
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Beelaha USCda in ay isbaaro dhigtaan Itoobiyana ay diidaan ma ah mid ay qadan karaan shacabka Soomaliyeed Muqdisho Beelaha USCda oo in mudo ah u xayirneyd umadda Soomaliyeed ayaa laga sugayey in ay badbadiyaan shacabka Soomaliyeed ee cadwga Itoobiya u soo guuxayo ayadoo laga doonayey in ay caasimada wax ka qabtaan si loo helo qaranimadii Soomaliyeed ay mugdiga ay galiyeen. Beelaha USC. Umadda Soomaliyeed oo malmahii u danbeeyey dhagahooda soo jidaneysay xareynta Maleysiyoonka ayaa mar qur ah niyad jabay kadib markii ay maqleen in ay sii badanayaan isbarooyinkii la rabay in la qaado tasoo ay ku kacayaan kuwo rabo in ay wali isbarooyin u sii dhigtaan shacabka Soomaliyeed . Beelaha USC waa in ay kala doortaan Itoobiyo iyo Isbaaro Hadaba ma qabataa shacabka Soomaliyeed in Beelaha USC ay diidaan ciidamo Itoobiyaan ah hadana ay isbaaro sii dhigtaan tasoo ah kaaf iyo kala dheeri Ku noqo beejka webmaster@dayniile.com
-
Qaadista isbaarooyinka Muqdisho oo khilaaf ka dhex oogtay xubnaha labada Gole ee Muqdisho ku sugan, Wasiirada ay Isbaaradu u taal qaarkood ayaan marnaba doonayn in laga wada hadlo arimahaas. Posted by webmaster on Saturday, May 28, 2005 - 07:11 AM Wasiirada iyo xildhibaannada ku hubeysan magaalada Muqdisho ayay soo wajahday xaalad adag oo ku saabsan inay qaadaan isbaarooyinka yaala magaalada Muqdisho oo uu dalbaday Guddoomiyaha Baarlamaanka. Balanqaadkii koowaad waxaa bixiyay wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, iyadoo xubnaha kale aan wax ogolaansho laga helin ayay dhinaca kale qabsoomi waayeen kulamo kale oo la doonayay in looga hadlo arrimaha isbaarooyinka. Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in arrinta isbaarooyinka dhex yaala magaalada Muqdisho ee ay qarka u saaran yihiin inay ku kala qeybsamaan xubnaha labada Gole oo intooda badan doonayaan in degdeg loo qaado, Halka Wasiirada iyo Xildhibaannada lugta ku leh isbaarada ay doonayaan in dib loo dhigo arrinta isbaarada, xilli ay maanta soo baxday inay sii kordheen isbaarooyinka yaala waddada u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho. Idamaale News Mohamoud_hussein@yahoo.co.uk
-
Does Abdulahi Yusuf listen to Music? The BBC has the answer
General Duke replied to Libaax-Sankataabte's topic in Politics
^^^ Sharif does not need to get sacked, he only needs to be given a summary of his job descroption. His job is not to act like the PM or ministers or to make decesions like a memeber of the cabinet... All in all the old man can talk.. -
Morgan gets a hero's welcome in Mogadishu: Progress
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Jeneraal Morgan:"Muqdishana waxaan u imid 14 sano kaddib inaan ka qeyb qaato nabadda, waayo ninkii dagaalka geesi ku ah ayaa nabaddana geesi ku noqon kara" May 25, 2005 -------------------------------------------------------------------------------- Jen. Max’ed Saciid Xersi (Morgan) oo xilal badan ka soo qabtay dowladdii Max’ed Siyaad Barre, isla markaana dagaalo badan la galay maamulka ka taliya magaalada Kismaayo ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho isaga iyo xubno la socda. "Waxaan maanta farxad ii ah inaan Muqdisho oo 14 sano aan ka maqnaa laygu soo dhaweeyo" ayuu yiri jen. Morgan kale oo mar kale yiri. "Waxaa Geesahayga fadhiya raggii aan is dagaalnay, sida Yuusuf Indhacade, Axmed Cumar Jees cabdi Qaybdiid iyo Bootaan Ciise, Muqdishana waxaan u imid 14 sano kaddib inaan ka qeyb qaato nabadda, waayo ninkii dagaalka geesi ku ah ayaa nabaddana geesi ku noqon kara" ayuu yiri Morgan wuxuu sheegay Jen. Morgan in aysan habooneyn in laga meermeero caasimadda, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la taageero qorshaha nabadda. "Shacabku markii aan dagaalameynay wey ina taageeri jireen oo rasaasta iyo hubka iyo dhaqaalaha wey nala daba taagnaayeen, marka hadda waxaa la rabaa in la taageero qorshaha nabadda" ayuu yiri Jen. Morgan. Mar Jeneraalka la weydiiyay su’aal ahayd Muqdisho imaatinkaaga kaddib ma tagaysaa Kismaayo ayuu ku jawaabay "Anigu ajnabi ma ahi Muqdisho ayaan imid qorsheyguna waa nabadda inaan ka qeyb qaato" -
