General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^ LOL thats funny, Morgan is a spy, he is a loser yet he is being hailed and praised and they are flocking to him every where he goes. Its a joke how some try to spin everything, forever losing the basic truth. Morgan is in Xamar, why? Because the warlords and the tool Sgharif want to collect as many personalities in their idiotic struggle against the President and PM. Thats why you have Jama, Casha, Zakaria, Casharo, Jini, Zakaria all in Xamar being wineda and dined. On Horn Afrik and the like all you get is "Casharo said that" "MP Jini blamed the PM" and the famous Ali Khalif Galayr said that..Its never ending. Puntlanders are sure expensive down in big old Xamar.. The famous General Morgan they thought would be a big scalp, a big defeeat to the President adding to the least of names mentioned above. The irony is its Mogadishu/warlords that needed Morgan as much as he needed them today. But they will measured not in how they welcome old friends or new enemies but how many roadblocks they move..
  2. I think I agree with counterflow on this one, I will also add its a great name and good luck to them.
  3. Xubnaha Labada Gole ee Dowladda Federaalka ee Muqdisho oo ku fashilmay inay Maanta ku dhawaaqan waqtiga ay qaadi lahaayeen Isbaarooyinka Kadib markii dood waqti badan qaadatay ka yeesheen qaadista Isbaarooyinka yaala gudaha magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeynta waxaa kulankaasi ka soo baxay saan saan tilmaamaysay in weli ay jiraan dad diidan in Isbaarooyinka la qaado sida uu ku soo waramayo Wariyaha midnimo ee kulankaas ka qeybgalay. Kulanka maanta ka dhacay xarunta Xisbiga oo xarun KMG ah u ah Xildhibaannada iyo Wasiirada, Shariif Xasan Sheekh Aadan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wax sidaas ah ka duwanayn kulamadii hore,laakiin go’aanka keliya ee ka soo baxay ayaa waxaa uu noqday in la magacabo Guddi Farsamo oo ka soo shaqeeya qaadista Isbaarooyinka Wasiirada u yaala gudaha muqdisho. Afhayeenka Labada Gole ee xubnaha ku sugan magaalada muqdisho Cumar Xaashi Aadan ayaa wariyeyaasha u sheegay in ay warka ka qaatan, wuxuuna sheegay Cumar Xaashi in go’aamadii ka soo baxay kulanka ay ka mid ahaayeen in la qaado Isbaarooyinka muqdisho yaalo,wuxuuna caddeeyay in arrintan dood dheer laga yeeshay. Guddiga Farsamo oo talo cad ka keena sida, goorta iyo qaabka loo qaadi karo Isbaarooyinka,iyadoo guddigan ka kooban yahay 5 Xubnood oo Guddoomiye u yahay 1- Enj Maxamed Xuseen Caddow oo ka mid ah Xildhibaannada hubeysan,2- Col Axmed Cumar Jees, 3- Caasho Axmed C/lla, 4- C/llaahi Aadan Axmed (Black) iyo 5- Yuusuf C/llaahi Kaahin. Fadhigii maanta oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirada hubeysan, xubnaha Labada Gole ayaa waxaa shir Guddoon ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, in kastoo Wasiirka howlaha Guud Cusmaan Caato uu kulankaas ka maqnaa. Arrinta kale ee kulanka maanta ka soo baxdaya ayaa waxay tahay in xubnaha Labada Gole isla garteen in Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) uu ahaado Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir. Dadka arrimaha Soomaaliya la socda ayaa waxay leeyihiin waa adag tahay in magaalada muqdisho ay noqoto goob amaan ah marka loo eego kooxaha faraha badan ee isku haysta. Fadhigii maanta ayaa intii uu socday mar aan tagay xarunta Xisbiga waxaa meeshaas isku aragnay Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Cumar Finish oo salaadii Duhur meel bannaanka ka ah ku tukanayay, halka Shariif Xasan iyo xubnaha kale shirkooda iska sii wateen. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Midnimo Information Center wararka@midnimo.com www.midnimo
  4. Kooxaha Muqdisho ku hubeysan ee ku jira xukuumadda & baarlamaanka oo ku fashilmay in ay qadaan Isbarooyinka Muqdisho Kulan ka soconaya Ex. Xaruntii XHKS oo hadda farriisin u ah xubnaha labada gole ee dowladda kulan ay la hayeen hogaamiyeyaasha hubeysan ee wasiirada ah, iyadoo kulankanina ay goob joog ka ahayeen xubno ay ka mid yihiin Muuse Muuse, Max’ed Qanyare, Cumar Finsh,Xaaf, Furux, Bootaan Ciise, C/qeybdiid, Ibraahim Shaaweeye, ayaa fashil ku dhamaday kadib markii ay go´´aan cad ka soo saari wayeen waqtiga ay qadayaan Isbarooyinka . Hogaamiyasha Hubeysan ee Muqdisho oo aan marnaba laga sugeynin in ay qadaan Isbarooyinka :confused: sababo la xariiro dhaqaala fara badan oo ka soo gala daradeed ayadoona aysan dooneynin in lagula xisaabtamo dhaqaalahas faraha badan ee micnadarada ku soo galaayo, ayagoona og waxii ay ku heleen darajadana ay tahay isbarooyinka hadii ayagana la qaado ay noqonayaan shacab marka sidaas ayeey ku diidan yihiin in ay qadaan Isbarooyinka ay ku heleen jagada xildhibaanimo . Arinta ay ku qmayaan wasiirada Hubeysan ee Muqdisho ayaa keeni doonto in laga amin baxo lagana joojiyo tageeradii loo siin lahaa wax ka qabshada arimaha ay ka wadaan magalada Muqdisho,ayagoona rumeysan doonaan shacabka intiisa badan Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo asagu qabo in aan la aminin nimakaan uu ku tilmaamay qowleysato aan jecleyn nidaamka iyo kala danbeenta another dayniile moment Cabdishakuur Cilmi Xasan Dayniile Muqdisho
