Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. It is not owned by the government but it has a strong ties with it ............. Xaaji, read the news there is where you get some hints now ..........
  2. Haye ,,,,,,, Hmmm ,, interesting ....... go on
  3. I met Narayan Mahon the other day and had dinner together .......... very funny guy.
  4. I can't refer this to reer muqdisho as a whole. It is probably written by a loser sitting in one of those McDonald places in the west.
  5. Madaxweynaha JSL Md.Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hogaaminayo ayaa qaddar daqiiqado ah kahor ka duulay gegida diyaaradaha caalamiga Hargeysa ee Egal international airport iyagoo ku sii jeeda dalka Kuweyt. Madaxweyaha iyo waftigiisa oo martiqaad rasmi ah ka helay dowladda Kuweyt,nuxurka socdaalkiisa iyo warbixino kaleba goordhow kala soco shabakaddan Qarannews.
  6. Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta cod-aqlabiyad ah ku axsixiyey xeerka siyaasadda Miinada, kaas oo mudanayaashu hore uga soo dodeen. Fadhiga maanta oo uu shir-gudoomiyey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), ayaa markii uu fadhigu furmay waxa uu mudaneyaasha ku war-geliyey inay guda-gelayaan ansixinta xeerka siiyaasada miinada, oo doodiisu dhamaatay. Waxaana madasha fadhiga Golaha ku sugnaa 45 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee Golaha Wakiiladu ka kooban yahay, waxaana isla markiiba la guda-galay ansixinta xeerka, iyada oo cod gacan-taag ah loo qaaday. Waxaana ogolaaday 37 Mudane,halka 2 ka diideen, 5 Mudane oo kalena ka aamuseen, Gudoomiyhuna aanu ka codayn. Halkaas ayuu ku ansaxay xeerka siyaasada Miinadu. Waxaana Golaha wakiiladu u gudbinayaan Guurtida, oo iyaguna dib-u-eegis iyo ka doodis kale ka yeelanaya, haddii iyaguna isku raacaan oo ay ansixiyaan, waxaa loo sii gudbinayaa Madaxweyna, oo isugu ah marxalka ugu dambeeya ee saxeexaya, si xeerku u dhaqan-galo.
  7. khoaf qaste Ehem .................... .. Just say: Qof Kasta
  8. Yeah she lost Supporters there and she got even more in Somaliland ...........
  9. Baro family are back .................. we have the replacement of the missing few now. Get ready ,,,,,,,,,,,,,,,,
  10. Maryan Mursal markii ay diyaaradda ka soo degtay waxa ay Fanaaniintu ku soo dhaweeyeen Hees loogu sii talagalay soo dhaweynteeda oo Midhaheeda ay ka mid ahaayeen "Maryayneey soo dagoo, dalkaaga ku soo dhawoow, dadkaaga ku soo dhawoow iyo Erayo kale oo la mid ah,"
  11. Nin saudi arabia ka shaqaysan jiray ayaa wuxuu damcay inuu somalia tago si uu usoo guursado. somaliduna waxay caado u leedahay in wixii saudi arabia ka yimaadaba ay ugu yeedhaan XAAJI isagoo laga yaabo inaanu waligii xajin. ninka xaajiga loogu yeedhayo ayaa shaqadiisu ahayd nin wadooyinka dhisa amaa laamayda. ninka gacmahiisa ayaa waxay ahaayeen qaar naxariistu ka guurtay ileyn waa nin wado uundhisayay'e. kadib xaajigi ayaa naag loo guuriyay, habeenki ugu horeeyay markay aqal galeen ayaa ninku meel alleele meeshuu naagta ka taabtaba gacmihiisu xagtaan. naagtii ayaa intay u dulqaadan waday xag xagashada ninka gacmihiisa ku tidhi { oo xaaji waxaan ku waydiiyay meeshaad ka timid dadku ma gacmaha ayay ku socon jireen}
