
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
ETHIOPIA IS NOW ONE STEP CLOSER TO ANNEX SOMALIA
General Duke replied to garyare's topic in Politics
Why don’t you ask adeerkaa CY and ina abtigaa Caydiid Jr . Hey leave mentioning my family members.... As for Jumatu, I say it again those who stole other peoples farms and property will be nervous, if you know such people then warn them -
New president says one year to stabilise Somalia
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Good on you Rahima, might see you in Mog soon. -
New president says one year to stabilise Somalia
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Nothing wrong with ambition. Mogadishu is by far the biggest obsticle, if the government can stabalise it the country would follow. -
New president says "one year" to stabilise Somalia - Friday, November 05, 2004 at 19:17 By Daniel Wallis KAMPALA, Nov 5 (Reuters) - Somalia's new president said on Friday it could take just one year to stabilise the Horn of Africa nation torn apart by 14 years of conflict and plagued by heavily armed militias. Abdullahi Yusuf, elected on Oct. 10 by an interim parliament sitting in the security of neighbouring Kenya, has yet to return to his country. He has called for 20,000 African Union (AU) peacekeepers to support his fledgling administration. "It is my firm belief, if we work together collectively, the time it will take to stabilise Somalia's situation may be much shorter than some of you expect," Yusuf said. "If we all work hard we can complete Somalia's stabilisation in one year... (then) it is my belief African forces in Somalia will come back to their countries victorious and happy and having fulfilled their brotherly obligation." Yusuf was addressing a news conference in Kampala after holding talks with Ugandan President Yoweri Museveni, chairman of the Intergovernmental Authority on Development (IGAD). The regional east African body brokered two years of peace talks that led to Yusuf's transitional government. At the end of a two-day meeting of security experts in Ethiopia's capital Addis Ababa, participants urged the AU to speed up the deployment of peace monitors and said Yusuf's government should sign ceasefire agreements with other armed groups before the troops arrived. "The transitional government should actively pursue efforts towards reconciliation and obtain the cooperation of all Somalia parties with the stabilisation force," the experts said in a statement. The planned "restoration and protection force" is expected to monitor peace, disarm and demobilise the militias. Museveni said African troops would be more culturally sensitive to the needs of a Somalia mission, comparing them with American troops who clashed with locals during the ill-fated U.S. peace mission a decade ago. ENORMOUS CHALLENGES Besides his call for peacekeepers, Yusuf also appealed to the international community for money to tackle the enormous challenges his administration faces in rebuilding Somalia's shattered infrastructure. He said more than 300,000 people had been killed by the war, while an estimated 2 million Somalis had fled their homeland to escape the insecurity. Despite continued tensions between Somalia's breakaway regions of Somaliland and Puntland, he said he remained optimistic. "The warlords are no more. They are now MPs and soon they will be ministers. They have to put out the fires they have started, and they are ready to do that. There is no one who is now causing problems." (Additional reporting by David Mageria in Nairobi) Source: Reuters
-
Rahima and Juma, you two are taking Mr. M Zenawi to the heart Don't let these Ethiopians get to you. You two are giving them too much credit. Nuff said
-
Rahima & OG girls stop insulting us Somali's. Maybe living in OZ or Arabia has affected your sense of patriotism
-
The Unrelenting March of Somaliland and Cabdillahi Yusuf's debacle
General Duke replied to Kowneyn's topic in Politics
Nationalist is right. Chris Mullens went to Narobi first and stated in front of the new Parliment that he supported the process and the election of the new President. As for Somaliland's march to clan warfare, we shall see how it benefits them. -
ETHIOPIA IS NOW ONE STEP CLOSER TO ANNEX SOMALIA
General Duke replied to garyare's topic in Politics
Somalia has re;igious folks, who and where are they, and where have they been for the last 20 years? As for the Tigray Junta annexing Somalia, they are trying to hang on to the Amhara and Oromo lands let alone acquire a whole new country. People stop being so emotional, there is a new reality in Somalia. Maybe those in Somaliland dont like it, maybe some folks who stole some farms might not like it. The majority of Somali's are supporting the government. -
Rudy, you seem to be losing it bro
-
Very Very very good news...! Professor Ali Mohamed Ghedi is capable of the task and kudos to the president for not selecting a warlord as a PM. Could not ave put it better.
