-
Content Count
17,680 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
325
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Maxay tahay halista cusub ee soo wajahday heshiiska Soomaaliya iyo Kenya? Ayada oo uu todobaadkan dib u bilowday qaadka Miirowga ee ka yimaada dalka Kenya ayaa waxaa haatan soo baxay caqabado horleh oo ku aadan heshiiska ay dhowaan gaareen madaxweynayaasha dalalka dariska ee Somalia iyo Kenya. Ganacsatada qaadka ee dalka Kenya ayaa soo saaray war cusub, kadib markii ay dib u billaabeen dhoofinta qaadka ay keenaan gudaha Soomaaliya, ayaga oo shaaciyey walaac cusub oo soo wajahay ganacsigooda, waxayna illaa hadda keeneen ilaa 38 tan oo ah jaadka Miirowga ah, kadib labadii maalin ee lasoo dhaafay Isniintii iyo Talaadadii todobaadkan. Guddiga beeraleyda jaadka Miirwoga waxay sheegeen in haatan ay la kulmeen dhibaatootin horleh, isla-markaana caqabad ku noqon kara heshiiska labada dal, ayaga oo shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay kordhisay lacagaha canshuuraha ee laga qaado qaadka Kenya. Guddoomiyaha guddiga ganacsatada qaadka Kenya ayaa sheegay in haatan lacag dhan $15 kiiladii qaadka Miirowga lagu geeyo gudaha Soomaaliya, taas oo ka dhigeysa mid qaali ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ayaa culeys ku keeneyso ganacsigooda, wuxuuna intaasi ku daray in sidoo kalena ay keenayso in aysan la tartami karin jaadka Itoobiya,. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay labada dowladood in ay ka wada-hadlaan arrintaan si aysan u waxyeeleyn heshiiska ganacsiga ee dhowaan lagu gaaray magaalada Niarobi. Qaadka Kenya ayaa muddo ka xayirnaa gudaha Soomaaliya, kadib go’aan ay kasoo saartay dowladdii madaxweyne Farmaajo oo uu khilaaf kala dhexeeyey xukuumadda Nairobi. Si kastaba, xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda isbedel uu ku yimid, kadib doorashadii 15-kii May, waxaana meesha ka baxay mad-madowgii u dhexeeyey labada dal. -
Lawyer Jamal assassinated in Hargaisa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to maakhiri1's topic in Politics
Not really. Jaamac is the northern version of Jimcaale. Jimcaale is a name used by folks from Hiiraan and south of it. Macallin, like sheekh, is a title in all of Soomaaliya, sida macallin hebel of dugsi. No kid born is given macallin name.- 15 replies
-
- jamal ahmed
- somalia
-
(and 1 more)
Tagged with:
-
Lawyer Jamal assassinated in Hargaisa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to maakhiri1's topic in Politics
Rabi ha u raxmado. Who is he? Jimcaale definitely ain't no Qowdhan name.- 15 replies
-
- jamal ahmed
- somalia
-
(and 1 more)
Tagged with:
-
Mahad Salaad is destroying hay'adda sirdoonka
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
In the recent days, kuwii afka duubnaa are making unbelievably major waves. Is Mahad Salaad and Imaaraadka facilitating and helping these argagaxiso already? Many basaasiin ayaa dalka soo galay in the last two months. Big qarax in Jowhar ten days ago. Another big qarax in Marko today that killed guddoomiyaha degmada, who also fought for many years reero isbaaro. Also the current dagaal in Soomaali Galbeed by these argagaxiso who crossed from Bakool and Hiiraan. Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw lagu dilay guddoomiyahii degmada Marka Warar hordhac oo haatan kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka degmada Marka Caddey ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ku dhintay guddoomiyahii degmada Marka Cabdullaahi Cali Waafoow iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulka degmada Marka, askar iyo dad shacab ahaa. Qaraxa Ismiidaaminta ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo laga maqlay guud ahaan magaalada Marka, waxaana tirada dhimashada lasoo sheegaya iney kor u dhaaftay 10 ruux, islamarkaana uu dhaawaca intaasi ka badan yahay, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaankaasi. Xaalada magaalada Marka ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay isku gadaamay ciidamo ka tirsan kuwa amniga magaaladaasi, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha amaanka degmada iyo maamulka gobolka Sh/hoose oo ku aadan qaraxa goordhaw gilgilay magaalada Marka Caddey. -
Egypt and Somalia condemn Ethiopia over Nile dam dispute
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Xasan is Xasan and has this mentality of us Soomaalis being always in a weak position. The mere fact of giving him a welcome to a foreign capital, in his mind, equals an achievement itself; that is why he is usually madaxiisa ugu foorariyaa kuwa dhigiisa ah, very insecure. Waa nin aad u liita, hamigiisana ka sii liita. Mowqif siyaasad malaha. Imagine if he was the president when Khaliijka had their khilaaf. Farmaajo and Kheyre had 80 million dollars ready if they cut Qadar's xiriir. They refused and even if it did, it wouldn't have been as a blundering as this Masar-Itoobiya one Xasan is doing. He did before when he kicked out Iiraan in 2016 after receiving shilimaan doolar ah from Sacuudiga. -
