Caano_Geel

Nomad
  • Content Count

    625
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Caano_Geel

  1. ''He who laughs last didn't get it''
  2. ''Nin ku yidhi, sinaan mayno, adna diid sarayn-tiisa, sadka waad wadaagtaane ma sagaashan baa tiisu'' (Hadraawi) ''Waxaan ahay qadhaadh iyo macaan meel ku wada yaala'' (Qaasim) ''Tanna laga tag, aakhirana waa loo tigsanayaaye, ninkii talo i waydiinayaw, toobada ha seegin'' (Unknown)
  3. Shuun gabadh magaceed way noqon kartaa, dumar qaar ayaa shuun la dhahaa.
  4. That's not true bro Reer waqooyi say, Shiciiro ama Bisqinyo
  5. Waagii Ingiriisku ka talinaayey dalka ayaa oday reer Ceerigaabo ahaa oo la odhan jiray Axmed Dheere ayaa carruur yar yar u keeni jiray si uu sadaqo ugu weydiiyo District Commissioner (DC), ama ninkii degmada ka talinaayay ee Ingiriiska ahaa. Inta badan odaygan Axmed Dheere wuxuu gaalka ku odhan jiray; "These children, no mother, no father" oo la micno ah "Carruurtani hooyo iyo Aabo ma jirto" oo iska ah Ingiriisku uu iska yara jajabsanaayey laakiin uu gaalku ku fahmi jiray, halkaasi waxoogaa shaxaad ah odayga u noqon jirtay. Haddaba maalintii danbe ayaa nin soo raac raaci jiray oo ay saaxiib ahaayeen oo Cilleeya la odhan jiray baa isaguna intuu ciyaal kale soo kaxaystay isla gaalkii degmada Ceerigaabo haystay ku shaxaadayaa isagoo isticmaalaya kelmadihii uu Axmed Dheere odhan jiray ee "These children, no mother, no father", oo ahayd carruurtani waa bilaa hooyo iyo aabbo. Haddaba niman maqlaayey ninkan Cilleeye ayaa ninkii Axmed Dheere u sheegaya inuu kelmadahiisii isticmaalay oo uu gaalka waxoogaa kaga qaatay. Ninkii Axmed Dheere ayaa ninkii Cilleeye intuu ka daba tegay bud madaxa kaga dhuftay. Labadii nin baa loo gar naqay oo ninkii Axmed Dheere baa la weydiiyey sababta uu madaxa ugaga dhuftay budka ninkan saaxiibkii ee Cilleeye. Xaggii wax kale laga sugaayey ayuu odaygii Axmed Dheere odhanayaa; " waar adeer Ingiriisku wuu faro badan yahee, maxaa daba dhigay isaga labada kelmadood een wax ku shaxaadi jiray ee No mother, No father. Haddii la deyn waayo No mother No father, wax baa ka hig leh!"
  6. Masha waa taa Dimiqraadiyada ka hana qaaday wadankayga Somaliland Allow noo siyaadi nabadda iyo horumarka Aamiin Aamiin
  7. Waa runtaa hablaha saddex siyaabood baa loo bixin jiray, waana dhaqan Soomaaliyeed.
  8. Waan soo qoray mar hore... Waa Diig iyo Digaagad ka eeg xagga sare brah.
  9. Waa maxay waxani Dooro iyo Diiq?
  10. Dadka Nin - Naag Inan - Inaan Islaan - Oday Marwo - Mudane Xawayaan Aar - Gool Bisad - Curri Geenyo - Sange Hal - Awr Diig - Digaagad Lax - Wan Orgi - Ri Wayl - wiyil Dameer - Dameerad Ey - Eeyad Heeliyo - Coofle Shabeel - Shabeelad Qarandi - Madax-kuti Add more haddaad garanayso