  5. Mas'uuliyiin kala duwan oo ka hadashay munaasabaddii caleema saarka Islaan Ciise Garoowe - 30.May.2005 Munaasabaddii maanta lagu caleema saaray Islaanka cusub ee Islaan Ciise Islaan Maxamed, ayaa waxaa ka hadlay mas'uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde), wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda dawladda federaalka Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax, iyo Boqor Maxamuud Boqor Muuse, oo ka mid ahaa Isimadii ka qayb galay xafladdii caleema saarka. Madaxweynaha Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi oo hadal ka jeediyey munaasabaddan ayaa ku nuux-nuuxsaday sida uu ugu faraxsan yahay ku caana shubka Islaanka cusub, isla markaasna u rajeediyey Islaan Ciise Islaan Maxamed in uu xilkiisa ilaahay u fududiyeeyo. Munaasabadda Caleema saarka Islaanka cusub ee Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa ka qayb galay mas'uuliyiin kala duwan oo ka kala socotey dawladda federaalka, dawladda Puntland, isimo, culimaa'udiin iyo marti sharaf kale, waxana lagu qabtay Dooxada Sallaxley oo 14km koonfurta kaga beegan magaalada Garoowe. Suldaan Siciid Maxamed Garaase, ayaa isimadii, madaxdii, waxgaradkii halkaas isugu yimid ku ammaanay isla markaasna aad ugu mahadnaqay sidii ay u soo sharfeen oo ay uga soo qayb galeen, Caleema Saarka Islaanka. Inta badan salaadiintii halkaasi ka hadashay, ayaa aad u xusay taariikhdii uu Islaan Maxamed ku lahaa Puntland, waxayna Islaanka Cusub u rajeeyeen in uu buuxiyo kaalintii aabishiis. Intaas kadib, Boqor Maxamuud Muuse, ayaa ugu dambayntii, halkaas duco ka jeediyay, wuxuuna Islaanka Cusub ugu duceeyay in ka soo dhalaalo waajibaadka ay bulshadiisu saartay, uuna maro wadadii uu abihiis maray. SBC News Monitoring
  6. Ugandan army readies for Somali, Darfur deployment KAMPALA, May 29 (Xinhuanet) -- Ugandan army spokesman Major ShabanBantariza Sunday said the Uganda People's Defense Forces (UPDF) has completed their training and are now ready for deployment to Somalia and Darfur region in Sudan for peace mission operations. The spokesman was quoted by Radio Uganda as saying that the team's departure had been delayed by the Inter-governmental Authority on Development (IGAD), the African Union (AU) and the United Nations (UN). Bantariza explained the Somali mission was expected to be sanctioned by the AU while that of Darfur is under the UN secretariat. AU has authorized the IGAD countries, or Uganda, Kenya, Somalia,Sudan, Ethiopia, Eritrea and Djibouti, to send a peacekeeping force to Mogadishu to help Somalia's transitional government relocate to the country. Uganda will deploy over 1,000 troops in Somalia. Bantariza also said the army would soon embark on a full-scale disarmament program of the Karimojong warriors in northeast part of the country. He warned those still in possession of illegal arms to surrender them or face prosecution. Enditem Source: Xinhua, May 30, 2005
  7. Xaflad aad u ballaaran ayaa goor dhawayd lagu Caana Shubay Islaan Ciise Islaan Maxamed Posted to the Web May 30, 16:25 Garoowe:-Waxaa goor dhawayd lagu Caleema Saaray deegaanka Salexleey ee magaalada Garoowe, Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse, waxaan Munaasaba Caleemasaarka ka soo qayb galay, masuuliyiin aad u badan, Issimo Waxgarad, iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan iyo boqolaal qof oo isugujira rag iyo dumar oo ka kala yimid dhammaan gobolada Puntland iyo meelo kalaba. Xaflada Calaama saarka islaanka Cusub ee Islaan Ciise, ayaa waxay ku bilaabmatay jawi aad u dagan, Abwaaniin kala duwan oo isugujira rag iyo haween, ayaa waxay halkaasi ka soo jeediyeen Gabayo iyo Buraanbur aad u qiima badan oo qaarna loogu ducaynayo Islaanka Cusub aabihiis, Islaan Maxamed, qaar kala lagu guubaabinayo isla markaasna talooyin lagu siinayo Islaanka Cusub Suldaan Siciid Maxamed Garaase, ayaa Issimadii, madaxdii, waxgaradkii halkaas isugu yimid ku ammaanay isla markaasn aad ugu mahadnaqay sidii ay u soo sharfeen oo ay uga soo qayb galeen, Caleema Saarka Islaanka. Madaxwaynaha Puntland, Maxamuud Muuse Xirisi (Janaraal Cadde), ayaa isagu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Islamarkaasna maamulka Puntland uu ganac siin doono Islaanka, uuna u arko in uu buuxin doono kaalintii muuhimka ahayd ee uu kaga jiray Puntland Abaahiis, Allaha u naxariistee, Islaam Maxamed Islaan Muuse, oo ku sheegay Nin aad u nabad jecel hawlo muhiima oo taariikhda galayna u qabtay dadka reer Puntland, isagoo si gaara u xusa dhisitaanka DG Puntland. Madaxwaynuhu wuxuu khudbadiisii ku celceliyay in uu aad ugu faraxsan yahay ka soo qaybgalka Caleema saarka, Islaan Ciise, uuna rajaynayo in ay gacan iyo wada shaqayn ay yeelan doonaan. Dhowr Isim oo halkaasi ka hadashay, ayaa aad u xusay taariikhdii uu Islaan Maxamed ku lahaa Puntland, waxayna Islaanka