Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,714
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    326

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. No long term strategy - that is true. Hence the suddenly indebted poor Sacuudis are forced to: Saudi Arabia asks Yemeni officials to leave Saudi authorities have asked Yemeni government officials residing in the capital Riyadh to leave and suspended the financial support provided to them, Arabi21 news site has reported. Since 2015, Saudi Arabia has led a coalition fighting against Yemen's Houthi movement in order to return the internationally recognised government of President Abd Rabbu Mansour Hadi to the capital, Sanaa. Since then, most members of the Yemeni government allied or close to Saudi Arabia have been residing in the cities of Riyadh and Jeddah, at the expense of the Saudi government. A government official, who spoke on condition of anonymity, told Arabi21 that Saudi authorities had informed officials and employees in the Yemeni presidency and the prime minister’s office, in addition to a number of ministries, about this new decision. The same source added that "not all Yemeni officials and employees are accommodated at the expense of the Saudi government", stressing that "most of the government staff live at their own expense". On the nature and tasks of those who have been notified to leave Saudi Arabia and denied financial support, the source explained that the decision targeted officials in the presidency and cabinet, including deputy ministers, in addition to others who had arrived in the kingdom earlier and were hosted in hotels for a short period before being transferred to apartments at the expense of the Saudi government. Read on
  2. Nothing wrong with this. Waa dad rabo reerahooda, shaqadooda u noqdaan. And who are the 'outraged' folks?
  3. Sweden votes to pay Somalia’s IMF debt Sweden’s Parliament voted yesterday to pay 21 million Swedish kronor (approximately 2 million euros) of the African nation of Somalia’s debt to the International Monetary Fund (IMF). The vote was unanimously in favour of the proposition apart from the ten MPs from the Right-wing Sweden Democrats’ delegation, who all voted against it, according to a report by Samhällsnytt. Prior to the vote, Dennis Dioukarev, a Sweden Democrat MP representing Gothenburg, gave an address in which he questioned why the Swedish taxpayers’ assets should be used to pay off Somalia’s debt. The Parliament’s decision was especially strange considering that the world is currently entering the worst economic downturn that it has seen in the last century as a result of the Wuhan coronavirus (COVID-19) pandemic. “Could have gone to pensions, but Somalia is more important than old people who have worked all their lives and paid huge sums in taxes,” one critic of the decision commented on Twitter. The payment will be made by Sweden’s Riksbank, which is the country’s central bank. The proposal submitted to the Swedish Parliament, which was been made available on its official website, justifies the move by claiming that Somalia has been unable to take out new loans from the IMF “for a long time” because the African country hasn’t been making its debt or interest payments. The proposal also says that Somalia’s inability to repay its IMF debt has prevented it from getting access to other forms of aid and loans, which in turn has negatively impacted the country’s economy. Somalis are one of Sweden’s largest immigrant communities. It has been estimated that there are currently 60,000 Somalis living in Sweden, many of them in Rinkeby, a Stockholm suburb which has been dubbed “little Mogadishu.” Last year Mona Walter, a Somali woman living in Sweden who was raised as a Muslim but then rebelled against her upbringing and converted to Christianity, predicted that in fifty years, if present trends continue, Sweden will become fully Islamicized, both demographically and culturally, as previously reported by Voice of Europe. Xigasho
  4. Barlamaanka Sweden oo meel mariyay in 2 Milyan Yuuro ah lagu taageero deynta cafinta Soomaaliya Baarlamaanka Sweden ayaa u codeeyay in Sweden bixiso 2 milyan oo Yuuro oo lagu taageerayo cafinta deynta Soomaaliya uu ku leeyahay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF). Codbixinta ayaa si wada jir ah loogu taageeray soojeedinta marka laga reebo tobanka xildhibaan ee ka tirsan ergada garabka midig ee xisbiga Sverigedemokraterna, kuwaas oo dhamaantood ka soo horjeestay arrintaas, sida lagu sheegay warbixin uu qoray Avpixlat oo barta internetka ee xiriirka dhow la leh xisbiga diidan soogalootiga Sweden. Kahor codbixinta, Dennis Dioukarev, oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ah ee Sweden oo wakiil ka ah magaalada Gothenburg, ayaa su’aal ka keenay sababta ay tahay in loo adeegsado hantida canshuuraha Sweden in lagu bixiyo deynta Soomaaliya. Go'aanka Baarlamaanku wuxuu si gaar ah u tixgeliyay in adduunku uu hadda galayo hoos u dhacii ugu xumaa ee dhaqaale taas oo ay sabab u tahay masiibada cudurka 'Cohannavirus' (COVID-19). Soomaalidu waxay ka mid yihiin bulshooyinka soogalootiga ah ee ugu waaweyn dalka Sweden. Waxaa la qiyaasayaa in ay hada kunool yihiin 300,000 oo Soomaali ah oo kunool Sweden. Inbadan oo kamid ah waxay ku suganyihiin magaalada Rinkeby, oo ah xaafad katirsan Stockholm oo loogu magac daray Muqdisho yar.
