
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Are these your own pics? They are quite good. However have you any pictures inside the cities. Bossaso, Garowe Galkacyu? I have never seen a good picture of a Market, busy street, school with kids. Anyone?
-
Muqdisho: Guddoomiyaha Gobolka oo xalay iyo shalay kulamo la yeeshay qeybaha bulshada Muqdisho iyo Warar Kale - Monday, June 20, 2005 at 19:32 Muqdisho (AllPuntland)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Xasan Cali Cadde oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa Kulamo la yeeshay qeybaha Bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir gaar ahaan Culimaa'uddiinka, Siyaasiyiin iyo waxgarad. Mudane Cadde ayaa shalay kulan kula yeeshay xarunta Guddiga isku xerka Dowladda iyo shacabka xubno ka tirsan guddigaas oo uu horkacayey Caaqil Maxamuud Cali Jimcaale (Koogaar) halkaas oo uu warbixin kaga dhageystay Guddoomiyaha oo ay la socdeen ku xigeenadiisa, Caaqil Koogaar ayaa soo dhoweyn kadib Guddoomiyaha ugu warbixiyay howlihii loo soo maray qabanqaabada Guddoomiyaha isahoo sheegay in mudo dheer ay wadeen dadaal leysugu keenayey Guddoomiyeyaasha 16 degmo sidii ay ula shaqeyn lahaayeen Guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa. Sidoo kale waxaa kulankaas ka hadlay Faadumo Xasan Digis oo ku hadleysay magaca haweenka Gobolka Banaadir iyadoo sheegtay in haweenku ay yihiin udub dhaxaad aan laga maarmin ayna balan qaadeen sidii ay ula shaqeyn lahaayeen maamulka cusub ee uu Guddoomiyaha ka yahay Maxamuud Xasan Cali. Dhinaca kale waxaa kulankaas goob joog ka ahaa Dr. Sh. Shariif Sh. Muxiyaddiin oo ka mid ah Culimaa'uddiinka Soomaliyeed kaasoo kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha lamana oga waxay ka wada hadleen balse warar ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya iney la xiriirto talo soo jeedin uu Sheekhu u bandhigay Guddoomiyaha kaasoo ku dhamaaday jawi Saraaxad leh. Cali Muxiyaddiin Cali
-
Jawhar oo ay ka Socoto Qabanqaabada Soo Dhoweynta C/laahi Yuusuf iyo Wafdi Beledweyne Gaaray Kulan ay ka soo qayb galeen dhammaan wasiirrada iyo xildhibaannada Jowhar ku sugan ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen sidii loo soo dhawayn lahaa madaxwaynaha dowladda kmg oo haatan ku sugan dalka Yaman,oo la filayo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay goor dhow oo laakiin aan la cayimin soo gaaraan magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka shabeellada dhexe oo dowladda xooggeedu dagayo. Cabdiraxmaan Diinaari ayaa warbaahinta u sheegay ka dib markii kulankaasi dhammaaday in sidoo kale looga wada hadlay sidii loo soo dhawayn lahaa wufuudda dowladda ka tirsan ee wali aan dalka soo gaarin,kuwaas oo la filayo in dhawaan ay dalkla Kenya ka soo dhammaadaan, ayna dalka gudihiisa ka howl bilaabaan. Shalay waxaa magaalada Jowhar soo gaaray xubno 40 meeyo gaarayay oo isugu jiray xubno ka tirsan labada gole iyo ergadii muddada dheer dalka Kenya kaga qayb galaysay shirkii kooxaha soomaalida ee dowladdani ka soo baxday. Wafdi Gaaray Hiiraan Wafdigii ugu horeeyay oo xukuumadda ka socda tan iyo markii ay sabtidii ka soo qalab qaadatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta gaaray magaalada Balad way nee xarunta gobolka Hiiraan. Wafidi xukuumadeedkan oo ka koobnaa xubno dhowr ah,waxaa hor kacayay wasiir ku xigeenka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyooyinka Cali Jayte, waxaana xubno ka ahaa gudoomiyayaasha degmooyinka Baladwayne iyo Buuloburte.Waxaa si wayn garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladwayne ugu soo dhaweeyay dadyow reer Baladwayne ah oo halkaasi ku sugayay muddo saacado ah. Intaa ka dib waxa wafdigani ay gurigiisa ku booqdeen Ugaaska beesha Xawaadle,oo ay uga warbixiyeen waxyaabaha ay u yimaaddeen,iyagoo una sheegay in ay doonayaan in dadka ay ka dhaadhiciyaan siyaasadda dowladda kmg ah ee Somalia,si ay uga hir gasho gobol kasta oo dalka ka mid ah. Barri ayaa la fiyaa xubnahan maanta soo gaaray in ay u amba baxaan degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Hiiraan,iyagoo sheegay in ay dadka ku qancinayaan in ay dowladda la shaqeeyaan. Isla maalinta barri ah waxaa la filayaa in magaalada Jowhar ay ka baxaan xubno labada gole ka tirsan oo u dhashay gobolka Hiiraan kuwaas oo uu hor kici doono wasiirka waxbarashada dowladda kmg ah ee Somalia C/laahi cosoble,ujeeddadooduna kama gaddisna tan ay barri qaybo Hiiraan ka tirsan ugu baxayaan xubnihii maanta soo gaaray,
-
