General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Hoosungo:Dagaallo maanta mar kale dhexmaray Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo kuwa Gen.Morgan - Monday, September 20, 2004 at 17:53 Nairobi(Allpuntland)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka ku dhow tuulada hoosungo ee galbeedka kaga aaddan magaalada Kimaayo ayaa sheegaya in maanta dagaallo kale ay ka dheceen agagaarka tuulada Santaara oo deegaankaas ka tirsan. Dagaaladaan maanta dhacay oo sida wararku sheegayaan aan sidaa u xoog badnayn ayaa waxay dhexmareen maleeshiyada Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo kuwa SPM/SRRCda ee taabacsan Gen.Morgan. Dagaalladaan ayaa waxaa weerarka lahaa Isbahaysiga Dooxada Jubba,waxaana wararka soo baxayaa sheegayaan in dib loo riixay oo ay waabiyeen SPM/SRRCdu ,iyadoo magaalada Kismaayo laga soo sheegayo in isbitaalka la geeyey maleeshiyooyin dhaawacyo ka soo gaareen dagaalladaas oo ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan magaaladaas oo aan la xiriirnay,lamase sheegin wax gaadiid dagaal ah oo la kala qabsaday . Wararka ka soo baxaya dhinaca SPM/SRRCda ee la xiriira dagaalladaas shalay iyo maanta ayaa sheegaya inay ku jebiyeen weerarada ay ku soo qaadeen kuwa Isbahaysiga Dooxada Jubba oo ay sheegeen inaysan ku ekayn kuwa uu hoggaamiyo Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale oo isagu hadda ku mashquulsan dagaallada Jubbooyinka isla markaana maalin kasta magiciisa laga yeeriyo hoolka shirarka ee Mbagathi ,marka ay kulan isugu yimaadaan Xildhibaanada KMG ah ee Federaalka Soomaaliyeed,ee ay weheliyaan bay yiraahdeen maleeshiyooyin ka tirsan waa sida ay hadalka u dhigeene Al-Itixaad,Samatabixinta,Kuwa C/Qaasim,Indhacadde,iyo qolooyinka isku magacaaba maxkamadaha Islaamiga ah,balse eedaymahaas maleeshiyooyinka ka qaybgalay dagaallada iyo wararka ku lugta leh dagaalladaas ma jirto cid madaxbannaan oo noo caddaysay. Iimaan Cali Cabdi Allpuntland,Nairobi,Kenya
  2. Muqdisho: Malayshiyada Deelaaf, Abuukar Cadaani iyo Abdiqaasim Salad oo Gurmad ka Diray Muqdisho - Monday, September 20, 2004 at 17:44 Muqdisho, 20.09.04 (AllPuntland) - Sida uu ku soo waramayo weriyahayaga magaalada Muqdisho, waxaa saaka ka ambabaxay Muqdisho ciidamo ku hubaysan 12 Tikniko ah oo ay leeyihiin malayshida taabacsan Maxamed Deelaaf, Abuukar Cumar Cadaani iyo Cabduiqaasim Salad Xassan. Malayshida oo qayb ka mid ah huwanta Al-Itixaad iyo Dooxada Jubba ayaa la sheegay in qordshahoodu yahay in ay difaac ka galaan Dekedda iyo Gegida dayuuradaha ee magaalada Kismaayo oo la sheegay in ay kaabiga u saaran yihiin ciidamada degaanka ee SPM. Qorshaha ayaa la sheegay in uu yahay sidii Dekedda iyo Madaarka Kismaayo ay gacanta ugu geli lahaayeen Ururka Al-Itixaad oo in muddo ahba ku hamiyayey in ay mideeyaan cududooda, isla markaana ay saldhig ganacsi ka samaystaan Kismaayo. Khasaare ba'an oo ka soo gaaray malayshiyada Dooxada Jubba dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ayaa lagu soo warmayaa in Ururka Al-Itixaad ay mar kale milicsadeen hirgelin qorshe mudooyinkan dambe ay ka shaqaynayeen. Warakii ugu dambeeyey ee saacadihii la soo dhaafay naga soo gaaray aagga dagaalka ayaa sheegaya in saaka uu dagaal ku dhexmaray dhul xeebeedka dhanka koofureed kaga toosan Kismaayo ciidamada deegaanka ee SPM iyo kuwa Al-Itixaad ee taabacsan ninka lagu magacaabo Xassan Turki, halkaasna malayshiyada Xassan Turki jab ay kala kulmeen. Saddex ka mid tikinikada dagaalka ayaa halkaa looga gubay, iyada oo uu soo garay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in saaka waaberigii ay dagaalo ku dhexmareen aagga Xaliima Cadeey ciidamada deegaanka ee SPM iyo kuwa huwanta Al-Itixaad iyo Dooxada Jubba. Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac. Sidoo kale, qaar ka mid saraakiisha SPM oo aan la xiriiray iyaga oo jooga Dhoobley ayaa noo sheegay in degaanka ay soo gaareen Dhakhaatiirta aan Xudduuda Lahayn iyo Suxufiyiin ka socda qaar ka mid ah Ilaha Wararka Caalamiga ah si loo derso khasaaraha kooxaha Al-Itixaad iyo Dooxada Jubba ay u geysteen degaanka maalmihii la soo dhaafay. Wixii war ah ee soo kordha, gadaal ayaan idiinka soo gudbin doonaa. Xarunta AllPuntland.com
  3. The difference between you and I is quite simpler, you support Yusuf Inda Cade and Huuraale and the occupation of Juba, Marka, Barava while I support Puntland and the occupation of no one.
