
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Warbixin ku saabsan Isbadalka Puntland Allidamaale Puntland News Center Boosooso (Allidamaale.com)Maamulka ay shacabka Puntland dhisteen Dr.Cabdiraxmaan Faroole wuxuu dhisay wasiiro iyo kuxigeeno wuxuukaloo u magacaabay agasime guud ilaa wixii kahooseeyay sida godomiyashi Gobolada iyo Dagmooyinka iyo Ciidamada sida Booliska oo kale iyo garsoorka xeer ilaaliyihii guud gudoomihii maxkamada sare gudoomiyihii bankyada ,hanti dhawrka qaranka, maareeyayaasha Airprtyada iyo dakadaha waxeeyna u badan yihiin kuwiii hore ee maamuladii hore lasoo shaqayn jiray. Maamulka Puntland ee Cusub waxa uu bilaabay amaba u ku dhexjiraa tira koobka shaqaalaha dawlada iyo Ciidamada kuli waa latira koobayaa magac been ah in lacag laguqato madhacayso waxa la samaynayaa shaqale kooban iyo askar kuwalati leh oo shaqadooda si wacan u guta, waxaana la balan qaaday in mushaharaadka bil walba la bixinayo oo aysan dhacayn in qof shaqaale ah uu waayo lacagtisa. Maamulkana Cusub wuxuu cadeeyay in qofku uu leeyahay xaquuq wuxuuna kala saaray mida qofku ku leeyahay Dalka waa Puntland iyo mida shacabka dalka ku leeyahay, taasina waa tan isbadalka keentay oo Faroole loo doortay waana Dr.dhaqaalaha yaqaan aqoon fiicana maamulka uleh oo aan marna ogolaanayn in dhaqaalaha dalka Qole gaar ah jeebka kushubato kadibna dalku uu buru buro wax shaqo qabtana lawaayo. Tayada Wasiirada Wasiirada uu dhisay Faroole waa dad kuwalati leh oo mutacalimin ah mana ku jiro hal nin oo balwad leh waxana ay awood uleyihiin inay 24hours u shaqeyan shacabka puntland,sidoo kalena shacabku waxeey balanqaadeen inay lashaqaynayaan Maamulkooda, Maamul Goboleedka Puntland iyo fadaralkuna waa ay isku xiran yihiin oo waxaa ka dhex jirta wadashqeeyn aad u wanaagsan. Amniga Puntland wasaarada arimaha gudaha Puntland ayaa waxeey dhawaan soo saartay go’aamo ka dhan ah isku qab qabsiga beelaha ku aadan Deeganka. Wasaaradu waxeey go’aamisay wax aysan ogayn oo dawladaha hoose iyo barlamankuna ansixin cid dagi karta oo magaalo cusub ka samaynkartana aysan jirin sabaabto ah waxaa soo noq noqday oo dhoowr goor isku dhacyo ka dhaliyay beelo walaalah degaan la isku heesto. Waxaa kaloo dhacada mararka qaarkood inta nin soo koco ayuu guri ka asaasayaa iyo baraagoh taasna waxa ay noqotay in lawayo meel xoolihii daaqaan deegaankiina baaba’o dhirtiina ay jaraan markaasna u xaluf yimaado oo cara guuro dhulkii hawdka ahaa ee geelu daaqi jiray manta waa xaaluf hadaan sikale u dhigo dadku say ubaba’en ayaa dalkuna ubaaba ay bad iyo bariba, badana waa lajiriifay oo maraakiib shasheye ayaa soo gashay dhulkiina dad ayaa gubaya oo dhuxul kashidaya kadibna dibada udhoofinaya, sida wadamada carabta oo kale. Dhinac Puntland waa laga cirib tiray dhuxul dhoofiya yaasha aan wadinaga aheeyn, taasi puntland hada weey ka yara nasatay oo hada nin dhuxul dhoofin kara majiro oo melkasta iyo iridkasta waa lataaganyahay waxana joga Ciidamo Bileys ah oo la dagaalama kuwa dhulka xaalufiya. Shaqaaqadii Ufayn Isku dhicii kadhacay waxa ku dhintay 8-qof oo labada dhinacba ah hadana xalaadu weey dagantahay oo gacanta ayaa lagu hayaa, Ciidamada Daraawishta Puntland ayaa hada ku sugan sidoo kalena wax garadkii iyo Isimada Gobolka bari oo u hogaaminaayo wasiirka amniga Mudane C/laahi Siciid Samatar ayaa kusugan, waxaana socda wadahadlo arintaas lagu qaboojinaayo. wabilahi tawfiiq Cawil Bosaso Somalia
