General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. MAY THE BEST AND KIND AND ADDOW MAN WIN!!! I like that
  2. I don't like this Togane dude- not at all! So who do you like
  3. Otali, what if Adow does not even come second and is beaten by A/Qasim or Sindikow. I think Adow will lose like last time, its Yey mate...
  4. Patriot Relentless nonsence, Adow, Yey it does not really mater to you does it. You cant stand to see Somalia your own country with a government. Shame on you, shame on you :rolleyes:
  5. Horn in Gods name what are you murmuring about huuno, and please dont list the Generals. It was a birthday gifts from Siad Barre.The ranks I mean. eh...eh..eh.. Siyad made many fools up north men as well my darling, Colonel Riyaale I suppose
  6. the highest bidder (A/Y not included). So I think A/Y will lose, as a result he won't accept the new president. But miracles do happen he may just be elected who knows. Lol you dont knwo Somali's much then brother....
  7. Cabdi Cigal almost sacrificed his life to find the whereabouts of the enemy and as you can see his efforts led to the capture of Hosingow today. So he sacraficed hismself a General when he could have sent scouts? Since when do Generals go about looking for the enemy, and losing 30 men 60 injured so they could capture Col Gramgarm [does not exist] and Hosingow when Morgan's troops are not even there. There is news Hiirales brother died today of his injuries yesterday, was he also looking for the enemies where abouts? Horn I love you bro, you have guts
  8. OG.girl, good luck on your studies girl. Take care and wish that our country gets on its feet. Horn, As for as I am concernen he is representing ALL Somalis well. Hiiraale is ok man he is defending his clan, Morgan is doing his thing and lets all clap and support and hope your uncle, the driver is safe and sound.
  9. Qudhac, is it really that simple.. Where will all those votes come from man????? smith western: dont cry if uncle abdullahi yusuf doesnt win Who me, did you know that all the front runners are my Uncles, Adow just as close as A/Yusuf so unlike you I will be happy as long as that Blue flag is flying and Somalia is back
  10. Xarago darling, check this same type of news but read the bold part........ Now the tactical leader is the JVA's. .............................. Isbahaysiga dooxada Jubba oo Caawa sheegay in ay la wareegeen Fariisimo ay ku sugnaayeen Maleeshiyooyinka Jeneraal Morgan September 16, 2004 Markacadeey http://www.markacadeey.com/sep/20040916_7.htm -------------------------------------------------------------------------------- Xubno ka tirsan Isbahaysiga dooxada Jubba ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen sedex Fariisimo oo ay ku sugnaaayeen Maleeshiyooyinka Jeneraal MOrgan, kadib markii Maanta uu dagaal dhex maray Maleeshiyooyin ka tirsan Isbahaysiga dooxada Jubba iyo kuwa Jeneraal Morgan. Waxa ay sheegteen xubnahan in ay gacanta ku hayaan saraakiil caan ah oo ka tirsan sida ay sheegeen kuwa maamul goboleedka Puntland, kuwaasi oo la socday maleeshiyooyinka Jeneraal Morgan, Waxa ayna tilmaameen in ay Qabsadeen Fariisinkii maleeshiyooyinka Morgan ay ku sugnaayeen ee deegaanka Hoosingoow, uuna Jeneraalka u gudbay dhinaca xuduuda ee Soomaaliya ay la leedahay Kenya. Ilaa iyo sideed Gaari oo kuwa dagaalka ah iyo labo nooca Xamuulka ah ayay sheegteen isbahaysiga dooxada Jubba in ay ka Qabsadeen Jeneraal morgan, Waxaana la keenay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose dhawaac gaaray 25-ruux, kuwaasi oo la sheegay in ay ka mid yihiin kuwa tirsan dhinaca Jeneraal MOrgan. Ma jiraan Warar Madax banaan oo soo baxaya, marka laga reebo sheegashada dhinaca Isbahaysiga dooxada Jubba, dhinaca Jeneraal Morganna maanta wax war ah kama soo bixin hase yeeshee wararku ay sheegayaan in ay gacanta ku dhigeen sarkaal ka tirsan Isbahaysiga dooxada Jubba oo la yiraahdo Garam-garam. Labadan dhinac ayuu maanta dagaal ku dhex maray duleedka Hosingoow. Maxamed Cali Maxamuud (Madka)
  11. COL:Garamgaram Nearly believed it but that particular Colonel left Morgan 4 years ago and is in Mogadishu right now. News is kindy patchy right......
