General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Dagaal Mar Kale Dhex Maray Kooxihii Jubbooyinka Isku Haystay Kooxda Moorgan Oo Guul Sheegatay Inay Ka Gaartay Dagaalkii Maanta... Dagaal ayaa saaka wuxuu mar kale ku dhex maray ciidamada Moorgan iyo kuwa Isbahaysiga Dooxada Jubba goob ay deganayaan Maleeshiyada Moorgan. Dagaalkan ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay meel 20 Km u jirta tuulada Buula Xaaji, oo ay degen yihiin ciidamada Moorgan. Afhayeen jooga degmada Afmadow oo u hadlay ciidamada Moorgan ayaa Idaacadda Midnimo u sheegay in ay jebiyeen ciidamadii Isbahaysiga ee saaka weerarka ku soo qaaday, isla markaasna ay dhimasho iyo dhaawac u geysteen. Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in dadka dhaawacmay uu ka mid yahay Sarkaal lagu magacaabo Cabdi Madoobe, Sarkaalkaas oo uu sheegay in uu ka mid ahaa ciidamo ka soo duulay degmada Marka oo uu soo diray nin lagu magacaabo Yuusuf Indhacade. Wuxuu kaloo afhayeenkani sheegay in ay laba gaari oo Tikniko ah ka qabsadeen ciidamada Isbaysiga ee duullaanka ku soo qaaday. Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Isbaysiga oo sheegaya khasaaraha dagaalka maanta dhacay, hase yeeshee, waxaa Isbitaalka magaalada Kismaayo saaka la geeyey dhaawac tiradiisu gaareyso 10 nin, kuwaasoo ku soo dhaawacmay dagaalkii saaka dhacay, warkan ayaa waxaa noo xaqiijiyey qaar ka tirsan dadka ku nool magaalada Kismaayo. Dagaalladan soo cusboonaaday iyadoo gogol nabadeed loo fadhiyo Kenya qabqablayaasha haatan dagallka wadana ay halkaa joogaan ayaan la garanayn sababta kalliftay in dagaalka ay dib usoo gocdaan oo shirkaba uga soo tagaan iyo cidda weliba ka danbaysa ee kusoo dhiirro gelisay. Wax dhaqdhaqaaq nabadayn ah iyo cadaadis kaimaanaya beesha caalamka Soomaalida ku shirsan Kenya ayaan isagu muuqan taasoo muujinaysa in weli dhiiggii shacabka Soomaaliyeed uu raqiis ka yahay agta shacabka iyo hogaanka Soomaalida iyo beesha kale ee danaysa arrimaha Soomaalidaba. C/llaahi Khadar, Goobjoog, Muqdisho
  2. A few knocks in the Jubbada Hoose region and someone seem to be slightly overwhemled by the re-apprearence of Liqaaye Whats Juba got to do with it? Can't two Somali brothers agree on how idiotic Somaliland is?
  3. Hey Smith: who even knows that Abdullahi Yusuf will carry Puntland votes? Young Otali, alas your predictions have been found wanting, remember the 48 hours deadline for Morgan life and all the other garbage. Brother I am having real doubts that Adow will make it even as PM now, read the above article from www.goobjoog.com and you realise that Adow cannot rely on TNG, SRRC, G8 or even his clans votes. He has no real support base other than Otali and www.hobyonet.com It is a three horse race, Abdiqasin with money, Adow with photo's, Abdullahi ith the SRRC and money. who will make the cut??? For every Musa how many Mohamed Dhere do you think are there? Forget about Jama Ali he was lucky to get his position as MP, and Puntland will vote for Adow hell no. did you know that Xasan Ashir is chairman of Yey's election campaign? Oh and I hear that the Somaliland MP's are being bought up by two of the candidates, so much for dinner with Sifir
  4. Jubbada Hoose:Cududda Milleteri ee SPM/SRRC oo sii xoogaysanaya iyo dagaallo shalay iyo maanta ka dhacay deegaanka Jubbooyinka - Sunday, September 19, 2004 at 17:03 Nairobi(Allpuntland)-Wararka lagu helayo khadka isgaarsiinta ee fooneeyaha loo yaqaan ee degmooyinka gobolka Jubbada hoose qaarkood ayaa xaqiijinaya in dagaallo ay shalay iyo maanta ka dheceen goobo kala gedisan oo deegaanadaas ah. Dagaaladaas ayaa waxaa isaga horyimid maleeshiyooyin kala duwan oo kala raacsan Isbahaysiga Dooxada Jubba ee uu hoggaamiyo Col.Barre Aadan Shire(Hiiraale) iyo kuwa SPM/SRRC oo taabacsan Gen.Maxamed Siciid Xirsi Morgan. Mid ka mid ah dagaaladaas ayaa sida wararka qaarkood sheegayaan shalay galab waxa uu ka dhacay agagaarka Bilis Qooqaani oo ku taal gobolka Jubadda hoose waxaana halkaa isku haleelay maleeshiyo ka tirsan Isbahaysiga Dooxada Jubba oo uu hoggaaminayey nin la yiraahdo Cabbaas iyo ciidammo ka tirsan SPM/SRRC ee deegaankaas oo sida ay sheegteen SPM/SRRCdu ay halkaas ku burburiyeen maleeshiyadaas ,iyagoo u cararay dhanka Kismaayo ,waxayna sheegteen inay ka qabsadeen kuwa soo duuley labo gaari oo kuwa dagaalka ee loo yaqaan Tiknikada ,inkastoo aanay jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya ,marka laga reebo sheegashada SPM/SRRCda. Dhanka kale ciidammada SPM/SRRC ee iyaguna ku sugan agagaarka magaalada Kismaayo oo maalmihii u danbeeyey dagaallo ba'ani ku dhexmarayeen goobahaas iyaga iyo kuwa Isbahaysiga Dooxada Jubba ayaa waxay sheegayaan in shalay iyo maanta ay halkaas iska hor imaadyo ka dheceen ,kuwaasoo aanay jirin cid ka warhaysa khasaaraha halkaas ka dhacay ,balse wararka laga helayo ilo ku dhow dhow aagga