-
Content Count
17,665 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
325
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Wuxuu isku qaldooyaa u maleynaa Soomaaliya iyo Sa'iir [Zaire]. Laurent Kabila ayaa lagu dilee aqalkiisa madaxeed.
-
Originally posted by Dhubad.: I think both guys are incompetent, inexperienced and way to soft to deal with the tricks and the maneuvers that these guys are posing. I have listened to Sh Shariif last night on BBC, he was practically begging......"Maxay dagaal u qaadaayan, maxay rabaan" lol “we need to talk” is not an answer to this problem, he needs to come to the table with concrete measures when it comes to AMISOM .They bit off more than they can chew! If I was a poor father, worrying about what I have to feed my five children and their mother daily, and living in the midst of this aimless dagaal, I would have loved nothing more than to hear, to soothe my war-weary soul -- and that would be words of peace. Soomaali kii gacan adag oo macangag ah ma jeclo. Kii xagjir ah ma jeclo. Kii u af macaan ma jeclo. Kii u roon ma jeclo. Kaa aragtid wax ayee ka sheegayaan. Kamoon. Xili dadka loo dulqaadan jirin waa jirtaa, siiba kuwaan soo weeraray asaga iyo dowladiidsa, still one does not need to lose one's mind. Shariif in uu nabad keeno loo doortay, and xataa hadduu dagaal socdo words of nabad should not be forgotten. It is not weakness. It is not karti la'aan. It is leadership, qof yaqaano ayaa yaqaanee.
-
Villa Somalia should be demolished to the ground, since The Elected President of Somalia was assasinated this place What assassinated madaxweyne?
-
647. Waa horena 519. Go google.
-
A bunch of men wearing indhoshareer with no vision and no hadaf? Barbaartaas foolka soo daday ee lasoo siray haddee ogyihiin tan Soomaali iyo Soomaaliya kusoo socoto, xabbad ee tuuraan iska dhaafee waa hore ayee iskoolaadka ku noqon lahaayeen iyagoo qalinkooda wato, oo dalkooda mustaqbalkiisana iyaga sugaayo ogaan lahayeen. Haddee ogaan lahayeen caddowgooda koowaad iyo labaad inuu ku faraxsanyahay see isku dilayaan, isku xasuuqayaan, isku baabi'inayaan, jihaad beenaadkaas ey wadaana uu kula faraxsanyahay. Haddee taas lee ogaan lahayeen. Waxaa u naxsanahay tan Soomaali haddaa nahnay nagu soo socoto iyo tan dalkeena kusoo socoto, waaba hadduu jiri doono dalkeena. Maanta ayee ka bixi la yihiin anaa Isteeshinka Yaaqshiid heysto iyo anaa Istaadiyum Muqdisho ka taliyo. War maala isdabaqabto.
-
Islii: The most expensive slum
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in General
That is Gaarisa Looj, on the left of where it says Bangkok Shopping Mall. Gaarisa Looj (Lodge) is where it all started in early '90s. I very remember the days shushumoow iyo macmacaanka kale lagu gadi jiray, and the night looj u ahayd dadka waxaas gadi jiray meesha. -
Hokey, I admit. The title is a bit stretching the usual definition of slum. And the most expensive is a bit obvious superlative. However, it is still dirty, dirtier and dirtiest expensive residential and commercial area in Nayroobi. A three-room (included is the living room) -- and on Islii parlance, a 'room' is any enclosed space that is about ten feet across and 15 feet in length -- goes upto $500 a month for rent. It is more than highway robbery. It is a daylight robbery. Islii is not not new to me, oo si fiican isku naqaanaa. Laakiin marba marka kale kasii dareysaa. Darn it. It is a place where hygiene and sanitary practices is on another parallel universe, unknown; where garbage is collected by jokoro boys and then immediately dumped at the very front gate of the same building, after they took what they find valuable. Amazingly, though, it seems sometimes garbage collects itself since that very dumped garbage at the front of the gate, you won't see it there on a few days later. Don't get me wrong. I like Islii. It is where my Soomaali folks live and thrive in business-wise in Nayroobi. Laakiinse waxee tahay waa in la sheegaa. Eniwey, enough with my nacnacdeydaada. Indhahiina ku arka see meesha u egtahay http://img521.images hack.us/img521/2528/ islii8.jpg
-
Originally posted by wacdaraha_aduunka: Miskiin cadiifada yari ku haysa iska daa oo uu shaqo tag xagaa iyo eyl If you want to compare ransoms being paid by mechant companies who've for years polluted,trawled and depleted our seas beyond recognition including those strayin into somali waters without permission is in the same leugue as warlords who used to extort money from the innocent people of Mogadishu is dispicable to say the least. Waxaas shisheeyaha waxba la socon ugu sheekeey, ee ani ha ii sheegin. Maraakiibta u raran Soomaalida la afduubanaayo waa 'illegal, non-Soomaali trawlers' miyaa? And burcadbadeeda iyaga naftirkooda qirtay inay bad ilaalis iyo waxaas ka ahayn these days, but hunguri weyni iyo maafiyonimo. Tuug waa tuug.