  4. Cadow: Aniga Iyo C/laahi Yuusuf Heshiis Ayaan Ku Nahay In Aan Xilalka Ugu Sareey Md C/llahi Axmad Caddaw oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxweynenimada ee shirka Soomaalida Kenya ayaa ku dhawaaqay in uu ku kalsoonayahy naftiisa rajana ka qabo in uu ku guulaysan doono xilkan muhiimka ah . Md Caddaw ayaa maanta daboolka ka qaaday mar uu u waramayey Idaacadda Banaadir ee xarunteedu Muqdisho tahay in dawladda cusub uu saldhig uga dhigayo Muqdisho gaar ahaan goobihii xarumaha u ahayd dawladii hore ee kacaanka. Md Cadow wuxuu intaa ku daray in aysan marnaba dhici doonin dawladdu in ay marti noqoto amaba ay hanan weydo haddiiba uu ku guulaysto in ay degto Villa Soomalaiya iyo golihii shacabka Soomaaliyeed. "Anigu haddii aan ku guulaysto xilka madaxwaynenimada waxa aan degayaa Villa soomalaiya baarlamaankuna waxa uu degayaa xaruntoo golaha shacbiga ,Caydiidna wuu ku qancayaa arrinkaa oo wuu wareejinayaa ilaah idinkii waana guulayusanayaa" ayuu yiri mr Caddaw . Cadow wuxuu kaloo xusay in isaga iyo Col C/llaahi Yuusuf Axmad ay heshiis ku yihiin in ay xilalka ugu sareeya kala qabtaan tageeerada ugu badana ee xildhibaanadana uu ka haysto Puntland kuwa ka soo jeedo . Murashaxiinta xilkan oo ay ugu cadcadyihiin Caddaw, Col C/laahi Yuusuf, Qanyare, Faarax Siindiko iyo C/qaasim Salaad ayaa dhamaantoodba waxa ay ka wadaan madasha shirka Soomaalida ee Kenya olole ay ku doonayaan in ay ku helaan codadka xildhibaanada oo la sheegayo in beec (for sale) uu ku socdo oo waliba la isku fallisayo lacagaha. Arrinkaas oo dadka intiiba badan fool xumo ugu muuqda ayaa rajo xumo ku keenaya in xildhibaan matalaya ummad dhan codkiisa uu ku iibiyo shilimaad laga yaabo in uusann la soo dhaafin madasha shirka soomaalida ee Kenya. C/llaahi Khadar, goobjoog, Muqdisho Budbud33@hotmail.com ...................................................................... Otali so much for Jama Ali, even though I think Adow is just talking, however do you see how you don’t hear Abdullahi saying anything about Adow or A/qasin or anyone else, that’s called confidence
  5. Buuba, I was surprised with that one, its getting interesting by the minute.
  6. I know for a fact those 14 votes are not going to a murderer, a senile old tribalist. Ah those 14 holly men, which includes the butchers of Juba Barre Huurale, Ahmed Warsame and a couple of factions that destroyed Gedo. It does not matter to me as you are not independent from Inda Cade and A/qasin well you was from a small group after all
  7. C/llaahi Yuusuf, Xuseen Maxamed Ceydiid, Maxamed Dheere, Xasan Abshir Faarax, Buubaa,Sh. Aadan Madoobe, iyo kuwo kale oo ku bahoobay isbahaysi cusub oo qarsoodi ah. Nairobi Waxaa soo shaacbaxay isbaheysi si qarsoodi ah loo dhisay oo u jeedadiisu tahay in jagada madaxweynaha Soomaaliya aanay dhaafin hogaamiyayaal is baheystay oo u badan kuwii SRRC-da ayna ka mid yhiin xubno ka mid ahaa TNG-dii burburtay. Hogaamiyeyaasha kala ah C/llaahi Yuusuf Axmad, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Xuseen Maxaled Faraax (Ceydiid), Imaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa),C/dalla Deerow ***** , Sh.Aadan Maxaled Nuur (Sh.Aadan Madoobe) C/siis Xaaji Yuusuf iyo xubno kale ayaa ku jira isbaheysigan oo in muddo ah jiray, waxaana jagada madaxweynaha u Sharaxan afarta ugu horeysa. Isbaheysigan oo leh guddi farsamo oo codadka u raadiya una ololeeya xubnaha isbaheysigan ayaa ku heshiiyey in marka loolanka jagada madaxweynaha la wada galo ay ugu shubaan shaqsiga ugu cod bata ee wareegyada ugu dambeeya u gudba, inkastoo ay ku guul dareysteen Gudoomiyihii Baarlamaanka ayay iminka rajo weyn ka qabaan inay heli doonaan jagada madaweynaha soomaaliya ee 5-ta sano ee soo socota. Isbaheysigan oo markii ugu horeysay soo if baxay ayaa ahaa midkii ka dambeeyey in dib loo dhigo xilliga doorashada madaxweynaha Soomaaliya lana gaarsiiyo ilaa 10.ka bisha Octoper, si ay dib usugu abaabulaan. Waayahan dambe ayaa waxaa ka socday olole noocyadaan oo kale ah magaalada Nairobi oo ay ka wadaan hogaamiyeyaasha jagadoonka ah. Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho cabdishakuur@dayniile.com
