Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,655
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Xaflad loogu magac daray "Socdaalkii Nabadda iyo Suugaanta Hadrawi ee Toronto" ayaa maalintii sabtida (25ka bishan Octoobar) ka dhacahay magaalada Toronto ee dalka Kanada. Xafladan oo ay si wadajir ah u soo abaabuleen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Toronto ayaa waxay kulmisay dad ka badan kun (1000) qof oo ka kala socda dhammaan bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Toronto. Waana markii ugu horeeysay ee Soomaali isaga soo horjeeda siyaasadda Soomaaliya ay meel ku wada kulmaan, ayaga oo ka mideysan soo dhaweynta Abwaanka magac dheer ku leh ummadda Soomaaliyeed. Waxaa abwaan Hadraawi halkaas ku soo dhaweeyey fannaaniin iyo abwaano ku nool magaalada Toronto oo ay ka mid ahaa yeen: Nakruuma, Daleys, Khaliiji, Keyd, Lagjar iyo Gaaxnuug Cabdi Xoosh Jibriil oo ka mid ahaa guddigii qabanqaabada soo dhaweynta Abwaan Hadraawi ayaa halkaas ka soo jeediyey warbixin kooban oo ku saabsan abwaan Hadraaw. Waxaa sidoo kale baraanbur lagu ammaanyo Abwaan Xadraawi halkaas ka soo jeediyey Batuula Axmed Gabale iyo Seynab Faarax Siindiko. Waxaan runtii xusid mudan dhallinyaro ay ka mid ahaa yeen Cabdifataax, Burhaan Saciid iyo Caasha Abuukar Boocoow oo halkaas ka soo jeediyeen ereyo ay ku soo dhaweeynayaan abwaanka. Waxaa si gaar ah dadkii halkaas isugu yimid uga maqsuudeen Caasha Abuukar oo in kasta oo ayada oo afar jir ah ay soo gashay dalkan Canada, haddane sida wanaagsaneyd ee ay af-Soomaaliga ugu hadleysay aad loola yaabay. Ka dib, Abwaan Hadraawi ayaa ugu horeyntii u mahadceliyey dhammaan dadkii ka soo qaybgalay xafladaas; wuxuuna halkaas ka soo jeediyey warbixin dheer oo ku saleysneyd seddex qaybood oo kala ah: dhibaatada dadka la haybsooco, Socdaalkiisii nabadda ee Soomaaliya iyo Nolosha Soomaalida ku nool qurbaha Abwaan Hadraawi ayaa khubadiisii ku bilaabay dhibaatada haysta dadka la haybsooco ee ku nool dalka Soomaaliya. Wuxuuna ka hadlay taariikhda keentay in dadkaas la faquuqu, isaga oo ku tilmaamay in ay tahay wax aan caqliga galikarin qof kula mid ah oo wax waliba kula wadaaga in lagu takooro waxyaabo aan caqliga maanta aan wax macna ah sameyn Karin. Wuxuu dadkii halkaas isugu yimid ku dhiirigaliyey in ay gabi ahaanba caqligooda ka tirtiraan fikirka ay ka qabaan dadka la haybsooco. "Haddii aan nahay dad muslim ah oo diinta Islaamka aaminsan waa in aynu soo dhaweynaa dadkan nala dhashay" ayuu yiri abwaan Hadraawi. Intaa ka dib, ayuu Abwaanka wuxuu Soomaalidii halkaas ku kulantay ka codsaday in ay kaalmo dhaqaale u aruuriyaan Dugsi Hoose oo ku yaala magaalada Hargeysa oo ay dhigtaan arday ka soo jeeda dadkaas la haybsooco. Socdaalka Nabadda ee abwaan Hadraawi ayaa ku bilaawday sida uu sheegay, dhacdo uu kala kulmay mar uu dalka Ingriiska ku noolaa. Abwaanka ayaa sheegay in uu maalin u qasday in uu aado meel ka mid ah magaalada London. Markii uu waddo isa soo taagay, ayuu abwaanku milicsaday dadka iyo baabuurta badan ee wadadaas maryey kuwaas uu ka waayey mid u garanya in uu yahay Abwaan Hadraawi. Abwaanka ayaa go’aan ku gaaray inuu isaga tago dalka Ingriiska uu waagaas joogay. Markii uu abwaanka ka degey garoonka Hargeysa ayaa la weydiiyey sababta uu dalka dib ugu soo laabtay. Markaa ayuu ku jawaabay “WAAN ISWAAYEY” Abwaanka ayaa ka dib, wuxuu dadweynihii halkaas isugu yimid uga warbixiyey Sacdaalkiisii Nabadda ee sannadkii 2003 ee uu ku kala bixiyey qaybo ka tirsan dalka Soomaaliya. Socdaalkaas oo ka soo bilawday magaalada Kismaayo kuna soo gunaanaday magaalada Burco ee uu safarkiisa ka bilaawday. Intii uu socdaalka Nabadda ku jiray, ayuu Abwaan Hadraawi la kulmay soo dhaweyn meel kast ee uu tago. Wuxuuna aad ula yaabay Magaalada Muqdishu oo markii uu soo marayey ay ka dhisneyd todobo (7) dowladood oo aan midna midka kale u gudbi karin. Abwaan Hadraawi oo ka hadlayo dhibaatada ka taagan koofurta Soomaaliya, ayaa ka cosaday bulshda caalamka iyo indheergaradka Somaaliyeedba in ay ka shaqeeyaan sidii loo damin lahaa dabka ka ka holcaaya Soomaaliya. Mar uu ka