Does Abdulahi Yusuf listen to Music? The BBC has the answer
General Duke replied to Libaax-Sankataabte's topic in Politics
That was a good performance by the President. I liked the last few exchanges however Yusuf Garad was no match for the Jackal.. -
Morgan gets a hero's welcome in Mogadishu: Progress
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Gen. Morgan oo booqday xeryaha lagu ururiyey malleyshiyaadkii magaalada Muqdisho Muqdisho - 28.May.2005 Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in General Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo lsaga laftuusu ka mid ahaan jirey saraakiishii xoogga dalka Soomaaliyeed uu maanta booqday xeryaha lagu tababarayo malleyshiyaadkii laga ururiyey gudaha magaalada Muqdisho. General Morgan ayaa xerada Laanta Buur waxaa uu salaan kaga qaatay in ka badan 500 oo malleyshiyo ah oo halkaas lagu ururiyey si tababar loogu siiyo. Wasiirrada ku jira dawladda federaalka Soomaaliyeed ee Jananka halkaas ku soo dhoweeyey ayaa waxaa ka mid ah wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow. Mar uu la hadlayey ciidamadaas malleyshiyaadka ah waxaa uu ku dhirri geliyey in ay tababarka qaataan isla markaasna u diyaar garoobaan mas’uuliyadda difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed. MM Dhoorre SBC Muqdisho -
Nairobi: Ra'iisul Wasaare Geeddi oo Nairobi ku Noqday Geedigii dawladiisana bilaabaya Barito - Friday, May 27, 2005 at 22:16 Rooma (AllPuntland)- Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo wafdigiisii ayaa caawa fiidkii saacada Nairobi markay ahayd 7:30 fiidnimo kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Jomokenyata ee magaalada Nairobi. Wafdiga ra'iisal wasaaraha oo kasoo laabtay booqashooyin ay ku mareen dalal Yurub ah ayaa saxaafada u sheegay in ay guul ugu soo dhamadeen safaradii ay ku tageen dalalka Faransiiska iyo Talyaaniga oo ay booqdeen. Ra'iisal wasaare Geedi oo la hadlay saxaafada ayaa cadeeyay in hawlihii guuritaanka dawladiisu ay u socon doonaan sidii loogu talo galay, wuxuu sheegay in barito oo ah 28-ka May uu bilaaban doono geediga dawladu dalkeedii dib ugu noqonayso. Goor sii horaysay oo maanta ah wasiirka iskaashiga gobolka ee Kenya oo dawlada Federaalka Soomaaliya dalkiisa lagu soo dhisay, 8-dii bilood oo dawlada Soomaalidu dhisnaydna ay marti galinayeen ayaa wuxuu sheegay in dib u guurida dawlada Soomaaliya uu bilaabanayo Barito, isagoo ku celiyay inay garab la istaagi doonaan dowladaasi sidii ay dalkeeda uga hana qaadi lahayd. Iimaan Cali Cabdi AllPuntland, Nairobi
-
Morgan gets a hero's welcome in Mogadishu: Progress
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xubno uu ku jiro Gen.Moorgan oo Muqdisho ka degay Burtinle-Online Arbaco, May 25 2005 Wafdi Xildhibaano ah oo ka kooban dhowr iyo toban xubnood ayaa maanta ka degay garoonka NO.50 ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wafdigan oo kasoo kicitimay magaalada Nairobi ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyay hogaamiye-kooxeedka gobolka Shabeelaha Dhexe Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) iyo xubno kale. Wafdigan ayaa waxaa isla maanta loo qaaday magaalada Muqdisho, iyadoo la dejiyay Hotel Saxafi oo ku yaala KM 4, ayna ku hoydaan inta badan xubnaha labada gole ee dowladda ee haatan ku sugan Muqdisho. Wafdigan maanta Muqdisho gaaray ayaa waxaa kamid ah Gen.Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) oo horay wasiirka difaaca uga ahaan jiray dowladdii Maxamed Siyaad, qeyb weyna ka qaatay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Generaal Moorgan ayaa ku guul dareystay inuu kamid noqdo xubnaha beeshiisa u galay Baarlamaanka, taasoo keentay in uu xubin ka noqon waayo dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Cali Maxamed Geeddi. Burtinle-Online editor@burtinle.com -