Cusub u rajeeyeen in uu buuxiyo kaalintii aabishiis. Suldaan C/salaam, oo sheegay in uu ku hadlaayo afka gobolada, Sool, Cayn iyo Galbeedka Sanaag, ayaa saleen u soo gudbiyay Islaanka Cusub oo uu uga waday dadka ku dhaqan deegaaamadaasi, intaas kadib, Suldaanku wuxuu xusay in uu aad uga xun yahay dhacdadii shalay ka dhacday Xabsiga Garoowe, oo lagu dilay laba Nin oo muddo ku xirnaa Jeelkaas, kadib markii ay Maxkaamda Ciidaamada Puntland ay ku xukuntay xukun dil ah kadib, markii ay Maxkamadu ku cadaysay in ay dileen, Marxuum, Maxamed Maxamuud Nuur oo loo yiqiinay Biniikalo, Suldaanku wuxuu Madaxwaynaha Puntland ka codsaday in uu arintaas wax kaqabto si dhakhso ah. Suldaan C/salaam, soo jeedintiisa kadib wax ka qabashada dhacadii shalay , ayaa Nin u hadlay Madaxwaynaha Puntland, wuxuu sheegay in waa hore ay talaabo qaadeen, ayna xirxireen qaar ka mid ah kuwii ku lugta lahaa iyo waliba kuwii dayacay hawshoodaba. Intaas kadib, Boqor Maxamuud Muuse, ayaa ugu dambayntii, halkaas duco ka jeediyay, wuxuuna Islaanka Cusub ugu duceeyay in ka soo dhalaalo waajibaadka ay bulshadiisu saartay, uuna maro wadadii uu abihiis maray. Caleemasaarka Islaan Ciise Islaan Maxamed, ayaa ka dambaysay, kagadaal markii aabihiis Allaha u naxariistee Islaan Maxamed Islaan Muuse, oo ahaa Isinka ugu da'da wayn uguna magaca waynaa gobolada Puntland, uu magaalada Garoowe ku geeriyooday, feb/18/2005.ayna dhammaan Wiilashii Ilma Islaan Maxamed iyo qaraabada kalaba ay isku raaceein in Islaan Ciise uu noqdo Ninkii badali lahaa Allaha u naxariistee Islaan Maxamed. Axmed C/salaam Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya Contacts:loole25@hotmail.com
  8. Garoowe: Islaan Ciise Islaan Maxamed oo lagu Caano shubay , sideese u dhacday Xafladdu - Monday, May 30, 2005 at 15:55 Garoowe(AllPuntland)-Xafladdii Caleemo saarka Islaan Ciise Islaan Maxamed oo saaka waabarigii ka bilaabatay dooxada sallaxley oo 14 km u jirta Garoowe ayaa laga gudbay marxaladdii ugu waynayd ee caana shubka , ayadoo Islaan Ciise Islaan Maxamed lagu caano shubay. Munaasabadda caano shubka waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin kala duwan oo isugu jirta madax kasocotay Puntland , DFKGS , Isimo iyo marti sharaf kale oo maanta si habsami ah u joogay goobta Caano shubka Islaan Ciise Islaan Maxamed . Waxaa munaasabaddaasi hadal ka jeediyay madaxwaynaha Puntland Gen: Cadde oo muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay caleemo saarka Islaan Ciise Islaan Maxamed , wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Baddda ee DFKGS Xasan Abshir Faarax ayaa kamid ahaa masuuliyiinta halkaasi hadallada kasoo jeediyay , wuxuu sheegay inuu aad ugu farax sanyahay inuu goob joog ka ahado caano shubka Islaan Ciise , Ilaahay wuxuu uga baryay inuu xilkiisa ku kaalmeeyo. Dadwaynaha Puntland ayaa laga bilaabo galabnimadii shalay ku qul qulayay halka loogu talo galay in Caana shubku ka dhoco , magaalada Garoowe ayaa u eg meel fasax ah oo ay dadku ciidayaan . Goobta lagu dhigayay xafladda oo ah dooxada Sallaxley ayaa ahayd mid u muuqatay mid laga shaqeeyay ammaankeedana aad loo adkeeyay , dadka naf ahaantoodana waxaa kamuuqday farxad Islaan Ciise oo kamid ah wiilasha uu dhalay Islaan Maxamed Islaan Muuse oo dhawaan geeriyooday ayaa noqonaya Isinka beesha iyo guud ahaan shacabka Puntland . CC.Farayaamo AllPuntland
  9. ^^^ That man is very talented indeed. Yo Sky nuff respect to you brother you are a human database..
  10. Caleemo Saarkii Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa wuxuu ka dhacayaa meel u dhow Magaalada Garoowe Posted to the Web May 30, 12:58 Garoowe:-Caleema saarka Islaamka oo ay ka qayb galeen masuuliyiin, Isimo, Waxgarad iyo dadweyne kale ayaa wuxuu ka dhacayaa Dooxada Salaxley oo u dhow magaalada Garoowe. Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo uu hogaaminayey Wasiirka Kaluumaysiga Mudane Xasan Abshir Faarax, iyo Masuuliyiinta Puntland oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse iyo Isimada Waaweyn ee Gobolada Puntland, waxaana munaasibadaas hadalo ka jeedinayaan masuuliyiinta iyo Isimada kale ee kulankaas ka qayb galay. Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ah nin dhalinyaro ah ayaa maanta lagu caana shubayaa isagoo xilka ka dhaxlay Islaan Maxamed Islaan Muuse oo ahaa aabihiis isla markaasna ahaa Isinka ugu da’da weynaa deegaanada Puntland. Radio Midnimo/Puntlandpost.com
  11. Kampala: Ciidanka Uganda oo u diyaar garoobay inay tagaan Soomaliya iyo Darfoor. - Monday, May 30, 2005 at 10:01 KAMPALA(AllPuntland)- Afhayeenka Ciidanka milatariga dalka Uganda Major: Shaban Bantariza ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanka Difaaca Uganda ee UPDF ay dhamaysteen tabobaradii usocday haatanna ay diyaar yihiin inay tagaan Soomaaliya iyo Darfoor. Mr Bantariza wuxuu u sheegay Radioga dalka Uganda in guuritaankii Ciidanka ay uguuri lahaayeen Soomaaliya uu dib u dhac horay ugu yimid , taasna uu keenay urur goboleedka IGAD , midowga Afrika (AU) iyo Qaramada midoobay (UN).hase ahaatee wuxu sheegay inay haatan diyaar garoobeen. Afhayeenka Ciidanka milatariga Uganda wuxuu sheegay in Go'aanka Ciidamada Soomaaliya lagu gaynayo uu ka go'o urur goboleedka IGAD halka go'aanka kale ee ciidanka lagu gaynayo Daarfoorna uu ka go'o Qaramada midobay. Midowga Afriak aya hory u sheegay in dalalka IGAD ee kala ah:r Uganda, Kenya, Somalia,Sudan, Ethiopia, Eritrea iyo Djibouti, ay ciidamo nabad ilaalin ah u diraan dalka Soomaaliya si ay u ilaaliyan dawladda ugana qayb qaataan hub ka dhigista , dalka Uganda asagu waxaa uu diyaariyay Ciidan kor u dhaafaya 1,000 askari. Source: Xinhuanet.com