-
HADDAYAN DEDAALKA JOOJIN DOWLADDA MADAXWEYNE FAROOLE>>>> C o p e n h a g e n Arbaco 11 March 2009 Waxaa la hubaa, in dadka Reer Puntland gaari doonaan horumar deg degf ah, horumarkaas oo ayan faa’iidadiisu ku koobnaanayn degaannada Punland kaliya. Sababtoo ah labo faa’iido oo waaweyn ayaa ku jira in la helo madax leh: “aragti horumar oo dheer, dedaal joogto ah iyo daacadnimo dhab ah oo salka ku haysa aqoon iyo iimaan”. Faa’iidada 1aad: Waa horumarka tooska ah dadka iyo dalku gaarayaan. Tan 2aadna waa wanaagga looga dayan doono, kaasoo ah runtii kan ummadaha adduunku ku isku dhaaftay, markii ummado heleen hoggaan noocaas ah ummadana waayeen. Waa hoggaanka noocaas ah kan sababta u noqon kara in ummaddaasi haleesho jidka horumarka kuna waarto. Sababtoo ah waxay dhaqan ka dhigteen oo joogteeyeen inay isaga day’daan waxa wanaagsan oo danta u ah dalka iyo dadka “Horumarinta iyo dhowrista tiirarka danta guud”. Dhanka kale, waxaa imaanaysa in ummaddu caadeysato in wixii xun oo dhan, gaar ahaan wax kastoo ka hor imaanaya danta guud meel looga soo wada jeesto ayna sidaas ku noqoto caado iyo dhaqan ay dadkaasi leeyihiin, taasoo ku khasbaysa cid kastoo xumaan maagganayd inay ka maagato. Akhristoow, soow maaha wax lala yaabo, inaynaan oggolaan inaan caado iyo dhaqan ka dhiganno, inaan wada dhowrro danteenna guud? Maxaanse haddaan nahay soomaali, had iyo goor u eersannaa cid kale, inta ka seexanno danteenna? Haddaan u soo noqdo Dowladda cusub oo Puntland oo u hoggaaminayo Mudane Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, waxaan ku boqaadinayaa dedaalka weyn oo muuqda oo ay durba ku tallaabsadeen. Waxaannaa leeyahay: “noqda kuwii dadweynuhu sugayey wad u egtihiine”, “noqda kuwii laga dhaxlo wanaag iyo horumar waara”. Siciid Cabdille Cali-Ilweyn Jaaliyadda S. ee Denmark
-
Dr Abdirahman Faroole has only been in office for a few months and he has started with much energy and vigor. The creation of a cabinet made up of great talents, as well as the setting up the military committee for the cataloging the true number of armed forces, recruitment and training of new personnel. His administration has started to pay the salaries of the civil servants and other government workers. He has also put into place the creation of a new capital, has toured some key areas of the state and has reiterated his policy to improve security and develop the states economy. President Faroole has shown that he is an experienced politician specially the quite and diplomatic way he has handled the new relationship between the state and the Federal government in Mogadishu. Thus so far, while it is early to make a judgment Faroole has exceeded the Duke’s expectation and I wish him a great deal of success insha Allah.
-
Dr Faroole's official trip to Ethiopia Djibouti: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ethiopia is piss poor, but never the less the 800 pound Gorila in the room. Juje, is right the entourage is not that many, and he is to Djibouti next and maybe Kenya. The man is a machine working ever so hard for the state... So far top marks. -
The richest continent on Earth with the most poor? Thats why I like the first song, why are children starving when there is enough food to feed the world?