-
Muqdisho oo caawa risaas cirka loo Rido ku soo dhoweysay magacaabista ra'iisal Wasaaraha November 3, 2004 -------------------------------------------------------------------------------- Risaas goos goos ah oo ayaa cirka loo ridey Caawa, ka gadaal Markii la helay in Cali Maxamed Geedi uu u magacaabey Madaxweynaha dowlada federaalka ah ee Soomaaliya in uu noqdo ra'iisal wasaaraha dowlada Cusub. Rasaasta oo isugu jirtay qoryaha Fudud, kuwo Lidka Diyaaradaha ah iyo Rasaasta loo yaqaan Bululer ee ifisada ah ayaa qiyaastii 45-Daqiiqo Hawada loo Ganay, iyada oo meelaha ugu badan ee rasaastaasi laga ganay ay u Badnaayeen goobaha fariisimada u ah Bashiir Raage Shiiraar oo gacanta ku haya Garoonka diyaaradaha Ciseleey iyo dekeda Ceel-cadde. C/laahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa caawa magaalada nairobi ee dalka Kenya kaga dhowaaqey ra'iisal Wasaaraha dowlada federaalka ah, iyada oo Cali Maxamed Geedi loo magacaabey jagadaasi. Cali Maxamed Geedi maanta ayuu ku biirey golaha Baarlamaanka federaaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu u baneenay xildhibaanimada golaha Baarlamaanka, waxayna arrintani timid ka gadaal markii ay si aad ah u bateen muranka la xiriira qodobada 46 iyo 47aad oo maanta golaha Baarlamaanka ay soo afjareen, ka gadaal markii ay ansixiyeen in ra'iisal wasaaraha laga soo dhex magacaabo golaha baarlamaanka. Ku dhowaaqista Ra'iisal wasaaraha dowlada federaalka ah ayaa la sugayay mudooyinkii ugu dambeeyay, iyada oo caqabada ugu weyn ee hor taagneyd magacaabistana ay aheyd halka laga soo magacaabayo wasiirka koowaad. Maxamed Cali Maxamuud (Madka) Xafiiska Markacadeey ee Muqdisho xafiiskamuqdisho@hotmail.com
-
Very good news..
-
POLL: Who would you like to see as the Prime Minister
General Duke replied to Libaax-Sankataabte's topic in Politics
Ma dhab baa inuu Madaxweynuhu xilka Ra’isul-Wasaaraha u magacaabi doono Mas’uul ka soo jeeda Beesha Mundulood? Nairobi, Talaado, 02-Nov’04 Waagacusub Online Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, oo maalmahan la tashiyo badan la lahaa Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka soo jeeda Beelaha ****** , ayaa waxaa la filayaa inuu saacadaha soo socdo ku dhawaaqo Ra’isul-Wasaaraha Cusub ee Xukuumadiisa aan haatan dhamaystirnayn. Weriye ka tirsan Wakaalladda Wararka ee AFP, ayaa sheegay in si xoog leh loo hadal-hayo in Xilkaasi loo magacaabi doono Prof. Cali Maxamed Geeddi, oo ka soo jeeda Beesha Mundulood, balse, ma jiraan warar rasmi ah oo arrintaasi xaqiijinaya, oo laga helay ilo ku dhowdhow Xafiiska Madaxweynaha. Inkastoo ay Hadal-hayntaasi si aad ah u hareeyey Shaarica Magaallooyinka Muqdisho iyo Nairobi, ayaa waxaa haddana la sheegayaa in laga yaabo in Xilka Ra’isul-Wasaaraha loo magacaabo Xildhibaan Maxamed Max’ud Guuleed "Gaca-ma-dheere" oo ka soo jeeda Beesha Habar-gidir. Dhinaca kale, xubno ka tirsan Xildhibaanadda Beelaha ****** , ayaa waxay horey Madaxweynaha ugu gudbiyeen inay Xilkaasi u soo sharxayaan Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, oo isagu ka soo jeeda Beesha Murusade, kana mid ahaa Musharixiintii Madaxweynenimadda, ee ku haray Wareeggii loogu soo gudbi lahaa wareeggii 3aad ee ugu dambeeyey. WQ. Nuradin Abokor Axmed "Diini-Yare" nuradinhaji@hotmail.com diniyare55@hotmail.com asoj@hotmail.com Webmaster@waagacusub.com ..................................................................... Everyday is a new name but we shall see Insha ALLAH -
Ilaahay ha u naxariisto. I was in Dubai this summer and it was his 38th year as head of state.
