
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
our dear brother shidane arone causes heated debate in canada
General Duke replied to Sky's topic in Politics
Shidane Arone’s case has sparked a tumultuous debate in the Canadian War Museum. When one sees the victim’s image in the media, one gets sick and saddened. The image speaks for itself. A Canadian soldier inhumanely victimized the boy in his hometown of Beletweyne, Hiiraan, Somalia, in 1993. While Some Canadians say the portrait should be excluded from the Museum’s collection, other Canadians say the portrait ought to be part of the Museum’s holdings. Sad indeed... -
^^ Indeed we are going around in circles. Keep your identity not interested really As for the post what did you think of it? The first one about Mogadishu was quite interesting it blows away the myth that the people of Xamar are against the government and the parliment decesion with regards to troop deployment. Whats your say on that or did you mistake this place for the general section
-
Sooner than expected, we will have a new recognized Somaliland "nation-state" and a new revolutionary coalition consisting of all somali clans will form a new Somali government seated and functioning in Mogadishu. The EU and US will prop a new Somali Karzaai. He is already being groomed in DC. This is in the making folks!. I must say that is some creative writing, Somaliland will be recognised and a new Karzia will appear at the same time. Wonderful stuff indeed, for a minute there I mistook you for the editor of Waagacusub.net… Again why not comment on the topic instead of just giving us that baseless drivel and foolish laymen gossip.
-
Ciidamadii AU-da oo si Deg-Deg ah Soomaaliya Tagaya Wakiil u hadley Guddiga Amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegey in Soomaaliya la Geynayo ciidamo ka socda Uganda iyo Sudan oo gaaraya 1700 oo askari. Sidoo kale Ra’ssiul wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa isaguna cadeeyey in Dawladdu Soomaaliya u guureyso dabayaaqada Bisshaan haddey helaan Ciidamo iyo haddii kaleba. Warar kale oo iyagana la helayo mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Soomaaliya ayaa cadeeyey in Dawladdu u guureyso magaalooyinka Baydhdabo iyo Jawhar oo in muddo ah afka lagu hayey. Magaalada Baydhabo ayaa waxaa gacanta ku haya Xaabasade oo isagu kasoo horjeeda in Dawladda la keeno Baydahabo, waxaase jira warar sheegaya Sheekh Adan Madoobe iyo Shaati Gaduud iney damacsanyihiin iney xoog ku qabsadaan magaalada, sida warku sheegayana waxey ciidamo ku ararsanayaan meel aan saas uga fogeyn magaalada Basydhabo. Si kastaba ha ahaatee waxaa lagama maarmaan ah in Dawladdu Soomaaliya dib ugu laabato lagana maarmo baryada Hogaamiyayaasha Muqdisho oo aan marnna dooneyn in xasilooni ka dhalato oomaaliya. Mudugonline.com
-
^^ I am enjoying what? Two articles you dont like and you mention my adeero, whats that all about. Have you anyhting to say about the articles, did you find them amusing or thought provoking were they any good? Just posting any old nonsence wont do, dear as for my uncle he is the President of Somalia now you cannot just visit kapish
-
^^^ Horn old man. what I am trying to do here is simple educate some folk, and as you know all the posts back up my posution. No need making statements without any facts. For example you say the government is divided, yet the fact is the PM, President, Cabinet and 152 MP's are all on the same side. Xoogsade says the government is not welcome in Xamar, yet Mogadishu welcomed the PM with open arms and there are many articles as one posted earlier which constradicts the assumption that Xamar is anti government... Some claim that the warlord/ministers will bring security, one month on and they have collected 17-20 old technicals, no compromise even between themselves on who should lead and what structure to take, also not one road block moved. Sharif is popular they say, he goes to Xamar angry with 5MP's. How popular is he??? Read the posts Horn and dont just be angry at the Duke, remember I am your friend..
-
Jeeri iyo Qubanaha maanta; AAMIIN DHAHA DADWEYNOW !! iyo Sheekaysigii oday Nuur iyo adeer Axmed - Sunday, May 08, 2005 at 22:52 AAMIIN DHAHA DADWEYNOW !! Allow kuwii fursadii u dambeysay ee Federaalka ka faa’iideysta naga yeel…Aamiin. Allow madaxda cusub ee Soomaalida kuwii Kitaabka ay ku dhaarteen ka dhabeeya ka yeel… Aamiin. Allow dagaal oogayaashii hore ee hadda darajada helay kuwii daacadda ku dadaala ka yeel… Aamiin. Allow shuushka iyo shakiga yar ee ka dhex jira labada Gole shafaacullaahi ka yeel… Aamiin. Allow inta yar ee nabadda iyo nidaamka diidan kuwo naga qabta noo keen… Aamiin. Allow beledka burburay ee Baadiyaha noqday bilicdiisa soo celi… Aamiin. Allow intii qaxday ee qurbaha qaxootiga ku ah qoomki soo laabta ka yeel… Aamiin. Allow hooyadii fanka iyo hanuuniyeyaashii Heegan ay dib noogu heesaan… Aamiin. Allow Booliski budka sitay iyo bakooradihii barxaddii Yoobsan dib noogu soo celi… Aamiin. Allow Jardiinki Jubba iyo jiifkii Curuba dib loo joojiyaa… Aamiin. Allow Raadiyadan iska reed hadlaa hal run sheega nooga soo reeb… Aamiin. Allow Maxkamado Garsoor iyo Markaatiyaal mudaca dib noogu soo celi… Aamiin. Allow Xildhibaanada xafaarowga iyo xariiftanka ka xalaaley… Aamiin. Allow Dunida iyo deriski noo dadaalay kuwi darajeeya naga yeel… Aamiin. Allow Soomaalida silaca iyo seefta lagu sur goynayo saldanadoodii soo celi… Aamiin. Allow Soomaalida soohdimaheeda sunta lagu shubaayo sharci ka ilaaliya noo sahal… Aamiin. Allow adduunyiyo aakhiradeenaba noo gargaar… Aamiin. ODAY NUUR IYO ADEER AXMED (Tuugti isbaarada u tiil…waa tashteen waana soo tageen) Oday Nuur: Haye, Adeer Axmed ahaa ma nabadaa kuma lihiye xey tahay tuutahaan cadaaday ood soo gashatay? Adeer Axmed: Tuutahaan waa astaanta heeganka ahe loo gelaayo nabadeynta Muqdisho. Oday Nuur: Yaaya, ma nabadeynta Muqdisho oo isbaarooyin iyo dhaca ku soo badaayaanaa heegan loo gelaa. Adeer Axmed: In howsha adag loo guntado iyo waliba daafaca Qaranka weeye in heegan loo galo oo loo halgamo. Oday Nuur: Ma dowladda Muqdisho u soo socotaa caasimada laga difaacaa? Adeer Axmed: Yaa…war waad ogtahay in xubnaha labada Gole ay magacaabeen 25-xubnood oo u gogol xaara nabadeynta caasimada. Oday Nuur: Horta Istaadiyo Muqdisho iyo xarunta Xisbiga 12-ka April ma maalinta xooga dalkaa lagu xusaayay mise dhoolatuska hoggaamiyeyaasha Muqdisho tiknikada ku lahaa ka jiray? Adeer Axmed: Haa, oo waliba waxaa lagu shirbay: Taageerayaashi heer Tigree…Waa tunteen waana toosiseen. Oday Nuur: Dhinaca Safari Barkina waxaa looga shirbay: Tuugti Isbaarada u tiil…Waa tashteen waana soo tageen. Adeer Axmed: Ka gudube waa maxay Ciidanka heeganka ee geeska Afrika? Oday Nuur: Kuwaas Bishan dhexdeedaa arkeysaahe iiga waran dagaalada Gaalkacyaad ka war heysaahe?. Adeer Axmed: Xabbad joojin baa lagu baaqay iyo in dagaalada la joojiyee mala socotaa in Ciidamada Dooxada Jubba heegan la geliyay? Oday Nuur: Dooxada Jubba xoog uma helee ma fiirseysay ciyaarihtii dhex martay Chelse iyo liverpol? Adeer Axmed: Chelse iyo liverpol-na waa maxay? Oday Nuur: Meeqa sanaan wax baro ku lahaay, boobka iyo dhaca sii socomaayee iska jir Kaduudiyaha, jeebkana ha kuugu jirto dhowr Kun oo Gaari gacan kugu qaado. Maxamed Xasan Jeeri jeerigaarweyn@hotmail.com
-
^^^ If that even made sense. Did you even read the post or was you just following the Duke's shadow?