  12. Xarago, everyone has an opinion, WD has one that Abdullahi will win, Bashi believes that the odds are stacked against him. He maybe right but I believe that there are no more than 50 die hard anti abdullahi group in the Parliment. Including TNG, disgruntled groups, warlords like Qaynyare, Barre Hiirale & Ato . Then there are 100 firm supporters, Puntland, SRRC, his own Somali clan family. That leaves 150 undecided and all he needs is to pursuide 51 of them and I believe he will. You have to look at who is running against him, and what they are bringing to the game. Adow, A/Qasin and Sindikow are they as hungry for the position as he is? I believe not. The argument that Bashi brought forward regarding the President must be from Mogadishuis note worthy, however I believe it has diluted through the experience and the performance of Arta TNG. That was a factor in getting Abdiqasin elected, and look what happened. Lets see its interesting but I think its the old Colonels time
  13. SON OF THE JACKAL & SOMALIA- Togane's new Poem, yo he is kinda hard on Ina Yey..... http://www.mudugonline.com/2004/september/son_of_jackal.htm
  14. Ciidamo ay wataan Xassan Daahir Aways iyo Xassan Turki oo weerar dhabar jabin ah ku dhuftay Gen. Morgan iyo ciidamadiisa Muqdisho:- Wararka aanu ka helnay xarunta Ciidamada Gen.Morgan ayaa sheegay in galabta ay weerar kadis ah ay ku soo qaadeen ciidamo ay wataan labada nin ee la yiraaho Xassan Turki iyo Daahir Aways. Labadan nin ayaa la sheegay in ay wateen ciidamo kor u dhaafaya 50 isla markaana ku hubeysan 12 gawaarida Tiknikada ah ayaa weerarka uga soo qaaday Gen. Morgan dhanka magaalada Raas Kambooni halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyooyin ka amar qaata Shiikh Xassan Turki oo kamid ahaa ciidamadii ururkii Al itixaad Islaami garabkiisa hubeysan. Macada sababta ay ciidamada Weerarka ugu soo qaadeen Gen.Morgan hasayeeshee todobaadkii lasoo dhaafay ayaa Mr. Xassan Daahir Aways oo kamid ah ciidamadaasi sheegay in Gen.Morgan uu wada shaqeyn ka dhaxeyso ciidamada Itoobiya. Gen.Morgan oo caawa la hadlayey Wariyaha Maxamed Cabdi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan wax khasaaro weyn ah aysan u geysan ciidamadaa soo weeraray balse uusan aqoon sababta ay ciidamadaasi dhabarka uga yimaadeen. Gen.Morgan ayaa mar la weydiiyey in ciidamadaa uu horey ulla socday in ay joogaan Raas Kambooni ayaa sheegay in uu arrintaa horey ulla socday, balse aysan horey wax dagaal ah uga dhaxeyn labadooda dhinac. Jenanka ayaa intaa ku daray in Wadaadka la yiraaho Xassan Daahir Aways inuu ciidamo ka keenay magaalada Muqdisho todobaadyadii lasoo dhaafay kuwaasoo lasoo marsiiyey magaalada Kismaayo. Xassan Daahir Aways ayaa kamid ahaa maleeshiyooyinkii kula dagaalamay ciidamada Maraykanka magaalada Muqdisho sanadihii sagaashameeyaha. Gen. Morgan oo u waramay caawa HorseedNet ayaa sheegay inuu iska difaacay ciidamada uga yimid dhabarkiisa asagoo sheegay in ay u diyaar garoobayaan rogaal celin laga baqayo in ay ciidamadaasi Xassan Turki ay soo qaadaan. Xassan Turki ayaa kamid ah xubnihii ugu sar sareeyey ee dhaq dhaqaaqii Al Itixaad Islaamiya ee dalka Soomaaliya wuxuuna kamid yahay xubnaha ay dowlada Maraykanka ku dhaliiceyaan in uu gacan saar la leeyahay ururo argagaxiso, waa suu horey u sheegay maamulkaasi Maraykanka. Xassan Turki ayaan ahayn nin ka dhex muuqda siyaasada dalka Soomaaliya balse gacanta ku haya ciidamo awood leh oo ka amar qaata kuwaas oo xaruntooda ugu weyn ay ku taal magaalada Raas Kambooni. Qaar kamid ah idaacadaha dalalka Carabta ayaa caawa wararkooda ku soo qaatay dhaq dhaqaaqa ciidamada Xassan Turki ay uga hortageen Gen.Morgan Maxamed Cabdi HorseedNet.com Muqdisho, Somaliya
  15. I am not neutral dear, as a Somali I will support my President when he is elected. For now I am with Ina Yey. It would have been bad for Abdullahi if like I said before one of his clans folks had won, now all he has to do is work hard for couple more days and lets see. As for last night Shariff beat Madobe not the SRRC. But as ever you are looking at the other side right?