-
Fuad Adan cade's troops join Puntland forces in Xudun SOOL.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
My dear Rahima, its a fact that the Dervish freedom fighters were located in SOOL or the NUGAAL as it was called then. Their base was Talex and they suffered the most at the hands of the British. Even the Britishaccounts will tell you that. They the people of SOOL and SANAG never signed the protectorate agreement with Britian. Also the borders finalised in 1943, which is only 17 years before independence. So 17 years of colonial map is more important than the 44 years since Somalia has been a free nation.... -
Fuad Adan cade's troops join Puntland forces in Xudun SOOL.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
My dear Rahima, its a fact that the Dervish freedom fighters were located in SOOL or the NUGAAL as it was called then. Their base was Talex and they suffered the most at the hands of the British. Even the Britishaccounts will tell you that. They the people of SOOL and SANAG never signed the protectorate agreement with Britian. Also the borders finalised in 1943, which is only 17 years before independence. So 17 years of colonial map is more important than the 44 years since Somalia has been a free nation.... -
He was right about Riyaale making Smith piss in his pants, just thought I’d finish off what he missed- extreme bias is his forte. It was funny at the time LOL, thats the last person that can get to Smith, as for the article ONLF fighting alongside Puntland, why would they? As for Riyaale i believe its his last days.. His demise will come from Hargaysa and not from any where else, it seems war is the last thing on their plate.
-
MADAXWAYNAHA SOOMAALIYA MUDANE CABDULAAHI YUUSUF AXMED OO UMUUQDA IN UU HELAY KAL SOONIDA HOGAAMIYAASHA SIYAASADA SOOMAALIDA Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) axmeddheere65@hotmail.com Kenya,Nairobi Somalitalk MDFKMG, C/lahi Yusuf Tan& Doorashadii Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaaliga Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya 10 Ogtobar Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed Waxa uu waday kulamo is daba joogo oo uu la wadaagay Aqoonyahanka, Culumaa u diinka Waxgaradka, Haweenka & Siyaasiyiinta Soomaaliya. Kulankii ugu qiimiga badnaa waxa uu la wadaagay Madaxwaynihii xilka kaga horeeyay Dr C/qaasin Salaad Xasan iyaga oo meel isla dhigay in laga fakaro sidii loo samato bixin laha shacabka Soomaaliyeed oo iyagu dhibaato qabay 14 Sanoo na soo dhaaftay, Dhinaca kale waxaa taageero xoogan muujiyay Xidhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo isagu shaaca ka qaaday in uu la shaqaynayo Doowlada uu madaxda ka yahay Cabdulaahi Yuusuf Axmed taasi oo aheed guul ay dad badani ku farxeen. Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax waxa uu sheegay in hadii il loo magacaabana uu ka fiirsanayo in uu anfaco iyo in kale hadii aan loo magacaabina la shaqaynayo dowlada , Waxaa jiray xili madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed Afur iyo casho sharaf u sameeyay Xubnaha Xidhibaanada Aqoonyahanka ku sugan Magaalada Nairobi oo ay gacmaha is qabsadeen Xildhibaan Cusmaan Cali Caato iyago oo u muuqaday rag meel iska dhigay qilaafkii dhaxdooda ahaa, Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa xiligaa sheegay in Mr Cusmaan iyo isagu isku meel ku dhasheen kana wada shaqayn doonaan nabada iyo xasilinta Soomaaliya, Dhinaca kale kulamo qaatay Sadex Cisho ayeey wada yeesheen Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Xidhibaan Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow. Labada masuul ayaa wada dagan hal Hoteel iyaga oo kala dagan dabaqa Labaad iyo midka Sadaxaad interkontener, wadahadalada Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow iyo Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaan cidina ka war hayn oo albaabada ayaa u xirnaa laakiin Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow ayaa doorashadii Madaxwayne Yuusuf ku tilmaamay mid sax ah waxna uusan ka qabin in soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye, Maanta sidoo kale waxaa jiray kulan dhaxmaray Xildhibaan Maxamed Cumar Xabeeb "Maxamed Dheere" iyo Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed, cidina ma ogo kulanka labada mas uul waxaase la rajeeynayaa in ay kawada hadleen xaalada Soomaaliya iyo sidii loo xasilin lahaa wadada Nabada oo soomaaliya ka raagtay mudo badan. Hogaamiyaasha siyaasada ee soomaaliya ayaa kawada Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya marka laga reebo Jan Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo isagu xiligaas Dagaaloo kula Jiray Dooxada Juba, waa Xiligii la xulayay Baarlamaankee, Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo isagu inta badan yaqaana dabeecadaha Hogaamiyaasha ayaa umuuqda nin ka guul gaaray intii badneed in ay ka wada shaqeeyaan nabada soomaaliya , Madaxwaynaha DFKMG waxaa hor yaala hawl adag iyo in uu soo magacaabo Wasiirkiisa koowaad isla markaasna wasiirka uu magacaabayaa noqdo nin u cuntami kara dhamaan Hogaamiyaasha kooxaxa Soomaaliya Dowladana gayn kara Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya, Dhinaca kale madaxwaynaha soomaaliya waxaa u dhiman in ay wada kulmaan Raga dooxada Juba Bare Shire Adan "Bare Hiiraale", Yuusuf Mire Adan Yuusuf Seeraar iyo Hogaamiyaha S.NA Xildhibaan En Xusseen Maxamed Faarax Caydiid. Waxaa kaloo madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed Horyaala in wada xaajood dhaba la wadaaago Waqooyiga Soomaaliya iyadoo xubnaha Xidhibaanada Soomaaliya ay walaac horleh ka muujinayaan Colaadaha hada soo cusboonaaday , Si walba xaalku ha ahaadee hadii madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ku guulaysto siina wado wada xaajoodka Geesinimada leh ee uu la wadaagayo hogaamiyaasha Siyaasada Soomaalida waxaa laga yaabaa in ay doowladiisu wax tar noqoto ayna mira dhasho, hadiisa uu ka gaabiyo waxa uu raacayaa wadadii Cali Mahdi Maxamed, Jan Maxamed Faarax Caydiid, Dr Cabdi Qaasin Salaad Xasan oo dhamaantood Afgarad Buuxa ka keeni waayay Hogaamiyaasha Siyaasada Soomaalida. Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) axmeddheere65@hotmail.com Kenya, Nairobi Somalitalk Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2004
-
I know you did
-
