Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,714
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    326

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Maareeye: “28 sano ayay Somaliland lahayd siyaasad looga taliyo marfishyada” Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay safarka la hadal hayo inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tagayo magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Wasiir Maareeye ayaa ugu horeyn sheegay inuusan isaga ka war qabin safarkaas la sheegayo inuu Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Magaalada Hargeysa uusana diyaar u aheyn inuu ka hadlo. “Anigu wax war ah kama hayo safarka la leeyahay madxweyne Farmaajo ayaa ku tegayo magaalada Hargeysa, kana hadli mayo,” ayuu yiri Wasiir Maareeye . Wasiir Maareeye oo kasoo jeedo Somaliland, ayaa kula taliyey shacabka halkaas inay ka faa’ideystaan fursadda hor taalo, isla markaasna ay isku dayaan inay la jaan qaadaan isbadalka siyaasadeed ee ka socdo Geeska Africa iyo Beesha Caalamka. “Waxaan kula talinayaa shacabka iyo madaxda Somaliland oo aan anigu kasoo jeedo inay iska daayaan buuqa oo la yimaadaan siyaasad iyo talo ay kula jaanqaadi kartaan isbedelka siyaasadeed, Dhaqaale iyo amni ee ka socda Geeska Afrika iyo adduunka oo haddii aad ka hartaan mar dambe aadan heli doonina fursad aad kula qabsan kartaan, ” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Wasiir Maareeye ayaa is waydiiyey dhibaatada ku jirto in Madaxweyne Farmaajo lagu soo dhaweeyo Hargeysa xataa haddii ay u aqoonsan yihiin inuu yahay madaxweyne wadan daris la ah Somaliland. “Madaxweyne Farmaajo waa qofka ugu mudan ee Hargeysa lagu soo dhaweyn lahaa kaasoo ay dano uga xiran yihiin Somaliland, maxaa diidayo in Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyo Hargeyso sidii loogu soo dhaweyn lahaa madaxda wadamada dariska ee Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti” ayuu yiri Wasiir Maareeye. Wasiir Maareeye ayaa Somaliland ku eedeeyey inay 28 sano isticmaaleyso siyaasad fadhiid ah oo aan Somaliland dhaafsiisneyn. “28 sano ayay Somaliland lahayd hal siyaasad oo fadhiid ah oo marfishyada looga taliyo oo aanay maskaxdu iyo siyaasiyiinta talin,” ayuu yiri Maareeye. Xigasho
  2. As of today, madaxweynaha waala iska bareejeeyey. Aadaada aada.
  3. Fowsiya Yuusuf: Farmaajo ku dhaqaaq go’aanka aad uga dageysid Hargeysa Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka, islamarkaana deegaan doorashadeedu tahay Somaliland ayaa ka hadashay safarka la sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ku tegayo magaalada Hargeysa. Fowsiya oo wareysi gaar ah siisay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegtay inay soo dhoweyneyso ‘safarka Farmaajo’, islamarkaana ay bogaadineyso. Sidoo kale waxa ay sheegtay in tallaabadaan ay tahay mid aad loogu farxo, ka xildhibaan ahaana ay soo dhoweyneyso. “Waxa aan leenahay Madaxweyne Farmaajo ku dhaqaaq go’aanka aad uga dageysid Magaalada Hargeysa, waana ku bogaadinayaa tallaabadaas oo ah runtii wax lagu farxo, diyaarna u noqdo wax waliba uu kala kulmo”. ayey wareysigaan ku tiri Fowsiya. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay soo dhaweyneyso dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ee uu ku doonayo inuu isugu soo dhaweeyo madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamulka Somaliland. Ugu dambeyn Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo mar soo noqotay ra’iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa carabka ku adkeysay in xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka, islamarkaana ka soo jeeda gobollada waqooyi inay Muqdisho u joogaan midnimada iyo israaca Soomaaliya iyo Somaliland. “Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ee deegaan doorashadoodu tahay Somaliland, waxa ay halkaan u joogaan Midnimada iyo in ay Soomaali is raacdo, oo ay dib u hesho sharafteeda iyo karaamadeeda, waynu taageereenaa hab waliba oo lagu gaari karo”. ayey hadalkeeda ku soo gabagabeysay xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan. Safarka la sheegay in Farmaajo iyo Abiy ku tegayaan markii ugu horreysay magaalada Hargeysa ayaa noqday mid aad loo hadal hayo, waxaana ku kala qeybsamay mas’uuliyiinta sar sare ee maamulka Somaliland oo siyaabo kala duwan uga hadlay arrintaasi. Xigasho
