
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
COLEMAN MEETS WITH ASST. SECRETARY OF STATE REGARDING U.S. INVOLVEMENT IN SOMALIA - Wednesday, June 08, 2005 at 17:37 Senator Norm Coleman June 7th, 2005 - Washington, D.C. - Senator Norm Coleman met today with Assistant Secretary of State for African Affairs Constance Berry Newman to urge greater U.S. involvement in Somalia. Coleman, who is a member of the Africa Subcommittee of the Senate Foreign Relations Committee, relayed to Assistant Secretary Newman concerns raised during his April 22 meeting with the Minnesota Somali community. Specifically, Coleman urged greater U.S. involvement in establishing the new government and in providing humanitarian assistance. Newman committed to Coleman that the U.S. would become more engaged and said that new inter-agency meetings are currently underway to develop a more active Somalia policy. “The meeting was productive, and I look forward to working with Secretary Newman in the future to increase U.S. engagement in Somalia both in regards to humanitarian relief and the establishment of a new government,†said Coleman. Assistant Secretary Newman also recommended that the Somali people, both in Somalia and the United States, unite behind the transitional government and encourage that government to move from its current location in Kenya into Somalia. Contact: Andrea Wuebker
-
The men mentioned above are great. Sayid Mohamed the warrior poet, Adan Cade the gentle honest politician an example to all. Hadrawi a man who has contributed so much to the Somali arts and more. However I would go back in history some 500 years and nominate Imam Ahmed Ibrahim al Ghazi [Ahmed Guray]. For no Somali, man has achieved what he did in his short life. A true national figure who can not be claimed by clan or region. The man the lion [Ethiopia] bowed down to... As for the greatest living Somali, that would be my own mother
-
The issue of the moment: Mogadishu roadblocks
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
News just in they have moved some roadblocks in the centre of the city. Indeed its a remarkable achievement. -
The issue of the moment: Mogadishu roadblocks
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
QAADISTA ISBAAROOYINKA YAALA MUQDISHO OO MAANTA DOOD KULUL LAGA YEESHAY MUUSE SUUDI:" Anigu waxaan qabaa in arrinta qaadista isbaarooyinka loo saldhigo oo aan lagu deg degin" MAXAMED QANYARE: "Xaaji Muuse adiga Isbaaro kale qaadisteeda cid kaama rabto, Isbaarooyinka kale qabiilkooda waa joogaan, iyagaana laga rabaa in ay qaadaane adiga taada qaad" SHARIIF XASAN: " Isbaaro iyo Qaran meel ma wada geli karaan, waana qaadis Isbaarooyinka yaala" Isniin, June 06, 2005(HOL): Dood ku saabsaneyd nabadeynta Muqdisho oo ay soo qaban qaabisay Hay'adda CRD, isla markaana ay ka qeybgaleen madaxweynayaal horay u soo maray Soomaaliya, xubnaha labada gole ee Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiin kale ayaa maanta ka dhacday Hotelka Shaamo ee magaalada Muqdisho. Dooddan oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan ayay wasiirrada Ganacsiga iyo Amniga Qaranka Muuse Suudi Yalaxow iyo Maxamed Qanyare ku soo bandhigeen aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sida ay tahay in loo qaadi karo Isbaarooyinka lacagaha sharci darrada ah lagu qaado ee yaala magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda. Muuse Suudi Yalaxow ayaa sheegay in aaney isagu la ahayn in sidii beryahaanba la sheeg sheegayay xoog loo adeegsado maleeshiyooyinka ay isbaarada u taalo taasi bedelkeedana uu qabo in la baryo oo qaadistoodana laga wada tashado, "waxaan qabaa in si tartiib ah loo qaado isbaarooyinka oo loo sameeyo qorshe, qasnad mushaarooyinna loo qoro, sidaas ayaan aqaanaa maahee ma aqaano qaadis isbaaro oo siyaasad ku hoos jirto"ayuu yiri Muuse Suudi oo ku nuux nuuxsaday in uu ogyahay dhibka magaalada Muqdisho yaala iyo culeysyo jira, sidaas darteedna uu soo jeedinayo in arrinta qaadista isbaarooyinka salka dhulka loo dhigo. Muuse Suudi oo dooddiisu ay aad u kululeyd waxaa uu intaas ku daray in ay deg deg ula muuqato in lagu soo boodo hala qaado isbaarooyinka iyadoo aan mushaarooyin loo heynin, isla markaana aan canshuur la qaadeynin, wuxuuna caddeeyay in uu aad u daneynayo in arrinta qaadista isbaarooyinka ay ka wada tashadaan hoggaamiyayaasha ay quseyso ee dowladda ku jira. Muuse Suudi oo ah hoggaamiyaha kaliya ee isagu Maleeshiyooyinka ku wehlinayay Xerooyinka Hiilweyne iyo Laantabuuro tan iyo markii la xareeyay 14-kii bishii hore ee May ayaa sheegay in ay labadaas xero ku jiraan 1500 oo maleeshiyo ah iyo gaadiid dagaal oo dhan 104 gaari, iyadoo maleeshiyooyinkaasna 1000 ka mid ah ay labis heystaan hala inta harsanna dhowaan loo labisi doono. Intaas kadib waxaa hadalka Muuse Suudi jawaab ka bixiyay Wasiirka Amniga Md. Maxamed