  16. Nin la dhashay Col. Bare Hiiraale oo la sheegay inuu ku dhintay dagaalada ka socda J/Hoose iyo Saraakiil kale oo dhaawac ah Muqdisho:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in magaalada galabta la keenay in kabadan 30 dhaawac ah ayadoo wararku ay intaa ku darayaan in uu xalay ku geeriyooday magaalada nin la dhashay Col. Bare Hiiraale hogaamiyaha ururka Dooxda Jubba. Col. Bare Hiiraale walaalkiis ayaa ku dhaawacmay dagaalkii shalay wuxuuna u geeriyooday dhaawacii soo gaaray xalay. 12 kamid ah dhaawacii la keenay Isbitaalka Kismaayo ayaa maanta u geeriyooday dhaawacooda, sida ay noo xaqiijiyeen dad soo booqday Isbitaalka. Wararka aanu ka helayno illo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa intaa ku daray in dadka dhinac Dooxada Jubba ka dhintay in ay ku jiraan Sarkaalka lagu sheegay Col. Saacid iyo Sarkaal kale oo lagu sheegay KORONTO. Wararkan ayaa sidoo kale sheegay in mid kamid ah abaanduulayaasha dhinaca Col. Bare Hiiraale oo lagu magacaabo INDHO RAADAAR uu hada asagoo dhaawac ah la keenay Isbitaalka magaalada Kismaayo. Dhanka kale maleeshiyada kamid ah kuwa Col. Bare Hiiraale balse kasoo jeeda beesha Cayr oo uu abaanduule u yahay Mr. Seeraar ayaa maanta mid kamid ah gawaarida Tiknikadooda ahi ay miino kula qaraxday meel Kismaayo u jidha 6km. Qaraxaan miino ayey ku dhinteen sadex kamid ahaa maleeshiyadii gaarigaa saarnaa halka ay ku dhaawacmeen 2 kale. Maleeshiyooyinka hoostaga Gudoomiye kuxigeenka kooxda Dooxada Jubba Mr. Seeraar ayaa ayagu maanta diiday in ay ka qeyb qaataan weerarkii lagu qaaday goobaha uu degen yahay Gen. Morgan, isla markaana difaac ka galay intooda badan meel magaalada Kismaayo u jidha 10km dhinaca waqooyi ee jidka aada magaalada Jilib. Col. Bare Hiiraale ayaan asaguna weli dib ugu soo noqon magaalada Kismaayo illaa iyo shalay waxayna wararku qaar sheegayaan in khasaaro balaaran ay soo gaareen maleeshiyada illaalada u ahayd. Gen. Morgan ayaa lagu soo waramayaa in uu ku sugan yahay deegaanka Buulo Xaaji illaa iyo maanta waxayna wararka ugu danbeeyey ay sheegayaan in cutubyo kamid ah ciidamadiisa ay ka dagaalamayaan goobo ka baxsan Buulo Xaaji ee dhanka jidka soo aada magaalada Kismaayo waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada Dooxada Jubba ay difaac uga jiraan caawa goob 60km ka xigta dhinaca koonfureed magaalada Kismaayo. Dagaalkii maanta ayaa joogsaday galabnimadii saacadu markay ahayd 5:30 waxaana lagu wadaa in dagaaladan ay sii socon doonaan ayadoo ay gurmad baaxad leh ay diyaarinayaan dhinaca dooxada Jubba oo dhaq dhaqaaqa ka wada Kismaayo iyo magaalada Jilib. Maxamed Cabdi HorseedNet.com Muqdisho, Somaliya