Generea Mohamed Sicid Hersi Morgan, the infamous warlord of Somalia second only to the late General Aydeed in terms of participation in the destructive wars has been welcomed and is right now touring Mogadishu. General Morgan who was portrayed as the devil by the USC faction of Mogadishu has now been given the keys to the city. Many have viewed this visit as just another attempt by the warlord’s of Xamar to try and save face in light of their failures to bring order and normality to the former capital. Some see it as a landmark moment, for if the inhabitants of Mogadishu can welcome Morgan they are ready to welcome anyone. As for the General he has apologised to the people of Hargaysa for the past actions and has stated publicly its time to move on.
-
Qaar ka tirsan maleeshiyada lagu xareeyay Laanta buur oo billaabay in ay ibaaro dhigtaan jika u dhexeeya Xamar iyo Shabeellada Hoose iyo wasiirro. Ruunkinet 28/05/05 Warar uu noo soo diray wariyaha Ruunkinet ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaar ka mid ah maleeshiyada lagu xareeyay Laabta buur oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ay billaabeen in ay isbaaro dhigtaan wadada u dhexeysa Shabeellada Hoose iyo Xamar. Isbaarada maleeshiyadan ayaa ka hor imaaneysa dadaal ay wadaan qaar ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka ah ee ku sugan Xamar oo ay ku doonyaan in ay ku soo celiyaan nabadgelayda gobollada ay ka taliyaan wasiirada hubeysan ee Muqdisho. Wasiirrada hubeysan ee ku sugan magaalada Muqdisho oo u carro jiiftay in ay habeeyaan maleeshiyada ay Xamar ka saareen ayaa la sheegay in ay aad uga xumaadeen falka ay ku kacayaan maleeshiyadan oo dad badan oo isaga gooshaya Xamar iyo Shabeellada Hoose dhib ku yahaya. Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London
-
Not one road block has been removed. Instead more road blocks have been created... Where is the Shariff Xasan? Wehere si the promise of the warlords? Where is the no need for foreign troops? What have the MP's and so called powerful ministers been doing for 2 months?? Where has the hype taken us so far??? Even Dayniile [a true beliver cries out]. Do we need change or clan blame games?? Isbaarooyin hor leh ayaa la soo dhigay Wadada Isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, Isbaarooyinkaas oo la sheegay in uu soo dhigtay Wasiirada Mucaaradka ah ee Muqdisha ku sugan Mid ka mid ah. :: (66 Reads) Posted by webmaster on Friday, May 27, 2005 - 12:36 PM Ilaa iyo 6 Isbaaro oo cusub ayaa la soo dhigay wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Afgooye,iyadoo baabuurtii ka shaqeynaysay wadadaas inta badan manta shaqa joojin ku dhaqaaqeen. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyo ay isku beel ka soo wada jeedaan kana amar qaata Wasiirka Ammniga Qaranka ay jidkaas Isbaarooyinka soo dhigteen,taasi ayaa manta waxay keentay in dadka Afgooye iyo Muqdisho isu socon jiray ay hakad galaan howshooda sida uu leeyahay Xasan Xuseen oo ka mid ah milkiiliyaasha Baabuurta Afgooye. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inay yar tahay rajada laga qabo in wax laga qabto Isbaarooyinkaas iyadoo mar horena guul laga gaaray in la qaado laakiin taasi wax badan ma socon. Wasiirada hubeysan ee Muqdisho iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa looga fadhiyaa inay wax ka qabtaan Isbaarooyinkaas maadaama ay horey u sheegen inay Isbaarooyinka la qaadi doona. Idamaale News Mohamoud_hussein@yahoo.co.uk
-
Congradulations to all above and every Liverpool FC fan, it was a great game and no team deserved it better... Gerard I salute ya..