dagaalkaasi ka socdo ayaa sheegaya in dib loo waabiyey maleeshiyada Dooxada Jubba oo dhaawac farabadan geeyey Isbitaalka magaalada Kismaayo oo hore ula ciirciirayey dhaawacyo farabadan oo ka tirsan maleeshiyooyinkii waxyeelladu ka soo gaartey dagaalladii u danbeeyey ,waxayna Isbahaysiga Dooxada Jubba qirteen in tuulada Xaliimo Caddey oo Waqooyi Galbeed kaga toosan magaalada Kismaayo ay baabuur miino kala qaraxday ay ku nafwaayeen ilaa 7 maleeshiyo ah isla markaana ay dhowr iyo toban kalana ku dhaawacmeen. Dagaal kale ayaa isaguna waxa uu saaka ka dhacay sida wararku sheegayaan meel u dhow degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose ,kuwaasoo maleeshiyo ka tirsan Dooxada Jubba oo iyagoo doonyo wata dhanka xeebta soo maray ay is haleeleen cutubyo ka tirsan kuwa SPM/SRRC oo goobahaas ku sugnaa, halkaasoo sida la sheegay khasaare ba'an loogu geystey kuwa soo duuley,warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in maleeshiyadaas uu watey sarkaal ka tirsan Dooxada Jubba oo la yiraahdo Timajilic,oo warar la isla dhexmarayaa sheegayaan inuuba ku geeriyoodey dagaalkii saaka. Waxaa kaloo jira in maalmihii la soo dhaafay Gen.Maxamed Siciid Xirsi Morgan uu ku gudajirey sidii uu Cutubyo dheeraad ah oo ka tirsan SPMta uga diyaarin lahaa deegaanka ku xeeran magaalada Kismaayo si ay u qabsadaan magaalada Dekedda ah ee Kismaayo ,iyadoo tan iyo intii maleeshiyooyinka kala duwan oo ka soo duuley Muqdisho iyo Marka ay dhibaatooyin isugu jirey dhac,dil ,iyo gubitaan dhismayaal u geysteen magaalada Dhoobley ay dadka deegaanku aad u kacsanaayeen,taasina ay sababtay in saraakiil aan markii hore isku siyaasad ahayn oo ka tirsan SPMta ay u midoobaan sidii ay uga saari lahaayeen deegaankooda dadka ku soo duuley. Wararka maalmahaan soo baxayey oo run ahaantii aan ahayn kuwo 100% lagu kalsoonaan karo ayaa sheegayay in ilaa toddobaadkii la soo dhaafay markii ay dagaalladu ka bilaabmeen agagaarka magaalada Kismaayo ay dhaawacyo iyo dhimashooyin la soo gudboonaadeen saraakiil caan ah oo ka tirsan Isbahaysiga dooxada Jubba oo uu ka mid yahay Col.Barre Hiiraale oo la sheegay inuu ka dhaawacmay garabka ,halka ninka abaanduulaha u ahaa Isbahaysiga Dooxada Jubba oo lagu magacaabo Maxamed Rooble Jimcaale(Goobaale) ay wararka qaarkood sheegayaan inuu ku geeriyoodey Isbitaalka magaalada Kismaayo shalay subax ka dib dhaawac ka soo gaarey dagaalladii doraad ka dhacay agagaarka Kismaayo,iyadoo Timajilic oo ka tirsan hoggaamiyayaasha Dooxada Jubba ay wararkii maanta soo baxayey sheegayeen inuu dagaalladii saaka ku geeriyoodey,mase jiraan cid si rasmi ah u caddaysay wararkaas iyo wax war ah oo ka soo baxay dhanka Isbahaysiga Dooxada Jubba oo ay ku caddaynayaan ama ku beeninayaan wararkaas soo baxayey beryahaanba. Isbahaysiga Dooxada Jubba ayaa maalmahaan sheeganayey inay dagaalladii ka soconayey soo afjareen oo guul ka gaareen maleeshiyadii deegaanka ee ay isku hayeen inta u dhaxaysa Hoosungo iyo Kismaayo ,iyagoo intaa ku darayey in Gen.Maxamed Siciid Xirsi Morgan uu u soo tallaabay dhanka xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ,balse waxaad moodaa arrimahaas oo dhammi inay beenoobeen oo dagaalkii hadda koow yahay ,isla markaana maalmaha soo socda la filayo inay dagaallo lixaad lehi ka dhacaan deegaanka Jubbooyinka ee ku xeeran magaalada Kismaayo. Iimaan Cali Cabdi Allpuntland,Nairobi,Kenya
  5. Barre Hiiraale oo u hanjabay Afmadow Afmadow. SomaliTribune. 19 Sept. Warar aanu ka helay odayaasha maamulka magaalada Afamadow ayaa sheegaya in shalayto uu Col. Barre Hiiraale khadka Telefoonka ee magaalada Afmadow ugu hanjabay Xaaji Cumar Cali (Cumar Feen) oo ah mid ka ah odoyaasha ugu caansan duqayda Afmadow. Barre Hiiraale oo ay hanjabaadiisu daba socotay gubidii ay malayshiyadiisa iyo mida Al Itixaad ee Xasan Daahir Uways gubeen magaalada Dhoobley ayaa ku dhaartay inuu sidan oo kale u gaysan doono Afmadow. Wararku waxay intaasi ku darayaan goor danbe oo habeenimadii Axada ahayd ah inuu mar kale Barre Hiiraale lasoo hadlay Xaaji Cumar Feen. wax faaf-faahin ah oo dheeri ah alagama hayo wadahadalkan danbe. Abbaaul xoog ayaa leh ayaa ka socda magaalada Afmadow oo ah sifadii loo difaaci lahaa magaalada iyadoo deegaanku u si dhab ah u qaatay hanjabaada tan iyo intii Dhoobley ay gubatay. Deegaanka Afmadow ayaa iyo dhammaanba gobolka Jubbada Hoose ayaa horaan u sheegay inayna taageersanayn colaada cusub ee deegamadooda iyagoo sheegay inayna labada dhinac midna taageersanayn. Is badaladan u danbeeyay ee colaada oo ay kusoo biireen Al Itixaad, Reer Baydhabo iyo Beesha Habar Gidir ayaa la filayaa inay ra'yi caamka deegaanka wax ka badasho. www.somalitribune.com
  6. "A starving ethiopian child in addis is closer to me than a starving child in mogadishu" A Somali said that, oh my what has the world come to :mad: Liqiya, bravo, bravo