-
SHACABKA MUQDISHO OO SOO DHOWEEYAY GO'AANADII BAARLAMAANKA SOOMAALIYA IYO ANSIXINTII CIIDAMO U SOO DIRISTA SOOMAALIYA EE MIDOWGA AFRIKA [Warbixin dheer] Somaliweyn report Somaliweyn - Muqdisho -Somalia - 15/05/05 Muddo bil iyo maalmo ah ayaa ka soo wareegatay markii hoggaamiye kooxeedyada Wasiirada noqday ay u soo caroodeen magaalada Muqdisho oo xarun u ahayd, iyagoo markii ay yimaadeena Warbaahinta ka sheegay hadalo laga dareemi karo inay xanaaq iyo wax aanay raalli ka ahayn ay kala kulmeen madaxda iyaga ka sareysa, sida Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha, taasoo rajo xumo ku sii abuurtay miradhalka Xukuumada Federaalka iyo sida ay awood ugu yeelan karto guud ahaan wadanka oo dhan shacabka Muqdisho oo markii horeba ay afduubka ku heysteen. Wasiirada Ganacsiga, Dib u dhiska, Ammaanka iyo hub ka dhigista iyo maleeshiyooyinka iyo waliba Xildhibaano dhowr ah oo iyana magaalada Nairobi uga soo tegay mucaaradnimo soo jireen ah oo ay u qabaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa hore u soo raacay, kuwaasoo fariisin KMG ah ka dhigtay xaruntii Xisbiga ayaa shirar u socday muddo bil ku dhow kaddib maanta soo saaray go'aano ay ka mid yihiin: 1 Inay xareynayaan maleeshiyooyinka hoos yimaada. 2 Inay dibadda magaalada uga saarayaan maleeshiyooyinka iyo hubka ay heystaan, isla markaana xerooyin gaar ah ku ururinayaan. 3 In goobaha ay isbaarooyinku ka yaalaan magaalada Muqdisho ka qaadi doonaan iyo qodobo kale. Mid ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo Muqdisho degan isla markaana magaciisa qariyay sababo ammaankiisa la xiriira darteed ayaa weriye ka tirsan Shabakadda Somaliweyn mar uu uga waramayay ololahan ay wadaan Wasiirada ka fallaagoobay Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya horena u ahaa hoggaamiye kooxeedyadii ku dagaalamayay Muqdisho waxa uu sheegay in marka hore ay tallaabadani tahay mid laab la kac ah oo ku dhalisay hoggaamiyeyaashan markii laga hor yimid inay iyagu u meyriyaan tallaabada ay qaadayaan madaxda iyaga ka sareysa, taasina ay keentay inay u midoobaan sidii ay afka dhulka ugu gelin lahaayeen Xukuumada cusub haddii ay dalka timaado gaar ahaan magaalada Muqdisho. "In kasta oo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho si aad ah uga dheregsan yihiin halka u dambeyn doonta ololaha ay ku xiiqeen hogaamiyeyaasha sida ay ku sheegeen inay ku nabadeynayaan caasimada Muqdisho, ayaa waxaan shacbiga kale ee ku dhaqan Caalamka waxaan u caddeyneynaa haddii aanu nahay aqoonyahanadii Muqdisho in shacabkeenu maanta u baahan yahay gargaar dhinaca nabadgelyada in lagu taageero Xukuumada Federaalka iyo sidii ay Muqdisho ku imaan lahayd, waxaana shacabka Soomaaliyeed kuwooda maskaxda laga qaldayo u sheegayaa inuu dhammaaday xilligii qabiil iyo qof jecleysi lagu dhaqmi jiray, loona soo jeestay in dib loo soo celiyo Qaranimadii iyo kala dambeyntii lagu yaqiinay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, KURSIGA NAMA DEEQEE CADAALADU HANA DEEQDO!" ayuu yiri Aqoonyahankaasi oo aan weydiiyay su'aal ku saasaneyd waxyaabaha ku kalifay inuu ka hor dhaco dadaalka ay guda galeen hoggaamiye kooxeedyada Wasiirada noqday. "Waxaan aaminsanahay in 85-Tikniko ah oo ay hoggaamiyeyaashani iska soo ururiyeen aanay waxba ka qaban karin sugida ammaanka caasimada, waayo hoggaamiyeyaashan dantu mideysay waxay ku heshiin waayeen inay caasimada maamul u sameeyaan, waana sababta keentay in madaxda sare ee Xukuumada Federaalka ay runta indhaha ka saaraan hoggaamiyeyaashan waxayna baraarugeen markii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf caddeeyay inaanu caasimada tageynin, isla markaana Xukuumadiisu aanay megen u noqoneyn maleeshiyooyinka beelaha, sidaas darteedna ay taageeraan go'aanka dalka lagu keenayo Ciidamo Afrikaan ah oo Xukuumada kala qeyb qaata fulinta qorsheyaasheeda kala duwan, taasna sida muuqata hoggaamiyeyaashani ma doonayaan, waayo haddii Ciidamo Afrikaan ahi dalka yimaadaan waxaa dariishada ka baxaya gorgortan dhinaca awooda ah oo ay la geli lahaayeen Xukuumada iyo Isbaarooyinkii kharashka faraha badan ka soo geli jiray oo isna Ciidamadani cagta marinayaan" ayuu sii raaciyay Aqoonyahankan. Dhinaca kale inkasta oo qodobada ay ka soo saareen kulamadii baryahan u socday hoggaamiye kooxeedyadaasi aanay weli ficil u bedelin oo weli ku eg uun afka baarkiisa, ayaa hadana dadweynaha Muqdisho waxay arrintan ka bixiyeen fikrado dhowr ah, halka qaarkood ay kaba quusteen in hoggaamiyeyaashan ay u horseedaan tallaabo badbaado u noqon karta inta ka hartay gumucyada rasaastii ay isla dhacayeen muddo ka badan 13-sanadood, sidaas oo ay tahayna fikradaha labada dhinac ee shacabka ayaa iyagu marka loo eego kuugu muuqanaya kuwo isku dhow. Labada dhinac ayaa mida