  17. Warbixintii ugu dambeysay ee Dagaalada ka socda agagaarka Kismaayo. Warbixin dhameystiran oo ku aadan dagaaladii shaley iyo Maanta. SBC News Monitoring-16.Sep.2004 Dagaaladii shaley ka dhex bilowdey Ciidamada Jen.Morgan iyo Kuwa Col. Barre Hiiraale ayaa lagu soo waramayaa inay keeneen khasaaro baaxad leh oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac Dagaaladii shalay ayaa waxaa inta badan khasaaruhu u badnaa Kooxda uu hogaaminayey Col.Barre Hiiraale oo iyagu dagaalka qaadey, waxaa dagaaladaasi kaga dhigtey sida illo madaxbanaan ay inoo shegeen ilaa 20 ka mida Ciidamadiisa halka dhaawacuna uu gaarey ilaa 34 oo laba ka mid ah ay u dhinteen dhaawacii, sidoo kale waxaa dagaalka looga qabsadey Ciidamada Col.Barre Hiiraale sarkaal sare oo lagu magacaabo Cabdi Cigaal iyo waliba laba gaari oo ah noocda dagaalka. Dhanka Ciidamada Jen.Morgan ayaa la sheegay in dagaalkii shalay ay kaga dhinteen 7 askari iyadoo dhaawacuna uu gaarayo 11, waxaase wararku xaqiijiyeen in dagaaladaasi si xun dharbaaxo loogu dhuftey Ciidamada Isbahaysiga Dooxada Jubba oo iyagu duulaan ahaa. Dhinaca kale dagaal aad u culus ayaa saaka 7-dii Subaxnimo waxa uu mar kale ka dhex qarxay Ciidamada Jen.Morgan iyo kuwa Col.Barre Hiiraale, waxaana la sheegaya in dagaalku uu ka dhacay dhawr jiho oo kala duwan oo kala ah Deeganada Buula Xaaji iyo Janaay Cadalle. Warar madaxbanaan oo aan ka helnay ilo ku sugan magaalooyinka Kismaayo iyo Dhoobleey ayaa inoo sheegay in dagaalkii maanta ay mar kale qaadeen Ciidamada uu hogaaminayo Col.Barre Hiiraale. Sidoo kale dadkan oo ka gaabsadey in magacooda la xuso ayaa u sheegay SBC in dagaaladii maanta ay socdeen kuwaad 10 saacadood oo xiriir ah, iyadoo ay jiraan khasaare xoog leh oo labada dhinac soo gaarey. Magaalada Dhoobley oo aan la xiriirnay ayaa noola sheegay in dagaaladu ay galabta ku hakadeen abaare 5-tii Galabnimo deegaanka Buula Xaaji oo Magaalada Kismaayo u jira qiyaastii 65 ilaa 70 Km, waxaana naloo sheegay in badi dagaalku khasaarihiisu uu u badan yahay Ciidamada Col.Barre Hiiraale oo iyagu duulan ahaa. Sidoo kale Magaalada Kismaayo wariyaha Idaacada SBC ayaa soo sheegaya in Isbitaalada Magaaladasi la keenay ugu yaran 20 qof oo dhaawac ah, kuwaasi oo 6 ka mida ay u dhinteen dhaawacooda oo halis ahaa. Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa u muuqata mid aad u kacsan iyadoo gabi ahaanba albaabad loo laabey goobihii Ganacsiga, iyadoo si wayn dadka looga dareemayo dhiilo colaadeed iyo aragagax ay ka qabaan dagaaladu ay u soo gudbaan Magaalada gudaheeda. Sarkaal ka tirsan Ciidamada uu hogaaminayo Jen.Morgan oo lagu magacaabo Col.Muuse ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay ka qabsadey Ciidamada Col.Barre Hiiraale 4 gaari oo ah nuucda dagaalka, isla markaana ay khasaaro u geysteen. Col.Muuse ayaa wax kama jiraan ku tilmaamey warar sheegayay in Ciidamada Jen.Morgan ay diley sarkaalkii ay shaley ka qabsadeen Ciidamada Col.Barre Hiiraale, wuxuuna sheegay Col.Muuse in uu bad qabo Cabdi Cigaal oo ay u hayaan maxbuus dagaal isla markaana aysan waxba gaarsiin doonin. Col.Muuse ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamadoodu ay iminka ku sii siqayaan Magaalada Kismaayo oo uu sheegay inay ka xoreyn doonaan wax uu ku tilmaamey Isbahaysiga Galguduud ka soo duuley ee dadka deegaanka dhibka ku haya. SBC News Monitoring.