  7. Isbahaysiga Dooxadda Jubba oo cadeeyey in dagaalo mar kale ka dhaceen Xaliimo Cadeey iyo Husingo. September 19 2004. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Xubno ka mid ah mas’uuliyiinta Isbahaysiga Dooxadda Jubba ayaa cadeeyey in dagaalo mar kale ay ka dhaceen deegaanka Xaliimo Cadeey iyo Husingo, isla markaana uu Gen. “Moorgan.†Dib uggu soo laabtay meelihii hore looga saaray, oo ay sheegeen mas’uuliyiinta Isbahaysiga Dooxadda Jubba inuu ka soo noqday dhanka dalka Kenya. Cabdulaahi Salaad oo ka mid ah mas’uuliyiinta Dooxadda Jubba ayaa wareysi xalay la yeelatay iddaacadda HornAfrik, waxa uu ku cadeeyey in dagaalo hor leh ay ka soconayaan deegaanada Xaliimo Cadeey iyo Husingo, oo uu sheegay iney isaga hor yimaadeen ciidamada ka mid ah kuwa Gen. “Moorgan.†Iyo ciidamo kale oo taabacsan Isbahaysiga Dooxadda Jubba, wuxuuna sheegay in dagaaladani ay dhinacooda ku qabsadeen afar tikniko ah iyo gaari xamuul ah, oo ay wateen ciidamada Gen. “Moorgan.†Cabdulaahi Salaad waxa uu muujiyey in markii hore dagaaladu dhaceen aaney iyagu marnaba “Moorgan.â€k Ka harin ilaa iyo ay kaga hubsadeen xuduuda Kenya, balse waxa uu nasiib xumo ku tilmaamay in Gen. “Morgan.†uu dib ugu soo laabtay deegaano ka mid ah Jubbooyinka, arrintaasoo uu ku sheegay iney tahay mid ay gacno shisheeye ka danbeeyaan. Cabdulaahi Salaad oo dhinaca kale ka jawaabayey su’aal la xiriirta halka uu joogo Col. Bare Hiiraale, ayaa waxa uu sheegay in korneylku wada hadalo iyo kulano la leeyahay qaar ka mid ah oddayaasha iyo wax garadka ka soo jeeda goobihii ay dagaaladu ka dhaceen, isagoo tilmaamay inuu kala arrinsanayo sidii laga yeeli lahaa dhibaatooyin dagaal ee ka soo cusboonaaday meelo ka mid ah Jubbooyinka, isla markaana si wada jir ah ammaanka loogu sugi lahaa. Dhanka kale, Cabdi Bare oo ka mid ah taageerayaasha Gen. “Morgan.†ka taakuleeya dhinaca dhaqaalaha oo ku sugan dalka Mareykanka lana soo xiriirey Idaacadda HornAfrik, ayaa sheegay inaaney waxba ka jirin wararka sheegaya iney jabeen ciidamadii Gen. “Morgan.â€. Cabdi Barre ayaa sheegay in ciidamadii jeneraalku ay xeelad dagaal dib ugu gurteen, isagoo sheegay iney “Morgan.†wadahadleen oo uu ku sugan yahay deegaano ka mid ah Jubbooyinka, wuxuuna diiday iney jirto tikniko laga qabsaday Gen. “Morgan.†in xitaa uu galay xuduuda Kenya, isagoo dhinaca kalana ku dooday in ciidamada soo weeraray Gen. “Morgan.†ay yihiin rag Itixaad ah oo ka yimid Muqdisho iyo Gobolka Sh/Hoose. Cabdi Bare waxa uu ku hanjabay in Gen. “Morgan.†xiliyada soo socda oo uu wacdaro dhinaca dagaalka ah ka dhigi doono Gobolada Jubbooyinka, dibna aanu u laaban doonin ilaa uu ka gaaro hadafka uu leeyahay, oo ah qabsashada Gen. “Morgan.†ee Kismaay, Gen. “Moorgan.†Waxa uu ka soo bilaabay duulaankiisan Ceel Barde oo dhacda xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo ay ku wehliyaan jeneraalku weerarkan ciidan iyo xubno ka yimid dhanka Waqooyi Bari.
  8. Tartanka 10-ka Oktoobar Ee Madaxweynenimada Yaa Kusoo Baxaya? www.goobjoog.com Tartanka madaxwenanimada oo lagu waday inuu dhaco 22-ka September oo haatan dib loogu dhigay 10-ka Oktoobar ayaa la isweydiinayaa yaa kusoo bixi doona? Haddaba faalladan waxaan ku qaadaa dhigaynaa ragga ugu cad cad maxaa nin walba fursado ama caqabado horyaalla? Sida muuqata marka laga hadlayo doorashada jagadan waxaa laf iiriyaa in marka hore sida loo bartay la eego isku dheelli tirka beelaha oo macnaheedu tahay inkasto aysan sax ahayn in jagadana markii beelaha Baydhabo qaateen gudoonka baarlamaanka ay ku soo harayaan tartankeeda beelaha H iyo D maadama aan Waqooyigu iyagu si dhab ah shirka ugu jirin, beelaha isutaggana aysan haatan dufuurta sooyaalka ah ogalaanayn, inkastoo wax u diidayaa aysan jirin sharci iyo caqli ahaan. Beelaha H oo soo jireenkii shirarkii lasoo dhaafay iska haysan jiray jagadan ayaan shirkan markii ugu horraysay looga cadcad yahay isu soo mutuxidda xilkan ayna suurta gal tahay inay jagada xigta ee la magacaabo ee ah Ra'isul wasaaraha helaan. Inkastoo beelaha magacyadooda la nabsanayo aysan nimankan soo dirsan ama aysan matalin ayaa hadana taargada kaliya ee lagu sunto laguna salaynayo isku dheeli tirka xil-beeleedka siyaasadeen uu ka dhigayaa in loo saariyo beelaha ay kasoo jeedan inay jagadaa qaateen. Ragga la sheegayo inay tartanka u cad cad yihiin ayaa dhinacna D C/llaahi Yuusuf uu yahay kaligii ninka ugu cad cad halka beesha H ay musharraxiin badan beesha ka soo safan yihiin kuwaasoomidkoodna uusan lahayn wax muuqda oo uu la cadcadaan karo marka la eego xagga shakhsiyaddiisa ama magac-jufeedka uu ku daaqi rabo taasoo dadka qaar ay kala soo baxyaan in C/llaahi Yuusuf uu yahay ninka markaa ugufursadda roon. Marka laga yimaado dhinaca beesha uu kasoo jeedo iyo sida aan loogu garbinayn ayaa waxaa C/llahi yussuf usii dheer inuu ka socda isbahaysiga SRRC oo Itoobiya xiriirka la leh, taasoo marna noqon karta sabab taag darri, mar