Egypt and Somalia condemn Ethiopia over Nile dam dispute
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Warbaahinta Masar dhiiqada lugaha loo galiyey Xasan Sh. la dabaaldegoyaan: -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
U madax dhig shisheeye iyo Xasan Sh. maxaa kala heysto. Maanta Masar: Shalay Kiikuuyoland: -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
And who owns Jowhar site ma taqaan? Cabdicasiis Goofyare, one of the ardent anti-last dowlad and one of the hardcore supporters of Xasan Sh. Jago afhayeen uu waaye filaa. Many extremist Moooryaanta Baraha Bulshada (MBB) are shocked by the actions Xasan Sh. is aimlessly taking, including C/qaadir Booska and C/llaahi Balwaan. Here is Balwaan dude criticizing his endless trips and qarsoodi deals: -
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Wasiirka jaadka iyo beeraha of Kiikuuyoland posted this today. -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Updated list. -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Sii soco, soo soco, here comes Masar: -
Former NISA Director Fahad Yasin interview
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Fahad oo maanta qoray waraaq ku socota madaxda qaranka. Inkastoo aanan ku raacin in uu Soomaali Galbeed la heysto uu dhul Xabashi ku tilmaamo: In Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ay ka tallaabaan xadka, oo ay gudaha dal daris la ah Soomaaliya ay u gudbaan iyagoo cudud iyo ciidan wata, ayna geystaan weeraro ay dhul kula wareegayaan, oo aan ahayn ku dhufoo ka dhaqaaqii looga bartay iyo khasaare baaxad weyn, waa dhacdo halis ku ah gobolka oo dhan, waana tallaabo ugub ah oo khaldi karta qiyaasta laga qaadan karo dhacdooyinka ku xiga. Waxaan ku talinayaa in madaxdu qaado qodobadan hoose oo aan ku arko inay muhiim u yihiin amniga qaranka dalkeenna iyo guud ahaan xasilloonida Gobolka Geeska Afrika: 1. In Dowladda Soomaaliya ay feejignaan muujiso, ayna iska dhaafto sahlashada dhibta dhacday, indhaha ay ku eegeysana ay noqdaan kuwa ka duwan wixii horay ay Argagixisadu u samayn jireen. Waxa dhacay waa wax taaban kara mustaqbalka Gobolka Geeska Afrika oo dhan. 2. In Golaha Wasiirada si dhakhso ah loo dhiso, si ay shaqadooda u guda galaan, wadankuna uga baxo firaaqa shaqo ee haatan taagan. 3. In Guddiga Amniga Qaranka uu shir degdeg ah ka yeesho xaaladda khatarta ah, soona saaro go’aanno horseedi kara nabadda gobolka geeska oo idil, ayna Dowladda Soomaaliyeed qaadato dowr hogaamineed, iyadoo muujinaysa in amniga Gobolka isku xiranyahay. 4. In la abuuro jawi kalsooni oo ku salaysan wada tashi joogta ah oo ku qotama ka hortagga khataraha amni ee wada khuseeya geeska, taasna lama heli karo inta Amniga Soomaaliya ay madax ka yihiin xubno shalay la safnaa Ururka TPLF markii ay la dagaalamaysay dowlada sharciga ah ee Adis-Ababa, qaar kalana ayba argagaxisada xiriir wada shaqeyn la leeyihiin, waana qodob khatar ku ah amniga Soomaaliya iyo kan gobolka labadaba. 5. Itoobiya waa dalka aan la leenahay xuduuda ugu dheer, ayna muhiim tahay in labada dal ay si buuxda isaga kaashadaan amniga iyo ka hortagga Argagixisada, waana in xiriirkeena aysan saamayn gurracan ku yeelanin dad dano khaldan leh, ama xiriir la leh kooxo khatar ku ah Nabadgalyada gobolka oo idil. Fahad Yaasiin Taliyihii hore ee Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka -
Arbitrary arrests of civilians in Somaliland region thread
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Saalax's topic in Politics
Another day, another abuse against an innocent Soomaali girl and TikToker. Dad marqaansan awood yar helay wax walba ka filo. -
Xamar got crazy-Mahad Salad in charge
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Duufaan's topic in Politics
Most opportunist, corrupt and failed individuals KG had ever seen. They are really irrelevant in KG politics, xataa ma tagi karaan deegaanadee sheegtaan ka soo jeedaan. Also vast majority of Reer Arlaadi are against them. This overwhelming soo dhaweyn of Laftagareen today in Xamar and Baydhabo is intended to send a message to these individuals: -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
In 2016, too. -
Who is replacing Boris Johnson as UK's new PM?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to baala xoofto's topic in Politics