  18. Xarago, the new Speaker is not from SRRC/TNG he was voted beacuse he was better than Adan Madobe. No problem, this is a national all inclusive government do you wont have one group getting every post. For example if Adow wins, he is not a TNG or SRRC? If Abdullahi wins I dont think the PM will be from the SRRC or the TNG....... You are trying too hard to gain an advantage, to win something, but hey it was a wonderful night to be Somali and Shariff is our Speaker and who ever wins on the 22nd is our President right
  19. I can see walalo the 'fadhi ku dirir' syndrome got to you fast. I always assumed you were more articulate than that. And a piece of info for you Colonel Yeey and his advisor are counting the costs now at how Madobe lost the election. I must admit I admire your style, you always spin it your way. Lets look at it fromt the other side shall we. Nothing is stopping Abdullahi from contesting the election on wednesday 22nd. He has a very good shot at getting 150 votes on wednesday. So you see Shariff winning was fantastic, there is no Zakaria, Jinni Boqor or Mohamed Abdi Yususf. A major clan has now been removed from the race of the Presidency. The fact that he was in Narobi for one day prior to the election shows how important Madobe was in the grand scheme of things
  20. Suldanka, what would you rather win the Presidency or the Speaker of aparliment? And I heard Abdullahi voted for Jinni Boqor, as they are fromt the same clan.
  21. Dagaalo waaweyn oo maanta ka socda Jubbada Hoose iyo maleeshiyada Dooxada Juuba oo ku guuleysan waayey in ay jiraan ciidamada Gen. Morgan Muqdisho:- Waxaa saaka markale uu dagaal aad u culus ka qarxay deegaanka u dhaxeeya Buulo Xaaji iyo Kismaayo ayadoo marakan la sheegay in dagaalka uu usoo durkay dhanka magaalada Kismaayo. Dagaaladan ayaa bilodwday shalay duhurnimadii waxayna joogsadeen xalay, balse dagaaladan ayaa saaka dib uga qarxay deegaanka Jubbada Hoose ayadoo ay tobaneeyo gawaarida Gaashaaman ah oo ay leeyihiin maleeshiyada haysata magaalada Kismaayo kooxda Dooxada Jubba weeraro isdaba joog ah ku qaadeen goobaha ay difaaca uga jireen ciidamada Gen. Morgan. Dagaaladan ayaa dhaliyey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayadoo wararka kasoo baxaya magaalada Kismaayo ay sheegayaan in Isbitaalka magaalada loo diyaariyey dhaawac faro badan oo la sheegay in loo soo wado magaalada. Maleeshiyada Dooxada Jubba ayaa weerarkoodii maanta waxaa ku wehliyey tikniko todobaadkan ka tagtay magaaladan Muqdisho ayadoo la sheegay in ay maleeshiyooyinka u suurtoobi weyday in ay jiiraan ciidamada Gen. Morgan oo sadex aag difaac uga jiray. Wararka ayaa intaa ku daraya in maleeshiyada Dooxada Jubba laga furtay 4 gaari oo nooca tiknikada ah kadib markii ay dhabar jabin ku sameeyeen ciidamada uu hogaamiyo Gen. Morgan. Dagaalkan ayaa markale looga qabtay maleeshiyada Dooxada Jubba tiro kamid ah ciidamadooda. Ciidamada Gen. Morgan ayaa la sheegay in ay maanta kasoo dhaqaaqeen sadexda aag oo ay horey ugu sug naayeen ayagoo markaa ku wajahan dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose. Dhanka kale Abaabul dagaal ayaa laga soo sheegayaa in uu hada ka socda deegaanka Jilib goobtaasoo la isugu geeyey ciidamo horey halkaa difaac ugu jiray ciidamadaasi oo hada la sheegay in ay ku biiri doonaan forinta dagaalka uu ka socdo ee Koonfurta iyo Galbeedka magaalada Kismaayo. Qaar kamid ah saraakiisha Gen. Morgan oo aan maanta khadka taleefonka guur guura kula xariirnay ayaa ka gaabsaday in wax faah faahin ah uu ka bixiyo asagoo markaa sheegay in aysan jirin wakhtigan wax hadal ah oo ay socdaan dagaalo. Gen. Morgan ayaa horey u sheegay in uusan wax dagaal ah qaadi doonin uuna iska difaaci doono wixii duulaan ah oo lagu soo qaado. Col. Musse afhayeenka ciidamada Gen. Morgan oo la hadlay HorseedNet ayaa sheegay in ay ciidamada hada ku jiraan hawgal ay ku sugayaan nabad gelyada asagoo markaa intaa ku daray in ay gacan weyn ka heystaan shacabka degan deegaankaas oo uu sheegay in ay hada hubka u qaateen