I gues my brother horn is right, the season for spin has begun indeed. However spin itself is an art one must not mistake it for a naked lie... here is an article posted on www.Somaliland.org Gen. Cadde Muuse Iyo Ciidamadiisa Oo Ka Soo Horjeestey Dagaalka Puntland Kula Jirto Somaliland Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 31 October, 2004 -------------------------------------------------------------------------------- Hoggaamiyihii hore ee mucaaridkii Puntland ee ka soo horjeedey maamulka Cabdullaahi Yuusuf, Gen. Cadde Muuse Boqor ayaa la sheegay inuu ka soo horjeestey dagaalka maamulka Puntland ku soo qaaday Somaliland. Sida wararku sheegayaan, Gen. Cadde Muuse waxa uu shalay gaadhey magaalada Garoowe isaga oo wata ciidan iyo ilaa 24 gaadhi oo tikniko ah, waxana uu diidey in ciidankiisu ka qaybgalo dagaalka, isaga oo gebi ahaanba muujiyey sida uu uga soo horjeedo dagaalkaas. Warar kale oo Hargeysa laga helayna waxay sheegayaan in Cadde Muuse uu la soo xidhiidhay masuuliyiin dhinaca Somaliland ah, isla markaana uu isku deyayo in uu joojiyo colaadda. Gen. Cadde Muuse, oo hoggaaminayey mucaaridkii dagaalka la galay Cabdillaahi Yuusuf 2002, waxay Somaliland martigelisey markii ciidamadiisa laga soo saaray dhulka Puntland. Waxa kale oo ay dowladda iyo madaxdhaqameedyada Somaliland ka shaqeeyeen heshiiskii dhexmaray isaga iyo Cabdillaahi Yuusuf ee lagu soo afjaray dagaalkii u dhexeeyey labada dhinac. Gen. Cadde, waxa la sheegay inuu ka soo horjeedo Madaxweynenimada maamulkaas ee loo magacaabay Maxamed Cabdi Xaashi oo uu u arko inuu isagu xaq u lahaa, marka la eego heshiiskii dhexmaray isaga iyo Cabdillaahi Yuusuf. Waxana la sheegay in uu Maxamed Cabdi Xaashi ku eedaynayo inuu huriyey dagaalka. Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.
-
Nationalist, lets deal with the bigger devil, if Bush wins his neo-con agenda would have been vindicated. Without another election what would restrain him and the Project for the new American century?
-
What everone helps get Bush out..
-
Gen. Cadde Muuse Oo Soo Gaadhay Laascaanood. Laascaanood(Radiolascaanod.com)Mon.01/11/04 Gen: Cadde Muuse iyo wafti Balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 11:30 Duhurnimo soo gaadhay magaalada Laascaanood. Waftigan uu hogaaminyo Gen: Cadde Muuse oo ay weheliyaan wasiiro iyo Saraakiil Sar sare oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta oo uu u horeeyo taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland G/Sare C/laahi Jaamac Gayre ayaa waxa ay kor meer ku soo mareen isla xilligii ay soo gaadheen magaalada Laascaanood Goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Mujaahidiinta Daraawiishta Puntland. Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta ee ku sugnay jiida Hore ayuu waxa uu kaga dhagaystay warbixino iyaga oo uga waramay in maanta ciidamada Daraawiishtu ay diyaar u yihiin in ay xoreeyaan dalka ,difaaciisana ay wax kasta u hurayaan. Waftigan Uu hogaaminayo Gen: Cadde Muuse ayaa afhayeen u hadlay sheegay in ay uga Digayaan Ciidamada Gardarada Ku jooga dhulka aanay lahayn in ay sii joogaan deeganka ,una gurtaan goobihii ay markii hore ka yimaadeen Asal ahaana ka soo jeedaaan. Dadweynaha Magalada Laascaanood ayaa si diiran u soo dhaweeyey waftigan uu hogaaminayey Gen: Cadde Muuse , waxaana wada hareeraheeda tubnaa dad aad u tiro badan oo Caleemo qoyan ruxayey. Asad Cadaani Ibraahim Radiolascaanod.com Laascaanood Puntland J.F Soomaaliya E-mail radiolascaanod@yahoo.com
