
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Dagaal ka socda Buulo Xaaji , iyo ganaal Cabdalla oo ay kala hogaaminayaan Barre Hiiraale Iyo Xassan Ciid 16/9/04 Dagaal ayaa saaka 6.00 subaxnimo ee wakhtiga Soomaaliya ka qarxay Buulo Xaaji oo markii danbe u fiday xaga Janaal Cabdalla. Ciidaanka dooxadda Jubba ayaa la sheegay in uu hogaaminayo Barre Hiiraale , halka la sheegay in ciidamadda SPM uu hoggaaminayo Xassan Ciid. Dagaalkan oo wali socda ayaa wararka ka imanaya ay sheegayaan in dhimashadu iyo dhaawucuba aad u badanyahay , isla markaana ay tikniko badan olalayso. wararkan ayaa intaas ku daraya in uu wali dagaalku socdo. wixii faahfaahin ah dhawaan ayaan soo dayn doonaa. somalitribune.com
-
Ciidamada Deegaanka ee Jubooyinka oo usii siqay Dhanka Magaalada Kismaayo. By pp Posted to the web 16-09-2004, 13:01:56 Kismaayo:-waxaa saakey agagaarka magaalada kismaayo lagu waaberistey dagaal xoogan oo ay isaga hor yimaadeen maleyshiyada la magac baxdey dooxada jubba iyo ciidanka SPM oo uu hogaamiyo Gen. maxamed saciid Xirsi(moorgan). waxaan warkan goor dhow nasoo gaarsiiyey wariyaha u jooga Puntlandpost.com magaalada isagoo noo sheegey in ciidamada Deegaanka ee uu horkacayo Gen morgan, ay magaalada u jiraan 40.km, dhanka buulo xaaji. ilaa hadana lama sheegin wax dhimasho iyo dhaawac soo gaarey labada dhinac. laakiin wariyaheena wuxuu inoo sheegey in laga awood roon yahay maleyshiyada xooga ku heysta jubbooyinka, oo la soo riixey dhanka Magaalada Kismaayo. Wixii kaloo khabaara la soco puntlandpost.com saacadaha soo socda Puntlandpost.com
-
Nairobi: Cabdalla Biroole "Dagaallo isdaba joog ah oo saaka dhexmaray xoogagga SPM/SRRC iyo maleeshiyada Dooxadda Jubba" - Thursday, September 16, 2004 at 12:46 Nairobi (Allpuntland)-Wararka ka imaanaya tuulada Cabdalla Biroole ee galbeedka kaga aaddan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saaka ay dagaallo cusubi mar kale ku dhexmareen ciidammada deegaanka ee SPM/SRRC iyo kuwa xoogga ku haysta magaalada Kismaayo ee la baxay Isbahaysiga Dooxada Jubba. Sida wararka ilaa haatan soo baxayaa sheegayaan ayaa dagaaladaasi waxay saaka aroornimadii ka bilawdeen meel u dhexaysa tuulada Cabdalle Biroole iyo Kismaayo,halkaasoo saddex dagaal oo kala danbeeyey ay ka dheceen,kuwaasoo ay weerarka lahaayeen maleeshiyada Isbahaysiga dooxada Jubba. Warar laga helayo ilo ku dhowdhow SPM/SRRCda ayaa sheegaya in khasaaro ballaaran loo geystey saddexdaas dagaalba maleeshiyada ka amar qaadata xildhibaanka baxsadka ah Col.Barre Hiiraale ,waxayna wararku intaa ku darayaan in dagaalladii saaka ay qolada Isbahaysiga kaga dhinteen 10naan maleeshiyo ah iyadoo dhaawac gaaraya ilaa 32 maleeshiyo ah oo uu ku jiro nin magaciisa lagu sheegay Yaasiin Indhataag oo sarkaal ah saaka la geeyey magaalada Kismaayo,iyadoo dhaawaca ay tiradaasi ilaa shalay ka dhigayso in ka badan 