  12. Afhayeenka Ciidamada Ugaandha oo sheegay in Ciidamada Wadanka Ugandha ay u diyaar garoobeen in loo daabulo Soomaaliya iyo deegaanka Daafuur Posted to the Web May 30, 12:38 Kampala:-Ninka isagu u hadla Ciidamada Ugandha Major Shacban Bantariza ayaa maalintii Axada ee ina soo gudubtay ku dhawaaqay in Ciidamada Difaaca ee Wadanka Ugandha ee loo yaqaano (UPDF) ay gebi ahaanba ay dhamaysteen Tababarkoodii ayna hada u diyaar u yihiin in loo daabuleeyo Gudaha Wadanka Soomaaliya iyo gobolka Daafuur si ay uga fuliyaan howlo nabadeed. Afhayeenka ayaa si toosa uga sii daayey warbixintiisa Raadiyaha qaranka ee wadanka Ugandha ,isagoo ku tilmaamay dib u dhacii ku yimi Ciidamadan inay salka ku ahayso inay ka heleen fariino lagu hakinayo Ciidaman, Urur goboleedka (IGAD),Midowga Afrika(AU),iyo Qaramada midoobay(UN). Bantariza ayaa wuxuu kaloo sheegay in Ciidamada loo daabulayo wadanka Soomaaliya ay go'aankeeda iska leeyihiin Wadamada ku bahoobay midowga Afrika,halka kuwa ku howlan nabad ku soo dabaalida Daafuur ay ku jirto gacanta qaramada midoobay. Midowga Afrika ayaa urur goboleedka IGAD oo ay ku bahoobeen wadamada Ugandha,Kenya,Soomaaliya,Sudan,eriteriya,Itoobiya,iyo Jabuuti ayaa horay ugu ogolaaday inay wadamadaasi ay Ciidamo u diraan wadanka Soomaaliya,si ay uga caawiyaan Dowlada Federaalka Soomaaliyeed, sidii ay uga howl geli lahayd gudaha wadanka Soomaaliya.Wuxuuna af hayeenku intaa raaciyey in ciidamada Ugandha ay u dirayso wadanka Soomaaliya ay kor u dhaafayso 1000 Askari. Bantariza ayaa ku soo gaba-abeeyey warbixintiisa inay Ciidamada wadanka Ugaandha ay qaarkood ay ka qayb qadaadan doonaan howl maliteri oo ay ka fulinayaan deegaanka Karimojong oo kuyaal qaybta waqooyiga bari ee isla wadankaasi.Wuxuuna af-hayeenku ugu baaqay qolooyin uu ku sheegay inay hub aan sharci aheyn ay ku haystaan degaanadaas,ay si deg dega u soo wareejiyaan hubkooda, hadii kale dowladu ay u adeegsan doonto awood. Puntlandpost.om
  13. Wafdi ka socda dalka Imaaraadka Carabta oo maanta soo gaaray magaalada Boosaaso Boosaaso - 30.May.2005 Wafdigan oo uu horkacayey ganacsade reer Puntland ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Malow ayaa waxaa abbaara 11:30-ka barqanimo ka soo degeen gegida dayuuradaha ee magaaladan Boosaaso, iyagoo ka soo yimid Imaaradda Shaariqa. Wafdigan oo ka kooban lix xubnood ayaa imaatinkooda Puntland lagu xiriirinayaa dhinaca Dhismaha, sida uu SBC u sheegay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee maamul goboleedka Puntland C/nuur Cilmi Biindho oo ka mid ahaa madaxdii maamulka ee wafdigaasi ku soo dhowaysay garoonka. Mr. Biindho wuxuu intaa ku daray in wafdigan ay xog horay uga haysteen arrimaha la xiriira dhismaha dekeda iyo airoboorka, balse ay markan u yimaadeen indha indhayntoodii ugu dambaysay isla markaan ay hawl billaabi doonaan mustaqbalka dhow. Sidoo kale, wasiir kuxigeenka wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka Yaasiin Cartan Maxamed oo wasaaraddaasi mas'uul uga ah dhismaha ka soda garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa SBC u sheegay in wafdigan ajendahooda ugu muhiimsan uu yahay dhismaha iyo dayactirka garoonka diyaaradaha ee Boosaaso inkasta oo wafdigani ay xilligan u socdaan indha indhayn iyo qiimayn. Ma ahan markii ugu horeysay ee wafdi sidan oo kale ah ay yimaadaan Puntland oo ay sawirro ka qaataan goobaha Puntland ee maalgashiga u baahan, balse xilliga ay ku soo beegmeen ayaa ah xilli aad uga duwan xilliyadii hore. Waxay yimaadeen xilli ay maamulka iyo ganacsatada waawayn ee Puntland isu kaashanayaan inay maalgashadaan goobaha laf dhabarta u ah dhaqaalaha Puntland, iyadoo taasina ay bar bar socoto bur bur hor leh ku yimid wadada dheer ee isku xirta Boosaaso iyo Puntland inteeda kale taasoo wafdiga haatan yimid la filayo inay sawiro ka qaatan wax qabadkoodana la sugi doono. Mas'uuliyiintii maamulka ka socotay ee wafdigan ku soo dhoweysay magaalada Boosaaso waxaa ka mid ah wasiir ku xigeennada hawlaha guud iyo gaadiidka Maxamuud Bile Dubbad iyo Yaasin Cartan Maxamed, Gudoomiyaha G/Bari Yuusuf Maxamed Wacays {Dhedo}, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha C/nuur Cilmi Biindo, wasiir ku xigeenka hawlaha guud Maxamuud Bile, iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Eng. Axmed Barre oo ah injineerka gacanta ku haya mashruuca dhismaha garoonka. C/qaadir Maxamed Nuunow SBC Boosaaso nuunow16@hotmail.com