-
Members of PM Geedi's delegation seek asylum in Western Europe..!
General Duke replied to Jumatatu's topic in Politics
Sky, brother these people have never even read Allpuntland or visited the site. Its the name that causes them to react so idiotically. I will address the tough combat ready sister, read the post of waagacusub.net posted above again and then read what you wrotte, is it rational? And Rahima you are anti-government, anti-Puntland. It does not take a genius to work that out. Indeed you have never insulted your supposed "reer Abri's" as Juma usually does with his absurd "Pukeland". But there is no doubt from your comments where you stand. So come out in the sunshine and for once be honest S -
Members of PM Geedi's delegation seek asylum in Western Europe..!
General Duke replied to Jumatatu's topic in Politics
Why bother making lies and why bother in propogating such cheap lies. Sad They make accusation with no back up, where are names? Who gave them this information. The fact that most of the delegation where MP's and ministers, rubishes this whole story, but hey its Waagacusub/Dayniile/Onkod, reliable sources of info if there ever were any -
Qardo-Bossaso road opens + Damage caused by floods in PUNTLAND
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Roobab xoogan oo khasaare ka geystey degmada Taleex ee Gobolka Sool Laascaanood-22.May.2005 Roob xoogan oo mihiigaan ah ayaa khasaare xoogan waxay ka geysteen degmada Taleex ee Gobolka Sool, Roobabkan oo da’yey saacado badan ayaa wuxuu keenay in uu qaado xoolo fara badan, isla markaana ay jiraan dad iyo xoolo aad u badan oo go’doon ku ah deegaano ka tirsan Degmada Taleex ee Gobnolka Sool. Dad ku sugan Degmada Taleex oo Isgaarsiinta fooneeyaha kula soo xiriirey Idaacada SBC ayaa sheegay in xaley Degmada Taleex aysan cidna u hoyon oo Dadku ay ku sugnaayeen meesha lagu magacaabo Buur ilaalo oo ah Buur uu Sayid Maxamed ka dhistey daaro. Warka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale ay jiraan Dad ku go’doonsan meel u dhaw Xarunta Xertu ku leedahay degmada Taleex, waxaana la sheegay in dadkaasi aan loo gurman Karin ilaa iyo haatan, taasi oo ay ugu wacan tahay Togog biyo ah oo si xawli ah u socda. Khasaaraha degmada Taleex ayaa naloo sheegay in ay guryo badan dumeen isla markaana khasaare xooglihi soo gaadhey meheradii ku yaaley magaaladaasi siiba dhinaca raashinka oo awalba gabaabsi ku ahaa. Wax kale oo ay noo xaqiijiyeen inta la og yahay xoolo gaadhaya 300 oo neef ayay daadadkii roobkaasi oo da`aayey shan saacadood ay la tageen. Sidoo kale magaalada Carooley ayaa la sheegay in ay guud ahaan magaalada la tageen biyo ka soo rogmadey dooxo ay magaaladu ku doc taalo. Maamulka gobolka iyo ka Puntland ayaan ka war hayn ilaa haatana aana ka hadlin dhibaatadaa degmada Taleex ku habsatey. Nuux Muuse Birjeeb SBC Laascaanood. -
Qardo-Bossaso road opens + Damage caused by floods in PUNTLAND
