-
Content Count
17,651 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
NISA oo shaqadeeda gudaneyso
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Shaqo wacan, NISA. Look at how newly minted they are those qarax causing materials. You can bet gacmo iyo dalal shisheeye inay dalka kuu galiyeen. -
40 bastoolad iyo raggii watay oo lagu qabtay xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya Ciidamada Liyuu booliska ee dawlad degaanka Soomaalida, ayaa galabta gacanta ku dhigay hub, gaari iyo raggii wetay kuwaas uu gudaha u sii gelayey dhulka uu ka arimiyo ismaamulka Soomaalida. Hubkaan ayaa waxaa wetay oo lagu qabtay illaa seddax nin, kuwaas oo watay gaari HILUX ah, hubkaas ayaana dhamaantiis bastoolado ah. Bastooladaha lagu qabtay raggaas oo lasoo bandhigay sawirro laga soo qaaday ayaa tiradooda lagu sheegay 39 bastooladood. Seddaxda nin ee lagu eedeeyey inay wateen hubkaas ayaa laga qabtay magaalo lagu magacaabo Qaran oo u dhaw magaalada ku taalla xuduudda dowlad deegaanka iyo Somaliland ee Wajaale. TV-ga dawlad deegaanka ayaa baahiyay sawirrada gaariga iyo hubka lagu qabtay ragaas tiradooda lagu sheegay seddaxda nin, waxuuna weriyey in hubkaasi uu ahaa mid si sharci darro ah lagu gelinayey deegaanada maamulka, sharcigana lasoo taagi doono ragga ku eedeysan falkaas. Xigasho
-
Hadal jeedinta musharaxiinta doorashada Galmudug oo ka socota Dhuusamareeb Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in goordhow magaaladaasi uu ka furmay kulan ay leeyihiin xildhibaanada 2aad ee baarlamaanka maamulka Galmudug. Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya, Dr Maxamed Nuur Gacal oo ah guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulkaasi, iyadoona ay soo xaadireen illaa 72 Mudane. Xildhibaanada ayaa haatan dhageysanaya khudbadaha musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Illaa 9 musharrax oo afar ka mid ah ay u taagan yihiin xil ka madaxweynaha iyo shan kale oo u sharraxan xil ka madaxweyne ku xigeenka ayaa jeedinaya barnaamijkooda waxqabadka, sida uu shaaciyey guddoonka cusub ee baarlamaanka Galmudug. Akhriso Magacyada Musharixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha ayaa kala ah:- 1-Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) 2-C/raxmaan Axmed Sabriye 3-Axmed Shire Maxamed (Falagle) 4-Axmed C/laahi Samatar. Sidoo kale musharraxiinta u sharraxan xil ka madaxweyne ku xigeenka ayaa kala ah:- 1-Cali Daahir Ciid, 2-Axmed Yuusuf Warsame (Taajir), 3-Saadaq Cabdullaahi Xaashi, 4-Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey), 5-Cabdi Qani Sheekh Cali Diini. Dhinaca kale waxaa muuqata in weli go’aanka afarta musharrax ee ugu saameynta badan doorashada Galmudug uu sidiisii yahay, kuwaas oo kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed (Odowaa), Kamaal Daahir Guutaale, Cabdullaahi Faarax Wehliye iyo Cabdi Dheere Musharraxiintaan ayaa si cad uga biyo diiday inay ka qeyb galaan tartanka doorashada, iyaga oo eedeyn culus u jeediyey dowladda Soomaaliya Arrintaan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa, iyadoo ay beesha caalamka ka digtay sii socoshada khilaafkaan, waxayna ugu baaqday dhinacyada isku haya Galmudug inay wax weliba ku dhameeyaan wadahadal, si looga baaqsado xasilooni darro siyaasadeed. Xigasho
-
