Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Booliska Puntland oo Goostay Buuhodle (RBC) Taliye ku xigeenkii ciidanka booliska maamulka Puntland Sayid Jaamac Cabdulle ayaa lagu soo waramayaa inuu ka goostay ciidamada Puntland. Warar ku dhow saraakiisha booliska Puntland ayaa xaqiijiyey in Satid Jaamac Cabdulle uu ka baxsaday taliska ciidanka isagoo ku biiray jabhada SSC ee degaanka Buuhoodle. Gudoomiyaha maxkamada militariga ee dowlad goboleedka Puntland oo la hadlay xaley idaacada VOA ayaa sidoo kale xaqiijiyey oosashada sarkaalkan sare ee ka tirsanaa hogaanka ciidamada booliska Puntland. Gudoomiyaha maxkamada militariga Puntland wuxuu sheegay in Sayid horey looga saaray ciidanka oo aanu wax xil ah hadda u heyn maamulka Puntland. Wararka ayaa sheegaya in goosashada taliye ku xigeenka ay ka dambeysay khilaafaad hoose oo mudooyinkan u dhexeeyey saraakiisha ciidamada booliska ee Garowe jooga iyo taliye ku xigeenka goostay taasoo markii dambe dhalisay inuu isaga baxo ciidanka. Sayid oo isaga laftiisa xaley wareysiyo siiyey warbaahinta qaarkeed ayaa sheegay inuu hadda joogo magaalada Buuhoodle uuna ka tirsan yahay maamulka SSC sida uu sheegay. Wariyaha RBC oo xaley telefoonka kula xiriiray Sayid Jaamac Cabdulle ayaa ku sababeeyey goosashadiisa inuu u dulqaadan waayey khaladaad ka jira waxa uu ku tilmaamay ‘saraakiisha maamulka Garowe’ taasina ay ku kaliftay inuu u laabto dadkii uu ka dhashay oo ula jeedo degaanka Buuhoodle. Sayid Jaamac Cabdulle wuxuu in mudo ah ahaa taliye ku xigeenka booliska, wuxuuna la soo shaqeeyey maamuladii Puntland soo maray badankood. Dowladii Gen Cadde Muuse ayuu sidoo kale mar u magacawday taliyaha booliska guud isagoo xilkaasi hayey mudo kooban, waxaana wixii xilligaasi ka dambeeyey uu ahaa taliye ku xigeen. Goosashadiisa ayaa noqoneysa midi ugu horeysay oo sarkaal ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland ee ka soo jeeda gobolada SSC uu sheego inuu ka baxsaday maamulka. Arintan ayaa ku soo beegantay ka dib markii wareegto uu toddobaadkan soo saaray madaxweynaha Puntland lagu mideeyey ciidamada booliska iyo kuwa asluubta. Dhinaca kale, Waxay ku soo beegmeysaa iyadoo degaanada SSC xilligan ka jiro Maamulka SSC oo uu hogaamiyo Suleymaan Axmed Ciise Xaglatoosiye. RBC Radio
  2. Sarkaal katirsan Ciidamada Dawlada Puntland Oo Goostay Garowe(Puntlandi.com);- Godomiyaha maxkamada milatariga dawlada Puntland ayaa sheegay oo xaqiijiyay goosashada taliya sare oo katirsan ciidamada dawlada Puntland. Godomiyaha ayaa sheegay in sargaalkan ahaa taliya xigeenka ciidanka Policka dawlada puntland isagoo intaa ku daray in lagu soo wargaliyay in uu ugoostay dhinaca Ururka SSC. Sayid Jaamac Cabdulle oo ah taliyaha goostay ayaa sheegay in ay kadanbaysay goosashadiisa caqabado ka soo wajahay saraakiil sare oo katirsan ciidamada dawlada Puntland kuwaa oo ku sugan magaalada Garowe. Godomiyaha maxkamada milatariga ayaa dhinaciisa sheegay in sargaalkan kahore laga saaray ciidamada dawlada puntland waayadii danbane uusan kamid ahayn. Sayid Jaamac Cabdulle ayaa kamidahaa saraakiisha dawlada Puntland waxaana uu la soo shaqeeyay guud ahaan mamulada dalka soo maray . Sayid ayaa muda dheer ahaa taliya xigeenka ciidanka Policka Puntland waxaana uu noqday Taliyaha Policka dawladii uu hogaaminayay mude Cade Muuse.