  5. Mogadishu, Somalia, 15 May 2020 - Today, the Federal Ministry of Health Somalia has launched its new webpage with integrated new COVID-19 data-monitoring dashboard. The integrated dashboard will allow the public to get access of the latest updates on the covid-19 situation in the country. The dashboard has the capability to track in real-time data about confirmed cases and deaths by Federal Government of Somalia and Federal Member States. It features the breakdown of the confirmed cases by gender and age group while monitoring patient recoveries. The new data monitoring dashboard augments MoH to report accurate, knowledge-based data that informs life-saving decisions and community intervention efforts at a time of unprecedented need. Nomad Innovation Lab has been tremendous partner in rebuilding our website and providing us with data-monitoring dashboard which will help us facilitate highly coordinated and effective response to the pandemic. “We are very proud to partner with the Federal Ministry of Health Somalia and support their national efforts to combat COVID19.” Mohammed Omer, Nomad Innovation Lab. "We are proud to partner with Nomad Innovation Lab, a Somali-led organization, to bring you this website and its integrated COVID-19 data monitoring dashboard. This timely partnership will provide the public with a dashboard that displays real-time information and data on COVID-19 in Somalia” Minister of Health, H.E. Dr. Fawziya Abikar Nur, said. For more resource materials and real-time updates on COVID-19 in Somalia, visit www.moh.gov.so or www.moh.gov.so/en/covid19
  6. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. @Fawziya Abikar Nur ayaa ka warbixiyay xaaladaha cusub ee ka soo kordhay caabuqa #COVID19. Wasiirka waxay xaqiijisay maanta 73 xaaladood oo COVID-19 ah. Maamulka Puntland ayaa laga xaqiijiyay 25 xaaladood, Maamulka Somaliland 19 xaaladood, Maamulka Gobolka Banaadir 17 xaaladood, iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo laga xaqiijiyay 12 xaaladood. Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneyso 1,357 xaaladood, waxaana geeriyooday 2 bukaan halka ay bogsootay 13 bukaan. Wasiirka ayaa bulshada u cadeysay in ay lagama maarmaan tahay in lagu dadaalo xakameenta caabuqaan sii baahayo loona baahanyahay in la raaco talooyinka cafimaadka lagama maarmaanka ah ee looga hortagi karo caabuqa #COVID19, waxeyna ku boorisay in dhammaan bulshada ay isticmaalaan af-xir iyo gacmaha oo si joogta ah loo dhaqdo.
  7. Garoon diyaaradeed fariisin ay ka dhigteen Shabaab iyo xarumo kale oo la weeraray Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado aan la aqoonsan halka laga leeyahay ay duqeymo ka geysteen saacadahii ugu dambeeyay deegaano ka tirsan gobolka. Sida warka lagu helayo, duqeymaha waxaa laga fuliyay goobo ay ka mid yahiin garoonka diyaaradaha magaalada Bu’aale oo la fahamsan yahay iney fariisin weyn ku leeyahiin kooxda Al-Shabaab ee xiriirka dhaw la leh Al-Qaacida. Sidoo kale deegaanada Jiira garoob, Sariiraha iyo Arabow ayaa la sheegaya iney duqeymaha ka dhaceen, waxaana la ogeyn ilaa iyo hadda hadii duqeymahaas ay khasaaro naf iyo maalba geysteen. Mudooyinkii dambe gobolada Jubooyinka waxaa duqeymo dhanka cirka ah ka geysanayay ciidamada Mareykanka kuwaas oo caawinaad ka hela ciidamada Kenya iyo kuweea Soomaalida. Taliska Jubbaland iyo Al-Shabaab qudhooda ayaan ka hadlin duqeymaha la sheegay iney ka dhaceen deegaano dhaca Jubbada Dhexe, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli kooxda Al-Shabaab dhawr dagaalyahan looga dilay hawlgalo laga fuliyay gobolka Shabeelada Hoose.