Xildhibaanada Ahlu-Sunna oo lagu arkay fadhiga maanta ee baarlamanka Galmudug In ka badan oo ka mid ah xilhibaanadii Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa maanta soo xaadiray kulan uu baarlamaanka cusub ee Galmudug uu ku dhageysanayey hadal-jeedinta musharaxiinta xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmdug. Kooxda Ahlu-Sunna ayaa horey u qaadacday doorashada madaxweynaha, waxayna shalay ku dhowaaqeen liis xildhibaano oo cusub. Xildhibaanno ku dhow 10 ayaa sheegay in ay madaxda Ahlu-Sunna ay isku afgaran waayeen shuruurdaha la hor dhigayo wasaaradda arrimaha gudaha, kadibna ay go’aansadeen in ay ku biiraan xubnaha kale ee baarlamaanka. Caasimada Online ayaa heshay qaar kamid ah xildhibaannada ka soo muuqday kulankii maanta, waxaana ka mid ah : 1) – Xildhibaan Mahad Kilic Warsame 2) – Xildhibaan Cabdi Maxamuud Fiidow 3) – Xildhibaan Shaacir Sheegow Maxamed 4) – Xildhibaan Yaasiin Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdiraxmaan 5) – Xildhibaan Mowliid Sheekh Cali Tahliil 6) – Xildhibaan Mahad Cabdi Xirsi 7) – Xildhibaan Axmed Maxamed Aadan 8 ) – Xildhibaan Xuseen Axmed Carab Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaysa in xildhibaannadan ay dhanka dowladda Soomaaliya ka heleen ballan-qaadyo kuu aaddan in xilal looga magacaabi doono xukuumadda uu soo dhisi doono madaxweynaha lasoo dooranayo. Ilaa afar musharrax ayaa u taagan xilka madaxweynahay Galmudug, iyada oo xilka ku-xigeenka madaxweyanahana ay u sharraxan yihiin 5 musharrax. Doorshada ayaana la filayaa inay dhacdo maalinta barri ah. Xigasho
-
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Mareykanka iyo Somalia oo mashruuc cusub ku daah-furay Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta furay mashruuc lagu maal gelinayo 340 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo soo bandhigay hal abuur ganacsi oo guuleystay. Dowladda Soomaaliya ayaa fulineysa barnaamijka, waxaana maal gelinaysa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) oo ku binaysa US$1.6Mliyan, waxaana ka qayb qaadanaya qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga dalka. Mashuurcaan ayaa qayb ka qaadanaya horumarinta dhaqalaha dalka, Kobcinta dhaqaalaha qoyska, abuuridda fursado shaqo, iyo in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka fogaadaan Dembiyada iyo xagjirnimada. Dhallinyarada ka faa’iideysanaya Barnaamijkaan ayaa ka yimid dhammaan gobollada dalka, waxaana hal abuurrada ganacsi ee loo maalgalinayo kamid ah Beeraha, kalluumeysiga, Tamarta iyo Tiknoolojiyadda. Dowladda Soomaaliya ayaa muhiimadda koowaad siineysa awood siinta dhallinyarada iyo u abuuridda fursado shaqo oo ay ku daboolaan baahiyadooda, qayb waynna ka qaata horumarka guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Xigasho -
Gudiga doorashada oo soo saaray habraaca doorashada madaxweynaha Galmudug Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa ee Baarlamaanka Galmudug garabka wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa soo saaray hab raaca Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Habraaca uu guddiga Doorashada soo saaray ayaa ka kooban ilaa 5 qodob oo xasaasi ah oo qaarkood lagula dagaalamayo Xildhibaanada Ahlu Sunna ee diiday inay ka qeybgalaan Doorashada, waxayna guddiga sameysteen sharci u ogolaanayo in 3/2 Xildhibaanada Galmudug ay dooran karaan madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa. Halkaan hoose ka akrhriso qodobada hab raaca Doorashada 1 – In Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay doortaan Golaha sharcidajinta Dowlad Goboleedka Galmudug. 