  4. Muuse Marqaanweyne Muqayil dhuumasho ayuu ka bixi la yahay maalmihii u dambeeye. Intee ka baxaa meel Alle soo taaganyahay markee Xabashada ku qasbeen in uu magaalada Soomaaliyeed ee Hargeysa madaxweynihiisa ku soo dhaweeyo si qasab ah. Hurdo la'aan iyo marqaan badan ayaa ku dhacday. Reer Hargeysa ‘oo baafinaya’ madaxweyne Muuse Biixi Xisbiga Waddani oo kamid ah xisbiyada mucaaradka Maamulka Somaliland ayaa sheegay in dadka reer Hargeysa ay baadi goobayaan madaxweynaha Maamulkaas Muuse Biixi Cabdi. Barkhad Jaamac Batuun oo ah Afhayeenka Xisbigaas ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu ka dhuumanayo shacabka Somaliland isla markaasna laga rabo inuu caddeeyo tuhunka ka jiro safarka Madaxweyne Farmaajo ee Hargeysa. “Si guud labadii sano ee uu xilka hayey madaxweyne Biixi muuqaal kastoo saxaafadu ka duubto iyo muuqaalkastoo ka hadlo wuxuu ku maagayey Farmaajo, labadii habeen ee u dambeysayna waxay bulshadda Somaliland baafineysaa madaxweynahooda,” ayuu yiri Barkhad Jaamac. Afhayeenka ayaa tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee uu qaaday Madaxweyne Muuse Biixi ku sheegay inay ahaayeen kuwa liddi ku ah jiritaanka iyo dastuurka Somaliland. Afhayeenka Xisbiga Waddani ayaa ugu baaqay Madaxweyne Muuse Biixi inuu si deg deg ah cafis furan u waydiisto Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Somaliland. Hadalkaan kasoo yeeray Afhayeenka Xisbiga Waddani ayaa kusoo aadayo xilli Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan uu sheegay inaysan suurtagal aheyn in uu Madaxweyne Farmaajo uu socdaal ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa. Wasiirka ayaa safarkaasi Farmaajo ee la sheegay inuu ku imanayo Hargeysa ku tilmaamay mid ah ‘Riyo maalmeed’ aan marnaba suurto gal noqon karin. Xigasho
  5. Saalax, madaxweynaha Soomaaliya hadda ka hor wuu tagay gobolka Waqooyi Galbeed, siiba Hargeysa as a prime minister in 2011. Diyaaradda Daallo ayuu saarnaa, rakaabka shacabka ayuuna la saarnaa. Transit ayuu ku ahaa Hargeysa saacad. Waliba gudaha ayuu galay. Secessionists marqaankooda iskaga fadhiyeen, waxee ka warqabeen ma jirin. Eniwey, Muuse Muqayil last time (only time invited then) orod ayuu Adisababa kaga soo noqday markii lagu qasbay in madaxweynahiisa ee Soomaaliya Hargeysa ku soo dhaweeyo. Waa ka soo fikiraa ayuu ku soo marmarsiyooday, Xabashada warkooda si toos uma diidi karee. I guess markaan xoog Xabashada ugu sheegeen. Intee ka baxaa meel Alle ayee ku noqotay Muuse Marqaanweyne.
  6. Lacagtii maa dhamaatay? Horta how is Xabashi relationship with Qadar? I don't keep abreast of Xabashi affairs. Where is Che, hanoo sheegee.
  7. Mudane Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle is the best wasiir Soomaaliya had for decades. I dare say since 1970s. Howlkarnimadiisa iyo xilka adag uu haaye suu ugu soo baxay qof loo dhigo ma jiro. I hope intuu wasiirka yahay in la soo daabaco lacagta cusub ee Shilin Soomaaliga. Imagine wasiirnimadiisa shaqada dalka u haayo ku weyn lahaa in one of those useless dib u socod 'mooshin,' as it happened during his capacity as a foreign minister in 2014.
  8. Maakhiri see camal. No Muslim country recognized it in first year or so. Waxa wada aqoonsaday Bangaladheesh cadowgii Bakistaan iyo dalalkii dariska la ahaa ayee ahaayeen, sida Hindiya, Buutaan (Bhutan), Buurma iyo Nebaal. Kontonka dal u horeeye aqoonsaday hal dal Muslim kuma jirin ka ahayn Sinigal.
