Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,680
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    325

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Deceased Somali-Canadian lawyer's family refutes Somaliland police's claim of suicide - say he was killed while reclaiming land The family of a Somali-Canadian lawyer who was found dead in his Hargeisa home in mid-July believe that he was killed as part of a land dispute and did not commit suicide as the local authorities have told them. Gamal Ahmed Jimale, who also went by Gamal Gulaid, was a Canada-educated lawyer who practiced in Massachusetts, USA. On July 16, Gamal was found dead in the bedroom of his Hargeisa home by his maid. There was reportedly a handgun found by his side when the authorities came to investigate, and Gamal's death was ruled a suicide by the Somaliland Police. However, members of Gamal's family, including his cousin Omar Kahin, believe that foul play was involved and that he was killed as part of an ongoing land dispute. Kahin, who works as an accountant in Toronto, told HOL that Gamal's problems began when he travelled back to Hargeisa over a decade ago to reclaim a large plot of land that belonged to his father, Ahmed Mohamed Gulaid (Ahmed Jimale), a founding member of the Somali National Movement. Gamal was reportedly planning to build a library on the family land. When Gamal found that his father's land in Hargeisa was illegally sold by corrupt officials, which often occurs during land disputes in Somalia, he decided to put his legal background to use and go after the culprits through Somaliland's court system. Kahin said that through influence and bribery, Gamal's enemies manipulated the court system so that they could hold on to the coveted property. "Gamal was subject to years of humiliating hardship as the case was bungled in the justice system's bureaucratic maze and dragged through kangaroo courts which are greased by corruption and bribery." While Gamal's civil case snaked through Somaliland's judicial system, Kahin said that an additional fictitious charge of assault was placed on him. The case stemmed from a security guard employed by Gamal to guard the property at the onset of the land dispute. The security guard got into a fight with a trespasser, who Gamal believes was sent by the men trying to steal his land. Kahin said the security guard was formally charged and sentenced years before Gamal's latest assault charge. He believes the indictment was meant to break his spirit and dissuade him from pursuing his property case. Gamal ultimately lost the civil suit, and his father's land was awarded to the defendants. Despite his legal problems, Gamal's cousin does not believe that he killed himself. "Everyone who met Gamal knew he loved himself and life too much. He was a successful man who didn't have any financial problems. He had a loving family and a tight-knit circle of friends. He was an unlikely candidate for suicide." Kahin added that he last spoke with Gamal in early July to wish him a happy Eid. He said they caught up for close to an hour and that Gamal seemed upbeat and in good mental health. Kahin and other members of Gamal's family believe that their relative was murdered and that the Somaliland authorities are covering it up. They are calling for an investigation into his death by the Canadian government. "We believe the (Somaliland) government is complicit in his sudden death, and we want an independent autopsy and investigation to be done by Canadian authorities as well as human rights organizations and civil society groups to condemn the killing of a Canadian lawyer." Xigasho ________________ Rabi ha u raxmado marxuumka xaqdarro lagu dilay by the mafia cliques that rule that city. I hope inaynan reerka saan ugu harin dhulkaas laga heysto.
  2. Are you asking Soomaalis what do they think iska soo ridida? Even 'liberal' Soomaalis would not publically advocate for it, we are not Rep. Ilhaan Cumar, whom we support on other policies. Are YOU a Soomaali marka?
  3. Alright, he 'replaced' something but it ain't going to be Laftagareen anytime soon.
  4. We need a Reer Waqooyi one to make it 4.0. Godane is gone, so who is the current one?
  5. Meel Fiqi, Beenebeene, Faarax Sakiin, Mr. Tiktok Madaxaanafuran, Khadiijo Diiriye, Rooboow Khadiijo Makhsuumi...wasiirro ka yihiin xaalka xumaa.
  6. Jaajuuse Faarax Sakiin is back and is going to be wasiir. Ayaandaranaa. At least his Tigray handler Gabre was killed in a humiliating way.