Qanyare oo sheegay in aan looga baahneyn Muuse Suudi qaadista isbaaro dad kale leeyihiin waxa kaliya ee laga doonayana ay yihiin kuwa isaga u yaala, "Hadda ka hor ayaa Nin lagu yiri waxaa soo socda cudur aaney ka badbaadeynin dadka aan madaxa xiran, wuxuuna ninkii yiri yaa dadka oo dhan madaxooda xirid la gaaro, markaasaa la yiri nin walba madaxiisa meyrax haku xirto, marka nin walba waxaa laga rabaa in uu qaado isbaaradiisa" ayuu yiri Maxamed Qanyare oo intaas ku daray in dadka isbaarada u taalo ay ****** yihiin, weliba dad la yaqaano, marka waa in aan qaadnaa ayuu yiri isbaarada oo aanan ka cabsan, "ninkii hadda hadal ku jiro ee dhahaya aniga qabiilkeyga isbaaradiisa la qaadi maayo dan ayuuna ku qabaa halkan ha yimaado hana sheego"ayuu mar kale yiri Maxamed Qanyare. Sidoo kalena, Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa isagu hadal ka jeediyay dooddan, wuxuuna sheegay in aaney isbaaro iyo qaran meel wada geli karin, sidoo kalena aysan qabiil iyo qaran meel wada geli karin, "Walaalayaal waxaan idinka codsaneynaa in aan isbaarada qaadno ciddii diidana aan shacabka tusno, haddii ay wax ka qaban waayaana aan beesha caalamka u bandhigno"ayuu yiri Md. Shariif Xasan oo ku cel celiyay in dhulka laga qaado sharafta dowladda oo isbaarooyinkana la qaado. Kulankan doodda ah ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Cali Mahdi Maxamed iyo C/qaasim Salaad Xasan oo madaxweynayaal KMG ah ka soo noqday dalka Soomaaliya, inkastoo dowladahoodii ay shaqeyn waayeen kadib markii ay ka soo horjeesteen isla hoggaamiyayaashan qaarkood. Labada madaxweyne waxay sheegeen in ay taageero hagar la'aaneed la garab taagan yihiin howlaha nabadeynta ah ee loogu jiro Magaalada Muqdisho, wuxuuna Cali Mahdi sheegay in uu weligiisba sheegi jiray in dhibaatada dalka Soomaaliya xalkeeda uu ku jiro iyadoo la xaliyo marka hore dhibaatada magaalada Muqdisho, halka C/qaasim Salaadna uu sheegay in ay wax lagu farxo tahay howlaha nabadeynta ah ee ay wadaan xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo ay xubno ka yihiin kuwo ay ka shaqeyn weyday dowladdii lagu soo dhisay Tuulada Carta ee Dalka Jabuuti. Dhanka kalena, kulan kale oo ay xubnaha labada gole ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu go'aamiyay in maalinta berri ah iyadoo aan loo kala harin la qaado isbaarooyinka yaala magaalada Muqdisho, isla markaana maleeshiyooyinka laga kaxeeyo isbaarooyinkaas la siin doono lacag mushaar ah oo dhan hal milyan iyo cunno ay ku noolaadaan. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia -
KA DHABEYNTA ISBAARO QAADADIDA MUQDISHO IYO NAWAAXIGEEDA OO SHAKI LA GELIYAY Somaliweyn- Muqdisho- Somalia 6/6/05 Iyadoo maalmahan ay dadweynaha magaalada Muqdisho hadal heyntoodu ku saabsaneyd sidii loo qaadi lahaa isbaarooyinka yaala waddooyinka magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda muddo 15-sano ah ayaa waxaa maanta kulan hor dhac yeeshay qaar ka mid ah hoggaamiye kooxeedyada hubeysan ee Muqdisho, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan iyo mas'uuliyiin kale oo caan ka ah dalka. Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah xubnahaasi ayaa sheegay inay fududahay isbaaro qaadista, hase yeeshee uu sheegay inay muhiim tahay in maleeshiyooyinka halkaasi ka tegaya la meeleeyo, haddii kale “Way fududahay in isbaaro la qaado, hase yeeshee haddii aan maleeshiyooyinkii joogay la meeleynin waa dhib badan tahay sida mar kale loo qaado†ayuu yiri Muuse Suudi oo dhinaca kalena in isbaarooyinka yaala Muqdisho iyo nawaaxigeeda ay isugu jiraan kuwo dhaqaale iyo siyaasad ka dambeyso, wuxuuna xusay in isbaarooyinka siyaasadda la xiriira ay yihiin kuwo Hub loo soo daabulo. Dhinaca kale Maxamed Qanyare Afrax ayaa sheegay mar uu la hadlayay qaar ka mid ah hoggaamiye kooxeedyada Wasiirada noqday ee shirkaasi ku sugnaa in dalka uu ku soo fool leeyahay cadow, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in lala yimaado karti iyo waxqabad dhab ah, “Waxaan rabaa in fool xumada nagala sheegayo aan iska meyrno, oo Soomaali waa is taqaanaahe qabiilka Hawiyaha ee isbaarada Xamar u taalo uu isagu mas'uul ka yahay, waxaana ku boorinayaa ninkii hadhow soo garab istaagi doono wiilka isbaarada jooga hadda inuu meeshan yimaado oo uu ka sheego waxa ay dhaafsanayaan†ayuu yiri Maxamed Qanyare. Xubnihii halkaasi ka hadlay ee aan ka midka ahayn hoggaamiye kooxeedyada Wasiirada noqday waxaa ka mid ahaa Cali Mahdi Maxamed, C/qaasim Salaad Xasan, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Md. Shariif Xasan Sh. Aadan, hase yeeshee khudbadii uu jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay si weyn ula dhaceen inta badan ka soo qeyb galayaashii kulankaasi, kaddib markii Shariifka uu ku hanjabay in haddii maalinta Talaadada ah oo berri aan la qaadin isbaarooyinka ay dalka isaga baxayaan. Runtii Shariifka waxa uu ku dhawaajiyay