hadlayey labada Shacab ee kala tagay, ayuu Abwaan Hadraawi yiri “Labada Shacab waxay isu soo noqondoonaan markii mid waliba ogaado waxa ka maqan”. Ugu dambeyntii wuxuu Abwaan Hadraawi khudbadiisii ku soo gabagabeeyey dhibaatada Soomaalida maanta ka haysata qurbaha. Waxaa la iishegey buu yiri abwaanku in carruur badan oo Soomaaliyeed ay ku jiraan xabsiyada dalkan Canada. Abwaanka ayaa dadkii weydiiyey “ Aaway dadkii dhalay caruurtaas”. Wuxuuna hoosta ka hariiqay in waalidka uu xil weyni ka saaranyahay abaabinta caruurtooda. “Caqli gal ma aha in intaas oo caruur ah oo Soomaali ah wada xumaato” ayuu yiri abwaan Hadraawi. Wuxuuna dhibaataas dusha ka saaray abaayaasha Soomaaliyeed oo ka soo bixiwaayey kaalintii looga baahnaa xannaanada xaruurtooda. Abwaan Hadraawi ayaa sidoo kale kulan Suugaaneyd ku qabandoono magaalada Ottawa ee dalka Canada bisha November 1deeda. Wuxuuna kulankaas ka dhicidoonaa Jaamacadda Ottawa (University of Ottawa). Xigasho
  2. I had never seen Soomaalis of all walks of life meel saan iskugu timid, except during ciid times, which lately doesn't happen like that either. I am glad to see the our Soomaali community gathering one place and united. ________________ Xaajiyo Daleys still kicking.
  3. Che and Oodweyne, hala kala roodaado, baliis. Waxaan soo noqnoqonaayo once a while is tiresome, if not ciyaalnimo mentality. ThePoint, saan waa dhaami jirtay maxaa waaye, duqa? Kamoon, that was a out of line, uncouth and distastefully vulgar.
  4. You're a bit overexcited about the Caribbean, aha? This man, non-Soomaali, last time on SOL wanted to live in Mudug of all places, can you believe? Adigii Soomaaliga ahaana Caribbean ayaa rabtaa. Adduunka waala isku wareeray.
  5. Here we go again. Now enough with this. This time it will be edited, next time...
  6. Originally posted by dhulQarnayn: quote:Originally posted by nuune: ^^ Dhulqarneyn, sxb odey iska dhig, waa ku sidee, saaxiibkaa ha ugu wicin Jiijo, magaca waa juje and you know it well, bikoorad inaan kula dhaco miyaad rabtaa go'e yaan ku oraninee. Beezaani iska dhig sxb, see waaye adi Walaale, was it not Shakespeare who once said, "What's in a name? That which we call a rose By any other name would smell as sweet." Marka waxaana dhib aheyn, wax weyn haka dhigin! mise waxaad rabtaa odayga inaad igu dirtid? dhulQarnayn :cool: Republic Of California p.s Abwaan , Ninyahow horta adiga yaad lahaysataa? Dadka toos baa looso abaaraa, ee umada kadaashooda lagama ciyo sida makulaasha oo kale. Aniga, if you got beef wit me, bring it on-- you know I can handle whatever a person afflicted with cretinism can throw at me. Igaaroow, markii lagu arko qof ayaa isheysatiin? What is going on? Is it in laguugu goobanaayo ama laguugu shamuumaayo oo marba qof isku baxeysiin or something more is at hand? For that, about isheysashada, it is not SOL's problem. When it is SOL's problem is when aflagaadada imaato, which always seems at present. Ninyahoow saan isku dhaan ee naga dhaaf camalkaan aad lasoo shirtageysid mar alle.
  7. Af waakoo mey liki aamee. Waala iska hadlaa ileen oo hala i maqlo waaye.
  8. That gobol is a country now? Really? I see now. I got the picture. A "president" in a "country." It isn't even suggested a nation or state, but country, which has a lot more explicit meaning than the two other usual terms. Maxaa dhiman? That gobol's own official currency, flag, national anthem and citizenship...
  9. Originally posted by Geel_jire: The news is being twisted here .. you have two unrelated events. A) the online divorce B) illegally accessing a computer and manipulating electronic data. The police would arrest her for B regardless whether A happened or not .. infact this is like if she gained access to his system and deleted some of his personal files. probably a bored reporter. I read the story on the paper this morning. I believe it wouldn't have made the headlines had the culprit being a man instead of a woman. See, there is underlying of a subtle sexism behind this story, that a wronged woman's wrath, even on virtual world, has no limits.