-
Dr Faroole's official trip to Ethiopia Djibouti: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Garowe: Madaxweynaha Puntland oo ka dhoofay Garowe - Adis Ababa iyo Jabuuti ayuu u duulay... 11. marts 2009 Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha Puntland Dr, C/rixmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garowe, isagoo ku sii jeeda Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Madaxweyne Faroole ayaa lugu sheegay tagitaankiisa Addis Ababa in uu ka dambeeyey markii uu casumaad ka helay Madaxda dalka Itoobiya, ayna ka wada xaajoon doonaan xaaladaha labada dal, maadaama ay wadamadan xiriir leeyihiin. Wafdiga Madaxweyne Faroole waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah & Wasiiru dawladdaha Madaxtooyada & Dimuquraadiyada, waxaana ay sheegeen in ay maalmo kooban joogayaan dalka Itoobiya, ayna booqan doonaan sidoo kale dawladda Jabuuti. Madaxweynaha Puntland & Wafdigiisa waxaa sii sagootiyey xubno ka tirsan Golayaasha dawladda, sida Golaha Shacabka, Xukuumada & Garsoorka, waxaana uu Madaxweynuhu kula dardaarmay Golayaasha dawladda in ay shaqada dawladda ay xoojiyaan. Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Gen. C/samad Cali Shire oo Shir Saxaafadeed qabtay ayaa usheegay Saxaafada in uu Madaxweynuhu howlo muhiim ah kala soo hadlayo wadamada uu tagayo, isagoo tilmaamay in ay booqashadan tahay mid rasmi ah oo uu Madaxweyne Faroole ka helay Hogaamiyaasha Itoobiya & Jabuuti. -
Dr Faroole's official trip to Ethiopia Djibouti: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ethiopia Poor Ethiopia they still driving 1970s cars -
President of Puntland welcomed by Minister Dr. Takade Alamu Madaxweynaha Puntland oo ka dagey Addis Ababa 11 Mar 11, 2009 - 10:21:19 AM Madaxweynaha Puntland & Wasiiru dowlaha arrimaha dibada Ethiopia Madaxweynaha DGPL Dr. Cabdiraxman Maxamad Farole oo saakey 9:00 am March 11, 2008 kasoo dhoofey caasimada Puntland ayaa waxaa magaalada Addis Ababa ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan dowlada Ethiopia. Wafitga Madaxweynaha oo ka koobmay Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Calimaga Farah Adan Dhalac, Wasiiru dowlaha Madaxtoyada iyo Barnamijka Dimuqaradiyeynta DGPL Dr.Cabdi Xasan Jimcaale iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiskiisa ayaa waxaa ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Addi Ababa Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada Dr. Takade Alamu. Madaxweynaha Puntland & Xubno ka tirsan Xukuumadiisa oo la fadhiya xubnihii soo dhoweeyey Madaxweynaha dowlada goboleedka Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamad Farole iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada Takade Alamu oo muddo nusac ah ku-kala warqatey qaybta VIP garoonka diyaardaha Ethiopia ayaa isaga iyo waftigiisa waxaa loo galbiyey Hotelka Sharaton. Madaxweynaha Puntland iyo Waftigiisa oo casumad rasmi ah ka haystey Xukuumada dalka Ethiopia aya boqashadiisu qayb ka tahay mid uu ku darsayo xiriirka u dhexeyey labada dhinac. Gawaarida martida ee lagu qaadey waftiga uu hogamainayey Madaxweynaha Puntland Waftiga Madaxweynaha ayaa la filaya iney kulamo la yeshan xubno ka tirsan dowlada Ethiopia oo uu ugu horeeyo Raísal wasaare Meles Zenawi. Madaxweyne Farole ayaa sidoo kale booqasho kusoo mari doona wadanka Jabuti halkaasoo uu casumaad ka haysto. Dr. Farole aya boqashoyin kala duwan ku marey inta badan gobolada iyo degmoyinka Puntland tan iyo intii Xukumadiisa loo doortey xilka Jan 8, 2008. Garowe Online, Garowe
-
audio
-
Shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Puntland oo soo bandhigtay adeegyadeeda Wednesday, March 11th, 2009 at 6:43 pm Horseed Media Boosaaso Shir ballaaran oo xalay lagu qabtay Hotelka Panorama ee magaaladan Boosaaso ayaa madaxda shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Puntland ay ku soo bandhigeen adeegyada Isgaarsiineed ee ay soo kordhiyeen. Xafladaasi waxaa goob joog ka ahaa mulkiilayaasha shirkadda isgaarsiinta ee Telcom Puntland, maamulayaasha iyo marti sharaf aad u fara badan. Siciid Xasan Maxamed Gudoomiyaha shirkadda Telcom Puntland oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkaddu ay sameysay horusocod ballaaran. Waxana uu sheegay in ay u soo kordhiyeen bulshada adeegyo ay ka faa’iideysteen. Halkan ka dhegayso C/rashiid Maxamed Waceys, Maareeyaha shirkadda Telcom Puntland oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn faah faahin ka bixiy sababta ka dambeysay aasaasida shirkadda Telcom Puntland. Waxa u sheegay in shirkadda aasaaskeedu ay ka dambeeyeen ganacsato isbahaysatay oo aragtay baahida Isgaarsiineed ee ka jirtay deegaanada Pntland. C/rashiid Maxamed Wacays Maareeyaha shirkadda Telcom Puntland waxa uu ka hadlay adeegyada shirkadda Telcom ay soo kordhisay oo xagga Isgaarsiinta ah.Halkan ka dhegayso Waxa uu sheegay in adeegyo isugu jira telefoonada Landline, GSM, CDMA iyo adeegyo kale inay soo kordhiyeen. Cali Maxamuud Xasan (Cali Ceelaayo) oo ka mid ahaa ganacsatadii ka qeybgashay xafladaasi ayaa sheegay in saamileyda shirkadda ay yihiin kuwo si xawli leh u dhaqaajiyay inay hirgasho shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Puntland. Ugu dambeyn shirkadda Telcom Puntland waxay sheegtay inay sii wadi doonto horumarinta Isgaarsiinta ay u hayso shacabka Puntalnd iyo guud ahaa Soomaaliya.
