General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^Thats too much adeer, edit your post dont spoil my thread with such ignorant bull. You have no reason to provoke anyone and insult a whole Somali people here.
  2. Somaliland’s peace and security is paramount One should not mistake the banter and political jostling in SOL as a reflection of the Duke’s political position with regards to Somaliland. I do not agree with the partition of Somalia and oppose secessionism in all its forms. However we must not be blind to the achievements of our people in the NW of Somalia, the peace and the security and the conflict resolution that took place in those regions. All Somali’s should be proud of such achievements and should support their continuity and development. The weak politician such as Riyaale and Warrabe should not be taken as the true reflection of the people of Somaliland and their thinking. In fact the people back home are less anti unionist than those who are in the Diaspora. The actions of the “Mugger” is jepordising the peace and his desperate craving to hold on to power should not undo decade long hard work. History teaches us that it will not be the bigwigs and secessionist criminals who will suffer but the ordinary people who have no funds stashed away and homes in Cairo and Djibouti. I do not care who wins, for all of them are standing for similar platforms that do not agree with and in the case of Warrabe a confused over the top anti Somali rhetoric is indeed ludicrous and self defeating. It is my view that this election should not fail and if it does not deliver whole sale positive change it should at least allow for continuity of the peace and security of Somaliland that we all have come to expect of the region. To the secessionists this is not a vindication of your stance, I believe as most of you do that secessionism is neither realistic nor feasible in today’s world, it is an appreciation of the hard work that my people in the NW have done and may Allah [swt] bless them with peace and development.
  3. ^^^You have a great point. But we already have corrupt, horrible politicians and the people are starving. Lets have corrupt, horrible politicians and the people eat. Like in Dubai, Saudi Arabia and others. I rather fail trying then be afraid of failure.
  4. Dagaaladii Tuulada Wabxo oo wali soconaya iyo khasaaraha dhimashada oo sii badanaya. Ugu yaraanii 12 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalo ilaa iyo shalay gelinkii dambe ka soconayay tuulada Wabxo ee degmada Ceel Buur ee gobalka Galgaduud oo ay isku fara saareen urur diimeedyada Shabaab iyo Ahlusunna Waljamaaca. Ugu yaraanii 12 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalo ilaa iyo shalay gelinkii dambe ka soconayay tuulada Wabxo ee degmada Ceel Buur ee gobalka Galgaduud oo ay isku fara saareen urur diimeedyada Shabaab iyo Ahlusunna Waljamaaca. Goob joogayaal ku sugan tuulada oo ay saakay la xariirtay shabakada carmooyin.com ayaa sheegay in ay arkeen ilaa iyo 12 meyd ah oo xaafadaha tuulada lagasoo dhex saaray,kuwaas oo 2 ka mida ay ahaayeen haween halka inta kalana ay rag ahaayeen. Saaka waabarigii ayuu mar kale dagalku ka qarxay meel tuulada 12 kilometer dhinaca degmada ceel buur kaga beegan waxaana wararkii ugu dambeeyay ay shegayaan in labada dhinacba uu soo kala gaarayo gurmad aad u xoogan taas oo keentay in la maqlo daryaanka madaafiic ka xoog badan kuwii shalay la isku ridayay. Dadkii daganaa tuulada ayaa qaxay waxaana ay inta badan dadku u qexeen deegaanada bariga iyo koofurta kaga beegan tuulada Wabxo ee degmada Ceel buur ee gobalka Galgaduud. Dhawaanahanba waxaa sii laba kacleysneysay xiisada udheeysa ururada Alu suha iyo shabaabka kadib markii shabaabiyiintu bilaabeen in ay soo faagaan culumaa’udiin qabuuraha ku jiray in ka badan 100 sanadood islamarkaana ay diideen xuska nabigeena muxamed ah NNKH taas oo wadaaadada Ahlu suna ay sheegeen in aanay qaadan karin oo ay ka dagaalamayaan. Carmooyin.com news desk Contact:carmooyin2009@hotmail.com
  5. JB: Must have something new. Come on lads. Kadawo, war is of no use to us, the unionists and secessionist differ on ideological stances. They are stil my Somali brothers and sisters.
