-
Content Count
17,665 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
325
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Che, adiga iyo sex yaa raaye marka. Shaxaari weynaadaa tahay marka, even if you assume subconsciously threads like this inaa adiga soo post gareysay.
-
Qofkii tukanaayo ama aan tukaneynin qof kale maxaa shuqulkiis ka dhigay? Wah. Eebba hana soo wada hanuuniyo, kii tukanaayo qeyrkiisa iyo wanaagiisa salaadda Eebba hasii kordhiyo, kaa tukaneynina asagana jidka toosan Eebba ha tuso -- aamiin.
-
Good governance in Africa: former President Mogae prize
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Ibtisam's topic in General
Had this award being rewarded during the Aaden Cadde adminstration in '60s, he would have been the first to receive hands down and no questions asked. -
President Yusuf since october 2004 in pics..
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to General Duke's topic in Politics
No celebration this year. It must be very quiet and dim in Filla Soomaaliya. Oh, I forgot baasukiyaasha yeeraayo iyo hoobiyaasha kale laga naxo ayaaba lagu wareersanyahay maxaa celebration la sameynaa, and not to mention Xabashkii masterka ahaa ayaa sanifsan himself. -
Ciyaartoydii Cuslaatay ee SOL-Xiin vs AT
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in General
Tuujka, ki salaamay, widaayoow. Waranba. Ee xaa ka hadloysaana? Ani Reer Kismaayo ah? See camaleeto. Dadkaas qaarkood waa isla ciyaarnay banooni, siiba C/samad yarka ah oo xaley ugu dambeysay isla ciyaareynay. Nin fiican waaye, oo difaac adag ka ciyaaro, anigana isku difaac ayaa nahnay oo isku boos ka ciyaarnaa. Bob, waa taqaanaa miyaa dadkaas qaarkood. Koley Reer Kismaayo ka buuxo sawirka, bilaash meesha Waamo ma ugu qoran finaanaha shafkooda. -
Sack, xaa tiri? Lo' suusac malaha? Ar unugaa yaab aragnay. Ar waaba wareernay, ee caanobaraawahana caanaha idaha maa laga sameyn jiray horta? Kuusha, xaaka ogahay adi lee malaay malaay ku heysidee oo reer malaay dabato moodee. Xaana ii habaaree, malaay haku laqo maku dhihi kariyee.
-
Haye yaa kuu soo sheegay hee waxaan, last time I knew malaay aa dabtaa dhaheysee, in this very same thread especially?
-
Haye, Kuusha, haddana caawa waxaa keentay caano geel suusac noqdo? Ani caano lo' lee ku ogaayee. Garoortana maxee noqdaan marka? Haddee yihiin geeljirnimo dhaqan celis u baahanay marka.
-
Ninkaan waa buun buuniseynee, see waayena. Teeda kalena yaa dooranaayo, oo la dooranaa? I don't know how you can call this doorasho. Yaa u codeynaayo? The masses? The registered voters? Oh, I see. He will be selected in a secret vote taken on regional parliament by regional xildhibaano. So it is selection, after all, and not an election. And who are those fine gentlemen and marwooyin who will select him and other candidates? The same people who selected Cadde Muuse, no? And while we are on the subject, who selects themselves, the fine xildhibaano, I mean? Ma iyagaa ismagacaabay, mise reerahooda soo magacaabay mise laaluush lagu keenay meesha?
-
What is the use of banning Clan names in SOL?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Abtigiis's topic in Politics
Markii laga hadlaayo banooni waxee ka hadlee basketball. Typical isqorqor loo joogin. That is why I don't even address her and the likes of her marka walba calaacal lasoo taagan mahaan. Waqti wax la iskaga dhumiyaba ma'aha. Go ahead, kasii wada meesha cabaadka. I enjoy meel the issue is not about me aniga la iga dhigo. That is very dedication, xir badan ayaa saas ahee. -
Baddacas, ani ma dhihin magaaladaas dadka degan dhan wada naceb midnimada ama saas u wada hadlaayo sida qoraalka ku qoran. Qaarkood iri, korna kusoo sheegay already. Meel walbana wax xun iyo wax wanaag sameeyo waa ku jiraan.
-
Xiinka iyo Duceysane, saas miyaana? Ma hubtiin, oo amee idinka idiin goysayba?