2 – Waa in Saddex meelood meel joogtaa Xildhibaanada Galmudug Codaynta Madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug 3/2. 3 – Waa in Musharixiintu u soo jeediyaan fadhiga Golaha sharcidajinta Dowlad Goboleedka Galmudug ugu yaraan 10 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug. 4 – Murashaxa kastaa waa in uu Xildhibaanada u soo gudbiyaa Musharaxnimadiisa si waa waafaqsan nidaamka Guddiga doorashooyinka Galmudug. A – codaynta Doorashada Madaxweynaha Galmudug waa qarsoodi. B – Codaynta Doorashada Madaxweynaha waa ku guulaysanay Musharixii helaa Codadka Xildhibaanada Saddex meelood Laba meel 3/2. Hadii Musharaxu ku guulaysan waayo wareega 1 aad waxaa loo gudbaa wareega 2 aad,waxaana ku tartami doona Afarta Musharax ee ugu codadka badan. Wareega Sadeexaad waxaa u gudbaya 2 Musharax ee ugu codadka badan waxaana ay ku kala guulaysan doonaan Cod haldheere ah 50+1. 5: Doorashada Madaxweynaha ku xigeenka Galmudug waxaa loo marayaa habka doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug. Xigasho
-
Odayaasha Galmudug oo soo saaray toddoba qodob oo xasaasi Odayaasha dhaqanka, gaar ahaan kuwa saxiixayaasha Galmudug oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ayaa todobo qodob ka soo saaray doorashada madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa. Warsaxaafadeedka ka soo baxay odayaasha ayaa ugu horreyn waxaa dowladda federaalka loogu baaqay in ay taageerto xildhibaanada baarlamaanka Galmudug, islamarkaana ay ku garab istaagto dhismaha maamul mid ah. Sidoo kale ayaa odayaasha dhaqanka ayaa ka dalbaday baarlamaanka in aan dib loo dhigin waqtiga doorashada, islamarkaana la qabto waqtiga loo asteeyey. Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu faray xubnaha 20-ka ee Ahlu Sunna ugu jira baarlamaanka Galmudug inay gutaan waajibaadka loo igmaday, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo dib u dhac ku yimaada doorashada maamulkaasi. Saxiixayaasha Galmudug ayaa dhinaca kale beesha caalamka ka dalbaday inay teegeerto dhismaha loogu jiro maamul mid ah oo ay u dhan yihiin gobollada Galgaduud iyo Mudug. Ugu dambeyn waxa ay odayaashaan u soo jeediyeen musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa inay ka qeyb qaataan tartanka loogu jiro doorashada.
-
Reer Qashqashaad xildhibaanadaan dhageysta.
-
Three amigos are back
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Three amigos are back
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Back to the topic. Farmaajo, Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki oo dhisaya urur goboleed cusub Hoggaamiyayaasha Somalia, Ethiopia, Eritrea ayaa shaaca ka qaaday inay doonayaan in la aasaaso urur goboleed cusub oo magaciisu yahay Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of African Cooperation). Qorshahan ayaa waxaa shaaca looga qaaday war-murtiyeed laga soo saaray kulan madaxeedkii ay maanta magaalada Asmara ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Saddexda hoggaamiye ayaa ayaa sheegay inay ku heshiiyeen inya kala tashtaan madaxda