  8. Horn you seem to be getting desperate, do you know that 4 out of the 14 Gedo boys will vote for Abdullahi Yusuf????
  9. However events on the groud don't support your "facts". You must be having one of those days ha. What events on the ground the Gedonet.com or the ones reported on www.somalitribune.com or even the galgaduud networks www.goobjoog.com. Brother you have not won, on the contrary it seems that you guys are getting desperate. two days ago you was saying Morgan was in KENYA, so who's evidance is not supported on the ground.
  10. I wonder when you will realise huuno events in the ground contradict your assumptions. I present facts, interviews news updates. you present cheap statements. All you seem to do is rearange your prejuidices.
  11. G/kuxigeenka Jabhada SPM Col.Cabdi Mahdi Cabdisalaan iyo saraakiil kale oo soo gaaray Degmada dhoobley. By Y.C.Qammaan Posted to the web 20-09-2004, 01:05:28 Dhoobley:-G/kuxigeenka Jabhada SPM Col.Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa Galabnimadii Axada ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Dhoobley ,isagoo hogaaminaya Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan Jabhada SPM,Waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Duqa Magaalada Dhoobley Xayi Barqadle iyo mas'uuliyiin katirsan Beesha ****** . Waqtiyar Dabadeed G/kuxigeenka iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa ka qabgalay Aas lagu aasayey Haweeney 82 jir oo maalintii jimcaha ay dhaawac ugeysteen Ururka Al-itixaad ee ku soo duulay Degmada Dhoobley kadib markii udhimatay Dhaawacaas. G/kuxigeenka Jabhada SPM Col.Cabdi Mahdi Cabdisalaan oo ay horkacayaan Duqda Degmada Dhoobley Xayi Barqadle iyo masuuliyiin kale oo katirsan dadka degaanka ah ayaa waxay marsiiyeen G/kuxigeenka Dhamaan Goobihii Maleeshooyinkii Al-itixaad ee kasoo duulay Marka iyo Muqdisho ay ugeysteen dadka Deegaanka Dhoobley. Col.Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa isla galabnimadii ka jeediyey khudbad aad u dheer meel fagaare ah oo ay isugu soo baxeen dadka Deegaanka Dhoobley hadalada carabkiisa ka soo baxayna waxay u dhaceen didatan"Anagu hadaan nahay masuuliyiintii Jabhada SPM aad baan uga xunahay dhibaatada loo geystay shacabka aan masuulka ka nahay,waxaanse ku faraxsanahay sidii geesinamada lahayd ee Ciidamada Deegaanku ay isaga dulqaadeen dhibkii loo gestay, waxaana farayaa dadka inay ilaahay usabraan wixii ka soo gaaray dhibaatadii dad iyo maalba laheyd ee lagula kacay.Waxaan usheegaynaa cid walba uu ku soo duushay Jubaland inaanu Gorgortan aanu kala gelikarin deegaanada Jubaland iyo Baardheeraba waa sida uu hadalka u dhigaye". G/kuxigeenka Jabhada SPM Col.Cabdi Mahdi Cabdisalaan iyo saraakiil kale oo la socota ayaa maalinta Beri ah oo bishu tahay (20/9/04) lagu wadaa inuu booqasho ku maro Degmooyinka Afmadow iyo xagar. Dhinaca kale wariyaha Puntlandpost u fadhiya Deegaanka Dhoobley ayaa u sheegay Warsidaha Puntlandpost in Col.Barre Hiiraale oo ka tirsan Maleeshiyada Dooxada Jubba ee ka soo hayaamay Deegaanada Gal-gaduud uu khadka taleefanka uu kula xiriiray Duqa Degmada Afmadow isagoo uga tacsiyeey dhibaatooyinkii ay maleeshiyadoodu ugeysteen Dadka deegaanka dhoobley,wuxuuna Bare Hiiraale kadalbaday Duqa magaalada Dhoobley Md,A/risaaq Cusmaan Maxamud inay ku martiqaadaan isaga iyo odayaasha Beesha ****** Magaalada Kismaayo. Duqa Magaalada Afmadow Md,A/risaaq Cusmaan Maxamud ayaa ku gacansayray codsiga Bare Hiiraale isagoo ugu baaqay marka hore in wadahadal uu ku imaankaro oo kaliya iyagoo kala baxa Deegaanada Jubooyinka Maleeshiyda laga soo jafjafay Gobolada Galgaduud ,Hadalkaasna uu aad uga xanaajiyey Col. Barre Hiiraale. Wuxuu kaloo noo xaqiijiyey wariyaheenu in dagaalo ay ka dhaceen Maalintii Axada Deegaanada Cabdala Biroole iyo agagaarka buulo xaaji halkaasna loogu awood sheegtay Ciidamada ka soo hayaamay Muqdisho marka iyo gobolada gal-gaduud. Ciidamada Deegaanka Jubooyinka ee uu horkacayo Gen,Maxamed Saciid xirsi "Moorgan" ayaa dagaalkan dhacay maalintii Axada u geystay maleeshiyooyinkan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba tiro cadadeedu le'egtahay 28 qof iyo labo baabuur oo teknikada ay wateena ay la qaraxday Miinooyin dhulka loogu xabaalay. Yuusuf Cali Qammaan Puntlandpost,Dhoobley,Soomaaliya
  12. Xarago, there is no nobler task than telling the truth, its seems the truth hurts you. No one is running this conflict will be settled by the will of the people of Juba and the people dont want these criminal thusg JVA. Look at what they did in Dhoobley :mad: So dear its you who needs to revisit her values as a Muslim and as a woman and not lecture us to see your clan baised side of the argument.
