Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. gaal waxa loogu yidhi geesi la moodkii shariif gacanta markuu saaray gabadh yarana tuutuujay ee uu gaalada ku dhegay sida guullow kitaab shumisna gabanku uu ku sigtay kanase gabbaday Gaaladu ay ilaasisaa markuu baladka soo gaadho Gadh dheerayaasha bal maxaa u diiday gabanku waa yaabe
  2. Originally posted by IsseRiyole: Balo what they were doing in Puntland? This happened when JB went to Puntland ' I am suspecious Are you saying i'm Ahlu-Sunnah now ?? ,,, Waar a lot happened during my visit ... and i'm glad my mission is accomplished ,, lol
  3. Kampala (Ogaal/NV)- Dawladda Jabuuti ayaa la sheegay in ay Ciidamo nabad-ilaalineed u diray Soomaaliya, kuwaas oo ka qayb-qaadan doona hawl-gallada ay Ciidamada AMISOM ka wadaan Magaalada Muqdisho. Sida aanu ka soo xiganay barta uu Wargeyska New Vision ee dalka Uganda ka soo baxaa uu Internetka ku leeyahay, Wasiirka arrimaha dibedda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo toddobaadkii tegay ku sugnaa Magaalada Kampala ee dalka Uganda, ayaa dhiggiisa dalkaas Mr. Sam Kutesa kala hadlayay heshiis ku saabsan sidii Ciidamo dalkiisa ka socdaa ay ugu biiri lahaayeen Ciidamada Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda Uganda Sam Guma, ayaa sheegay in Jabuuti ay aqbashay in Ciidamo dalkeeda ka socda loo diro Soomaaliya, hase ahaatee, aanay xusin tirada Ciidamada ay halkaa u dirayso. "Wasiiradu waxay shaaca ka qaadeen suurto-galnimada tabaruca Jabuuti ee ku aaddan taageerada Ciidamada Uganda iyo Burundi ee hore hawlaha nabad-ilaalineed u joogay Soomaaliya." Ayuu yidhi Mr. Sam Guma. Wasiirka Arrimaha dibedda Uganda Kutesha ayaa hore u sheegay in haddii aan la maamulin Soomaliya uu gacanta u gali doono Kooxaha ka dagaallama.
  4. sida idiinka muuqata nashqada sawirkaasi aad arkaysaan waa muuqaalka dhismaha cusub ee aan ugu tallo galay inaan ku dhiso.
  5. Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayaan mashuuc ay ku baxayso laba Milyan oo Dollar, oo lagu dhisayo dhisme cusub oo lagu soo kordhinayo Madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport. Wasiirku wuxuu sidaasi kaga dhawaaqay shir jaraa'id oo ay maanta masuuliyiinta Wasaarada Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirku ay kaga xog-waramayeen wax qabad sanadeedkoodii. Md. Cali Waran Cadde, oo tafaasiil ka bixinayay qorsheyaasha ay u dejiyeen casriyaynta madaarka Hargeysa wuxuu yidhi "Waxaan jecelahay maanta inaan wax idiinka sheego hawlaha laga qabtay madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport, oo la dhisay sanadkii 1958-kii sida idiinka muuqata nashqada sawirkaasi aad arkaysaan waa muuqaalka dhismaha cusub ee aan ugu tallo galay inaan ku dhiso. Qorshaha dhismaha cusubna waxaan nashqadiisa ka keenay dalka Shiinaha niman shirkad ah oo Shiinaha iyo niman reer Somaliland oo shirkad ah ayaa isku tagay waxaanay ugu tallo galeen in madaarkan Hargeysa dib loo habeeyo. Alaabtiisiina waxay imika ka soo socotaa Shiinaha waxaana loogu tallo galay in lagu maal geliyo lacag dhan laba Milyan oo Dollar illaa sadexda bilood illaa afarta bilood ee soo socota, haddii Alle yidhaahdo, oo qaarkood dhismahaasi ay bilaabmeen". Md. Cali Waran Cadde, wuxuu sheegay inay xiligan ay bilaabeen balaadhinta goobta ay diyaaraduhu istaagaan ee madaarka (Parking)-ka, waxaanu sheegay in dhisayaan dhisme qaadi doona illa 600 oo rakaab ah markiiba, oo qeyb ka ah casriyaynta iyo balaadhinta madaarada Somaliland, waxaanu yidhi "Dhismahan Madaarka waxa loo dhamaystiri doonaa dhammaan wixii qalab ah ee dhinaca Nabadgelyada ah, waxa kale oo laga hirgelin doonaa kamarado nabad