gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Xaawo taako kacaanku nama barin ninkii qabay talyaani iyo jarmal ciduu ahaa qabiilkeeda, ilaa iyo hadana shakhsiyan ma"aqaan muhiimna ma"ahan Balse waxaan bartaa dadkii soo halgamay markay snm mucaarado beesha ay kasoo jeedaan. Waa hubaal inay snm juhdi badan ku bixiyeen xataa inay archive ingiriiska wax ka badelaan si ay u tirtiraan ama u xaqiraan taariikhdii soomaaliya si loo wada madoobaado, ama seamen iyo cook loo wada noqdo. Xawo taako waa gabar soomaaliyeed waxaana falaar naaska hoostiisa kaga dhuftay xaqiir u adeegayay gumaystaha. Geerida quruxda badan laysuma ogola nolosha foosha xuna waa faan dunida maanta la joogo.
  2. Xaawo taako talyaanigay dhagaxa u tuuraysay Sayidkuna wadaad waalan kacaaku taariikh u sameeyay buu ahaa. Axmed guray oromo yuu ahaa Hadaad beesha taariikh hore ka wayday maxaad walaalahoo oo dhan u wada aasaysaa? Xaaji xunjuf waan ku raacsanahay shareecadu ma ogola. Hadii maar la dhigana, meeqaamka muqdisho yaa wax loogu qaban doonaa mustaqbalka.
  3. Waa hadal wanaagsan, 30 sano yuu mootan yahay, caqligii ay dayaxa ku aadi lahaayeen ma asagaa lala aasay?
  4. Siyaad barre la'aantiis geed aan ogahay buu hoos fadhiyi lahaa maanta, waxaana la waydiin lahaa intee xabo oo injir ah yaad iska qabatay.
  5. Islaan mooyee uunsi nin ka jawaabi kara ma jiro Dr.haatu Dhaqanka iyo maahmaahyada ragga, jigjiga maad kasoo bararataan intaad xanaaqa iska dayso.
  6. Somaalida Kenya inkastoon aanan aqoon u lahayn,madaxdooda bay ka muuqataa sida ay uga aradan yihiin dhaqanka iyo maah-maahyada ragga u gaarka ah iyo kuwa kale.
  7. Suldaan Ugaas. Macno samayn mayso qiimaynta guriga iyo wax lakala macaashay, Soomaaliya waa dal qani ah, waxaana ku nool dad faqiira jir ahaan iyo maskax ahaanba. Way kala qurux badan tahay, ijaarkii bay safaaradu iska bixin wayday iyo korontadii yaa laga goostay. Almulku lilaah waxdahu, balse waa hanti jiri doonta xukumadaan ka dib, waana sharaf ay soo kordhiyeen oo mudan in loogu mahad naqo Nabad iyo Nolol..
  8. Dadka ay mucaaradayaan dhiig soomaaliyeed ma'aysan soo daadin. Ayagana waxaa lagu abaal mariyay ilaa madaxweyne ilaa senator dhiigii ay soo daadiyeen, waana mida keentay in soomaalidu dadyawga aduunka ugu hoos maraan.
  9. Suldaan Waxaa wanaagsan marka aad wax taxliilinayso ama falanqaynayso inaad xog ogaal u tahay waxa laga hadlayo oo meesha yaala. Kismaayo reer gedo iskama sharaxin, waxa is garab ordaya waa jufada axmed madoobe iyo adeerkood. Farmaajo qabiilayste ma'ahan. Waxaad ku doodaa wuxuu doonayaa nin ay wada shaqayn karaan oo fahmsan nadaamka dhalinyarada iyo sida dawlad buburtay loo kabo. Ama xataa qalooci oo siyaasadee una dhig doorashada soo socota yuu usii ood goosanayaa iwm. Balse farmaajo reer gedo yuu doonayaa inay kismaayo xukumaan waa iska hadalkii adeerkaa faysal waraabe oo kale. Waxaa kuusoo haray Dr.Dani. Waa ganacsade aan dal iyo dad Shaqo ku lahayn, wuxuu ku shaqaynayaa balan qaadkii carabta iyo xoogaa af maris ah ama snm ugu yeerto xaqul-qalam. Carabtu waxay u qaybsataa labo, kuwo ku shaqeeya majaamalo iyo been. Miyaad ii sheegi kartaa wax barbera iyo boosaaso ka qabsoomay aan ka ahayn waa soo soconaa farmaajo ka dib ee la dagaalama dawladda dhexe? kuwo wax un kaa soo gaari karaan sida jid la dhiso safaarad loo gado iyo arimo runtii wax noo galay. Sadaqada hadaad muujiso iyo hadaad qariso labadaba way banaantahay ee wax un ha laga arko imaaraadka. Maxay lacagta qadar bixisay safaarado ugu iibinayaan haday tuugo yihiin? may jasiiro guryo uga dhistaan? Waligaa makusoo martay dad si furan u taakulaynaya dhalin yarada iyo dadka taabalaysan? Farmaajo iyo khayre adigoon iska nicin waxaad fiirisaa dalka ay madaxda ka noqdeen iyo dulqaadkooda. Mar haday agoon madaxa ka salaaxeen waa liibanayaan awoowe.