Siyaasi ay isku heyb yihiin Muuse Suudi oo sheegay inuu taageersan yahay fekerka madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed Muqdisho Siyaasiga C/raxmaan Maxamuud Jimcaale (shifti) oo maanta u waramayay idaacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay inuu taageersan yahay fekerka uu qabo madaxweynaha dowladda federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed isla markaana uu fekerkaasi yahay midka saxda ah. Shifti oo ka mid ahaa ergadii beesha Mudulood uga qeyb gashay shirkii dib u heshiisiinta Kenya ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo fekerka ay qabaan xubnaha labada gole ee ku sugan Jowhar wuxuuna sheegay in hal dhinac uusan kaligiis waxba ka wadi karin Muqdisho isagoo dhanka kalena caddeeyey in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay gartaan dantooda taageerana aysan siin dhinac kaliya “anigu waxaan qabaa inay saxsan yihiin xubnaha labada gole ee ku sugan Jowhar†ayuu yiri C/raxmaan Shifti inaan dhex dhexaad laga noqon karin khilaafka u dhaxeeya masuuliyiinta dowladda federaalka Cabdraxaam shifti oo horey u tageersanaan jirey dowladii Carte ayaa hadana marka kale u wareegay dhinac Muuse Suudi Cabdishakuur Cilmi Xasan Dayniile, Muqdisho Ku noqo beejka
-
Jowhar BOOMS: National radio+ Offices+Airport
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Prof.Geedi oo booqday Meelihii ay Dowladiisu Degi lahayd,iyo Xildhibaano ku soo fool leh M.Jowhar Posted to the Web Jun 20, 15:59 Muqdisho:-R/Wasaare Geeddi ayaa maanta booqday goobo la sheegay in ay Dowladdu degeyso oo ku yaala Magaalada Jowhar.iyo wafti ka kooban wasiiro iyo xildhibaano oo ku soo fool leh maanta Jowhar. wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka sh/dhexe ayaa sheegaya in R/wasaaraha Dowladda FKMG-ka Soomaliya Prof.Cali Maxamed Geeddi uu maanta kormeer ku tagay goobo cayiman oo la sheegay in loogu talagalay inay degto Dowladda . Raysal wasaaraha iyo xubnaha labada gole ee uu hogaaminayey ayaa mudada labada maalmood ah ee ay joogaan magaalada Jowhar waxa ay kormeer ku tagayeen gobo muhiim ah sida saldhigyada Booliiska iyo xarumihii ay horey u degeneyd Xukuumaddii Maxamed hore ee Siyaad Siyaad Barre. Sido kale R/wasaaraha ayaa magaalada Jowhar kulan kula yeeshay Xubnaha labada gole ee Jowhar ku sugan isagoo uga warbixiyey qorshaha la doonayo in ay dowladdu ku shaqeyso,oo ka kooban seddex qodob oo ay ugu horeyso soo celinta nabadda.sida uu saxaafadda usheegay Afhayeenka R/wasaaraha C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari, oo sidoo kale xaqiijiyey in maalmaha soo socda uu magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho uu kusoo fool leeyahay Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed,oo haatan ku sugan wadanka Yeman,iyadoo haatanba ay qabanqaabada soo dhaweyntiisa ka socoto magaalooyinkaas. Dhinaca kale waxaa la filayaa in maanta galinka dambe ay magaalada Jowhar soo gaaraan xubno ka tirsan labada gole ee dowladda oo isugu jira Wasiiro iyo Xaildhibaano, iyagoo ka soo kicitimay magaalada Nairobi, ee dalkaasi Kenya. Waxaa sidoo kale isla maanta magaalada Jowhar ka ambabaxay wafti uu hogaaminayo Wasiirka kaluumeysiga ee DFKS Mudane,Xasan Abshir Faarax oo u kicitimay dhinaca maamul gobaleedka Puntland. Dhinaca kale war ka soo baxay xafiiska R/wasaare Geedi ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Talyaaniga ay Soomaaliya u balan qaaday in ay ka caawiso dhinaca qalabyada xafiisyada loo isticmaalo iyo matooro la geynayo ilaa 90- Magaalo oo Soomalia ka tirsan.Heshiiskaasi ayuu prof.Cali Maxamed Geedi la soo saxiixday Dowlada Talyaaniga safarkiisii ugu danbeeyey ee uu ku soo maray Dalka Talyaaniga. Waa Markii ugu horaysay uu Raysal wasaaare Soomaaliyeed uu qalinka ku soo deego arrimo muhiim u ah dalka iyo dadkaba,mudadii wadanka Soomaaliyeed uu bur burka ku jiray mudo ku dhowaada ilaa 15 sano. C/risaaq Cabdullahi Moxamed (indhojaceel) Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya -
Jowhar BOOMS: National radio+ Offices+Airport
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu soo waramayaa in lagu bilaabay Dayactir deg deg ah, si Howlaha Dowlada Federaalka ah ay ugu fududaato. Garoonka Diyaaraha ee Jowhar oo Madaxwayne C/llahi yuusuf ay u suura Gali wayday in uu ku soo dago, ka gadaal markii wax laga arki kari waayay Meeshii ay diyaaradu ku soo dagi lahayd ayuu Maamulka Degmada Jowhar Bilaabay in uu wax ka qabto Garoonka. Garoonka ayaa waxaaa la sheegay in lagu darayo sideed Boqol oo mitir halka uu Markiisii hore ka ahaa Laba kun iyo Laba Boqol oo Mitir, waxaa la sheegay oo kale in lagu xiri doono Nalal aad u waawayn, siduu u shaqeeyo Habeen iyo Maalinba. Dhinaca kale Magaalada Jowhar ayaa amaankeedu aad u adagyahay, waxaa dhamaan la adkeeyay Amniga Xubnaha labada Gole iyo Goobaha laga soo galo Magaalada. Maamulka Shabeelada dhexe ayaa lagu tilmaami karaa mid isagu ku dadaalay Nabad in shacabku uu ku noolaado, iyo Sharci iyo kala danbayn taas oo la oran karo waa waxa ay Soomaaliya Maanta u bukto. Idamaale News -