  8. It just happens to be 15th May today. Toddobaatan iyo toddobo sano ayaa ka soo wareegatay aasaaskii SYL.
  9. Waa wax aad loogu farxo. I hope inay kaxeeyaan duuliyaal Soomaali ah.
  10. What is new than the abuse by Muuse Marqaan jaad la'aan ku dhacday. Qof uu cafinaayo ma jirto eeygaas.
  11. Guddoomiye Filish oo ku dhawaaqay qorsho looga hortagayo faafida Covid-19 Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filsih) ayaa sheegay in maamulka gobolka uu wado qorsho lagula dagaalamayo Cudurka Safmareeka ah ee COVID-9,kaas oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in Magaalada muqdisho ay ka bilaabeen howlgallo lagu buufinayo Xaafadaha iyo wadooyinka qaar si looga hortago faafitaanka Cudurka Coronavirus,dadkana looga badbaadiyo. “Qorshaha lagula dagaalamayo waa in si hagar la’aan ah la isaga kaashado, gaadiidka waa weyn ee Dowladda Hoose waxa ay buufinayaan Degmooyinka, meelaha aan Gaadiidka geli Karin waxaa buufinaya dhalinyaro haamaha suntan xambaarsan si loosoo afjaro faafidda fayruska” ayuu yiri Duqa Muqdisho. Waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay laga guuleysto cudurka Coronavirus oo saameyn taban ku yeeshay Guud ahaan Caalamka, Duqa Muqdisho ayaa soo jeediyay in la qaato tallaabooyinka loo arko in uusan ku gudbi Karin xannuunka. Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filsih) ayaa waxaa uu sheegay xilli xalay uu kormeeray Xaafada Suuq Bacaad oo Maamulka gobolka uu ka waday howlo buufin ah oo looga hortagayo Cudurka.
  12. Tirada wasiiradda Puntland ee laga helay cudurka COVID-19 oo gaaray 4 xubnood Tirada wasiiradda Puntland ee laga helay cudurka Corpnavirus ayaa gaartay 4 xubnood oo dhammaantood kamid ah guddigii loo xilsaaray gurmadka dadkii ku waxyeeloobay daadadkii kusoo rogmaday magaalada Qardho. Labo kamid ah wasiiraddaan ayaa si rasmi ah u shaaciyay in cudurka laga helay halka labo kalena aysan weli xogtooda usoo gudbin bulshada. Waxaa sidoo kale jira xildhibaano iyagana laga helay cudurka oo aan magacyadooda la helin. Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaan Xaaji Siciid, ayaa noqday wasiirka labaad ee shaaciyay in laga helay covdi19, isagoo wareysi lala yeeshay ku sheegay in ay jiraan illaa afar wasiir oo isagu kamid yahay oo cudurka laga helay. Cabdisalaan Xaaji Siciid, wuxuu tilmaamay inuu kasoo qaaday magaalada Qardho halkaas oo ay badi ku sugnaayeen xubnaha guddiga gurmadka, balse wuxuu sheegay markii uu isku arkay calaamadaha xanuunka inuu si degeg ah kusoo aaday Garowe. Waxaa uu sheegay inuu haatan ku karantiilan yahay gurigiisa, islamarkaaan xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay. Waxaa kale oo uu sheegay in dhammaan dadkii ugu dhawaa laga qaaday baaritaanka cudurka. Puntland, cudurka covid19 ayaa gaaray 111 kiisas, afar dhimasho ah iyo 3 bogsasho.