in dadka Muqdisho ee nabadda jecel ay ka shaqeeyaan nabadeynta degaankooda, wuxuuna maleeshiyooyinka ku sugan isbaarooyinka ku gubaabiyay in iyagoo raalli ah ay isaga tagaan goobaha ay joogaan, taasoo uu daba dhigay in Ganacsatada Muqdisho ay diyaar u tahay inay dhaqaale ku bixiso maleeshiyooyinkaasi howlgabka laga dhigayo. Dadaalada lagu qaadayo isbaarooyinka ee ay wadaan xubnaha labada Gole wejigiisa labaad ee isbaarooyinka looga qaadayo goobaha ay yaalaan ayaa u muuqata mid culeyskeeda leh, waayo xeel dheerayaal siyaasadeed ayaa iyagu arrintan walaac ka muujinaya sida ay ku suurtageli karto ama ugu yaraan xitaa loo yareyn karo sida markii howlgalkan la sheegay ay u sii bateen isbaarooyinka iyo dilka macno la'aanta ah ee lagula kacayo shacabka. Dadweynaha magaalada Muqdisho durba way soo ifbaxday cabsidii ay ka qabeen in 90% lagu guuleysan karo isbaarooyin la qaado, kaddib markii ay dhegahooda ku soo dhibceen laba ka mid ah hoggaamiye kooxeedyada hubka ku heysta Muqdisho oo kulankii maanta intii aanu dhammaan isaga tegay oo isaga baxay, hase yeeshee mas'uul u hadlayay mid ka mid ah labadaasi hoggaamiye kooxeed ayaa weriye ka tirsan Shabakadda Somaliweyn u sheegay in hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho aanay daacad ka ahayn howlaha isbaarooyinka lagu qaadayo, hase yeeshee mas'uulkaasi oo magaciisa qariyay markii aan su'aalay waxyaabihii ku gooni yeelay inay shirkaasi uga baxaan ayaa sheegay inay iyagu u arkaan haddii tallaabooyinkaasi la isku dayo ay dhalin karaan dagaalo hor leh iyo isbaarooyinkii oo sii bata, waayo buu yiri mas'uulkaasi in isbaarooyinka la qaado waa wax jira oo loo baahan yahay, balse waxaa ka horeeya in marka hore maleeshiyooyinka la tirakoobo oo la diiwaan geliyo kaddibna loo diyaariyo oo loo gudbiyo halka la geynayo iyo sida laga yeelayo mustaqbalkooda, mar haddii ay ku tiirsanaayeen dhaqaale ahaan isbaarooyinka. Kulankii maanta ay yeesheen xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho oo isagu u muuqday mid xiiso leh, maadaama waxa laga hadlayo ay tahay masiirka shacabka ku dhaqan G/Banaadir, mar haddii ay nabadgelyadoodu caqabad ku noqotay muddo 15-sano ah isbaarooyinka iyo maamul la'aanta ka jirta ee sumcad xumada ku hareeyay caasimadii Soomaaliya. Waxaadna moodaa in tallaabada horumarka leh aan si taxadar leh looga fiirsan, mar haddii ay hormuud ka yihiin hoggaamiye kooxeedyo iyo Xildhibaano ku caasiyoobay madaxda sare ee Dowladda oo caro darteed Muqdisho kula hoyan la'yihiin, taasoo ay ugu wacan tahay maamul la'aanta ka jirta caasimadii Soomaaliya oo in ka yar 3km ay ka taliyaan 3-hoggaamiye kooxeed oo marka ay runta timaado aan diyaar u ahayn inay ka shaqeeyaan danta shacabka G/Banaadir, isla markaana dib ugu soo celiyaan adeegyada kaabayaasha bulshada. Waxaa Qoray: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra) jabriil@journalist.com
-
Somali UK community speak with Ministers in Nairobi
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Audio Radio Daljir -
Somali UK community speak with Ministers in Nairobi
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Somali UK community speak with Ministers in Nairobi
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Birmingham: Jaaliyada Soomaaliya ee dalka UK oo Wada tashi layeelatey wasiiro ka tarisan Dawlada F Somaliya - Monday, June 06, 2005 at 01:03 Shirkii Wada tashi ahaa ee Jaaliyada UK layeelatey wasiiro ka tarisan dawlada federalka Soomaaliya Birmingham (AllPuntland)- Magaaladda Birmingham oo ah magaalada labaad ee Soomaalida ugu badan ay ku nool yihiin cariga Ingiriiska ayaa waxaa maalintii shalay (Axad, June 5, 2005) ka dhacay kulan ballaaran oo ay jaaliyadu ku waraysteen Wasiiro ka tirsan dawlada Federaalka Soomaaliya, kulnakaas oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka UK. Shirka waxaa ka qaybgaleen kana hadlay madax sar sare oo ka tirsan DFKS oo ay ka mid ahaayeen Axmed Sh. Maxamed Loxos Wasiiru Dowlaha dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha dibada oo joogay goobta iyo kuwa kaga qayb qaatay khadka telefoonka oo ay ka mid yihiin Mowliid Macaane Maxamuud wasiirka Deegaanka iyo Dhulalka, Cali Ismaaciil Cabdi Giir Wasiirka dekadah iyo gaadiidka bada, Maxamed Maxamud (Gacamadheere) wasiirka Horumarinta reer Miyiga iyo Daaqa, Maxamed Cali Xareed wasiiru dawlaha Gaashandhiga iyo Salaad Cali Jeelle wasiir ku xigeenka warfaafinta, waxayna dhamaan ka qeyb qaateen su'aalo iyo xogwaran jaaliyadu ku waydiisay khadka telefoonka. Shirka ayaa jaaliyadu waxay u qabatay in ay ku muujiso sida ballaaran ee ay u taageersan tahay DFKS iyo in ay wax ka ogaadaan howlaha dib u heshiisiintu meesha ay marayaan iyo madaama uu soo dhawaaday guuritaankii dowladu qaabka ay rabaan in ay u guuraan iyo meesha ay dowladu ay u guuri doonto, oo ay sheegeen in dawladu bishaan gudaheeda dalka u guuri doonto iyagoo