kale ee Geeska Afrika sidii looga miro-dhalin lahaa fikirkaasi ah dhismaha ururka cusub. Hoos ka aqriso warmurtiyeedka oo dhan War-murtiyeedka Wadajirka ah ee Kulanka Madaxda dalalka Ereteriya, Itoobiya iyo Soomaliya Madaxda dalalka iyo dowladaha Ereteriya, Itoobiya, iyo Soomaaliya ayaa magaalada Asmara ku kulmay 27-ka Jannaayo, 2020. Saddexda hoggaamiye waxa ay yeesheen wadahadallo toos ah oo qotodheer oo ku aaddan xaaladda ka taagan dalalkooda, iskaashiga saddex geesoodka ah ee u dhexeeya iyo arrimaha ka soo cusboonaaday gobolka Geeska Afrika. Saddexda hoggaamiye waxa ay mar kale ku celiyeen sida ay uga go’an tahay Heshiiska Saddex Geesoodka ah ee ay saxiixeen bishii Sebtembar ee sannadkii 2018, waxayna dib u eegeen waxyaabihii ka soo baxay dadaalkooda wadajirka ah ee ku aaddan hirgelintooda. Saddexda hoggaamiye waxa ay meelmariyeen Qorshe Hawleed Wadajir ah oo loogu talagalay sannadka 2020 iyo wixii ka danbeeya kaasi oo xoogga lagu saarayo labada ujeeddo ee isku-dhafan ee adkaynta nabadgelyada, xasiloonida iyo amniga iyo sidoo kale sare u qaadidda horumarka dhaqaale iyo bulsho. Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen inay dardargeliyaan dadaalkooda wadajirka ah si kor loogu qaado iskaashi heer gobol oo wax ku ool ah. Dhanka ammaanka, saddexda hoggaamiye waxay isla qaabeeyeen qorshe sal-ballaaran oo lagula dagaallamayo, lagagana takhalusayo halista guud ee ay wada wajahayaan, oo ay ka mid yihiin argagaxisada, hubka, tahriibinta dadka iyo maandooriyaha. Dhanka horumarinta dhaqaale iyo bulsheed, waxay isku waafaqeen in ay mudnaanta siiyaan abaabulidda khayraadka bini-aadam iyo kan dabiiciga ah ee faraha badan; iyaga oo dhisaya, casriyeynaya, iskuna xiraya kaabayaasha dhaqaalaha iyo waaxaha adeegyada iyo waxsoosaarkaba. Waxay sidoo kale muujiyeen sida ay uga mahadinayaan, diyaarna ugu yihiin la shaqaynta saaxiibbadooda iyo daneeyayaashooda, iyadoo lagu salaynayo is-ixtiraamid iyo kala-faa’idaysi siman. Saddexda hoggaamiye waxay isku raaceen in ay si dhow ula tashadaan walaalahooda iyo Madaxda Dawladaha kale si loo xaqiijiyo yididdiilada dadkoodu u qabaan helidda Iskaashi dhex mara Geeska Afrika oo wax ku ool ah. Waxa laga soo saaray Asmara, Ereteriya, Jannaayo 27, 2020. Xigasho -
Three amigos are back
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
This image alone itself is really the epitome of shisheeye worshipping lagu yaqaano kuwaas marqaanka dilay ee marqaansan. They do really worship any and all shisheeye all the time, whether u sacabtumi jireen gumeysigii Ingiriiska, qaarkoodna diintooda qaatay to Xabashadii hubka soo siiyey in '80s ay ilaa iyo hadda caabudaan. Heck even, DNA'gooda kuma kalsoona since claiming to be bogus Carab heritage, garacnimo iyo waxa ka keenaayo ma'ogiyee. -
Three amigos are back
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
I welcome that. It is about time kuwaas afka duubtay laga bixiyo deegaanada Jubbooyinka, siiba Jilib, Jamaame, Saakoow ito Bu'aale. -