hore fikradeeda ay ololahan ka socda Muqdisho ka aaminsan inay tahay dagaal siyaasadeed oo hoggaamiyeyaashan dantu bidday inay u boolo xoofteeyaan dadka reer Muqdisho ee niyad jabka iyo rajo xumada deriska u noqday iyo waliba inay qaldaan indhaha beesha Caalamkaka, mar haddii ay iyagu yihiin kuwa caqabada ku ah helitaanka Qaranimadii luntay ee Soomaaliya, xasiloonida iyo kala dambeynta ayna tahay wax iska cad in hoggaamiye kooxeedyadan iyo kuwo kale oo iyana baryahan afkooda ka dhowrsan waayay inay habeen iyo maalin ka dacaayadeeyaan FM-yada danaha gaar ahaaneed loo abuuray, walow inta badan Idaacadahaasi ay Mashruucooda gaarka ah ku soo darsadeen maalmahan inay buunbuuniyaan kooxaha fara ku tiriska ah ee ka soo horjeeda dib u soo celinta Qaranimadii Soomaaliyeed, waxaana la oran karaa dantoodu waaa isku mid kooxahan iyo kuwa milkida u leh Idaacadahan. Arrintu si kastaba ha ahaatee dadka Muqdisho kuwodaa rajo xumada iyo quusta ka muujiyay dadaalada hoggaamiye kooxeedyada hubeysan ee Muqdisho ayaa salka uga dhigaya sida ay buuq la'aan macquulka ku noqon karto haddiiba ay kooxahani dhab ka tahay hadaladooda sida ay caasimada Muqdisho uga fulin karaan howshan baaxada leh, mar haddii heshiiska ay qolka u soo xirteen uu iyaga ku kooban yahay, isla markaana aan laga qeyb gelin dhinacyada Xuseen Caydiid, Bashiir Raage, C/qaadir Beebe iyo maleeshiyooyin beeleedyo dhowr xarun isbaaro ku leh Muqdisho, waxayna dadka u kuur gala arrimaha siyaasadeed ay tallaabada hoggaamiye kooxeedyadan ku tilmaameen inay tahay mid aan loo fadhin. Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay dadka reer Muqdisho welwelka iyo rajo xumada ay ku beereen qabqablayaasha Wasiirada noqday waxaa u barbar socday isla markaana rajo xumadaas ay qabeen ka difaacayay sida ay u soo dhoweeyeen uguna farxeen go'aankii Golaha Baarlamaanku ku gaaray labada qodob oo muhiim u ah Xukuumada Federaalka iyo dib u soo celinta Qaranimadii Soomaaliyeed kuwaasoo kala ahaa: In dalka la keeno Ciidamo 1700 Askari gaaraya kana socda dalalka Suudaan iyo Uganda iyo go'aankii kale ee Midowga Afrika ku ansixiyay kuna ogolaaday in Soomaaliya loo diro Ciidamadaasi, iyadoo wax ka yar 24-saac gudahood markii uu soo baxay go'aankii Baarlamaanka ay si aad ah u soo dhoweeyeen dadweynaha Muqdisho, waxaana mar aan la kulmay Caaqil Maxamuud Cali Jimcaale [Koogaar] oo Guddoomiye u ah Golaha isku xirka bulshada iyo shacabka G/Banaadir si weyna looga yaqaan dalka uu ii sheegay in markii ay maqleen ay shacabku si aad ah ugu farxeen, taasoo uu sheegay inay shacabka Gobolka Banaadir sameyn doonaan bannaanbaxyo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin tallaabada horumarka leh ee ay hore u qaadeen labada Gole ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya. Waxaa kale oo jirta iyana doodo kale oo ka imaanaya dhinacyada bulshada ku dhaqan G/Banaadir kuna saabsan Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Shariif Xasan Sh. Aadan ku gooni yeelay inuu bannaanka ka istaago isla markaana ka caado yeesho inuu had iyo goor ka dhega adeygo dalabyada ka imaanaya Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha ee looga baahdo inuu Baarlamaanku fuliyo howshiisa, hase yeeshee dooda arrintan ayaa isugu soo biyo shubatay inay shacabka Gobolka Banaadir yiraahdaan "Barasho wanaagsan Md.Shariif", oo markoodii hore u heysteen inuu labada Gole dhexdhexaad ka yahay, hase yeeshee ay cadaatay inuu dhinac u batay, markii loo fiiriyo tallaabooyin hore oo Shariifka taariikhda u galay, hase yeeshee ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho waxay si ka sii daran markii ay soo dhoweynayeen Ra'iisal Wasaarahooda u soo dhoweyn doonaan marka ay Xukuumadu u soo guurto caasimada dalka iyo imaatinka Ciidamada Afrikaanka ah, halka ay fareejada dhinaca kale u shidan doonaan kooxaha tirada yar ee baryahan ku owr kacsanaya heybta qabiil iyo inay maqaarka meelo daloola ka fiiriyaan halka ay ku jirto maslaxada arrimaha Soomaaliya. Waxaa Diyaariyay: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra) jabriil@journalist.com
-
