gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Fiqi asagaa caga cad adeer. Wuxuuna ka yimid federaal aan qaanuunka ku meel gaarka ah waafaqsanayn oo gobol iyo bar laga sameeyay. Sidaas ay tahayna ama hobyo haku shiraan ama cadaado orod haku yimaadaane muwaafaqo loo aayo keeni maayaan Waxaan qabaa haday sadex isbaaro qaadaan waa guul wayn oo soomaali usoo hoyatay. Ama ay isla ogolaadaan teendhadii odoyaashu ku shiri lahaayeen meeshii laga dhisi lahaa, si mar sadexaad loo sameeyo maamul ku meel gaara oo gal-mudug yeelato. Axmad madoobe nin kastoo kabihiisa ku fariista si aan loo arkin miciin yuu moodayaa sida muuqata waa naf la caari.
  2. Wuxu ugu doontay sidaan filayo inaysan soomaalidu is dlilin. Adeer axmed ma fiqi yaa badbaadinaya aragtidaada mise kenya?
  3. Acmaasha ama camalku wuxuu u qaybsamaa labo Mid badani ah oo jirka laga sameeyo sida waysada salaadda iwm Iyo mid maadi ah ama dhaqaale sida xajka sadaqada sakada iwm Ilaahay wuxuu yiri kacbada waxaa iiga qiimo badan in qof muslin ah dulum lagu dilo Hogaamiyaasha soomaalidu ayagoo gacmaha dhiig ku wata ana markaasba uu socdo bay kacbada isku feera qaawiyaan mana aha wax sax ah. Towbadu waa furan tahay shardiga kaliya oo looga baahanyahay qofka towbad keena waa inuu ka shalaayo mar waba wixii uu dambi soo galay dibna uusan ugu noqon.
  4. Gal-mudug waxay ku heshiin wayday madaxweynihii caasimadii iyo meeshuu baarlamaanku ku shaqayn lahaa waana gobolkii lagasoo doortay fiqi See ku dhici kartaa inuu madoobe ugusoo gurnado? Muxuu xaaf ugu gurman waayay?
  5. Allaha u naxariisto Xataa aanada qabiilka dhaqankii way ka lumiyeen iyo sidii aanada ll samayn jiray. Hadaad maqasho waa labo beelood oo walaalo ah waa marka ay iskusii dirayaan munaafaqnimaa ku jirta, walaalo isma dilaan. Waagii hore qabiili baan isu haystay aniga qudhaydu laandheere ah oo aan cid agtiisa qori ka jabsan karta aysan jirin ilaa aakhirkii aan jufadaydii naftaydii ka fogeeyay. War qabiil faa'iido ma leh isku aqoonsada macnaheedu waa Civil ID ee isaga taga lagama karo. Culumadu reerkooda qalbigay kala socdaan ayagoo salaad ku jira. Wariyaha reer waqooyiga markuu waraysanayo reerkiisa ay wax kala gaareen wuxuu oranayaa markuu masuulkooda waraysanayo oo iminka dadkii dhibka gaystay malagu raad joogaa?! Markuu koonfurta wax ka dhacay waraysanayo wuxuu oranayaa soo lama odhan karo inaad shaqadiina ku fashilanteen oo aad dadka iska dhex taagan tihiin?!! Waa umad qabyaalad waashay oo liita. Allha qalbigooda mideeyo waa duco fiican Allaha khaatumadooda suubiyana sidoo kale.
  6. Dagaalku waa dagaal maskaxdaa qori shaqo kuma leh. Maskaxda soomaaliduna sida la sheegay way ka yar tahay tan bini-aadamka kale qaarna qabiilaysi bay ku shubeen qaarna xag-jirnimo xaqiiqdiina farqiga u dhexeeya way muuqataa.
  7. Waxaan jeclaan lahaa inaan dhiibto aragtidayda ku aadan qalbi dhagax Soomaalidu waxay tiraahdaa awalba anoo ooyi rabay yaa sac saynta igu dhuftay. Farnaajo wadanka loo dhiibay wuxuu ahaa fowdo amaankoo dhan uusan gacantiisa ku jirin difaaci maayo shakhsi ahaantiisa balse dhaqankeenu ilaà iyo hadda waa lawada taliyaa waa la is dilaa waa lays kufsadaa ficil kasta dawlad ka masuul noqon karto nooma dhalan wali. Su'aasha saxdaa waxaa weeyaan oo dadkoo dhan ku qanci karo aaway qadiyadii boqolaalka kun usoo dhinteen ayadana ma farmaajaa dhiibay? Soo kuwaan jeelasha cusub dhisanaya ma'ahan dadkii oohinta naga dhameeyay si mustaqbalka loogusoo xiro.
