-
Content Count
17,655 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Shiinaha - 2013 Munaasabadda 1da Luulyo ee Lagu Dhigay Magaalada Nanjing ee dalka Shiinaha Magaalada Nanjing ee dalka shiinaha waxaa lagu dhigay Xaflad ay si weyn u soo qabanqaabiyeen guddiga Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha kala duwan ee magaaladan, iyadoo kazoo qeybgalayaasha munaasabadda ay intooda badan ahaayeen Arday soomaaliyeed iyo Arday ka kala socota wadamo farabadan. Xaflada waxaa khudbad qiimo leh oo ku wajahan munaasabadda 53aad ee Xoriyadda Soomaaliya ee 1da Luulyo ee midowga gobolada waqooyi iyo koonfur oo gumaystaha ka xuroobay Guddoomiyaha SOMESTA (Somali Medical Students Associations) Ibraahim Maxamed Nuur, wuxuuna kula dardaarmay dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee dalka Shiinaha wax ku barta inay midnimadooda ilaaliyaan isla markaasna ku xisaabtamaan in dalkooda wax u qabtaan. Dhanaka kale waxaa magaca ardayda wax ka barata Jaamacadda Southest ku hadlay mas`uuliyiin matelayay iyadoo dhanka Aaladda Maqalka iyo muqaalka uga qeybgalay Guddoomiyaha guddiga SSUJ ee wax ka barata Jaamacadda Jilin ee dalka Shiinaha Axmed Nuur Warsame Iidle. Ugu dambeyn waxaa halkaasi lagu soo bandhigay qeybaha kala duwan ee ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka, iyadoo Abaalmarino Isboortiga lagu guddoonsiiyay ciyaaryahanadii iyo kooxihiisa Munaasabadan ka qeybgalay. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Helsinki, Finlaan - 2013: Xuska 1-Luulyo oo si weyn loogu dabbaaldagay magaalada Helsinki Munaasabada 1-da Luuliyo oo ah xilligii gobalada koonfureed ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga isla markaana ay israaceen gobalada Koofur iyo waqooyi ayaa xalay waxaa si la yaab leh looga xusay magaalada Helsinki ee dalka Finaland. Munaasabaddaas oo lagu qabtay xarunta ururka dhalinyarada ee KANAVA ayaa waxaa si wadajir ah usoo qaban qaabiyey ururada dhalinyarada Kanava & Sateenvarjo. Xafladdaas ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyadoo halkaasi ay ka hadleen masúuliyiin, aqoonyahanno, salaadiin, haween iyo dhalinyaraba. Masuuliyiintii halkaas ka hadlay ayaa waxa ay ku nuuxnuuxsadeen qiimaha ay leedahay maalinta, iyagoo umadda soomaaliyeedna ugu hambalyeeyay munaasibadda qiimaha badan ee 1da luulyo. Waxayna umadda soomaaliyeed kula dardaarmeen iney ilaashadaan midnimadooda & xorriyaddooda, meelna uga soo wada jeestaan kuwa aan rabin qaranimada soomaaliya. Masuuliyiintii halkaas ka hadashay ayaan ka xusi karnaa Suldaan Xuseen, Maxamed Axmed Yabarow, Sh. Maxamed Xasan Yuusuf, Suldaan Abshir, aqoonyahan C/risaaq Xasan Maxamed iyadoo magaca haweenkana ay ku hadleen marwo Luul Xasan Cabdi & marwo Salaado kuwaasoo si gooni ah ugu guubaabiyey haweenka soomaaliyeed iney u midoobaan una kacaan samatabixinta umadda soomaaliyeed iskana ilaaliyaan qabyaaladda & qurunka burburiyey dalkeenna. Xafladdaas ayaa lagu soo bandhigay riwaayad lagu magacaabo Xorriyo oo ay dadkii daawanayey ay aad ula dhaceen. Riwaayaddaas oo uu allifay Maxamed Cali Yaanyo ”Inj. Goobe” ayaa waxaa ku wehliyey carruur & dhalinyaro uu isagu dhalay oo tilmaamo ka bixinayey xorriyada & dhalinyarada. Waxaa sidoo kale halkaas lagu soo gabagabeeyay tartan kubadda cagta oo ah oo loo qabtay dhalinyarada da´doodu ka hooseyso 15 sano, iyadoo ay kasoo qayb galeen dhalinyaro ka kala timid magaalooyinka Helsinki, Espoo, Vantaa, Oulu & Vaasa. Waxaa halkaas koobab, billado & shahaado sharafyo gudoonsiiyay dhalinyaradaas masuuliyiin, ciyaartoy & garsoorayaal barisamaadkii magac ku lahaa dalkeenna, waxaana kamid ahaa: Garsoore Maxamed Axmed Yabarow, garsoore Cismaan Cabdi Jeelle, Cali Shariif, Ibraahim Axmed Takar, Xuseen Aarow, C/risaaq Xaaji Xuseen, Siciid Jaamac Guuleed iyo masúuliyiin kale. Waxaa sidoo kale abaalmarinno lagu