Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,658
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Somali leader welcomes new envoys of Germany and France Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed has received credentials from ambassadors of Germany and France at his office in the state house in Mogadishu In a statement released by the presidency, Somali President Farmaajo welcomed received the new Ambassadors of France and Germany Aline Kuster-Menager and Annett Gunther. Mr. Farmaajo wished the heads of diplomatic missions success in their work and expressed confidence that their work would contribute to strengthening ties and developing cooperation between the countries. The President assured his readiness to contribute to deepening of friendly relations between Somalia and France and Germany, after meeting at his office in the state house in Mogadishu. “President Farmaajo today receives credentials from the new French and German Ambassadors to Somalia Aline Menager and Annett Günther respectively. HE Farmaajo encouraged them to work closely in improving the bilateral ties between Somalia and their respective countries”. Germany and France have joined the western countries reestablishing their long absence diplomatic presence in Somalia as the Horn of Africa country is recovering decades-long bloody conflict. French Ambassador Aline Kuster-Menager expressed her gratitude for his welcome and good wishes, stressing that she would exert maximum efforts to raise the Somali-French friendly relations to a qualitatively new level. The trio sides discussed the strengthening of bilateral relations and cooperation between their nations and means of enhancing them to serve the common interests of the two friendly countries and peoples. Somalia has been on its way to make a diplomatic come back across the world after more than two decades of war and extremists violances by Al Qaeda linked Al Shabaab group. Xigasho
  2. Dowladda dhexe qaladkeeda wey garatay and as I wrote awalba hoggaanka sare wey ku kala qeybsanaayeen, that baaq from wasaaradda amniga was a published without a higher consensus.
  3. Kulankii Mukhtaar Rooboow iyo DF oo soo dhamaaday iyo isfagarad lagu gaaray Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo inuu soo dhamaaday kulankii u dhaxeeyey xubno ka socday Dowladda Soomaliya oo uu hoggaaminayey Taliyaha Nabadsugidda Qaranka Xuseen Cismaan xuseen (Caloolkuus) iyo musharaxa u taagan xilka Maamulka Koonfur Galbeed Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur. Kulankaan oo soo bilowday Xalay isla markaasna bilowgiisii aan si fiican la iskula fahmin ayaa daqiiqado ka hor kusoo dhammaaday Magaalada Baydhabo. Sida uu Caasimadda Online u xaqiijiyey mid kamid ah xogheynta Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Dowladda iyo Musharaxa ayaa gaaray heshiis iyo isfagarad. Kulanka oo lahaa qeybo kala duwan ayaa ugu dambeyntii waxaa lagu heshiyey inuu Rooboow sii wato musharaxnimadiisa isla markaasna uu noqdo hoggaamiye hoos imaado Dowladda Dhexe kuna shaqeeyo amarada Dowladda sida ay xogta hoose ku heshay Shabakadda Caasimadda Online. Dowladda Soomaaliya ayaa Mukhtaar siisay raaligelin ku aadn warqaddii kasoo baxday Dowladda inkasto arrintaan aan la hubin. Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay soo saarto waraaq kale oo ay ku caddeyneyso inay ka laabatay go’aankii hore ee ahaa in Abuu Mansuur laga joojiyo musharaxnimadiisa. Ilo ku dhow labada Dhinaca ayaa xaqiijiyay in Hotelka uu Wafddiga degay ay gacanta ku hayaan ilaalada Mukhtaar Roobow,waxaana uu Mukhtaar u sheegay taageerayaashiisa in uusan dhib jirin sidaas darteedna ay nabad ku seexdaan. Kulan ay xalay goor dambe yeesheen ayaa Mukhtaar loogu sheegay in aysan jirin waxa suuqa la geliyay ee ah in la xirayo. Wafdigii Dowladda ka socday oo ay ku jireen qaar ka tirsan Xildhibaanada Koonfur Galbeed ku matalo Dowladda Dhexe ayaa la filayaa inay saacadaha soo socdo kasoo duulaan Magaalada Baydhabo maadaama uu soo dhammaaday kulankii labada dhinac u dhaxeeyey. Dhanka kale Sida ay ogaatay Caasimadda Online, madaxda dalka ayaa isla ogeyn waraaqdii kasoo baxday Wasaaradda Amniga, waxaana la xaqiijiyey in waraaqdaas laga soo qoray Xafiiska Ra’isulwasaare Kheyre uusan xataa war u heyn Wasiirka Amniga. Sidoo kale waxaa soo baxayo warar kala duwan oo ku aadan in Waraaqdaas cadaadiskeeda ay ka timaaday Beesha Caalamka, iyadoo warar aan la hubin sheegayaan in Beesha Caalamka aysan lug ku laheyn isla markaasna aysan ka warqabin waraaqda kasoo baxday Wasaaradda Amniga. Xigasho
  4. Galbeedi, Beyle ha u gafin, see camal. I had never seen in post-civil war a wasiir as professional as he is. A wasiir who knows from A to Z in his ministry. In short time, he completely modernized wasaaradda maaliyadda. So he deserves to lead the highest office. Men like him are one in a million in Soomaaliya.