gelyada wax ka tara iyo Beelka wareega oo ah qalab qaadaya alaabta oo laydh ku shaqaynaya. Markii aan dhawaan Shiinaha tagay waxaan soo qaaday nashqadii ugu quruxda badnayd ee taallay.goobta diyaaraduhu ay istaagaan imika daamurkii lagu dhisayay waa diyaar, dhabada (Run way) dahaadh kale ayaanu saaraynaa. Waxaanu ku dari doonaa hal Km oo kale dhererkii Madaarka." Wasiirka Duulista Hawada oo hadalkiisa sii watay, wuxuu intaasi ku daray, "Waxa wax qiimo weyn noo ah inaanu helay warshadii isku qasaysay Jayga iyo Daamurka, oo halkii jayga dusha lagaga shubi jiray marka daamurka dhabada (Wadada) la dhigo, iyadu daamurkii iyo Jaygii oo wada socda oo isku qasan mar ku shubaysa, warshadaasi oo imika laga soo raray wadanka Shiinaha ayaa noo soo socota, waxaanan rajaynaynaa in mustaqbalka lagaga faa'iidaysto wadooyinka dalka. Waxaanu saaraynaa dhabada diyaaraduhu ka haadaan 13 oo dahaadh cusub ah, waxaanan rajaynayaa inuu wax weyni iska bedelo madaarka." Wasiirku wuxuu u mahad celiyay Shirkado Shiinaha laga leeyahay iyo kuwo ay leeyihiin rag Somaliland u dhashay oo heshiis la galay la xidhiidha casriyaynta madaarada Somaliland. Sidoo kale Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Axmed Cumar Axmed, oo isaguna ka hadlay shirkaasi ay kaga xog waramayeen waxqabadkooda ayaa sheegay in madaarka Hargeysa uu gaadhay horumar balaadhan muddo dhawr sanadood ah oo uu xilka wasaaradaasi hayay Cali Maxamed Waran-cadde. Wasiir Ku Xigeenku wuxuu sheegay in Wasiirku uu xil weyn iska saaray balaadhinta dhabadda ay diyaaraduhu ka haadaan oo uu saaray dahaadh qaro leh, oo suurto gal ka dhigay inay soo fadhiistaan Diyaaradaha xajmigoodu weyn yahay. Wasiirka Duulista Hawadu shacbigiisa wuu ka mutaystay ammaanta, waxaanu mudadii uu joogay Madaarka soo gaadhsiiyay heerkii (Standard)-kii caalamiga ahaa ee loo baahnaa, wuxuu madaarkii ka dhigay mid la jaan qaadi kara kuwa wadamada dariska ah oo hadh iyo habeenba diyaaraduhu way soo fadhiistaan kana duulaan,"Ayuu yidhi Md. Axmed Cumar Axmed, waxaanu intaasi ku daray, "Wasiirku markii uu xilka qabtay waxa madaarka Joogay laba baabuur oo yar yar oo dab-damis ah, imikana waxa jooga Gaadiid dab damis oo aad u tiro badan oo ka hawl gala Madaarka, sidoo kale dhinaca nabad gelyada waxa madaarka lagu soo xidhay kamaradihii nabad gelyada, waxa intaas dheer waxa la balaadhiyay oo la sameeyay qolka VIP-da oo cusub." Wasiir Ku Xigeenku wuxuu xusay inay dhawaan dayactir balaadhan ay ku sameeyeen Madaarka Berbara, oo ay ka dhiseen meel loogu tallo galay rakaabka.
  6. I can tell from his looks ,,,
  7. muxuu dhigan jiray ? muxuu bartay ? ,, more info ?
  8. Walee cidda script ah anigaa oge iska daaya ,,,
  9. Habluhu way dadaalayaaan ,,,,,,,,,,,
  10. Walee dad aaan ogahay baan ku guri lahaa ,,, Did i tell you when we made fun of our colleagues by bringing some Viagra and putting them in a thermos of tea so that everyone in the office go wild ?? ,, Don't even ask what happened ,, looooooooooool
  11. I'm back now ,,,, it will take me around one week before i write something ..... ehem
  12. Adigu xageed ka waalan tahay ,,, gabadh baad ka sugaysaa inay mid kele amaanto ,,, weligeed ma dhacayso ,,
  13. And you will be happy siciidow if Somaliland ay burburto ,,,,,,,,,, I'm waiting for your very soon disappointment bal ,,, lool ,,,
  14. Now where is that guy talking about Somaliland parliament discipline ?? ,,
  15. Press release from the Government's spokesman ,,,, imagine
  16. Not the right time sxt ,,,, not the eight time ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,, ,, and not something worth a "press release" from Cadani Mooge .....