  3. Waar Saado waan jecelahaye ha la ii daayo baan ku idhi ,,,
  4. Widhwidh: Go’aankii Weftiga Somaliland iyo Giriifkii Madax-dhaqameedka Gobolka Sool Wefti uu hogaaminayo wasiirka Daakhiliga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa shalay gaadhay degaanka Widhwidh oo lagu wado inuu ka furmo wadahadal nabadeed oo u dhexeeya Xukuumadda iyo dadka degaanka gobolka Sool. Sida ay Wargeyska Ogaal u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, weftigan oo ay ka mid yihiin guddoomiye kuxigeenka 2aad ee golaha Wakiilada, wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir, Fu’aad Aaden Cadde, Maxamed Kaahin Axmed iyo masuuliyiin kale, waxay degmada Widhwidh gaadheen abaarro 4:30 galabnimo. Warku wuxuu intaa ku daray, in dadka degaanku aanay ka warqabin waqtiga imaanshaha weftigaas. “Sababo amaan dartood, weftigu wuxuu doorbiday inay ka dul degaan iyadoon wax war ah laga haynin. Inkastoo la ogaa inay degaanka imanayaan, haddana cidi ma ogayn waqtiga ay gaadhayaan Widhwidh,” sidaa waxa yidhi masuul magaciisa ka gaabsaday oo xalay u waramay Wargeyska Ogaal. “Soo dhawayni may jirin, maadaama oo aan laga warhayn xilliga imaatinkooda. Balse, dugsiga waxbarashada Widhwidh ayaa Aloollo lagu soo dayray, isla markaana si wanaagsan loo rusheeyay, kuraasina loo sii dhigay weftiga,” ayuu raaciyay. Siday ilahaa xogogaalka ahi tibaaxeen, weftigu markii uu ilaa 20 daqiiqadood joogay Widhwidh, waxa uu dalbaday in la gudogalo wadahadalka nabadeed ee gogoshiisu taalo. Hase yeeshee, dadka degaanka ayaa ka horyimi dalabka weftiga Somaliland, kuwaasoo sheegay in wadahadalku ku fiican yahay inuu maanta furmo. “Gogoshan anigaa fidiyay, Madaxweyne Axmed Siillaanyo-na waa kii ku dhawaaqay inuu gogol fidinayo. Markaa taas uun baanu qaadanay anagu, sidii uun baananu gogoshan ku fidiyay,” sidaana waxa yidhi garaad Abshir garaad Faarax oo ka mid ah Madaxdhaqameedka gobolka Sool. Garaadka ka hor, waxa halkaas hadalo kooban ka jeediyay qaar ka mid ah Isimada gobolkaas, kuwaasoo hadalkoodu ku koobnaa isbarasho guud iyo in wadahadalku yahay mid ay soo dhawaynayaan. “Wixii dambena shirku wuu inoo furmayaa,” ayuu raaciyay garaad Abshir oo aan waqti u cayimin furitaanka shirkaas. Sida warku sheegay, weftigu waxay hadalkaas ku qaateen mid guudmar ah oo aan si toos ah uga tarjumayn gudogalka wadahadalkaa nabadeed. “Horta, waxaanu doonaynaa shirkan aad xidheen ee aad laasheen ee aad ku soo koobteen ‘wuu inoo furmay uun’ waqtiga oo nagu cidhiidhi ah awgeed iyada oo aanay nagu jirin wax baqdin ah oo aanu gurigayagii joogno, haddana waxaanu idiin cudurdaaranaynaa inuu shirkaasi galabta furmo oo aanu idinka codsanaynaa, aniga oo ku hadlaya afka xukuumadda Somaliland iyo afka weftiga intaba,” sidaana waxa yidhi guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo kelidii ka hadlay dhinaca weftiga dawladda Somaliland. “In galabta (shalay galab) uu shirkaasi furmaa maaha mid na qancinaysa,” sidaana waxa la sheegay inay ugu jawaabeen ilaa saddex ka mid ah madaxda dhaqanka bulshada degankaas oo hadalka iska daba maray. Hase yeeshee, waxay balanqaadeen in shirkaas oo Salaasada maanta ka furmaya Widhwidh aanu noqon doonin mid daba dheeraada, culaysna ku keena cudur-daarashada dhinaca waqtiga ee weftiga wasiirka Daakhiliga Somaliland. Sidaa aawadeed, waxa la sheegay in taasi sababtay in gudogalka wadahadalkaas maanta loo riixo, iyadoo weftigu xalay u hoydeen tuulada Widhwidh ee subaxnimada shirku ka furmayo. Dhinaca