  13. Simply Perposterious! Is what Abdullahi Ahmed Adow is, a simple man with no vision, no chance of leading the country and if he did it will be like A/Qasin's TNG but a little bit worse.
  14. Is bringing Indha-cadde's name into the picture going to make your defeat any more acceptable? The truth of the matter is Indha-cadde is in Marka and he hasn't left Shabeele. You were beaten by Hiiraale and no one else. I did not the people of Dhoobley did, go on www.somalitribune.co or his earlier interviews when he said he will defend Kismayu. See Horn you boys from Gedo are just a front, the facade the fictitious rulers of Kismayu, cause when shitt hits the fan its Mog & Marka to the rescue. Defeat, what defeat? Hiirales brother and several of his officers, Like Goobale are dead, his troops got smashed several times notably by the people of Dhoobley, his Axis of evil are all over the place and Morgan is in Hosingow. for comformation check www.goobjoog.com and www.hornafrik.com they are part of the twins of Galgaduud media and that should do it for ya Now there was no Col Gramgaram, your uncle was released and not rescued, he said it out of his own mouth. Out of anger the Al]Itixad/USC Marka JVA, forces of Inda Cade killed raped and looted a sleepy Somali town, your hero Gen Ahmed and MP Hiiraale where watching :mad: Anyhow the game is still being played dont be so rash like your twin Yusuf Garad
  15. now that's a carreer, other Somalis can only dream of, I always thought he was valuable to us (the pro-Yeey group). Damn right, he is quite a talented individual, there is also Walde and Azhari, Cade Muse and a number of other heavy hitters from Puntland, along with Abdullahi Shiekh Ismael, Abdirizaq Shiekh yusuf, Hillowle Iman, Mohamed Ghamadere, and even Xuseen Aydeed working to get our man the top post
  16. Dagaala culculus oo ka dhacay Deegaanka Xaliimo Cadeey ee Gobolka Jubada hoose Posted to the web 19-09-2004 Wararka ka imaanaya Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in dagaal uu ka dhacay Deeganka Xaliimo Cadeey oo aan kafogayn Magaalada Kismaayo. Dagaalkan oo shalay galab dhacay ayaa lagu soo waramayaa in uu dhex marey Ciidamada Jen.Morgan iyo kuwa Dooxada Jubba ee hogaaminayo Col.Barre Hiiraale. Dagaalkan oo ahaa mid khasaaro badan geystay ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi ay ku dhinteen dad lagu shegay tiradooda 12 qof iyo dhaawac lagu qiyaasay in uu gaarayo ilaa 20 qof, qasaarahan ayaa intiisa badani uu dhacay kadib markii afar gaari oo kuwa dagaalka ah oo ay lahaayeen Ciidanka Isbahaysiga Dooxada juba ay halkaasi Miino kula qaraxday. Mar aan la xiriirnay qaar kamid ah saraakiisha Gen Moorgan ee aaga hore dagaalka kaga jira ayaa inoo xaqiijiyey in qasaara ba'an oo naf iyo maalba leh ay u gaysteen Ciidamada duulaanka ah ee Isbahaysiga dooxada juba. Sarkaalkaas oo inoo waramayay ayaan sheegin wax qasaara ah oo dhank Gen Moorgan kasoo gaaray dagaalkii shalay, waxaana uu inoo sheegay in ay uga gacan sareeyeen Ciidanka isbahaysiga dagaalka shalay ka dhacay Xaliimo Cadeey. Sarkaalkaas oo aan weydiinay Gen Moorgan meesha uu ku sugan yahay ayaa inoo xaqiijiyey in uu Gen Moorgan uu ku sugan yahay Aag ka mid ah aagaga ay ciidamada kadagaalamayaan. Dagaaladan oo Haatan kadhacaya degaanka Xaliimo Cadeey, ayaa waxa meesha ka baxaya wararkii beenta ahaa oo ay fidiyeen Isbahaysiga dooxada juba oo ay ku sheegeen in ay moorgan kasaareen goobihii uu gacanta ku hayey, waxaana si cad u muuqata wararkii laga sii daayey idaacada BBC - da iyo qaar kamid ah shabakadaha internetka ee sheegayey in moorgan laga adkaaday lagana saaray xuduuda, uu beenahaa iyo hadal aan waxba kajirin, ujeeda gaar ahna ay kalahaayeen kuwii wararkaas fidiyey. Ismaaciil Gaab Somaali.com - Kismaayo