65 maleeshiyo ah ,iyadoo wararka qaarkoodna sheegayaan in 4 baabuur oo kuwa dagaalka ah maanta laga qabsaday maleeshiyada dooxadda Jubba,mar aan damacnay inaan la xiriirno magaaladana waa noo suuroobi weydey isgaarsiinta iyo khadka fooneeyaha loo yaqaan oo ka go'an darteed. Ilaa iminka ayaa la sheegayaa in dagaaladaasi ay ku sii siqayaan magaalada Kismaayo ,isagoo sarkaal ka tirsan taliska ciidanka SPM/SRRC oo la yiraahdo Col.Muuse uu sheegay in dagaalkaan ay ku soo qaadeen Isbahaysigu iyagoo ka shaqaynaya nabad lagu soo dabaallo deegaanka Jubbooyinka ,balse maadaama weeraro lagu soo qaaday hadda waxaa la gaarey xilligii dadka deegaanku ay ka xoroobi lahaayeen kooxaha burcadda ah ee dalkooda iyo deegaankooda mudada 6da sano ah ku hayey dilka ,dhaca iyo dhibaatada deegaanka. Sarkaalkaasi waxa uu beeneeyey warar la isla dhex xulayey oo sheegayay in la diley sarkaalkii shalay lagu qabtay dagaalka oo watey maleeshiyada dooxadda Jubba ee la yiraahdo Col. Cabdi Cigaal ,waxana uu sheegay inay taasi tahay dacaayad ,mana ahan mabda'a SPM/SRRC in la dilo maxaabiis dagaal. Dagaalladaan ayaa waxaa lagu wadaa inay sii socdaan oo aanay jirin wax waan waan nabadeed ah oo u dhexaysa labada dhinac,iyagoo marba marka ka danbaysa ku sii siqaya magaalada dekedda ah ee Kismaayo. Wixii warar ah oo ka soo kordha waxaan idiinku soo bandhigi doonnaa wararkayaga soo socda haddii ALLE idmo. Iimaan Cali Cabdi Allpuntland,Nairobi,Kenya
-
Besides Baashi don't insult our intelligence. The only people Morgan is leading are minor sub-clans from "Puntland". LOL, maybe but they are from Kismayu, born in Kismayu raised in Kismayu. While Bare Hiraale and JVA are from where??????????
-
A young Somali girl got raped and tortured in Hargaysa by the CID
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Hope its bul shit for if it is not then boy there will be some answers from the accused. :mad: -
GABAR U DHALATAY DEEGAANADA PUNTLAND OO JIR-DIL IYO KUFSIBA AY U GAYSTEEN CIIDANKA CID-DA HARGAYSA. By pp Posted to the web 16-09-2004, 12:21:23 Boosaaso:-Samsam Axmed Ducaale, waa gabar 15 jir ah oo ku dhalatay magaalada Qardho, waxna ka barata Dugsiga Imaam Al-Nawaawi ee magaalada Boosaaso. Samsam waxay ku xirantahay ku dhawaad hal bil xabsiga magaalada Hargaysa ee maamulka isku magacaabay Somaliland, waxayna warar lagu kalsoonaa karaa sheegayaan in loo gaystay jir-dil iyo kufsi labadaba. Waxaana lagu eedeeyay inay tahay Argagixiso. Weriyaha Puntladpost ee Magaalada Boosaaso oo isagu si aad ah isugu hawlay arrinta Samasam ayaa la xiriiray Axmed Maxamuud Ducaale (Duuje) oo ay ilma-adeer yihiin Samam, gurigiisana ku kortay, wuxuuna nooga soo diyaariyay warbixintaan:- Samasam Axmed Ducaale, waxay ka ambabaxday magaalada Boosaaso 16/08/04, waxyna aaday magaalada Hargaysa oo uu ku sugan yahay Maxamuud Siciid Maxamed oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Sportiga oo ay qaraabo yihiin.Waxayna magaalada Hargaysa gaartay 17/08/04. Samsam oo ah gabar aad u yar ayaa la sheegay inay darawalkii gaariga ay raacday waday ku tiri waxaan rabaa guriga madaxwayne ku-xigeenka Somaliland, wixii intaas ka danbeeyay bal ha inoo wado Duuje “…darawalkii wuxuu geeyay guriga Madaxwayne ku-xigeenaka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ..waxaana la waydiiyay waxa ay rabto waxyna tiri waxaan rabaa guriga madaxwayne ku-xigeenka…iyadoo kala garan wayday ama ay iska galeen madaxwayne ku-xigeen iyo Wasiir ku-xigeen…waxaa la yiri xagee ka timid, waxay tiri waxaan ka imid Boosaaso…intaas ka dib askari ayaa ka dafay Shareer (Maro madow oo wajiga ay ku qarsadaan dumarka doonaya inaan wajigooda la arag) wejiga u saarnaa, waxyna ku dhufatay kabteedii, …halkaas buuq baa ka dhacay iyo dagaal, waxana ku soo baxay Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaana looga waramay sida ay wax u dheceen, wuxuuna amar ku bixiyay in saldhiga la geeyo oo la xiro…waxaana sidaas lagu geeyay saldhiga..†. Bal haddaba intaas ka dib maxaa dhacay waakan Duuje oo inoo sii wada “…markii la geeyay saldhiga loona sheegay in madaxwayne ku-xigeenku amar ku bixiyay in la xiro ayaa la xiray…waxayna habeenimadaas 19-ka ku hoyatay saldhiga Booliiska,…habeenkii 20-ka bisha ayaa ninka haysta CID-du oo lagu magacaabo Siciid Foolxun iyo nin la yiraahdo Cabdi Kiin ayaa amar ku bixiyay in la garaaco, laguna gubo koronto…waana lagu bilaabay isla habeenkaasba…habeenkii 24 iyo25-ka bisha ayaa waxaa kufsaday lix askari oo uu ku jiro Cabdi Foolxun…wayna miyir doorsoontay markaas…maalinimadii 25-ka ayaa loo gudbiyay xabsiga magaalada Hargaysa iyadoo lagu wado bareele, waxaana askarta xabsiga oo ay qaarkood ka danqadeen waxa ka muuqda gabadha iyo dhibaatada loo gaystay ay u keeneen gabar dhakhtarad ah oo magaceeda la yiraahdo Shacni, waxaana laga soo miiray makaankeeda dhalmada 1.2ML oo biyo rag ah, sida ay ii sheegeen goobjoogayaal aanan halkaan magacooda ka sheegayn..â€. Duuje oo isagu intii uu ii waramayay ay wajigiisa ka muuqatay murugo iyo ciil ayaa wuxuu haddana isku dayay in uu markasta uu caroodo uu shaydaanka iska naaro, isagoo ka cabsi qaba in uu gaysto waxaan ku haboonayn shareecada islaamka, wuxuu kaloo isku dayay inuu ila xiriirsiiyo dadkii la kulmay Samsam oo ku sugan Hargays, balse aan ka helay nin magaciisa la yiraahdo Siciid Cismaan oo ay qaraabo yihiin, si aad ahna ugu dhuundaloola sida ay wax u dhaceen, sidoo kale gabadh ka mid ah ilaalada xabsiga ayaa Puntlandpost u sheegtay inay iyadu aragtay gabadha waxayna iyadoo ka waramaysa tiri “…walaal gabdhu waxba kuma noola, waxayna qabtaa dil iyo kufsi, waxaana laga isticmaalay meelkasta…â€.Gabadhan ayaa intaas ku dartay in gabdha uu go’an yahay fiida (Curubta) hore ee naaska bidix loogana dhejiyay