haddii ninkii ay wateen baarlamaanka uu waayey marna noqon karta sabab xoogaynaysa maadaama ay Itoobiya tahay dawladda ugu xoogga roon kuwa shirka hagaya ayna dhici karto in la tix galiyo isku dheelli tirka kooxaha siyaasadeed sida loo ilaalinayo tan beeleed, taasoo iyana fursad u nqonaysa C/llahi maadaama uu yahay murashaxa SRRC ugu cadcad. Waxaa intaa usii dheer in uu yahay nin haatanba degaan ballaaran oo uu ka taliyo gacantaku haya oo uusan nin fara maran ahayn dadka qaarna u arki karaan nin adag ooaan jilcisanayn oo adaygaa wax ku qaban kara, waxaase dhinaca kale caqabad ku noqon kara inay jiraan siyaasiyiin ruug caddaa ah oo isla beeshiisa kasoo jeeda kuwaasoo olole ka dhan ah wada. Sidoo kale waxaa caqabad ku ah in dad badani danbiyoo dil iyo colaado soo dhex maray u haystaan, halka kuwa kelana ay beel ahaan u diiddan yihiin sidiiba caydiid beelaha qaar beel ahaan u diiddanaayeen maadaama ay urkaan inuu yahay nin gudaamaya. Sidoo kale ku xirnaanshaha aadka udhaw ee itoobiya iyana dad badan ayaa ku diiddan, waxaase ugu daran oo cabsida ugu weyn uga imaan kartaa in wixii Aadan madoobe ku dhacay qabsadan waa haddii inta SRRC ka baxsan ay isku dhiinac ka maraan. Ragga kale ee ka soo jeeda beelaha H ayaa iyaga guud ahaan isbar bar yaacoodu caqabad ku yahay, aysanna jirin nin aad uga dhex cad cad oo la saadaalin karo. Cadow iyo Caydiid ayaa iyagu isku jufo kasoo jeeda taasoo laga yaabo in nin kasta jaaniskiisa ay wax u dhinto, inkastoo ninna uusan codka jufadiisa wax u qabanaynin oo waxa ugu weyn ay tahay inta uu xidhibaannada kale cod ka heli karo. Haddii kooxo ahaan la yiraahdo kooxda SRRC oo uu kasoo jeedo xuseen Caydid waxaad moodda inuu C/llahi yusuf ka rashaxan yahay, beel ahaanna uusan caydiid H dhexdeeda ku fursad badnayn oo taa Caddaw uu ku dhaamo. C/qaasim ayaa isna ah ninka kooxda TNG-da ka dhex muuqda, lana sheegayo inuu dhaqaale badan meesha la dhex wareegayo oo taasi ay tahay fursadihiisa ayaa waxaa caqabad ku ah inuu shakhsi ahaan yahay qof soo dhammaystan fursaddiisii dahabiga ahayd oo dadka agtooda ka ah waji aan cusbayn oo horay wax usoo qaban kari waayey. Caddaw oo isagu ilaa iyo Carte jagada usoo taagnaa tii Cartana faro ciddi leh ay kaga baxsatay ayaa ah nin cusub oo aan weli la tijaabin, rajana ka qaba maadamauusan Cadawna ku xirnayn, dagaal sokeeyana uusan galin inuufursad leeyahay waxaase isna caqabad ku noqon karta inuusan haysan xulufo siyaasadeed sida SRRC, G8 Iyo TNG, sidoo kalena uu jiro murashax isla jufadiisii hoose kala socda, dhul uu ka talinayey iyo il dhaqaale oo muuqatana uusan gacanta ku hayn sida dekad iwm, waase nin rajadiisu aysan xumayn. Qanyare oo horyaal cusub oo haysta il dhaqaale, ahna nin aftahan oo ku wacan la doodista ciddii kasoo horjeedda weliba si xarrago leh ayaa isna tartan ragga ugu cad cad ku jira waxaase caqabad isna ku ah tartanka rag kale ay kula jiraan oo guud ahaan beesha H kasoo jeeda iyo isagoo aysan kooxda G8 ku filnayn una baahan inuu helo codad kale ama isbahasi kale oo uu la sii galo SRRC ama kooxda TNG-da taasoo keenaysa inuu jaga labaad maahane uusan mida hore sidaa ku heli karin. Marka lasoo dhaafo nin kasta waxa shakhsi ahaan ama xulofo ahaan uu ku heli karo ama kuwayn karo, waxaa iyana ku xisaabtan kale leh, waxa nin kasta uu dhaqaale heli karo taasoo la sheegayo in in badan oo codadka xubnaha baarlamaanka ay beec yihiin, lana sheegayo in ragga qaarba sii billaabeen lacag carbuun ah bixinteed iyo kitaab marin inaad ii codaynayso ah , iyadoo ay horayna xildhibaannadu u qabaan kitaab-marin ah inay dalka iyo dadka dantooda daacad u ahaanayaan, taasoo kitaabmarintii ka dhigaysa mid isburinaysa ama been laba nmibaaran. Ugu danbayntii iyadoo aan si xadidan loo saadaalin karin waxa kasoo bixi kara iyo inay si sahlan wax uga soo baxyaan ayaa waxaa muuqata iyadoo la ilaalinayo isku dheellitirkii soo jireen ka ahaa ay nqoqonaysaa in haddii nin beelaha D ah uu helo jagadan 1aad uu u baahan yahay nin H ka socda oo codadkiisa ugu buuxiya wareegga ugu danbeeya oo isna uu jagada xigta siiyo, taasoo ka dhigaysa in C/llaahi Yuusuf uu haysto fursad uu ku heli karo jagada koowaad ama sidii Galayr uu codadkiisa nin ay wax isku darsan karaan ugu shubi karo wareegga ugu danbeeya oo ra'isul wasaare ku heli karo. Halka labada murashax ee ugu cad caddaata beelaha H uu midna quud darrayn doono inuu wareegga ugu danbeeya uu safto oo inuu wax ku waayo iyo inuu wax ku helaba leh, halka midka codadkiisu tusiyaan inuusan tartanka ugu danbeeya gali karin uu ku qasban yahay inuu ninka reer D gali kara wareeggan ugu danbeeya wax la qaybsado. Haddii ay dhacdo in labo H masalan isugu soo haraan wareegga ugu danbeeya waxaa ninka ugu codadka roon reer D uu heli karaa awoddii uu ku kala rajixi lahaa oo jagada labaad ay bannaanka u taallo mar haddii labo isku H ah ama D ah aysan labada jago isku darsan karin.