xusay in dawladu tagi doonto dhamaan dalka Soomaaliya saldhigna ka dhigan doonto Muqdisho, Jowhar iyo Baydhabo. Shirka oo ay ka soo qaybgaleen Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo waxgarad kale oo farabadan oo ka kala socday qaybaha bulshada Soomaliyeed ayaa shirka ka dhigtay mid xamaasadiisu sarayso oo ayna ka muuqatay is jacayl iyo qaranimo jacayl, iyagoo talefoonka kaga dhargay jawaabaha su'aalo faro badan oo qofba goonidiisa isu waydiinayay, waxayna soo bandhigeen tageero buuxda iyo talooyin kale duwan oo ku aaden sida Soomaaliya loogu baahan yahay in ay dawlada Federalku ugu soo celiso qaranimadii, nabadii iyo sharciga dawliga ah. Shirkan oo noociisa aan horay Soomaalida qurbuhu isugu imaan ayaa si heerkiisu sareeyo waxaa uga soo shaqeeyeen gudiyadii jaaliyadu iska qabatay, taas oo laga dhax arkayey midnimo ku salaysan Soomaalinimo oo aan hore looga baran qurba joogta Somaliyeed, waxayna u muuqatay goobta kulanku ka dhacayay mid yididiilo gelinysa dhamaan shacabka. Kulanku markii uu soo gobogaboobay ayaa xubnaha jaaliyada ee kulanka ka qayb qaatay waxay isla qireen inay wax wayn ka ******** jawaabihii ay bixiyeen dhamaan wasiiradii iyo wasiiro ku xigeenada ay waraysteen taas oo ka saartay sida ay sheegeen su'aalo ay iska waydiinayeen sida dawladu dalkeeda uga hawlagayso. AllPuntland, Birmingham -
Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka UK oo Wada tashi layeelatey Wasiiro ka tarisan Dawlada Federalka Soomaaliya Posted to the Web Jun 06, 19:29 Birmingham:-Maalintii shalay oo ay taariikhdu tahay 5th June, 2005 waxaa magaaladda Birmingham ka dhacay kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool dalka UK. Waxaa kale oo shirkaas ka qaybqaatay kana hadlay madax sar sare oo ka tirsan DFKS oo ay ka mid ahaayeen Axmed Sh. Maxamed Loxos oo ah Wasiiru Dowlaha dib uheshiisiinta iyo Jaaliyadaha dibada iyo kuwa kaga qayb qaatay khadka telefoonka oo ay ka mid yihiin. Ali Ismaaciil Abdi Giir Wasiirka dekadah iyo gaadiidka bada, Wasiirka reer miyig iyo daaqa Maxamed Maxamud gacamadheere. Maxamed Ali Xareed Wasiira dawlaha gaashandhiga, Mowliid Macaane Wasiirka degaanka iyo dhulka iyo Salad Cali Jeele Wasiir ku xigeenka warfaafinta waxayna dhamaan ka qeyb qaateen shirka oo ay kaga qeyb qateen khadka telefoonka. Ujeedada shirku waxay ahayd in jaaliyaddu muujiso sida ballaaran ee ay u taageersantahay DFKS iyo inay wax ka ogaadaan howlaha dib u heshiisiintu meesha ay marayso iyo madaama uu soo dhawaaday guuritaankii dowladu qaabka ay rabaan inay u guuraan iyo meesha ay dowladu ay u guuri doonto. Shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo waxgarad kale oo farabadan, xanbaarsanaa xamaasad qaran jecel oo aad u sareysa ayaan halkaas ku soo bandhigey tageero buuxda iyo talooyin kale duwan oo ku aaden dawlada Federalka Somaliyeed. Waxaana shirkani u dhacay si heer sare ah taas oo ay ka soo shaqeeyeen gudiyadii loo xilasaaray taas oo laga dhax arkayey midnimo ku salaysan Soomalino taas oo aan hore looga baran qurba joogta Somaliyeed laakiin hada waxay noqon kartaa arrinkani mid yididiilo geliya dhamaan shacabka iyo dowladoodaba. Runtiina waxaa si aad ah noo farax geliyey jawaabihii ay bixiyeen dhamaan Wasiiradii iyo Wasiiro ku xigeenada taas oo ay ku cadaatay in dowladu ay ka go'an tahay sidii ay dalkeeda hooyo uga howl geli lahayd. Intaa wixii dheer ah waxaad ka dhegeysan kartaan Radio Daljir oo si tooos ah ula socday hadba meesha uu marayo shirku. Puntlandpost.com
-
PM heads to Jowhar + Meeting in Mogadishu + other news
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Kulan Ballaaran Oo Maanta Muqdisho Ku Dhex Maray G/Baarlamaanka, Siyaasiyiin Iyo Labada Golle (Muuse Suudi Hadii Isbaarada waa la iska qaadaa la yiraah waa in leys dilo) - Monday, June 06, 2005 at 21:13 Muqdisho (AllPuntland)- Kulan ballaaran oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Cilmi Baarista iyo Wada tashiga CRD oo ay kasoo qeybgaleen Guddoomiyaha Baarlamaanka, xubno ka tirsan labada gole iyo Siyaasiyiin caan ah ayaa maanta ka dhacay hotelka Shaamo ee magaalada Muqdisho. Kulankaas oo looga hadlayey qaabka maalinta Tallaadada ay ugu go’an tahay xubnaha labada gole iyo guddigii loo xil saaray sidii loo qaadi lahaa isbaarooyinka Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynihii lagu soo doortay dalka Jabuuti Mudane Cali Mahdi Maxamed oo sheegay inuu inta Karaankiisa ah uu taageerayo go’aankan. “Inkastoo Dowladdeydii aysan shaqeyn hadana waxaan diyaar u ahay inaan taageero tan lagu doortay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, basle waxaa haboon in taageerada ugu weyn shacbiga laga helo†ayuu yiri Mudane Cali Mahdi, sidoo kale Dr. C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii Carta oo isna kulankaas ka hadlay ayaa sheegay iney shacbigu u guntadaan wixii iyaga ay u arkaan maslaxadooda. “Waa