  14. Wafdi ka socda maamulka Shariqa iyo Ganacsato soo gaaray Bosaso Bosaso :- Waxaa maanta magaalada Bosaaso soo gaaray wafdigii ugu horeeyey ee ka yimid dhanka maamulka Shariqa oo la xariir mashruucyada laga fulin doono Puntland. Wafdigan ayaa xubnaha kamid ah ay ku jiraan shirkado iyo hay'ado hoostaga Suldaan Mohamed Bin Al Qassimi ayagoo u yimid magaalada sidii ay warbixin uga diyaarin lahaayeen bilaabida 4tii mashruuc oo ay Puntland iyo Mandaqada Shaariqa ku heshiiyeen. Wafdigan ayaa lagu wadaa inuu kormeer shaqo ku tago Dekkada magaalada Bosaaso oo kamid ah goobaha lagu dhisi doono mashruucyadan. Airporka Bosaaso ayaa sidoo kale kamid ah goobaha ay daneenayaan in ay eegaan heerka uu marayo dhismaha. Maamulka Shaariqa ayaa horey u balan qaaday inuu bixin doono inta badan kharashka ku baxaya dhismaha Airporka Bander Qassim International, iyo waliba Dekkada Bosaaso oo lagu sameyn doono dayctir balaaran. Maamulka Shaariqa musharuucyada uu ka fulinayo Puntland ay waxaa ku jira mashruucyo kale oo ay kamid yihiin, qalabeynta Booliiska Puntland iyo dhismo cisbitaalka Guud ee dhalaanka iyo Caruurta. Wafdiga ayaa isugu jira xubno matalaya shirkadaha fulinaya mashaariicda iyo la taliyaasha maamulka shaariqa ee dhanka hirgelinta mashruucyadan, waxaana safarkooda ku weyhliya xubno kasoo jeeda Puntland oo ayagu ku hawlan mashaariicdan. Wafdigan ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxweynaha Puntland Gen.Cadde Musse oo asagu hada ku maqan magaalo madaxda Puntland oo ay maanta ka dhaceyso munaasabada Caaleemo saarka Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Musse. Xassan Ciise HorseedNet.com Bosaso, PL Somaliya
  15. Isbaaroyin Cusub oo Ladhigay inta Udhaxaysa Mogadishu iyo Afgooye liibaan Cabdi Cali Mar kale ayay dadka isaga kala goosha gobollada koofureed ee dalku ka cabanayaan ammaan darri baahsan iyadoo isbaarooyinkii ay dib u bilowdeen xilli lagu han waynaa in nabad galyada wax badani ay iska baddalaan. Isbaarooyin hor leh ayaa la soo tubay meelo kala duwan oo ka mid ah waddooyinka gobollada koofureed ee dalka. Tusaale ahaan waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye,waxaa maanta oo kaliya la soo dhigay in badan 10 isbaaro oo mid kasta oo ka mid ah dadka looga qaadayo lacago kala duwan oo baad ah. Maleeshiyooyin hubaysan oo badankood aanay cidna ka amar qaadan,ayaa bilaabay in ay masaafooyin isu muuqmuuqda dhigtaan jidgooyooyin lacageedyo aad u fara badan,oo ay gawaarida lacago dheeraad ah kaga qaadanayaan iyagoo aan ku kala saaraynin kuwo xamuul iyo kuwo shibilka qaada. Maleeshiyada ayaa ku hanjaba in ay dadka gawaarida saaran baaran doonaan haddii aan la siinin lacagaha xad dhaafka ah ee ay dalbanayaan,iyadoo mararka qaarna ay gawaarida shaagagga rasaas kala beegsadaan. maanta oo kaliya halka loo yaqaanno Siinka dheer oo u dhaxaysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye,waxaa lagu haystaa gawaari 30 ka badan oo kuwa xamuulka ah,kuwaasoo ka yimid gobollada iskana bixi kari waayay lacagihii laga dalbaday. waxan oo dhami waxa ay dhacayaan xilli la filayay in ammaanku uu soo hagaago,maadaama hoggaamiyayaasha kooxihii hubaysnaa ay shacabka u sheegeen in ay ammaanka wax ka qabanayaan ayna maleeshiyooyinka hubka sida xeryo isugu geynayaan. waxaa marka is wayndiintu tahay siday ugu suurto galaysaa in ka howl gasho magaalada caasimadda h ee Muqdisho mar haddii waddadii ay magaalada ka soo gali lahaydba ay isbaarooyin tubanyihiin,magaalada caasimadda ahna ay wali jidgooyooyinku sidoodii hore u daadsanyihiin. www.goobjoog.net
  16. Suugaan iyo fardo lagu soo bandhigay goobta ay ka socoto xafladda caleema saarka Islaan Ciise Garoowe - 30.May.2005 Waxaa Dooxada Sallaxley ee magaalada Boosaaso xilligan diyaar ku ah mas'uuliyiin fara badad oo ka kala socda Puntland iyo dawladda federaalka Soomaaliyeed, Isimo iyo wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo uu hoggaaminayo Maxwell Gaylard wafdigan oo lagu maamuusay iney goob joog ka ahaadaan isla markaasna ay ka qayb galaan xafladda caleema saarka Islaanka cusub ee Islaan Ciise Islaan Maxamed. Isimada halkaasi ku sugan ayaa waxaa ka mid ah; Boqor Maxamuud Boqor Muuse iyo Sudlaan Siciid Maxamed Garaase dhinaca maamulka Puntland-na waxaa la oran karaa waxaa halkaasi goob joog ku ah inta badan mas'uuliyiinta dawladda oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Gen. Cadde). Dooxada Sallaxley oo ah mid xilligan barwaaqo ah cagaarka geeduhuna aanay indhuhu ka soo laaban kareynin ayaa waxaa lagu soo bandhigay fardo aad u fara badan oo loo dhammeeyey qalabkii lagu qurxin jirey isla markaasna loo carbiyey dhallinyaro si wanaagsan oo xarrago leh halkaasi hadba gees ula ordaya. Sidoo kale, suugaan isugu jirta gabayo iyo buraanburro ayaa ka socda goobta caleema saarka Islaanka. Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com
  17. Good news indeed. Sky how does one get this channel in our neck of te woods[uK]. The UN people should be kicked out we dont need them at all, they just vacate in these poor countries.