guddoonsiiyey saddex dhalinyaro ah oo ku guuleystay tartan aqooneed loo qabtay ardeyda da´doodu ka hooseeyso 18 jir, waxaana gudoonsiiyey macalimiinta kala ah: Maxamed Cabdi Alifley, Xabiibo Axmed & Caadil Ismaaciil. Waxaa xafladda heeso waddani ah oo isugu jira kuwii hore & kuwo cusub dadweynihii kasoo qeybgalayna aad u qiiro geliyay ka qaadayey fannaanka da´da yar ee reer Helsinki fannaan Aweys Cali Shaambax, & korneyl C/laahi, waxaana garabkooda buuxinayey fannaanadda weyn ee Xaliimo Boolaay. Iyadoo uu halkaasina gabayo waddani ah oo qiiro leh uu kasoo jeediyay abwaan Inj. Axmed. Isku soo wada duuboo xafladdaas ayaa lagu soo gaba gabeeyay jawi aad u macaan oo ay ku dheehan tahay farxad & damaashaad. Finlaan -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Imaaraadka - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Nayroobi - 2013 -
Hoteelada Nayroobi waa lagu dhalaalay runtii. The dude on the right really did re-invent himself. Shariif Sheekh Axmed asagaa ka koob qaatay.
-
Islii i soo xasuusisay. The Soomaali 'cable' guys, who divide each xaafad among themselves, automatically provide these channels, plus the Koonfur African-owned Supersport channels, so you wouldn't miss a single soccer game from all the major games from the European leagues, plus Champions League. Sometimes there are five to six games on for your pleasure. He adds NatGeo channel, movie channels, Carab film channels. Of course, Aljasiira is there, sometimes other news channels. In addition, they add 24 hours Soomaali heeso channel, Hindi Afsoomaali channel iyo Quraanka Kariimka channel, all broadcasted from Islii. Each demographic and age group has its interests covered. Very shrew business plan. Added together, it will be around 33 to 37 channels. You pay around 500 to 1,000 a month, depending your location. No hassles. Kiinyaatiga waxaan ma yaqaanaan, they pay hefty fees for satellite subscriptions, waa kuwa dhaqaalaha leh.
-
Kismaayo haddee dad aad qaraabo tihiin kaaga baabi'i lahaayeen, laga barakicin lahaa, dhiigooda lagu daadin lahaa, saan ma u qos qosli lahayn. Eniwey, keep dhoolacaddeynin.
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Kawaala Lambuur, Maleysiya - 2013: -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Den Bosch, Holland - 2013: -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Zurich, Iswiserlaan - 2013: -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xasan Aaden Samatar - Luulyo 2013 Soomaaliyeey toosooy! -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Helsinki, Finland - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Rooma, Talyaaniga - 2013 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Seattle, Mareykankaa - 2013 1da Luulyo oo Laga Xusay Magaalada Seattle Washington ee Cariga Maraykanka Sii fiirso sawirada -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Malaysia - 2013 Malaysia iyo dabaaldega maalinta xornimada Soomaaliya ee 1 da Luulyo Munasabada si heer qaran ah loo soo agaasimay laguna dabal degayay 53 sano guradii ka soo wareegatay maalintii gobolada konfureed ka xorooben gumestihii Britain, iyo weliba midowga gobolada konfur iyo waqooyi kana soo qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee somalida Malaysia ayaa habeenimadii xalay ahayd ka dhacday mid ka mid ah hotelada ugu caansan dalka Malaysia oo lagu magacaabo hotel Kualalumpur. Munasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen midowga ardayda somaliyeed ee dalka Malaysia ee loo soo gaabiyo “SSSM” ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda jaaliyada somaliyeed ee dalka Malaysia, madax ka socotay safarada somaliyeed ee dalka Malaysia, qaar ka mid ah fanaaninta hobolada Walalaha KL, Abwaan Maxamed Deeq ALPHA, dhamaan ardayda somaliyeed ee gobolada kala duwan ee dalkani wax ka barta, iyo weliba ajaanib