  6. Not correct - that was seismic equipment! Seismic data was successfully collected and interpreted. A new farm in partner is being negotiated prior to commencing the drill program. 100% correct. Mr Norf, the same company in Puntland Somalia is also exploring Kenya & Ethiopia though its search is much more advanced in Puntland. Mr Shabbele what is the deal the Arabs enjoy with the west? Ever heard of Aramco and who owns it?
  7. Puntland and its people must not waste and allow anyone within or on the outside to derial their chances for progress. All Puntland needs is cash injection. And this oil deal insha Allah will be the cash injection. In the meantime, security, security, security is the paramount issue.
  8. Kuriftu, Dabrazet oo ah halka lagu casumey waftiga Puntland
  9. Madaxweynaha Puntland & Wasiirka arrimaha dibada Ethiopia oo ku sugan goobta casumaada
  10. Mesfin oo casumey waftigii MG.Puntland 15 Mar 15, 2009 - 9:31:50 AM Madaxweynaha Puntland & Wasiirka arrimaha dibada Ethiopia oo ku sugan goobta casumaada Wasiirka arrimaha dibada Ethiopia Sayoum Mesfin oo ay weheliyaan Wasiirka dalxiiska, wasiiru dowlaha Beeraha, Wasiiru dowlaha arrimaha dibada iyo xubno kale ayaa maanta March 15,2009 qado sharaf ugu fidiyey waftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Puntland halka la yiraahdo Kuriftu [Debrazet] oo 45KM u jirta magaalada Addis Ababa. Qado sharaftaan ayaa timid kadib markii waftiga ka socda Puntland kulamadii ay la lahaayeen madaxda dowlada Ethiopia ugu dhamaadeen muddo ka yar asbuuc. Kuriftu, Dabrazet oo ah halka lagu casumey waftiga Puntland Martiqaadkaan oo ahaa mid aad loo soo agaasimey ayaa ka dhacey goob ayaa madaxda labada dhinac isku dhaafsadeen fikrado ka dhashay kulamadii horey u dhexmarey labada dhinac. Wafiga Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in maalmaha soo socda u soo dhoofaan wadanka Jabuti halkaas oo sidoo kale ay ka ahystaanmartiqaad rasmi ah. Waftiga Madaxweynaha Puntland iyo waftigiisa Madaxweynaha Farole oo horey booqasho ugu fidyey gobolada Puntland ayaa waqtigan kulamo la qaadanaya wadamada dariska la ah Somalia. GAROWE ONLINE
  11. Dagaalo ka socda qeybo ka mid ah gobolka Gal-gaduud. (Mogadishu, Axad, Maarso, 15, 2009, (Hornafrik Media) Xaalada deegaanadii ay dagaaladu ka dhaceen gobolka Galgaduud ayaa saaka kacsan halkaasoo ay ka soo baxayaan warar ku saabsan in wali ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan dhinacyada iska soo horjeeda oo kala ah Urur Diimeedyo hore ugu dagaalamay gobolkaasi kuwaas oo kala ah Al shabab iyo Ahlu Sunna Waljamaaca. Dagaaladan oo qarxay shalay galinkii dambe kadib markii sida la sheegay ciidamo taabacsan Ururka Ahlu sunna waljamaaca ay gaareen deegaanka wabxa ee gobolkaasi, ayaa waxaa wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in xiisaduhu hada sidii ay ku bilowdeen ay ka yara degan yihiin. Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah qoysas ku dhaqan degmada Wabxa labada dhinac ee dagaalamaya, ayaa waxaa dagaaladan ka soo gaaray khasaare ilaa 4 ruux oo geeri ah oo ka kala tirsan dhinacyadaasi. Lama oga inta uu la egyahay khasaaraha gaaray rayidka, hase ahaatee waxaa Barakac baahsan uu ka jiraa deegaanada dagaaladu saameeyeen waxana ay dadku u soo qaxeen dhanka degmada Baladwayne iyo deegaanada ku dhaw dhaw ee gobolka Hiiraan. Ilaa hada ma jiraan wax warar ah oo ka baxay dhinacyada dagaalamaya.laakin waxaa goobjoogaashu ay sheegayaan in dhinacyada colaadan ku lugta leh ay wadaan gurmad xoog leh iyadoo aysan jirin wax dadaala ah oo lagu qaboojinayo dagaaladan. Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa-mareen, ayaa waxaa horey ugu dagaalamay dhinacyda hada dagaalamaya waxaana halkaasi la wareegay Ururka Ahlu sunna waljamaaca.dagaaladani waxay daba joogaan kuwii hore uga dhacay gobolka galgaduud.