in ay iska xoreeyaan isbaheysiga ku dul habsaday ee la magac baxay Dooxada Jubba. Col. Muuse ayaa beeniyey in ay jiraan wararka sheegaya maxaabiis laga qabtay Dooxada Jubba oo ay dileen garabkooda, wuxuuna yiri Col. Muuse ".....waxna kama jiraan warkaas, waa ku tiri kuteen, waxaa lala socdaa in dagaaladan aysan ahayn kuwii ugu horeeyey ee na dhexmara anaga iyo burcada kismaayo xooga ku heysata ... waxaana u sheegayaa in sidii hore ee tixgalinta iyo xaqdhawrka ahaa ee aanu ulla dhaqmi jirnay maxaabiista aanu qabano sidii oo kale baan ulla dhaqmi doonaa ...... waana og yihiin maleeshiyadaa dooxada Galgaduud in aan hada ka hor qabqabnay in badan oo ayaga kamid ah oo aanuna sii deynay, waa nasiib daro in ay mar kale dagaal isu abaabuleen...."ayuu yiri Col. Muuse oo sheegay in sarkaalkii ay shalay ku qabteen dagaalka aysan dilin. Dagaalada maanta ayaa ah kuwo weli socda waxaana la filayaa in ay sii balaartaan marka ay kusoo durkaan magaalada Kismaayo oo hada ay ka wadaan maleeshiyada haysatada abaabul ciidan. Maxamed Cabdi HorseedNet.com Muqdisho, Somaliya
  22. Xarago, Jinni Boqor is out, when I haerd that Uncle Jinni got only 4 votes I remembered you..Ah So now what is in the way of Mr Yey? And O.G girl my sister, from the Occupied territories dont worry Mr yusuf has no problem towards you he is very sympathetic to you guys so is Puntland, he has no problem towards Somaliland either its just he gave them and thier ego a bloody nose last year and made Riyaale, Run for it, run for it Run
  23. Lets speak of the facts sxb, the facts are; the newly elected house for Somalia(Proper) is divided. You can call it, into SRRC and TNG, supporter and backers. Now, what we saw in the elections was nothing but a show of force of the pro-TNG (backers and supporter of the old TNG) who put their candidate to the seat they wanted with clear majority. The new Parliment speaker is neither TNG or SRRC, it was between Adan Madobe and him and he won, he worked harder had more charisma and funds than Adan. Now like my brother WD said we are quitely confident that Mr Yey will pull it of. What ever happens this government will be strong and will deal with renegade provinces accordingly
  24. Suldanka, shame on you man, Shows what kind of people we are dealing with here. This is a Somali girl, a 15 year old Somali girl. :mad:
  25. Soomaaliya:Guddomiyaha Baarlamaanka oo Soomaaliya laga soo Dhaweeyey - Thursday, September 16, 2004 at 16:21 Soomaaliya, 16.09.04 (AllPuntland) - Guud ahaanba dalka Soomaaliya ayaa si wanaagsan looga soo dhaweeyay Doorashada Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Baarlamaanka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed. Magaalada Garoowe ee Caasimadda DG Puntland ayaa ka mid ah meelaha laga soo dhaweeyay doorashda guddoomiyaha cusub Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan. In kasta oo dadka Puntland ay aad u hadal hayaan dagaalada ka soconaya Jubbooyinka ayagoo koox koox u taagan ayay ka sheekaysanayaan dagaalada ayagoo Urur Goboleedka IGAD ku eedeeyay inay tallaabo muuqata ka qaadi wayday Col. Barre Hiiraale oo isagu dagaalka bilaabay. Gobolada Baay iyo Bakool oo uu dagaan ahaan ka soo jeedo Gudoomiyaha Baarlamaanku ayaa ka mid ah meelaha sida aadka ah looga soo dhaweeyay magacaabidda guddoomiyaha cusub; waxayna ku tilmaameen in dawladdii Soomaaliyed tiirkeedii ugu horeeyay la unkay. Magaalada Baladwayne ee gobolka Hiiraan waxaa maanta ka dhacay bannaanbax taageero ah oo dadkii isugu soo baxay oo boqolaal gaarayaa ay mashxarad iyo faraxadba la dhawaaqayeen. Magaalada Muqdisho ayaa iyaduna dadwaynuhu ay rajo wanaagsan ka muumijeen magacaabidda Shariif Xasan iyagoo tilmaamay in laga bixi doono burburkii lagu soo jiray 14ka sano ee la soo dhaafay; waxaa kale oo dadweynaha Muqdisho ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in dawladdan ay wax badan ka duwantahay middii Carta lagu soo dhisay maadaama ay Soomaalidu u dhantahay, islamarkaana caalamku uu ilgaara ku eegayo. CC Farayaamo AllPuntland.com