  10. Dhagaxtuur Maya awoowe Somaaliya wali ma wada dhiman, taas anigaa kuu huba waligaa istaagga ku dadaal yaan fadhi laguugu iman. Ha ku niyad jabin khudbadaha maangaabku ugusii dhiibeen ducaale sayidkiisa. Suldaan Ayeeyo tabar daran oo aan afkeeda laga nabad galayn dhibkeeday leedahay, waana maahmaah wanaagsan oo igu cusub. Arintu isku si nooguma muuqato Ethiopia waa laga nabad galay faragelinteedii, taasna wax la inkiri karo ma'ahan xataa hargaysa bay ka muuqataa si cad ama waadax ah. Arinta kenya Kenya iyo Ethiopia labaduba waa khalad inay arimaha soomaaliya ciidan ahaan uga qayb qaataan sababtoo ah waxaa naga dhaxeeya dad hoos taga maamulkooda oo ay ka heli karaan adeegayaal daacad u ah anagoon towfiiq lahayna khatar badan nagu keeni kara amnigeena qowmiga ah. Waa hore yaan arintaas ka digay fikirkaygii waayadii hore hadaad ila socatay. Tusaale Ethiopia ciidankeedu habayn qudha ma seexan jirin meeshii ONlF lagu sheego, laakiin xag jirka way seexan jireen ayagoo hees u shidantahay waliba. Nimankii sidaa u qadiyadda adkaa waxaa lagu jabiyay isla beeshooda oo ay ka heleen kuwa ilmadu soo dhaafayso jacaylka ay tigreega u hayaan. NFD waa la mid waxaana booskii ina iley ugu jira ducaale iyo madoobe iwm. Waxaa kuusoo haray madaxdii horay usoo maray dalka been kuu sheegi maayee jihadii mucaaradkoodu jiray way daba mareen, maradaana ka dhacday oo aysan markii horaba aqoon sida loo xirto. Mr.Dani waa danayste ama calooshii u shaqayste, wuxuuna la yaabanyahay sheekh shariif oo ay daacad ka tahay in dalka qabiil iyo qori dib loogu celiyo, wuuna ogyahay haday taasu dhacdo usc inay dadka ayaga ugu hormarayso xamar sidii waagii hore bay u camiran tahay waa lagu wada dhanyahay.
  11. Hitler waxaa laga sheegay inuu yiri aduunka waxaan ugu nebcahay nin i raaca anigoo dalkiisa duulaan ku ah Awoowe somaliya diyaarado dagaal maleh oo ay hawadeeda ku difaacato. Waxa lagu difaacayaa waa waraaq iyo qaanuunka dawliga ah hadiiba wax ka shaqayn karaan , waana midda keentay inay kenya ka cararto qaanuunkaas, adeegsatana wax alla wixii xaabo u shidmi kara. Hada kenya waxay doonaysaa inay jabhad ama aag dagaal cusub dawlada uga furto kismayo waana meesha kaliya oo ay is leedahay way kuu hartay. Dagaalka kenya wuxuu ku wajahan yahay somaliya oo dhan dal ahaan iyo dad ahaanba, halka beelaha federaalka iyo gooni goosadku u arkaan dagaal ku wajahan farmaajo.
  12. Diyaarad kenya ka timid oo aysan shaqo ku lahayn dawladda farmaajo siday ayagu hadalka u dhigayaan waa guul usoo hoyatay jamhuuriyadda jubaland. Caano shubku markuu dhamaado kismayo ma waxay hoos tagaysaa Nairobi? Jubaland iyo puntland inay shisheeye ka jecelyihiin qarankooda wax cusub ma'ahan waa taariikh aad u fog. Waxaa igu cusub sida ay reer muqdisho gurceel iyo madaxdii hore uga iibiyeen.!!
  13. Muqdisho guuxa xeebta ku cashee wa nasiib fiican Mr maskiin cid kastaa ma heli karto. Balse waa isoo martay iguma cusba in kastoo wakhtigaasu aad u fogaa allaha idin xafido dhamaantiin.
  14. Learn Iranian religions and what they believe for Sunnis. Do not fall in love very easy percian civilisation and forget caqida, which is very important.