  8. Stopping Kenya is a National Responsibility Faisal Roble The Kenya motion introduced by Mr. Duale, a Kenyan of Somali origin, is a member of that country's legislators. The motion comes short of a declaration of state hostility against the Federal Republic of Somalia. To do so, it rehashes past historical and political differences between the two countries and hankers back to 1963, when the Somalis under the then new Republic of Kenya demanded their freedom so that they could join their brothers in the nascent republic of Somalia. The motion also expresses Keyan's oversize role in the AU and IGAD, two regional organizations that have sway over Somalia. Since 1963, a lot of things in the world changed, most importantly the failed state of the first Somali republic on the one hand, and the economic expansion of Kenya, on the other. Forward to 2010, Keyna acted as if it played a brotherly neighborly role to Somalia, while in reality it secrately partook in the stagnation of the rebirth of Somalia. Arab Moi, former President of Kenya, said in an interview in DC that his country has been sabotaging Somalia. Kenya always tried to exploit Somalia's dishevelled leadership. Case in point is the now infamous MOA that triggered the Kenyan-Somali maritime dispute Somalia and Kenya never had an official maritime demarcation. That is common in the world. However the disputed triangular shaped swath of the sea on the edge of the two neighbors that is rich in oil has been in dispute since the 1970s. It is recalled both countries decided to go to ICJ. In anticipation of its potential legal loss, Kenya stated to antagonize, sabotage, and intimidate Somalia in more than one way. The latest action of intimidation Kenya engaged in is beating the drums for hostility. While Somalia behaves as the mature and civilized neighbor, Kenya acts like a bully with bigger canons and guns. The motion that said was introduced by a Kenya-born Somalai is a call for hostility against Somalia. I am with my Presidnet M. A. Farmajo on this issue. If need be, we will agitate for defence of father land. Politics is temporal and National land is permanent and perennial. Let us look at all options for Somalia.
  9. Shirkooda jaraa'id waxaa la rabay inay dawlada ugu dacwoodaan sidatan. Soomaalidu waa dad daruufaysan waxayna istaahilaan diyaarado daruufaysan looma baahna inay kala doortaan diyaarado caalami ah oo ay ku kala doortaan xoriyadooda sida caalamka kale u noolyahay oo kale. Diyaaradahoodu waxay ahaayeen kuwo aan sicirku is dhiman xilli kasta, kii lacag haysta iyo kii aan haysana isku kursi bay fariisiyaan. Hadii aad dad ka taqaan shaqaalaha boorsadaada lagaa reebi maayo hadii kalena usbuuca dambe yaa dubai lagasoo rarayaa sababtoo ah boorsooyinkii dakii usbuucii hore yaa la rarayaa Anigu waxaan qabaa inay ceeb ku tahay inay dadka soo hor istaagaan ayagoo muwaadiniin sheeganaya oo kalyaha ka cayilay. Waxaan akhriyay 180 comment oo dad kala duwan ka bixiyay shirkooda hal qof oo u garaabay kuma jirin.
  10. Madoobe haduu dadka la tartamaya caburinta iyo caga juglaynta ka dayn lahaa Odoyaasha kala sooca iyo wax is daba marinta, laaluushka joojin lahaa Fedaraalka meel dhexe ugu tagi lahaa Amxaar salaan kuma boobeen asagoo hoos fiirinaya aragtidayda. Soomaaliya waa dal burburay oo daciif ah qab aadan xaq u lahayn laguma dhaanteeyo.
  11. Tilaabo Reer banuu-haashim ayagaa laga rabaa inay is nabad geliyaan oo aysan dhiigooda xalaalaysan oo wixii ka dhaxeeya ka heshiiyaan. Nimankaan Ssc hadaad ka maqasho areyga dawladda somaliland waa maxaabiis. Shaqada la qabto waxay u qaybsantaa sadex Mid qofku ilaahay u shaqeeyo sida tabliiqa Mid qofku bariiskiisa iyo kan caruurta uu ku doono Mid loo diro maxaabiis oo loo tilmaamo wixii ay qaban lahaayeen. Nimankaan waa maxaabiis lamana sheegin maxaabiis amar siinaysa cidii soo xiratay.