Nasiib daro in anniga iyo Cali Mahdi oo joogna aad na diidaan annagoo idiin leh War walaalayaalow kaalaya nala shaqeeya oo aad iminka C/llaahi Yuusuf oo maqan aad ka codsataan inuu Muqdisho yimaado†ayuu yiri Dr. C/qaasim oo qoslaya. Wasiirka Ganacsiga Xaaji Muuse Suudi oo isna ka yara duwanaa xubnihii ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay ineysn aheyn wax sahlan in si fudud lagu qaado isbaarooyinka, “Hadii Isbaarada waa la iska qaadaa la yiraah waa in leys dilaa, taasuna dhibaatada jirtey sii saa’idee, waxaana qabaa in loo kaadiyo oo la helo wax maliishiyada isbaarada u taal mehrad looga dhigo†ayuu yiri Muuse Suudi, sidoo kale Wasiirka Amniga Maxamed Qanyare Afrax ayaa isagu ku adkeystay in maalinta tallaadada ah ay ka go’an tahay in la qaado isbaarooyinka. “Isbaarada dad ey u taal, waana la yaqaan oo waa ****** ee qof walba haku dadaasho sidii loo qaadi lahaa, oo waxay joogtaa nin walbow madaxaaga meyrax ku duubo†ayuu yiri Maxamed Qanyare oo intaa raaciyay in loo baahan yahay sidii looga hortegi lahaa waxa uu ugu yeeray cadowga Umada Soomaaliyeed oo ku soo marmarsiyoonaya Magaalada Muqdisho amaan xumida ka jirta. Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan oo isagana ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in maalinta talaadada ah ay noqon doonto mid taariikhi ah oo la kala dooran doono Qabiil iyo Qarannimo. “Qarannimo iyo Qabiil hal meel ma wada geli karaan, Tallaadada waa kama danbeys yaanan been la isku sheegin, ninkii diidana Soomaaliya iyo Caalamka oo dhan ayaa arkaaya oo aan u sheegeynaa†ayuu yiri Mudane Shariif Xasan. Xubno ka tirsan ururada Bulshada rayidka ah ayaa iyaguna dhinacooda ka sheegay in subaxnimada tallaadada lagu balansan yahay in la isku yimaado iridka Hotel Saxafi halkaasoo laga bilaabi doono ololaha koowaad ee isbaaro qaadista Muqdisho iyo nawaaxigeeda, kulankan ayaa waxaa ka maqnaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Cumar Finish iyo Wasiirka Howlaha Guud Cusmaan Caato. Cali Muxiyadiin Cali AllPuntland, Muqdisho Powered by AllPuntland -
PM heads to Jowhar + Meeting in Mogadishu + other news
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Jowhar: Mudane Maxamed Dheere Oo Kusoo Laabtay Magaalada Jowhar iyo Ra'iisal wasare Geedi oo bari imaanaya Jowhar - Monday, June 06, 2005 at 21:12 Jowhar (AllPuntland)- Wafdi uu horkacayey Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda Gobolka Shabbeelaha Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (M. Dheere) ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar kadib markii uu socdaal qaatay mudo bil ah ugu maqnaa dalka Kenya. Mudane Maxamed Dheere ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha kuxigeenkiisa Cusmaan Xaaji Cabdulle Caqiil iyo xubno ka tirsan maamulka Sh/dhexe halkaasoo uu salaam kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada maamulka Sh/dhexe. Maxamed Dheere ayaa soo laabashadiisa ku soo aaday xili la filayo in maalinta tallaadada ay halkaasi soo gaaraan wafdi uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wafuud ka socota hey’addaha samafalka iyadoo ay magaalada Jowhar ku sugan yihiin wariyeyaal ka kala socda talifishinada ugu waaweyn aduunka sida CNN iyo wakaaladaha wararka caalamka caalamka. Cali Muxiyadiin Cali AllPuntland, Muqdisho -
Raysul Wasaaraha Dowlada Kumeel Gaarka ah ee Soomaaliya Proff Geedi Ayaa Muqdisho Iyo Jowhar ka furay laba xafiisood oo loogu Magacdaray Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha iyo Dowlada :: (205 Reads) Posted by webmaster on Monday, June 06, 2005 - 07:35 AM Xafiis loogu magac daray Xafiiskaxiriirka dadweynaha iyo dowladda ayaa howshiisa ka wada magaalada Muqdisho, iyadoo dhismaha xafiiskaasina uu soo shaac baxay wixii ka danbeeyay socdaalkii uu Raysal wasaare Geedi ku yimid Muqdisho. Xafiiskan oo kulmiya wax garad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inuu ku xiran yahay dhaqaalihiisana uu bixiyo Raysal wasaaraha isagoo loogu talo galay inuu siyaasaddaha iyo qorshooyinka dowladda gaarsiiyo dadka. Caaqil Koogaar ayaa looga dhigay Madaxa ugu sareeya Xafiiskaan waxa ayna shirarkooda qabsadaan Isbuuc walba Maalinta Khamiista. Xafiiskaan oo lagu wado in la sii balaariyo Marka Dowladu ay Magaalada Muqdisho timaado ayaa waxaa la filayaa in uu wax badan ka qaban doono Nidaam xumida ka jirta Caasimada Muqdisho. 14kii sano ee la soo dhaafay ayay Magaalda Muqdisha waxa ay ahayd Magaalo ninkii walba oo xoog Milatari leh uu waxa uu doono samaynaayo, iyadoo aysan jirin habayaraatee qof looga danbeeyo magaalada. fowdada iyo qasku waxa ay noqdeen nololmaalmeedka Magaalada Muqdisho, waxaase dhibaatadu ay aad u taabataa danyarta aan awoodin in ay iska celiyaan Maleeshiyaadka hubaysan Idalaame News Mohamoud_hussein@yahoo.co.uk
-
Horrible failure: reporter killed as road blocks increase