-
Amazing picture: Give me some love!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Mad_Mullah's topic in General
I see a man and his Siberian tiger happily hugging. What do you guys see that I don't see? Yea, maashallaah. That image obviously is photoshopped, laakiin do you want to see a real one? Inta riix. -
Peace Caravan v1.1: The coming of the Somali Republic!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to xiinfaniin's topic in Politics
Believe or not, some have no qualms against Xabasho, but C/llaahi Yuusuf himself ayee necebyihiin, for the obvious main reason. Same with those would be against this dowlad ku sheeg the moment that octogenarian jagada laga qaado. Soomaalida waa dad yaabka kaa dhameynaayo mar mar. -
Anything goes in the Somali theater?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dhimbil's topic in News - Wararka
Tana . Awkoombe shaxaari weynaaday ah oo istiinsanaayo. Sida uu bahalaheeda u salsalaaxaayo i dishayba. Waaw. -
salaadii horey iga tagtaa oo siigo noqotaaye I am not fond of gabay, geeraar iyo wixii la dhahaba, but am I reading this line the way I think I am reading and understanding it. Boodhari ma saas ayuu shaxaari u ahaa?
-
What is the use of banning Clan names in SOL?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Abtigiis's topic in Politics
Originally posted by Che -Guevara: Ethiopia is not nation.It is a state. Yaa kuu kala yaqaano waxaas. I don't even think he knows the difference between clans and tribes, either. About the subject. The naming of qabiil names itself is not that issue, and of course innocent enough haddii kor laga fiiriyo. However, dadka qaarkood stretch anything loo ogalaado. This site, SOL, on its inception, clearly did not have clear, expressed rules; it was vague about banning or not banning the clan-naming issue on this site. It wasn't banned, neither was it encouraged. That was the early days, back in late '01 and early '02. However, knowing maryooleey, maxee kugu taalaa, they did abuse the little freedom they had, as expected. The mamnuucida of qabiil names was then inevitable, and indeed needed, if it wasn't overdue. I did then agree and still do agree in qabiil magacaabistiisa dhan meesha laga mamnuuco. Dadka qabyaalada qurunkeeda wareerisay, who are addicted to argue about that issue wouldn't rush to join this site, which would in turn make it clean and exceptional. And to those who are currently taking cheap shots against some certain clans, dadkaasna meel ma gaarayeen. I wrote that before and I will write it again: Meel ma gaarayaan, thinking they can circumvent the rules of the site. Soon or later, like those before them who thought they were clever enough to do that, seefta ku dhici doonto. SOL's rules are clear, no unambiguous loopholes that they think they found. Ee marka inta caadi la yahay hala kala wareegsado, oo cagihiina dhulka dhigta. -
Ciyaartoydii Cuslaatay ee SOL-Xiin vs AT
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in General
Qaarkood waala ciyaaraa, inkastoo cuslaadeena wali looma gali karo. Waxaa kamid ah C/samad, kuwa taagan second from left. Reer Kismaayo waaye, and I think xulka Kismaayo ayuu u ciyaari jiray. Others waxaa ka muuqdo Mukhtaar Cuti [kuwa fadhiyo dhexda ah, best known football player], Cantar Jeenyo iyo kuwa kale. Only Yuusuf Shaqaaq ayaa ka maqan sawirka inta ka joogto Reer Toronto oo ciyaarihii hore ciyaari jiray, dhaqtarkaas looma gali karo asagana. -
at "dalkayga." Ninkaas baasaboor oo dalkugal lagu dhuftay kuma galin magaalooyinkaas iyo degmooyinkaas Soomaaliyeed uu wada maray, ee dalkaa sheegeysid maxee tahay. Anyway isdaji, markii hore saas kugu wanaagsanayd inaa u deny gareysid than aflagaadeysid shaqsinimadiisa. Ma fiicno taas.