  5. Magaceeda iyo muuqaalkeeda dhawaantaan maba arag Caasho Cabdalle. Dadka ugu karti badan baarlamaanyadii kumeelgaarka Soomaaliya soo maray ahaan jirtay. I used to see her in Nayroobi, gaar ahaan at hoteellada Islii, between the years 2009-2011. Iyada, xildhibaan Dalxa, xildhibaan Jinniboqor iyo xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf hoteellada waa weyn ee Islii lagama weyn jirin.
  6. LoL at 'nephew.' Haddee Laftagareen hooyadiisa tahay qoloda Farmaajo automatically nephew miyaa. Xataa waxaa laga yaabaa hooyadiisa inay tahay qoloda Buuloxaawo iyo Garbahaareey dego. Farmaajo farac ahaantiisa waa Reer Galgaduud haddii meel lagu sheegaayaba.
  7. Cadnaan, dowladda dhexe inay ku kala qeybsantahay laga yaabaa. It appears there is internal division, one side being kan baaqa wasaaradda magaciisa ku qoran, Isloow. Also Shariifka can only be defeated by either Rooboow or former finance minister Farkeeti from Australia. Rooboow seems to be a people's guy in Baydhabo, plus he has the $ one needs. The populace are also tired masuqmaasuqa iyo wax qabad la'aanta baahsan by Shariifka. He can't even try to open jidka u dhaxeeyo Buurhakaba and Afgooye, the issue Rooboow already promised to solve. There is also a third candidate, Saransoor, but taageero badan ma heysto.
  8. Dowladda dhexe baaqa ee soo saartay kaga soo horjeedo Rooboow wey ku deg degtay. Waa ogahay dowladaha Reer Galbeedka ayee u bandhigaayeen laakiin ninkaan taageero badan ayuu heystaa, meelna uma socdo marka inay ka aamusnaanto u dhaantay dowladda. Xataa eedeynta ee isticmaaleen ee ah dhaq dhaqaaqa iyo dhaqaalaha ayaa cunaqabateyn caalami ka saaran taas mid dhab u eg ma'aha maadaama bilooyinkii u dambeeye Rooboow ku maqnaa dalalka Sacuudiga, Cummaan, Suudaan iyo Kiinya uu dhaqaalo ololaha ka soo aruursanaaye - socdaaladaas wax dhib ah ma kala kulmin.
  9. Roobow “Wadada Afgooye iyo Baydhaba 3 qolo ayey u xiran tahay, waan furayaa haddaad i doorataan" Sh. Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ah Musharax hadda u taagan qabashada xilka Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ku qabtay shir weyn oo uu kaga hadlayey Musharaxnimadiisa. Munaasabada ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed,Siyaasiyiin, Odayaasha Dhaqanka, Dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada Baydhabo.. Shiikha ayaa khudbadiisa ku sheegay in wixii uu u qaban doono Koonfur Galbeed uu kusoo bandhigi doono Xildhibaanada hortooda balse wuxuu hadda kasii hadlay qodob kamid ah waxyaabaha uu qaban doono haddii la doorto. Muqtaar Roobow oo khudbad ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in hadii Xildhibaanada Koonfur Galbeed ay doortaan uu Shacabka u furi doonaan wadooyinka ay Shabaab iyo qabaa’ilada ay xirteen. Wuxuu Shiikha Sheegay in haddii loo doorto inuu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu isku furi doono jidka u dhaxeeyo Afgooye iyo Baydhabo. “Waxaan ku celinayaa maanta inaan musharax u ahay madaxtinimada Konfur Galbeed waxaan Ka shaqeyn doonaa saddex qolo oo Wadooyinka ay u xiranyihiin hadii aad i doorataan. “Alshabaab iyo Qabaa’ilada Wadooyinka KG xirtay wa idinka hor wareejinayaa," ayuu yiri Muqtaar roobow. Roobow ayaa tilmaamay in jidkaas uu u xiran yahay Seddex koox oo uu ku kala sheegay inay kala yihiin: 1 - Xarakada Al-Shabaab oo uu markii ugu horeysay u adeegsaday inay yihiin Khawaarij 2 - Ciidamo u abaabulan hab beeled. 3 -Sidoo kale wuxuu qolada seddexaad ku sheegay inay yihiin kuwa xiran dareeska Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dhibaato ku hayo jidkaas. Wuxuu ballan qaaday inuu jidkaas ka dhigi doono mid nadiif ah oo ay si nabadgalyo ah ku isticmaali doonaan dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed. Xigasho
  10. Soomaaliya oo ka hor istaagtay Mukhtaar Roobow in uu isu soo sharraxo jagada madaxweyne ee Koonfur Galbeed Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa war qoraal ah kasoo saartay musarraxnimada xilka madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed ee uu shalay ku dhawaaqay Mukhtaar Rooboow Cali “Abuu Mansuur” kaas oo horay uga tirsanaa ururka Al-Shabaab islamarkaana ku jiray masuuliyiintooda ugu sarreysa. Dowladda ayaa sheegtay in musharraxnimada Mukhtaar ay ku horgudban tahay dhowr shuruudood iyo cunaqabateyno xagga caalamka ah oo saaran. Roobow ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Xigasho _________________ Amarkaan ma dhaqangali doonaa taloow? Aragaana.