  12. Alla maxaad mid jar ka tuurtay ,, Let's focus on the subject ladies and gentlemen ...
  13. Alla maxaad mid jar ka tuurtay ,, Let's focus on the subject ladies and gentlemen ...
  14. Photos to follow soon .................... .
  15. Photos to follow soon .................... .
  16. Fanaanada Caanka ah ee codka maacan,isla markaana aadka looga wadayaqaano dhulka ay Soomaalidu degto Maryan Mursal Ciise ayaa maanta Si diiran oo aan hore loo arag loogu soo dhaweeyey Gegeda diyaaradaha ee Egal Inernational Air port ee Magaalada Hargeysa,kadib markii ay ka soo dhooftay Cariga Ingiriiska oo ay beryahan danbe ay ku noolayd. halkaas oo ay meherad ku haysato Madaarka Magaalada Hargeysa waxa Si diiran ugu soo dhaweeyey Wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska Somaliland C/risaaq Waaberi Roobe, Wasiir Kuxigeenka Caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri, Qaar ka mid ah Fanaaniinta reer Somaliland oo uu horkacayey Fanaanka Caanka ee Cabdi Nuur Allaale oo iyagu ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka, isla markaana ku soo dhaweeyey hees ay iyada u sameeyeen, dhalinyaro, iyo dadweyne aad u tira badan. Dhamaan dadkii gegeda diyaaradaha ku soo dhaweynayey Fanaanada waxa qiira-geliyey oo ay la dhaceen, kadib markii ay diyaarada kaga soo degtay iyada oo ku la bisan calanka Somaliland ee sadexda midab leh, taas oo aad ka dheehan karto halka ay ka gaadhsiisan tahay qadiyada Somaliland. Maryal Mursal waxay si kal iyo laaba ugu mahadcelisay dhamaan dadkii ku soo dhaweeyey Madaarka Hargeysa, haday yihiin masuuliyiinta dawlada, fanaaniinta, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Waxaanay faahfaahin ka bixisay U jeedada Socdaalkeeda ay timi wakhtigan Somaliland, waxaanay tidhi “U jeedada Socdaalkaygu waxa-weeyaan sidii aan Xaafada Daami uga dhisi lahaa Iskuul oo aan Ugu magacdarayo Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame [Hadraawi,]” “Soomaaliweyn waxaan ku idhi sanadkan ha la iila guntado Somaliland sidii ay bulshada caalamka aqoonsi uga heli lahayd” ayey tidhi Maryan Mursal.
  17. Fanaanada Caanka ah ee codka maacan,isla markaana aadka looga wadayaqaano dhulka ay Soomaalidu degto Maryan Mursal Ciise ayaa maanta Si diiran oo aan hore loo arag loogu soo dhaweeyey Gegeda diyaaradaha ee Egal Inernational Air port ee Magaalada Hargeysa,kadib markii ay ka soo dhooftay Cariga Ingiriiska oo ay beryahan danbe ay ku noolayd. halkaas oo ay meherad ku haysato Madaarka Magaalada Hargeysa waxa Si diiran ugu soo dhaweeyey Wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska Somaliland C/risaaq Waaberi Roobe, Wasiir Kuxigeenka Caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri, Qaar ka mid ah Fanaaniinta reer Somaliland oo uu horkacayey Fanaanka Caanka ee Cabdi Nuur Allaale oo iyagu ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka, isla markaana ku soo dhaweeyey hees ay iyada u sameeyeen, dhalinyaro, iyo dadweyne aad u tira badan. Dhamaan dadkii gegeda diyaaradaha ku soo dhaweynayey Fanaanada waxa qiira-geliyey oo ay la dhaceen, kadib markii ay diyaarada kaga soo degtay iyada oo ku la bisan calanka Somaliland ee sadexda midab leh, taas oo aad ka dheehan karto halka ay ka gaadhsiisan tahay qadiyada Somaliland. Maryal Mursal waxay si kal iyo laaba ugu mahadcelisay dhamaan dadkii ku soo dhaweeyey Madaarka Hargeysa, haday yihiin masuuliyiinta dawlada, fanaaniinta, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Waxaanay faahfaahin ka bixisay U jeedada Socdaalkeeda ay timi wakhtigan Somaliland, waxaanay tidhi “U jeedada Socdaalkaygu waxa-weeyaan sidii aan Xaafada Daami uga dhisi lahaa Iskuul oo aan Ugu magacdarayo Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame [Hadraawi,]” “Soomaaliweyn waxaan ku idhi sanadkan ha la iila guntado Somaliland sidii ay bulshada caalamka aqoonsi uga heli lahayd” ayey tidhi Maryan Mursal.
  18. I'm getting news inay imika cirka isbaaro dhiganayaan dhowaan ..........