  9. Never heard of this dude. As unrecognizable as the mayors of Kismaayo, Baydhabo, Boosaaso, Beledweyne and whatnot. Duq magaalo muu saan ku yahay. Duq degmo iga dheh.
  10. IMF iyo World Bank oo ku dhowaaqay in Soomaaliya ay u qalanto deyn-cafin Guddiga fuinta ee Banka Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa maanta ku dhowaaqay in Soomaaliya ay u qalanto in deynta laga cafiyo. Guddiga ayaa ammaanay dadaallada joogtada ah ee mas’uuliyiinta Soomaaliya ay ku sameynayaan is-beddelo maamul iyo kuwa dhaqaale, xilli ay wajahayaan caqabado dhowr ah. “Guddiga waxay isku raaceen in ayada oo la eegayo qiimeyn horudhac ah, ay Soomaaliya u qalanto caawimaad loo marayo barnaamijka HIPC ee dalalka ay dul-saaran tahay deyn ka tan badan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Banka Adduunka iyo IMF. Qiimeyntan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday cafinta deynta lagu leeyahay Soomaaliya oo gaareysa 5.3 bilyan dollar. “In Soomaaliya laga cafiyo deynta waxay ka caawin kartaa inay hesho kheyraadka ay u baahan tahay si ay sare ugu qaado kobaceeda, islamarkaana u yareyso saboolnimada, taasi oo ahmiyad u leh IMF,” waxaa sidaas tiri agaasimaha IMF Kristalina Georgieva. “Waxaan Soomaaliya ku amaanayaa inay sameysay is-beddelo muhiim ah oo dhiir-gelinaya yareynta saboolnimada, waxaana saaxiibada caalamka uga mahad-celinaya inay naga caawiyeen in Soomaaliya lasoo gaarsiiyo marxaladdan muhiimka ah,” waxaa sidaas yiri madaxweynaha Banka Adduunka David Malpass. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Soomaaliya ay marxaladda kusoo gaartay waqtigii ugu deg degta badnaa. Soomaaliya ayaa hadda waxaa u harsano in barnaamijka SPM Staff-Monitored Program ee lagula socdo nidaamkeeda maaliyadeed lagu dhowaaqo in lagu qancay, taasi oo dhici karta ka hor dhammaadka bisha March. Haddii sidaas ay dhacdo, Soomaaliya waxay gaaraysaa marxaladda loo yaqaan Decision Point, markaasi oo ay u billaaban doonto deynta cafinta. Xigasho
  11. U.S. resumes security funding to Somalia to boost anti-terror efforts The United States said Wednesday it has resumed some direct security assistance to Somalia to help boost counter-terrorism operations in the southern region against al-Shabab militants. The U.S. which suspended food and fuel assistance for most of Somalia's armed forces over corruption concerns in 2017 lauded efforts taken by the government to improve the public financial management of the Somali National Armed Forces (SNAF). "The U.S. resumed providing direct security assistance to a non-mentored unit of the Somali National Armed Forces (SNAF) this week in support of counterterrorism operations in Lower Shabelle against al-Shabab," Washington said in a statement issued in Mogadishu. Washington called on the government to continue prioritizing security sector reforms, including asset management and human resources, as part of the comprehensive effort to build and sustain capable, professional, and accountable security forces. "We commend the steps taken by the Federal Government of Somalia to improve the public financial management of the SNAF as part of ongoing institutional reforms, which give the U.S. increased confidence in accountability mechanisms for donor resources," it said. The U.S. said while these ongoing SNAF reforms are important, it will only continue support to SNAF operations that are focused on defeating terrorist organizations. Xigasho
  12. How many times did this Xaaf dude $$ loo laabay? Ma dhargo miyaa? Xaaf oo lagu qancinayo in uu ka qeyb galo caleemosaarka Axmed Qoorqoor Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay wada-hadal hoose kula jirto Axmed Ducaalle Xaaf, oo weli ku adkaysanaya inuu yahay madaxweynaha Galmudug. Wada-hadalladan oo soo socday dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa la sheegay in ay meel wanaagsan marayaan, islamarkaana ay suurtagal tahay in Xaaf uu ka qeyb galo caleema-saarka madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, haddii lagu heshiiyo. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inay wadahadalkaan ay ka qeyb qaateen ayaga iyo siyaasiin kale, waxaana la sheegayaa in Madaxweyne Xaaf loo balan qaaday lacag boqolaal kun oo dollar ah. Wararka ayaa sheegayaa in laba boqol oo kun oo dollar ay ku bixi doonto xalinta Xaaf halka warar kale ay sheegayaan in ay ka badan tahay. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda la shaaciyo xiliga ay dhaceyso xafladda caleema saarka ah ee Madaxweyne Qoor Qoor, taas oo ay ka qeyb geli doonaan madax badan sida la filayo. Dowladda Soomaaliya ayaa wado dadaalo ay ku soo afjareyso tabashada Xaaf, halka wararku ay sheegayaan in dowladu ay sheegtay in aysan wax wadahadal dambe ah la geli doonin Ahlu-Sunna oo ay ku eedeeyeen in ay qal qal ka abuurayaan Galmudug. Dowladda ayaa la rumeysan yahay inay cadaadis kala kulmeyso dowladda Mareykanka oo dooneysa in Xaaf la qanciyo, six al buuxa loo gaaro. Madaxweyne Xaaf ayaa dhowr jeer heshiis la galay dowladda Soomaaliya hase yeeshee waxaa jirtay in heshiisyadaas markii dambe ay ku dhamaadeen natiijo la’aan, sida uu warbaahinta ka sheegay Madaxweyne Xaaf. Haddii dowladda ay ku guuleysato in Xaaf uu ka qeyb-galo caleemo-saarka, waxay sharciyad weyn siin doontaa Qoor Qoor, oo lagu doortay doorasho ay dowladda afduubatay. Xigasho
  13. It seems madaxweynaha is engaging with xoghayaha Qamarada Midoobay.
  14. Kanada waxee ka mid tahay mid ka mid ah dalalka ugu wanaagsan Soomaalida soo dhaweysay horaantii sagaashameyadii - all thanks to another Liberal prime minister in power then, Mudane Afqalooc, Jean Chrétien and then NDP premier of Ontario, Bob Rae. If those were not in power, I don't know if Soomaalida lagu soo dhaweyn lahaa dalkaan Kanada sida loogu soo dhaweeye.
  15. What is going on with some folks in secessionist gobol? Marna kufsi qaabdaran faafo, marna carruur iyo ilma yar la fara xumeeyo - one of the disgusting, lowest atrocities one can commit in the universe. What a disgusting drug-induced minds of secessionist are capable of committing.
  16. Abiy Axmed Cali ayaa far u fiiqay, uguna yeeray Muuse Marqaanweyne Muqayil. Orod uu ku tagay meesha, even without asking why, a la cunug yar ninac loo taagay. Xabashi sida loogu cabsado, loo caabudo iyo loo ixtiraamo wax la tartami karo ma leh dying marqaan-induced secessionists.
  17. Xildhibaanka Mandhera oo dalbaday in Kenya ay xirto oo ay gacan geliso Janan Xildhibaan Cumar Macallin oo baarlamanka dalka Kenya kasoo galay Bariga Mandhera ayaa dowladda Kenya ugu baaqay inay xirto oo wasiirka amniga Jubaland ay u gacan geliso dowladda Soomaaliya, ama in isaga iyo ciidamadiisa ay ka ceyriso magaalada Mandhera. Cabdirashiid Janan oo 28-kii Janaayo ka baxsaday Muqdisho, ayaa ku sugan magaalada Mandhera, halkaasi oo ciidamo uu ku haysto. “Ma garanayo waxa ay dowladdeena ka faa’iideyso inay gabaad siiso dambiile la doonayo. Ha xirto dambiilahan oo ha dhiibto, ama ha ka ceyriso Mandhera, si ay nabad u ahaato,” ayuu yiri Cumar Macallin, oo horey u ahaa barasaab ku-xigeenka Mandhera. “Waxaan ogahay in wasiir baxsad ah iyo ciidamadiisa ay hadda ka howl-galaan saddex hotel oo ku yaalla Mandhera. Dowladda Kenya waa inay arrintan kala caddeysaa. Maxay arrintan ka faa’iideysaa Mandhera oo hadda la daalaa dhaceysa xasarad waxbarasho,” ayuu yiri xildhibaanka oo la hadlay Daily Nation. Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo xiisad xooggan ay ka taagan tahay magaalada Mandhera ee dalka Kenya, xilli wararka ay sheegayaan in ciidamada Soomaaliya ay isku urursanayaan magaalada xuduudda la leh Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ee Soomaaliya. Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray in xiisadda Mandhera ay salka ku hayso cabsi laga qabo in ciidamada Soomaaliya ay qorsheynayaan inay soo weeraraan hotel ku yaalla magaalada, oo uu degan yahay wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, oo kasoo baxsaday dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa horey uga digtay dowladda Kenya in gabbaad siinta wasiir baxsad ah oo la doonayo ay waxyeeleyn karto xiriirka wanaagsan ee labada dal. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato, una soo wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan). Xigasho
  18. Ka naxoo nafta waa. Soomaali horumarto diidoow silac u baqti. ___________________ Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceed kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Kanada Mudane Justin Trudeau, waxayna ka wada hadleen sidii Soomaaliya iyo Canada ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan oo waxtar u leh labada dal. Kanada waxay martigelisay Soomaali badan oo haatan kaalin mug leh ka qaata horumarka labada dal, waxaana uga mahadcelinaynaa fursadaha nololeed iyo waxbarasho ee ay la garab istaageen markii ay dalkaas tageen.