kale, siday tibaaxeen wararkii u dambeeyay ee naga soo gaadhay Widhwidh oo ka tirsan degmada Buuhoodle, waxa jira dareen cabsi leh oo ka jira degaankaas, iyadoo ciidanka Qaranka ee fadhigoodu yahay aaggaasna heegan la geliyay. Dhinaca kale, guddoomiye kuxigeenka 2aad ee golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ka hor intii aanu shalay ka ambabixin magaalada Burco warbaahinta la hadlay, waxa uu faahfaahin ka bixiyay wadahadalka nabadeed ee la filayo inuu ka furmo tuulada Widhwidh. “Xisbiga KULMYE intii aanu ololaha bilaabinba wuxuu ku baaqay inuu maamulada gobollada Sool iyo Sanaag in nabadayn laga bilaab, socdaalkayagani wuxuu daba socdaa baaqaa, Markii dambe ee madaxweynuhu ku guulaystayna wuxuu ku baaqay in gobollada bariga ee Sool iyo Sanaag la nabadeeyo, guddi ayuu magacaabay oo toban xubnood ka kooban wasiiro, Baarlamaanka iyo Lataliyeyaasha Madaxweyne ay ka mid yihiin laba xubnood oo weftiga ka mid ahaa Xajka ayey tageen, waxaa imika halkan maraya siddeed xubnood oo guddidaa ka mid ah, waxaanu ka turjumaynaa baaqii Madaxweynaha Somaliland uu ku baaqay,” ayuu yidhi guddoomiyuhu. Wuxuuna intaa raaciyay; “Deegaan kasta iyo qof kasta oo wax tabanaya guddidu waxay diyaar u tahay inay meesha ay doonayaan ugu tagto, waanay ugu tegaysaa, waanay la wadahadlaysaa, cidii loo arko inay munaasib u tahay nabada ayaa lala hadlayaa odayaal ha noqoto, Madaxdhaqameedyo ha noqoto, siyaasiyiinta gobolka ka soo jeeda ha noqoto ama qurba-jooga banaanka jooga ha noqdaan, markaa waa la sheegi doonaa gogosha cida ka soo qayb galaysa. Madaxweynuhu markuu gogosha fidiyey baaqii Isimada reer Sool iyo Sanaag way ka soo jawaabeen, gacmo furan ayey ku soo dhaweeyeen, anaguna waxaanu qabnaa in la wadahadlo, waana la wadahadlayaa, waxaananu qabnaa in qofkasta dan u tahay nabadu, Isimada iyo siyaasiyiintuba baaq ayey ka bixiyeen inay nabada taageerayaan, gogoshana ay diyaar u yihiin.” Wargeyska Ogaal
  5. I know u know but you can chew and drive ,,,,
  6. You lifestyle reflects your substance and objectivity that is why you not allowed to drive when drunk ........ wax fahan
  7. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la filayaa maanta in uu booqasho ugu kicitimo dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, kadib markii uu martiqaad ka helay Madaxweynaha Dalka Djibouti Md.Ismaaciil Cumar Geelle Iyo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi. Inkasta oo aanay jirin War rasmi ah oo ay Xukuumaddu ka soo saartay arintan, hadana warar madaxbanaan oo ka soo baxay dhinaca xukuumada Somaliland ayaa Tibaaxay inuu socdaalkani jiro. Sida la sheegay, waxa booqashada Madaxweynaha ku wehelin doona xubno ka mida Wasiiradiisa oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha dibadda iyo xubno kale. Muddada ay joogaan dalka Jabuuti waxay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Madaxweynaha Dalkaas, Md Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada oo uu ka mid yahay Warfaafinta Md Cali Cabdi Faarax iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jabuuti Md Jaamac Xayd. Waxa kale oo ay kulamo la yeelan doonaan diblamaasiyiin ka tirsan safaaradaha Faransiiska iyo Maraykanka oo ku sugan Jabuuti. Kadib waxa la filayaa inay u dhaafaan dalka Itoobiya oo ay sidoo kale kula kulmi doonaan Madax ka tirsan dalkaasi. booqashadan ayaa nonaysa tii ugu horaysay ee dalka dibediisa uu ugu baxo, Madaxweyne siilaanyo tan iyo markii loo doortay jagadaasi sadx bilood ka hor.