  18. lol. Only counterflow got the thing in the right prospective. It is only a waagacsub.com fiction, the President did not ask for an extension, the relocation has begun as the PM intended... For example Jowhar is busy getting ready... Jowhar: Diyaar garoowga soo dhawaynta xubnaha labada gole ee imaanaya Jowhar oo si xoog leh uga socota Jowhar - Sunday, May 29, 2005 at 15:54 Jowhar(AllPuntland)-Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe waxaa ka soconaya diyaar garoow ballaaran oo loogu jiro soo dhawaynta wafdi kasocda labada gole ee DFKGS oo lafilayo inay maalmaha soo socda yimaadaan Jowhar. Dadka la doonayo in lasoo dhaweeyo waxaa kamid ah guddoomiyaha gobolka shabeellada dhexe iyo xubno kala duwan oo ka tirsan baarlamaanka iyo golaha wasiirada. Marka la eego magaalada Jowhar waxaa ka soconaya hawlo lagu sugayo ammaanka magaaladaasi , waxaa ka soconay wacyi galin la xiriirta soo dhawaynta golayaasha dawladda federaalka ah . Maamulka gobolka iyo dawladda hoose ayaa ku dadaalaya sugidda bilicda magaalada Jowhar ayadoo maalinta bari ahba la filayo inay yimaadaan xubno ka tirsan labada gole. Magaalada Jowhar oo kamid ah meelaha ay labada gole ee dawladdu isku raaceen inay xukuumaddu si ku meel gaar ah usii dagto ayaa hadana waxaa taas si cad uga soo horjeedsaday guddoomiyaha baarlamaanka oo waraysi uu maalintii shalay ahayd uu bixiyay ku sheegay in magaalda Jowhar aysan lahayn Tasiilaadkii dawladeed. Lama garanayo in golayaasha dawladdu ay qaarkood dagi doonaan magaalada Baydhabo ee goblka Baay maadaama halkaasi ka taliyo xildhibaan ka tirsan dawladda oo diiddan inay halkaasi xukuumaddu tagto. CC.Farayaamo AllPuntland
  19. Xuseen Ceydiid oo kulamo la leh Ma’uuliyiinta dowladda Masar Qaahira-29.May.2005 Raisalwasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha Gudaha DFKMG ah ee Soomaaliya Eng.Xuseen Maxamed Ceydiid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shaley galinkii dambe waxay gaareen magaalada Qaahira ee caasimada wadanka Masar. Xuseen Caydiid ayaa lagu wadaa in uu kulamo la yeesho Masuuliyiinta wadanka Masaarida, waxaana hadal uu saxaafada siiyey uu ku sheegay in si weyn uu u xushmeynayo fukirada dowladda Masar ay ka aaminsan tahay arimaha Soomaaliya , waxa uuna sheegay in madaxweynaha dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak uu ka rajeynayo in wax weyn uu ka qabto xaaladda Soomaaliya. Eng. Xuseen Maxamed Caydiid ayaa waxaa uu sheegay inuu la kulmi doono Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak ,R a’isalwasaaraha dalka Masar Axmed Nadiif , Wasiiro iyo diblomaasiyiinta ku sugan magaalada Qaahira oo uu kala hadli doono sidii taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed ay u siin lahaayeen dowladda Soomaaliya. Ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Xuseen Caydiid wuxuu farta ku fiiqay in dowladda Masar ay tahay Quwad carbeed oo laga doonayo in ay ka qeyb qaadato nabad ku soo dabaalida Soomaaliya Eng.Xuseen Ceydiid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la shaaciyay in shalay gelinkii danbe ay ka degeen gegida dayuuradaha magaalada Qaahira ee caasimadda Masar sida uu manta qoray wargeyska Al-Ahraam ee ka soo baxa dalkaasi. Cali Cabdi Cali(Suxeyfa) alisuheifa@hotmail.com Muqdosho-Somalia
  20. Madaxweynaha DFKMG ah oo ka hadlaya arrimo ay ka mid yihiin Sunta xeebaha, ciidamada shisheeye, Somaliland iyo xiriirka Maraykanka SBC-29.May.2005 Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuuusuf Axmed ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu dib ugu laabanayo gudaha dalka Soomaaliya isaga iyo xubnaha kale ee Dawlada. C/laahi Yuusuf Axmed oo intii uu ku sugnaa magaalada London wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyey wargeyska Asharqalawsat ee ka soo baxa magaalada London ayaa waxa uu ka codsaday hogaamiyaasha carbeed in ay fuliyeen balanqaadyadii ay dowlada Soomaaliya ugu sameeyeen shirkii Al-Jaris kuwaasi oo ahaa inay garab istaagayaan Xukuumada, isla markaana ay Ciidamo nabad ilaalin ah u soo dirayaan Soomaaliya. Wargeyska Sharqalawsat oo Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya waydiiyey xiliga Xukuumadiisa ay u soo guuri doonto gudaha wadanka ayuu wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Xukuumadu ugu guuri doonto gudaha wadanka “ waxaan ku noqon doonaa Nairobi marka baaritaanka Caafimaadku ii dhamaado, waxaana ku hakanayaa maalmo caasimada Kenya, ka dibna waxaan uga sii socdaali doonna wadankii, innagoo fulinayna go’aamadii Golaha Xukuumadu gaartey ee ahaa in dalka loo guuro†ayuu yiri Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya. “waxaan go’aansaney inaan dalka ku hogaamino meel amaan ah, geed hoostiisnna ha ahaatee, Waqtigan Xukuumadu waxay u guuri doonto Magaalooyinka Baydhabo oo caasimada u jirta 250Km iyo Jawhar oo 90Km u jirta Caasimada, Muqdishunna waa caasimadii Qaranka Soomaaliyeed, hase yeeshee amni xumaa ka jirta xiligan, sidaasi darteed goobaha aan soo sheegay ayaynu ku sii shaqeyn doonnaa†ayuu Mar kale ku yiri Wareysigiisa Madaxweynaah DFKMG. C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu sidoo kale wareysigiisa ku celiyey baahida loo qabo in Soomaaliya ay yimaadaan Ciidamo shisheeye oo isugu jira Carab iyo Afrikaan kuwaasi oo hubka ka dhiga Kooxaha Maleeshiyaadka ee hubeysan oo tiradooda uu ku tilmaamey 50 kun, waxaana sidoo kale uu daboolkaka qaadey in 2 milyan oo hubka noocyadiisa kala duwan ay ku kala firisan yihiin gudaha wadanka, wuxuuna ugu baaqey Wadamada Carabta inay Soomaaliya ka saacidaan hub ka dhigista Kooxaha Maleeshiyaadka. “Dawladu waxay u baahan tahay Ciidan Qaran Iskuma haleyn karto maleeshiyo beeleed, sidaasi darteed walaalaheen Carbeed waxaan uga baahanahay in ay nagu taageeraan sidii ciidamo ay inoogu soo diri lahaayeen, kuwaasi oo inaga caawiya mustaqbalka tababarka ciidanka Qaran, waxaana Ciidamadaas Carbeed u baahanahay mudo sanad ah, ka dib inaga ayaa kfilan amaanka Wadankeena oo gacanta ku dhigi karna†ayuu yiri Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya oo wareysiga uu siiyey Wargeyska Al-Sharqalawsat si gaar ah codsi ugu direy wadamada Carabta. Sidoo kale Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya wuxuu sheegay in wadamada Midowga Afrika ay ogolaadeen in ay Soomaaliya u soo diraan Ciidamo kuwaasi oo qarashka ku baxaya Ciidamadaasna ay bixin doonaan Midowga Yurub, halka dawladaha kale ee Carbeed uu ka codsadey in ay iyagu iska bixiyaan wixii qarash ah oo ciidamadooda ku baxaya, wuxuuna si gaar ah codsi ugu direy Wadamada Carabta inay kaalin mug leh