Garaad Bari

Nomads
  • Content Count

    435
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Garaad Bari

  1. Waxaa goor hore oo saaka ah ka qarxay duleedka degmada Buuhoodle gaar ahaan deegaanka Sool-joogto dagaal u dhexeeya ciidamada Khatuumo iyo kuwa maamulka la magac baxay Somaliland. Dagaalkan oo ah mid xoogan ayaa bilowday waxyar kadib wakhtigii salaadda subax, waxaana weerarka soo qaaday ciidamada Somaliland oo iyagu markii horeba ku sugnaa meel aan Sool-joogto sidaas uga sii durugsanayn. Diryanka maadaafiicda iyo dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku ridayaan ayaa laga maqlayaa goobo ka baxsan meesha uu dagaalku ka socdo lamana oga ilaa iyo hadda khasaaraha kala gaaray labada garab ee ay dirirtu u dhexeyso. Wararkii ugu danbeeyey ee Horseed Media ay ka heshay degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa sheegaya in dagaalka oo xiligan u muuqda mid sii xoogeysanayaa uu u fiday dhinaca tuulada Qori-lugud. Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada deegaanku ay gacanta ku dhigeen gaari kuwa dagaalka ee ay Soomaalidu (Cabdi-bilaha) u taqaano ah islamarkaana uu qori (Shilke) ahi saaran yahay. Sool-joogto waxay 30km ka durugsan tahay degmada Buuhoodle waana markii 6-aad ee halkaas uu ka dhaco dagaal u dhexeeya ciidamada taabacsan maamulkii dhowaan Taleex looga dhawaaqay ee Khaatumo iyo kuwa Somaliland oo iyagu rabay ina la wareegaan gacan ku haynta degamda Buuhoodle. Wixii warar ah oo kasoo kordha dagaalka saaka ka qarxay duleedka Buuhoodle ka filo Horseed Media saacadaha soo fool leh. Horseed Media
  2. Allow Ummadan kala qabooji,,, waryaa usheega qoladan landta nabadu waa macaantahay
  3. Dagaalkii xooganaa ayaa sii laba jibaarmey, wuxuuna hada isku bedeley mid gacmaha lasula tegay, Ciidama maamulka Khaatumo State ayaa u eg kuwo si xawli leh ugu siqaya difaacyada kuwa maamulka Hargaysa, ayagoo ugu yaraan afar goobood kala wareegay. Shabakada Horufadhi.com waxay indhaheeda saaraty baabuur nooca dagaalka ah oo uu ku rakiban yahay qoriga loo yaqaano Shilke kaasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada qalabka sida ee maamulka Khaatumo State. Dagaalkan oo bilowday bacda salaada subax ka dib markii ay weerar gaadmo ah soo qaadeen mal;eeshiyaadka Siilaanyo ayaa u eg mid lagaga guulaystey. Ciidamada maamulka Khaatumo ayaa hada u jahaystay dhanka tuulada Qorilugud oo fadhiisin u ah maamulka Hargaysa, ayadoo la sheegay in qax balaadhan ka soconayo Qorilugud.
  4. mallaaaaaa Faroole iyo Caalinna kijinkay ku jiraaaaaaaaaaaaaaaan
  5. Saalax keep hallucinating, the fact is that the 20 years of madness and hallucination is coming to an end and you will be subjugated move with the bigger masses as usual. As being said previously LAANGAAB is always LAANGAAB!
  6. And the president indicated that the Southern pple suffered more than the Northern ones did. The only difference is that they over Came what happened and moved on while brothers in the North are still complaining few incidents that happened way back. Another thing is that pple from Khatumo state and Makhiris don’t share with the cuqdad or hard feelings towards their brothers in the South, so why be part of entity based on hatred and inferiority
  7. Maakhiris will welcome any developments weather it is from p/land or S/land as long as the peace, security and the stability of the region will not be disturbed. But the bottom line is Maakhiris always be in the front line fr defending the unity of Somalia and will never accept any disunity....... that is the reality and their core believe!