-
Tune Labi Siffre - Something Inside So Strong Another nice old gem..
-
Yeah the words and the Images match... Thats an amazing tragic picture and highlights how helpless mankind is...
-
Nice poem, keep it up..
-
The beauty of Youtube is that you get some old gems... Tracy Chapman's Why ? with a nice Video.... You can add yours...
-
Garowe: The making of a new Capital: Faroole's plan..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
M/weyne Faroole iyo Afhayeen Xirsi oo booqday dhul laga dhisayo xarumo dawladeed oo ay ka mid yihiin Madaxtooyo & xarun baarlamaanka Puntland. M/weyne Faroole oo uu weheliyo Afhayeenka baarlamaanka Puntalnd C/rashiid M. Xirsi ayaa maanta booqday dhul loo cayimay in laga dhiso xarumo cusub oo ay yeelan doonaan hay'adaha dalwada ee Puntland. Xarumaha cusub ayaa waxaa ka mid ah xarun uu yeelan doono baarlamaanka Puntland oo 10-kii sano ee la soo dhaafay xarun ku lahaa bartamaha magaalada. Waxaa sidoo kale iyana isla goobtaas laga dhisi doonaa madaxtooyo badali doonta tan hadda ee ku taal bartamaha caasimada Garowe. Dhulka oo ku yaal galbeedka caasimada Garowe ayaa ah dhul buuraley ah oo ka baxsan magaalada, horena alooga dhisay xarumo ay leeyihiin qaar wasaaradaha Puntland sida wasaarada haweenka & horumarinta qoyska. Injineer C/qaadir X. Ciise X. Cumar oo ah madaxada shirkada dhismaha ee Mubaarak ee ku guulaysatay qandaraaska dhismaha xarumaha dawlada ayaa sheegay in ay ebeyeen naqshada xarumaha dawlada, oo ay ugu horayso xarunta baarlamaanka, ayna isla darseen Afhayeenka baarlamaanka, guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada iyo madaxtooyada, ayna diyaar u yihiin in ay bilaabaan dhismaha. Dhulka oo hore loogu qoondeeyey in laga dhiso xarumaha dawlada markii la aasaasay Puntland ayaanu qorshahaasu hirgelin, sida hada muuqatase aad moodaa in hogaanka cusub ee Puntland uu ku tallaabsaday qorshayaal hore oo aanay ku guulaysan madaxdii ka horaysay. M/weyne Faroole ayaa ballan qaaday markii loo doortay hogaanka Puntland in uu is-badel siyaasadeed iyo mid maamul ka hirgelin doono Puntland. Waxaa uu kala kulmay shacabka Puntland taageero aad u xoogan, dal iyo dibadba, waxaana aad loogu han weyn yahay in uu ka dhabayn doono is-badelka uu ballan qaaday. Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir. -
Hargeysa, Mar 08 - Xisbiga Kulmiye oo ku adkaysanaya in aanay aqbali doonin xilliga doorashada oo mar kale dib loo dhigo. Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/qaadir Faarax ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabay xafiiska Kulmiye ee Hargeysa ku sheegay in mawqifka xisbiga ee dib u dhigista doorashooyinka aanay waxba iska bedalin, aanay aqbali doonin in doorashada dib loo dhigo. Waxaa uu intaas ku daray in ka xisbi ahaan ay ka sugayaan golayaasha Guurtida & Wakiiladu in ay ka arrimiyaan, kana talo bixiyaan cidda gaarsiin doonta ummadda xilliga doorashada. Md. Faarax ayaa sheegay in xilliga xukuumada M/weyne Riyaale uu ku eg yahay 6-da bisha Abriil, wixii ka dambeeya bisha 6-deedana aanay caqli gal ahayn in xukuumada Riyaale ay dalka ka sii arimiso, sidaa darteedna loo baahan yahay in golayaasha sharcigu ay go'aan ka gaaraan ciddii si ku meel gaar ah dalka u gaarsiin lahayd