his family. IA.

 

Sh. c/rahman-My fav. sorry didn't mean to hijack the thread.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this