  12. Dagaal ayaa saaka mar kale saaka dib uga qarxay deegaano ka tirsan Degmada Ceelbuur ee Gobolka G/gaduud, halkaasoo shalay ilaa xalay dagaalo ku dhex mareen Xoogaga Alshabaab iyo Maleeshiyaad taabacsan Culumaa'udiinka Suufiyada ee Ahlu Sunah Waljamaacah. Sida ay sheegayaan wararka dagaaladan oo daba jooga dagaaladii dhowaan Gobolka G/gaduud ku dhexmaray labadaas dhinac ayaan faah faahin rasmi ah laga heyn, inkastoo dagaalka uu markii hore ka dhacay Tuulo u dhow Ceelbuur oo lagu magacaabo Wabxo. Dagaalada saaka dib uga bilwoday tuulooyin ku dhow dhow Ceelbuur ayaa la sheegay inay geysteen dhimashada ugu yaraan 10 ruux oos ida la rumeysan yahay ay ku jiraan dhinacyadii dagaalada. Waxaa xadidan wararka laga heli karo dagaalada, maadaama qadka isgaarsiinta uu yahay mid aad u xun, waxaana Saraakiil u hadashay Dariiqada Ahlu Sunah Waljamaacah ay sheegeen in dagaalka ay ku jabiyeen Kooxda Alshabaab. Dagaalka ayaa u muuqda mid ku sii fidaya Deegaanada Goboka G/gaduud, waxaana cabsi laga qabaa in dagaalo kale ay ka sii qarxaan deegaano hor leh, waxaana barakac xoogan uu ka bilowday Degmada Ceelbuur iyo tuulooyinka ku dhow dhow. Horay ayay labadan dhinac dagaalo ugu dhex mareen Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb, kaasoo aaqirkii shabaabka looga itaal roonaaday lagana wareegay gacan ku heynta labadaas degmo.
  13. 12 killed as Al Shabaab and Ahlu Sunnah battle in central Somalia 15 Mar 15, 2009 - 1:39:02 PM DHUSAMAREB, Somalia Mar 15 (Garowe Online) - At least 12 people were killed in fierce battles that erupted in central Somalia on Saturday and continued into Sunday, Radio Garowe reports. The fighting sparked after militias loyal to the clan-based Ahlu Sunnah Wal Jamee'a attacked a town in El Bur district, in the southwest of Galgadud region, local sources reported. Witnesses in Wabho town, where the fighting was concentrated, said most of the dead victims were fighters on both sides. But at least one female civilian was killed in the crossfire, according to villagers. Eight people were wounded in the battle, which lasted for hours as fighters regrouped and reinforcements. It was not immediately clear who had the upper hand in the battle, but the latest reports indicate that hundreds of residents are fleeing the area. Al Shabaab and Ahlu Sunnah militias have battled for control over Galgadud region since late 2008, when Ahlu Sunnah fighters forced out Al Shabaab. There are growing concerns of renewed violence as both groups sent reinforcements to the area. Source: Garowe Online
  14. Addis Ababa: Madaxweynaha Puntland & Raysalwasaaraha Itoobiya oo wada hadalo qaatay. 15. marts 2009 Addis Ababa(AllPuntland)- Madaxweynaha dawlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Itoobiya ayaa la kulmay Raysalwasaaraha dawladda Itoobiya Meles Zanewi, sida ay shaacisay Wakaalada wararka Itoobiya ee ENA. Madaxweynaha Puntland & Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa wada hadaladoodan waxa ay qaateen saacado badan, waxa ayna labadan hogaamiye ka wada hadleen arimaha amaanka xuduuda labada dhinac, Siyaasada & dhaqaalaha Puntland, ayagoo