  10. Originally posted by Che -Guevara: sarah Kub aa saaran qofta. Waaw. Fairly, though, for a lady in her age and having bore five kids, one must admit, si ayee u dhalaashaa.
  11. That is Caruus, girl. I see you hadn't watched a Soomaali wedding or xaflad held in Koronto lately. I hadn't myself, but the few I watched always had Caruus singing on. There are few xaflado Caruus is not singing at. His favourite song: Waranaa igu taaganee...
  12. This one is cool, too. Will try to be there. It is a welcome party for Mudane Hadraawi to Koronto.
  13. Dhalintaan yaa iskugu keenay mahaan. Afsoomaali lama qori karo, lagumana hadli karo, haddana lama aqrin karo, oo lama fahmaayo qoraalkiisa, isla markaas ayee rabaan inay ka hadlaan qiimaha iyo laga maarmaankiisa, oo markaas sii heybad dilayaan afkeena hodanka ah. Indha adkaa oo gacmahooda isla qumanaa ku qoraan. Haddeeba Afsoomaali ku qori lahayeen micnadaradda afkeena waxba maba ahaateen dacaayadooda raqiiska ah. Af dadoow intee kusoo qoraan markaas sii hoos dhigayaan afkeena.
  14. Ibtilaa heysato ummadeena. Meel walba waa taaganahay, oo cabaadeenaa. A few years ago mid ayaa Bolivia kasoo dhibaato sheeganaaye, oo internetka Soomaalida wax ka weydiisanaaye oo meesha dhibaato ku heysatay. Laakiinse sheekadooda qaaf waaye, Naabuli iyo Nepal since when la iskugu qaldi karaa. Soomaalida ma dhahaan 'Naples,' ee Naabuli ayee dhahaan ee marka Nepal iyo Naabuli maa isku dhawaaq eg.
  15. Che, adiga iyo sex yaa raaye marka. Shaxaari weynaadaa tahay marka, even if you assume subconsciously threads like this inaa adiga soo post gareysay.
  16. Qofkii tukanaayo ama aan tukaneynin qof kale maxaa shuqulkiis ka dhigay? Wah. Eebba hana soo wada hanuuniyo, kii tukanaayo qeyrkiisa iyo wanaagiisa salaadda Eebba hasii kordhiyo, kaa tukaneynina asagana jidka toosan Eebba ha tuso -- aamiin.
  17. Had this award being rewarded during the Aaden Cadde adminstration in '60s, he would have been the first to receive hands down and no questions asked.
  18. No celebration this year. It must be very quiet and dim in Filla Soomaaliya. Oh, I forgot baasukiyaasha yeeraayo iyo hoobiyaasha kale laga naxo ayaaba lagu wareersanyahay maxaa celebration la sameynaa, and not to mention Xabashkii masterka ahaa ayaa sanifsan himself.
  19. Tuujka, ki salaamay, widaayoow. Waranba. Ee xaa ka hadloysaana? Ani Reer Kismaayo ah? See camaleeto. Dadkaas qaarkood waa isla ciyaarnay banooni, siiba C/samad yarka ah oo xaley ugu dambeysay isla ciyaareynay. Nin fiican waaye, oo difaac adag ka ciyaaro, anigana isku difaac ayaa nahnay oo isku boos ka ciyaarnaa. Bob, waa taqaanaa miyaa dadkaas qaarkood. Koley Reer Kismaayo ka buuxo sawirka, bilaash meesha Waamo ma ugu qoran finaanaha shafkooda.
  20. Sack, xaa tiri? Lo' suusac malaha? Ar unugaa yaab aragnay. Ar waaba wareernay, ee caanobaraawahana caanaha idaha maa laga sameyn jiray horta? Kuusha, xaaka ogahay adi lee malaay malaay ku heysidee oo reer malaay dabato moodee. Xaana ii habaaree, malaay haku laqo maku dhihi kariyee.
  21. Haye yaa kuu soo sheegay hee waxaan, last time I knew malaay aa dabtaa dhaheysee, in this very same thread especially?
  22. Haye, Kuusha, haddana caawa waxaa keentay caano geel suusac noqdo? Ani caano lo' lee ku ogaayee. Garoortana maxee noqdaan marka? Haddee yihiin geeljirnimo dhaqan celis u baahanay marka.
  23. Some of the images are a bit too graphic, brother. I hope you don't mind if I link the said images instead of directly posting on the forum.
  24. Ninkaan waa buun buuniseynee, see waayena. Teeda kalena yaa dooranaayo, oo la dooranaa? I don't know how you can call this doorasho. Yaa u codeynaayo? The masses? The registered voters? Oh, I see. He will be selected in a secret vote taken on regional parliament by regional xildhibaano. So it is selection, after all, and not an election. And who are those fine gentlemen and marwooyin who will select him and other candidates? The same people who selected Cadde Muuse, no? And while we are on the subject, who selects themselves, the fine xildhibaano, I mean? Ma iyagaa ismagacaabay, mise reerahooda soo magacaabay mise laaluush lagu keenay meesha?