  17. Dagaalo Ba'an oo Maanta kadhacaya Badhaadhe dagaaladaas oo dhex maraya SPM iyo Dooxada Juba Posted to the web 19-09-2004 Warar naga soo gaaraya Dhooblay ayaa sheegaya in uu halkaasi maanta dagaal ka qarxay, kaasoo u dhexeeya Dooxadda Jubba iyo SPM. Wararku waxa ay intaas ku darayaan in dagaalka maanta uu gaystay khasaaro Naf iyo moodba leh. Laba baabuur ayaa la sheegay in dagaalkan looga gubay Maleeshiyadda Dooxadda Jubba oo la sheegay in ay hogaaminayaan laba nin oo magacyadooda lagu kala sheegay Goobane iyo Yuusuf Indhacadde oo la sheegay in ay isku jufo ka tirsanyihiin. Sida laga wada war qabo labadan hogaamiye oo kasoo duulay Muqdisha ayaa ah kuwii dabka qabadsiiyey magalada dhoobley oo ahayd magaalo dad rayid ah ku noolyihiin ilaa iyo haatana waxaa dadku is waydiinayaa caadawada iyo xasuuqa ay geysteen maleeshiyadan kasoo duushay Muqdisha ee sida naxariis darada ah ula dhaqantay dadkaa rayidka ah ee ku dhaqan degaanka. Dhanka kale , warar ayaa sheegaya in maleeshiyadda RRA garabka xaabsade ay isku diyaarinayso sidii ay maanta weerar ugu qaadi lahayd Bu'aale. Ismaaciil Gaab Somaali.com - Kismaayo
  18. Ayoub my brother, you are a funny lot, the people who got the NSS comander as President and that midless old midwife as foreign minister. Now how deep can one sink??????
  19. The day Mogadishu guyz are in it for real, GAROOWE will be the battleground , not Dhoobley So Aydeed Sr was just playing when he got his *** kicked in Galkacyu? The day Mogadishu guyz are in it for real, GAROOWE will be the battleground , not Dhoobley Brother thats what everyone says when they are losing, I remember Faisal [somaliland] Warrabe crying like that, Garowe, LOL give me a break incase you did not know, Morgan is on his way to Kismayu, read the interview taken today or go on your trusted websites... www.goobjoog.com www.hornafrik.com or any number of the Puntland media sites but hey they would be difficult to read ha? Another thing Baare Hiiraale and Inda Cade are wanted men by the people of Dhoobley.. :mad:
  20. WD, read the interview, it was taken today, so much for he is in Kenya bul.
  21. Gen. Morgan ".... 90% jabka wuxuu ku dhacay Xildhibaanka dagaal oogaha ah ee Bare Hiiraale iyo maleeshiyada la socota...." Wareysi Gaar ah! Muqdisho :- Waxaa maanta noo suurto gashay in aan wareysi la yeelano Gen. Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo markii ugu horeysay si toos ah uga hadlay dagaaladii ka dhacay Hosingoo iyo Dhoobley. Gen.Morgan oo aan maanta khadka taleefoonka guur guura aanu kula hadalnay ayaa shaaca ka qaaday inuu ku sugan yahay Deegaankii ay dagaalada ka dhaceen. Jenanka oo ka hadlaya dagaalada ayaa yiri... ".....waxaa dhacay dagaalo sadex maalmood iyo maanta ka dhacay deegaanada Jubbada Hoose, dagaaladaasina cidii uu jabka ku dhacay hadee nin walba xeradiisa ayey ka muuqataa...". HorseedNet "...Jenaraale waxaa la sheegay in xaruntaadii la qabsaday Hosingoo iyo waliba in adiga laftaada lagaa furtay gawaari badan sida ay sheegeen Dooxada Jubba maxaa arrintaa ka oron laheyd, Sidee dagaalka u dhacay...." Gen.Morgan ".....Dagaalka wuxuu ka bilowday Buulo Xaaji waana kii ugu horeeyey dagaalkaas wuxuu Bare Hiiraale soo qaaday 6 weerar oo labo af ah, lixdaa weerar waa uu ku jabay, waxaana uga gubnay 8 gaari oo shani tahay Tikniko dagaalkaasi wuxuu ka dhacay