Ask your adeer wasiir Dubbe, who was possibly bribed to bring this to Raadiyo Muqdisho. He was mocked and lambasted, too. -
Who is replacing Boris Johnson as UK's new PM?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to baala xoofto's topic in Politics
Did you even watch the video? These are mixed Soomaali-Talyaani folks, who at least had one Talyaani parent and were raised in Talyaaniga. Reer Koonfur ma'aha and have nothing to do with Soomaaliya either. One of the eldest brothers had a import-export business with Reer Talyaani, used to fly there frequently in 1970s and 1980s and spoke Talyaani. He was very close to many friends who lived there, yet you wilk never, ever find him praising them. Even post-civil war when he went there in 1990s, wuu iskaga soo noqday and preferred to live in civil-war raging Xamar, London iyo Nayroobi. So you will never find qof Reer Koonfureed ah reminiscing about gumeystihii xumaa ee Talyaaniga. -
Who is replacing Boris Johnson as UK's new PM?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to baala xoofto's topic in Politics
If Sunak wins, our latest chief secessionist propagandist wuxuu la soo shirtagi doonaa historical gumeysi ka dhexeeye Hindiya iyo Waqooyi Galbeed under 'dear Ingiriis master' and what they had in common were that they were both very obedient people. Alloow sahal amuuraha since many secessionists are completely, shamelessly emasculated. -
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Labadii xaqdarro ku heshiisa xaaraan ee ku diriraan. Why is ra'iisul wasaare Xamse watching this idly? Why not magacaabid a useless guddi soo dhex galo/baaro arrimahaan as Rooblaawe Baahane ceaselessly used to do? War Xamse naf isgali, even ganacsatadaan daroogada ka ganacsado are hopeless about you, instead going to guddoomiye Aaden Madoobe. ___________________ Ganacsato shaacisay magacyada xubno siyaasiyiin ah ‘oo loo xiray’ qaadka Kenya Guddiga Daladda Miiraa ee ganacsatada qaadka Kenya oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Qaadka ka imaanaya Kenya u xirtay shakhsiyaad gaar ah, kuwaas oo magacyadooda ay carrabka ku dhufteen. Gudoomiyaha guddiga ganacsatada ku bahowday ‘Daladda Qaadka Miiraa’ Qooje Maxamed ayaa yiri, “Waxaan ka cabanaynaa dad loo xiray qaadka Soomaaliya oo na hor boodaaya, kuwaas oo sheeganaya in ay dowladda naga xigaan, madaxweynaha aan jecelnahay waan u cabaneynaa, naga qabo dadkaas hororka ah.” Guddoomiyaha ayaa sheegay in ragga ay ka cabanayaan ay doonayaan lacag dul saar ah, “Waxay na leeyihiin hadii lacag dul saar ah aanaan qaadan ma shaqeysaneysaan, ragaas waxaa ugu horeeya nin Cadnaan la yiraahdo, Liibaan Shuluq iyo qaar kaloo badan, waxaan dowladeena ka rabnaa inay dadkaas naga qabato,” ayuu yiri guddoomiye Qooje. Gudoomiye ku xigeenka Dallada, Xasan Cabdi Maxamed oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in siyaasiyiin iyo xildhibaano dowladda ka tirsan ay ku milmeen arrimaha qaadka, “iyagoo ka shaqeynaya in kiiladii ay $5 saartaan, wax la qaada karana maaha,” ayuu yiri. Gudoomiye ku xigeenka Dalladaan ay ku mideysan yihiin ganacsatada qaadka ka keensata Kenya ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan u cabaneynaa Madaxweynaha, waxaana ka cabaneynaa nin la yiraahdo Cadnaan oo na leh Madaxweynaha ayaa jeebkeyga ku jira hadaa qaadkaan ka ganacsaneysaan waa qasab inaad amarkeyga qaadataan.” Sidoo kale Xasan Cabdi Maxamed wuxuu sheegay in ragga masuuliyiinta ah ee Qaadka Soomaaliya uga imaanaya Kenya lacagta ku soo rogay ay ka mid yihiin sii-hayaha xilka wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur. Ganacsatadaan ayaa madaxweynaha ka codsatay inuu deg deg u soo faro geliyo arrintaan oo cabashadooda uu wax ka qabto, sidoo kale waxay sheegeen in ra’iisul wasaaraha ay u gudbiyeen cabashadooda, isla markaana ay ka rijeynayaan jawaab wanaagsan. “Balantii naloo qabtay waxay aheed inta xukuumadda laga soo dhisaayo, balse intaan xukuumad lasoo dhisin waxaa soo baxay boob, sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka waan gaarsiinay, waxaan rajeyneynaa in cabashadeena wax laga qabto,” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Dallada Miiraa Xasan Cabdi Maxamed. Xigasho: one of MBB's foremost advocates. -
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Rooblaawe Baahane iyo tuugii 30/30 wali waxee dhacaan raadiyaan. Daroogadii jaadka inay faa'ido ka sameyaan raadinaayaan: -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
I am not surprised if this news below is true. Also Tansaaniya, unlike Kiikuuyoland, are very harsh against corruption. Been been ma yaqaanaan when it comes to masuqmaasuqid. -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
KiikuuyOnline vs Fiqi:
