Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,660
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. And another garbage hunqaac poorly written from a dying secessionist ciil u dhimanooyo against Danjire Yamamoto.
  2. The disgraced right-wing neo-con dude the secessionists are desperately paying the little funds they receive from international community in order to lobby is pretending to be mad at Ambassador Yamamoto.
  3. FARMAAJO oo shaaciyey qorshe lagu maamuusayo dhaqaatiirta Soomaaliyeed Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulan uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la qaatay qaar ka mid ah Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee la tacaalaya xakameynta cudurka Coronavirus, oo uu ku shaaciyey qorshe lagu maamuusi doono. Kulankaas oo ahaa mid dhiirra gelin ah ayaa looga hadlay xaaladda caafimaad ee dalka, baahiyaha jira iyo dadaallada socda ee lagu xakameynayo cudurka COVID-19. Kulankan oo ku qabsoomay khadka internetka ayaa Dhakhaatiirtu waxa ay kula wadaageen Madaxweynaha warbixin ku saabsan halista cudurkan safmarka ah, saameynta uu ku yeeshay dalka iyo duruufaha ay ku shaqeynayaan dhakhaatiirta caafimaadka ee ku howlan la tacaalidda cudurkaas. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Dhakhaatiirta, kal-kaaliyeyaasha, adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka dalka dadaallada ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku guuleysanayaan dagaalka ay kula jiraan xakameynta cudurkan, xus iyo Maamuus Qaranna loo sameyn doono halyeeyada Bahda Caafimaadka ee xilligan. “Waxa aad noola mid tihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, si ay cadawga uga difaacaan dalka. Waxaan idiin ka mahad-celinayaa sida halyeeynimada ah, daacadnimadu ku jirto ee habeen iyo maalinba aad ugu soo jeeddaan shacabkiinna iyo sidii aan u xakameyn lahayn halista caafimaad ee cudurkan safmarka ah” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Farmaajo ayaa tilmaamay in mas’uuliyadda ugu weyn ee dalka ay haatan saran tahay Bahda Caafimaadka oo indhiho u ah wakhtigan adag. Waxuuna xoojiyey wal-walka ku aaddan inay yartahay feejignaanta bulshada ee cudurkan iyo halistiisa sii kordheysa, iyada oo la fududaystay talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka. Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee sida naf hurnimada leh habeen iyo maalinba ugu sugan xarumaha karantiilka bukaannada cudurka Coronavirus.
  4. Maafiyadaan Muuse Muqayil ka koow yahay bililiqo ayee ku dhameeyeen waqtigooda. Wey ogyihiin meesha inay waxba ka soo socon, so bililiqada hantida iyo dhulka danta guud ayee si ba'an u wadaan tan iyo sagaashameyadii. XOG laga bixiyey ‘muran dhuleed’ lala xiriiriyey Saylici oo ka taagan BOORAMA Badhasaabka gobolka Awdal, Cabdiraxmaan Axmed Cali oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Boorama, ayaa ka hadlay muran baahsan oo ka taagan dhul la sheegay inuu si xoog ah ku qaadanayo Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici. Badhasaabka ayaa sheegay in dhulkaasi oo ku yaala buurta Faaraxyood ee magaalada Boorama ay yihiin dhul dan-guud ah oo ay ugu deeqeen qolo Hay’add ah oo ka dhisaysa Xarun lagu hayo Agoonta. Sidoo kale waxa uu sheegay Badhasaabku in dadkii ku doodayay dhulkaasi ay is arkeen, balse ay warbaahinta u sheegen wax ay isla ogeyn, kuwaasi oo Madaxweyne kuxigeenka ku eedeyay inuu awood dowladeed kala wareegayo dhulkaasi. Badhasaabka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedahaasi Saylici lagula xiriiriyay dhulkaasi oo maalmihii u dambeeyay uu ka taagna muran xoogani, iyada oo dhawaan ay warbaahinta kasoo muuqdeen qoysas danyar ah oo sheegayey in si qasab ah looga qaadayo dhulkooda. Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa inta badan dhaleeceyn loogu jeediya arrimo la xiriira dhulka, xili ay isasoo tarayaan dad badan oo ku doodaya in dhulkooda ay si xoog ah uga qaadanayaan Madaxda ugu sareysa Somaliland, sida Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici
  5. Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) Lataliyaha Sare ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhambaal u diray dhalinyarada isagoo yiri ‘’ Isbadbaadi oo badbaadi waalidkaa’’ iyada oo macnaheeda tahay inaad naftaada ka taxadartid oo aad iska ilaaliso, badbaadi waalidkaa oo ha noqonin mid u gudbiyo caabuqa waalidkiisa iyadoo keeni karto inaad waalidkaa uu saameeyo cudurka. Sidoo kale wuxuu u diray fariin iskaashatada gaadiidleyda asagoo ku booriyay in ay ka qeyb qaataan xakameynta caabuqa ayna ka dhigaan shuruud in dhamaan rakaabka ay soo qaataan af-xir. Wuxuu sii adkeeyay fatwadii culumada Soomaaliyeed in imaamada masaajidda dhaqangeliyaan maadaama ay aheyd qaab ka mid ah xakameynta faafidda caabuqa. Wuxuu ku daray daryeelka waalidka ama dadka waayeelka ah in ay si gaara loo daryeelo aysan bulshada soo dhaxgelin, hadey dan yeeshaan aysoo xirtaan af-xir dadkana ka fogaadaan.
  6. Dr. Fawziya Abikar Nur, Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ayaa maanta oo ay tahay tariikhdu tahay 11 May 2020, la wadaagtay bulshada xaaladaha ku soo kordhay Dalka ee caabuqa COVID-19. Wasiirka ayaa ku dhawaaqay tirada xaaladaha cusub ee maanta in ay tahay 35 xaaladood oo laga soo xaqiijiyay 3 maamul goboleed oo kala duwan. Gobolka Banaadir ayaa laga xaqiijiyay 24 xaaladood, Maamulka Puntland 8 xaaladood iyo Maamulka Somaliland 3 xaaladood. Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneysa 1089 xaaladood, waxaa geeriyooday 1 bukaan sidoo kale waxaa bogsooday 3 bukaan. Wasiirka ayaa xaqiijisay in aan laga daaleyn ku celcelinta fariimaha wacyigelineed iyo inaan awoodeena u mideyno sidii aan u xakameyn laheyn caabuqa ku sii baahaya bulshada dhaxdeeda. Sidii caadada ahayd wasiirka ayaa bulshada u sharaxday qaababka looga hortago caabuqa sida gacmo dhaqasho joogto ah, yareenta bixidda ama aadista meelaha dadka faraha badan isugu yimaadaan iyo xirashada af-xirka.
  7. Wacyi-gelinta cudurka Corona: Fariin ku socota hooyada nuujineysa ilmaha iyada oo qabta cudurka COVID-19.
  8. Maskiinkaan Yemaniga ah xuu ka rabaa Muuse Marqaan? Only knows how to abuse masaakiinta ku hoos nool. Fanaanka Saalax Carab: Waxaa tacadi xun iyo cunsurinimo la iigu geystay Hargeysa Fanaanka Saalax Carab ayaa sheegay in si cunsurinimo leh loogula dhaqmay Somaliland kadib markii muddo labo todobaad ah uu si sharci darro ah ugu xirnaa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Fannaankaan oo maanta dib u helay xoroyadiisa, ayaa farriin uu maalin kahor xabsiga kasoo diray ku sheegay in loo xiray kadib markii dhawaaan Xamar ay kasoo heeseen isaga iyo fanaaniin kale oo reer Hargeysa ah, balse isaga kaligiis la beegsaday. Waxaa uu tlmaamay intii uu xabsiga ku xirnaa in loo diiday inuu daawo qaato maadaama uu sheegay inuu qabo xanuuno uu kamid yahay Dhiikar. Waxaa sidoo kale uu tilmaamay in loo diiday qareen udooda. “Anigoo fanaan ah oo wax dambi ah aanan galin, ayaa la igu xiray meel lagu xiro tuugada iyo gacan ku dhiiglayaasha ah. Horey looguma xirin fanaan aniga iga horeeyay. Waxaa la igu cunsuriyeeyay waa qabiilkayga, Waxaan ilaaheey ka baryay inuu cadaalad isiiyo,” ayuu yidhi fanaanku. Fanaanka ayaa kamid ah fanaaniinta kasoo jeeda dalka Yemen, balse ku heesa afka Soomaaliga. Wuxuu fankiisa kasoo bilaabay dowlad degaanka Soomaali(da).
  9. Danab oo weeraray goob ay ku shirayeen xubno Shabaab ah iyo saraakiil lagu dilay Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo ciidamada sida gaarka u tababaran Danab ay ka fuliyeen duleedka degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu qaaday deegaanka Carabow oo 50 KM u jira magaaladaasi, gaar ahaan goob uu shir uga socday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab. Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo ah taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarkaasi ay khasaare xoogan ku gaasiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ay gabi ahaan cagta mariyeen goobtii uu shirka ka socday, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu shaaciyey in howlgalkaasi ay ku dileen illaa saddex sarkaal oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana uu midkood ahaa Ajnabi ka soo jeeda dalka Maali, kaas oo uu magaciisa ku soo gaabiyey, Abuu Ayman. Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sidoo kale tilmaamay in labada kale ay yihiin Soomaali, islamarkaana ay dib ka soo sheegi doonaan magacyadooda. Waxa kale oo hoosta ka xariiqay in weerarkan ay ku laayeen dagaalyano kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab, walow uusan shaacin tiradooda. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta dalka Soomaaliya.
  10. The ambassador tells as it is. SAFIIRKA Mareykanka ee Soomaaliya oo shuruud ku xiray mucaawinada Soomaaliland Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Yamamoto ayaa ka hadlay wada-hadalada Soomaaliya & Somaliland, iyo cudurka Coronavirus, isagoona si yaab leh uga jawaabay su’aal laga weydiiyay mucaawinada Mareykanka ee ku aadan Somaliland, maadama ay ku doodo inay tahay dal ka madax-banaan Jamhuuriyada. Safiirka ayaaa sheegay in xiriir wanaagsan kala dhaxeeyay Madaxdii kala duwaneyd ee talada Somaliland iskaga kala dambeeyay, isagoona si dad-ban u xusay in taageerada Mareykanka ee Somaliland ay door muhiima ka ciyaareyso midnimo labada dhinac, midaasi oo uu sheegay inay uga dan leeyihiin sidii ay Soomaaliya u noqon laheyd mid xoogan. Donald Yamamoto ayaa aaminsan in haddii maamulada dalka iyo dowladda federaalku ay si wada-jir ah u shaqeeyan in wax badan lagu talaabsan karo, weliba xiliga adag ee dagaalka lagula jiro cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19. Yamamoto ayaa sidoo kale banaanka soo dhigay rabitaanka Mareykanka ee ku aadan midnimada Soomaaliya, midaasi oo meesha ka saareysa doonista Somaliland oo iyadu muddo 30-sanno ah baadi-goobeysay ictiraaf aan miro-dhalin, iyada oo xiligan ay sareyso xiisada kala dhaxeysa dowladda federaalka. Waxa kale oo uu carabaabay Safiirku in deyn cafinta Soomaaliya iyo la dagaalanka Covid-19 ay qeyb weyn ka qaadan doonaan doorka lagu rabo midnimada, maadama ay laga maarman u tahay in si isku mid ah u wajahaan, iyagoo koox keliya ah oo si wada-jira u wada shaqeynaya. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Yamamoto, ayaa arrimahaasi kaga hadlay shir jaraa’id oo dhawaan ku qabsoomay adeega ZOOM, iyada oo su’aalo kala duwana lagu weydiiyay, wuxuuna yiri “Waxaaan la shaqeeyey Madaxwayne Cigaal, 1998 markii loo dejinayay qaab dhismeed Somalia. Waxaan kadib la shaqeeyey dhamaantood, Rayaale iyo kuwii kale, hadana waxaan la shaqeeyaa Muuse Biixi. Hadda waxa jira dhawr arrimood oo socda. Ta koowaad waxa weeye in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ee Abiy uu martigeliyay kullan dhexmaray Muuse Biixi iyo Madaxwayne Farmaajo, waana bilow aad u fiican”. “Arinka kale waxa weeye in COVID-19 iyo sidoo kale dayn cafintu ay ku qasbayaan Somaliland iyo Somalia iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ah inay wada shaqeeyaan sababta oo ah Somaliland waxa ay sii xoogaysanaysaa marka ay taageero u haysato hamigeeda. Kenya, Itoobiya iyo Jibuuti waa muhiim, balse waxa ay ila tahay marka ay jirto isku duwid iyo iskaashi ka dhexeeya Somaliland iyo dawladda federaalka ah iyo dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah oo u wada shaqaynaya hal mid ah inay noqon doonto mid xooggan”. “Waxa ay ila tahay in arinku sidaas noqon doono. Waxaan arkaa rajo badan oo ay leeyihiin Somaliland iyo Somalia maanta oo ka badan tii aan qabay shalay, bishii hore, sanadkii hore iyo 1998. COVID-19 iyo dayn cafintu waxa ay ku qasbayaan dhamaan dhinacaydu wada-shaqeeyaan. Maraykanku wuu taageersan yahay., waxaanu doonaynaa inaanu aragno taageero buuxda oo la siiyo Somalia iyo Somaliland”. “Waxaanu doonaynaa inaanu aragno taas, waanuna ka shaqayn doonaa sababta oo ah dadka Soomaaliyaa iyo Somaliland ayaa doonaya. anana markaas sidaas ayaanu la rabnaa. Way dhan tahay”. Xigasho
  11. Lataliyaha sare ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) ayaa bulshada u sheegay in Soomaaliya ay soo gashay kaalinta 13aad kala sareynta dalalka Afrika uu sameeyay caabuqa COVID-19 ayna tahay wax laga naxo sare u kaca iyo faafidda uu sameenayo cudurka loona baahanyahay in qof walbaa uu ku dadaalo dhamaan qaababka looga hortagi karo caabuqa iyadoo ay u tahay badbaado naftaada, qoyskaaga iyo dhammaan umadda. Wuxuu sidoo kale baaq udiray dhalinyarada in ay noqdaan badbaadiyaha qaranka iyo badqabka dadweynaha aysan noqon dilaaga daahsoon/qarsoon ay la yimaadaan taxadar iyo foojignaan badan si loo yareeyo baahidda caabuqa.
  12. Maanta oo ay tariikhdu tahay 10 May 2020, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku dhawaaqday xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19, xaaladaha la xaqijiyay ayaa ah 57 xaaladood. Xaaladahaan waxaa lagaso xaqiijiyay 3 kamid ah maamul goboleedyada dalka. Gobolka Banaadir ayaa laga xaqiijiyay 23 xaaladood, Maamulka Somaliland 17 xaaladood iyo Maamulka Puntland 17 xaaladood. Wadarta guud ee xaaladaha caabuqa ayaa ah 1054 xaaladood, waxaa geeriyooday 3 bukaan, waxaana bogsooday 8 bukaan. Wasiirka ayaa bulshada ku adkeesay ahmiyada ay leedahay in lagu dadaalo xakameynta caabuqa maadama ka hortaggu uu ka wanaagsan daweynta, waxaa muhiim ah in lagu dadaalo siyaabaha looga hortago caabuqa maadama ay qatartiisu tahay mid aad badan.
  13. Si heersare ah ayaa loo dhisaayaa. Wey ku hamadsanyihiin dowladda dhexe iyo shirkadda Hormuud.
  14. Waxa Xamar ku soo arkay toddobo bil ka hor is that almost every house's interior wall has bright fluorescent nalal sida luuqyada iyo jidadka kale mugdi u noqon. Marmar waxaaba isleedahay dowladda hoose maa ku qasabtay. I guess the fluorescent lights are energy efficient and hardly cost that much to run.
  15. When is gaalkaan xaarka aan iska dhaqin going to honour the poor Darwiish iyo eheladooda diyaaradahooda ay ku xasuuqeen Sool? Gaalka uraayo gaalkiisa dhintay u daran.