-
There're dangerous rumors in circulation that the fall of Kismayo to a coalition of local forces is largely backed by Hassan Turki--alleged to have political affiliation with the seperatist rebels in Ethiopia... Whom are they separating from and separating to? Dad -- Soomaali -- dhulkooda inay xoreyaan rabo, oo gumeysiga madoow ka saaro u halgamaayo ayaa waxaas ugu waceysaa. The least you could have done is -- and I said this before -- iskaga aamustid, if Soomaalinimadii kuu quuri weysay inaa afka xataa kala jirtid. Mar mar wey fiicantahay in shib la dhaho. "Separatist rebels" kulahaa. ______________ Abwaan, do you think Sanaawi in uu kala jecelyahay this stooge and countless other stooges saf ugu jiro inay qabtaan jagadaan been ku sheega ah? This stooge, waa madaxweyne ku sheegee, wuxuu ku roonyahay waa straight, oo been iyo wax kale kama arkeysid, laakiin kuwa kale Sanaawi safkiis ku jiro inay u shaqeyaan rabaan kuwa wajiga kuu soo nuursaday waaye, oo hoos sun ka ah. The problem with this current one -- and what apparently frustrated Sanaawi -- is that diblomaasiga ku yar, oo af macaan iyo waxaas kuuma yaqaano, waana straight shooter wixii maankiisa kusoo dhaco, mana aha kuwa kale wajiga kuu soo nuursaday hadal macaan dadka ugu been sheegaayo, hoosna Sanaawi ugu adeegaayo.
-
Xaala caaytamee, oo ninkaas waxba kuu geysan ugu af gafee? Wah. Dhabta maa meel kaa taabatay, noo sheegba. Istartiib igaarka. You can deny wuxuu qoray, waa asaga suu qoray, but caay ma fiicno, only makes to weaken your denunciations of his article. By the way, meel walba uu tagay suu u arkay shaqsi ahaantiis degmo walba ka qoray, oo Gaalkacyaba and its residents wax ka daran uu ka sheegay, marka it wasn't only a shot against Hargeysa, if aad isleedahay that.
-
Such a hatred, walaahi yaab ahaa. Sii aqriso this qoraal about a reporter who covered all his socdaal from Baydhabo to Jabuuti and every town in between -- Beledweyne, Gaalkacyo, Laascaanood, Burco, Berbera and kuwii kale. This one deals with Hargeysa. I am quoting partially this qoraal because naceybka dadka qaarkood degan magaaladaas u qabaan Soomaalinimo la yaabay, according to the reporter, of course. Qoraalka dhexda uu ka bilaabanaa and it is not full quotation. ________________ Markii leygeeyey goobtii la ii tilmaamey, ugu horeyn waxaa ila hadley mid ka mid ah kuwa ilaalada ka ahaa goobtaas, waxaana u sheegey waxa aan doonayey iyo halka aan ka imid, intii uusan isii deynin waxaa goob ka ag-dhow fadhiyey kuwo I bar garaneyey oo dadka Magaalada Hargeysa ah oo hore iigu arki jirey Muqdisho, wuxuuna ku yiri ilaaladii “soo daa waa ruux musaafir ahe aan ogaanee waxa uu doonayo”, waxaan kala hadley ujeedkeyga iyo sida aan dadba uga aqoon meesha, wuxuuna I weydiiyey qaar ka mid ah wariyeyaashii hore looga ceyriyey Hargeysa magacyadooda waxaana u sheegey inaan garanayo dhamaantood, wuxuu kaloo i weydiiyey gabar ka hartey wariyeyaashii hore u baxay oo meesha joogta oo magaceeda la yiraahdo (Kiinkoos), waxaan u sheegey inaan garanayo, kadib iyada ayaa Talefoon loo direy waana layla hadashiiyey si aad ah ayeyna iigu gurmatey, waxayna ka codsatey shaqaalihii meesha joogey in meel laydejiyo inta ay iyada iiga imaaneyso, waxaana lay geeyey Hoteel Wajaale wixii xiligaa ka dambeeyey waqtigu wuxuu noqdey habeen. Dib ayaan banaanka ugu soo baxay waxaan arkey koox Rag ah oo Hoteelka banaankiisa, Gabadho meel Shaah lagu iibiyo la fadhiya jaad dhererkiisa aan is iri wuxu ma xaaqin baa inta uu dhererkiisa gaarayo oo ay ku cunayaan halkaas, waxaan casho u tegey maqaaxi ku dhoweyd oo aan ilaa iyo hada aan magaceeda xusi karin, waxaana weydiiyey kii lahaa