xiiseysa dhaqanka suuban ee dalkeena, sida ciyaar dhaqameedka dhaantada. Ugu horeyna waxaa xaflada furay gudoomiyaha midowga ardayda somaliyeed ee Malaysia Abdulahi Mohamed Ali “Sultan” oo Hambalyo ku aadan munasabada 1-da luulyo hawada u mariyay dhamaan shacab waynaha somaliyeed gaar ahaan somalida reer Malaysia ee u gudoomiyaha u yahay. Sidoo kale waxaa xaflada ka hadlay wafti ka socday safarada somaliyed ee dalka Malaysia oo guud ahaan ummadda somaliyeed hawada u mariyay hambalyo ku aadan munsabadan qiimaha badan ee xuska maalinkii calan somaliyeed oo xor ah laga taagay ciida somaliyeed. Abaaro 12:00 saq dhexe markay Saacadu isku taagtay ayaa mar qura waxaa howlkii xaflada ka jirtay is wada qabsaday sacab iyo weliba luxida calanka, waxaana la saaray calankii Qaranka astaantii qaranka laga shanqariyay. Munasabadaan ayaa intii ay socotay waxaa ciyaraha Hidaha iyo dhaqanka ku so bandhigay dhalinyaro yar yar oo aad iyo aad jaanta iyo ciribta iskula helayay, sidoo kale waxaa heeso live ah oo u badna heeso wadani ku soo bandhigay fananiinta walalaha KL, ee uu hogaamiyo alfanan ciise gubta iyo weliba fananada qaran ee Tufax Darajo oo munasabada awgeed ugu timi wadanka Finland. Isku soo wada duboo xafladan ayaa noqonaysa midii ugu abaabulka wanagsaneed uguna bilicda quruxsaneed marka loo eego sida loogu soo shaqeeyay iyo isku xirka ka dhaxeeyay guud ahaan howlwadeenada xaflada, waana markii ugu horeysay ee xaflad lagu mamusayo malinta xornimada lagu qabto hotel ka mid ah hotelada ugu caansan magaalada, madama munasabadihii hore lagu mamusi jiray mid ka mid ah jamacadaha ay ardayda somaliyeed u badnayeen. Lasii socda -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Abbaas;966251 wrote: i'm missing Olland!, ma istiri! Where is the so called "Somalische Associaties Nederland (FSAN) " what have they done in Amsterdam or Denhaag! :eek: can't find a single video/news in Dutch about Somalia's Independence day on the internet. Please share! I wish i was the organizer of this event! Here, for your pleasure. Bunnik, Holland - 2013 1da Luulyo oo laga xusay Magaalada Bunnik ee dalka Nederland Xaflad lagu maamusayey munaasibada 1-da Luulyo ee xornimada Soomaaliya ayaa shalay lagu qabtay magaalada Bunnik oo ka tirsan gobolka Utrecht ee bartamaha dalka Holland, taasoo ay ka soo qeyb galeen jaaliyada Soomaalida ee nool magaalooyinka Zeist, Bunnik iyo Utrecht. Xafladan ayaa waxaa lagu casuumay oo ka soo qeyb galay duqa magaalada Bunnik Hans Martijn Ostendorp iyo madax ka tirsan hayáda caawisa qaxootiga ee wadanka Holland, waxaana goobta xaflada lagu soo bandhigay heeso ka tarjumaya qiimaha maalinta xoriyada iyo filimaan documentary ah oo ka sheekeenayey taariikhda halganka gobinimodoonka. Sii aqriso, fiirso sawirada -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Gothenburg, Iswiidhan - 2013 Xaflad qurux badan oo lagu xusayay 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay Magaalda Gothenburg Waxaa xalaytoole magaaladan Gothenburg lagu dhigay xaflad aad u qurux badnayd oo lagu maamuusayay munaasabadda 1-da Luulyo oo ah maalintii ay xoroowday koofurtu iyo israacii labadii gobo lee woqooyiga iyo koofurta Soomaaliya sanaddii 1960-kii. Munaasabaddan oo aad u qurux badnayd ayaa waxaa ka hadlay marti sharaf, fanaaniin, abwaanno iyo dad kale oo ka tirsanaa bulshawaynta Gothenburg, waxaana dadkaasi ka mid ahaa Sheekh Cabdi Rashiid, Ibraahim Qalinle, Colonel Cumar Jaamac Cali Jiir iyo Sacdiyo Soomaali.