  12. Waxaan maqlay hada ka hor waxaa dagaalamay labo jufo oo reer dhagax-buur ah. Maalintii dambe yaa jufo ka mida kuwii colaadu u dhaxaysay qabatay nin jufadii kale ah, balse way garan waayeen waxay waydiiyeen cidiisa wuxuu u sheegtay sh'ikhaal culumo ah. Mid colkii ka mid ah yaa waran wadnaha uga dhuftay oo yiri kuwaanaaba nooga daran isaga kaana dhex jira. Markii naftu kasii baxaysay buu yiri bal in aniga iyo awoowgay la gubay maxaan u sheegtay shkhaal maba ahayne. Iminka reer laas caanood iyo reer laas qoray hadaan cid u yeeratayba jirin maxay sh'khaal u sheeganayaan?
  13. Naxariistii jano allaha ka waraabiyo geeri ka fiican ma jirto adigoo dalkaaga iyo dadkaaga u adeegaya.
  14. Waxaan uga markhaati kacayaa Mr.mahdi inuu xogta dhalinyarada iyo wax garadka labada hayo Dhowr goobood oo aan kula kulmay akhyaar hargaysa sheekh iyo bebera anigaa ugu duceeyay in la aqoonsado si aan u calool baarto waxayna iigu jawaabeen war maad noogu ducaysid in ilaahay quluubteena mideeyo. Balse meesha waxaa jooga maamul ku badbaada kala qaybsanaanta quluubta dadka walaalaha ah oo aan in yar qoraxda taagnaan karin sunta ka buuxda darteed.
  15. Ninkaan waa saciim codkar ah wuu ogyahay in loo baahan yahay in biraha daxalaystay lagu badelo kuwo cusub.
  16. Islaantaan allaha soo hadeeyo 20 jirkeedii iyo 70 jirkeedii way isu dhaqan egtahay. Waxay kasoo horjeedaan xag jirka snm, ingiriis yaa gumaystay gobolada waqooyi sababtoo waxay aaminsanyihiin inay ingriiska wada dhasheen Protected by British ama (محميةبريطاني) macnaheedu waa nala ilaalin jiray ee nalama gumaysan. Ingriisku wuxuu ilaalin jiray ugaadha iyo kaymaha ay ku noolyihiin gorillaha dalalka aduunkoo dhana wuu soo gumaystay. Arintaasu waxay keentay inay diidaan 26ka Jun oo ahayd maalintay xoreebeen ayagoo ka jeclaaday inay adeegsadaan waa nala xanaanayn jiray. Ingriisku waa ogyahay inuu kula dagaalamay waqooyiga soomaaliya diyaarado kuna waayay saraakiil magac làhaa berigaas.
  17. Suladaan مصائب قوم عند قوم فوائد Somaliya waxaa ugu wayn oo lacagta laga sameeyo waa fawdada qudheeda See looga sameeyaa weeyaan su'aashu? Kow hadii aad doonayso inaad yutube lacag ka samayso afkaaga maal tolka iyo macaamiisha fawdadana please subscribe ii saara dheh ama share gareeya walaalayaal. Hadii aad doonayso inaad gawaarida ka samayso keen baabuur labada dhinacba steering wheel ku leh midig iyo bidix Kuwa bidixdà ka socda hargaysa ka iibi kuwa midigta ka socdana koonfurta ka iibi Macnaha is daba mari hargaysana talyaani ka dhig koonfurtana ingiriis. Tayada gawaaridana waxaa u xil saaran isla ganacsadihii kèenay Hadii aad doonayso inaad "daawada" ka samayso lacag qolofta kaabsolka ka dalbo shiinaha "bur" ama daqiiqna ku cabbee adiģoo pharmacy'gana u qaybi Dahabshiil wuxuu ka mid yahay dadkii ka faa'iidaystay fowdada macaamiishiisuna waa dad daalan oo aan dawlad lahayn 30 sano. Baabuur cusub oo qaali ah dadku ma iibsan ķaro haduusan wadanku markiisa horaba fursado shaqo lahayn. Ganacsatada fiican waxay ku fekeraan inay lacag ka sameeyaan baahida dadka sida biyo ay cabaan, ceelal, beero ay quutaan oo suuq gayn leh iwm Laakiin haday dhawr wan oo cayilay subag ay cabaàn u keenaan waa is tus iyo bitibiti aan macno lahayn Hotelka qaaliga gidaarkiisa waxaa jiifa wiil 18 jir ah oo rafaadsan.