Wararkii ugu dambeeyey doorashada Galmudug iyo dib u dhac kale oo ku yimid Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya inay weli hakad ku jiraan howlihii doorashada ee maamulkaas kadib khilaafkii soo kala dhex galay Dowladda Dhexe iyo Ahlu Sunna, oo garab ka heleyso inta badan musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo. Waxaa dib u dhacday doorashadii la filayey inay Dhuusamareeb ka dhacdo maadaama ay diideen musharixiinta inay is diiwaan geliyaan iyagoo ka cabanayo inuu jiro musuq maasuq iyo afduub ay dowladda Federaalka ku heyso howlaha doorashada. Marka loo fiiriyo jadwalkii doorasho oo uu soo saaray guddiga doorashada garabka Dowladda Soomaaliya maanta waxaa lagu ballansanaa in la dhageysto khudbadaha Musharixiinta madaxweynaha halka berri ay tahay in la dhageysto kuwa madaxweyne ku xigeenka, balse waxaa muuqato inaysan jirin ifafaalahaas. Maamulka Ahlu Sunna oo awood ku leh Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn qaabka ay u socoto doorashada Galmudug maadaama ay dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay afduubatay doorashada. Ahlu Sunna ayaa dhawaan soo saartay jadwal doorasho oo ka madax banaan midda ay wado Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxayna ku hanjabtay inay maamul cusub dhisi doonto haddii aysan dowladda Dhexe joojin dhibaatada ay ku heyso doorashada sida uu hadalka u dhigay Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir. Dhanka kale musharaxiinta u sharaxan xilka madaxtinimo ee Galmudug ayaa horay shuruudo adag ugu xiray guddiga doorashada, taas qayb ka ahayd waxyaabaha dib u dhac ku keenay hawlaha guddiga, maadaama ay mushrixiinta Mustaqbalka dhismaha maamul Galmudug yeelato oo loo dhan yahay ayaa mugdi sii galeyso, waxaana laga yaabaa inay Galmudug yeelato 3 madaxweyne haddii aysan wax iska badalin qaabka ay hadda wax u socdaan. Xigasho
-
Meesha nabi haddii loo soo diro inaanan warkiisa la maqleynin waala ogyahay. Kheyre walaa Kheyrto qof wax ka qaban kara malaha dad hoggaan sheeganaayo haddana aanan tanaasul, samir, wada qeybsi iyo dulqaad qaamuuskooda ku jirin. Kheyre hortiisa meeqo maamul iska soo horjeedo ka jiray? Ximan iyo Xeeb, tan Gaalkacyo, tan Dhuusamareeb ee Ahlusunna iyo deegaanada kuwii afka duubnaa heystaan. Meeqo xarun kumeel gaar ah soo maray? Gaalkacyo, Cadaado iyo Dhuusamareeb. Ilaa iyo haddana laguma heshiin xarunta dhabta ah. Waa deegaanka ugu tirakoob yar, ugu horumar liito Soomaaliya. Waxaana ugu wacan isjiid jiidka aanan micnaha lahayn.
-
Abiy Axmed Cali has been busy quashing the internal Xabashi opposition in the past year. He is free now from this, it seems and the three amigo summits are back on agenda.
-
Alla Ha Unaxariisto DAUUD ALI MASXAF
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in General
Aamiin. -
Nothing wrong with this. Turkiga has proven themselves inay Soomaaliya maalkooda, dhiigooda iyo xoogooda galiyaan without expecting anything back. Safaaradooda weyn ku taalo degmada C/casiiis haddaa aragtid safaarad la mid ah inay ku taalo Afrika ma moodi. Dhowr marna lug ayaan ku agmaray and it is safest part of Muqdisho. Ditto to Isbitaal Digfeer, a very modern hospital Soomaali kii dhaqaalo heysta iyo kii kaleba loogu adeegaayo, many of them iska bixin karin qiimaha are forgiven their debt. I have visited it many times since a relative of mine lagu qalay isbitaalka, sidaa moodaaye si ka casrisan ayaaba loo qalay. And not to mention that training military base of theirs. Markaa diyaaradda Muqdisho ka dageyso aad saarantahay one can't stop but wonder how much it costed to built and the large land it sits on.