doorashooyinka. Waxaa kale oo uu sheegay in xilligii 5-ta sano ee xukuumada M/weyne Riyaale la doortay uu ku ekaa bishii 4-aad ee kal hore, dabadeedna 1 sano loogu daray si mudadaas ay xukuumadu ku hirgaliso doorashooyinka, balse taasi aanay dhicin. Halka sano ee loogu daray xukuumada Riyaale ayaa ku eg 6-da bisha Abriil, muran xoogani uu ka dhashay in doorashooyinka dib loo dhigo muddo 90 casho ah sida oo uu talo ahaan ku bixiyey guddoonka doorashooyinka Somaliland. Doorashada ayaa hore loogu qoondeeyey in ay dhacdo 29-ka bisha Maarso, waxaase muuqata in aanay taasi suurtagal ahayn. Kulmiye oo ah xisbiga ugu taageero badan Somaliland, doorashooyinkii horena si xaal-mastuur ah looga fara-maroojiyey hoggaanka, ayaa saluugay soo jeedinta guddoonka doorashooyinka , kuna adkaysanaya in doorashooyinku ay dhacaan xilligii hore loogu qoondeeyey. Labada xisbi ee Udub iyo Ucid ayaa iyagu sheegay in ay door bidayaan in doorashada dib loo dhigo muddo 90 maalmood ah. Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir.
-
^^^My wish list? Or Somaliland.org and Kulmiye's, I think you are picking on the wrong person lad.
-
Wararka Wargeyska OGAAL:Burco: Shir wada-tashi ah oo beelaha Bariga iyo Galbeedka Arbacada u furmaya March 9th, 2009 Burco (Ogaal) – Shir la sheegay inay ku kulmayaan ergay ka soo kala jeeda beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco oo ay qayb ka yihiin, Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin iyo wax garad kale ayaa la filayaa inuu Arbacada ka furmi doono magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer. Sida ay sheegeen xogo laga soo xigtey Ilo lagu kalsoon-yahay shirkaas waxa gogoshiisa dhigey Salaadiin ka soo jeeda beesha Bariga Burco, kuwaasoo ay ka mid yihiin sida xogahaasi tibaaxeen Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali iyo Suldaan Maxamuud Guuleed Mire. Iyadoo dhanka kalena la sheegay in Salaadiinta ka qayb galaysa ay ka mid yihiin Suldaan Cusmaan Suldaan Cali iyo Suldaan Barre. Xoguhu waxay intaa ku dareen, in siyaasiyiinta ka qayb-galaysa kulankaas ay yihiin isku dhaf mucaarad ah oo ka soo jeeda labadaa beelood. Islamarkaana waxa la filayaa in wufuuda ka qayb galeysa shirkaas ay qaybo ka mid ahi saaka ka anba baxayaan magaalada Hargeysa, Ma jiro war si rasmi ah uga soo baxay dhinacyadan shirkaa ka qayb-galaya, hase ahaatee, sida uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay Ilo lagu kalsoon yahay, waxa la saadaalinayaa in kulankaa ay ka qayb galayaan in ku dhaw 100 qof. Islamarkaana waxa xoguhu tibaaxeen in ujeedada ugu weyn ee shirkaasi ay tahay wada-tashi la xidhiidha xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sidii wada jir loogu waajihi lahaa hagaajinta mustaqbalka siyaasadeed ee doorashooyinka soo socda. Shirkan hanaanka beeleed iyo Siyaasadeed isugu dhafan waxa tibaaxaha laga helay abaabulkiisu muujinayaan in uu socon doono ilaa laba maalmood. “Guddoomiyaha Komishanku wuxuu u muuqdaa inuu Afhayeen u yahay UDUB” “Waxaan leeyahay (Xukuumadda) tani Afrika maahee waa Somaliland oo laguma kala adka” Cabdiraxmaan Cabdiqaadi………..shir jaraa’id
-
^^^President Sharif is different, he is younger, more hip with the wadaad world and is not a soldier. Now what was your point?