  18. Sida turjumaanku u khalday, bay anagana walaalaheen somali galbeed noo khaldaan. Marna waa gobonimo doon soomaali ah marna waa itoobiyaan dhalad ah.
  19. Warshadii samayn lahayd markuu wadooyinka baaba'san maro ma la socotaa? Soomaalidu ayagoo kulayl iyo haraad u dhimanaya, bay buste soo iibsataa!
  20. Allaha u naxariisto intii dhimatay kuwa kalana alaha buskeeyo Suldaan Dadka qaar waxay leeyihiin camiil farmaajo u adeega yuu ahaa yariisow iyo masuuliyiinta kaleba Qaar kale oo aad ka mid tahayna waxay leeyihiin nin soo baxay buu ahaa farmaajaana ka dambeeyay qarixiisa Qaar waxay leeyihiin xagjirku dadkoo dhan waa u gaalo mana kala jecla haybtooda iyo waxa loogu yeero dadka wax galka ah 'DANNi" ama wax kaa dahsoon, haku aakhiro seegin, snm dhiig takfiiri daadiyay aqoonsi u keeni maayo taas waligaa ha sugin, intii dhimatay in ka badan yaa xalay iyo habeen hore dhalatay (الدنيا عزاء وافراح)
  21. Adeer farmaajo iyo khadar mowduucu ma'ahan Mowduucu waa dad lagu kalsoonaan karo oo aan xaraanta quudan, oo culimo iyo wax garad u badan, yaa wasiirka kowaad ka codsaday inuu shacabkaa quruxda badan oo ugu gurmashada badan walaalahood, markii wakhti adag la galo, kala qayb qaato dhismaha wadada boosaaso iyo garoonka ciyaaraha gaalkacyo. labadana jeebkuu gacanta geliyay wixii karaankiis ah waa qaaraan qof walbaa ka qayb noqon karo Waxayna ka mid tahay barnaamijka isxilqaan oo madaxweyne farmaajo ku dhawaaqay allaha noo xafidee.
  22. Wax maxkamad la yiraahdo ma jirto awoowe Waa iidheh ay maamul ahaan lugo uga dhiganayaan. Nimankanu waa culumo iyo dad maamuus ku dhex mujtamaca puntland. Puntland markii la fasiro maamulkeeda waa jufo is taqaan oo sii kala jufaysan nin xero taraari kara kuma jiro.
  23. Farqiga u dhaxeeya labadan dal oo khaliijka waa cad yahay wax lagu wareero ma'aha. Aragtidayda Qatar waxay tarayso somaaliya saxaafadaa wax ka og, toosna uma maamusho, qarsoodi ma'ahan haday noqoto taakulaynta ciidanka iyo dhismaha asaasiga ah sida wadooyinka iwm. Halka imaaraadku uu jecel yahay inuu helo meel fowdo ka jirto si uu u abuurto dawlad asagu maamulo, oo xataa ciidanka asagu toos mushaar u siiyo, iyo siyaasiyiin uu ku dhex talaalo baarlamaanka inkastoo nasiib wanaag uu xushay kuwo aan caqli badnayn. Meelaha nabadu ka jirto sida dhulka snm ka taliso iyo gobolka bari ilaa iyo hadda imaaraadku wuxuu ka wadaa qawda naqashii waxna ha u qaban sababtoo ah fowdo ma'ahan. Qatar dano la'aan ma aha mana jiro dal fii sabiili laahi dal kale wax ugu qabta laakiin fara gelin muuqata oo la sawiri karo ma yaalo meesha. Telefonkaan wax naga khuseeya ma jiro ideology ama fikirka soomaalida lagu laynayo asllkiisu carabi buu ku qornaa soomaalida ayagaa laga rabaa inay turubka iska baandheeyaan.