Baaq ka soo baxay Guddiga Nabbada oo taageeraya Bayaanka Golaha Isimada Sool, Sanaag iyo Ceyn Posted to the Web May 15, 13:06 Laascaanood:-Baaq ka soo baxay Guddiga Nabbada oo taageeraya Bayaankii ay soo saareen Golaha Isimada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa noqol saxaafadeed soo gaarsiiyeen Warsidaha Puntlandpost qorbo joogta Sool,Sanaag iyo Cayn,wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u qornaa sidan: KU: Saxaafadda Madaxa banaan Sida aad la wada socotaan Guddiga Nabadda ee Qurbajoogta Sool, Sanaag iyo Hawd,waxay in muddo dheer ah ku hawlanaayeen sidii ay nabadi uga dhalan lahayd Goobaha ka tirsan Gobolka Sool ee colaaddu ka taagan tahay ee ay isku hor fadhiyaan labada ciidan. Guddiga Nabaddu, wuxuu aad isugu hawlay inuu isu keeno madax dhaqameeyada deegaammada ay colaaddu sida tooska ah u taabanayso, isagoo xiriir toos ah iyo mid dadban labadaba la lahaa isimmada deegaammadaas ee labada dhinac. Guddiga Nabaddu, isagoo wax walba ka hor-marinaya nabad-ku-wada noolaanshaha dadyowga deegaammadaas, wuxuu madax dhaqameeyada ku boorriyaa in ciidammada´is-horfadhiya la kala fogeeyo. Maadaama ay caddaatay in maamulka Soomaaliland uu ka cagajiidayo nabad ka dhalata gobolladaas, sida laga sheegay idaacadda BBCda ee ku saabsan habka shirka nabadda loo maamuli doono, waxaa Guddigani si buuxda u taageerayaa baaqii ka soo baxay Golaha Isimmada Sool, Sanaag iyo Hawd ee taariikhdiisu ahayd May 14, 2005. Guddiga Nabadda ee Qurbajoogta Sool, Sanaag iyo Hawd. Puntlandpost.com Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan
-
Updated news: Shariff arrives with 5 MP's + 17 broken technicals
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Hogaamiyayaasha Muqdisho ayaa isu Keenay 17 Tickniko ah' Meeshii laga Sugaayay 85' Halka Xaafadaha Magaalada Muqdisho ay u yaalaan Isbaarooyin. :: (61 Reads) Posted by webmaster on Sunday, May 15, 2005 - 09:33 AM Hogaamiye kooxeedka Muqdisho iyo xubnaha kamid ah labada Gole ee dowlada kana mid ah kooxaha hubeysan ee magaalada Muqdisho ayaa shalay markii ugu horeysay isku keenay tiro gaadiidka dagaalka ah. Gadiidkan loo yaqaan Tiknikada ayaa qeyb ka ahayd qorshaha nabadeynta magaalada Muqdisho oo ay iyagu iclaansadeen. Gawaaridan Tiknikada ah oo isugu jira nooca waaweyn iyo kuwa yar yar ayaa gaarayey 17 waxaana shalay la isugu geeyey stadium Muqdisho. Hogaamiye kooxeedka Muqdisho oo ay jirtay cadaadis kasoo fuulay beelahooda oo si weyn uga niyad jabay ayaa sameeyay wax u eg dhaq dhaqaaq laakiinse aan marna la aamini karin, Mar hadii Xaafadaha Magaalada Muqdisho dadka Soomaaliyeed Wali lacagaha Baada ah laga guraaayo. Tiradaan tiknikada ah oo horey loogu heshiiyey ayaan la keenin ayadoo heshiisku ahaa in 85 tikniko ah la keeno taasoo dadka badankiis ay u arkana in ay tahay is aamin daro ka jirta Hogaamiyayaasha dhexdooda. Isku wada duuboo Dadwaynaha Muqdisho ayaa iyagu ah kuwa sida goonida ah ay u taabanayso dhibaatada ay ku hayaan Hogaamiyayaasha Hubaysan ee Muqdisha jooga. Idamaale News -
Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKG Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo 5 Xildhibaan oo la socday ayaa ka dagay Maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dayniile. :: (95 Reads) Posted by webmaster on Sunday, May 15, 2005 - 09:04 AM Shariifka oo la sheegay in si caro leh uu ku gaaray goaanka ah in uu Magaalada Nairobi uga dhoofo ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka danbaysay ka gadaal markii uu ka dhaga adaygay codsiyadii uga imaanayay Madaxwaynaha DFKG, Mudane C/llahi yuusf Axmed iyo Raysul Wasaare Cali Maxamed Geedi oo iyagu si sharci ah u soo hordhigay Mooshin ay dalbadeen Xildhibaano gaarayay 152, Mooshinkaas oo uu Gudoomiyay ugu danbayntii Prof Maxamed Cumar Dalxa oo isagu ah Gudoomiya ku xigeenka Baarlamaanka. Si kastaba xaaladu ha ahaate Shariifka iyo 5Xildhibaan oo kale ayaa maanta Magaalada Muqdisho gaaray iyaga oo fulinayay Hishiisyo ay horey ula galeen Hogaamiyayaasha Muqdisho oo iyagu iskood isugu amray in ay Magaalada Muqdisho wax ka qabanayaan, taasoo Bulshada Soomaaliyeed ay u arkaan in ay tahay (Qowda Maqashii Waxna ha u qaban). Halka Raysul Wasaare Cali Maxamed Geedi uu u magacaabay Wax ka qabashada Magaalada Muqdisho Gudi uu Madax u yahay Raysul Wasaare ku xugeenka koowaad ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Xuseen Maxamed Faarax Caydiid. Xubanaha maanta Horay u sii Raacay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa ka mida Xildhibaano si shakhsi ah Mucaarad ugu ah Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane C/llahi Yuusuf Axmed Wasiirka Awqaafta iyo arimaha Diinta Cumar Maxamed Maxamuud(Filish) Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi Xildhibaan Zakiya Caamir Xildhibaan Caasha Axmed Xildhibaan Caa’isha Cabdi Sheekh. Waxaa iyana la sheegayaa in ay Shariifka horay u sii raaceen xubno ka mida Bulshada Soomaaliyeed oo iyagu horay ujoogay Magaalda Muqdisho, kuwasoo aan ka mid ahayn Xubnaha labada Gole ee DFKG. Idamaale News
-
^^^ No my noble kinsmen they do not. A couple of Dayniile.com article would only give confidence to me. Let me give one peace of info to you my dear boy. Hussain Aydeed +Furux, +Mohamed Dhere+Abdiqadir Beebe +Abukar Cadani= nothing can move in Xamar untill the government says so. Sharif and his bosse in Dayniile will not do nothing for one is a joke the other has minority guns.