Aaga Buulo Xaaji iyo Xaliimo Cadey...... dagaalkaa waxaa nooga dhintay 5 qof iyo 10 dhaawac ah.." Dagaalkaas ayuu ahaa kii ugu weynaa ee na dhexmara anaga iyo Dooxada Jubba, waxayna keentay in Bare Hiiraale uu dib ugu noqdo Kismaayo isla markaana dhanka Jilib kasoo raaco maleeshiyo laga soo abaabulay Marka iyo Muqdisho. Dagaal maalintii Jimcaha ay soo qaadeen ayaa waxay weerar kasoo qaadeen dhanka Hosingoo ayagoo dhanka Bu'aale soo maray, dagaalkaas maaheyn wax weyn wax khasaaro nolol ama dhaawac ah oo naga soo gaaray ma jiraan, ayaga uun baa weerar ahaa oo khasaaruhu ku badnaa. Tirada saxda ah kama heyno. HorseedNet "... oo Jeneraale dagaalkaa soo lagaama qabsan xaruntaadii ...." Gen.Morgan "...Hosingoo waxaa joogay sadex gaari oo aan tikniko ahayn iyo labo gaari oo xamuul ah, mana aheyn goob sal dhig u ah ciidamada ee waxay ahayd goob kamid ah meelaha ay joogeen ciidamada deegaanka, shaqsiyan markaa ku ma sugneyn goobtaa, waxay gacanta ku dhigeen sadexdaa gaari iyo labadaa oo xamuulka ahaa... Halkaa maysan ku joogsan oo weerar ayey igu soo qaadeen mar aan ku suganeyn goob u jidha Hosingoo 60km dhanka Kismaayo waana la soconay weerarkoodaa..... jid gooyo ayaanu u dhignay isla markaana jab ayaa ku dhacay oo looga gubay labo kamid ah tiknikadooda, Ciidamadaasi waxay dib ugu noqdeen Hosingoo ayagoo markaa qaarkood sii aaday magaalada Dhoobley oo loogu sheegay in uu yaalo Shidaal ay rabeen in ay qaataan si ay ugu gudbaan dhanka Bu'aale iyo Kismaayo. HorseedNet "... Hadaba intee ku danbeeyeen ciidamadii Dhoobley aaday?".. Gen. Morgan "... Ciidamadaa waa kuwii uu la socday Bare Hiiraale, waxayna habeenkii ay gaareen Dhoobleey ayagoo kasoo dhacay qalab iyo shidaal, isla markaana dhibaato dil, dhac iyo kufsi ah u geystay dadka shacabka ah ee magaalada, waxayna habeenkaasi difaac ka galeen Hosingoo...kadib markii ciidamada deegaanka kasoo saareen magaalada Dhoobley. Anagu waanu isku diyaarinay in aanu ku dhaqaaqno dhankaas waxaana aagas abaaray ciidamo waxayna gaareen dhanka Dhoobley, isla maalintaa dagaalkii ka dhacay shalay oo Sabti ahayd waxaanu jidka uga qabanay 4 gaari oo xamuul ah oo ay dhanka Dhoobley ku sugnaa oo ay ku jiraan labadii xamuulka ahaa ee aanu laheyn kuwaas oo ay maleeshiyada dooxada Jubba u isticmaalayey in lagu soo qaado xoolaha dadka Dhoobley laga soo dhacay, waxaana la socday 5 gaari oo Tikniko ah gawaaridaa 3 baanu ka gubnay kuwa xamuulkana iyo labo tikniko ahna gacanta ayey noogu jiraan oo halkaa ayeyba joogaan hada. HorseedNet "... Hadee meeyeh ciidamadii kale ee Bare Hiiraale la socday???' Gen. Morgan ".....ciidamadaasi waxay intooda badan joogeen Hosingoo ayagoo isku diyaarinaey in ay aadaan Bu'aale waxayna weeraro ku qaadayeen Dhoobley marka anagu waanu qabqabanay kuwii ugu danbeeyey oo ay u direen in Dhoobley nawaaxigeeda soo dhacaan...." HorseedNet "...Hada Bare Hiiraale intee ku sugan yahay?" Gen. Morgan "...Bare Hiiraale iyo maleeshiyadiisii waa ka baxeen Hosingoo ayagoo qabtay dhanka Kismaayo..." HorseedNet ".... Marka adiga ciidamadaada intee bay joogaan?" Gen. Morgan "...ciidamada goobo badan bay joogaan balse inta badan ciidamadii sidoodii ayey u joogaan Aaga jiid hore....halkaas ayeyna hada hawgalo ka wadaan. HorseedNet ".... Adiga intee baad joogtaa hada?" Gen. Morgan "..... Aniga waxaan la joogaa ciidamada deegaanka ay ku sugan yihiin ee goobihii horey dagaalada uga dhaceen...." HorseedNet ".....Waxaa jira warar sheegaya in lagugu dhaawacay dagaalkii Hosingoo oo lagugu daaweynayo dalka Kenya maxaa arrintaa ka jira??? Gen. Morgan ".....waan maqlay