Les than a week and a Somali town in Middle of no where is booming. Why because the government is there and no roadblock in sight. Jowhar: Idaacad dalka oo dhan laga Maqlo oo dawladdu Hirgalin doonto iyo Xafiisyada DFKGS ee Jowhar oo Bari hawlbilaabaya. - Monday, June 20, 2005 at 18:11 Jowhar(AllPuntland)-Wasiir kuxigeenka warfaafinta dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo haatan kusugan magaalada Jowhar ayaa shaaca ka qaaday in Xafiisyada DFKGS ee magaalada Jowhar ay maalinta Bari ah ee Talaadada ah ay hawl bilaabi doonaan. Wasiir kuxigeenka ayaa intaasi raaciyay in shaqo bilaabidda xafiisyadan ay la xiriirto in si dhaqso ah ay dawladdu u noqoto dawlad shaqaynaysa oo wax qabad leh. Wuxuu Xusay Wasiirka in maamulka Siyaasadda gobolka Shabeellada Dhexe uu kamadax bannaanyahay xafiisyada dawladda Federaalka ah ee Jowhar. Mar uu wasiir kuxigeenka Warfaafintu uu ka hadlayay saxaafadda wuxuu sheegay in Dalka Soomaaliya laga hirgalin doono Idaacad dalka oo dhan laga dhagaysto. Idaacaddan ayuu sheegay inay ku deeqayaan goor dhow dalalka Liibiya iyo Faransiiska oo sheegay inay dawladda Federaalka ah is garab taagayaan. Mar uu ka hadlayay Idaacadaha Tirada badan ee dalka Soomaaliya ka shaqeeya ayuu sheegay in Dawladdu ay qorshe u dajin doonto oo ay xadidi doonto idacadahaasi. Wuxuu xusay in Wargayskii dalka uu horay usoo baxay haatanna uu ka hawlgalo Nairobi hase ahaatee dalka Soomaaliya loo soo wareejin doono. CC.Farayaamo AllPuntland
-
Total’s Action Is An All-Out War Against Somaliland’s Economy
General Duke replied to Fyr's topic in Politics
This is strictly business. There is a competition out there and Bossasso port is my team. Always coming with the: "youre so tribalist card!". Say whatever you want, but Im real and consistent. Something totally opposite to your character I agree with the brothers analysis, why is Berbera a big port[ relative in Somali terms] a symbol of Somaliland falling behind? Thats the question brothers fro, Somaliland need to answer. There is competition and it wontr change anything by getting all emotional. -
Governor of Banadir (Mayor) arrives in Mogadishu
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ninka dhawaan loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdsiho iyo xubna la socda oo maanta ka soo dagay garoonka Cislay ee duleedka Muqdisho. June 19, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Xubna ka tirsan labada gole ee dowladda iyo Ninka dhawaan loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdsiho Maxamuud Xasan Cali “Gaabow†ayaa maanta ka soo dagay garoonka Cislay ee duleedka magaalada Muqdisho. Soo dhaweynta maanta ayaa waxa ka qeyb galay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta labada gole ee ay dhawaan u magacaabeen inay soo dhaweeyaan wafdiga dowladda ee ka imaanaya magaalada Nairobi iyo qaar ka mid ah dadweynaha Muqdisho. Dadkii ka soo qeybgalay soo dhaweynta xubnhaas ayaa waxaa warbixno u soo jeediyey xubna ay ka mid yihiin madaxa xafiiska isku xirka dowladda iyo dadweynaha Maxamud Cali Jimcaale “Caaqil Kookaar†oo sheegay in maanta ay tahay markii ugu horeysay oo Nin ku dhashay gobolka Banaadir loo magacaabo inuu madax ka noqdo. Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay ku simaha ururka USC/SNA Abuukar Ganey oo sheegay in ay maanta diyaar u yihiin inay ku soo dhaweeyaan Guddoomiyaha gobolka xarunta Villa Somalia oo ay gacanta ku hayaan. Ku xigeenka Guddoomiyaha gobolka Banaadir qeybta maaliyada Maxamed Cabduqaadir ayaa sheegay in dowlad la helay balse xaaladda gobolka Baanadir uu ku sugan yahay haadan ay tahay mid cakiran. Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho Maxamud Xasan Cali Gaabow oo isagana halkaas hadal gaaban oo ka jeediyey soo dhaweyntiisa kaddib waxa uu sheegay in marka hore loo baahan yahay in midnimo la helo taas oo uu sheegay in looga bixi karo dhibaatada shacabka Soomaaliyeed heysta. -