koronto. Samsam oo iyada lugu eedeeyay inay tahay argagixiso, doonaysayna inay qarxiso guriga madaxwayne ku-xigeenka, ayaa sida wararka qaar sheegayaan kala hadashay markii ugu horaysay ee la qabtay, waxayna sheegatay inay tahay qabiilka la yiraahdo Warsangeli, oo ah qabiilka hooyadeed uun ka dhashay Wasiir ku-xigeenka Maxamuud Siciid Maxamed oo ay u socotay, balse sheegatay qolada ay ka dhalatay ee Cismaan Maxamuud markii la dilay kadib. Waxaana iyadoon la gayn maxkamad warqad xabsi xalaalayn ah looga soo jaray maxkamadda magaalada Hargaysa 28-kii bishii la soo dhaafay, kaasoo ilaa hadda ay ku xiran tahay, waxaana wararka hadda ugu danbeeya ee Samasam ay sheegayaan in ay caafimaad ahaan ladantahay balse uu jiro khakhal dhinaca madaxa ah. Sidoo kale Samsam hooyadeed oo 31-dii bishii la soo dhaafay tagtay magaalada hargaysa ayaa la sheegay in la xiray muddo saddex cisho ah, iyadoo lagu eedeeyay in ay tahay hooyadii argagixisada, waxayna warar aan ka helnay ilo xogogaal ahi sheegayaan in uu damiin ku siidaayay Maxamde Xaaji Aadan oo ah siyaasi reer Puntland ah oo indhawayd fadhiyay magaalada Hargaysa, balse ay u suurtoobi wayday in uu siidaayo gabadha. Arrinta Samasam oo ay isku dayeen in ay wax ka qabtaan odayaasha Beesha ***** ee jooga hargaysa ayaa waxaa caqabad ku noqday madaxwayne ku-xigeenka oo isaga la sheegay in uu ka xanaaqo Xijaabka iyo shareerka, isagoo la sheego in uu ka tirsanyahay dariiqada Timo-waynta. Waxayna wararku intaas ku darayaan in hadda lagu waayay gabadhan wax danbi ah, balse loo haysto in marka hore la baabi’iyo dacwado ay wadaan hay’ado u dooda xuquuqda aadanaha ee saldhiga ku leh Hargaysa qaarkood. Arrintaa oo ah mid ka baxsan dhaqanka islaamka,Soomaalida iyo kan guud ahaan bini aadanka ayaa waxay dad badan xasuusinaysaa xiliyaddii ay xukuumaddii Siyaad Barre tacadiyadda ku hayeen gobolada hadda loo yaqaan Puntland, waqtigaas oo ficilo kuwaan la mid ah ay u gaysan jireen dadka ku noolaa magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo, waxaana xiligaas haystay qaybta Booliika Gobolka Nugaal taliyaha ciidanka Booliiska Somaliland Col.Cige, halka uu nabadsugidana ka joogay Riyaale. Dhanka kale saxaafadda Somaliland ayaan inta la ogsoonyahay waxba ka qorin arrinta dhabta ah xariga gabadhan iyo sida wax u dheceen, wuxuuna Duuje intii aan la joogay uu dhawr jeer la hadlay xafiiska wargayska ugu afka dheer Somalilan ee Jamhuuriya isagoo mar walba waydiinayay tifaftiraha wargayska, sidoo kale waxa uu ii sheegay in uu la xiriiray Axmed Siciid Cige oo ah wariyaha laanta Af-ka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da, si uu arrintaan umadda ugu soo bandhigo, wuxuuna ii sheegay in uu yiri waan soo baarayaa, kadibna uusan wax war ah ka oo danbe ka helin. Isha Warbinta Xarunta Puntlandpost,Boosaaso
-
What can we conclude from the election of the Speaker?