  9. Tartanka 10-ka Oktoobar Ee Madaxweynenimada Yaa Kusoo Baxaya? Tartanka madaxwenanimada oo lagu waday inuu dhaco 22-ka September oo haatan dib loogu dhigay 10-ka Oktoobar ayaa la isweydiinayaa yaa kusoo bixi doona? Haddaba faalladan waxaan ku qaadaa dhigaynaa ragga ugu cad cad maxaa nin walba fursado ama caqabado horyaalla? Sida muuqata marka laga hadlayo doorashada jagadan waxaa laf iiriyaa in marka hore sida loo bartay la eego isku dheelli tirka beelaha oo macnaheedu tahay inkasto aysan sax ahayn in jagadana markii beelaha Baydhabo qaateen gudoonka baarlamaanka ay ku soo harayaan tartankeeda beelaha H iyo D maadama aan Waqooyigu iyagu si dhab ah shirka ugu jirin, beelaha isutaggana aysan haatan dufuurta sooyaalka ah ogalaanayn, inkastoo wax u diidayaa aysan jirin sharci iyo caqli ahaan. Beelaha H oo soo jireenkii shirarkii lasoo dhaafay iska haysan jiray jagadan ayaan shirkan markii ugu horraysay looga cadcad yahay isu soo mutuxidda xilkan ayna suurta gal tahay inay jagada xigta ee la magacaabo ee ah Ra'isul wasaaraha helaan. Inkastoo beelaha magacyadooda la nabsanayo aysan nimankan soo dirsan ama aysan matalin ayaa hadana taargada kaliya ee lagu sunto laguna salaynayo isku dheeli tirka xil-beeleedka siyaasadeen uu ka dhigayaa in loo saariyo beelaha ay kasoo jeedan inay jagadaa qaateen. Ragga la sheegayo inay tartanka u cad cad yihiin ayaa dhinacna D C/llaahi Yuusuf uu yahay kaligii ninka ugu cad cad halka beesha H ay musharraxiin badan beesha ka soo safan yihiin kuwaasoomidkoodna uusan lahayn wax muuqda oo uu la cadcadaan karo marka la eego xagga shakhsiyaddiisa ama magac-jufeedka uu ku daaqi rabo taasoo dadka qaar ay kala soo baxyaan in C/llaahi Yuusuf uu yahay ninka markaa ugufursadda roon. Marka laga yimaado dhinaca beesha uu kasoo jeedo iyo sida aan loogu garbinayn ayaa waxaa C/llahi yussuf usii dheer inuu ka socda isbahaysiga SRRC oo Itoobiya xiriirka la leh, taasoo marna noqon karta sabab taag darri, mar haddii ninkii ay wateen baarlamaanka uu waayey marna noqon karta sabab xoogaynaysa maadaama ay Itoobiya tahay dawladda ugu xoogga roon kuwa shirka hagaya ayna dhici karto in la tix galiyo isku dheelli tirka kooxaha siyaasadeed sida loo ilaalinayo tan beeleed, taasoo iyana fursad u nqonaysa C/llahi maadaama uu yahay murashaxa SRRC ugu cadcad. Waxaa intaa usii dheer in uu yahay nin haatanba degaan ballaaran oo uu ka taliyo gacantaku haya oo uusan nin fara maran ahayn dadka qaarna u arki karaan nin adag ooaan jilcisanayn oo adaygaa wax ku qaban kara, waxaase dhinaca kale caqabad ku noqon kara inay jiraan siyaasiyiin ruug caddaa ah oo isla beeshiisa kasoo jeeda kuwaasoo olole ka dhan ah wada. Sidoo kale waxaa caqabad ku ah in dad badani danbiyoo dil iyo colaado soo dhex maray u haystaan, halka kuwa kelana ay beel ahaan u diiddan yihiin sidiiba caydiid beelaha qaar beel ahaan u diiddanaayeen maadaama ay urkaan inuu yahay nin gudaamaya. Sidoo kale ku xirnaanshaha aadka udhaw ee itoobiya iyana dad badan ayaa ku diiddan, waxaase ugu daran oo cabsida ugu weyn uga imaan kartaa in wixii Aadan madoobe ku dhacay qabsadan waa haddii inta SRRC ka baxsan ay isku dhiinac ka maraan. Ragga kale ee ka soo jeeda beelaha H ayaa iyaga guud ahaan isbar bar yaacoodu caqabad ku yahay, aysanna jirin nin aad uga dhex cad cad oo la saadaalin karo. Cadow iyo Caydiid ayaa iyagu isku jufo kasoo jeeda taasoo laga yaabo in nin kasta jaaniskiisa ay wax u dhinto, inkastoo ninna uusan codka jufadiisa wax u qabanaynin oo waxa ugu weyn ay tahay inta uu xidhibaannada kale cod ka heli karo. Haddii kooxo ahaan la yiraahdo kooxda SRRC oo uu kasoo jeedo xuseen Caydid waxaad moodda inuu C/llahi yusuf ka rashaxan yahay, beel ahaanna uusan caydiid H dhexdeeda ku fursad badnayn oo taa Caddaw uu ku dhaamo. C/qaasim ayaa isna ah ninka kooxda TNG-da ka dhex muuqda, lana sheegayo inuu dhaqaale badan meesha la dhex wareegayo oo taasi ay tahay fursadihiisa ayaa waxaa caqabad ku ah inuu shakhsi ahaan yahay qof soo dhammaystan fursaddiisii dahabiga ahayd oo dadka agtooda ka ah waji aan cusbayn oo horay wax usoo qaban kari waayey. Caddaw oo isagu ilaa iyo Carte jagada usoo taagnaa tii Cartana faro ciddi leh ay kaga baxsatay ayaa ah nin cusub oo aan weli la tijaabin, rajana ka qaba maadamauusan Cadawna ku xirnayn, dagaal sokeeyana uusan galin inuufursad leeyahay waxaase isna caqabad ku noqon karta inuusan haysan xulufo siyaasadeed sida SRRC, G8 Iyo TNG, sidoo kalena uu jiro murashax isla jufadiisii hoose kala socda, dhul uu ka talinayey iyo il dhaqaale oo muuqatana uusan gacanta ku hayn sida dekad iwm, waase nin rajadiisu aysan xumayn. Qanyare oo horyaal cusub oo haysta il dhaqaale, ahna nin aftahan oo ku wacan la doodista ciddii kasoo horjeedda weliba si xarrago leh ayaa isna tartan ragga ugu cad cad ku jira waxaase caqabad isna ku ah tartanka rag kale ay kula jiraan oo guud ahaan beesha H kasoo jeeda iyo isagoo aysan kooxda G8 ku filnayn una baahan inuu helo codad kale ama isbahasi kale oo uu la sii galo SRRC ama kooxda TNG-da taasoo keenaysa inuu jaga labaad maahane uusan mida hore sidaa ku heli karin. Marka lasoo dhaafo nin kasta waxa shakhsi ahaan ama xulofo ahaan uu ku heli karo ama kuwayn karo, waxaa iyana ku xisaabtan kale leh, waxa nin kasta uu dhaqaale heli karo taasoo la sheegayo in in badan oo codadka xubnaha baarlamaanka ay beec yihiin, lana sheegayo in ragga qaarba sii billaabeen lacag carbuun ah bixinteed iyo kitaab marin inaad ii codaynayso ah , iyadoo ay horayna xildhibaannadu u qabaan kitaab-marin ah inay dalka iyo dadka dantooda daacad u ahaanayaan, taasoo kitaabmarintii ka dhigaysa mid isburinaysa ama been laba nmibaaran. Ugu danbayntii iyadoo aan si xadidan loo saadaalin karin waxa kasoo bixi kara iyo inay si sahlan wax uga soo baxyaan ayaa waxaa muuqata iyadoo la ilaalinayo isku dheellitirkii soo jireen ka ahaa ay nqoqonaysaa in haddii nin beelaha D ah uu helo jagadan 1aad uu u baahan yahay nin H ka socda oo codadkiisa ugu buuxiya wareegga ugu danbeeya oo isna uu jagada xigta siiyo, taasoo ka dhigaysa in C/llaahi Yuusuf uu haysto fursad uu ku heli karo jagada koowaad ama sidii Galayr uu codadkiisa nin ay wax isku darsan karaan ugu shubi karo wareegga ugu danbeeya oo ra'isul wasaare ku heli karo. Halka labada murashax ee ugu cad caddaata beelaha H uu midna quud darrayn doono inuu wareegga ugu danbeeya uu safto oo inuu wax ku waayo iyo inuu wax ku helaba leh, halka midka codadkiisu tusiyaan inuusan tartanka ugu danbeeya gali karin uu ku qasban yahay inuu ninka reer D gali kara wareeggan ugu danbeeya wax la qaybsado. Haddii ay dhacdo in labo H masalan isugu soo haraan wareegga ugu danbeeya waxaa ninka ugu codadka roon reer D uu heli karaa awoddii uu ku kala rajixi lahaa oo jagada labaad ay bannaanka u taallo mar haddii labo isku H ah ama D ah aysan labada jago isku darsan karin.