  11. Masha allah I see progress Ilaahayow sidaa ku wad, oo dib ha noo celin.
  12. Maxaad iigu diidaysaa abaayadiis, Waan jecelahay walaalahayga Koonfureed, waxaan doonayaa inaan Mogadishu iyo Burco ka dhaxeeyo.
  13. Xeebta Liido ayaan doonayaa inaan guri ka dhisto, imisa ayaan ku helayaa dhul banaan oo ugu yaraan 2 plots ah?
  14. Finally I can see all your photos Alhamdullilah
  15. Qalbigaygu yaraantii Inantuu u qushuucay Qalanjaabay ahayde Quruxdii midabkeeda Qaadirkeed ugu deeqay Iyadoo qarinaysa Marna qaadan surwaal Qolqolkoodana Joogta Ayuun baan qiyaastay Waysu qalanay inantee Sheekaan qac ka siinay Guurna waaban qalqaalnay Anigoo qorshihii gurigayga Iyo qarashkii day dayaaya Ayuun baa Telephone qac soo yidhi Maxamed kii qurbaha jiray Ima soo qabadsiinin Telephone Fiisaan kuu qalqaalay Oo muddo kugu qaadan maysee Soo qabo Ethiopia Waxaan Qadan kusii idhi Marka aan qurbaha tago Een gaadho qadankaa Ayaan ku qaadi doonaa Meel nolol leh oo qabow Ayaan qalbigii jacaylka Aaan ku qaybsan doonaa Waxa iga qanciyay ee Ay qowl isii tidhi Qaaligaan jeclaayow Qadan way ku sugaysaa Qadarkana Allah iska leh' Qalbigii dhimaygii Gaaladu qotomiyeen Halkii laga qul qulayay Laga qaato fiisaha Qabad baad tahay buu Qalinka iiguba duugay Dabadeed waan qayliyay Oo qaadiraan ku danbeeyay Intii aan qayilaayay Qaliil baan u haystee Ileen waaba Qarni Markii aan qurbaha tagay Een gaadhay qadankii Saw yartii qurxoonayd telephone ma qabadsiin Ku yaroo ciyaal ahi Saw tell kii igama qaban Qodabkaa iska ilow Saw qawl imuu odhan Nac-as baa wax qasee Anna maan qaldamine Saw ii qal sheekada Qowl uguma aan celin Qodob qodoba sheekada Intuu iigu kala qalay Iska quuso ima odhan Qadan waa la qabaa Oo qololkay gogoshaa Ahh Qadhaadhaa arintu Qooma mooyin reebtee Bal yaan qawl uun kaa hadhin Qawl kaluu nin kale yidhi Ayaa waxaa ku qaydnaa Wixii aan laguu qorin Adoon quudinbaa wacan Iminkana qowl san oo hadha Iyo ducadaan qarqinayaa Allahayow Adduun yada Inta aan ku nool nahay Qumanaanta nagu hay Diinteena quruxda leh Kuwa qaata naga yeel Inantaa qudheedana Iyo sayid kii loo qoaray Ubad khayr leh kala sii Anigana tu qalanjo ah Oo u qalanta inantaa qabuul ii gudoonsii Allahyow qiyaamada Qalinkiyo xisaabtiyo Jid siraad ha nagu qubin Waa maalintaan la qarinayn Qalad waxaad samaysee Qof waliba qalad wuxuu galo Maalinta qoorta loo sudho Aan qof diidayaa jirin Jannadii qaboobayd Kuwa loo qorsheeyee Loo qaato naga yeel Aamiin Aamiin Aamiin
  16. Dhib ma laha haddaad halkanba ka sheegto, waa iska oraydh.
  17. Dee inaad isaga sheegtaa bay ahayd, maadaama aynu Soomaali nahay, qoladaadaa oo aad sheegtaa cidna waxna macnaa u samayn mayso, haa uun buu ku odhan lahaa, ka dibna wuu iska dhaqaajin lahaa. Iska daa haddaad gobolka Hiiraan ka timi waan iska soo dhawaynayaa cidaad tahaye.