-
What is the difference between the isbaarooyinkii Xamar yaalay and those new bad-based isbaarooyin? Dadkii isbaarooyinkaas Xamar daadsanaa maalin walba ku dacaayadeyn jiray dadkaas dhiganaayo ayaa maanta u dhoolacaddeynaayo isbaaradaan baddeeda ah dadka sameynaayo, oo waliba afduubanaayo maraakiibta Soomaaliyeed xataa. What gives? What is the difference? Mise mid lacagta shisheeyaha ayaa bixinaayo miyaa, oo waa 'xalaal'? Isbaaro waa isbaaro, bad ama dhul ha ahaatee. Mööryaana waa mööryaan, mise laba kun shilin Soomaali isbaaro haku xoog qaato ama laba milyan doolar.
-
General Duke's advice to Sharif Ahmed
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to General Duke's topic in Politics
Pardon my unneeded interruption, but what did your many advices to C/llaahi Yuusuf accomplish in the past? -
War ninka yaa lagu gooban, see waaye. Aaweyna reer tolkiisa, tol la'aan aa meesha ka dhacdee.
-
Garowe: Huge demo against Piracy : PICS
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to General Duke's topic in Politics
My dusty town is better than your dusty town. Kaba sii daran many of those towns don't even have a single decent road, let alone wax kale lagu sheego. Eesh caleeg Soomaalida qaarkood. -
at Alaska. Sadexdaas "halyeey" dhexda ku jiro iyagana waala baafinoyaa. Mid last time warkiisa noogu dambeysay asagoo madaxweyne isku sharaxaayo. Kan kalena asagoo kuwa kasoo horjeedo dowladda qabteen lana sii daaye. Kan sadexaadna garka kala firirsanyihiin warkiisaba dhawaantaan lama maqlin.
-
Mogadishu: Many fronts as fighting expans into 4 day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to General Duke's topic in Politics
Dhiig maati Soomaaliyeed iyo Muslim iska daadanaayo, dagaal iyo halgan meel u socdo iyo ka socdo la garaneynin. Walaahi waa yaab. Eebboow. -
Mismatched names, character and personality
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in General
Laakiin meeshaan reer Buulobardo aa igu xiriiro, oo shilinkooda u xisaabsanyahay, laastiko iyo sharootona ug duuduuban yahay! Yaaya. Haddana Reer Buuloburde waa gacan adagyihiin aa tiri. Dhaaf ciyaalka aan abtiga u ahay reerkooda. -
Ma hubtaa inaa indho fiican oo wax walba arkaayo kugu yaalaan? Now can you read: This ?? If you can, indhahaaga wey fiicanyihiin. Originally posted by Blessed*: ^LOOL. Believe me, you're not the only man. Saas miyaa. Ani kaligey ismoodee.
-
Sharif Ahmed, Sharif Xasan, Ibbi, and the clown who signed the agreement Abdishakur and the PM are the ones oppoisng the parliment to debate this Kuwa kale ma'ogi, wali laakiin I don't believe Shariifka and Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke inay ka suurowdo waxaan iyo wax lamid ah inay u dhaqaaqaan.