  10. Abdiqasin was the TNG, Ibbi, Mohamed Abdi Yusuf and others are still on his pay role and will do what it takes to get him maximum exposure. But really we are just singing inthe wind. True, but the fact that he is in Narobi spending vast amount of money on the election. The fact that he is a master at playing the clan card, I think Abdiqasin is still in the race, not the he is a favourite but he can make some damage. Some of the members in the Parliment are clearly his suporters, others can be persuaded given the right price. I dont like the guy much but I think he can derail Abti Adows chances. All he has to do is get 50+ votes and he is still in.
  11. In the case of a run off to put it mildly there is no way Yusuf would get Abdiqassin's votes. Oh how we delude ourselfs, I have the feeling now more than ever that Abdullahi will win and one of the two farts Adow and Qasim will meake it esier for him. Life is ironic for 15 years Mogadishu's clans have done everything to prevent themselves from getting a government and now they pave the way for Ina Yusuf
  12. What ever Abdullahi said about Gen Warsame dont mean nothing if he was there in Dhoobley.. Another thing maybe www.somalitribune.com www.somaliweyn.com and www.midnimo.com are all Puntland fronts, now as well :mad: Check them out, read between the lines and be very ashamed of what your noble kinsmen and their twins from Galgaduud did in your name.
  13. So no looting took place in Dhoobley, is that what you are saying? :mad: Tell that to the people of that town that was looted by those criminals you champion, the same ones that occupy, Kismayu, Marka, Barava and are getting fat in the expense of the people. As for Genral Warsame, he might be an idol to you but he is a useless warmonger who has shamed himslef by what happened in Dhoobley.
  14. Brother Horn, I cant say it will happen thats for the Lord to decide all I can do is present an analysis of the facts on the ground. Now if you have a problem with these facts, by all means say something and dont beat around the bush. As you know we have to wait for a while longer dear bro, as the election has been pushed back to the 10th of October.
  15. very strange, I think it will still take place on next wednesday, Sept. 22 You are so in the know arent you Otali ................................................................. Kulan uga furmay xubnaha baarlamaanka Mbagathi saaka oo soo gabagaboobay ,doorashooyinkii madaxweynaha iyo labadii Guddoomiye ku xigeen oo wakhti loo qabtay By Dharbaaxo Posted to the web 18-09-2004, 17:01:07 Nairobi:-Waxaa saaka 11:00 subaxnimo kulan uga furmay xubnaha baarlamaanka federaalka KMG Soomaaliyeed madashada shirka dib u heshiisiiintu ka socdo ee Mbagathi,iyadoo kulankaasi ka soo qaybgaleen oo ay soo xaadireen 200 xubnood ee ka tirsan 275ta xubnaha baarlamaanka federaalka soomaaliyeed ee dhawaan loo yagleelay dalka,inkastoo marba marka dambeysa ay soo galayeen Hoolka shirka xubnaha baarlamaanka,taasoo lagu sheegay inay maanta yimaadeen 230-240 xildhibaan,iyadoo la dhaariyey Xildhibaan Axmed Cismaan Jibriil(Gorrilla) oo aan horey uga qaybgalin dhaarihii hore. Guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliyeed,Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa wuxuu sheegay inay maanta tahay maalintii ugu horreysay ee uu guddoomiyo xubnaha baarlamaanka ilaa iyo markii la doortay,isagoo ugu baaqay Ummadda soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan inay soo dhaweeyaan dawlada ka soo baxda dalka Kenya,islamarkaasna ay si wada jir ah u qaataan nabad si dadka soomaaliyeed uga baxaan 14ka sano ee colaadaha sokeeye la dageen. Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa wuxuu dhinacyada ku dagaalamaya soomaaliya ugu baaqay inay xabada joojiyaan,isagoo sheegay inay dadka soomaaliyeed ******** in cidina dagaal wax ku qaadi karin,iyadoo uu tilmaamay inaysan soo kordhinayn waxba aan ka ahayn inay dad ku qurbaxaan,wuxuuna xubnaha baarlamaanka ka codsaday inay ilaaliyaan sharciga oo ay fahmaan xilka saaraan ee ay dadka iyo dalka u hayaan,isagoo ugu dambeyntii soo jeediyey in la sameeyo Gudi KMG ah oo isaga la shaqeeya inta laga dooranayo Labada Guddoomiye-ku xigeen,iyadoo uu soo bandhigay magacyada gudigaasi,wuxuuna xubnaha baarlamaanka u sheegay inay wax ka bedeli karaan,iyagoo soo dooran kara cida ay rabaan,waxayna gudigaasi kala ahaayeen: 1-Axmed Maxamed Saleebaan 2-Ibraahim Sh.Cali Jeebbe 3-Cali Axmed Jaamac(Jangali) 4-Drs.Fahmo Axmed Nuur Guddoomiyaha baarlamaanka,Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa wuxuu u sheegay xubnaha baarlamaanka in doorashadii madaxweynaha hore loo qorsheeyey inay dhacdo 22ka bishaan aan ku jirno,hase yeeshee aysan suurtagal ahayn inay xiligaas dhacdo,isagoo u soo jeediyey xubnaha baarlamaanka maadaama ay ka miisaan culus tahay doorashooyinka kale ay haboon tahay in wakhti ku filan la siiyo dadka iyagu u tartamaya jagadaasi,sidaas darteedna uu soo jeedin lahaa in laga dhigo 2da bisha October ee soo socota,waxayna xubnaha baarlamaanku bilaabeen inay ka doodaan wakhtiga ku haboon ee ay dhici karto doorashadaasi. Xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo isagu ahaa qofkii ugu horreeyey ee arrintaas ka hadlaya ayaa wuxuu u hambalyeeyey Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan,isagoo u rajeeyey in ilaah u fududeeyo hawlaha adag ee horyaal ee loo baahan yahay inuu qabto,wuxuuna sheegay inay doorashada madaxweynuhu ka culus tahay kuwa kale,sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in wakhtiga la kordhiyo ay dhici doonto doorashadaasi oo laga dhigo 10ka-15ka October,isagoo u jeediyey xubnaha baarlamaanka in hab awood qaybsi ah wax lagu qaybsado,iyadoo uu carabka ku dhuftay in 4.5 awoodda dawlada lagu qaybsado,isagoo sheegay labada Guddoomiye ku xigeen iyo 3da Raisal wasaare ku xigeen inay 5ta beelood ee ay soomaalidu wax ku qaybsatay ay u kala helaan,wuxuuna intaas raaciyey hadii taas la waayo inaysan soomaaliya waxba u hagaagayn. Xubnihii baarlamaanka ee maanta hadlay,kuwaasoo dhamaa 15 xildhibaan ayaa waxay mareen aragti isku dhaw,iyagoo soo jeediyey in wakhti ku filan la siiyo doorashada madaxweynaha,waxaana markii dambe loo coddeeyey in doorashadaasi dhacdo 10ka October,taasoo aqlabiyada xubnaha baarlamaanku isku raaceen inay xiligaas dhacdo,iyadoo sidoo kale xubnaha baarlamaanku isku raaceen inay doorashada labada Guddoomiye ku xigeen dhacdo 21ka bisha. Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa wuxuu soo gabogabeeyey kulankii maanta oo soo xirmay 1:00 duhurnimo,isagoo sheegay inay xubnaha baarlamaanku berito nastaan oo ay Isniinta soo socota kulan isugu yimaadaan,kaasoo lagu sooo bandhigi doono xubnaha musharaxiinta ee iyagu isu soo taagay inay u tartamaan Gudoomiye ku xigeenka 1aad iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad. Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo Puntlandpost,Nairobi,kenya