General Duke replied to Suldaanka's topic in Politics
What does this mean for Abdilaahi Yusuf and his plans? Nothing, its clear for him to run as no one from his clan won. If that had happened then it would have been difficult for him to get the top job. Now he has a week to rally his troops and negotiate with many MP's I hear the Northern *** are doing a lot of talking with our dear Colonel. -
Run-off Election between Addow and Abdulahi Yusuf
General Duke replied to Libaax-Sankataabte's topic in Politics
Brother, the man many taughted to win in order to stop th Colonel got 4 votes. Regarding Adan Madobe, he lost and his kinsmen won. Now what does that got to do with A/Yusuf. There are no camps here man and Abdullahi has only been in Nairobi for a day before the election so you can see how important this election was to him? His day is the 22nd he can either win or lose, but why are Somalilanders so hot and bothered? -
Run-off Election between Addow and Abdulahi Yusuf
General Duke replied to Libaax-Sankataabte's topic in Politics
Well there goes Jini Boqor with his 4 votes. Now we know who won the Parlimenetery position lets wait for the 22nd I am starting to get election fatique.... -
Shariif Xassan Sheekh Axmed oo gulaystay Jagada Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya By Pp Posted to the web 15-09-2004, 23:53:15 Nairobi:-Waxaa waqti dhow lasoo gunaanuday codbixintii xildhibaanadii u utartamayey jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Dowlada Federaalka ah ee soomaaliya loo dhisidoono, waxaana ku guulaystay Codbixintaas Ganacsade xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Axmed isagoo isla waqtigaa loo diyaarinayey sidii loo dhaarin lahaa. Shariifka oo ay wareegii ugu danbeeyey ay isugu soo hareen tartanka jagadan Xildhibaan Skeekh Aadan Madoobe kagana guulaystay Cod tiradiisu le'egtahay 161 halka uu masharaxii la tartamaayey oo ahaa Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe uu helay 105 cod. Sheikh Adan Madoobe ayaa isla markiiba uga mahadceliyey shariifka halganka uu usoo galay jagadan ilaa uu ku guulaystay si fiicana isugu gacan qaaday Goobtaas. Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Axmed ayaa Goobtaas ka jeediyey qudbad yar ugana mahadceliyey dadkii ku doortay isla goobtaas, balan qaadayna inuu umada ku dhaqi doono Cadaalad xilkiisana uu u gudandoono si cadalada. puntlandpost.com
-
Election for the speaker of new Parliment is taking place
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The patriot, wait for it son its coming soon. -
Dagaal lagu hoobtay ayaa saaka 12.30 duhurnimo ka qarxay meesha lagu magacaabo Xaliimo Caday , kaas oo geystay khasaaro lixaad leh. Dagaalkan oo uu soo qaaday Col.Bare Hiiraale ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dad gaadhaya 32 ruux , iyada oo 25 ka mid ahi ay ka soo jeedaan Dooxadda Jubba ,halka 7da kale la sheegay in ay ka soo jeedaan Spm-ta Morgan. Dhaawaca ayaa la sheegay in uu kor u dhaafay 40 qor oo labada dhan ah . waxaana halkaas lagu gubay 3 baabuurta loo yaqaano tiknikadda oo raacsan Dooxadda Jubba. waxaa kale oo gacanta u galay ciidanka Morgan hal gaadhi oo ay isla dooxadu leeyihiin. Warar rasmi ah oo naga soo gaadhay Afmadow ayaa noo sheegay in ay dhaaftay 8 tikniko ah oo laga leeyahay Muqdisho , taas oo ka soo cadhootay qaabka uu Barre Hiiraale dagaalka u maamulay. Dagaalka ayaa wali ilaa iminka oo saacdu tahay 10.00 fiidnimo sii socda iyada oo la sheegay in uu u sii fidayo xagga madaarka Kismaayo. Kaxmed@yahoo.co.uk somalitribune.com
-
Election for the speaker of new Parliment is taking place
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Congrats to Shariif Xasan The Parlimentery Speaker for the Transitional Federal Parliment of Somalia.................................... -