Khadar Cabdi Xaaji oo noqday Duqa Degmada Boosaaso Posted to the Web Jun 19, 20:29 Boosaaso:- Iyadoo ay beryahaan haraysay dib u dhac wayn doorashada Duqa Degmada Boosaaso, kadib markii ay suurta galiwaysay dhowr jeer oo loo balamay inay dhacdo doorashada Duqa Degmada Boosaaso ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka, ayaa waxaa maanta Kooramkii oo aan buuxsamin,waxaa Duqa Degmada Boosaaso loo doortay Khadar Cabdi Xaaji halka kuxigeenka Duqa Degmada Boosaaso loo doortay Maxamed Ismaaciil oo loo yaqaan (Maxamed Xiit). Waxaa goobta doorashada ee Duqa Degmada soo xaadirtay 16 Xubnood oo ka mid ah 27-ka Xubnood ee Golaha Deegaanka Boosaaso uu ka kooban yahay, waxuuna ahaa Kooramka loo baahnaa sadex meelood oo laba meel oo u dhiganta 18 Xubnood, hase ahaatee markii ay suurta gali waysay arrintaasi ayaa Guddiga Doorashada ee Golaha Deegaamada Puntland, ay go'aamiyeen inay doorashado dhacdo. 16-kii Xubnood ee ka qayb qaatay Doorashada Duqa Degmada Boosaaso, 15 ka mid ah ayaa u codaysay Khadar Cabdi Xaaji, sidoo kale kuxigeenka Duqa Degmada Boosaaso Maxamed Ismaaciil , ayaa isna cod u dhigma kan Duqa helay. Muddo ku dhow todobaad ayay doorashadaani dib u dhacaysay, iyadoo ay sababtu ahayd in uu buuxsami waayo Kooramkii loo baahnaa, kadib markii labada Musharax ee turtamaysa jagada Duqa Degmada Boosaaso, uu mid walbaaba uu ka maqnaanayay goobta doorashada, markuu ogaado in aysan isaga guushu raacayn oo laga codbadnaayo, taa soo jaha wareer aad u xoog badan ku riday Guddiga Dhismaha Golaha Deegaanka. Arrintaan, ayaa u muuqata mid Guddiga Doorashadu ay u arkeen xalka kaliya ee ay Doorashadu ku qabsoomi karto, iyadoo uusan buuxsamin kooramkii loo baahnaa, si mar uun Doorashadu u dhacdo dabadeena la xaliyo wixii khilaafa ee horay u jiray. Lama saadaalin karo cawaaqibka ay Doorashadaani ku yeelan karto ammaanka magaalada Dekada ah ee Boosaaso, Saraakiil sarsare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland, ayaa dhawaan qaraxyo Bambaano oo lala beegsaday Bangiga iyo khasnada Boosaaso ku tilmaamay kuwo la xiriira Doorashada Duqa Degmada Boosaaso. Doorashadii Duqa Degmada Garoowe, ayaa si la mid ah tan Boosaaso, uu khilaaf uga dhacay kadib markii qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Deegaanka iyo Musharixiintii Duqa Degmada Garoowe, mar qura muuqaalkoodii laga waayay goobtii doorashada, taa soo sababi gaadhay in uu buuxsami waayo kooramkii loo baahnaa, hase ahaatee ugu dambayntii lagu guulaystay Doorashadiina si caadi ah ay ku dhacday. Axmed C/salaam Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya Contacts:loole25@hotmail.com Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan
-
Duqa cusub ee magaalada Boosaaso iyo kuxigeenkiisa oo maanta la doortey Boosaaso-19.June.2005 Waxaa maanta duhurnimadii lagu qabtey xarunta Madaxtooyada magaalada Boosaaso doorashada Duqa cusub ee ee degmada Boosaaso iyo kuxigeenkiisa. Doorashadan ayaa waxay saacado ka dib dhacdey xiligii loogu taga galey in ay qabsoonto waxaana amuurtaasi ugu wacnaa ka dib markii ay soo xaadiri waayeen tiro ka mid ah xubnaha golaha deegaanka degmada Boosaaso. Xarunta Madaxtooyada ayaa maanta isugu tageen xubno ka tirsan maamulka dad u fara badan oo doonayey inay goob joog ka ahaadaan habka u dhacaysa doorashada. Markii la gaarey xiligii doorashada isla markaana aysan soo dhameystirmin xubnihii golaha deegaanka waxaa shirar isdaba joog ah yeeshey gudiga dhismaha golayaasha deegaanka ee deegaanada Puntland kuwaasi oo ka dib markii ay la tashadeen Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xiris oo xiriir xaga telefoonka ahi dhexmartey isla markaana ay dib ugu laabteen xeer hoosaadka sharciga golayaasha deegaanka ku dhawaaqey inay doorashadu dhacayo, bacdamaa ay soo xaadireen 16 ka mid ah 27-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha deegaanka degmada Boosaaso. Doorashadii ayaa bilaabatey waxaana 15 cod oo ka mid ahaa 16-kii xubnood ee madasha fadhiyey ku guuleystey Khadar Cabdi Xaaji Mire waxaana ka aamusey hal xubin. Sidoo kale waxaa Gudoomiye kuxigeenka ku guuleystay Maxamed Siciid Ismaaciil(Xiito) oo helay 15 cod. Intaasi ka dib waxaa halkaasi hadalo kala duwan ka jeediyey Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo shirka si rasmi ah u furey, Wasiirka Awqaafta iyo arimaha diinta Barkhad Cali Saalax iyo xubno kale waxayna dhamaantood ka hadleen muhiimada ay leedahay dhismaha golaha deegaanka degmada Boosaaso. Waxaana xafladii doorashada soo gabagabeeyey oo soo xirey wasiirka Arimaha gudaha Axmed Cabdi Xaabsade oo ka hadley qaabka doorashadu ay u dhacdey. Axmed Cabdi Xaabsade oo sharaxayey qaabka gudigoodu ay u go’aamiyeen in doorashado qabsoonto iyo sida sharcigu uu qabo ayaa hadaladii uu halkaasi ka jeediyey waxaa ka mid ahaa. C/risaaq Cismaan Bulqaas SBC Boosaaso.