arrintaa oo dadkiina isoo waca ayaa sheegaya qolobaaba tiri Nairobi ayaad joogtaa oo lagugu hayaa, marka wararka Dooxada Jubba waa iska badan yihiin." HorseedNet ".... Jeneraale waxaanu la soconaa in dagaal weyn uu ka dhacay Jubbada Hoose oo aad adiga labada dhinac qeyb hogaamineysay, weli hada ma isku dayday in aad nabad ku xalisid arrinta Kismaayo iyo Jubbaland?" Gen. Morgan ".....marka hore shaqsiyan dagaal deegaankaan umaanan imaan, illaa iyo hada dagaal dhacay oo aanu anagu laheyn weerarka majiro, oo dagaal baa nalagu soo qaadayey illaa iyo Xamar iyo Marka baa gurmadka ka yimid, marka dagaal intaa la eg abaabulkiisa,..marka iguma xirna nabadeeda oo waxay ku xiran tahay dhinaca dagaalka wada, dhankeygana nabadii aanu ku dhawaaqnay waa nalaku laaday oo dagaal baa lasoo abaabulay. Dagaalkani ayaagaa bilaabay wuxuu noqon haduu Illaahey yiraaho kii lagu xoreeyo deegaanka xooga lagu heysto............. si aan caadi ahayn baana deegaankan la igu soo dhaweeyey, tan iyo intii uu dagaalka ka bilowday deegaankaana dadka u dhashay si buuxda ayey isaga difaaceen waana sii socon doonaa is difaacaas xaqa ah. Dadka deegaanka dhibaato aan caadi aheyn baa ku habsatay waxbadana way sheeganayaan. Waxaan u sheegayaa ummada Soomaaliyeed in wixii khasaaro ah oo dagaaladan ka dhasha in eedeeda uu leeyahay Xildhibaanka gacan ku dhiiglaha ah, haduu yahay nin Xilka dhibayo, wuxuu ka gil gilan lahaa wiilasha uu iska soo hormariyey ee ku baaba;ay Xaliimo Cadey, Hosingoo, Dhoobley iyo Buulo Xaaji , waana fool xumo arrintaasi in ay dhacdo oo dagaal intaa la eg uu ku baabi'iyo wiilasha uu soo jahwareeriyey. HorseedNet "...waxaa jira in dagaalo laga abaabulayo dhankaada iyo waliba dhanka kale, adiga ma ka tanaasuleysaa dagaalka, illeyn waa ina la kala roonaado? Gen. Morgan ".....waa run in lakala roonaado weeye, balse Bare Hiiraale waa ninka looga baahan yahay inuu nabada ku dhawaaqo illeyn kii xabada bilaaba ayaa laga rabaa inuu is garto, anagu difaac ayaan ku jirnaa deegaankeenana ayaanu joogaan cidii xabadu dhibeysano waa ninka deegaanka xooga ku yimid." Kaasi wuxuu ahaa Gen. Morgan oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalada ka socda Gobalada Jubbada hoose labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayadoo Jenanka sheegay in ay suuro gal tahay in dagaalo waaweyn ay ka dhacaan deegaanada Jubbada Hoose oo uu sheegay in ay isku soo baheysteen waxa uu ugu yeeray burcad iyo maangaab. Maxamed Cabdi HorseedNet.com Muqdisho, Somaliya
  22. Adeero Morgan's malitia was matching towards Kismaayo I dont get what Adeer Morgan or Abti Hiiraale has to do with this argument? you would think Kismayu or Juba was part of Somaliland
  23. Suldanka, you are not the only ones who built houses, telephone lines, schools and universities without a penny. The people of Puntland [same size as Somaliland]did this, those in Jowhar, Bledweyne did this and most of the decent hard working people of Mogadishu did this. Yes we have warlords, you have Riiyaale Kahin a man who gets 500,000.00 dollars a year, while red nose day is raises money for Hargaysa hospital. You have Ambasador Awil and others who dont know what happened to the bugdet. You have Edna who has a Djabouti passport and is your foreign minister. You are run By Ismael Omar Gulleh, you dont control 1/2 of the Somaliland beacuse we Puntland Somali's do. Your army is a Joke, your leaders are are a joke. Dont make me laugh, your country does not exist mine does, your flag is not recognised mine is and I dont belive I am an orphan of her Majesty EII.