  16. Such as a shame. Markee Beledweyne igu sawir iyo istus tus ka wadaan ee meeshaan ka bilaabaan. Inta yar beesha caalamka laga soo tuugsaday Reer Beledweyne la isku tustusinaa. Also have you seen how that poor lady with Covid-19 symptoms was treated in Hargeysa? No care or concern at all. Her post went viral on Facebook.
  17. Ciidamada Itoobiya oo qirtay inay soo rideen diyaaraddii kusoo dhacday Bardaale Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa qirtay inay toogteen diyaarad xamuul oo ay lahayd Keny, taasoo keentay lix dhimasho ah, sida uu qoray wargeyska caanka ah ee Daily Nation. Warbixin uu soo gudbiyay Taliyaha Qeybta III ee Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ku sugan Bardaale, oo 300km waqooyi-galbeed ka xiga Muqdisho aysan ka warqabin wax duullimaad rayid ah oo soo gala waqtigaas. "Ma jirin wax macluumaad ah oo sheegaya in diyaaradda ay kusii jeeday Bardaale. diyaaradda ayaa ka duushay meel caadi ah oo ay si isdaba joog ah ugu sii dhowaatay dhulka," ayay yiraahdeen ciidamada Itoobiya. Ciidamada ayaa ka shakiyay in diyaaradda ay ahayd mid ismiidaamin ah oo ay dooneysay bartilmaameed si ay u weerarto. Sababtaas awgeed ayay ciidamada Ethiopia u toogteen unasoo rideen diyaaradaan oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Aftican Express Airways. Sheegashaan ayaa timid xilli dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ay iska kaashanayaan baaritaanka sababtii ka dambeysay in ay soo dhacdo diyaaradaan, isniintii todobaadkii hore.
  18. Beesha Caalamka oo Soomaaliya deeq ahaan u siineysa 16 milyan oo doollar Beesha caalamka ayaa ka hadashay dhaqaale Soomaaliya loogu yaboohayo oo gaaraya 16 milyan oo doollar, lacagtaas oo qaar kamid ah loogu tala-galay la dagaallanka xanuunka COVID-19 sida uu sheegay danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto . Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu saxaafadda ugu qabtay khadka Online-ka ah Khamiistii shalay ayaa waxa uu tilmaamay in lacagtaasi ay bixinteeda iska kaashan doonaan beesha caalamka sidii Soomaaliya ay awood ugu heli laheyd maareynta xanuunka Coronavirus. Danjire Yamamoto ayaa intaa ku daray in kaalmadaan ay noqon doonto mid leh laba weji , waatan koowaade in Dowladda Soomaaliya ay kula dagaallanto xanuunka COVID-19 iyo wejiga labaad oo ah in lagu xoojiyo miisaaniyadda dalka maadaama saameyn dhaqaale uu ku yeeshay xanuunkan. “Lacagtaan taageerada ah maaha mid keliya ka imaaneysa Mareykanka ee waxaan la kaashaneynaa dhinacyo kale” ayuu yiri Donald Yamamoto. Waxa uu sidoo kale qeexay in dowladda Mareykanka Soomaaliya ay ku garab istaageyso fududeynta lacagaha amaahda ah ee lagu leeyahay Waddanka, iyadoo la kaashanayo saaxiibada beesha Caalamka iyo Bankiga adduunka iyo hay’adda Lacagta dunida ee IMF. Dhinaca kale wuxuu ka gaabsaday su’aal ay weydiisay HOL oo aheyd “ Mar haddii Soomaaliya dagaalka Al-shabaab uu waqti soconayay , miyaa la gaaray xilligii lala wada fadhiisan lahaa, oo xalka wada hadal lagu raadi lahaa?’ Jawaabta su’aashaas iyo kuwa kel oo ay kamid aheyd “ Mareykanka diyaar ma u yahay bixinta magta dadka rayidka ah oo ay diyaaradihiisa dileen?” waxa uu sheegay in su’aalahaasi uu u celinayo howlgalka Mareykanka ee Afrika {Africom}, waxa uuna sheegay in isaga uusan ka jawaabi Karin. Xigasho