-
Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Dhuusamareeb iyo arrin cusub oo soo korortay Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in kulan deg deg ah la isugu yeeray Xildhibaanada Maamulkaas. Kulankaan ayaa waxaa iclaamiyey Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maxamed Nuur Gacal oo farrin u diray Xildhibaanada maamulkaas iyadoo aan farrinta lasoo raacin ujeedada iyo ajandaha laga hadli doono. In kastoo ajandaha kulanka Maanta ee Baarlamaanka galmudug la isugu yeeray aan la shaacin ayaa haddana Caasimadda Online waxay ogaatay inay ka hadli doonaan Xubnaha guddiga doorashada Galmudug ee muranka uu ka dhashay. Xaalka siyaasadeed ee Galmudug ee ku saleysan doorashada ayaa waxaa hareeyey khilaaf xoogan, waxaana hoggaana Ahlusunna oo diidan sida ay wax u socdaan ay kulamo kala duwna ku leeihiin Xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb. Khilaafka Dowladda iyo Ahlu Sunna ayaa ka bilowday sida loo marayo magacaabista Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha, waxayna Ahlu Sunna dalbatay inuu iyaga ka imaado maadaama dowladda ay horey u keensatay guddoomiyihii guddiga Doorashada Baalrmaanka ee Maamulkaas. Waxaa laga yaabaa in Magaalada Dhuusamareeb ay ka dhacdo laba Doorasho oo ay kala hoggaaminayaan Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe, waxayna dowladda qorsheeneysaa inay adeegsato awood ciidan taasoo ah mid ka baxsan Dastuurka u yaalo maamul Goboleedyada iyo midka Soomaaliya. Xigasho
-
Kenya Defense Forces soldiers hid in the grass
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Kiikuuyada fuleynimo waa lagu ogaa. I guess it is a deadly revelation to Mareykanka. Compare to this attack and Kenyan soldiers cowardice reaction to it to the one against saldhigga Mareykanka ku leeyahay Balidoogle and how valiantly Soomaali soldiers fought against kuwa soo weeraray. Fear and confusion as fighters overran a U.S. airfield The brazen Shabab assault at Manda Bay, Kenya, a sleepy seaside base near the Somali border, on Jan. 5 left three Americans dead, raising complex questions about the military’s mission in Africa. Armed with rifles and explosives, about a dozen Shabab fighters destroyed an American surveillance plane as it was taking off and ignited an hourslong gunfight earlier this month on a sprawling military base in Kenya that houses United States troops. By the time the Shabab were done, portions of the airfield were burning and three Americans were dead. The brazen assault at Manda Bay, a sleepy seaside base near the Somali border, on Jan. 5, was largely overshadowed by the crisis with Iran after the killing of that country’s most important general two days earlier and is only now drawing closer scrutiny from Congress and Pentagon officials. But the storming of an airfield used by the U.S. military so alarmed the Pentagon that it immediately sent about 100 troops from the 101st Airborne Division to establish security at the base. Army Green Berets from Germany were shuttled to Djibouti, the Pentagon’s major hub in Africa, in case the entire base was in danger of being taken by al-Shabab, an East African terrorist group affiliated with al-Qaida. “The assault represented a serious security lapse given how much of a target the base was and its location near the border with Somalia,” said Murithi Mutiga, the International Crisis Group’s Horn of Africa project director, based in Nairobi, Kenya. Many details of the attack remain murky, and the military’s Africa Command has released only scant particulars pending an investigation. But the deaths of the three Americans — one Army soldier and two Pentagon contractors — marked the largest number of U.S. military-related fatalities in Africa since four soldiers were killed in an ambush in Niger in October 2017. The Kenya attack underscores the U.S. military’s limits on the continent, where a lack of intelligence, along with Manda Bay’s reputation as a quiet and unchallenged locale, allowed a lethal attack. The deaths also signify a grim expansion of the campaign waged by the United States against al-Shabab — often confined to Somalia, but in this case spilling over into Kenya despite an escalating U.S. air campaign in the region. Kenya is a new addition to the list of countries where Americans have been killed in combat since the attacks of Sept. 11, 2001, joining Afghanistan, Iraq, Jordan, Libya, Niger, Somalia, Syria and Yemen. The attack is raising new and complex questions about the U.S. military mission on the continent, where more than 5,000 troops serve, especially as the Pentagon weighs the potential withdrawal of hundreds of forces from West Africa to