-
^^^He is no different to you old secessionist since they both represent Somalia and not the clan enclave. You do agree right.
-
Wefti Culus Oo Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Oo Maanta Soo Gaadhay Magaalada Burco March 9th, 2009 Burco (Somaliland.org)- Wefti ballaadhan oo ka kooban masuuliyiinta, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada xisbiga KULMIYE ayaa maanta soo gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Weftigan oo saaka ka soo ambabaxay magaalada Hargaysa, waxa ku soo dhaweeyey duleedka magaalada Burco oo gelbis ku geeyay Hoteeladii ay degeen qaar ka mid ah Salaadiinta iyo Cuqaasha muxtarimka ah ee Gobolka Togdheer. Weftigan Xisbiga KULMIYE ee maanta soo gaadhay magaalada Burco oo ay ka mid yihiin Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Mudane Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha ururka Qaran Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo dhawaan heshiis iskaashi siyaasadeed la saxeexday xisbiga KULMIYE, Xildhibaano ka tirsan Xisbiga KULMIYE, Qurba joog iyo xubno aqoonyahano ah, ayaa socdaalkooda lagu tilmaamay in uu la xidhiidho bilawga kulan lagu lafo gurayo ka midho dhalinta geediga hayaanka isbedel doonka, kulankaasi oo la filayo in uu maalmaha soo socda uga furmo magaalada Burco Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco iyo Bulshada rayidka ah, iyada oo wararku ay intaa ku dareen in lagu marti qaaday Weftigan culus ka qayb galka shirkaasi. Kulankan oo ay isugu imanayaan Beelaha waawayn ee Gobolka Togdheer ayaa sidoo klae la sheegay in lagaga wada xaajoon doono xaalada dalka wixii ka dambeeya 6-da bisha April ee sannadkan oo ku beegan dhamaadka wakhtiga xukuumadda Madaxwayne Riyaale. Dhinaca kale dadwaynaha magaalada Burco ayaa cadho xoogan ka muujiyay natiijadii tirada dadka iska diwaan geliyay gobolada dalka ee khamiistii uu warbaahinta ku shaaciyay Komishanka Doorashooyinka Qaranka, taas oo ay ku tilmaameen mid salka ku haysa musuqmaasuq. Taas oo ay sheegeen in gobolada dalka qaarna codad laga jaray gobol gaar ahna codad dheeraad ah loogu daray, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda magaalada Burco lagu qabto banaan baxyo arrintaasi lagu cambaaraynayo. Foosi Saleebaan Aw Biindhe, Burco.
-
More victims speak out: Xildhibaan Maxamed Waabeeye Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Caado Ka Dhigatay Aflagaadooyinka Masuuliyiintii SNM March 9th, 2009 Hargaysa (Somaliland.org)- Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargaysa ayaa ka hadlay arrimaha nabad-geliyada iyo doorashooyinka soo socda. Xildhibaan Waabeeeye waxa uu sheegay in Xukuumadda Somaliland caado ka dhigatay in ay tidhaahdo xisbiga KULMIYE nabadgelyo darro ayuu wadaa, hase ahaatee KULMIYE iyo taageerayaashiisu ay ka reeban tahay khalkhal gelinta dalku. Waayo buu yidhi KULMIYE waxaa uu doonayaa in uu doorasho u galo hogaaminta dalka oo uu jecelyahay in uu wadan nabad ah oo degen uu la wareego xilkiisa, hase ahaatee marnaba aanay jirin talaabo nabadgelyo darro oo uu wadaa ee hadaladan xisbiga UDUB ay yihiin kuwo ay KULMIYE la doonayaan in dadka lagaga hor keeno, kadib markii ay gudan waayeen wixii ummaddu u igmatay. Waxa kale oo xildhibaan Waabeeye sheegay aflagaadooyin xukuumaddu u gaysato masuuliyiintii SNM oo dalkan iyo dadka reer Somalilandba ka mudan ixtiraam iyo qadarin, kuwa wax ka sheegayaana ay cunayaan midhihii SNM ay keentay ee iyagu’aanay waxba ku lahayn. Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), oo ka hadlayay doorashada waxa uu tilmaamay in KULMIYE diyaar u yahay doorashada, balse ay muhiim tahay in la is waydiiyo wakhtiga muddadu ay ka dhamaato Madaxwaynaha waxa qaranku yeelayo. Axmed Maxamed Saleebaan (Ilkacase), Hargaysa. E-mail: afqarshe114@hotmail.com