ka qaataan dadaalka Nabadeed ee Soomaaliya dib loogu dhisayo. Madaxweynaha oo wargeyska Al-Sharqalawsat wax ka waydiiyey hadalkii ka soo yeeray Abaanduulaha Ciidamada Suudaan Cabaas Carabi oo uu ku sheegayu in Suudana xiligan aysan diyaar u ahayn in Ciidamo ay u soo dirto Soomaaliya ayuu wuxuu kaga jawaabey†Ma maqal warkaas, laakin waxa aan ogohay in Midoga Afrika go’aan ku qaatey in Soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin, Dalka Ugandha wuxuu diyaar u yahay in ciidamo u soo diro Soomaaliya, Madaxweynaha Suudan xili uu joogay wadanka Jabuuti wuxuu tibaaxey in ciidamadiisu ay diyaar u yihin sidii ay u tagi lahaayeen Soomaaliya. C/laahi Yuusuf Axmed oo la waydiiyey sida uu arko xaalada Jamhuuriyada la magac baxay Somaliland ayuu yiri†Marka Koonfurtu degto ayeynu isku dayi doono inaan wada xaajood la galno, kuna qancino sidii ay uga laaban lahaayeen gooni isu taagga, kana wada shaqeyno Midnimada dalka, taasi oo ku imaanaysa wadahadal, marnaba wax dagaal ah ama gacan ka hadal la geli mayno, waayo nidaamka aan qaadaney waa hab Federaal ah waxayna yeelan doonana Xukuumadooda hoose, Baarlamankooda, waxayna u madaxbanaan doonaan xalinta amuurahooda gaarka ah iyagoo ka mid ah Jamhuuriyada Soomaaliya, Dastuurkeenu waa mid Dimuqraadi ah oo ogol nidaamka asxaabta badan kaasi oo damaanad qaadaya xoriyada, isla markaana dhawraya Xuquuqda Saxaafadda. Wargeyska Alsharqalawsat wuxuu sidoo kale wax ka waydiiyey Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Ciidamada Mareykanka ee fadhiya xeebaha Soomaaliya waxaana uu sheegay in ciidmaada Mareykanka Maraakiibtoodu dagaalku ay ku teedsan yihin xeebaha Soomaaliya, waxaana uu tibaaxay inay mararka qaarkood ay u soo degaan xeebaha Soomaaliya iyagoo dadka waydiinaya Dad ay doonayaan balse wuxuu Madaxweynuhu meesha ka saarey inay u socdaan inay qabsadaan qaybo ka mid ah wadanka. Madaxweynaha oo la waydiiyey socdaalkiisa Jabuuti in uu la xiriirey sidii xiriir iskaashi oo dhinaca la dagaalanka argagixisada uu dhexmari lahaa isaga iyo Ciidamada Mareykanka ayuu wuxuu kaga jawaabey inuusan jirin wax xiriir gaar ah noocuu doono ha ahaadee oo kala dhaxeeya Mareykanka, waxaana uu ku tilmaamey socdaalkii wadanka Jabuuti uu ku tagey in uu ahaa mid uu kaga qayb galayey caleemo saarka Madaxweynaah Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle. Waxyaabaha kale ee wargeyska Alsharqalawsat uu wax ka waydiiyey Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Sunta iyo Qashinka Haraaga warshadaha Nukliyeerka ee lagu aasey meelo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan waxa uu ka ogyahay in Hogaamiye Kooxeed ka qaatey 10 milyan oo doolar shirkad Ajanabi si Suntaas loogu aaso Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Xeebaha waqooyiga Magaalada Muqdisho ayuu wuxuu kaga jawaabey†Waa jirtaa in sun lagu aasey Xeebaha Soomaaliya, xitaa xiligii Xukuumadii Siyaad Barre dagaalkii sokeeye ka hor sun ayaa lagu aasey xeebaha waxaana ugu daran xeebaha ku dhirarsan Gobolka Banaadir oo ay ku taal Caasimadu, arintaa nadiifinteeda iyo sidii wax looga qaban lahaa waxaan la kaashan doonnaa Qaramada Midoobey, waxaana khatar ku jirta nolasha dadka,, waxaana talaabo laga qaadi doonaa Dadkii amuurahan ka dambeeyey marka Dalka Nabadgalyadisia la sugo†Waxaa Isku soo duwey: Agaasimaha Eng.Mowliid Haji Abdi. Isha Warka Wargeyska Al-Sharqal-awsat.
  21. Beesha Digil iyo Mirifle oo maanta Shir Gacan ka hadal ka dhashay ku yeesheen Muqdisho (Maxay ka Yiraahdeen Shariif Xasan iyo Maleeshiyooyinka Muqdisho laga saaray) Gacan ka hadal iyo aragti kala duwan ayuu ku dhamaaday shir abaabulkiisa uu lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayna ka soo qeybgaleen xubnaha Xildhibaanada Beesha Digil iyo Mirifle iyo odayaasha iyo waxgaradka beeshaas oo maanta ka dhacay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho. Xildhibaannada Baarlamaanka ku jira kana soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa odayaasha Beelahaas ka dalbadeen inay taageeraan dadaalada Nabadda ka socda Xamar, in laga shaqeeyo sidii Shariif Xasan ku tagi lahaa Baydhabo iyo 2 qodob kale. Shirka oo (Waqtiga Muqdisho 13:00) dhamaaday ayaa odayaasha Beelaha Digil iyo Mirifle waxay ku eedeyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaannada kale inay sabab u yihiin dagaalada ka socda Baydhabo, waxayna sheegeen in maleeshiyada lagu xareeyay Hiil Weyne iyo Laanta Buuro ay yihiin kuwa Difaaca u ah Xildhibaan Xaabsade haddii Baydhabo weerar ku soo qaadan Wasiirada Xudur Intaas kadib ayaa dagaal gacan ka hadal ah waxaa uu dhex maray Xildhibaan Macalin Jiis iyo Nin oday ah oo lagu magacaabayay C/risaaq Maxamed Ibraahim,iyadoo buuq badan iyo khilaaf xun meesha ka dhashay. Waxaa shirkii isaga baxay Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Digil iyo Mirifle,iyadoo Xildhibaannadii keligooda ku soo haray halkii shirka ka socday. Shariif Xasan oo markaasi ku sugnaa Hotelka Saxafi ayaa waxaa uu ku sigtay in lagu bannaanbaxo, wuxuuna ku cararay qolkiisa sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah wariyeyaashii kulankaas ka qeybgalay. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  22. ISBAAROOYIN CUSUB OO KU SOO KORDHAY WADADA ISKU XIRTA XAMAR IYO AFGOOYE Waxaa sii xumaanaya ammaanka wadada isku xirta Degmada Afgooye iyo muqdisho kaddib markii ay halkaasi ku bateen isbaarooyin cusub oo gaaraya 12-jid gooyo kuwaasoo baabuurta ka qaada lacagaha baada ah ee loo yaqaan Leejada. Wararka ka imaanaya degaanadaasi ayaa sheegaya in halka loo yaqaan Siinka dheer ay ku xayiran yihiin gaadiidka xamuulka ee u kala goosha gobolada Muqdisho, Shabeelaha Hoose iyo Jubooyinka, kuwaasoo awoodi waayay inay iska bixiyaan lacagaha xad dhaafka ah ee ay soo rogeen isbaarooyinkaas cusub ee ku teedsan wadada. Warku waxa uu intaa ku darayaa in halkii isbaaro ay Gaadiidka yar yar ee BL-ka ka qaadaan lacago u dhaxeeya 30-Kun ilaa 50-Kun Sh.So., halka Gaadiidka xamuulka laga qaado ku dhowaad Hal Mayn Sh.So. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in saddex qof ay ku dhaawacmeen mid ka mid ah isbaarooyinkaas, kaddib markii Gaari Hilux ah uu jiiray Jid-gooyo tiilay mid ka mid ah isbaarooyinka yaala wadada isku xirta Xamar iyo Afgooye, taasoo ay Rasaas huwiyeen maleeshiyadii fadhiday isbaarada, dhinaca kale waxay saameyn ku yeelatay jid-gooyooyinkaasi dadaalka nabadeed oo ay xubnaha labada Gole ka wadaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo sheegay in tiknikada iyo maleeshiyooyinka laga saaray Muqdisho isla markaana ay qaadi doonaan isbaarooyinka.