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ilaahay haa u naxariistu our sister... As for personalising the issue Olol, I hope they find the killer and deal with him accordingly.. -
Horrible failure: reporter killed as road blocks increase
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Maxaa lagu dilay wariye Duniyo Muxyadiin Nuur Allaha ha u naxariistee wariye Duniyo Muxudiin Nuur waxey ahayd qof ka tilmaaman saxaafada oo magac iyo qadarinna ku leh bulshada dhaxdeeda waxey ku xel dheereyd qaabka saxafada e . Sida uu nagu soo gaarsiyay wariyaheen Muqdisho Nuuradin goor dhow ayuu ku shegay in Duniyo Muxudiin Nuur la dilay iyadoo ku jirto howl saxaafadeed , saakay markii magaalada Muqdisho lagu soo toosay in jidkii u dhaxeeyay Muqdisho iyo Afgooye go'an yahay ayey waxey ku dhaqaaqday in ay wax ka ogaatao sababta kaliftay in wadadaas xiran iyadoo leysla dhexmarayaay in ay baabuurta sameeyeen shaqo joojin iyo in kooxaha hubeysan ee isbaarada meelo badan ka dhigtay in ay ayaga gooyeen. Wariye Duniyo Muxyadiin ayaa waxay saakay kasoo dhaqaaqday xarunta idaacadda Capital voice oo ka tirsan shirkadda warbaahinta Horn Afrik waxayna idaacadaasi ka aheyd soo saare Barnaamij lagu magacaabo MUQDISHO IYO MAANTA kadib markii ay idaacadda kasoo baxday ayaa waxa ay soo qaadatay gaari yar nooca Karoolaha Loo yaqaano iyadoo dooneysay in ay warbixn kasoo dirto Xaaladda wadada isku Xirta Muqdisho iyo Afgooye oo Maanta aheyd mid xiran oo ay shaqo joojina ku dhaqaaqeen darowalada wadadaasi ka hawlgasha. Wariye Duniyo waxa la socotay wariye kale oo ka tirsan Idaacadda Horn Afrik oo lagu Magacaabo Canab Maxamuud Yare, waxay sii marayeen wadada kontoroolka iyagoo meesha maraya ayaa mar qura xabad lagu soo furay wallow ay jiraan warar kale oo leysla dhex marayo, si kastaba ha ahaatee markii ay xabaduhu soo fureen ayaa waxay ku dhacday Xabadii wariye Duniyo Muxyadiin Nuur kadibna sidaa ay nafta uga baxday durbadiina waxaa loola soo cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho lakin teeda ayaa soo gashay oo wax waa laga qaban waayay xaaladeeda. Banaanka Isbitaalka ayaa waxaa soo Buux dhaafiyay wixii Suxufi sheegtay oo ku sugnaa Gudaha Magaalada Muqdisho iyagoo aad iyo aad ay uga muuqatay in ay ka xun yihiin dilkan loo geystay Gabadhan wariyaha aheyd Duniyo Muxyadiin Nuur. Waa wariyihii labaad oo xabad lagu dhuftay muddo bil ah gudaheeda iyadoo todobaadyo dhowr ah ka horna xabad lagu dhuftay wariye Cabdalla Nuradin oo ka tirsanaa Idaacadda Horn Afrik. Dhamaan bahda Midnimo iyo Radio Banaadir waxey canbaareynayaan dilka xad gudabka ee loo geestay marxuumadaas iyo dhamaan falalka xariga, handadada, cabsi gelinta iyo awood u sheegashada lagu hayao saxufiyiinta xurta ah, waxaan tacsi u direynaa waalidkii, eheladii, bahda saxaafada iyo dhamaan umaada Soomaalaiyeed waxaanu leenahay in uu Illaha samir iyo Iimaan naga siiyo marxuumadana Janadii fardowsa Ilaaha ha ka waraabiyo Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Midnimo Information Center wararka@midnimo.com -
Gabar saxafiyad ah oo lagu Dilay Kontorolka Afgoye iyo Isbaarooyikii oo ku Batay Wadada isku Xirta Afgoye iyo Muqdisho E-MAIL THIS PRINT THIS Liibaan Cabdi Cali Malayshiya Waxaa maanta istaagay isu socodkii gawaaridi u kala goosheyay magalaga Muqisho iyo Afgoye ka dib markii ay bateen isbaarooyinka teedsan intas udhaxaysa Muqdisho iyi Afgoye gaadiidleyduna ay awoodi waayeen in ay bixiyaan qarashka isbaarooyinkaas Isbaarooyinkan yaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgoye ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 12 isbaaro. Wadada iskuxirta labadaas magaalo waxa uu dherarkeedu yaryahay 30kg, waana mid kamid ah wadooyinka loogu isticmaalka badanyahay gobalada konfureed ee somaliya. Dhinaca kale kooxo gaadiidley ah oo ka gadoodsan isbaarooyinka ayaa waxa ay dileen gabar saxafiyad ah oo ka shaqeyneysay Idaacada Horn Afrik laguna magacaabo Duniyo Muxidiin Nuur ,ayadoo markaa ku sii jeeday in ya wax kasoo ogaato arimaha ka jira wadadaasi waxaana gabadhan allaha u naxariistee lagu dilay kontoroolka Afgoye saaka
-
Gen Morgan Interview...Barre Hiiraale is on the run
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ You spent all that time to get an article I forwarded That is what "Morgan" said and posted on a Somali website. I am neither morgan nor do I own that website. It seems your desperation is getting the better of you cousin. One must never mistake reporting on current issue as the Duke does as an activity remotly comparable to defending and singing the prais of roadblock owners and drug dealers as you do.. -
22,000 Army for Somalia + Deputies for Mog Banadir