better counter threats from Russia and China. A Pentagon proposal to reduce the U.S. military footprint in Africa drew sharp criticism last week from senior lawmakers of both parties, including Sen. Lindsey Graham, R-S.C., a close adviser to President Donald Trump. This article is based on interviews with a dozen U.S. military officials or other people who have been briefed on the attack. Several spoke on condition of anonymity to discuss aspects of a security failure that is now under investigation. Early on the morning of Jan. 5, Dustin Harrison, 47, and Bruce Triplett, 64, two experienced pilots and contractors with L3 Technologies, a Pentagon contractor that helps conduct surveillance and reconnaissance missions around the world, were taxiing their Beechcraft King Air 350 on Manda Bay’s tarmac. They throttled down their engines, according to one person familiar with the attack. The two men reported that they saw animals darting across the runway. They were wrong. The animals were in fact al-Shabab fighters who had infiltrated the base’s outer perimeter — a poorly defended fence line — before heading to the base’s airstrip. As the twin-propeller Beechcraft, loaded with sensors and video equipment for surveillance, began to taxi, al-Shabab fighters fired a rocket-propelled grenade into the plane, killing Harrison and Triplett. With the plane on fire, a third contractor, badly burned in the rear of the aircraft, crawled out to safety. The al-Shabab fighters were not done. In the ensuing chaos, they made quick work of a significant portion of the U.S. fleet of aircraft — a mix of six surveillance aircraft and medical evacuation helicopters on the ground at the time. The al-Shabab fighters also destroyed a fuel storage area, rendering the airfield next to useless. The attack most likely cost the Pentagon millions of dollars in damages. Spc. Henry Mayfield Jr., 23, of the Army was in a nearby truck acting as an air traffic controller when he was killed in the gunfight, according to a person familiar with the incident. His colleague inside the truck, another American, escaped and hid in the grass to avoid the insurgents. He was found hours later. Manda Bay is at the southern edge of an archipelago of U.S. outposts used in the fight against al-Shabab in East Africa. It took about eight hours to fly the burned contractor to Djibouti for hospital-level care, according to the person familiar with the attack, underscoring a recurring vulnerability for U.S. personnel spread across the continent. Two U.S. service members were also wounded in the attack. - N.Y. Times -
It seems hay'adda Nabadsugida is doing superb job lately, its trained informants are reporting and exposing jiniyadii Barbaarta la shaqeyn jiray. Read on. NISA oo Shabaabnimo u xirtay guddoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenka rugta ganacsiga G/Banaadir Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay galabta xirtay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsiga gobolka Banaadir, oo lagu tuhmayo in ay yihiin Al-Shabaab. Ilo-wareedyo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in baaritaan iyo dabagal ay hay’adda sameysay kadib la xiray guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Xasan, iyo ku-xigeenkiisa Axmed Jimcaale. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in labada qof ee ay NISA xirtay la ogaaday inaysan wax shaqo ah ku lahayn ganacsi, oo aysan ahayn ganacsato, balse ay ahaayeen xubno Al-Shabaab ah, oo Shabaab ay soo magacaabeen, sida ay NISA rumeysan tahay. Xogta aan ka helnay ilo-wareedyada sirdoonka, ayaa sidoo kale sheegeysa in guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdikariim Gabeyre lagu qasbay magacaabista xubnahan kadib markii dil loogu hanjabay. Magacaabista xubnahan ayaa waxaa dhowr maalmood un ka hor shaacisay idaacadda VOA oo sheegtay in kadib markii muddo saddex sano ah la isku mari waayey xilka guddoomiyaha ay ugu dmabeyn soo magacaabeen Al-Shabaab. Arrintan ayaa imaneysa maalmo un kadib markii NISA ay xirtay fanaan Abshir Gaarane Axmed oo muuqaal lasoo duubay ku qirtay inuu yahay Al-Shabaab. Xigasho
-
Greetings from Caare and his new found millions
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Saalax's topic in Politics
Goormuu Xamar ka degaa, Saalax? I am sure sooner than later. -
Turkish professional injineero are literally dying on the streets of Muqdisho while building Soomaali highways. Cadowga trying to keep them leave, but they are not going anywhere. Maanta ayee ka fara dhaqan karaan gacmahooda and move out. But Reer Cismaaniyiin are staying put. Aad ayee u mahadsanyihiin. Shisheeye iyaga dhaamo lama haayo maanta.