-
Eebba ha u naxariisto. Samir iyo iimaan, abaayadiis.
-
De-emphasize Mogadishu city, Emphasize Interior Regions
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Meiji's topic in Politics
Originally posted by wacdaraha_aduunka: Miskiin reer caasabobulare maa tahay.... ciyaal xafadeedkii la waayey aa tahay Magaca African Village walle xasuus waaye Reer Kaasabalbalaare ma ahayn, laakiin kama dheereen oo ciyaal Isgoyska Bakaaraha ahayn, saas inooma jirin waana tagi jirnay mar walba, siiba Shaneemo Shuun (also known as Shaneemo Kaasabalbalaare). Plus my habaryar saraha African Village deganayd oo badanaa aadi jirnay. Kaasabalbalaare, along with xaafadda Taleex, meel isku dhaceyso ahayd, a quiet, unassuming, safe xaafad. No wonder both xaafad degmada Hodan ku yaaleen, in my eyes -- and I might be biased -- the best degmo in Banaadir, no questions asked, hands down. -
Halkaan waxaa laga baafinayaa ninka kor ku sawiran, oo noogu war dambeysay asagoo ku sugan magaala madaxda dalka Eritareeya ee Casmara sanadkii markuu ahaa 2007. Markaas kahorna waxaa laga sheegayee asagoo leh xadadka Itoobiya iyo Soomaaliya waala isku furayaa, oo hal baasaboor la qaadan doonaa. Bal qofkii warkiisa haayo ha nagala soo xiriiro xafiiska Bishacas ee SOL.
-
The Good News About Somalia Thread
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to -Nomadique-'s topic in General
Anigana salaanta igu dar loo diraayo to that sister, Nomadique. She was one of the people that made SOL what SOL is today. -
Daadis Dot Com - War ma beyonce-baa? Lol
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Paragon's topic in General
Tan baa true ku daadis la dhahaa. Iikar Jeesto, muxuu jilaa weyn ahaa. Eebba ha u naxariisto. Ma hurdee Har iyo habeen Adigaa i horjoogtidee... And the daadis part: Jaceyl ma ii heysidee Halkoo kale waa heleysaa Kuuma raadqabee... acayl i mahaysidee, halkoo kale(mid kale) waa helaysaa kuuma raad qabee -
Haa, Nuunka, sadex bilood u qaatay reerka la joogo, especially the old man, who finally accepted to come to Nayroobi. War adaaba war heysid oo dalmar dhab noqotay. Istanbuul ilaa Jigjiga maa tiri. Waaw iga dheh. Waa dhex jeexdee. Meeshii Ireland waa lagu kala kacee, dhaqaalo-wise, I mean, ee ninkii suu yahay islahaa. Ileen adigana wafdi camal ayaa u wareegeysay. Maxaa, airmiles maa Shariifka ula tartarmoysaa inta flight aa raaceysid? Ar Gaarisana waa tagay. Meelo badan adduunka kuleel waa lagu sheegee, laakiin meel ka kulul ma arkin Gaarisa. Hal beri joog islahaa, but xataa waa joogi waaye ee half-day joogay bas, oo hal habeen soo seexday, aroortiina kasoo tagay. Meesha kululaa, bisinka. Maryan Looj (or as my mother calls her Maryan Loosh) waa taqaanaa miyaa? Hooyo qaraabo yihiin, oo dukaankeeda mar walba aadi jirtay, xataa dirac kasoo gaday naftirkeyga. Waa maqlay laba sar u kireysan, oo qof kasoo kireysay siina kireysay. Dukaankeeda Gaarisa Looj uu kasoo horjeedaa, koley inaa iyada taqaanid ma'ogi oo magaceeda sarta lagu samiye ku maqashay filaa. Haddaa ogahay, duqa, inaa Afrika ila joogtid runtii waa kuu sheegi lahaa. Waa markii labaad East Afrika isla tagno same time aan islana ogeyn. Marka sadexaad, Eebba ha idmee, waa isogaan doonaa.