isla gaaray heshiis ugu dambeyntii shirkan. Raysalwasaaraha martida loo yahay ee Itoobiya Meles Zanewi ayaa usheegay Madaxweyne Faroole in ay dawladda Itoobiya xiriir wanaagsan la leedahay dawladda Puntland, isla markaasna ay bulshada Puntland & Itoobiya ka dhaxeeyeen iyo dano gaar ah oo aysan la-laheyn dhinacyada kale ee Soomaalida. Meles wuxuu sheegay in ay xukuumadiisu diyaar utahay in ay dawladda Puntland gacan ka siiso dhinacyada amaanka iyo Siyaasada xuduuda, isagoo sheegay in loo baahan yahay in ay Puntland ka shaqeyso danaha labada dhinac ka dhaxeeya. Zanewi ayaa soo dhaweeyey isbadalkii hogaanka Puntland ku yimid, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay Soomaalida kale in ay ku daydaan Puntland ayna sameystaan maamul gobaleedyo awoodoodu muuqato oo ay iska qaadayaan dagaalada. Madaxweynaha Puntland ayaa isna dhiniciisa ku soo qaaday wada hadaladan waxyaabaha uu damacsan yahay maamulkiisu iyo xiriirka labada dhinac, isagoo sheegay in ay soo dhaweynayaan in laga wada shaqeeyo amaanka xuduuda lana ilaaliyo danaha hoose ee ka dhaxeeya Puntland & Itoobiya. Madaxweyne Faroole ayaa usheegay wakaalada wararka ee ENA in ay wada hadaladii ay la yeesheen Madaxda dawladda Itoobiya ay waji wanaagsan ku soo dhamaadeen, isla markaasna ay Puntland iyo Itoobiya xiriirkoodu soo jiray, markan uu sidiisii uu ahaan doono. Ka hor intiisan Madaxweynaha Puntland C/rixmaan Sheekh Maxamed Sheekh Maxamuud (Faroole) la kulmin Raysalwasaaraha Itoobiya wuxuu la kulmay Wasiirka arimaha dibada ee dawladda Itoobiya oo ay waxyaabo badan ilsa soo qaadeen oo ku aadan danaha labada dhinac. F. C. Geylan AllPuntland
  15. Dagaal u dhaxeeya Alshabaab iyo Ahlu Sunah oo ka socda Degmada Ceelbuur ee Gobolka G/gaduud. Dagaal ayaa ka bilowday Degmada Ceelbuur ee Gobolka G/gaduud, halkaasoo mudooyinkii u dambeeyay ay gacanta ku hayeen Xoogaga taabacsan Ururka Alshabaab. Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa u dhaxeeya Xoogaga Alshabaab iyo Maleeshiyaad taabacsan Dariiqada Ahlu Sunah Waljamaacah oo gacanta ku heysa inta badan Gobolka G/gaduud. Dagaalka ayaan ilaa iyo iminka laga heyn faah faahin, hase ahaatee waxay wararku sheegayaan in xaalada degmada ay cakiran tahay, isla markaana qadkii isgaarsiinta Degmada uu yahay mid aad u xun, waxaana dagaalka uu soo gaaray ilaa caawa maqribkii. Ilaa iyo hada ma jirto cid ka hadashay dagaalkaas ka socda Degmada Ceelbuur, iyadoona wararku ay sheegayaan in dagaalka uu ahaa mid ay soo qaadeen Maleeshiyaadka Ahlu Sunah oo xurguf weyn u dhaxeysa iyaga iyo Alshabaab. Dagaalkan ayaa daba socda dagaalo horay ugu dhex maray Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb, halkaasoo ay gacantooda gashay Xoogaga Ahlu Sunah Waljamaacah oo haatan u muuqda inay isku ballaarinayaan inta badan Gobolkaas. Wixii warar iyo macluumaad ee ku saabsan dagaalkan ka socda Ceelbuur kala soco wararkeena dambe Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com
  16. Adis Ababa, Mar 14 - Puntland iyo Ethiopia oo iska kaashanaya la dagaalanka tahriibka, iyo M/weyne Faroole iyo waftigiisa oo shirar la yeeshay madaxda dalka Ethiopia. [Akhris ...]