-
Governor of Banadir (Mayor) arrives in Mogadishu
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Guddoomiyaha Banaadir Kulamo uu la yeeshay Wasiiro Iyo (Muuqaal Sawiran soo dhawayntii) - Sunday, June 19, 2005 at 21:36 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan cali Gaabow(Cadde).JPG Muqdisho (AllPuntland)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho iyo wafdi isugu jiray xildhibaano Wasiiru Dowlo iyo ku xigeeno ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaraddaha Ciseley ee duleedka magaalada Muqdisho, wafdiga oo kasoo kicitimay magaalada Nayroobi ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyay Kuxigeenada Gobolka Banaadir, Siyaasiyiin, mas’uuliyiinta degmooyinka Gobolka Banaadir iyo dadweyne fara badan oo watay gawaari fara badan Markii ay ka soo degeen garoonka ayaa waxaa uu salaan sharaf kaga qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Maxamuud Xasan Cali Gaabow kooxda Muusikada garaacda ee Ciidamada. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Gaabow (Cadde) ayaa socdaalkiisa ku wehliyay Wasiirul Dowlaha Arimaha Dibada Ibraahim Sh. Cali Jeebo, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Maxamed Axmed iyo sadax xildhibaan magacyadooda kala ah C/llaahi Geeddi Shadoor, Nuur Wabar iyo Cumar Ugaas. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cadde Xasan Cali ayaa Hotelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho kala hadlay dadweynihii iyo mas’uuliyiintii kale ee soo dhoweeyay isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay socdaalka uu ku yimid magaalada Muqdisho, wuxuuna ballan qaaday inuu khudbadda koowaad uu dadweynaha kala hadli doono degmada Wardhiigley oo uu ku dhashay kuna soo barbaaray, inkastoo Guddoomiyaha uu ka cudur daartay inuu Saxaafadda si gaar ah ula hadlo. Intaasi karib Guddoomiyaha ayaa wuxuu kulamo gaaban la yeshay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku soo booqday Hotel Ramadaam kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Cumar Maxamuud Maxamed (Finish), Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo xubno kale kulankaasi oo ahaa mid albaabada u xernaa ayaa la ogeyn waxyaabaha ay iskula soo qaadeen mas’uuliyiintaas. Soo dhoweynta maanta oo aheyd mid weyn ayaa kasoo xaadirin mas’uuliyiinta labada Gole marka laga reebo wasiirka Diinta Cumar Finish iyo Xildhibaan Seeraar, sidoo kale goobta soo dhoweynta ayaa lagu arkin C/laahi Firimbi iyo Ibraahim Shaawey oo looga bartay iney ka muuqdaan garoomada diyaaradaha marka ay soo degayaan wafdi ka tirsan Dowladda, dhanka kale Ibraahim Shaawey iyo C/llaahi Firimbi ayaa warbaahinta Muqdisho qaarkeed ay ugu yeeraan Duqa magaalada iyo Guddoomiyaha Gobolka lamase oga wixii maanta ka danbeeya xilalka ay sheeganayaan. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho -
Jowhar: PM and Cabinet, head of Army Police...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somali government returns home Sunday 19 June 2005, 6:27 Makka Time, 3:27 GMT Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi, accompanied by cabinet members and lawmakers, has returned home to set up a government in southern Somalia. Gedi arrived in the southern Somali town of Jowhar, 90km northwest of the capital Mogadishu, on Saturday to relocate a seven-month old government from the Kenyan capital, the president's spokesman Yusuf Ismail said. Hundreds of Jowhar residents lined the road to the airport to welcome Gedi, chanting slogans in support of the government's relocation to Somalia. The country has been without a central government since clan-based warlords overthrew dictator Mohamed Siad Barre in 1991. Warlords then turned on each other, plunging the country of seven million into chaos. Since last year, when Somalia's parliament and government were formed after two years of peace talks, they have been based in Kenya because Somalia was considered too unsafe. Unsafe Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed has said Mogadishu is still too unsafe. On Monday, Kenyan President Mwai Kibaki hosted a farewell reception for his Somali counterpart, who declared it was the last day he would run his country's affairs from Nairobi. Ismail said Yusuf is currently in Yemen, where he was meeting parliament Speaker Shariif Hassan Sheikh Aden, who has accused the president of violating Somalia's transitional charter by calling sittings of parliament without the speaker's authority. LawMakers remain split over whether the transitional government should locate to Mogadishu, or operate from the towns of Jowhar and Baidoa, 250km northwest of Mogadishu. AP -
Jowhar: PM and Cabinet, head of Army Police...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somali government returns home Sunday 19 June 2005, 6:27 Makka Time, 3:27 GMT Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi, accompanied by cabinet members and lawmakers, has returned home to set up a government in southern Somalia. Gedi arrived in the southern Somali town of Jowhar, 90km northwest of the capital Mogadishu, on Saturday to relocate a seven-month old government from the Kenyan capital, the president's spokesman Yusuf Ismail said. Hundreds of Jowhar residents lined the road to the airport to welcome Gedi, chanting slogans in support of the government's relocation to Somalia. The country has been without a central government since clan-based warlords overthrew dictator Mohamed Siad Barre in 1991. Warlords then turned on each other, plunging the country of seven million into chaos. Since last year, when Somalia's parliament and government were formed after two years of peace talks, they have been based in Kenya because Somalia was considered too unsafe. Unsafe Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed has said Mogadishu is still too unsafe. On Monday, Kenyan President Mwai Kibaki hosted a farewell reception for his Somali counterpart, who declared it was the last day he would run his country's affairs from Nairobi. Ismail said Yusuf is currently in Yemen, where he was meeting parliament Speaker Shariif Hassan Sheikh Aden, who has accused the president of violating Somalia's transitional charter by calling sittings of parliament without the speaker's authority. LawMakers remain split over whether the transitional government should locate to Mogadishu, or operate from the towns of Jowhar and Baidoa, 250km northwest of Mogadishu. AP -