  16. I have a question for the puntlanders in here.. how many puntland clans are voting for Cabdulahi Yusuf? I hope y'all know their is more than one clan in puntland other than cabdulahi yusuf's are WD's ...lol.. Brother, most are, they are his supporters
  17. Good Smith keep lowering your target and focus, I'm sure you will reach a stage where you would say even that the Minister of Livestock is important and runs the government. Not that am sure whether Colonel Yeey will even get that position PM or President it dont matter to me dear, Federal Republic of Somalia is what Puntland wanted we invented the federal formula . If our leader becomes either PM or Presidnet then hey thats better than being an unrecognised country that suffers from delusions of being the queens lost orphans. My darling Puntlands system of government and thinking has been adopted and vindicated while yours has been thrown out of the window.
  18. When the election takes place Insha Allah Abdullahi will be President or at least PM if he lost in the second round. Here a simple explanation follows. There are 50+ candidates but there are only three main ones. Abdulahi Ahmed Adow Abdiqasin Salad Xasan Abdullahi Yusuf Ahmed. Now if we split up the parliament into the various factions, coalitions and clan groupings, we can clearly see each of the above four candidate’s supporters. • Abdullahi Ahmed Adow will get, most support from civil society, disgruntled TNG, some tribal groups. Somaliland clans • Abdiqasin will get, Loyal TNG, G8, some other clan groupings,. • Abdullahi Yusuf will get, SRRC, Puntland, some clan groupings. The last three standing would be these, each getting more than 50, but no more than 100 votes in the second round. Abdullahi Yusuf - Adow, Abdiqasin, If this was the case each candidate would need the others votes to win, much like what happened at Arta with Galayr’s 60 + votes going to Abdiqasin and defeating Adow. Then it is simple Abdullahi would win by promising either Adow or Abdiqasin the PM which ever one suited him. If he happened to lose in the second round then he would give his votes to either of them in exchange for the PM position. The SRRC/Puntland/ Clan groupings that make up Abdullahi’s support base have approximately 100 votes. Abdullahi only needs 51 more to win in the last round. Now it’s easy to see that if he does not win outright then his 100 votes are needed by a candidate to secure the presidency. For all Adow’s hype he has neither the money, nor the influence to get 151 votes without doing a deal, its unlikely that he can do a deal with Abdiqasin as he wants a top position which he cannot give due to the clan distribution system. One of the three will be out of a top job and it wont be Yey………
  19. it will be like the negative and the positive joined at the hip...Praying to God that Jama Ali Jama does not relent and give up his support; yet, it seems reer Puntland are picking A.Yusuf, while they know Jama Ali Jama is the rightful choice LOL Otali you in your own fantasy bro, now you know whats good for Puntland If Adow wins he will through getting Abdullahi's support and giving the PM position to him, Jama is a good man but how much votes can he bring? Another point what if Abdullahi won, which I believe is more than a possible outcome, who for PM then, ah lets see Abdiqasin, Mohamed Dhere, Sindikow or Adow?? What if in the first round, Adow got 90, Abdullahi got 90 and Abdiqasin came third and got 80. The next round is a dead heat Abdullahi and Adow.. Who would get Abdiqasin's votes?
  20. I think the President is ceremonial and the PM runs the country. Howver if that is true why do they all want to be President.
  21. Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Doorashada Madaxweynah laga dhigay 10 Bisha Oktoobar 2004 Nairobi :- Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wada tashi ah isugu yimid ayaa looga hadlay in wakhti dib loo dhigo doorashooyinka Madaxweynaha dalka Soomaaliya si ay Musharaxiinta wakhti ugu helaan Loolankooda siyaasadeed. Baarlamaanka ayaa maanta wakhti dheer ka hadlay codsi ay soo gudbiyeen qaar kamid ah Musharaxiinta oo codsaday in wakhti la siiyo, waxaana taas u dheer in lagu wado in ay Wasiirada IGAD ay wakhti u heli doonin in ay ka qeyb galaan Doorashada hadii la qabto 22ka bishan, ayadoo ay inta badan madaxda IGAD ku maqan yihiin shir ka dhacaya 21ka bishan xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York. Inta badan Xildhibaanada ayaa isku raacsanaa dib u dhigida Doorashooyinka ayaado uu jiray khilaaf ah wakhtiga la qabanayo doorashooyinka. Kooxo kalo ra'yi duwan ayaa soo jeediyey wakhtiyo kala duwan, kooxo u badan SRRC ayaa ayagu soo jeediyey in la qabto Doorashooyinka 15 Oktoobar, halka kuwo kale ay soo jeediyeen in la qabto 30 bisha September iyo qolo ayaduna rabtay in la qabto 2da Oktoober. Ugu danbeyntii ayaa la isku raacay in doorashada Madaxweynaha la qabto 10ka Bisha soo socota ee Oktoobar, ayadoo dhowr todobaad la siiyey musharaxiinta in ay kusoo afjaraan ololahooda doorashada.
  22. Liqiye, well said brother. Its one thing wanting to be a nation it is another selling your soul. Insha Allah Somalia will be united..