-
^^^^ Compare and contrast to the REAL story... U.S. General Calls Somalia Terror Haven - Saturday, May 14, 2005 at 15:37 Somalia Has Become a Safe Haven for Terrorists in East Africa, U.S. General Says ADDIS ABABA, Ethiopia May 13, 2005 — Somalia is a safe haven for terrorists in East Africa and the government-in-exile is needed to restore law and order to the Horn of Africa nation, the commander of a U.S. counterterrorism task force told The Associated Press on Friday. U.S. Marine Maj. Gen. Samuel Helland, the commander of the Combined Joint Task Force-Horn of Africa, said in an interview from his headquarters in Djibouti that U.S. troops were working with Somalia's neighbors to improve their border security since U.S. pressure on the al-Qaida terrorist group in Pakistan and Afghanistan may force some members to seek refuge in East Africa. "Somalia is a safe haven, it is ungoverned space," Helland said. "We, the international community, have to do something to take away that safe haven." He said that it was imperative that the government-in-exile successfully asserts itself inside Somalia and introduces law and order. Somalia's government has been based in neighboring Kenya since it was formed in 2004 because the capital, Mogadishu, is considered unsafe. On Thursday, the African Union authorized the deployment of 1,700 peacekeepers to Somalia to help secure the transitional government as it heads home. The Ugandan and Sudanese troops will be deployed in the towns of Baidoa and Jowhar, where the government will operate temporarily, according to the AU's Said Djinnit. Somalia has been without a central government since clan-based warlords overthrew dictator Mohamed Siad Barre in 1991. Warlords then turned on each other, plunging the Horn of Africa nation of 7 million into anarchy. The government is opposed by Islamic extremists and some of the dozens of warlords in the country. Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi told the AP on Thursday that an al-Qaida terror cell was "very active" in Mogadishu, but that a Somali government was the best bet for dealing with the problem. Helland spoke to the AP as he prepared to end his one-year command of the task force. The Combined Joint Task Force-Horn of Africa, set up in Djibouti in 2002, is responsible for fighting terrorism in nine countries around the Horn of Africa: Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Sudan, Kenya, Tanzania, Uganda and Somalia in Africa and Yemen on the southwestern corner of the Arabian Peninsula. Source: ABC News
-
It seems desperate times call for desperate measures. Here is an example of the lies the people of Mogadsihu are being fed. “Ethiopia is coming†and “Abdullahi wants to kill us†have not been enough. The story below which is from waagacusub.net an ally of Dayniile.com which feeds the news of Hornafrique and which is inspired by the editor of the BBC/Somali section. US General “ we will bomb front line states if they enter Somalia†fantastic .............................................................. Taliyaha Ciidamadda Mareykanka ee Geeska Afrika oo sheegay inay duqeeyn doonaan hadii Ciidamo safka hore ee Igad ka socda u gudbaan Somaliya'Jeune Afrique. Paris Taliyaha Ciidamadda Mareykanka ee la dagaalanka Geeska Afrika fadhigoodana yahay Dalka Jabuuti ayaa wareeysi dheer oo uu siiyay Wargeyska ugu caansan kuwa ka hadla arrimaha Afrika ee ka soo faransiiska lana yiraa Jeune Afrique ku sheegay inay duqeeynayaan oo beegsanayaan hadii Ciidamo wato dabaabad oo ka socda dalalka safka hore Igad ka tilaabaan xaduudka Soomaaliya la leedahay dowladaha,Jabuuti,Kenya iyo Ethopia. Taliyaha oo u waramay wargeyskaas cadadkiisii 13/05/05 soo baxay waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in Soomaaliya ay ku tuhunsan yahiin kooxo mayal adag oo Al qaacida ah balse aysan jirin cid uga ah wakiil oo ay u dirsanayaan soo qabashadooda. Sarkaalkaas madaxda u ah Ciidamadda Mareykanka ee la dagaalanka argagixisadda Geeska Afrika,waxaa uu yiri,dowladda Mareykanka waxay mar hore si cad u shaacisay inaysan raali ka noqon doonin dowladaha deriska la ah ee Soomaaliya inay u kala hiiliyaan garabyadda is haya maadama la ogyahay in dowladahaas qaarkood la safan yahiin shaqsiyaadka madaxda ka ah dowladda Soomaaliya sidaas darteed ayaan amar buuxa ku qabnaa inaan duqeeyno hadii gaadiidka dagaalka ee cir iyo dhul u gudbaan xaduudka Soomaaliya ,wuxuuse sheegay in guud ahaan dalalka deriska la ah Soomaaliya ay ka mideeysan yahiin iska kaashadka Argagixisadda mayalka adag taas oo aysan micnaheedu ahayn inay iyagga si gaara ugu dhex fushadaan arrimo siyaasadeed oo u gooni ah. Mar uu ka jawabayay sida ay ka yeelayaan hadii Ciidamo ka socda dowladaha Uganda iyo Sudan Soomaaliya soo galaan ,wuxuu yiri anigu ma qabo in sahalkaas wax walba u fudud yahiin laakiin hadiiba ay dhaceeyso waa in marka hore ogolaansha buuxa laga siiyo golaha amaanka. Sarkaal da'ah oo ka mid ah Saraakiisha Mareykanka ee ku sugan Jabuuti kana soo qeeybqaatay xitaa dagaalkii Vietnam oo wareeysi siiyay Wakaaladda wararka ee AP ayaa waxa uu ugu yeeray dowladda dibad jooga ah ee Soomaaliya ugu baaqay inay guda gashaa hoowshii loo dhisay oo ay Soomaaliya ku soo celisaa amaankii,sharcigii iyo kala dambeeyntii si dalka u noqdo mid yesho cid lagula xisaabtamo. Jen.Samuel Helland oo ah sarkaal shahaado ka heeysta taliska dhexe ee Ciidamadda badda wuxuu si gaara farta ugu fiiqay in dowladda Mareykanka ay walwal iyo walaac weyn ka qabto Dalka Soomaaliya oo noqon kara mid hooy u noqdo argagixisadda ka soo carartay,Afganistan iyo bakistaan sidaas darteedna loo baahan yahay in la helo dowlad lagula xisaabtamo. Warkaan ka soo baxay labadda sarkaal ee Mareykanka ayaa ku soo aaday xilli Ra'isulwasaaraha Itoobiya sheegay inay kooxo argagixiso ah joogaan Muqdisho loona baahan yahay in laga sifeeyo. Xiriirka dowlada Mareykanka iyo xukumadda Itoobiya ayaa waayahii dambe aad u sii xumaanayay waxaana warkaan laga dhex dheehan karaa inuu yahay hanjabaad ku wajahan Ra'isulwasaaraha Itoobiya oo qorsheeynayo inuu Ciidamadiisa u diraa Soomaaliya si ay ugu qabtaan Cabdilahi yusuf Axmed oo baarlamaan dibad joog ah ku doorteen Nairobi 10kii oktobar ee kol hore. Waagacusub News asoj@hotmail.com
-
So Sharif left naked from Nairobi and landed in the arms of Qaynyare in Dayniile. How many are with him, now thats a very interesting question. I belive the figure is around 10 and his staff which makes it around 20 folks but no more than 10 MP's. I might be wrong but why dont they publish the names of all the names???