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Kuxigeenada Gud/Duqa Magaalada Muqdisho oo Maanta la magacaabay Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Maanta Wareegto uu soo saaray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geeddi ayaa lagu Magacaabay kuxigeenada Gudoomiyaha iyo duqa Magaalada Muqdisho waxayna gaarayeen ilaa iyo 3 Guddoomiye Kuxigeen uu yeelanayo gobolka Banadir. Wareegtadani kasoo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa Saxaafadda u aqriyay Wasiirka warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliyeed Maxamed Cabdi Xayir (maareeye ) wuxuuna wasiirka Magacyada ku sheegay sida tan :- Cali Maxamed Cali (Ugaas Cali) Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir ee arimaha siyaasadda iyo dib u heshiisiinta. Maxa’ed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banadir ee arimaha nabadgelyada. Dr.Maxamed C/qaadir Maxamed. Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir ee arimaha dhaqaalaha iyo maaliyadda Mas’uuliyiintan la magacaabay ayaa waxa ay yihiin mas’uuliyiin horey uga soo shaqeysay Maamuladii hore ee Gobolka Banaadir waxayna iminka ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Midnimo Information Center wararka@midnimo.com -
Urgent: Whats the time difference between London MPLS
General Duke replied to General Duke's topic in General
^^^ Yeah but in the UK we are GMT+1 or British Summer time.. So its still 6 hours behind... Yeah Mizz its 09.30 in MPLS now -
Urgent: Whats the time difference between London MPLS
General Duke replied to General Duke's topic in General
^^^ Hadaad, many thanks bro. MPLS time is 6 hours behind the UK one. Again many thanks brother.. -
I am wondering how many hours is between London UK and MPLS Minnesota?? when it is 12.00pm MPL's time what is it in the UK?? Many thanks
-
Garowe district local council completed + Mayor elected
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Degmada Garoowe oo noqotay tii ugu horaysay ee yeelata Golaha deegaanka 29-ka degmo ee Puntland Posted to the Web Jun 02, 15:09 Garoowe:-Golaha deegaanka Degmada Garoowe, ayaa maanta kulankoodii ugu hareeyay ku yeeshay hoolka Shirarka Jaamacada Garoowe ee (PSU), waxaana halkaas goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah labada Gole ee dawlada Puntland, maamulka gobolka Nugaal iyo Guddiga Doorashooyinka Golaha deegaamada Puntalnd. Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland, Dr. Siciid Jaamac Qoorsheel, ayaa ugu horayntii naadiyay Liiska magacyada Golaha deegaanka ee Degmada Garoowe, qofkastaana marka la naadiyo magaciisa oo sadexan, ayuu u istaagaayay fartana kor u qaadayay, waxaana goobtaas fadhiyay 26 ka mid ah 27 xubnood ee uu Golaha Degmada Garoowe ka kooban yahay, waxana halkaas ka maqnaa hal xubin ah oo aan la sheegin meesha iyo sida ay ku maqan tahay toona. Wasiirka Wasaarada Dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga, Cali Cabdi Awaare, ayaa ugu horayntii mahadnaq u jeediyay dadka ku nool Caasumada Garoowe, wuxuuna ku ammaanay in ay Garoowe noqotay halkii ugu horaysay ee si rasmi ah looga soo dhiso 29ka degmo ee Puntland. Mr. Awaare, ayaa Golaha u sheegay in ay maalinimada sabtida ah ee inaku soo fool leh ay dhici doonto doorashada Guddoomiyaha Golaha Degmada ahna Duqa Degmada Garoowe, iyo kuxigeenkiisa. Qaabka loo codaynayo ayuu ku sheegay mid gacan taag ah oo aan qarsoodi ahayn, wuxuuna sheegay in xeerka Doorashada ee Golaha deegaanku uu sidaan qabo ee aysan ah mid isaga jeebkiisa kala yimid. Wasiirku, wuxuu sheegay in wakhtigaan laga billaabo uu hawsha la wareegayo ninka ugu da’ada wayn ee Golaha, uuna Guddoomiye u noqon doono Golaha inta aad ka dooranay saan Guddoomiyaha rasmiga ah iyo kuxigeenkiisuba. Mr. Awaare, Wasiirka Wasaarada horumarinta reer miyiga Cali Cabdi Awaare, wuxuu sheegay in dawlada dhexe aysan magacaabayn xilkana ka qaadayn Duqa Degmada, hase ahaatee, uu Goluhu doonaranayo xilkana ka qaadayo, hadii uu xumaado inta lagu gudajiro mudada 4 sano ah, waa idiinka cida ka qaadaysa xilka ama u kordhinaysa hadii ay dhammaato 4 sano oo uu wanaagsanaado ayuu yiri. Cali Cabdi Awaare, wuxuu Golaha deegaanka ku booriyay in ay noqdaan kuwo ku dayasho mudan, ayna ilaaliyaan nidaamka iyo ismaqalka, si loo guto waajibaadka ina saran. Wuxuuna intaas ku daray in Golaha Deegaanka ee Degmada Garoowe, uu yeelan doono abaal marin hadii sidaan ay hawshu ku dhamaato. Intaas kadib, ayaa waxa noqday Ninka ugu da’da wayn ee Golaha Deegaanka Degamada Garowoe, Cali Garaase, isaga ayaana shirguddoomiye u noqon doona Golaha ilaa maalinimada sabtida ah ee fooda inaku soo hayso oo la dooran doono Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Garoowe. Axmed C/salaam Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya Contacts:loole25@hotmail.com Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan -
Garowe oo yeelatay Guddoomiyihii ugu horeeyey ee lasoo doorto Garowe :- Magaalada Garowe ayey shalay ka dhacday doorashada Gudoomiyaha degmada ama Duqa magaalada iyo kuxigeenkiisa. Doorashadan ayey isu soo taageen labo musharax oo u tar tamayey jegada Guddoomiyaha degmada iyo hal musharax oo isu soo taagay jegada kuxigeenka. Labada nin ee ku tartamay guddoomiyaha degmada ayaa kala ahaa Cabdisalaan Xassan Xirsi Gujir iyo Cabdirisaaq Daahir Cabdulle . Doorashadan ayaa ah mid ay codkooda ku dhibanayeen Golaha degmada Garowe oo ka kooban 28 kursi. Doorashadii shalay ayey u codeeyeen 18 xubnood oo kamid ah golaha Degmada Garowe, kuwaasi oo markii ugu horeysay doortay Guddoomiye si codbixin ah ku yimaada. Cabdisalaan Xassan Gujir ayaa asagu si weyn ugu guuleystay doorashada asagoo markaa helay 15 cod oo kamid ah 18kii kursi ee codka bixiyey. Guddoomiye kuxigeenka ayaa asaguna loo doortay Axmed Yassin Ciise oo asagu aan helin wax la tartama. Doorashadan ayaa ah tii ugu horeysay oo ay qaadaan Golayaasha degmooyinka oo dhismahooda laga hirgeliyey Puntland. Magaalada Garowe ayaa ayadu ah mida ugu horeysa oo yeelata Golaha degmada kaasi oo noqon doona mid awood u yeesha arrimaha muhiimka ah ee degmada walba. Guddoomiyaasha degmada ayaa ah kuwo horey loosoo magacaabi jiray oo uu Madaxweynaha awood ullaahaa, balse tan iyo intii uu maamulka Gen.Cadde Musse xilka la wareegay arrimaha ugu horeeya ee la badalay ay tahay in guddoomiyaasha degmooyinka laga soo doorto golaha degmada oo ah mid ay shacabku iska soo dhex saareen. C/risaaq Shiino HorseedNet.com Garowe, PL Somaliya
-
22,000 Army for Somalia + Deputies for Mog Banadir
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ra'**** wasaaraha Xukuummadda FKMG ah oo Xilal u magacaabay Gobolka Banaadir Posted to the Web Jun 05, 11:11 Nairobi:-Ra'iisal wasaaraha Xukuumadda FKMG ah Cali Maxamed Geedi ayaa Digretto qoraal ah uu ku saxiixnaa,soona baxday saaka waxa uu Ma'suuliyiin ugu magacaabay Gobolka Banaadir,taasoo qayb ka ah dhamaytirka Maamulka Gobolkaasi,iyadoo Xubnihii Xilalka loo magacaabay ay kala ahaayeen:- 1-Cali Maxamed Cali Ugaas -Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Gobolka Banaadir 2-Maxamed Cismaan Cali -Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Nabadgelyada ee Gobolka Banaadir 3-Maxamed C/qaadir Maxamed -Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Gobolka Banaadir Magacaabista xubnahan ayaa waxay ku soo beegantay wakhti Dawladda FKMG ah diyaargaraw u jirto sidii dalka loogu guuri lahaa,iyadoo war rasmi ah oo aan ka soo xiganay Wasiir ka tirsan Xukuummadda FKMG ah uu shaaca ka qaaday in la fasaxi doono Xildhibaanada baarlamaanka muddo labo bilood ah,islamarkaasna labadaas bilood gudahooda lagu soo dhamaystiri doono Maamul u sameynta Gobolada iyo Degmooyinka dalka. Cali Maxamed Geedi ayaa waxa uu hore u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Magaalada,iyadoo sidoo kale Jagooyinka loo dhiibay Ma'suuliyiin ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo Guddoomiyaha Maxkammadda sare. Warar hoose oo ka soo baxaya dib u guuritaanka dalka ee Dawladda FKMG ah ayaa waxay sheegayaan inay Golaha wsiirada iyo Ra'iisal wasaaruhu fariisin ka dhigan doonaan Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo Puntlandpost,Nairobi,Kenya -
Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Federaalka Soomaaliyeed iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa u soo bandhigay Madaxwaynaha in la qoro 22.000 oo Ciidankii Qaranka ah iyadoo loo kala qaybinayao dhamaan Gobolada Dalka. :: (422 Reads) Posted by webmaster on Saturday, June 04, 2005 - 02:44 AM Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliyeed iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka ayaa Madaxwayne Yuusuf waxa ay u soo bandhigeen in la diyaariyo Ciidankii Qaranka.Ciidanla la diyaarinaayo ayaa waxa ay yihiin 10.000 oo Boolis ah iyo 12.000 oo Daraawiish ah ama Milatari oo uu Dalku Yeelanayo, Ciidamadan ayaa waxaa la sheegay in Gobolada Dalka Dhamaan loo kala qaybiyay in ay qaybsadaan oo laga qoro. Magalada Muqdisho ama Gobolka Banaadir ayaa ugu badan Meelaha ciidanka laga qorayo ama laga keenayo. Raysul Wasaare Geedi ayaa isagu la sheegay in uu Xafiis wayn ka furan doono Magaalada Muqdisho kaasoo isku xiri doono Magaalooyinka kale ee Dowladu ay dagidoonto ama ay ku siinagaandoonto inta Magaalada Muqdisho la nadaaminayo. Waxaa Dowlada Loo ogolaaday ama Beesha Caalamku ay u diyaargaraysay dhamaan Dhaqaalihii lagu Howlgali lahaa iyadoo wali lagu jiro Qaban qaabadii Guuritaanka.
-
^^^^My hero and saviour , alas one seems to mistake one for a supporter of road block owners. I have always defended the right of the people of Kismayu to be free from the JVA. Yet I also belive that the General was the reason behind much of the troubles in Kismayu and the Juba.He made numerous bad decesions. Counterflow, my dear. the angel of death will visit every soul thats the eternal truth. If Morgan dies in Mog or in Los Angeles he is a mortal and thus will taste death when his time comes.