  11. Tuulooyinkii xataa waa kala noqdeen aqoonsi beenaadka markee ogaadeen in jar loo dhigay. Raaligelin ee Soomaalida siiyeen markee runta ogaadeen.
  12. Shariifkaas waa tuug weynaaday and Rooboow could be better than toban Shariif Xasan la isku daray. He is kinda rigid ideologue and not that corrupted. Morally and religious-wise, he could be corrupted, but not corrupt financially like Shariifka. He also knows Barbaarta's deepest secrets, hideouts iyo meelahee ku suganyihiin in Koonfur Galbeed iyo Jubbooyinka. Marka bir bir ayaa lagu jabiyaa, perhaps he can do it.
  13. Waa runtaa, if Madoobe, Shariif Sh. Axmed and rest could go this route, xaa u diidaayo Rooboow. Aragaana meesha uu gaaro.
  14. It is official now. He landed in Baydhabo today and declared his candidacy. Mukhtaar Roobow oo Baydhabo kaga dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan jagada madaxweyne ee Koonfur Galbeed Sheekh Muqtaar Roobow Cali oo ku magacdheer “Abuu Mansuur” ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Soo dhaweyn kadib ayaa shir jaraa`id uu qabtay waxa uu u mahadceliyey dadkii soo dhaweeyey, waxana uu ka hadlay ujeedka uu xilligaan u yimid magalada Baydhabo. Wadaadka aya sheegay in codsiyo badan ay uga yimideen shacabka Koonfur Galbeed, islamarkaana xilligaan uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimo ee maamulka Koonfur Galbeed. Muqtaar Roobow ayaa horay uga mid ahaa hoggaamiyeyaasha sare ee Al-Shabaab walow markii dambe uu isaga baxay, isla markaana uu dagaal kula galay kooxdaasi deegaanno ka tirsan gobolka Bakool. Musharraxnimada Roobow ayaa kusoo aadeysa xilli dhawaanahan la hadal hayay in uu isu soo sharrixi doono xilka madaxtenimo ee Koonfur Galbeed. Xigasho __________________ Getting rid of cimaamad, dyeing the beard and on koofi baraawe iyo fresh fitishaari reminded me the early days of Shariif Sh. Axmed iyo Axmed Madoobe, after they left Maxkamadaha iyo Xisbul Islaam respectively. Filinkaan horaa u aragnay.
  15. 'Dibadii baa nagala soo xiray.' 'Baasaboor ayaan Xamar ka baryeynaa.' Feysal Dhurwaa uultimo waa qarsan waaye waxa bogtiisa ku heystay, telling the truth to marqaamistihii weynaa Muuse Lokal.