-
Guddoomiyaha baarlamaanka iyo wefti uu hoggaaminayo oo ka dhoofay Nairobi Posted to the Web May 15, 11:13 Nairobi:-Guddoomiyaha baarlamaanka FKMG ah Shariif Xasan Sh.Aadan iyo wefti uu horkacayo oo ka koobnaa 20-29 Xildhibaan oo ka tirsan Xubnaha baarlamaanka ayaa waxay ka dhoofeen 11:00 Subaxnimo Garoonka diyaaraha ee Wilson Airport ee Magaalada Nairobi. Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Xubnaha la socda oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Maxamuud Maxamed(Filish),Zakariye Maxamuud X.Cabdi,Cabdi Cabdille Siciid ayaa waxay u kicitimeen Muqdisho,waxaana Shariif Xasan shirjaraa'id oo uu ku qabtay Wilson Airport ku sheegay inay u socdaan dib u heshiisiin,islamarkaasna u tagi doonaan Caasumadda sidii loo dhiiro galin lahaa hawlaha nabadaynta ah ee socda,isagoo ku tilmaamay Go,aankii 11kii bishaan gaareen Xubnihii baarlamaanka ee uu shirgudoominayey Dalxa mid sharci darro ah. Hase yeeshee Wuxuu Guddoomiyuhu sheegay inaysan u tagi doonaan Muqdisho inay kala qaybiyaan Dawladda,isagoo tilmaamay inuu dib ugu soo noqon doono Nairobi si markaasi loo dhameystiro hawlaha dhiman balse mar wax laga weydiiyey inuu kulankii 17ka bishaan baarlamaanku la isugu imaan lahaa Mbagathi ka dhici doono Muqdisho ayaa Shariifku muujiyey inay ku xirnaan doonto kooramka oo buuxsama,islamarkaasna aysan doonayn inay burburiyaan Dawladda FKMG ah. Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa wuxuu ku eedeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyada FKMG ah inuu isku darsanayo awoodiisii iyo middii Guddoomiyaha baarlamaanka,islamarkaasna baarlamaanka fariisiyey,isagoo aan u marin habkii sharciga ahaa,taasina wiiqi karto hanaanka Soomaaliya loogu soo celinayo nadaamkii iyo kala dambeyntii. Xubnaha kale oo ka tirsan baarlamanka ayaa waxay wararku sheegayaan inay Muqdisho soo dhoofi doonaan Arbacada soo socota,iyagoo ku biiri doona Xubnihii ka koobnaa labada Gole ee ku sii sugnaa halkaas. Sikastaba ha ahaatee,Ku laabashada Guddoomiyaha ee Muqdisho ayaa waxay ku soo beegantay xili uu cirka isku shareeray khilaafkii u dhexeeyey Xubnaha sar sare ee Dawladda FKMG ah,islamarkaasna 11kii bisha kulan uu shirgudoominayey Guddoomiye ku xigeenka 1aad baarlamaanka Dalxa yeesheen Xubnaha baarlamaanka lagu ansixiyey inay dalka yimaadaan Ciidamo ka socda Suudaan iyo Uganda iyo inay Dawladdu ku hakato Magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar,kaasoo Shariif Xasan ku tilmaamay mid aan sharci ahayn . Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo Puntlandpost,Nairobi,Kenya
-
Hogaamiye kooxeedka Muqdisho oo 17 Tikniko ah isugu geeyey Stadium Muqdisho Muqdisho :- Hogaamiye kooxeedka Muqdisho iyo xubnaha kamid ah labada Gole ee dowlada kana mid ah kooxaha hubeysan ee magaalada Muqdisho ayaa shalay markii ugu horeysay isku keenay tiro gaadiid dagaal ah. Gadiidkan loo yaqaan Tiknikada ayaa qeyb ka ahayd qorshaha nabadeynta magaalada Muqdisho. Gawaaridan Tiknikada ah oo isugu jira nooca waaweyn iyo kuwa yar yar ayaa gaarayey 17 waxaana shalay la isugu geeyey stadium Muqdisho. Hogaamiye kooxeedka Muqdisho oo shalay intooda badan booqday goobtaasi ayaa sheegay in ay ka dhabeyn doonaan qorshahooda ayadoona ay jirtay cadaadis hogaamiyaashaasi kasoo fuulay beelahooda oo si weyn uga niyad jabay habacsanaantii lasoo gudboonaatay hawlahan todobaadyadii lasoo dhaafay. Tiradii tiknikada ee horey loogu heshiiyey ayaan weli la dhameystirin ayadoo heshiisku ahaa in 85 tikniko ah la keenay hadana ay diyaar yihiin wax aan gaareyn 20 tikniko ah. Balse tilaabadan ayaa ah mid si weyn ay shacabka magaalada usoo dhaweeyeen isla markaana ah midii ugu horeysay oo la taaban karo oo ay muujiyeen hogaamiyaashan. Hadaba tilaabada xigta ee hogaamiyaashan laga sugayo ayaa ah in ay maleeshiyooyinkaasi iyo tiknikadaasi ay hawlgalaan. Dadweynaha Muqdisho ayaa ayagu daneenaya in dhaq dhaqaaqan uu noqdo mid miro dhala oo magaalada ka dhiga meel xasiloon. Xaafadaha Muqdisho ayaan weli laga dareemayn wax is bedal ah ayadoona ay jiraan isbaarooyin weli u yaal hogaamiyaasha sheegay in ay nabad kusoo dabaalayaan magaalo madaxda Soomaaliya. Maxamed Cabdi HorseedNet.com Muqdisho, Somaliya
-
Warar la xaqiijiyey ayaa sheegaya in xildhibaan Furux uu gacan ula tagay Muuse Suudi ka dib markii uu ku yiri hadalo uu ka carooday. :: (285 Reads) Posted by webmaster on Saturday, May 14, 2005 - 11:33 AM Arrintan ayaa la sheegay in ay ka dambeysay kadib markii uu Furux geeyay dekedda Xamar raysul wasaaraha dowladda federaalka ah mar uu dhawaan booqasho ku tagay magaalada Muqdisho. Siyaasiyiinta joogta magaalada Muqdisho ayaa ku waramaha in masuuliyiinta ka tiran dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay ka gaabiyeen howshii ay isu xil saareen ayadoo la sheegayo in Qanyare iyo Safir ay ka fikrad duwan yihiin inta badan xildhibaannada kale ee ku sugan magaalada Muqdisho. Idamaale News
-