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Daadad hor leh oo khasaare ka geystey degmada Sheerbi ee gobolka Karkaar Qardho - 23.May.2005 Guddoomiyaha degmada Sheerbi Xuseen Cabdi, ayaa maanta qaylo dhaan ka soo saaray, khasaare ay ka geysteen halkaas, daadad xalay ku soo jaabay magaalada Sheerbi, kaas oo ka soo rogmadey togga Mashax Godle oo dhinaca galbeed kaga aaddan degmadaasi. Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in uu daadkani sii qaatay inta badan xoolihii lagu dhaqanayey magaaladaasi, waxana ilaa iyo haatan la xaqiijiyey in ay daadadkii habeenimadii xalay ay ku cayroobeen ilaa iyo 20 qoys. warku wuxuu intaasi ku darayaa in meheradihii iyo bakhaaradii ku dhow dhowaa laamiga uu daadkani gebi ahaantoodba qooyey, iyadoo daadadkani ay waxyeello balaaran u geysteen berkedihii biyaha ee degmadaas. Faysal Geelle Cumar SBC Qardho -
Waddada isku xirta magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho oo la shaaciyey in ay furtahay Qardho - 23.May.2005 Taliyaha laanta nabadgelyada wadooyinka ee booliiska gobollada Karkaar iyo Bari, ayaa shaaca ka qaaday in 11:00am (barqanimo) si rasmi ah loo furay jidka u dhexeeya magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso. Taliyuhu waxaa uu sheegay in furitaanka jidkani uu ku yimid dadaal ballaaran oo soconayey muddo laba casho ah kaas oo ay wada jir isga kaashadeen maamulada degmooyinka Qardho, Sheerbi iyo Waaciye iyo dadweynaha deegaanka. waxaa halkaasi laga sameeyey waddo kumeel gaar ah oo gaareysa 111m, taas oo ka degeysa laamigu meesha uu ka go'ay, waxaana hadda kadib isticmaali doona gaadiidkii ku xayirmay waddada laamiga ah ee ay daadadku kala gooyeen. Faysal Geelle Cumar SBC Qardho
-
PM in Europe + President in UK + Sharif escapes bomb
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somalia: Parliament speaker escapes bomb trap Sun. May 22, 2005 10:29 am. picture: courtesy of arlaainet.com The Speaker of Somali Parliament Mr. Sharif Hassan and his convoy were stopped on their way to a military base outside of Mogadishu after a bomb exploded on the road they were traveling on. The explosion happened a few minuets before they reached where it was planted. According to Mogadishu based website midnimo.com, the bomb injured three pedestrians, a woman and two children. Two more un-exploded bombs were also found at the scene. The prime minister escaped uninjured in a similar incident last month when a bomb exploded in Mogadishu sports arena. Nine people died in that incident. A high ranking police officer was killed in Mogadishu yesterday and another former government official who is seventy years old was kidnapped from his home last week. Although Somalia has been in chaos for over 15 years now, using booby-traps and bombs in public areas were never reported before this year. This new trend is frightening. News Category: Somalia -
PM in Europe + President in UK + Sharif escapes bomb
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Maanta ka badbaaday Bam la sheegay in lala Damacsanaa in lagu qarxiyo gaarigiisa :: (100 Reads) Posted by webmaster on Sunday, May 22, 2005 - 01:10 PM Afhayeenka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh aadan ayaa Maanta ka badbaaday qorshe sida la sheegay lasoo maleegay taasi oo lala damacsanaa in lagu qaarijiyo xubno ka tirsan Labada Gole oo uu ka mid ahaa Shariif xassan xilli ay ku sii jeedaan isaga iyo xubno kale xerada Hiil-weyne oo ay Muddo 9-beri ah Tababar ugu socdo Qaar ka mid ah Maleeshiyooyinka Muqdisho. Kollonyo Baabuur ah oo iskugu jiray kuwa dagaalka iyo kuwa martida ayaa