  16. Shaqo uu helay. Guul aa u rajeynaa walaalkeena. He had many employment offers, too.
  17. Isbeddel lama filaan ah oo lagu sammeeyey Xisbiga cusub ee Xasan Sheekh Xisbi siyaasadeedka cusub ee magaalada Muqdisho laga sameeyey, islamarkaana uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu sameeyey isbeddel lama filaan ah oo dhinaca magaca ah. Xisbigan oo magaciisa hore uu ahaa Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda ama Union for Peace an Democracy (UPD), ayaa waxaa loo beddelay Midowga Nabadda iyo Horumarka ama Union for Peace an Development (UPD), kadib markii muran la geliyey laguna qabsaday magacii hore. Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa markii xisbigaas lagu dhawaaqay durba sheegtay in magaca xisbiga uu leeyahay isaga, islamarkaana kooxda Xasan Sheekh ay bililiqeysatay. Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa soo bandhigay caddeymo muujinaya inuu magacaas isaga la baxay sanaddii 2011. Kooxda Xasan Sheekh ayaa markii hore ku doodday in magaca ay qaadaan karaan maadaama uusan Cabdullaahi Sheekh Xasan si rasmi ah u diiwaan gashan. Si kastaba waxaa hadda muuqata inay magacaas ka tanaasuleen una daayeen Cabdullaahi Sheekh Xasan. Xisbiga cusub ee Union for Peace an Development (UPD) ayaa waxaa si rasmi loogu dhawaaqi doonaa xaflad weyn oo maalinta khamiista ah lagu qaban doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Xisbigan cusub ayaa waxaa ku midoobay kooxaha Damu-Jadiid, Daljir iyo Kutladda Horusocod, waxaana la sheegay inay xubno ka yihiin ilaa 80 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya. Xigasho
  18. The boosaneero-living, sewage-dwelling creature's stench stains a thread honouring a great man.
  19. Does the wretched secessionist's impotency and pipe dream surprise you? Not to me, though. From dowladda dhexe doesn't control Waqooyi airspace to this. At least he is finally realizing the reality. Muqdisho iyo Hargeysa are both Soomaali cities in Soomaaliya. There is no hostility between the two or its residents. Only a small, dying breed of miserable secessionists have hatred for Muqdisho and to its residents.
  20. I made this thread some four and half years ago honouring Maxamed Saxnuuni. I learned the passing of this great man a few days ago. Eebbe janadiisa fardowso haka waraabiyo Maxamed Saxnuuni, who passed away in Faransiiska 11 days ago. He is unacknowledged hero to Soomaalis, though jiilkaan cusub ma oga how this Aljeeriyaan brother really tried to save Soomaaliya from a complete catastrophe in early '90s. Unfortunately, his worries came to pass. I remember his tireless efforts in 1992, trying hard by shuttling between Caydiid and Cali Mahdi to come to the table and make a permanent peace in Muqdisho. Unfortunately, they didn't listen and, as they say, the rest is history. He wrote books about his efforts in Soomaaliya.
  21. Waa lagu dhaganyahay Xasan Sheekh. They usurped another 'political' party's name that was created seven years ago. Xisbiga uu Xasan sameystay oo muran galay iyo xisbi kale oo ku dhegan Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa lagu wadaa in Xisbi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud looga dhawaaqo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Xisbiga cusub ayaa waxa uu qorshuhu yahay in lagu dhawaaqo maalinta Khamiista ee fooda nagu soo heysa waxaana soo baxaaya is qabqabsi Xisbiyeed oo ka dhashay magaca Xisbiga cusub ee Xasan Sheekh. Is qabqabsiga Xisbiyeed ayaa soo shaac baxay kadib markii C/llaahi Sheekh Xasan oo Wasiir ka ah Maamulka Koofur Galbeed uu sheegay in magaca Xisbigiisa ay qaateen Xisbiga uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Xisbiga uu sheegtay C/llaahi Sheekh Xasan inuu aas aastay 2011 ilaa 2012 ayaa lagu magacaabaa Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda Soomaaliyeed (Somali Peace and Democratic Union- SYPDU), halka Xisbiga uu hoggaaminayo Xasan Sheekh lagu magacaabaa Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (Union For Peace and Democratic- UPD) kaa oo isna lagu dhawaaqay 2018. Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga uu hoggaaminayo Xasan Sheekh ay dafiray in labada Xisbi ay isku magacyihiin isla markaana ay dadku yihiin kuwo isku khaldaaya. Waxa uu sheegay in uusan ka mid aheyn Xisbiyada uu diiwaan geliyay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaran, magacaabida Xisbigoodana uu yahay mid ay horay uga sii fikireen inta aanay ku dhawaaqin, si aanay u dhicin inay qaataan magacyo ka mid Xisbiyada la diiwaan geliyay. Marka la’eego magacyada labada Xisbi ayaa ah kuwo isku eg, waxaana muuqaneysa in Xasan Sheekh Maxamuud iyo garabkiisa ay afduubteen magaca Xisbiga C/llaahi Sheekh Xasan oo Wasiir ka ah Maamulka Koofur Galbeed. Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale fursad u arkeysa inay ku duulaan tagto in magaca Xisbiga cusub horay loo diiwaan galiyay isla markaana aysan suuroobi Karin in mar kale ay Koox kale isticmaasho. Si kastaba ha ahaatee, is qabqabsiga Xisbiyadeed ee ka bilowday Muqdisho ayaa mugdi galinkara badqabka Xisbiyada kale ee horay loo diiwaangaliyay, iyadoo ay cabsi dhanka magaca ah lasoo daristay madaxda kale ee Xisbiyada. Xigasho