The true believers are getting worried... Shacabka reer Muqdisho oo si weyn ay u niyad jebiyeen saakay hoggaamiyeyaasha hubeysan ee magaalada Muqdisho kadib markii ay soo xaadiri waayeen........ iyo sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ilaaliyaha xeebaha gaaska Afrika oo sheegay in Soomaaliya ay joogaan dad argagixisa ah. Ruunkinet 14/05/05 Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa maanta isugu soo baxay garoonka kubadda cadga ee Stadiyo Muqdisho si ay u arkaan ciidamada iyo gawaarida tiknikada ah ee ay ballan qaadeen hoggaamiyeyaasha hubeysan oo ay qaar kood ka mid yihiin labada gole ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay isugu keenaan halkaasi. Dadkan oo aad u tira badan sida uu noogu soo waramay wariyaha Ruunkinet ee magaalada Muqdisho ayaa saakay isugu soo uruuray garoonka Stadiyo Muqdisho ayagoo lulaya ceeleymo qoyan iyo boorar uu ka mid yahay calanka Soomaaliya si ay u dhiiri geliyaan maleeshiyada hubeysan ee ballan qaaday in ay difaacayaan dhulkooda haddii lagu soo duulo islam markaana sugaya ammaanka Muqdisho. Dadweynaha ku sugan garoonkaasi oo la dhididaya cadceed aad u kulul ayaa ilaa haatan waxaa u soo xaadiray maleeshiyada Muuse Suudi Yalaxow, qaar ka tirsan kuwa Cismaan Caato iyo Enj. Caddow in kastoo 33ka gaar ee tiknikada ah ee halaasi ilaa iyo haatan joogta uu 29 ka mid ah leeyahay Muuse Suudi, saddexna Caato halna uu leeyahay Enj. Cadddow, ayadoo weli ay goobtaasi ka maqan yihiin maleeshiyooyinka Maxamed Qanyare oo ah wasiirka amniga qaranka, Xaaraan ku naax oo ah wasiirka maleeshiyooyinka, kuwa Furux, Indhacadde iyo qaar badan oo horay u ballan qaaday in ay maanta usugu keeni doonaan goobtaasi maleeshiyadooda ku hubeysan tiknikada si loo sugu ammaanka gobolka Banaadir ayadoo weli laga sugayo in ay keenaan maleeshiyadii ay ballan qaadeen si loo helo 85 gaari oo tiknika ah maanta. Warka ayaa intaasi ku daraya in Xaaji Muuse Suudi oo kali ay uu halkaasi ka muujiyay daacadnimo dheeraad ah asagoo xitaa keenay maleeshiya taageersan oo horay u joogtay degmada Balcad. Dhinaca kale, Jeneraal ka tirsan ciidamada Mareykan ee ilaaliya xeebaha geeska Afrika ee saldhig ka dhigtay dalka Jabuuti ayaa sheegay in qaar ka tisan shabakadda AlQaacidda ay ku sugan yihiin Soomaaliya. Jeneraalkan ayaa warkiisa ku daray in dowladda Soomaaliya cagan lagu siiyo sidii ay wax uga qaban lahayd argagixisada uu sheegay Jeneraalka. Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London
-
Nairobi:Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xubno ka tirsan baarlamaanka oo u kicitimay magaalada Muqdisho - Sunday, May 15, 2005 at 11:28 Nairobi(AllPuntland)-Guddoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo kor u dhaafaya 20 xubnood ayaa saaka 11:00 subaxnimo ka dhoofay garoonka dayuuradaha ee Wilson Airport ee magaalada Nairobi iyaga oo ku sii jeeda magaala madaxda Muqdisho. Guddoomiyaha oo intii aanu ka dhoofin magaalada Nairobi saxaafadda ugu warammayey garoonka dayuuradaha dhexdiisa ayaa u sheegay saxaafadda in ujeedada socdaalkoodu la xiriiro arrimaha dib u heshiisiinta ,isla markaana uu dhiirri gelinayo hawlaha ammaanka iyadoo buu yiri ay haddaba ku dhaqaaqeen xubnaha isugu jirey labada gole ee hore ugu sugnaa magaala madaxda oo gaadiid faro badan oo dagaal iyo maleeshiyooyin soo aruuriyey si ay magaalada uga saaraan oo ammaanka loo sugo,waxana uu sheegay inuu dib ugu soo laabanayo Nairobi marka ay soo dhammaystiraan arrimaha dib u heshiisiinta ee ay u tegayaan. Waxaa kale oo Guddoomiye Shariif Xasan sheegay inay qabanayaan shirkii ka dhici lahaa magaalada Muqdisho 17ka bishaan haddii uu buuxsamo kooramka(Caddadka) suurtagelin kara fadhi baarlamaan,iyadoo buu intaa raaciyey aysan ujeedadoodu ahayn in lagu waxyeelleeyo dawladda iyo dedaalada dib u heshiisiinta. Guddoomiyaha oo la weydiiyey su'aal ahayd inay samaynayaan afgenbi ka dhan ah xukuumadda iyo madaxweynaha haddii ay kulankaas qabtaan ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aan jirin isagoo sheegay in dawladdu tahay hal mid oo keliya balse ra'yiga lagu kala duwanaan karo. Guddoomiyaha baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa ku tilmaamay fadhigii ay 11kii bishaan isugu yimaadeen xubno ka tirsan baarlamaanku magaalada Nairobi mid aan sharci ahayn wixii ka soo baxayna ay ahaayeen waxba kama jiraan. Iimaan Cali Cabdi AllPuntland,Nairobi
-
Lascaanod: Issimada Sool, Sanaag Iyo Cayn oo Bayaan Rasmi ah ka soo saaray Shir la yiri waxaa uu ka Dhacayaa Sheekh - Radiossc - Saturday, May 14, 2005 at 14:34 Laascaanood: Waxaa maanta soo gaadhay Xafiiska Radiossc.com ee magaalada Laascaanood Bayaan ay soo saareen Isimada Gobollada Sool Sanaag Iyo Cayn,Bayaankan oo ay Isimadu ku ku cadeyeen mawqifkooda ku aadan War Shalay laga sii dayey Idaacada BBC-da oo lagu sheegay in Shir lagu qaban doonomagaalada Shiikh oo ay ka qayb gali doonaan Isimada Deegaanku. Bayaankan oo uu na soo gaadhsiiyey Garaad C/salaam Xasan Max’ed ayaa u qornaa sedan. To:BBC.Somali Service. 