  7. Tirada golaha wasiirada, wasaarado la baabi’iyey iyo kuwo cusub oo lasoo kordhiyey Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow ku dhowaaqaya golihiisa wasiirada cusub ee muddada la sugayey, waxaana ka muuqdo isbeddelo cusub. Sida ay xog horudhac ah ku heshay Caasimada Online, Golaha Wasiirada la magacaabayo ayaa ka kooban 25 Wasiir, halka xukuumaddii hore ay aheyd 26 wasiir, waxaana la babai’iyey laba wasaarad. Wasaaradaha la baabi’yey waxaa ka mid ah; wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka, maadama madaxweyne Xasan Sheekh uu horey u magacaabay ergeyga gaarka ah ee arrimaha abaaraha iyo gargaarka bani’aadamino Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale waxaa meesha laga saaray wasaaradda dastuurka oo horay gooni ugu taagneyd, waxaana hadda la raaciyey wasaaradda cadaaladda oo noqoneysa wasaaradda cadaaladda iyo dastuurka. Labadan wasaarad ee meesha laga saaray ayaa tirada wasaaradaha ka dhigi lahaa 24, balse waxaa lasoo kordhiyey wasaarada cusub oo ah wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada, ayada oo ujeedku yahay in la badbaadiyo deegaanka oo la rumeysan yahay in xaalufintiisa uu qeyb ka yahay abaaraha soo noqnoqday ee dalka ka jira. Sidoo kale, wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa magaca laga beddelay waxayna noqneysaa wasaaradda awqaafta, arrimaha diinta iyo ladagaalanka argagixisada, waxaana la filayaa in loo magacaabo Mukhtaar Rooboow. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey u sheegay inuu Al-Shabaab la galayo dagaal dhanka fikirka ah, isaga oo sheegay inaan ciidan ahaan kaliya looga adkaan karin. Dhinac kale, waxaa hadda shir uga socdaa Villa Somalia Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Sheekh Mukhtar Roobow oo ka mid ah Golaha Wasiirada. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Xafiiska Xeer Ilaalinta ay soo saari doonto warqad dambi la’aan ah oo si buuxda u ogolaaneysa xoriyadda Mukhtar Rooboow.
  8. There is a saying in Afmaay: Lan alifsheey humaadi albaqri miki toosaaw.
  9. Waa masrax shalay la diyaariyey, already dated from Agoosto 1deeda. Maanta waa laba.
  10. Uma maleeyi. Xasan Sh. wants Mr Tiktok, the current wasiirka gaashaandhigga and a Turkiga-educated, to remain in order to satisfy Rooblaawe Baahane. Xamse and Aaden Madoobe do not want, however. So is Laftagareen. Rooboow oo Fillada u socdo. Waa wareey.
  11. Guudlaawe dugsi hoose dhexe xataa ma soo dhameeyey horta? I think inuu ahaa xulafadii Maxamed Dheere meesha ku yimid, sida Shariif Axmed. At least Shariifka wax yar Suudaan ku soo bartay.
  12. Xasan Sh. wiilkuu sodogga u ahaa uu keensaday meesha ayuuba la heshiin la yahay. Plus Aaden Madoobe wey kala boodeen. All three dhufeys ayee iskugu jiraan iyo hanjabaad. Xasan is insisting inuu ku soo daro Axmed Fiqi iyo Sanbalooshe, whom Xamse diidanyahay. Aaden Madoobe wants all wasiiradda ka imaanaayo KG asaga magacaabo, which both Xasan iyo Xamse diidanyihiin. Xasan wants wasiirka gaashaandhigga kan ah hadda - Mr TikTok - la magacaabo mar kale, which both Xamse and Aaden Madoobe diidan, plus Laftagareen sii diidan. Walee waala ishaayaa. This is the longest la sugo wasiiro cusub iyo dowlad cusub ever. Soomaali col ah, dunida kasii colaad ah.