Khasaare aad u weyn oo maanta loo geystay Maleeshiyo uu horkacayey Xildhibaan Bare Hiiraale . By Axmed Posted to the web 15-09-2004, 22:11:49 Garoowe:-Dagaal kharaar oo maanta ka dhex qarxay ciidamo ay kala hogaaminayaan Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) iyo Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale)oo ku dhexmaray agagaarka Buulo Xaaji ayaa in Ciidamada gardarada ku haystay magaalada Kismaayo ay soo gaartay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh. Puntlandpost.com oo caawa(15/09/04)khadka telefoonka kula xiriirtay wariye madax banaan oo booqday Isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa noo xaqiijiyey in Isbitaalka la keenay 7 ruux oo dhaawac ah, waxaana wariyaha loo sheegay in 27 dhimasho ah ay soo gaartay malayshiyada Dooxada Jubba. Wararku waxa ay intaa ku darayaan in malayshiyada Dooxada Jubba dagaalkii maanta lagaga qabsaday 13 ciidan ah iyo taliyihii watay oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Cigaal, waxaa kale oo laga qabsaday 2 - tekniko ah, lagana gubay 4. Dhinaca kale Ciidamada Deegaanka ee hormuudka u yahay Gen. Morgan ayaa la sheegay inay ka dhinteen 4 nin ayna ka dhaawacmeen 5 nin oo kaliya. Dagaalkii maanta kadib ayaa weli war laga hayn halka uu ku sugan yahay Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo isagu dagaalkii maanta hogaaminayey, waxaana wararka Kismaayo ka imaanaya sheegayaan in Gen. Axmed Warsame iyo ciidamo uu wato oo baadigoob ugu jira Barre Hiiraale ay galabta dib ugu laabteen goobihii ciidamadoodu maanta ku jabeen. Axmed C/salaam Puntlandpost, Garoowe, Soomaaliya
-
Election for the speaker of new Parliment is taking place
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
And I am sure some on this forum will be disappointed Jinni Boqor didnt make a better show of it. Wishful thinking on their part I'm sure. what about Zakaria LOL. It is a tight race but you never it might go either way, I dont have any horse in this race though. -
Election for the speaker of new Parliment is taking place
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Thanks Bari, for that mate. -
War deg deg ah Doorashadii Gudmoomiya Barlamaanka FKMG oo si xoowli ah ku socota. Nairobi War aan dhawaan ka helnay qadka isgaarsiinta ayaa noo xaqiijiyey in ay si xoowli ah ku socota u codeyntii cida noqon laheyd afayeenka Barlamaanka 5ta sano ee soo socota . Maanta ayaa u ah umada Soomaliyeed meel walba ay joogaan maalin faraxad leh kadib markii 14 sano kadib ay heleyn Barlamaan loo wada dhanyahay oo ay kasoo qeyb galeyn qeybaha kala gadisan ee bulshada iyo waliba taageero ay u fidiyeen beesha calamka. Wali ma jiraan ilaa iyo hadda tirinta codadka , ayadoo ay hadda socota codeynta Xildhibaanada . Waxii soo kardha ha ka bixin dayniile com si aad ula socota natiijada kama danbeeska ah
-
Run-off Election between Addow and Abdulahi Yusuf
General Duke replied to Libaax-Sankataabte's topic in Politics
with all due respect to ina yey supporters who talk about his history of "toughness" but we all know its one thing being tough to your own clan and subclan but beilieve me its totaly different story when it comes to other clans like Brother he has been tough to the USC in Galkacyu, to the Alitixad led by Colonel Dahir Aweys in Bossaso and before that to the Ethiopian army in 1964 and 1978. He has a history of being tough and Mogadishu and south Somalia needs to be introduced to that sort of toughness and organisation. It aint about clan or sub clan its about creating the right security apparatus to deal with hoodlums, criminals and gangsters hiding behind the clan. The other point about the President coming from one particular region i.e. Mogadishu is ludicrious and has failed in the past. The example of Ali Mahdi, Aydeed Sr and Abdiqasin have proven that aman belonging to a certain clan that has a number of technicals means nothing. Chosing Adow will only result in wasting the Somali peoples time, the man has no background in security and has not even got the respect of his own sub-sub clan. Somalia needs ina Yey and his toughness. -
True Xarago true.