jidka isku xera Hiil-weyne iyo Muqdisho Gaar ahaan Deegaanka Ceel Carfiid loo dhigay Bartamaha Wadada Bam la sheegay in la soo dhex geliyay Bac, midaasi oo inta aysan soo gaarin wafdiga uu ku qarxay 3-ruux oo mid ay haweeney tahay iyo 2-Caruur ah. Sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno Goobta uu Bamku ka qarxay waxaa isla Goobtaa qaraxa ka dhacay yaalay 2-Bam kale oo iyaguna qorshaha ku jiray in lagu qarxiyo lakin aanan dhicin arinkaa oo Gacanta lagu dhigay, waxaana lasoo sheegayaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa markii uu dhamaaday Qaraxa ay u sii Gudbeen Xerada Hiil-weyne oo Qorshuhu ahaa in uu aado. 3-da ruux oo qaraxa ku dhaawacmaya yaa midkood waxaa lagu magacaabaa Xasan Nuur Maxamed iyo Hooyadiisa Faadumo waxaana dhaawacooda loosoo qaaday Magaalada Muqdisho si loo daaweeyo waxaana la sheegayaa in dhaawacoodu yahay mid Culus. Talaabadan ayaa Muujineysa in Magaalada Muqdisho iyo Nawaaxigeeda ay tahay Goob aan la isku haleyn karin iyadoo tanina ay daba socoto qarax 3-dii may ka dhacay Garoonka Muqdisho Stadium xilli uu Halkaa Khudbad ka jeedinayay Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi, waana isku daygii labaad ee Xubnaha Sar sare ee Dowladda Federaalaka lagu qaarijiyo. Xaaladda Magaalada Muqdisho iyo waxyaaban qatarta leh ee iska soo daba noqonaya ayaa waxa ay salka ku hayaan ishaysidka u dhaxeeyay Xubnaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo qaarkood ku doodaya in Muqdisho ay tahay Goob ay Amaan Xumo ka jirto halka qaarka kalena ay ku doodayaan in Muqdisho ay tahay Goob amaan ah oo la isku haleyn karo Dowladduna ay ka shaqeyn karto. Arintan ayaa ka duwan mid saadaal lagu dhameeyo sababtoo ah dadka u kuur gala xaaladaha Muranadu ay hareeyeen ee Soomaaliya ayaa waxa ay qabaan dareen Feejignaan Tilmaamaya oo ku aadan amaanka Muqdisho,waxayna Hoosta kaxariiqayaan in Muqdisho oo ah Caasimadda Dalka Soomaaliya Hoy u tahay Kooxo Hugan Shaarar Qabiil oo Nabadda si weyn uga soo horjeeda iyo fara gelin ka timaada qabaailada kale ee Soomaalida iyo qaar ka mid ah Dalalka Deriska la ah Soomaaliya. Waa qaraxii 4-aad oo Muddo dhowr bilood ah ka dhoco Muqdisho sida qaraxii Bamka ee Mootada lagu soo rakibay oo ka dhacay agagaarka KM 5, Qaraxa labaad iyaa isna lala beegsaday Xarunta Tuulo Caruureedka SOS, Kan sedexaadna waxauu ka dhacay Muqdisho Stadium oo uu ka Khudbadeynayey Ra’iisal wasaare Geeddi iyo kan afaraad oo isna Maanta ka dhacay Deegaanka Ceel Carfiid ee ku yaala Duleedka Magaalada Muqdisho goor uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku sii Jeeday Xerada Hiil-weyne. Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka ku soo dhaweeyay xubno uu ka mid ahaa Wasiirka dhaqan celinta iyo maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalim, waxaana safarkiisa ku wehelinayay xubno uu ka mid ahaa Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde),Jen Maxamed Nuur Galaal, Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf iyo kuwa kale Idamaale News -
PM in Europe + President in UK + Sharif escapes bomb
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