Jowhar: PM and Cabinet, head of Army Police...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ra'iisal Wasaare Geedi oo maanta Booqdey Meelo ka mid ah Gobolak Shabeelaha dhexe June 19, 2005 -------------------------------------------------------------------------------- Ra'iisal Wasaaraha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa maanta booqdey xaafado ka tirsan degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe iyo meelo muhiim ah oo ka tirsan degmadaasi. Cali Maxamed Geedi oo ay la socdeen qaar ka mid ah xubnaha ku jira labada gole ee dowlada federaalka ayaa Booqdey xaafadaha Horseed iyo kanaalka Shiinaha, iyada oo ra'iisal wasaarahana uu la hadley dadweynaha ku dhaqan xaafada Horseed. Booqashadan ra'iisal wasaaraha ayaa noqotay tii ugu horeysay ee ra'iisal wasaaraha uu ku maro degmada Jowhar, tan iyo markii uu shalay soo gaaray degamadaasi. Maalintii shalay ayay ahayd markii wafdi ka tirsan dowlada federaalka oo uu horkacayay ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ay soo gaareen Magaalada Jowhar. Maxamed Cali Maxamud (Madka) Xafiiska Markacadeey Muqdisho xafiiskamuqdisho@hotmail.com -
Jowhar: PM and Cabinet, head of Army Police...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ra'iisal Wasaare Geedi oo maanta Booqdey Meelo ka mid ah Gobolak Shabeelaha dhexe June 19, 2005 -------------------------------------------------------------------------------- Ra'iisal Wasaaraha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa maanta booqdey xaafado ka tirsan degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe iyo meelo muhiim ah oo ka tirsan degmadaasi. Cali Maxamed Geedi oo ay la socdeen qaar ka mid ah xubnaha ku jira labada gole ee dowlada federaalka ayaa Booqdey xaafadaha Horseed iyo kanaalka Shiinaha, iyada oo ra'iisal wasaarahana uu la hadley dadweynaha ku dhaqan xaafada Horseed. Booqashadan ra'iisal wasaaraha ayaa noqotay tii ugu horeysay ee ra'iisal wasaaraha uu ku maro degmada Jowhar, tan iyo markii uu shalay soo gaaray degamadaasi. Maalintii shalay ayay ahayd markii wafdi ka tirsan dowlada federaalka oo uu horkacayay ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ay soo gaareen Magaalada Jowhar. Maxamed Cali Maxamud (Madka) Xafiiska Markacadeey Muqdisho xafiiskamuqdisho@hotmail.com -
Governor of Banadir (Mayor) arrives in Mogadishu
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Gudoomiyaha G/Banadir iyo xubno isugu jira wasiiru dowlayaal iyo xubno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo maanta soo gaaray Muqdisho. Posted to the Web Jun 19, 16:01 Muqdisho:-Wafti ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Gaaboow iyo xubno isugu jira wasiiru Dowlayaal iyo xildhibaano ayaa manta ka soo degay garoonka Cisaley ee duleedka magaalada Muqdisho. Waftigan maanta soo degay ayaa waxaa garoonka Cisaley , si aad ah ugu soo dhaweeyay,Gudiga soo dhaweynta ee dhawaan la magacaabay oo uu horkacayey wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta Cumar Finish,gudoomiyaasha 16-degmo ee G/Banaadir,baarbaarta gaashaaman, iyo dadweyne aad ufara badan. Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho,Maxamuud Xasan Cali Gaaboow iyo xubnihii la socday oo haatan ku sugan Hotelka Ramadan ayaa sheegay in uu dhawaan Qalabka Warbaahinta kala hadli doono Dadweynaha Muqdisho ku dhaqan.Waana markii ugu horeysay oo uu Gudoomiyaha G/Banadir ahna Duqa M/Muqdisho uu soo gaaro Magaalada Muqdisho tan markii uu R/wasaaraha Dowladda FKMG-ka Soomaliya uu u magacaabay inuu xilkaasi qabto,sidoo kale waa markii koobaad oo xubno labada gole oo Dowladda ka tirsan ay soo gaaraan Muqdisho, ka dib munaasabadii xiritaanka shirkii soomaalida ee mudada ka badan 2-sano uga socday magaalada Nairobi ee xarunta wadankaasi Kenya. Shalay ayaa xubno ka tirsan golayaasha oo uu hogaaminayey R/wasaare Geedi ay soo gaareen magaalada Jowhar ee xarunta G/sh/dhexe,iyadoo wararka ka imaanaya Jowharna ay sheegayaan inuu maanta R/wasaaraha booqday saldhigyada booliska iyo xafiisyo kale ee ay horey u lahaan jirtay xukuumadii uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre. C/risaaq C/laahi Maxamed {indhajaceyl} Puntlandpost,Muqadisho,Somalia -
Governor of Banadir (Mayor) arrives in Mogadishu
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo Si Diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho - Sunday, June 19, 2005 at 16:18 Muqdisho(AllPuntland)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya. Maxamuud Xasan Cali (Cadde) oo maanta kasoo dagay Garoonka diyaaradaha Cisalay ayaa si qiimayn ku dhisantahay ay dadwaynaha Muqdisho ugu soo dhaweeyeen garoonkaasi. Xildhibaanno katirsan baarlamaanka DFKGS, odayaal , Fanaaniin iyo malleeshiyaadka maxalliga ah ayaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho. Maxamuud Xasan Cali (Cadde) oo ku dagay Hotel Ramadaan ee magaalada Muqdisho ayaa la hadlay dadwaynihii soo dhawaynayay. Guddoomiyuhu wuxu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho looga baahanyahay inay isgarabtaagaan dawladda . Wuxuu Codsaday dhinacyada kala duwan ee shacabka sida odayaasha , ururada bulshada , dhallinyarada iyo haweenkuba inay dawladda gacan qabtaan. Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo Duqii magaalada Muqdisho ayaan labaduba soo xaadirin halka lagu soo dhawaynayay guddoomiyaha Cusub. Guddoomiye Cadde wuxu Xusay inuu dadka Muqdisho kula Hadli doono Xaafadda Wardhiigley , asagoo sheegay inuu ka hadli doono qaabka shaqada dawladda iyo waxyaabaha shacabka looga baahanyahay. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho iyo wafdigiisa ayaa noqday wafdigii ugu horeeyay oo si rasmi ah ayagoo dawladdu ka warqabto yimaada Muqdisho. CC.Farayaamo AllPuntland -