[/quote[ Sii fiirso -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Kambaala - 2013: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif oo Kampala uga qeyb galay munaasabada 1da Luuliyo Munaasabad si heer Qaran ah loo soo qaban qaabiyay oo uu uu ka soo qeyb galay Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Cabdi samad Macalin Maxamuud iyo xildhibaano luguna xusayay 1-da Luuliyo ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Kampala ee caasimada wadanka Ugandha. Munaasabada oo ay soo qaban qaabisay Safaarada Soomaaliya ee wadanka Uganda ayaa waxaa ugu horen furay Safiirka Soomaaliya ee wadanka Ambassador Sayid Ahmed Sheekh Daahir iyo Xog-hayaha Kowaad ee Safaarada Cali Maxamed (Khadar) kuwaasi oo mas’uliyiinta ugu mahad celiyay sida wanaagsan oo ay uga soo qeyb galeen Xuska maalinta 1-da luulyo oo ah maalin Umadda Soomaaliyeed ku weyn meel walba oo ay Dunida ka joogaan. Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Qudbad uu ka jeediyay munaasabada ugu baaqay Umadda Soomaaliyeed in ay hal meel uga soo wada jeestaa kuwa diidan jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed, lana taageero dowlada Federalka ah si loo gaaro nabbad iyo xasilooni taam ah. Intaasi kadib uu Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed Salaan sharaf ka gudoomay saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaasi oo xalay Saqdii Dhaxe Calanka Jamhuuriyada ka taageen goobtaa ay munaasabada ka dhaceysay. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Koonfur Afrika - 2013: Sida Munaasabada 1-da Luulyo looga xusay Koonfur Afrika Munaasabada 1-da luulyo ayaa si weyn looga xusay dalka Koonfura Africa halkaasi ay ku weyneeyeen shacabka Soomaaliyeed ee magan galsaday dalkaasi. Waxaana kala qeyb galay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Koonfura Africa. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Bo'as, Iswiidhan - 2013: " frameborder="0" allowfullscreen> -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Bambaasa (Mombasa) - 2013: -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Dalal badan -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Nayroobi - 2013 Xuska 1 luulyo Sida Looga Xusay Magaalada Nairoibi Inta badan magaalooyinka dalka Kenya oo ay Soomaalida ku nool yihiin ayaa si weyn looga xusay munaasabadda 1-da Luulyo. Magaalooyinka Nairobi,Mombaasa.Eldoret,iyo Nakuru oo ay dagan yihiin Soomaali badan ayaa laga xusay sanad guurada 1-da Luulyo ee 53-guuradii kasoo wareegtay markii gobollada Konfureed ay ka xuroobeen gumeystihii Talyaaniga ahna israacii gobollada Waqooyi iyo Konfureed. Magaalada Nairobi waxaa ka dhacay mid ka mid ah munaasabadihii ugu weynaa ee xuska 1-da Luulyo iyadoona ay kasoo qeyb galeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dahqan magaalada Nairobi. Kooxda Fanaaniinta Waayaha cusub ayaa soo qaban qaabiyay xuska 1-da Luulyo iyadoona safaarada Soomaalida ee Kenya ay maalgelisay xaflada. Shiine Akhyaar oo ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed ee dalka Kenya, ahna gudoomiyaha Waayaha Cusub oo munaasabadda furay ayaa sheegay in jaaliyadda Soomaaliyeed oo kaa shaneysa safaaradooda ay guul weyn u tahay in ay qabtaan xafladda dabaal dega xuska kowda Luulyo oo ah maalin ku weyn shacbiga Soomaaliyeed. Qunsulka safaarada Soomaliya ee Kenya Siyaad Maxamuud Shire oo ka hadlay munaasabada ayaa shacbka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay faraxada xuska kowada Luulyo. Siyaad ayaa qeexay in Soomaaliya ay martay waddo wanaagsan waxii ka dambeeyey markii gumeystayaasha Talyaaniga iyo Ingiriiska ay ka xurowday 53-sano kahor. Safiirka Soomaliya ee Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo qadka taleefoonka kaga qeyb galay xaflada isagoo ku sugan wadanka Canada ayaa shacabka Soomaaliyeed ee degan Kenya ku amaanay sida ay ula shaqeeyaan safaaradooda ayna ugu taagan yihiin muujinta maalmaha qiimaha weyn ku leh umadda sida 1-da Luulyo. “Anigoo ku hadlaya magaca safaarada Soomaaliya ee Kenya iyo kan dowlada Federaalka waxaan leenahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan sanad guuro wanaagsan, ka shaqeeya midnimada,waad ogatihiin halgankii loo soo maray xorriyada