  19. Canada, Ethiopia starting talks towards investment agreement, says Trudeau Prime Minister Justin Trudeau says Canada and Ethiopia are preparing to start negotiations towards a foreign investment protection agreement. Trudeau is in Addis Ababa to meet with Prime Minister Abiy Ahmed and President Sahle-Work Zewde. He spent more than two hours with Abiy, including more than an hour in a private tour of a new public park and zoo on the grounds of the prime minister’s residence. He also had a working lunch with Zewde at Jubilee Palace. Both meetings are part of Canada’s agenda to secure support from many African nations as it vies for a seat on the powerful United Nations Security Council in June. However, Trudeau says this trip is about more than just the UN and told both Abiy and Zewde he sees immense potential for Canada and Ethiopia to help each other grow. He says that’s why the two nations are about to start working towards an investment agreement. “This visit is a chance for us to take our partnership and our friendship to the next level,” Trudeau said Saturday. “We have an incredible opportunity before us.” FIPAs, as they are often referred to in official circles, encourage investment between two nations. Canada already has at least two dozen FIPAs in place. Ethiopia is not a big economic partner for Canada currently, with just $170 million in two-way trade in 2018, more than three-quarters of it Canadian exports. However, Ethiopia is the fastest growing economy in Africa and one the five fastest in the world. Trudeau also revealed a $10-million contribution to the African Union Commission for gender equality and women’s empowerment. He gave a speech at a breakfast hosted by the African Union and the funds were well-received by the mostly female audience. Trudeau is the first Canadian prime minister to attend an African Union event. The breakfast was a side event to the African Union’s 33rd session in Addis Ababa on Saturday, but many African scholars in Canada say Canada’s efforts to advance its relationships in Africa comes very late in the game. That was a feeling echoed by the head of one of Canada’s biggest challengers for two seats available in the group of countries Canada is in. Norwegian Prime Minister Erna Solberg said Norway and Canada are pursuing African support in similar ways but that Norway has been a steadier partner over the years. “I think one of the differences, of course, is we have been on the steady same path for a very long time, so they know us,” Solberg said. Canada’s economy is larger but Norway proportionately spends more on foreign aid and international efforts, she added. Cabinet ministers accompanying Trudeau insist the relationship with Africa is not last-minute, nor is it solely because Canada needs many of Africa’s 54 votes at the UN to win the seat. There are two seats up for grabs and Canada is vying for them against Norway and Ireland. “It’s not like we were absent and now we are showing up,” said Families Minister Ahmed Hussen. “Nothing could be further from the truth.” Solberg also met with Abiy and Zewde on Saturday. She also was in Ethiopia a year ago when she had talks with Abiy. This is Trudeau’s first visit to Ethiopia. Irish Taoiseach Leo Varadkar visited Ethiopia and met with Abiy in January. Where Abiy’s vote will go at the UN is unknown but he was warm to Trudeau. They spent more than two hours together at a private meeting, an expanded bilateral meeting with officials and ministers from both countries, and the tour at Unity Park. The public park and museum was previously private space and is one of Abiy’s pet projects. At the end of the tour, Abiy and Trudeau had coffee and shared some Ethiopian food, and continued talking for more than 20 minutes. Abiy told Trudeau that Ethiopia is grateful for the diplomatic relationship between the two countries, which began more than 50 years ago. But he added that Canada’s influence actually began much earlier than that with missionaries and Canadian aid dollars. “We are very much grateful about it,” he said. Trudeau told Abiy he is “much more interested” in building economic partnerships going forward. Trudeau also met with African Union Commission chair Moussa Faki Mahamat, Rwandan President Paul Kagame and Ulisses Correia e Silva, the prime minister of Cape Verde. Later on Saturday, he was to attend an African Union panel discussion about the “blue economy” which refers to the use of water bodies for sustainable economic prosperity. - Toronto Star