Governor of Banadir (Mayor) arrives in Mogadishu
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Cumar Filish & Seeraar oo ka qeybqaatay soo dhoweynta guddomiyaha G/Banaadir & xubnaha labada gole ee taageersanaa Geeddi Wasiirka Awqaafta & Arrimaha diinta Cumar Max’uud Max’ed (Cumar Filish) & Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar oo ka mid ahaa xubnaha labada gole ee Muqdisho ka waday howlaha nabadeynta ah ayaa maanta uga hor tegay garoonka Cisaley guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’uud Xasan Cali Gaabow (Cadde) oo uu magacaabay Prof. Geeddi & xubno ka tirsan labada gole oo ay ka mid ahaayeen Ibraahim Jeebo, C/llaahi Geeddi Shadoor, Cumar Ugaas Muumin & qaar ka tirsan ergadii shirka. Wefdiga uu hor kacayey Cadde Xasan Cali ayaa la dejiyey hotelka Ramadaan, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyey dadweyne fara badan & barbaarta gaashaaman, wuxuuna guddoomiyuhu halkaasi kaga qaatay salaan cutubyada guur-guura ee bambeyda & xoogga dalka. Cadde wuxuu sheegay in intii karaankiisa ah uu wax ka qaban doono gobolka Banaadir, isagoo tilmaamay in dhowaan shir jaraa’id uu u qaban doono saxaafadda qeybaheeda kala duwan, shirkaasina uu ka dhici doono degmada Wardhiigley oo uu sheegay in ay aheyd halkii uu ku soo barbaaray. Imaatinka guddoomiyaha ee Muqdisho ayaa ku soo beegan tay xilli aysan aqoonsaneyn magacaabistiisa xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan, kuwaasoo horay iyagu u magacaabay C/llaahi Firimbi & Ibraahim Shaaweeye oo ay u kala magacaabeen guddoomiyaha gobolka & duqa Muqdisho oo ah xilka uu hadda huwan yahay Cadde Cabdishakuur Cilmi Xasan Dayniile, Muqdisho Ku noqo beejka -
Governor of Banadir (Mayor) arrives in Mogadishu
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wafdi ka socda DFKMG ah ee Soomaaliya oo maanta soo gaarey magaalada Muqdisho Muqdisho-19.June.2005 Wafdi ka socda DFKMG ah ee ayaa maanta waxay soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Wafdigan oo ka soo degay Garoonka diyaaradaha Cisiley ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminayey Gudoomiyaha cusub Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde), waxaana ka mid ahaa Xildhibaan C/llaahi Geeddi Shadoor, Xildhibaan Ibraahim Jeebo iyo xubno kale waxaana garoonka ku soo dhaweeyay dadweyne aad u fara badan oo uu hoggaaminayay Caaqil Koogaar, iyo xubno kale oo aad u fara badan. Waa markii ugu horeysay oo Maxamuud Xasan Cali (Cadde)ee uu soo gaaroo Muqisho tan iyo markii loo magacabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho,waxayna imaanshihiisa qeyb ka tahay soo guuritaanka Dowladda kaga soo guurtay dalka kenya. Maxamuud Xasan Cadde ayaa lagu wadaa in uu gudagalo hawlaha kala duwan ee gobolka waxaana inta badan la sheegay in hawsha ugu horeysa ee uu qaban doono ay ugu weyn tahay sidii uu u diyaarin lahaa xafiiska ay DFKMG ah ka furan doonto magaalada Muqdisho iyo in uu u gogol xaaro safarka lagu wado in Cali Maxamed Geedi uu ku tago Magaalada Muqdisjo. MM Dhoore SBC Muqdisho. -
Af-hayeenka Xukuumada "Madaxweyne C/laahi Yuusuf wuxuu imaanaya Jawhar" Jawhar-19.June.2005 Afhayeenka DFKMG ah ee Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed(Diinaari) ayaa xalay ku qabtay magaalada Jowhar shir jaraa'id waxaan uuna sheegay in dowlada ay u soo guureyso magaalada Jowhar. Su’aashii ugu horeysay ee saxaafada ay weydiisay waxay ahayd ujedadada socdaalka wafdiga Rai’sul wasaaraha waxaana uu kaga jawaaaby in ay la xiriirto go’aankii ay dowlada sheegaty in dalka ay ugu soo guueryso, isagoo intaasi ku daray in ay tahay in guud ahaan dalka dib loogu soo noqdo. C/rixmaan Diinaari waxaa uu sheegay in madaxweynaha DFKGS C/laahi Yusuf Axmed uu imaan doono magaalada Jowhar todobaadkaan gudihiisa Afahayeenka Xukuumada waxaa uu sharaxaad ka bixiyay imaashaha dowlada ee magaalada Jowhar isagoo sheegay in ay ku timid go’aanadii ay gaareen labada gole ee dowlada ee Soomaaliya oo ahaa in dowlada ay si kumeel gaar ah ugu sii sheqeyneyso magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo. Waxaana uu sheegay in dowlada ay bilowday dib ugu soo guurida dalka si loo dhaqaajiyo hawlaha dowlada ay bulshada u ahyso. C/rixmaan Diinaari wuxuu xaqiijiyay in ay jiraan waan waan iyo wadahadlo lagula jiro xildhibaan Maxamed Ibraahin Xaabsade oo gacanyta ku hayo magaalada Baydhabo wuxuuna sheegay in dowlada ay dooneyso inay waanwaan iyo wadahadal ku dhameyso arimaha dalka Soomaaliya. Diinaari ayaa sheegay in ilaa iyo bishan 22-keeda ay imaanayaan xubnaha dhiman ee Xukuumadu magaalada Jowhar. Afahayeenka oo la weydiiyay su’aal ahayd qilaafka u dhaxeeya Maxamed Dheere iyo Madaxda Xukuumada ka dib markii uu sheegay in dowlada ay san imanayn magaalada Jowhar gaar ahaan hadalkii ka soo yeeray Ra’isulwasaare Geedi ahaa in uu Muqdisho tagayo ayaa waxaa uu sheegay inaysan jirin wax qilaaf ah oo uu dhaxeeya Ra’isalwasaaraha iyo Maxamed Dheere. C/rixmaan Dinaari wxaa uu sheegay in Madaxweynahaa iyo Ra’isalwasaarahuba ay dagi doonaan magaalada Jowhar balse ay jiri doonaan meelo badan oo gobolda dalka ah oo ay kormeero ku aadi doonaan. Waxaa kaloo C/raxmaan Diinaari uu u sheegay wariyaha Idaacada SBC ee magaalada Jawhar Axmed Xasan Mahad in maanta ay soo gaari doonaanmagaalada jowhar xubno ka tirsan dowlada federaalka soomaaliya ku waassoo ka soo kici timaya magaalada Nairobi. Ugu damneyntii C/rixmaan Diinaari waxaa kaloo u ka hadalay qorshaha nabdeed ee magaalada Muqdisho oo ay ka wdaan xubanaha labada gole, waxaana uu tilmaamey isbaarooyinkii ay soo kordheen halkii ay ka yaaran lahayeen, Isagoo tibaaxey in howshaasi ay tahay mid u taal Golaha wasiirada baarlamaakana howshiisa ay tahay in uu sharciga dejiyo oo uu ilaaliyo. Axmed Xasan Mahad SBC Jawhar.