-
Ciidanka Col. Bare Hiiraale oo ay fooda is dareen ciidamada Gen.Morgan iyo Sarkaal kamid ah dooxada Jubba oo gacanta lagu dhigay Nairobi:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dagaal kharaar uu maanta ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji goobtaasi oo ay maalmahan ku sugnaayeen ciidamada SPM iyo kuwa kooxda Dooxada Jubba. Dagaalkan ayaa la sheegay inuu dhacay maanta gelinkii danbe waxaana lagu soo waramayaa in weerarka ay qaadeen ciidamada Col. Bare Hiiraale kuwaas oo ay horsocdeen gawaarida tiknikada loo yaqaan. Wararka aanu ka helnay forinta hore ee ciidamada Dhanka Gen. Morgan ayaa xaqiijiyey in dagaalkan uu dhacay isla markaana lagu jabiyey ciidamadii Col. Bare Hiiraale. Wararkan ayaa intaa ku daraya in khasaaraha dhabta ah ee dagaalkan aan weli si rasmi ah loo heyn balse illaa iyo hada inta la sheegay ayaa lagu soo waramayaa in hal gaari oo tikniko ah laga gubay ciidamada Dooxada Jubba halka mid kale oo isla tikniko ah iyo mid ah nooca Landkuruser ah lagu qabtay dagaalkaasi oo ayna gacanta ku dhigeen ciidamada Morgan. Dhanka kale maxaabiis laga qabtay ciidamada Col. Bare Hiiraale ayaa la sheegay inuu ku jiro Sarkaal sare oo kamid ahaa ciidamada Dooxada Jubba, sarkaalkaas oo warar kasoo baxay ay magaciisa isku khilaafsan yihiin ayaa loo badinayaa in magaciisa la yiraaho Cabdi Cigaal u dhashay beesha ********* . Dagaalkan ayaa la sheegay inuu dhaliyey dhimasho iyo dhaawac ah ayadoo aan weli la dhameyn tirakookba saxda ah. Hasayeeshee ciidamada Gen. Morgan ayaa la sheegay in ay ka dhinteen tiro gaareysa 3 kamid ah ciidamada halka dhaawacu uu yahay 6 askari. Dhanka ciidamada Dooxada Jubba ayaan wax war ah laga heyn ayadoo ay adag tahay in xiriir khadka isgaarsiinta ah lala sameeyo magaalada Kismaayo gaar ahaan kuwa u gaarka ciidamada Dooxada Jubba oo hada la xiray gebi ahaanba. Wararka ayaa ah kuwo cusub oo isa soo taraya wixii soo kordhana gadaal ayaan idiinka soo gudbin doonaa haduu Alle yiraaho. Ahmed Musse HorseedNet.com Nairobi Kenya
-
War deg deg ah.Dagaal dhexmaray Gen.Moorgan iyo Maleeshiyada Barre Hiiraale goor dhawayd By Axmed Posted to the web 15-09-2004, 16:14:50 kismaayo:-Waxaa dagaal goor dhawayd dhexmaray maleeshiyada taageerta Maamulka Dooxada Jubba ee haatan xooga ku haysata magaalada Kismaayo iyo Ciidanka Gen.Maxamed Siciid Xirsi Moorgan. Dagaalkaan ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel u dhaxaysa Buula Xaaji iyo Biroole,G/sare.Muuse Maxamed Xassan oo ah hogaanka gurmadka deg dega ah ee SPM-ta ayaa sheegay in ay ka qabsadeen laba gaari oo kala ah mid shibil ah iy hal baabuur oo ah nooca loo yaqaan Teknikada iyo waliba Sargaal sare oo ka tirsan Ciidanka uu hogaaminaayo Xildhibaanka dagaal oogaha ah ee dhawaan ka soo fakaday Madasha Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee haatan ka socda dalka Kenya. G/sare Muuse Maxamed waxa uu intaas ku daray in gaariga ay qabsadeen uu yahay