-
Wasiirka Warfaafinta ee Maleyshiyada Daahir Riyaale Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo warbaahinta u sheegay in ciidamo ka tirsan Jabhadda ********iya ee ONLF ay ka qayb galeen dagaalkii Maalintii Jimcihii lagu jabiyay Hargeysa(Radiolascaanod.com) Sun 31/10/04 Waxaa wax lala yaabo noqotay in Wasiir ka mid ah Maamulka Daahir Riyaale uu warbaahinta u sheego warar been ah oo aan sal iyo raadtoona lahayn, isagoo ku andacooyana in Ciidamda Jabhadda ********iya ee ONLF ka qeyb qaadeen dagaalkii sida foosha xun loogu jabiyey Maleyshiyadooda maalintii jimcihii ee ka dhacay agaagarka Adhi-cadeeye. Cabdillahi Maxamed Ducaale oo ku magacaaban Wasiirka Warfaafinta ayaa xafiiskiisa kula kulmay qaar ka mid Ururada Saxaafada dibada iyo Gudaha wuxuuna u sheegay in Jabhadda ********iya ee ONLF ka qeyb qaadatay dagaalkii jimcihii ka dhacay Adhi-cadeeye ee ciidankooda lagu jabiyay, Wasiirka oo sida la sheegay caytamayay hadalkiisana cadho ka muuqatay, afkiisana ka soo baxayeen hadalo aan munaasib ku ahayn inuu ku hadlo nin masuul sheeganaya ayaa warbaahintaa u sheegay in laysugu soo habar wacday oo beelaha ******* dagaalka ku dhamaayeen. Masuulkaasi isagoo beentiisii sii wata wuxuu sheegay in waliba uu ka walwalsan yahay in arintu halkaas ay marayso ka sii fogaato oo laga yaabo in sanadaha soo socda lays waydiiyo meesha ay cag dhigeen beelaha Reer ***** , wuxuuna suxufiyiintii kulankiisa ka qeyb galay kula taliyay inay u kuur galaan xaqiiqda jirta. Maleyshiyada Daahir Riyaale oo si foolxun loogu jabiyay dagaalkii maxaabiis tiro badana laga qabtay ayaa u muuqda kuwo aan awood u lahayn inay dagaalka sii wadaan, waxna iska difaacaan. Wararkan oo aanu ka soo xigay saxafadii ka qeyb gashay, wuxuu u qornaa sidan: Waxaad ka akhrisan kartaa Halkan Guji HAR(HAR)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md.Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Jabhadda Ogadeenka ee ONLF ay ka qayb galeen dagaalkii Maalintii Jimcihi ku dhex maray Adhi-cadeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamada ******teeniya ee Cabdillaahi Yuusuf. Kulan lagu gorfaynayay qaab dhaqameedka Saxaafadda ee xilligan oo kale iyo hubinta wararka dagaalka iyo meesha laga helayo wararka rasmiga ah ee xukuumadda, oo uu Wasiirku saaka Xafiiskiisa kula yeeshay Madaxda Saxaafadda dibadda iyo ta gudaha ee Somaliland, waxa uu ka sheegay in ciidamadaas ka tirsanaa ONLF, ee dagaalkii Adhi-cadeeye ka qayb galay ay ******teeniya u yimaadeen Hiil Isir ahaan ah, “Horta dagaal saaka kama socdo Jiidda hore, waxaanse idinku wargelinayaa in dagaalkii Adhi-Cadeeye ay ku jireen ciidamo ka tirsan Jabahadda ONLf oo hiil iyo isir ahaan uga qayb galay, iyada oo imikana ay la doonayo in qaybo ka mid ah kililka shannaadna laga keeno ciidamo kale oo Isir ahaan loo soo abaabulayoâ€. Ayuu yidhi Md.Cabdillaahi Maxamed Ducaale, waxaanu dintaa ku daray, in wax isbedel ahi aanu ku iman donin qaabka war Raadsi ee Suxufiyiinta, balse waxa uu kula dardaarmay inay isa saaraan xil iyo masuuliyad, si ay u baahiyaan warar sugan. Hargeysa News Author: Wasiirka Warfaafinta Somaliland (10/31/2004