  8. Zainab Badawi is a Sudani girl and knows what health from oil can do if misused,,, at the end she prayed for Somalia hoping the dicovery of oil to be blessing ffor somalis rather than curse!
  9. wallee daraawiishta rag igga dheh,,,,, waryaadheheen qoladan land tu saw meesha waxba kumahayaa,,,,,mee ciidankii qaranka ee la sheegaayey,,,,,,,,reer Buuhoodle rag igga dheh
  10. Wararka aanu ka helayno Deegaanka Buuhoodle baa sheegaya in Ciidamadii Somaliland ee saaka Waabarigii Gudaha u Galay degmada Buuhoodle ay dib uga Noqeeen deegaankaasi ka dib Iska Caabin Xoogan oo ay kala Kulmeen dadka deegaankaasi ku dhaqan. Ilo wareed baa sheegaya inay Fadhiisin ka dhigteen Ciidamada Somaliland Meesha lagu Magcaabo Shangala oo 5-Km dhinac Galbeedka ka xigta Magaalada Buuhoodle halkaasi oo ay Rasaas Teel teel ahi wakhtigan ka socoto. Lama sheegin wax Khasaare ah ilaa haatan oo uu dhaliyay dagaalkaasi saaka Aroortii ka curtay degmada Buuhoodle hase ahaatee wariye Madax-banaan oo ku Sugan Goobta Shirka Taleex baa sheegaya in Ciidamo ka Ruqaansadeen degamda Taleex kuwaasi oo Gaadhay Buuhoodle Dagaalkan ayaa yimi ka dib markii shalay ay Idaacadaha BBC-da iyo VOA-da Laamahooda Af-ka Somaliga Iska weerareen Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] Prof Cali Khaliif Galaydh oo ahaa Raisalwasaarihii Hore ee Somaliya kaasi oo Hormuud u ah Shirka Taleex. Bahda- GalGalanews
  11. Wararka aanu ka helayno Deegaanka Buuhoodle baa sheegaya in Ciidamadii Somaliland ee saaka Waabarigii Gudaha u Galay degmada Buuhoodle ay dib uga Noqeeen deegaankaasi ka dib Iska Caabin Xoogan oo ay kala Kulmeen dadka deegaankaasi ku dhaqan. Ilo wareed baa sheegaya inay Fadhiisin ka dhigteen Ciidamada Somaliland Meesha lagu Magcaabo Shangala oo 5-Km dhinac Galbeedka ka xigta Magaalada Buuhoodle halkaasi oo ay Rasaas Teel teel ahi wakhtigan ka socoto. Lama sheegin wax Khasaare ah ilaa haatan oo uu dhaliyay dagaalkaasi saaka Aroortii ka curtay degmada Buuhoodle hase ahaatee wariye Madax-banaan oo ku Sugan Goobta Shirka Taleex baa sheegaya in Ciidamo ka Ruqaansadeen degamda Taleex kuwaasi oo Gaadhay Buuhoodle Dagaalkan ayaa yimi ka dib markii shalay ay Idaacadaha BBC-da iyo VOA-da Laamahooda Af-ka Somaliga Iska weerareen Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] Prof Cali Khaliif Galaydh oo ahaa Raisalwasaarihii Hore ee Somaliya kaasi oo Hormuud u ah Shirka Taleex. Bahda- GalGalanews