  17. Madaxweynaha Puntland & Waftigiisa oo kulamo ku jira Madaxweynaha Puntland & safaarada Jarmalka
  18. Cabdiraxman Farole & Sayoum Mesfin Madaxweynaha Puntland & wasiirka ganacsiga Ethiopia oo kulamya
  19. Madaxweynaha Puntland oo la kulmey madaxda Ethiopia 14 Mar 14, 2009 - 5:39:12 AM Cabdiraxman Farole & Sayoum Mesfin Madaxweynaha DGPL iyo wafti uu hogaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa wadanka Ethiopia ayaa maanta magaalada Addis Ababa si gooni gooni ah xafiisyadooda ula kulmay Raísal Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi & Wasirrka arrimaha dibada Ethiopia Atto: Sayoum Mesfin. Madaxweynaha Puntland iyo Raísal wasaraha Ethiopia ayaa kawada hadley arrimaha Somalia iyo sidii loo sii xoojin lahaa nabada gobolka iyo burcad badeedka Somaiyed ka qawleysata xeebaha dalka Somalia. Madaxweynaha Puntland & wasiirka ganacsiga Ethiopia oo kulamya 'Ra'isal wasaaraha Ethiopia ayaa sheegey in beesha caalamka ka tageerto Puntland sidii wax looga qaban lahaa burcad badeedka Somalia iyaga oo hoosta ka xariiqey in holwgalka ciidameed ee beesha caalamku ka wada xeebaha Somalia waxyar ka qabaneyso sidii loo xakameyn lahaa kooxahaan. Meles ayaa ka balan qaadey madaxa maamul goboleedka Puntland in dowladiisa ka tageereyso sidii beesha caalamka looga raaridi lahaa in howlgalka wadamada reer galbeedka ka wadaan xeebaha Somaliya ay qayb uga noqon laheyd MGPL Madaxweynaha Puntland & Waftigiisa oo kulamo ku jira Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibada Ethiopia Sayoum Mesfin kulan balaaran oo maanta March 14,2009 uu la yeeshay waftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland ayaa waxa lagaga hadley; dib u heshiisiinta Somalia iyo sidii loogu heli wadanka dagaaladu halakeyeen xal siyasadeed ee waara , burcad badedka Somalia, Tahriibta iyo sidii shacabka labada dal loogu sahli lahaa isu socodka ganacsiga taasoo saldhig ay u tahay ilaalinta nabad-galyada soohdimaha labada dal. Madaxweynaha Puntland iyo waftigiisa ayaa wararka soo gaaraya warsidaha GO sheegayaan inuu horey kulamo kala duwan ula yeeshay madaxda wadanka Ethiopia sida afhayeenka Barlamanka Federaalka Ethiopia Amb.Tashome Toga, madaxa Booliska Federaalka Ethiopia Comm. Warkinih, Wasiirka ganacsiga & Warshadaha Hon. Girma Biru, Wasiirka Dalxiiska Ethiopia Mud. Dirir iyo safiirka Jarmalka u fadhiya Addis Ababa. Madaxweynaha Puntland & safaarada Jarmalka Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa la filayaa in maalmaha soo socda kulamo la yeeshan diplomasiyiinta wadamada reer galbeedka ah ee ku sugan Addis Ababa, sarakiisha midowga africa iyo qaar ka tirsan hayádaha samafalka caalimiga ee saldhiga ku leh Ethiopia. Sarkaal ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa warsidaha Garowe Online u sheegey in Arbacada kasoo dhoofi doonaan magaalada Addis Ababa. Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa la filayaa in booqasho rasmi ah ku tagi doonaan wadanka Jabuti halkaas oo ay booqasho rasmi ah ka haystaan Madaxweynaha dalka Jabuti Ismaaciil Cumar Geele. Garowe Online, Garowe
  20. ^^^lool. Such talk is not important, Puntland needs a great deal of work to be done and the Diaspora need to go back.