London: Warbixin Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Wasiir Ingiriis ah - Sunday, May 22, 2005 at 22:55 Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Wasiiru Dawlaha Ingiriiska Arrimaha Afrika Lord David Triesman Bidix: Martin Lamport, madaxa Qaybta Geeska Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska, Dhex: Cabdullahi Yusuf, Midig: Anna Lake, madaxa Qaybta Geeska Africa ee Wasaaradda Horumarinta Caalamiga Ka billaw bidix: Martin Lamport, Cabdullahi Yusuf, Anna Lake, Cabdirashid Aden Seed (Lataliyayaha Madaxweynaha), Lord Triesman London (AllPuntland)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudabe Cabdullahi Yusuf Axmed, waxaa uu shalay kula kulmay magaalada London Lord David Treisman oo ah Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Madaxweynuhu wuxuu wasiirka u bandhigay halka uu marayo geedisocodka dawladda ku meel gaarka ah, wuxuuna ka cosadaday in bulshada caalamku ay Soomaaliyab siiyaan taageero buuxda dhanka siyaasadda iyo dhanka dhaqaalahaba. Wuxuu u sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay dhaqale xoog leh in la geliyo si ay dawladda ku meel gaarka ah uga soo baxdo barnaamijka ay doonayso inay Soomaaliya ka fuliso. Madaxweynuhu wuxuu kaloo wasiirka u sheegay in ay dawladdiisu ka go'an tahay in ay Soomaaliya ku soo celiso xasilloni dhanka amniga ah, iyo inay dib u dhisto hay'adihii dawladda ee burburay. Wuxuu kaloo wasiirka u sheegay in Soomaaliya la siiyo tixgelin gooni ah marka la hirgelinayo barnaamijyada loogu tala galay horumarinta Afrika ee ay dawladda Ingiriisku horseedka u tahay. Sababtuna waxay tahay iyadoo baahida Soomaaliya ay aad u ballaaran tahay, una baahan tahay tixgelintaas goonida ah. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dawladda Soomaaliya ay isku hawli doonto sidii loo sameyn lahaa dib u heshiisiin dhan ah oo dhex marta dadka Soomaalida oo dhan. Mar uu ka hadlay arrinta Soomaaliland, oo dawladda Ingiriisku ay il gaar ah ku fiirineyso, wuxuu sheegay in dawladda Soomaalidu ay doonayso in arrinta Soomaaliland lagu dhammeeyo wadahaldal iyo is afgarad. Soomaaliya waa waddan federal, gobol kastana xaq buu u leeyahay in uu ismaamuloâ€, ayuu yiri Cabdullaahi Yusuf. Madaxweynuhu wuxuu wasiirka u sheegayb in Soomaaliya iyo dawladda Ingiriisku ay ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa xirirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dawladood. Dhiniciisa wassirku wuxuu ugu horreyntii madaxweynaha ugu hambalyeeyay doorashadii loo doortay jagada madaxweunaha Soomaaliya waqtigan adag, isagoo u sheegay inuu yahay qof munaasab ku ah jagadaas. Wuxuu sheegay in dawladda Ingiriiska ay gacan weyn ka geysan doonto xoojinta Dawladda ku Meel Gaarka ah, xag siyaasad iyo xag dhaqaaleba. Wuxuuna ku taliyay in la sameeyo shirar joogta ah oo arrintaas lagu dabagalo si mucaawanada u noqoto mid wax ku ool ah oo gaarta halkii la rabay. Wasiirku wuxuu sheegay in qorshaha dawladda Ingiriisku ugu talagashay in wax looga qabto dhibaatada Afrika ay tahay mid dhab ah, Soomaaliyana ay si fiican uga muuqato. Wasiirku aad buu ugu riyaaqay sida mas'uulka ah ee uu madaxweynuhu u doonayo in lagu xalliyo dhibaatada Soomaaliland, wuxuuna sheegay dawladda Ingiriisku inay arrintaas gacan uga geysan doonto sida ugu munaasabsan. Ugu dambetntii, wuxuu uga mahadceliyay Madaxweynaha booqashada uu ugu yimid, wuxuuna u sheegay inuu rajeynayo in marnar badan oo kale is arkaan. Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed wuxuu wasiirka ugu dhiibay warqad ku socota Ra'iisul wasaaraha Ingiriisaka, Tony Blair. AllPuntland, London -