waxaan ku weynay geesiyaal badan”sidaas Ameeriko ayaa ku yiri shacabkii kasoo qeyb galay munaasabadda. Kooxda Waayahaya Cusub oo ay wehliyaan fanaaniin ka timid wadamada Yurub ayaa goobta kusoo bandhigay madadaalo iyo Heeso ay jecleysteen dadkii kasoo qeyb galay xaflada. Shacabkii Xaflada joogay ayaa aad gacmaha ugu luxayay heesaha ay caanka ku yihiin Waayaha Cusub ee Raabka iyo kuwa kale ee caadiga ah. Ugu danbayntii waxaa la saaray calanka Soomaaliya iyadoo Abwaan Shiine Akhyaan Gudoomiyaha Waayaha Cusub iyo Fanaaniinta kale ay cod sare ku qaadeen heesta calanka Soomaaliya. Sababa laxiriira amaanka ayaa habeenkii 1-da bisha loo baajiyay munaasabada Luulyo ,iyadoona kadib markii lagu guuleystay sugidda amaanka lagu qabtay xaflada fagaaraha weyn ee Easlieght high oo ku yaala xaafada Soomaalida ee Islii. Xafladda ayaa waxay kusoo dhamaatay jawi wanaagsan, iyadoona safaarada Soomaaliya ee Kenya iyo Kooxda fanaaniinta Waayaha Cusub ay siwada jir ah ugu mideysnaayeen qabashada Xuska 1-da luulyo. Once again, Nayroobi has the biggest crowds for Kowda Luulyo -- three years in a row -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Hindiya - 2013 Dalka Hindiya Oo Laga Xusay Koowda Luulyo Koowda luulyo oo ku beegan sanad guuradda 53-aad ee ka soo wareegatay, markii ay xorriyadda qaateen Goballada koonfureed ee dalka, ayna la midoobeen Goballada waqooyi ee Soomaaliya ayaa caawa laga xusay magaalada Hyderabad ee Dalkan Hindiya. Xaflad balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka SURAD (Somali Students And Community Organisation), ayna ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladan Hyderabad, ayaa ka dhacday isla magaaladan Hyderabad. Xafladda oo bilaabatay abaara 8-dii habeenimo ee waqtiga magaalada Hyderabad, ayaa lagu soo bandhigay barnaamijyo lagu weynaynayo xuska kowda luulyo, waxaana munnaasabada khudbado ka soo jeediyey culumo awdiin, aqoonyahanno, arday, iyo qaar ka mida hooyooyinka soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladan Hyderabad. Gudoomiyaha Ururka SURAD ee ay ku midaysan yihiin Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Dalkan Hindiya, Suheyb Cilmi Dhuxulow oo munaasabadda daah furay, Ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey Munaasabadda Kowda luulyo, Waxaana Gudoomiyuhu ku taliyey in wada jirka ummada la xaqdhowro. Faadumo Olol oo ka midda Hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Hyderabad, Ayaa iyaduna ka sheekeysay Muhiimadda ay ku fadhiso Maalintani, Waxaanna Faadumo Olol ay ugu duceysay Ummadda Soomaaliyeed in dhibta ragaadsatay Rabbi ka dulqaado. Qaar ka mida aqoonyahannadii xafladan ka hadlay ayaa iyaguna ka sheekeeyey muhiimada ay maalintan kowda luulyo ugu fadhiso ummada soomaaliyeed, iyagoo wax ka taabtay taariikhdii halgankii loo soo maray xorriyad ku soo dabaalida dalka, oo ay sheegeen in geesiyaal soomaaliyeed ay naftoodii ku waayeen. Munnaasabada oo socotay saacado badan ayaa laga soo jeediyey khudbado, gabayo, iyo suugaan kala duwan oo looga hadlayey qiimaha ay ku fadhiso maalintan kowda luulyo, waxaana gabayadii halkaa laga soo jeediyey ka mid ahaa gabay guubaabo ahaa oo goobta uu ka mariyey Amiin Cali. Sidoo kale, waxaa xafladda lagu soo bandhigay ruwaayado ka turjumayey micnaha ay xorriyadu leedahay iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqabka, waxaana ugu dambeyntii markii saacadu ay soo gaadhay 12-kii habeenimo la saaray calanka jamhuuriyadda soomaaliya, markaa oo ka soo qeyb galayaashu ay si saf balaarana ugu istaageen heesta calanka. Kowdii luulyo waxay asqeysan tahay, markii goballada koonfureed ay ka xorroobeen gumeystihii talyaaniga, lana midoobeen walaalahooda waqooyiga Soomaaliya, waxaana maalintan sanad waliba si weyn looga xusaa meelaha gudaha dalka iyo meelaha caalamka ay soomaalidu kaga sugan yihiin. Sawiro kale