  12. Masaakiin ma intaas bay ka ahayd!!! Waryaadheheen waakuwaa daraawiishtii cagta marshey qolyii lanta.
  13. Ciidamada Somaliland oo Buuhoodle laga saaray Waxaa dib mar kale degmada Buuhoodle looga saaray ciidamada Somaliland oo iyagu saacado kahor ganac ku haynteeda dagaal xoogan kula wareegay. Wararkii ugu danbeeyey ee Buuhoodle naga soo gaarey ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay dib magaalada uga bexeen kadib markii ay iska caabin xoogan kala kulmeen ciidamada deegaanka oo dagaal culus kala hortegey. Weriye ku sugan degmada Buuhoodle oo ay Horseed Media khadka Telefoonka kula xiriirtay ayaa xaqiijiyey in ciidamada Somaliland Buuhoodle laga saaray kadib markii ay ka itaal roonadeen ciidamada madaniga ah ee deegaanku. Waxaa dhinaca kale ay wararku nagu soo gaarayaan in ciidamada Somaliland khasaare xoogan oo isugu jira gaadiid dagaal oo laga gubey iyo saraakiil laga laayeyba lasoo gaarsiiyey, inkasta oo warkaasi uu yahay ilaa iyo hada mid aan sugnayn. Wararka dagaalka saaka ka dhacay xarunta gobolka Cayn ee Buuhoodle ayaa marba marka ka danbeysa kusoo dhacaya warqabadka warbaahinta Horseed Media, faah faahin dheeri ah naga filo saacadaha soo fool leh. Horseed Media
  14. General Duke;766677 wrote: Aliyah my dear it's you and other clannish groups who gave Xabsade, Ava aye and axaglatosiye political power and who support them. Every clan has it's own contradictions however the SSC group will be taken serious when they curtail their own men from supporting the secesisonsists. Less calaacal dear and more work. You are doing the same thing and what's getting you angry is the Garowe conferene. Because Adeer Xabsade and Galayr are not big players. Better luck next time. Duke waxaan aad ulla yaabay sidaad inanta ulla guratay, malaa xaafaday habluu ku badnaayeen? sxb intaas waa iga kaftan. Marka hore aan kusaxee qoladan Soomali diidku SOOL bay haystaane Sanaaag ma haystaan, waa marka labaad e Sool Puntland baa laga qabsadee SSC iyo Xagla toosshe lagama qabsan.waxaan kaloo layaabay qabiilkaad Aaliya ku riixaysid, waxaanba moodaayey inaad isku reer ahaydeen mise waxaanan ogayn baad ogtahay. xoraynta Sool reer sool qudha uma taal ee reer p/land oo dhan bay u taal wax caadaqaatayaal sida xaabsade oo kale iyo ficiladuu sameeyey lagu eegi maaha. gebagebadii sxb kor u kac oo meel sare ka hadal xoogaa inay kaa bariiqataad moodaaye. inantana dee waani adeer baad u tahee hadaad yare qoonsatay ha lagurane. Wa Salaams
  15. Odaygu dee cadaalad daru muujiyey qolyii reer S Land maxay ka leeyihiin
  16. This indead good news. may this peace and stability prevail throughout the country. great picz
  17. You guys are forgetting most these kids came to Kenya at a very young age and consider kenya as their own country and hve no any bond or sense of belong to somalia.