  13. Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay munaasabbada 15-ka May ayaa hambalyo u diray dhallinyarada Soomaaliyeed Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay munaasabadda xusnka 77 sano guuradii kasoo wareegtay aasaaskii ururkii gobanima-doonka ahaa ee SYL ee sababta u ahaa xoriyadda iyo madaxbanaanida Soomalaiya ayaa dhallinyarada Soomaalyeed ku booriyay in tusaale ka dhigtaan tilmaamayaashii wanaagsanaa ee dhallintaasi. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradii ku midoowday ururka SYL ee sababta u noqday xaqiijinta rabitaankii shacabka Soomaaliyeed ee ahaa in dadka Soomaalyeed laga dulqaado heeryadii Gumeysiga ay ahaayeen dhallinyaro ku sifoobay isku Duubni, waddaniyad iyo weliba in ay ka fogaadeen qabyaalad. “Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dadkeenna Soomaaliyeed, jiil walba oo inaga mid ah waxaa waajib ku ah in uu dhaxalsiiyo jiilka xiga xusuustooda, halgankooda, taariikhdooda iyo diiwaanka maamuuskooda.” Waxa uu intaa ku daray in dhallinyarada SYL ay wajaheen caqabado waaweyn ee hortaagnaa ka miradhalinta halgankooda oo ay kamid ahaayeen qorshayaashii gumeysteyaasha ee ku dhisnaa in hab qabiileeysan uu kala qeeybiyay shacabka Soomaalyeed ee walaalaha ah, in bulshada Soomaalyeed lagala dagaalo dhanka waxbarashada iyo dhaqaalaha, islamarkaana la abuuro koox yar oo ku shaqeeysa rabitaanka shisheeyaha. Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay marxalidihii ay sii martay dowladd uu hogaamiyo, isagoo ka sheekeeyay caqabado ka jiray hannaankii dhaqalaaha dalka, deeymo tiro badan oo lagu lahaa dalka iyo xaalado adag oo uu sheegay in ay ku noolaayeen dhallinyaro badan oo Soomaalyee oo qaarkood ku xirxirnaa dalal shisheeye ayaa sheegay in dowladda uu hogaamiyo ay waxbadan ka qabatay arrimahaasi. Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada naf hurnimada leh ee ay bixinayaan halyeeyada Bahda Caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo naftooda iyo noloshoodaba u huray sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19. Xuska sanadkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhallinyarada Soomaaliyeed ay haystaan dhibaatooyin ay kamid yihiin shaqo la'aan iyo weliba in ay dhibaato kala kulmaan dhinacyada hubeeysan ee Soomaaliya kuwaa oo dhallinyarada u adeegsada dano siyaasadeed.
  14. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta #COVID19 oo lagu bogaadiyay horumarka laga gaaray fulinta qorshaha ballaaran ee guddigu u dejiyay hannaanka dalka looga badbaadinayo khattarta safmarka #COVID19.
  15. MADAXWEYNE FARMAAJO OO DHALLINYARADA SOOMAALIYEED U DIRAY FARRIIN KU SAABSAN XUSKA SANNAD-GUURADA 77-AAD EE AAS-AASKII SYL Muqdisho, May 15, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Dhallinyarada Soomaaliyeed u diray Farriin ku saabsan Sannad-guurada 77-aad ee Aas-aaskii Golihii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) ee horseeday xornimada dalka ayaa dul istaagay tilmaamaha furaha u ah guusha ay gaarsiiyeen dalka 13-kaas dhallinyarada ahaa oo baal dahab ah kaga jira sooyaalka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga, waddaniyadda iyo ka fogaanta qabyaaladda ee ay ku sifoobeen halyeeyada SYL ay sabab u noqotay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa taabagalinta dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh ummadaha kale ee dunida. “Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dadkeenna Soomaaliyeed, jiil walba oo inaga mid ah waxaa waajib ku ah in uu dhaxalsiiyo jiilka xiga xusuustooda, halgankooda, taariikhdooda iyo diiwaanka maamuuskooda.” Madaxweynaha ayaa muujiyey caqabadihii waaweynaa ee hortaagnaa riyada Dhallinyarada SYL kuwaas oo ay ka mid ahayd qorshihii Gumeystaha ee ku dhisnaa hab qabiileysan in uu u kala qeybiyo Umaddan walaalaha ah, arrinkaas oo u adeegayey danaha cadawga, iyada oo jahli lagu hayo ummadda, aqoontana loo diido, dhaqaalahana lagala dagaalo, koox yar oo fikirka shisheeye u adeegtana laga dhex sameeyey dadka Soomaaliyeed. “SYL kuma muteysan maamuuskaas kaliya in ay dadka Soomaaliyeed ka dulqaadeen heeryada gumeystaha, una horseedeen gobanimo buuxda, balse waxa ay ku muteysteen in caqabadaha waaweyn iyo jilaafooyinka ay ka soo gudbiyaan halganka dheeraa ee gobanimo-doonka” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dul istaagay xaaladihii adkaa ee ay dhaxashay Dowladda uu hoggaaminayo oo ay ka mid ahayd hannaankii dhaqaale ee aadka u hooseeyey, daymo tiro badan oo culeys ku hayey horumarka dalkeenna, xaalad adag oo ay ku noolaayeen kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo qaarkood ay ku dhibaateysnaayeen xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti ayaa soo bandhigay guulaha taariikhiga ah ee Dowladdu ay ku wajahday caqabadahaas iyo ifafaalaha maanta muuqda. Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada naf hurnimada leh ee ay bixinayaan halyeeyada Bahda Caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo naftooda iyo noloshoodaba u huray sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tusaaleeyey casharka taariikhiga ah ee ku jira midnimada iyo wada jirka ay lahaayeen Xisbiyada ama ururrada Dhallinyaro ee ka kala dhisnaa Gobolada Koonfurta iyo Gobolada Waqooyi ee dalka, kuwaas oo wadaniyad iyo walaaltinimo ku fashiliyey qorshihii Gumeystaha ee kala qeybinta dalkeenna iyo dadkeenna. DHAMMAAD
  16. MADAXWEYNE FARMAAJO OO DHALLINYARADA SOOMAALIYEED U DIRAY FARRIIN KU SAABSAN XUSKA SANNAD-GUURADA 77-AAD EE AAS-AASKII SYL Muqdisho, May 15, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Dhallinyarada Soomaaliyeed u diray Farriin ku saabsan Sannad-guurada 77-aad ee Aas-aaskii Golihii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) ee horseeday xornimada dalka ayaa dul istaagay tilmaamaha furaha u ah guusha ay gaarsiiyeen dalka 13-kaas dhallinyarada ahaa oo baal dahab ah kaga jira sooyaalka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga, waddaniyadda iyo ka fogaanta qabyaaladda ee ay ku sifoobeen halyeeyada SYL ay sabab u noqotay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa taabagalinta dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh ummadaha kale ee dunida. “Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dadkeenna Soomaaliyeed, jiil walba oo inaga mid ah waxaa waajib ku ah in uu dhaxalsiiyo jiilka xiga xusuustooda, halgankooda, taariikhdooda iyo diiwaanka maamuuskooda.” Madaxweynaha ayaa muujiyey caqabadihii waaweynaa ee hortaagnaa riyada Dhallinyarada SYL kuwaas oo ay ka mid ahayd qorshihii Gumeystaha ee ku dhisnaa hab qabiileysan in uu u kala qeybiyo Umaddan walaalaha ah, arrinkaas oo u adeegayey danaha cadawga, iyada oo jahli lagu hayo ummadda, aqoontana loo diido, dhaqaalahana lagala dagaalo, koox yar oo fikirka shisheeye u adeegtana laga dhex sameeyey dadka Soomaaliyeed. “SYL kuma muteysan maamuuskaas kaliya in ay dadka Soomaaliyeed ka dulqaadeen heeryada gumeystaha, una horseedeen gobanimo buuxda, balse waxa ay ku muteysteen in caqabadaha waaweyn iyo jilaafooyinka ay ka soo gudbiyaan halganka dheeraa ee gobanimo-doonka” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dul istaagay xaaladihii adkaa ee ay dhaxashay Dowladda uu hoggaaminayo oo ay ka mid ahayd hannaankii dhaqaale ee aadka u hooseeyey, daymo tiro badan oo culeys ku hayey horumarka dalkeenna, xaalad adag oo ay ku noolaayeen kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo qaarkood ay ku dhibaateysnaayeen xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti ayaa soo bandhigay guulaha taariikhiga ah ee Dowladdu ay ku wajahday caqabadahaas iyo ifafaalaha maanta muuqda. Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada naf hurnimada leh ee ay bixinayaan halyeeyada Bahda Caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo naftooda iyo noloshoodaba u huray sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tusaaleeyey casharka taariikhiga ah ee ku jira midnimada iyo wada jirka ay lahaayeen Xisbiyada ama ururrada Dhallinyaro ee ka kala dhisnaa Gobolada Koonfurta iyo Gobolada Waqooyi ee dalka, kuwaas oo wadaniyad iyo walaaltinimo ku fashiliyey qorshihii Gumeystaha ee kala qeybinta dalkeenna iyo dadkeenna. DHAMMAAD
  17. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Dhallinyarada Soomaaliyeed u diray Farriin ku saabsan Sannad-guurada 77-aad ee Aasaaskii Golihii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) ee horseeday xornimada dalka ayaa dul istaagay tilmaamaha furaha u ah guusha ay gaarsiiyeen dalka 13-kaas dhallinyarada ahaa oo baal dahab ah kaga jira sooyaalka shacabka Soomaaliyeed.