  23. Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Xukuummadda FKMG ah iyo wefti u hoggaaminayo oo maanta u kikictimay Puntland Posted to the Web May 28, 18:51 Nairobi:-Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khyaraadka Badda ee Xukuummadda FKMG ah Xasan Abshir Faarax iyo Wefti uu horkacayo ayaa waxay maanta ka dhoofeen Nairobi,iyagoo ku sii jeeday Puntland,waxayna ka dagaysay Diyaaradii Weftigaas waday Gaalkacyo. Wasiirka iyo Xubnihii safarkiisa ku weheliey,kana mid ahaa Ergadii Soomaaliyeed ee ka qaybqaadanayey shirkii dib u heshiisiinta ee lagu dhisay Xukuummadda FKMG ah ayaa waxay qayb ka ahaayeen barnaamijka dib u guuritaanka gudaha dalka ee Dawladda FKMG ah,iyadoo maanta ay dib u dhacyo ku yimaadeen Wafuud dheeraad ah oo u kala duuli lahaa Gobalada dalka,inkastoo Wasiirka ku xigeenka Gadiidka Cirka iyo Dhulka Cabdullaahi Axmed Cabdulle ii sheegay inay beri dambe bilaaban doonto gaadgureyntii Ergadii Shirka Soomaalida. Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda FKMG ah Maxamed Cabdi Xayir(maareeye) ayaa shir jaraa'id oo uu maanta qabtay waxa uu sheegay inaysan waxba ka bedelin wakhtigii Ra'iisal wasaaruhu u qabtay in dalka dib loogu laabto,isagoo intaas ku daray inay bilawdeen Ergadii shirka dib u noqoshadoodii gudaha dalka,islamarkaasna maalmaha soo socdo xawligoodu bixi doono,ayna ku kala noqon doonaan dhamaan Gobolada dalka. Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya Weftigii Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka badda ee Xukuummadda FKMG ah ayaa waxay sheegayaan inay ka dageen Galabta Garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo,islamarkaasna halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyey. Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo Puntlandpost,Nairobi,kenya
  24. Nairobi: Dawladda FKGS oo bilowday Daad guraynta Ergooyinkii ka qaybgalay shirkii lagu soo dhisay DFKGS - Saturday, May 28, 2005 at 15:26 Nairobi(AllPuntland)-Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya waxaa kabilowday daad guraynta ergooyinkii ka qayb qaatay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee soo gabo gaboobay. Kaaliyaha madaxwaynaha DFKGS Daahir Mire Jabriil oo u waramayay Idaacadda Daljir ayaa sheegay in daad gurayntu ay bilaabatay oo lagu hormarayo ergooyinkii ka qayb qaatay shirka Kenya oo tiradoodu gaarayso 200 oo xubnood. Wuxuu intaasi ku daray in xubnaha dawladda Ka tirsanna ay labada todobaad ee soo socda guduhooda ay kaga dhammaan doonaan magaalada Nairobi. Mar wax laga waydiiyay Daahir Mire Jabriil goobaha ay kala aadayaan ergada daad gurayntooda labilaabay ayuu sheegay in loo kala dirayo dhammaan gobollada Soomaaliya ee diyaaraduhu tagi karaan , wuxuuna ku tilmaamay gobollad Baay , Muqdisho , Puntland , Jowhar iyo meel walboo diyaaradi ku dagi karto. Mar wax laga waydiiyay sida laga yeelayo dhibaatooyinka magaalada Baydhabo ka jira haddii ay sidooda ahaadaan sidee dawladdu halkaasi ku dagi kartaa ayuu sheegay , dawladdu waxay isku raacday in ladago Baydhabo iyo Jowhar wax walboo jirana dawladda ayaa ka fakaraysa arimaha noocaas ah . Daahir Mire Jabriil oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qorshaha dib ugu guuridda ee dawladda uu socon doono maalmahan foodda inagu soo haya oo dhan , uuna dhammaan doono marka Laba todobaad . CC.Farayaamo
  25. Gaalkacyo: Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DF Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo Gaalkacyo yimid - Saturday, May 28, 2005 at 15:23 Gaalkacyo (AllPuntland)- Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DFKGS Mud: Xasan Abshir Faarax iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo. Wafdiga Xasan hogaaminayo waxaa kamid ah Agaasimaha guud ee Bangiga dhexe ee DFKGS Bashiir Ciise, Ujeedada Socdaalka Wasiirka ayaa lagu sheegay inay tahay inuu ka qayb qaatlo Munaasbadda Caleemo Saarka Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse oo maalinta Isniinta ah lagu wado inay ka dhacdo dooxada Sallaxley ee duleedka magaalada Garoowe. Maamulka gobolka Mudug , degmada , qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee DFKGS kusoo dhaweeyay Madaarka . Nasasho kadib ayaa lafilayaa inuu Xasan Abshir Faarax u kici timo magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland halkaasi oo uu ka soconayo diyaar garoow ballaarn oo loogu jiro xafladda Caleemo saarka Islaan Ciise Islaan Maxamed. Socdaalka Xasan Abshir ayaa kusoo beegmay xilli ay DFKGS bilowday daad guranta ergada kala duwan ee ka qayb qaadatay shirkii dib u heshiisiinta Kenya. CC.Farayaamo AllPuntland