Raysul Wasaare Geedi Oo La Kulmay Danjirayaasha Reer Galbeedka Ee Fadhigoodu Yahay Paris - Monday, May 23, 2005 at 01:11 Ra`iisal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Maxamad Geedi iyo Wafdigiisa oo ku sugan Paris - Photo AllPuntland Paris (Radio Gaalkacyo)- Wararka naga soo gaaraya magaalada paris ayaa sheegaya in Ra`iisal wasaaraha dowladda Federaalka KMG Soomaaliya Cali Maxamad Geedi uu kulamo la qaatay Danjirayaal wadamada reer Galbeedka ah ee fadhigoodu yahay magaalada Paris ee xarunta wadanka Faransiiska. Raysul Wasaaraha Soomaaliya Prof: Geedi ayaa diblomaasiyiinta wadamada Britain iyo Jarmalka oo uu ubandhigay siyaasada dawladiisa cusub ee Soomaaliya si uu taageero uuga helo wadamada reer Yurub, iyo walibsa sida ay dawladiisu u wajahayso xaalada murugsan ee Soomaaliya. Raysul wasaare Geedi aya ala filayaa in uu ku biiri doono safarka Madaxweynaha DFKMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaali C/laahi Yuusuf Axmed ee ku sugan magaalada London ee xarunta wadanka Britain, marka uu u dhamaado booqashada uu haatan ku marayo wadanka Faransiiska. Sidoo kale raysul wasaare Geedi wuxuu Paris kula kulmay xalay danjirayaasha carbeed ee fadhigoodu yahay Paris, halkaas oo uu ugu soo bandhigay diblomaasiyiintaas siyaasada xukuumadiisa ee ku wajahan ka hawlgalida gudaha dalka Soomaaliya. Geedi wuxuu ka codsaday dhamaan diblomaasiyiintii la kulmay in ay dawladiisa ka taageeraan dhinaca dhaqaalaha iyo qorshayaasha dib udhiska Soomaaliya. Raysul Wasaare Geedi iyo Madaxweyne Yuusuf ayaa la filayaa in ay booqshadooda dibada ah ee ay hadda ku sugan yihiin ayna socdaalkood ku tagi doonaan wadamada Belgium, Yemem iyo wadano kale inta ka horaysay 28 bishan oo ku bigeen xilliga ay dawladu dib ugu guurayso gudaha dalka Soomaaliya Ra`iisal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Maxamad Geedi iyo Wafdigiisa oo ku sugan Paris - Photo AllPuntland Warka: Samsam M. Gacmay RG, London
-
EMERGENCY! boossaaso cut off from the rest of the country
General Duke replied to Sky's topic in Politics
tragic news indeed. Beautiful Bossaso cut of is like the heart beaing blocked. We need more updates and a close watch on this story. Thanks SKY -
Shiekh Cawad indeed you have set an example to be followed here. Compromise is the only way forward, so lets reason together people.
-
100 demonstrators from the Gaboye minority group jailed
General Duke replied to Fyr's topic in Politics
This doesn’t occur exclusively in Somaliland, it extends throughout the Somali peninsula. Sweeping the problem under the carpet won’t make things any better, you’re just ignoring the problem that exist in Puntland as well. You are 100% right brother, it happens in every corner of the country and is part of the Somali mindset to marganalise our own brothers and sister for no reason. I have a question, how or when did this caste system start??? And why these particular clans, and not others for they share the same religion, language and ethnicity with us?? -
A good read indeed. Thanks to Xiin for posting that..