14/5/05. To.Saxaafadda Madaxa banaan Ka: Isimada Sool Sanaag iyo Cayn. Kadib markii aanu maqalnay war ay shalay sii daysay Idaacada BBC-da oo ka hadlayey shir la sheegay in lagu qabanayo Magalaada Shiikh 1da Jun,ayaa waxaa ka dhashayb shir deg deg ah oo ay maanta oo Taariikhdu tahay 14/5/05 ay isagu yimaadeen Isimada Beesha Sool Sanaag iyo Cayn kaasoo looga arin sanayey hadalkaas idacada laga sheegay ,ayaa waxaa aakhirkii Isimada beeshu ka soo saareen bayaan u qornaa sidaan. Anagoo ah Isimada Beesha degta Gobollada Sool Sanaag iyo Cayn waxaanu ummada Soomaliyeed iyo Idaacada BBC-da u sheegaynaa in aanan waxaba kala socon shirkaas la sheegay ee lagu qabanayo Shiikh.Waxaa jiray wadahalo u socday Isimada labada Dhinac kaa soo looga hadlayey arimaha nabad galyada Beelaha Dariska ah ayaanan wax go’aan ah ka wada qaadan meesha shirka lagu qabanayo iyo meesha lagu qabanayo midna,Taas macnaheedu ahayn in aanu joojinay wadahalkii nabada,lakiin qaabkan wax u socdaan waxba kala socono mana tagayno. Garaad C/qani Garaad Jaamac Garaad Saleebaan Garaad Max’ed. Garaad Abshir Saalax Max’ed Garaad C/salaam Xasan Max’ed. Suldaan Siciid Cismaan Cali Garaad Saleebaan Baraale. Xigasho: radiossc.com AllPuntland.com
-
Breaking News:-Masuuliyiin uu ka mid yahay Sifir oo xilalkii laga xayuubiyey Nairobi-14.May.2005 Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya oo haatan ah fariisinka Golayaasha DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegaya in war goor dhaw ka soo baxay xafiisyada Madaxweyhaha iyo Ra’isalwasaaraha xilalkii lagaga xayuubiyey Masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Ra’isalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka Warfaafinta Maxamuud C/laahi Jaamac (Sifir), sidoo kale waxaa wareegtada lagu magacaabey xubno ka mid noqonaya Golaha Xukuumada. Wareegto uu maanta ka soo saarey magaaalda Adis Ababa ee xarunta Itoobiya Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi, isla markaana la geeyey Xafiiska Madaxweynaha DFKMG ah C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa lagu sameeyey xilka qaadis, badal iyo xil magacaabis ayaa waxaa nuqul ka mid ah heshay Idaacada SBC. Wareegtada uu soo saarey Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa lagu sheegay in xilkii laga qaadey Ra’isalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka Warfaafinta Maxamuud C/laahi Jaamac (Sifir),iyadoo si gaar ah wareegtada loogu sheegay in laga qaadey Wasiirkii warfaafinta, balse aan la cadeyn kuxigeenimadii Ra'isalwasaaraha, waxaana sida wareegtada lagu sheegay lagu eedeeyey in uu ku kacay wax lagu tilmaamey shaqo gudasho la’aan. Sidoo kale wareegtada waxaa xilkii uu hayey ee ahaa Wasiiru dawlaha dib u dhiska iyo dib u dajinta laga qaadey C/kakiin Cige Guuleed, waxaana sida wareegtada ku cad lagu sheegay in xilka looga qaadey ka dib markii la qiimeeyey shaqadiisa, isla markaana masuulkaas loo magacaabi doono xil kale. Ra’isalwasaare Geedi wuxuu wareegtadiisa ku magacaabey Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo lagu badaley in uu noqdo Wasiirka Warfaafinta oo ah booskii Sifir. Maxamed Jaamac Furux ayaa waxaa isna loo magacaabey Wasiiru dawlaha Gaadiidka Badda iyo Dakedaha. Cali Maxamed Faqi ayaa sidoo kale waxaa loo magacaabey Wasiiru dawlaha Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda. Farxaan Cali Maxamuud wasiiru dawlaha Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamig ah. Axmed Maxamed Laxoos Wasiiru dawlaha dib u dajinta iyo xiriirka Jaaliyada Dibadda C/kakiin Cige Guuleed oo looga qaadey isla wareegtadan wasiiru dawlaha dib u dhiska iyo dib u dajinta ayaa waxaa loo magacaabey Wasiiru dawlaha Hawlaha Guud iyo Guriyeynta. Ibraahim Maxamed Deeq ayaa waxaa loo magacaabey Wasiiru dawlaha Warfaafinta. Qadar Biix Caalim ayaa waxaa loo waxaa loo magacaabey wasiir ku xigeenka wasaarada aafooyinka iyo maareynta deegaanka. Xasan Ibraahim Maxamuud ayaa waxaa loo magacaabey wasiirku xigeenka Samafalka Bulshada iyo Xuquuqal Insaanka. C/raxmaan Cismaan Dirir ayaa waxaa loo magacaabey Wasiir kuxigeenka Dib u dhiska iyo Dib u dajinta. Madoobe Nuunow Maxamed ayaa waxaa loo magacaabey Wasiir ku xigeenka Patroolka. Yuusuf Maxamed Qeyr ayaa waxaa loo magacaabey Wasiir kuxigeenka Horumarinta Iskaashatooyinka. Ismaaciil Cabdi Maxamed ayaa waxaa loo magacaabey Wasiir ku xigeenka Beeraha Wareegtooyinka uu Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi Masuuliyiinka xilalka kaga qaadey, ku magacaabey kuna badbadley ayuu aqbaley oo uu saxiixay Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed, sida ay Idaacada SBC u xaquujiyeen dad xog ogaal ah. Canab Mumtaaz SBC Nairobi.
-
Dr.Khaalid Cumar Cali: Sharif Xasan knows nothing about constitution
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^MMA, Sharif's card was Mogadishu a no go zone he belived the warlords would protect him, however Geedi proved Mogadishu is accessable and that with Aydeed Jr and Mr Dheere they have enough muscle to be rechoned with. The Igad troops are coming adding more clout to the government position. Its not Shariff but the Mogadishu big men who will be the big target, for this man is only a tool, once they feel the heat they will no doubt abandon him..