  13. Xanuun badanaa tanoo kale. Kenya oo afar maalin gudaheed dhoofinta Qaadka ka faa'iday ku dhawaad labo milyan oo dollar Kenya ayaa dib u soo celinta dhoofinta Qaadka Mirowga ee Soomaaliya, waxay afar maalmood gudahood ka faa'iday 221 Milyan oo ah lacagta dalkeeda, taas oo u dhiganta $1,861,836.56. Waa lacag u dhiganta ku dhawaad labo malyan oo dollar oo ay Kenya ka faa'iday ganacsigeeda Qaadka ee Soomaaliya, sida ay sheegtay madaxa Jaadka Mirowga iyo dalagyada kale ee Kenya. Felix Mutwir, ayaa shaacisay in Kenya ay Muqdisho u dhoofisay 81.4 tan oo Miirow ah afar maalmood, kadib markii suuqa dib loo furay. "Waxaan ilaa hadda dhoofinay 81.4 tan afartii maalmood ee la soo dhaafay, waxaanan filaynaa in xajmigu uu kordho maalmaha soo socda iyadoo dad badan loo fasaxay si ay badeecaddahooda dhoofiyaan," ayay tidhi. Ganacsatada Kenya waxay halkii kiilo oo Jaad ah ku iibinayaan 2,734 oo ah lacagta dalkaas ah, taasoo ku dhawaad Sh238 ka yar qiimihii lagu iibin jiray ka hor inta aysan dowladda Soomaaliya xirin ganacsiga Miirowga. Kenya ayaa loolan dhanka suuqa ah kala kulmaysa Itoobiya oo ahayd suuqa Qaadka Soomaaliya tan iyo markii suuqa Nayroobi uu xirnaa.
  14. Already: Mid ka mid wasiiradii uu magacaabay Guudlaawe oo iscasilay Iyo Xildhibaano Fedaraalka ah oo si kulul u weeraray maamulka Hirshabeelle Iyadoo xalay xili dambe uu madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu ku dhawaaqay xubnaha liiska Golaha Wasiiradda maamulka Hirshabeelle ayaa durba waxaa soo baxday inuu is casilo mid ka mid ah wasiir ku xigeenada uu magacaabay. Xildhibaan Geelle Isaa'q Warsame oo ka mid ahaa wasiiradda Hirshabeelle ee la magacaabay ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilka wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Hirshabeelle, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook inkastoo uusan sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iscasilaadiisa, hayeeshee warar hoose aan helnay ayaa sheegaya inuu saluugay xilka wasiir ku xigeenimo oo uu doonayay in laga dhigo wasiir buuxa. Dhinaca kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan ayaa si aad ah uga horyimid magacaabista Golaha Wasiiradda cusub ee maamulka Hirshabeelle, kuwaas oo sheegay ineysan waxba ka badaleynin magacaabista wasiiradaan go'aankii shacabka reer Hiiraan ay ku diidanayeen maamulka Hirshabeelle. Xildhibaan Maxamed Cabduqaair Maxamed ayaa sheegay in dadka reer Hiiraan oo ay ku matalaan Baarlamaanka Soomaaliya ineysan marna ku qanacsanen hab dhismeedka Hirshabeelle, islamarkaana aysan indhaha ka qabsan doonin meel marinta rabitaanka shacabka ay matalaan. "Waxaan marnaba indhaha laga qabsan karin Xaalada hirshabelle iyo sida aay wax ku soc'daan, Waxaan baadi goob u'galeynaa helista hirshabelle ku dhisan aqoon iyo awood qeybsi midnimo leh Hirshabelada shaqsiga jeebka ku wato waa laga saraaya insha allaah Dadka aan ku matalo kursiga xildhibaannimada ee reer Hiiraan marna kuma qanacsaneen dhisida Hirshabelle. Waxaana hormuud ka noqon doonaa helista xaqa Naga maqan Wasaaradaha loo'kala wareejiyey Labada Beelood ma ahan wax lagu seexin karo Dadkeyga Xaqa iyo xaquuqda kamaqan ayaa ka Baaxad weyn xisaabta shaqsiga gaarka ah uu wato Hadii guudlawe uu Diiday in uu talo iyo tusma ka Dhageysto madaxda deeganka waxaan sugeynaa Halka uu ku furo Geediga" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed. Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isna dhankiisa si adag u dhaliilay hab dhismeedka maamulka Hirshabeelle oo uu sheegay in la joogo waqtigii reer Hiiraan ay heli lahayeen xaquuqda kaga maqan nidaamka Hirshabeelle. "Hirshabelle Geel markii loo heeso goronyo ayey u heestaa, dadkeygoow haba ku mashquulina Hirshabelle sidii aad u diideen ha ahaato, waqti badan, hanti iyo dhiig ayaa idinka galay in aad heshaan maamul labadaas gobol ah oo loo dhan yahay nasiib wanaag maanta matalaad dhab ah oo idin hor boodo ayaad heysataan" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Buraale. Hadaladaan kasoo yeeray labada Xildhibaan ee ka mid ah Baarlamaanka Fedaraalka ayaa imaanaya, kadib magacaabista Golaha wasiiradda Hirshabeelle oo xalay xili dambe lagu dhawaaqay, waxaana sidoo kale dhaliilaha Xildhibaanadaan ay kusoo beegmayaan iyadoo wali madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe uusan meel marin heshiisyo awood qeybsi uu bilaawgii sanadkaan Baledweyne kula soo saxiixday Waxgaradka Beesha Xawaadle oo tabasho xoogan ka qabay hab dhismeedka awood qeybsiga Hirshabeelle.
  15. Saan maa dowlad lagu yahay. Alloow sahal amuuraha. Intee la geynaa 81 wasiirro, wasiirro ku xigeen iyo wasiirro dowle, many of them unnecessary and usless magac u yaal. Bisinka, this is waalasho. Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Golaha Wasiirrada oo 81 xubnood ka kooban Madaxweynaha Hirshabelle , Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa goor dhow magacaabay golaha wasiirrada , ka dib labo sanno oo u xafiiska joogay. Golaha wasiirrada ee u caawa magacaabay ayaa ka kooban 81 xubnood oo isugu jira 27 Wasiir, 27 Wasiir Kuxigeen iyo 27 Wasiiru Dowle.
  16. Bahdilaad cusub: Afhayeenkii Xasan Sh. beeniyey hadalkii C/fitaax Siisi ayaa lagu qasbay inuu hadalkiisa hore uu shirka jaraa'idka ka yiri beeniyo caddaadis ka yimid dowladda Masar ka dib. What a weak so-called leader Xasan Sh. is.
  17. This is a full-scale terror operation facilitated by Mahad Qalaaye. The latest: Qarax lagu dilay Wasiirkii Caddaaladda Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta ka dhacay magaalada Baydhabo Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax Miino oo lagu aasay afaafka hore ee masaajidka lagu magaaco Mubashir oo ku yaala xaafada Wadajir ee magaalada Baydhabo, xili laga soo baxay Salaadii Jimcaha. Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ku geeriyooday Wasiirka Caddaaladda maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Lugbuur iyo dadka kale oo shacab ahaa, waxaana sidoo kale waxyeelo kasoo gaartay dad gaaraya toban ruux oo uu ka mid yahay wiil uu dhalay Allah u naxariiste Wasiirka dhintay. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, islamarkaana laga hago meelaha fog fog, waxaana la tilmaamay in qaraxa ujeedkiisa ugu weyn uu ahaa mid la doonayay in lagu khaarajiyo Allah u naxariiste Wasiir Sheekh Xasan Lugbuur oo la sheegay inuu ka mid ahaa Jameecadda ku Tukaneysay Masjidka oo ku yaalay meel aanan ka fogeyn hoygiisa. Qaraxaan Maanta lagu khaarajiyay Wasiirkii Cadaaladda Koonfur Galbeed ayaa ku soo beegmaya, xili maalin ka hor Al-shabaab ay qarax Ismiisaamin ah oo ka dhacay magaalada Marka ay ku dileen gudoomiyihii degmada Marko Cabdullaahi Waafoow iyo 11 qof oo kale.