  24. Gen. Moorgan oo jooga aaga hore ee dagaalka & Dagaalo ka soo cusboonaaday Gobaladda Jubbooyinka. Iyo Guulo ay Labada dhinac ee Moorgan iyo Dooxadda Jubaba sheeganayaan. Mogadishu – 19 September 2004 – [Mudugonline] dagaalo kale oo hor leh ayaa ka billawday Gobaladda Jubbooyinka. Kadib markii uu dib ugu soo laabtay Gen Moorgan goobihii horay Dagaaladu uga dhacen. Isbahaysiga Dooxadda Jubba ayaa xaqiijiyay inay dib uga qarxeen Dagaalo Cusub Deegaanadda Hoozingoow iyo Xaliimo Cadeey oo ka tirsan Gobaladda Jubbooyinka. Kadib markii Gen Moorgan uu dib ugu soo laabtay Fariisamadii ay horay dagaalka uga dhaceen oo ciidamada Moorgan ka aag badasheen balse kuwa dooxada Jubba ku tilmaameen inay qabsadeen. Dagaalada cusub ayaan wali si dhaba loo ogayn qasaarihiisa waxaase warar horudhac ah sheegayaan in dagaal shalay galab ka dhacay Bilis Qooqaani ay ciidamada SPM ee deegaanka Jubooyinku ay ka furteen 2 tekniko kuwa isbahaysiga dooxada Jubba. Dagaal kale oo isna ka dhacay degmada Badhaadhe ayaa warar aan wali la xaqiijin sheegayaan inuu ku geeriyooday sarkaalkii watay ciidamada Isbahaysiga oo lagu magacaabo Timajilic. Dagaal kale oo saaka ka dhacay meel u dhow Buula Xaaji ayaa la sheegay in ciidamada Isbahaysiga Barre Hiiraale kala kulmeen qasaarooyin badan walise lama hayo khasaaraha inta uu le'eg yahay. Ciidamada Isbahaysiga dooxada Jubba ayaa iyaguna sheeganaya in 4 gaari ka furteen ciidamada Gen. Moorgan, mana jirto wax cadeynaya sheegashadaas. Mar la waydiiyay C/laahi Salaad oo ka mida dooxada jubba waxa ka jira in Ciidamadooda ay Bililiqo Xoogan ka gaysteen Magaaladda Dhoobleey waxa uu qiray in Qaybtii ugu horaysay ee Ciidamadooda tagay Dhoobleey inay wax xoogaa Bililiqo ah gaysteen. Laakiin waxa uu sheegay in markii dambe uu Col Barre Hiiraale ka hortagay in Bililiqaddu ay sii socoto. Warkaas oo ka horimaanaya wararka ka imaanaya degaanka dhooblay oo sheegaya 3-dii saac ee ciidamada ISbahaysigu joogeen magalada dhooblay inay mashquul ku ahaayeen hawlaha bililiqada, dilka, kufsiga iyo goobihii ganacsiga oo ay dab qabadsiiyeen. Cabdi Barre oo ah afhayeenka Gen. Moorgan W/ameerika oo la soo xiriiray Iddaacad FM ah oo Saldhigeedu yahay Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamadda Moorgan uu dib ugu gurtay Xeelad Dagaal markii hore hadda ku sugan yihiin goobahoodii hore. Wuxuuna beeniyay in Ciidamadda Moorgan ay u carareen Xuduuda Kenya. Waxuu kaloo sheegay in Goobtii dagaalka ee Husingow ay xeel dagaal uga gurteen ee aan xoog looga qabsan, haddana dib ugu soo noqdeen, mana jirto ayuu yiri wax gaadiid ah oo laga qabsaday. Cabdi Barre ayaa sheegay in qudhiisu la hadlay Gen. Moorgan uuna ku sugan yahay aaga hore ee dagaalka. Cabdi Barre waxa uu sheegay in Ciidamadda Moorgan ay soo weerareen Koox Al-Itixaad ah oo Muqdisho iyo Shabeeladda Hoose ka soo duulay kuwaas oo isku magacaaba maxkamadaha Islaamiga. Wuxuuna sheegay in Moorgan iyo Ciidamadiisu inaysan dib u laaban doonin tan iyo inta ay ka xaqiijinayaan inay dadka jubooyinka ka korkiciyaan ********ta ku soo duushay. Dhinaca kale, Yuusuf Indhacade oo ah ninka xooga ku haysta magaalada Marka ee gobolka SH/hoose hogaaaminayayna dagaalkii lagu gubay magaalada dhooblay ayaa hadda bilaabay inuu beeniyo inuu ku luglahaa dagaalkaas. Maxamed Cismaan Cabdi oo ka mida taageerayaasha Yuusuf Indhacade oo Qadka Taleefoonka kula soo xiriiray Shabakadan ayaa beeniyay in Yuusuf Indhacade inuu ku lug leeyahay Dagaaladda ka soo cusboonaaday Gobaladda Jubbooyinka. Warkaa ayaa wuxuu ka hor imaanayaa wararka laga helayay magaalada dhooblay 2-dii maalmood ee u dambeysay oo sheegayay in Yuusuf Indhacade horkacayay ciidamaas bililaqaystay magaalada Dhooblay. Isku soo duub oo dagaalada Jubooyinka ayaa hadda laba lixaadsaday, iyadoo dadka deegaanka oo taageero lixaad siiyay ciidamada Gen. Moorgan ay goobo badan dagaal ugala jiraan kooxaha Isbahaystay ee dooaxada Jubba, dagaalkuna maalin maalinta ka dambeysa sii fidayo khasaarihiisuna sii badanayo. Barre Hiiraale ayaa bilowgii mar la weydiiyay waxa uu ka fili karo dagaalkaan ayuu sheegay in qolyahaan Gen. Morgaan taageeraa ama sidii caadada u hayd carari doonaan ama ay rag noqdaan oo dagaalami doonaan. Waxaa isku soo aruuriyay Cabdi Casiis M. Guuleed “Afrika†& Mudugonline.com
  25. Morgan is not defeated yet, the Mogadishu media has started to retract the story of him fleing to Kenya, now he has mysteriously reapeared in Hoosingaw with his troops. Also the clan that inhabits Dhoobley and Afmadow have been draged in to the conflict and it is spreading. There are many deaths on both sides, the JVA have not been able to destroy Morgans troops and the alliance from Marka/Mogadishu have been badly shaken up after the inhabitants of Dhoobley turned on them. Its not as clear cut as Yusuf Garad hoped.