  15. Waa xusbi loo sameeyay inuu dadka ka qosliyo. Lix qofna qadiyadii ingiriis laga gadi waayay bay madoobe kasoo gadayaan, asagana caruurtii oo yurub uga dayacan yuu xal u doonayaa Shakhsiyan waa ninka kaliya oo aan ka dhagaysto siyaasiyiinta waqooyiga, hadalkiisa qaybta xun haduu ku bilaabo haka tagin laga yaabaa inuu wax sax ah kusoo xiro.
  16. gooni

    No comment

    Waxay ka shireen sidaan filayo meeqaamka kismayo mar haduu kii xamar adkaaday.
  17. Geed aan horaantiisii si fiican u bixin waynaan laguma harsado.
  18. Bisadaha jooga hargaysa iyo kuwa Switzerland jooga waa isku xaquuq labadaba ciidan ilaaliya bay leeyihiin waa la gartay. Balse qaraxa muqdisho iyo bisadaha hargaysa maxaa iska galay? Ma wuxuu leeyahay qaraxii NATO ka adkaan wayday markaan meel iska dhignay yaan bisadihii usoo jeesanay? Waxaan maqlay geedka qaatka oo somaalidu cunto daawo khaldan yaa lagu koriyaa.
  19. Waan gartay galbeedi arinta aad sheegtayna waa sax. Farmaajo labo arimood oo muhiim ah yuu kaga hormaray madaxdii ka horaysay waana mida keentay inay lumiyaan sumacadoodii hadiiba ay xoogaa haysteen. Tan koowaad wuxuu diiday madax is garab ordaysa waana arin u wanaagsan madaxda mustaqbalka iyo kala dambaynta dawladnimo. Tan labaad oo muhiimka ah waa kalsoonida uu ku qabo khayre oo ka firfircoon uu u ogaalado inuu shaqadiisa guto barlamaanka iyo dawladana isku ilaaliyo halka kuwii hore ay isku diri jureen. Hadaba dawladaan waxaa meeshii baarlamaanka u galay maamulka puntland iyo jubaland oo shisheeye ku daaban khatarna ku ah aminiga qowmiyadoo dhan Madaxdeenii hore waa iska dameeru dhaan raacday wax lakala maacashayo war uma hayaan Haday siyaasad wax un ka garanayaan farmaajo bay taageeri lahaayeen balse nasiib daro 30 sanoo burbur dhan kastaa yaa nasoo maray.
  20. Haduusan farmaajo qaabilin kornaylka snm miyay amaani lahayd ? Caydiid reerkiisuu mujaahid u yahay Biixi reerkiisuu mujaahid u yahay C/laahi yuusuf reerkiisuu mujaahid u yahay Waana ragii somaali kala firdhiyay Tuke waa mujaahidka xaqa ah, oo dalkiisa iyo dadkiisa difaacayay in la qaabilo oo waliba jaamacadda laascaanood loogu magac daro yuu istaahilaa. Markaan xaqa leeyahay iskama oran, waydii sababta snm ay ka dagaalantay waligaa sabab sax ah ka heli maysid, sidaa daraadeed dagaalkoodu xaqdaro yuu ahaa inkaartii ay ka qaadeena waxay keentay inay sodon sano ku kalahaan guriga boqoradda ingiriiska ama raadoyaan lowyaro yahuuda si ay dadka u dhibaan.
  21. Caruurta ku dhalata miyiga wax ha la baro been idiin sheegi maayee dadka wax galka ah badankoodu waxay ku dhasheen miyi Ciyaarta, cabsida, dhaxanta, gaajada, agoon-nimada, intuba waxay dhistaa dadnimada iyo adaygga qof ahaaneed. Hadii qol TV loo dhigo jalaatana firinjiyeerka loo galiyo wax badan oo dadnimaa yaa ka lumaya si kasta hadii wax loo baro. Sheekha ilaahay baa xafiday khatar buu galay.
  22. Anigu waxaan ka fiiriyay dhanka dhaqanka soomaalida kaliya runtii waligay ma arag nin gabar dhar ay xirantahay rag lasoo dhex istaaga ama marwo qaran ha ahaato ama hooyo kale ha noqotee. Waxaa fiicnayd inuu mowduucaan barwaaqo u diro haduu ka maarmi waayay. Suldaanku waa nin nagu qaali ah oo kasoo jeeda dad dhaqan fiican waana waajib in lala sheekaysto.
  23. Hooyada qaranka haday noqoto dumarnimadii maka baxday? War ninyahaw sida isu dhaan oo aqoontaada nooga faa'iidee gabdhaha faraha ka qaad wixii cajabiya ha xirteene.
  24. Mushkiladda ugu wayn oo qurbaha laga dhaxlay raggii iyo dumarkii isku cod bay noqdeen iyo isku dhaqan. Waligay umasoo joogin mana maqal rag ka hadlaya dumar iyo dhar xirashadiis.!