  18. Raisal-wasaaraha Somalia Cabdiweli Max'ed Cali ayaa wareysi uu siiyay laanta Af-Soomaalia ee VOA wuxuu ku beeniyay in Somalia ay ka mid ahayd dalalkii ka baxay markii ay socotay khubaddii madaxweynaha Iran ee golaha guud ee QM. Cabdiweli wuxuu sheegay in isaga iyo wafdiga Soomaalida ee uu hoggaaminayay ay goobjoog ahaayeen oo ay dhageysanayeen khudbadda Axmedinejad. Qaar ka tirsan warbaahinta ayaa qoray in dalal gaaraya 30 dal oo ay Somalia ka mid tahay ay ka baxeen khudbaddii uu Axmedinejad taasoo si ay ugu dhaliilo dalalka reer Galbeedka, gaar ahaa Maraykanka. C/weli wuxuu sheegay inay dhici karto in saxaafaddu ay magaca Somalia ku khaldaan magacyada dalalka kale ee kabaxay markii ay socotay khudbadda madaxweynaha Iran. Raisal-wasaare C/weli wuxuu wareysigan uga hadlay kulamadii ka dhacay QM ee looga hadlayay xaaladda siyaasadda iyo abaaraha ee Somalia. Wareysiga oo buuxa qeybta hoose ee qoraalkan ka dhageyso. http://www.voanews.com/somali/news/Cweli-Somalia-kama-bixin-Khudbaddii-Axmedinejad-130552333.html
  19. sxb Shariif Tuke iyo Farmaajo waa xaadhatay,,, oowaliba sidii caruurtii baa loo canaantay,,, waleee wiil wiil u waayey oo shariiif Sakiin wiil u waayey
  20. Faahfaahin Kasoo baxday Shirkii Qarmada Midoobey ee lagu soo Gabagabeeyey Kenya 9 hours ago | 8 comments Shirkii Qaramada Midoobay ay isugu keentay dhinacyada Soomaalida ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Nnairobi ee xarunta wadanka Kenya,waxaana shirkaasi oo looga arinsaday arrimaha Soomaaliya goob jooga ka ahaa sida: 1.Dawladda KMG ah ee Soomaaliya. 2.Puntland. 3.Somaliland. 4.Gal-mudug. 5.Saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay iyo marti sharaf kale. Ka dib markii uu soo afmeermay shirka ayaa Saxaafada waxaa la hadlay ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga,ergayga joogtada ah ee Dawladda Ingiriiska u qaabilsan golaha amaanka Mr Mark Lyall Grant iyo ergayga joogtada ah ee Dawladda Koonfur afrika u qaabilsan golaha amaanka ee Qarmada Midoobey Mr Baso Sanguqu,waxaana Warsaxaafadeed ay si wadajir ah ugu qabteen wadanka Kenya ku sheegeen in shirkaasi kasoo baxeen qodobo ay ugu muhiimsanaayeen: •In madaxda ugu saraysa Dawladda KMG ah ay si deg deg u joojiyaan khilaafka u dhaxeeya ayna iska ilaawaan muddo kordhinta aan waafaqsanayn sharciga loogana baahanyahay in dalka doorasho u diyaariyaan,maadaama wakhtiga Dawladu uu ku eegyahay bisha Augosto. •In hogaamiyaasha Soomaalida looga baahanyahay in ay xooga saaraan sidii ay hubanti uga dhigi lahaayeen in laga gudbo nidaamka Kumeel gaarga ah,loona diyaariyo wadanka doorasho. •In looga baahanyahay dhamaanba dhinacyada Soomaalida in la shaqeeyaan Wakiilka Qarmada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo la sheegay in uu diyaarin doono shir wadatashi ah oo la sheegay in uu ka dhacayo magaalada Muqdisho ayna isugu imaan doonaan qaybaha Soomaalida. •In Soomaalida taladeeda dib loogu celiyo si aayahooda uga tashadaan. Shirka ka dhici doona magaalada Muqdisho ayaa ah shir dhawaan Xukuumada Dawladda KMG ah ee Soomaaliya sheegtay in ay ku qabanayso Muqdisho,waxaana la isku raacday in shirkaasi uu garwadeen uu ka noqdo Mahiga. Waxaa sheegid mudan in marka uu dhamaado shirka wadatashiga ah ee la filayo in Muqdisho ka dhaco in golaha amaanka ee Qaramada Midoobey dib loogu celin doono natiijada rasmiga ah ee kasoo baxda. Lama yaqaan aragtida rasmiga ah ee maamulada ka qaybgalay shirka lagu soo gabagabeeyey Nairobi,Kenya ay ka qabaan natiijada kasoo baxday Shirka. Horseed Media Nairobi,Kenya
  21. Waaaw This is real army,, these soldiers were trained in kenya over two yrs, they well trained n equiped, that is wy they over ran the boyz with the mask
  22. odaygu meel bay kaga dhacday lool,,, kulahaa nin maahee labada kale nama matalaan,,,,oday malaa qadiyada p/land kudhisantahayba mafahansana