  8. The welcoming was not about Somaliland ,, it was about the Garaad who is here to negotiate and have talks with Somaliland. We will all see the outcome. Liibaan, u don't have to post the pictures of the past ,,,,, we all know that
  9. As long as it is going peacefully ......
  10. Seen this ,,,,,,,,,, It is really amazing and inspiring
  11. Saado Cali waan jecelahaye ii daaya beri baan guursan gaadhaye ,,,, Imikana waxba kama si ahee kii kululaa uun bay isku yara badisee ii daaya Garaadaday soo raaci doontaaye ,,,,,,,
  12. The only time in the past two decades when Somalia assumed a semblance of peace was in 2006 during the six months rule of the Islamic Courts Union (ICU). During this period, crime levels, including, piracy, subsided. The ICU was able to keep at bay warlords and militia groups because they enjoyed popular support and were seen as a legitimate authority. That is the problem when you don't know what you're talking about. Alshabab were small part of the ICU then .... and they probably never had the same objectives as the other ICU leaders.
  13. Info Received: 2010-10-12 That is a month and 9 days ago ,,, right ??
  14. I hope he will be smart enough to benefit from the wide support he has ........... He should focus on the people living in Somalia and not be tricked by those Diaspora folks.
  15. Years ago, when I was engaged in the pursuit of the Hindi PhD that I now have, I was approached for an interview by a reporter working for a local Hindi weekly. This was not because I was a notable scholar, but because my presence in the provincial city of Allahabad was odd enough to remark upon in print. At some point the reporter asked me how I liked Hindi literature in comparison to English literature, and if Hindi literature had even developed to a point that it could be compared to English. I tried to explain, in Hindi that was far from flawless, that if I thought Hindi literature was poorly developed, I wouldn’t have come so far to study it, and that in comparison to English it was perfectly good. When the article came out, the reporter had summarized my response along these lines: Rockwell believes that Hindi literature has made great progress in its development and can even be compared to works of English literature. The use of the kind of language we use to describe the economies and infrastructures of developing nations to discuss the literatures of so-called ‘third world’ countries is pervasive (pick up a copy of Aijaz Ahmad’s excellent book In Theory to read more about the third worlding of literature). How often do we hear about the development and progress being made in French or Italian literatures? This discourse is even endemic to the discussions about such literatures that take place among the very authors that write in them. Aside from the ludicrousness of talking about the development and progress of the novel or short story in the same style as one might discuss the building of bridges and the paving of roads, there is also the fact that very few literatures of the world are in their infancy. “Yes!” You might interject, “But surely the novel and the short story are quintessentially modern forms!” Indeed, perhaps they are (though there are many arguments to the contrary). Nonetheless, these forms date back to at least the late nineteenth century in most Indian languages. Other genres of writing in the modern Indian languages stretch back much further than that, some to the fifteenth or sixteenth centuries, or even earlier, to say nothing of the antiquity of Sanskrit. English, as the most powerful international language, dominates world conversations on just about everything, but wraps its native speakers in a cocoon that renders them increasingly unable to hear conversations that were not meant for their ears. The cocoon can alienate us from cultural diversity and deafen us to voices that are not speaking directly to us. In this way, as in many others, globalization both broadens our horizons and shrinks them dangerously. Nowadays, development discourse is often used to discuss the great progress that is being made on the front of new writing in English in India, and more recently, Pakistan. Besides the fact that this discourse infantilizes the literary output of writers in English, it paves over the very existence of literary traditions in other languages. As an English-speaking person who likes to read non-English literature from South Asia, I often feel irritable on encountering pronouncements about the extreme youth and great promise of Indian or Pakistani literature.