gaarigii uu sida gaarka ah u lahaa Col.Barre Hiiraale, Muuse ayaa sheegay in dagaalku uu haatan u socdo ayna kagacan sareeyaan ciidanka uu hogaaminaayo Col.Barre Hiiraale waa siduu Mr.Muuse hadalka u dhagaye. Hogaamiyaha Gurmadka degdega ah ee SPM-ta G/sare Muuse Maxamed,ma sheegin wax khasaara ah oo dhankooda ka soo gaaray dagaalkaas. War iminka Puntlandpost soo gaaraya ayaa sheegaya in maamulka Dooxada Jubba ay amar ku siiyeen shirkadaha Isgaarsiinta ee Taleefoonada ee magaalada Kismaayo in ay ka jaraan khadadka soo gala iyo kuwa ka baxaba. Wixii ka soo kordhana dib ayaan idiin kala socod siinaynaa haddii Alle idmo. Axmed C/salaam Puntland,Garoowe,Soomaaliya
-
Laba baabuur oo Tiknika ah oo laga qabsaday maanta ciidanka Isbaheysiga Dooxada Jubba iyo dagaal xoogan oo ka socda aaga Xaliimo Caddeey Kismaanyo Sida ay sheegayaa warar goor dhaweyd aynu ka helnay in maanta galinkii danbe uu dagaal qaraar ku dhaxmaray labada isbaheysi oo rabo in ay xukumaan shacabka masaakiinta ah ee ku nool Jubooyinka kuwaa oo ah kuwa jecel nabada . Dagaalka Galabta ayaa ah mid aad u qaraar labada dhinacna ka soo gaaray dhimasho badan iyo dhawac aan la koobikarin kadib markii ay isku heleen melbanaan aan laheyn gabadsi,dagaalka maanta ayaa moodaa in markii hore looga xoogroonaaday kuwa Dooxada Jubba kuwaas oo looga qabsaday laba Baabuur oo ah kuwa dagaalka . Dagaalka ayaa moodaa in uu siixoogeystay sacadahii danbe ee galabta kadib markii uu u yimid gurmad deg deg ah kuwa Dooxada Jubba ayagoona gadaal u soo riixay ciidankii uu hogaaminayey Janaraal Moorgan oo asaga garab ka heysta cadawga Soomaliya oo ah dowlada Itoobiya . Mar aan la xariirnay kuwa daga deegamada lagu dagaalaayo ayaa noo sheegay in yihiin labada dhinac kuwa xaqdaro ku diriraayo rabana in ay anaga nagu gorgortamaan . Ma jiraan warar ilaa iyo hadda fahfahsan waxii soo kordha gadaal ayaan idinkala socod siin doonaa haduu alaha idmo. webmaster@dayniile.com
-
Run-off Election between Addow and Abdulahi Yusuf
General Duke replied to Libaax-Sankataabte's topic in Politics
Adow and Abdullahi...ohmm let me think... Let me analyse.......... Damn its so hardto decide LOL Its got to be Mr Yey not Adow, you cannot even compare. Chosing Adow will be even worse than the 3 years of the defunct TNG. -
Well done reer LA and to the people of Puntland.
-
How Riyaale destroyed SOMALILAND; Sad account
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
SOL golden rules. You should be counting your blessings the Admins did not notice your breach of the FLOODING rule especially in the middle of hurricane season LOL :rolleyes: You can do better than that bro, I was making it esier for the Nomads to read the article. Regarding where I was brought up it sure was not under Riyaale and Egal who happened to become what the "Mujahids" where fighting against. However it must be ok to be destroyed by your own North Western follks than by reer Xamar right