bal in uu ii tilmaamo meel khad laga dirsado in uu jiro iyo in kale anigoo si aad ah u baqaaya, waayo Asxaabteydii hore sida meesha loogu galey ayaan hore ula socdey. Markii uu ii tilmaamey halkii Internetka ayaa waxaan ugu tegey Nin cadaan ah oo khadka fadhiya, wuu isoo eegey kadibna wuxuu hore u sii watey hawshiisa, taasi waxay igu noqotey la yaab, waayo waxaan ka imid meel Ruux cadaan khad aan isla galno iska dhaafe marka uu soo dego ninka cadaanka ah oo dhinacyada Qoryo lagala taagan yahay sidii ruux dembiile oo kale, waxaan gudagaley hawsheydii aan u socdey, inkastoo Qabow daran iyo Xays isla socda uu magaalada ka jirey, hadana markii aan dhameytey waxaan imid Hoteelkii aan deganaa. Markii waagu uu ii baryey hore waan u soo bixiwaayey qabowga dhacaayey dartii, inkastoo Magaalaada iyo aniga isku xili aanu ahayn, waayo Muqdisho iyo Baydhabo aroor hore ayey dadku ka kacaan, laakiin Hargeysa dadku wuxuu waagu u baryaa 10:00 ilaa 11:00 subaxnimo, inta ka horeysa dadka Ganacsatada waxay jiifaan guryahooda, marka laga reebo in yar, markii aan weydiiyey waxay iigu sheegeen in dadku inta badan Habeenkii ay ku soo jeedaan Jaadka cunistiisa, halka ganacsataduna ay soo jeedaan xiliyo dambe. Waxaan eegey shacabka ku nool Magaalada Hargeysa, ugu horeyn marka ay ku dareemaan inaad ka timid Gobolada Koofurta Soomaaliya, waxay ku leeyihiin waa (Xamaraawi), dee adinkaa dhulkiina soo gubee maxaad ka soo doonteen halkaan iyo arimo kale oo aan halkan lagu xusi karin, mid ka mid ah ragii ka baxay Jaamacadii Ummada ee Lafoole oo aan sheekeysaney ayaa wuxuu igu yiri “maad naga hartaan maxaad noogu dhegan tihiin anagu idin dooni meynee??!! Aniguna waxaan ugu jawaabey “ maxay tahay, sababta aan idiin kaga hareyno, koleey aniga kala go’ iyo geeri, Geerida ayaan ka jeclahay ”, ninkii intuu istaagey oo aad u xanaaqey ayaa wuxuu igu yiri “ walee hadii aydan naga hariweysaan, waad eedi doontaan ”. Taasina waxay muujineysaa in mustaqbalka ay isu diyaarinayaan dagaal, hadii aan la helin xal Soomaali ay ku wada heshiin karto, waxaadna moodaa in dagaalku uu ka fog yahay halka uu hada jooogo. Markii uu sidaas iigu jawaabey ayaan meesha isaga tegey, hal maalin si toos ah hoteelka ugama soo bixin, maalintaas waxay ahayd, tii xigtey maalintii iigu horesey ee aan imaado Hargeysa, maalintii xigtey, Gabar meesha aan ku sheekeysaneyney ninkii hore, oo mehrad ku lahayd ayaa waxay ii sheegtey mar labaad oo aan ku soo noqdey halkii aan ku sheekeysaney ninka “ in kala go’a Soomaaliya iyo Somaliland dib dambe aan dadka ugala sheekeysan, waayo wey ku dilayaan ama waxay kuu dhiibayaan Itoobiyaanka halkan jooga ee iska aamus ” ayey igu tiri gabadhii. Arintan waxay muujineysaa in shacabka Woqooyi in mudo ah, lagu Qulaaminaayey, siyaasad sumeysan oo aan la aqoon ujeedada iyo faa’iidada ay ka helayaan marka laga reebo nabadgelyada ay haystaan, waxaana adag sida looga saaro maanka siyaasadaas guracan. Wixii maalintaa ka dambeeyey waxaan arkey dhalinyaro reer Banaadir ah oo aan hore isu naqaaney, waxayna ii sheegeen inaanan sheegin halkii aan ka imid iyo waxa aan ka shaqeeyo, islamarkaana aan daayo soc socodka magaalada, sababtoo ah waa lagu dabagalayaa oo waa lagu soo wareysanayaa dabadeed waa lagu xirayaa ee sidii aad ugaa bixi lahayd u diyaar garoow . Mid ka mid ah odayaashii hore ee deegaanka oo aan kulanay wuxuu ii sheegey, “ Hargeysa waa nabad, nabadeedu waxay ku xiran tahay inaan la faragelin Itoobiya ," sababtoo ah buu yiri, " Hadii aad cayso madaxweynaha cid kor kuu eegeysa ma jirto, laakiin hadii aad Meles wax ka sheegto ama Itoobiya si dhaqso ah baa laguu dafayaa ee iska jir halkaan ”. [ Sii aqriso qoraalka.]