  23. Ciidankii shalay soo galay Dhoobley oo ka kaxaystay afar baabuur oo shibil ah iyo Gen. Axmed Warsame oo la socday .. 18/9/04 Afartaas baabuur ee ay kaxeesteen waxaa ka mid ahaa baabur ay sarnaayeen Xamuul kana yimid Bu'aale. Baabuurkaas ayaa waxa iska laha nin la dhaho Xuseen Cabdi . baabuurkaas iyo saddexda kaleba wixii saarnaa way la tageen. Dhanka kale warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Gen. Axmed Warsame uu la socday teknikadii Yuusuf Indhacade ee shalay gubay Dhobley.. Somalitribune.com
  24. Maleeshiyada Col. Bare Hiiraale oo dhac iyo burbur u geystay magaalada Dhoobleey iyo dagaalo ka dhacay deegaankaas Muqdisho:- Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay magaalada Dhoobleey kadib markii ay magaalada maanta gelinkii danbe ay soo weerareen ciidamo uu wato Col. Bare Hiiraale iyo xubno kale oo kamid ah Isbaheysiga la baxay Samatabixinta. Ciidamadan ayaa watay gawaari gaaraya 14 oo tiknikada ah waxayna markii ay magaalada Dhoobely soo gaareen bilaabeen in ay goobtaa ka qaataan 3 raadiyaasha fooniyaha ah ee ay lahaayeen ganacsatada magaalada. Maleeshiyadan ayaa lagu soo waramayaa in ay jabsadeen qaar kamid ah bakhaarada ku yaal magaaladaasi ayagoo markaa kala baxay badeecad isugu jidha raashin, shidaal iyo shaagag. Dhacan ayaa keenay in sidoo kale dab la qabad siiyo 6 dukaan oo ku yaal bartamaha magaalada goobtaasi oo ay ka carareen dadkii shacabka ahaa. Saacado kadib maanta saacadu markay ahayd 3dii duhurnimo ayaa waxaa magaalada Dhoobleey dhanka Bari kasoo galay ciidamo huwan ah oo ayagu iskood isku aruursaday kuwaan oo lagu sheegay in ay ka madax banaan yihiin ciidanka Gen.Morgan kuwaas oo markaa weerar ku qaaday maleeshiyada Bare Hiiraale oo lagu khasbay in ay magaalada Dhoobley isaga baxaan saacadu markay ahayd 4tii galabnimo iyo badh ayagoo dib ugu noqday magaalada Hosingoo. Dhanka kale ciidamada Gen. Morgan oo ayagu horey uga soo gurtay goobihii xarumaha u ahaa ayaa maanta wax dagaal ah aysan dhexmarin dhanka Dooxada Jubba ee ku sugan deegaanka Buulo Xaaji. Ciidamada Morgan ayaa ayagu dhanka Bari ee jidka Kismaayo uga soo gurtay xalay magaalada Hosingoo kadib markii ay goobtaa dhanka koonfureed kasoo galeen ciidamo dhabar jabin ah. Gen.Morgan oo noo suurto gashay caawa in aan khadka taleefoonkiisa kula hadalno ayaa noo sheegay in ay hada ciidamadiisu aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin weeraradii dhabar jabinta ahaa asagoo markaa sheegay in ay ******** ciidamada kusoo socday kadibna u baneeyeen goobihii ay horey ugu sugnaayeen. Gen.Morgan ayaa sheegay in ciidamo laga keenay Marka iyo deegaano kale ay duulaan kusoo qaadeen. Dagaalada ka socda deegaanka Jubbada Hoose ayaa malin walba is bedalaya ayadoo ay sii kordhayaan maleeshiyooyinka iskood isku abaabulaya ee dagaalkan ka qeyb qaadanaya, ayadoo dagaaladii maanta ka dhacay Dhoobley ay noqotay markii ugu horeysay oo ay maleeshiyooyinka dooxada Jubba si toos ah ulla dagaalamaan shacabka deegaankaas oo hada wada abaabul difaaca magaalada ah, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah ganacsatada oo caawa dib ugu soo noqday magaaladaasi. Shacabka ku dhaqan deegaanada Dhoobley, nawaaxiga Hosingoo, Qooqaani iyo Badhaadhe ayaa la sheegay in ay hada wadaan abaabul ay isaga difaacayaan maleeshiyooyinka Dooxada Jubba oo si weyn loogu eedeynayo dhaca iyo dilka ay u geysteen shacabka aan hubeysneyn gaar ahaan kuwii ku dhaqanaa magaalada Dhoobley oo ay maanta ka baro kaceen in kabadan 400 oo shacab ah. Maxamed Cabdi HorseedNet.com Muqdisho, Somaliya
  25. Heshiis Qarsoodi ah oo dhex maray Cabdiqaasim iyo Cabdulaahi Yusuf. waxaa soo baxaya warar ku saabsan heshiis hoose oo dhex maray Col Cabdulaahi Yusuf Axmed iyo Cabdiqaasim Salaam Xasan oo ku saabsan in ay isugu shubaan maalinta doorashada madaxwaynaha soomaaliya inkasta oo wali heshiiskaasi uu yahay mid aan dhamaystirnayn sida ay ku waramayaan ilo labada dhinac ah. Labadan musharax ee kala ah Cabdiqaasim iyo Cabdulaahi yusuf waxaa lagu waramayaa in ay haystaan dhaqaale aad u xoog wayn oo ay ku doonayaan in ay ku kala dabaraan baarlamanka oo ah mid aad u liita marka la eego aqoonta iyo siyaasadda. Dadka siyaasadda indha indheeya waxaa ay ku tilmaameen heshiiskan in uu yahay mid dhici kara maadaama labadan hogaamiye ay yihiin kuwo aad u jecel in ay helaan jagada madaxwaynayha iyo Raisul wasaaraha isla markaan dabeecad ahaan ka siman siyaasado qalafsan oo xtaa aynan la heshiin karin raga ay isku siyaasadda yihiin iyaga oo fikir ahaan qaba in siyaasadda soomaaliya kala hagayaana marka loo eego dhamaan hogaamiyayaasha kale ee shirka. Horay ayaa labadan masuul xiligii wada hadalada ay ka dhacayeen hotelka safri park ay yeesheen kulamo qarsoodi ah oo looga dan lahaa in ay wax isla meel dhigaan maadaama ay dhibaatada ugu wayn ka imanaysay xiligaas labadan hogaamiye oo loo arkayay in ay miisaan ahaan culus yihiin. Waxaase dhinaca kale ay dad badan is waydiinayaan sababta ay labadan nin isku mawqif u noqdeen iyadoo in mudda ah ay ka dhaxaysay xurguf siyaasadeed oo xoog wayn tan iyo markii madaxwaynaha loogu soo doortay cabdiqaasim dalka jabuuti xiligaas oo uu ka horyimid cabdulaahi Yusuf. Mohamed Cali Nairobi, Kenya. mhomaedcali@yahoo.co.uk