-
Governor of Banadir (Mayor) arrives in Mogadishu
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ Jason most of the famous warlords are ministers, confused ministers but they hold these titles never the less. Just like in Lebanon most of the former faction leaders and warlords became ministers and leaders after their peace process.. The titles of mayor of Mogadishu city and governor of Banadir have been given to one man. He arrived in Mogadishu today and will hold a press conferene later on the day. -
Dayniile.com is at it again, here is yet another example of their confusion, frustration and disappointment at their leaders, the warlords of Mogadishu. After propagating the lie it seems the truth is dawning on them as it seems to do on a regular basis. The conclusion is that President Yusuf is right not to believe a word of the hapless warlords. That its because of his stance that led then to even discuss the removal of roadblocks. Wonders never seize to amaze…enjoy ................................................................................ Dadka tabartayar ee ku nool magalada Muqdisho oo ka codsay maxaweyne Cabdulahi Yuusuf inn uu mar kale ku celiyo in wadanka Soo galayaan ciidaamo Itoobiyaan ah si kuwa nidaam diidka ah nooga qadaan isbaarooyinka Muqdisho Dadka ku nool magalada Muqdisho ayaa iminsan qolooyinka ay isbarada u yaliin magalada Muqdisho ay ka danbeyaan beelaha hooda si ay ugu sii helaan xubna kale oo saa´´id ah sida mareyeyaal ,safiiro iyo shaqooyin kale badan sida hada ka hor ay uga heleen wasiiro iyo xildhibaano saaid ah oo san helin beelo kale ee aan wax isbaraha laheyn . Hadaba arimaha ka socdo magalada Muqdisho ayaa ah kuwa aad u cakiran oo markaad fiirso aad isleydahay dadkaan Tigaree iska dayee Yahuud allaha ku salid sida ay u dhaqmayaan markaad aragto , sababtoo ah 15 sano qof heestay waxii ay Soomali laheyd hadana dhargi la sida wax loola qeybsado waa adagtahay ayagoon loo helin awood kaweyn oo baabiiso maxaa yeelay qoom mar haduu halkaa gaaro ilahay waxuu ku salidaa balaayo kaweyn . Dadka ku nool Muqdisho oo qabo inta badan in isbaarada lagu qadi karo oo kaliya in uu Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ku celiyo handadaadi sii aheyd in ay wadanka Sooo galaan Ciidamo Itoobiyaan ah sababtoo ah ay leeyhiin mar walboo uu hadlo Madaxweyne Cabdulaahi yuusuf waxbaa noola qabtaa Asbuucasi uu hadalka qooyan yahay marka waxaan mar kale ka codsaneynaa in uu ku celiyo handadasisa si wax noogu qabtaan wax magaratada isbaarada u dhigatay qarankii Soomaliyeed. Ku noqo beejka webmaster@dayniile.com
-
Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde) oo ka soo dagay Muqdisho Xilligan oo sacada Muqdisho oo ay tahay 10:25 Daqiiqo waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Cisalay ka soo degay Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde) oo saaka ka soo kictimay magaalada Nairobi ee dalka kenya. Wafdiga Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa la socda xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, in kastoo magacyada xubnahan oo aanu weli helin haddana waxaa la sheegaya inuu ka mid yahay Xildhibaan C/llaahi Geeddi Shadoor iyo xubno kale, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay dadweyne aad u fara badan oo uu hoggaaminayay Xaaji Caaqil Koogaar,waxaana sidoo kale ka mid ah xubnaha Garoonka ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ciidamada dowladda Hoose iyo Maleeshiyooyin aad u fara badan. Wariyeyaasha jooga Garoonka ayaa waxay leeyihiin dadka soo dhaweynayo Guddoomiyaha kama mid ah Xubnaha Labada Gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, sabab aan la sheegin. Waa markii ugu horeysay oo Maxamuud Xasan Cali (Cadde)ee uu soo gaaroo Muqisho tan iyo markii loo magacabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho,waxayna imaanshihiisa qeyb ka tahay soo guuritaanka Dowladda kaga soo guurtay dalka kenya. Guddoomiye Maxamuud Xasan cali Gaabow (Cadde) waxaa uu sheegay in dadka Muqdisho kala hadli doona Degmada Wardhiigley oo ah halkii uu ku dhashay Cadde.. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Midnimo Information Center wararka@midnimo.com