  18. What kind of a BS is this? Is this moooryaanimo dowlad isku maleeyo? Howshaan, shaqaalo guud lacag loo kordhiyo ama laga jaro, uma taalo kaliya agaasime ee gollaha wasiirada iyo wasiirka maaliyadda ayee quseysaa. Waxaan wuxuu ku qarinaayaa there were reports Mahad Moooryaan Qalaaye tried to cut mushaarka shaqaalo badan ka tirsan Nabadsuggida until he was told by wasiirka maaliyadda he cannot do what was already budgeted and which was not passed by gollaha wasiirada.
  19. He used to be close to Farmaajo in the early days of his dowlad.
  20. Markuu meeshaan maraayo ayaa immediately joojiyey aqriska. I cannot read any qoraal that quotes the disgraced and convicted mercenary, Matt Bryden.
  21. Waa runtaa moooryaantii Mahad Salaad camal ah ayuu dagaalo kaga xoreeyey deegaanada Shalambood, Marko iyo Lambarkonton sanadihii 2013-14. Here asagoo marxuumka moooryaantii xilligaas runta u sheegaayo sanadkii 2014: Jeneraal C/llaahi Waafow: ”Wacad ayaan ku marnay in aan dadkeena & deegaankeena ka difaacno moooryaanta Axmed Diiriye uu soo diray Guddoomiyaha degmada Lambarkonton Jeneraal C/llaahi Cali Axmed Waafoow ayaa sheegay in Ciidamada deegaanka ay la wareegeen deegaano badan oo katirsan gobolka Shbabeelada Hoose hadana ay u hartay magaalada madaxda gobolka. Waxaa Jeneralka su’aal laga weydiiyay hadal kasoo yeeray Axmed Diiriye, waxaa uu ka yiri Axmed Diiriye Shabeelada Hoose in uu isbaaro dhigto anaa u diiday Oo C/llaahi Waafoow ah. Axmed Diiriye hala gaarsiiyo warkeyga isaga iyo beeshiisa kuma dhex noolaan doonaan dhulka beesha ***, waxaan leeyahay Axmed Diiriye waxaad Shabeelada Hoose kasoo doontid waa geeri, mana laga yaabo in laguugu aaso lafahaagana waan gubi doonaa. Sidoo kale Jenaral Waafoow ayaa fariin adag u diray kuwa garabka u ah moooryaanta *** oo mar walbo ku dhinta gobolka iyagoo difaacaya ***. "Waan ognahay inta u kaalmeyso moooryaanta **** waana la xisaab tami doona," ayuu yiri Mr. Waafow. Mar su’aal laga weydiiyay waxa uu ka aaminsan yahay waxa loogu yeero Shabeelle State, ”Adeer waxaas hana weydiinana maxaa la yiraahdaa Shabeelle State ma wax caruurta lagu dheeliyaa." Dhanka kale Jenaral C/llaahi Waafoow waxaa uu tilmaamay in Xasan Culusow uu qeyb ka yahay dagaalka lagu soo qaaday Beesha ****, waxa uu cadeeyay Waafoow hubka lagula dagaalayo shacabka beesha **** in laga soo bixiyo baqaarada Villa Baydhabo iyo Madaxtooyada. Xigasho
  22. Meeshaan waa Jowhar today. Waana kalfadhiga 'baarlamaanka' Hiirshabeelle. Jowhar, one of the greenest cities of Soomaaliya, baarlamaan yar mey dhisan waayeen instead of hoteello ku shiraayaan. To be fair, kuwa maamul goboleedyada kale u dhisan waxba ma dhaamaan.